Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Fadhi Ku Dhereg

Recommended Posts

Shabakad budhcad ah oo loo yaqaan fadhi ku dhereg oo lacag muddooyinkii u dambeeyay sifo khiyaamo ah kagaga urursanaysay dad badan oo ka mid ah bulshada reer Hargeysa, ayaa la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

 

Lacagtaas oo uu cadadeedku aad u badnaa laguna qiyaasayo boqolaal kun oo dollar, waxa ururinaysay haweenay wakiil u ahayd kooxdaas budhcadda ah oo la sheegay in saldhigoodu yahay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana marka uu qofku lacag u geeyo uu bil kasta ka helayay lacag ku jaan go'an hadba cadadka uu dhigtay, taas oo dad badan hunguri gelisay. Haweenaydan oo iyadu ahayd wakiilka ay lacagtu ku soo ururto ayaa la sheegay in habeen hore laga waayay magaalada Hargeysa, waxaanay dad badan oo gadoodsani shalay ilaa xalay tagayeen gurigeeda Hargeysa, laakiin ma jirto cid ka haysa wax war ah oo la xidhiidha halka ay ku dambaysay, waxase la sheegayaa inay magaalada ka baxday.

 

Haweenaydani waxay gudaha Hargeysa ku lahayd dad kale oo wakiilo u ah oo lacagta u soo ururiya, laakiin haweenkaas qudhooda ayay khiyaamaysay oo ay kala baxsatay xoolihii ay u dhiibeen, waxaana hadda isku jiq ah dadkii lacagta lagala baxsaday iyo wakiiladii ay lacagtooda u dhiibeen.

 

Qaar ka mid ah haweekaas wakiilada u ahaa gabadhaas ayaa xalay Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inaanay ogayn meel ay haweenaydaasi ku dambaysay. "Waxaanu ku war helnay iyadoo aan joogin magaalada, dadkii lacagta noo dhiibtayna annagii ayay na haystaan." Sidaas waxa tidhi haweenay ka mid ahayd wakiilada ay gabadhani lacagta kala baxsatay, oo codsatay in aan magaceeda la xusin. Waxana jira warar sheegaya in xubno ka mid ah wakiiladan iyagana la la'yahay, kuwaas oo loo malaynayo inay iyaguna la baxsadeen lacagtaas.

 

Sidoo kale mid ka mid ah dadka lacagtiisa lala baxsaday ayaa isagoo xalay Geeska Afrika u waramay waxa uu yidhi, "Ma garanayno meel ay ku dambaysay, waxaanu ku war helnay wakiiladii oo iyadii raadinaya, waxaanay u muuqataa in lacagtaasi galbtay."

Dadka lacagta ku aaminay kooxahan, ayaa la sheegay inay isugu jiraan dad xaraashay guryahooda, kuwo jagooyin iibiyay, kuwo dahabkoodii faasaxay iyo kuwo ku kallifay in ehelkooda oo dibadda joogaa inay lacag u soo diraan, waxaanay dhammaantood ujeedoodu ahayd inay si fudud u taajiraan.

 

Marka uu qofku lacagtiisa dhiibo lama siinayo wax aqoonsi ah oo caddaynaya in lacag cadadkaas leeg laga hayo, sidoo kale looma sheegayo waxa lagu qabanayo, wax damaanad ahna lama siinayo. Inkastoo ay culimada waaweyn ee Somaliland in badan ka digeen sifaha sharci iyo in sifahan macaamil yahay mid xaaraan ah, haddana dadweynaha lacagta lagala goostay waxa ay baaqyadaas culimada ka furaysteen dhegaha, waxaanay hadda ku jiraan xaalad is ciil kaambi ah, iyagoon war iyo wacaal toona ka hayn halka ay lacagtoodu ku dambaysay.

 

Magaalada Hargeysa ayaa tan iyo markii uu soo baxay warkaas dhiilada lihi waxa guryo badan laga dareemayay xaalad murugo ah, waxaana tan iyo xalay xaafadaha Hargeysa qaar ka mid ah gaaf wareegayay dad badan oo ka mid ahaa kuwa lacagtooda waayay.

