Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng C/raxmaan Yariisow oo Amar cusub soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow oo saaray amar cusub ayaa ku amray dadka degen xarunta Jaamacada Gaheyr ay isaga baxaan.

Eng C/raxmaan Yariisow, ayaa muddo labo todobaad ah u qabtay dadka degen xarunta Jaamacadda, waxaana uu sheegay haddii ay ku bixi waayaan muddada loo qabtay in ciidamada booliska gobolka ay ka saari doonaan.

Waxaa warqada kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir lagu sheegay in dhawaan xarunta Jaamacada Gaheyr lagu bilaabi doono dhismo si loo soo celiyo Jaamaacada isla mar ahaantaasna dhisida xaruntaani ay hormuud ka ahaan doonto wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka.

Amar midkaan lamid ah aya horaan sidaan oo kale dhowr mar oo kala duwan lagu bixiyay in dadka dagay xarunta Jaamacada Gaheyr ay isaga guuraan balse ma uusan dhaqan gelin.

Laakiin markaan waxay u muuqataa in amarkaan uu dhaqan geli doono maadama taliska Booliska Gobolka Banaadir la faray in ay ka saaran dadka degan xarunta Jaamacada wixii ka dambeeya mudada loo qabtay.

Dhismayaal badan oo dowladda ay laheyd ayaa waxaa degaansaday shacabka Soomaaliyeed, waxii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this