Sign in to follow this  
ADNAAN

Maahmaahyo Cusub oo xul ah

Recommended Posts

ADNAAN   

Aqoontaa meel ay ku gaadhsiiso ehelkaa kuma gaadhsiiyo

 

Badda iyo cilmiguba way sii balaadhaan

 

Baashaal ardaygii bartaa ma baaso

 

Baryo rabbi waa lagu barwaaqooba mid biliadamna waa lagu basaasaa

 

Tacliintu waa tiirka nolosha fiicani ku taagan tahay

 

Taajir ma waayo la taliye

 

Taajir nin ismooday looma taag helo

 

Jaamacad nin ka qalin jabiyey waa loo joogsadaa

 

Xoolo nin leh waa la xurmeeyaa xilnin hayana waa la xantaa

 

Diin nimaan lahayn iyo awr aan dabar lahayniba way kugu durduriyaan

 

Doolar nin arkayaa ma dareemo daal

 

Gooni isku taag gar bay u leeyihiin cidii wax gocanaysaa

 

Fadhi laguma helo fiise

 

Seddex leyda

 

Seddex seddex baa ilaaliya

1.dastuurbaa dawladnimo ilaaliya

2.duqaybaa danaha beelaha ilaalisa

3.doorashaa dimuquraadiyad ilaalisa

 

Seddex la iskuma kiciyo

1.haween la iskuma kiciyo

2.hammi-dhoof la iskuma kiciyo

3.hogaamiye kaa xoog weyn la iskuma kiciyo

 

Seddex seddex baa qiimo dilay

1.qiimiihii caanaha cagad baa dishay

2.quruxdii dumar na iscadayn baa dishay :D

3.qoodhii ragna qayilaad baa dishay

 

Seddex seddex baa laga faaiidaa

1.jaad fikir baa laga faaiidaa

2.jabhadnimana silic baa laga faaiidaa

3.jimicsina caafimaad baa laga faaiida

 

 

Waxa curiyey maahmaahyadan macalin:cabdi casiis maxamed yoonis(ansaari)

Email:ansaari25@hotm ail.com

Tel;00 252 2 4175733/65325349 hargeysa,Somaliland

u_2d_2009-4-19-8-22-36f_ansari.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this