Sifahan ay kooxdan budhcadda ahi ku dhacday lacagta tirada badan ayaa la sheegay inuu yahay mashruuc lagu soo tijaabiyay dalal kale oo markii lacagtii lagaga urursaday lagala goostay, waxaana la sheegay in qisooyinkan oo kale ay ka dhaceen wadamada Kenya, Somaliya iyo Imaaraadka Carabta.

 

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Macalin Cabdi (Carab) oo ka mid ah culimada Somaliland oo xalay nagu soo booqday xarunta Geeska Afrika, ayaa ka hadlay haweenaydan la waayay, waxaanu yidhi, nagu soo booqday xarunta Geeska Afrika, ayaa ka hadlay haweenaydan la waayay, waxaanu yidhi, "Walaalayaal in badan baryahan waxa inagu soo noqnoqnayay wax ay dadku ku sheegayeen inay yihiin (Share), culimadu markii ay baadhay waxay ogaatay in noocaa lacagta loo ururinayaa aanay ahayn shay banaan oo ay tahay ribbo ah oo dadka lagu dhacayo, inay tahay lacag dulsaar ah dadkan waxa la siinayaa oo lacagtoodii laga siinayo iyo lacag booba oo dadka lacagtoodii iyo hantidoodii baadil iyo xaaraam lagu qaadanayo."

 

Sheekh Carab, waxa uu intaas raaciyay, "Walaalayaal Culimadu way digtay oo in badan ayay warbaahinta, Masaajiida iyo garoomada ka sheegtay oo culimadu way cadaysay oo fadwooyin badana way ka baxisay in lacagta noocaa lagu guranayaa ay tahay xaaraam wayna uga digtay in dadku lacagtooda ay ka daystaan. Haddaba waxa soo baxaya in lacagtii la dhacay oo qofkii guranayay baxsaday, taasina waa tii aanu ka digaynay. Waxa loo baahan yahay in qofka muslimka ahi uu garaad yeesho, qof 10,000 doolar ku dhiibaya gidaar oo aan damiin iyo damaanad iyo heshiis midnaaan lahayn oo uu hadhow u raacayo, caqliga Saliimka ahi wax shay uu ogolaan karo maaha, diinta Islaamkunam ogolo lacagtaa gidaarka lagu dhiibayo. Qofkuna haddii uu isagu jeebkiisii dhacayo cid celin kartaa ma jirto, waanuna u sheegnay Booliska, waxayna noo sheegeen in ay iyagu isku dayeen inay wax ka qabtaan, laakiin qof isagii wixiisii la ordaya oo la guura galaya cidna kama waardiyaynayso. Hantidaasina waxa ka masuul ah qofkii qaatay oo lagu leeyahay."

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANTARA   

Originally posted by Suldaanka:

 

Jiif oo Jaq, Fadhi Ku Dhereg, Fadhi ku Macaash, Faa’iido Fudud
:D

 

walee caadi ma ahan...they are very good at marketing , aren't they?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jiif oo Jaq

loool. Innaba caadi ma aha magacani. Islaamihii "jiif oo Jaq" markay maqleen ayay guryahoodii iibiyeen. Subhanalah.

 

This sound like a ponzi scheme similar to the one Maddof orchestrated.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekooyinka Qosolka Leh ee ka Dhashay Mashruucii Fadhi-ku-macaash

 

 

Hargeysa (Jam)- Badi shacbiga ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee dalka, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay la dawakhsanaa ka hadalka mashruuc aan noociisa hore loogu arag geyiga Somaliland oo koox maafiyo ah dadweynaha kaga urursadeen malaayiin dollar oo loogu sheegay in macaash u dhalayaan.

 

 

Mashruuca dhaca casriyeysan ah loo bixiyey Fadhi-ku-macaash, balse hadda isu beddelay in dad tiro badan oo hantidooda geliyey taagna ku ooyaan, ayaa waxa ka soo ifbaxay waxyaabo qosol iyo maad xambaarsan oo ka dhashay sheekooyinka iyo hadal-haynta qisadaas oo ah mid aan lahayn sal iyo raad loo raaco halkuu maray adduun lagu qiyaasay dhawr milyan dollar oo si khiyaamo ah looga urursaday kumanaan qof oo reer Somaliland.

 

 

Dhacdooyinka la yaabka leh ee fadeexadda mashruuca Fadhi-ku-macaashka ee fashilmay ka dhex abuureen bulshada ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan dadka tirada badan ee hantidoodii waayey, kuwaasoo raabo-raabo iyo raxan-raxan u tuban suuqyada iyo saldhigyada booliska hortooda, ayaa waxa ka mid ah in qaarkood ku kala jabeen cidda ay u gudbinayaan dacwadda ku baadi-goobayaan xoolahoodii dhacmay, iyadoo qaarkood ku doodayaan in arrinta loo bandhigo culimada diinta, si xukun shareecadda islaamka waafaqsan uga xalka dhacdadan, halka kuwo kalena wateen firkad taas ka duwan oo ah in kiiska la geeyo hay’adaha garsoorka ee dawladda sida maxkamadaha iyo booliska.

 

 

Arrinta qosolka iyo xiisaha badan leh ee ka soo dhex baxday doodaha kala duwan ee dadka isku ujeeddada u socda, ayaa ah kadib markii ay dadkaas badhkood maqleen in culimada diintu xaaraan ku sheegeen qorshihii lacag urursiga ee fashilmay, isla markaana xisaabta lagu soo saaro doono macaash saddex-jibbaar ka badan raasamaalkii khammaarka dhigteen oo ay heleen muddadii hawshaas ku jireen, sidaa awgeedna shareecaddu ku xukumi doonto inay iska bixiyaan lacagta ribadaha ee ku maqan, marka laga jaro xoolihii ay ku darsadeen mashruuca Fadhi-ku-macaash, waxaanay dadka noocaas ah ku andacoonayaan in kiiskooda la tagaan hay’adaha garsoorka ee dawladda.

 

 

Haseyeeshee, waxa jira qolo kale oo iyagu fikraddaas ka soo horjeeda, aaminsanna in dacwadda hantida laga dhacay u geystaan culimada diinta, kuwaasoo u badan dad iyagu dhowaan ku biiray mashruuca sida sharci-darrada ah loogu urursaday xoolaha ummadda, isla markaana wax nacfi leh oo la sheego kaga soo noqon hantidoodii, kuwana aanay koob biyo ah ka cabbin macaashka beenta ah ee lagu furtay.

 

 

Sidaa awgeed, doodda labada dhinac oo ahayd mid labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhex oognayd dadweynaha tirada badan ee ku caydhoobay mashruucaas aan raadka lahayn, ayaa noqotay mid daaha ka fayday faallo dad badan dareenkooda taabatay oo ah; maadaama aan qof keliya garanayn waxa lagaga shaqaynayey maalka sida dhibta yar looga qaaday ee loogu sheegay inuu u dhalayo macaash joogto ah, in lacagaha malaayiinka dollar ah ee la waayey inteeda badan tahay faa’iidada xad-dhaafka ah ee dadka la dhacay badhkood ku hodmeen hantida ka maqan kuwa caydha iyo qoomamada ka macaashay fadhi-ku-dhereggii ay filayeen iyo weliba fadeexad fool-xumo huwan.

 

 

Sidoo kale, faallada laga bixiyey aaraahda labada dhinac ee ku wajahan halka ugu habboon ee ay gudbin karaan dacwadda ku raadinayaan xoolahoodii khayaaliga lagaga urursaday, ayaa iyana noqotay mid saamayn weyn ku yeelatay xiisadda doodaha labada geesood, waxana dhexdooda ka abuurmay dareenno tuhun leh xambaarsan oo dadka aan wax macaash ah qaadan ka muujiyeen in faa’iidooyinka culus ee qaar shacbiga la dhacay ka mid ah ku dhufteen yihiin hantidii iyaga laga qaaday ee aanay garanayn meel ay kaga sheekeeyaan iyo siday u khasaareen toona, waxaanay arrintaasi sii xoojisay mowqifka kooxaha doonayey in kiiska loo celiyo dhinaca shareecadda oo aan dadka islaamka ah u bannayn qaadashada maalka ribada ah, bal si markaa wax uun uga helaan hantida xaaraanta ah ee iska celinayaan dadka iimaanka leh ee sida khaldan wax looga dhaadhiciyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANTARA   

some of them lost all the savings they made. ninka reer magaalka in the interview may be blaming woman for this.. he said naagtuna naaag kale ayey u dhiibtey and then naag kale ayey u sii dhiibtey adn so on and now he doesn't knows the actual woman who was collecting the money. The guy thinks there is jin involved.

 

 

watch it

.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this