Sign in to follow this  
Abtigiis

Ramadaan present to Prometheus

Recommended Posts

Abtigiis   

Bismillaahi Noo Diran

WT. Bashir Sh. Omar Goth

August 25, 2009

 

Maansadan waxa waxa aan curiyay bishii February 18 keedii 1985. Xilligaas waxa aan si xoogle u akhriyi jirey falsafadda reer galbeedka gaar ahaan hal doorkooda ay ka midka yihiin Friedrich Nietzsche and Jean Paul Sartre iyo kuwa kale oo ahaa raggii hormuudka u ahaa aragtida loo yaqaan existentialism. In kasta oo aan dhab ahaantii aad u jeclaystay doodahooda, haddana igama ay bi'in harraadkii aan u qabay raadinta iyo ka gun gaadhidda runta iyo arrimaha xaqiiqada ah.

 

Markaas ka dib ayaa waxa aan bilaabay in aan u jeesto akhrinta cilmi suufiyada Islaamka, gaar ahaan Al Ghazali iyo kitaabkiisa yar ee la yidhaahdo "Al Munqid Min Al Dalaal" iyo labadii kitaab ee ay iskugu jawaabeen isaga iyo Ibn Rushd oo kala ahaa, Tahaafut Al Falaasifa oo uu qoray Al Ghazali iyo Tahatful Attahafut oo uu qoray Ibn Rushd. Waxa kale oo aan iyana aad uga bogtay aragtidii suufiyada ee Ibn Carabi iyo Al Hallaj, Junayd, Abdulqadir Al Jilani, Ibn Rumi iyo culimo kale oo badan.

 

Taana waxa iiga sii horreeyey aniga oo intaan Soomaaliya joogay si xoogle u muquurtay falsafadii shuuciyadda oo saamayn badan ku yeelatay fikirkayga intii ay weli maskaxdaydu curdinka ahayd.

 

Aniga oo haddaba doodahaa badan la daalaa dhacaya, una ciirsan dhinaca falaasifada Islaamka, gaar ahaan cilmi suufiga, ayaan habeen habeenada ka mid ah sheekaysannay rag Soomaaliyeed oo qaarkood yihiin diktoorro shahaadado ku qaatay maaddooyinka ay barteen, hase yeeshee aan wax badan ka aqoon falsafadaha aan anigu mashquulka ku ahaa. Waxaan intayadiiba isku raacnay oo aan iskugu jiibinnay wax markii dambe caqligayga iyo dhimirkayga u cuntami waayey. Nimankaa ay dooddo na dhex martay waxa ay ka soo jeedeen qoysas waranleyaal ah, oo markaa la odhan karo xadhko adag diintu kumay hayn. Aniguse wax aan ka soo jeeday aabbo iyo hooyo ahlu diin ah oo mar kasta oo aan darjiidhis ku dhawaadaba ay i seetaynaysay xusuustii tafsiirkii aabbahay allaylka iyo galabtii culimada u akhriyi jiray iyo hooyaday oo Quraanka hablaha iyo haweenka u dhigi jirtay anigana ahayd macallimaddaydii kowaad.

 

Dooddaas ka dib waxa aan dareemay aniga oo ka sii siibanaya dhaqankii diineed ee aan ku soo koray ee quruxda iyo degnaanshaha badnaa. Waxaan arkay in aan wixii aan akhriyey ka kasbaday uugaan iyo xasilooni darro keliya. Markaas bay ilmo igu soo joogsatay aniga oo sariirta jiifa, waxaana igu soo booday cutubka ugu horreeya maansada oo ah:

 

Deyran, Deyran, Deyran

Bismillaahi noo diran

Balaayooyin duuliyo

Wixii duumo cudur jira

Daa'imow na baal mari...

 

Dabadeed intaan qalin iyo warqad haabtay ayaan dhammaystiray. Markaan akhriyey ayey naxariisi i gashay oo sidii qof xanuunsanaya oo taxliil lagu akhriyey ayuu ii noqday deyr malayko oo aan si fiican u seexday.

 

Deyran, deyran, deyran

Bismillaahi noo diran

Balaayooyin duuliyo

Wixii duumo cudur jira

Daa’imow na baal mari

 

***

In kastoon dambiiliyo

Anuu daayac weyn ahay

Ka hallaabay dooddii

Dacwaddii Ilaahiyo

Dawgaan ku soo koray

Diidi mayo abidkay

 

***

 

Cilmi dunida yaalliyo

Kun digtoora oon helo

Ima doorin karayaan

 

***

 

Daliilkii Quraankiyo

Xadiis laga dillaacshiyo

Run baan dabada haystaa

 

***

Awliyada dawaaftiyo

Kuwa Eebbe soo diray

Dawgay mareen baan

Sii daba tumaayaa

 

***

 

Dhaqanka iyo diintuna

Sida diirka oogada

Midabkayga dugulkeen

La ii doorin karahayn

Waa xidid dubaaqiyo

Dabacaygu yeeshoon

Sina iiga duugmayn

 

***

 

Tacliintaan durduurteen

Dugsiyada ka soo helay

Noqon mayso dawlaab

Haddaan diintu garab ool

 

***

 

N.a.c.a.s baa dulbaaxshoo

Sheekaduu diktoor gaal

Buugagga ugu daabacay

Kaga booda dayrkoo

Ku deldela naftiisee

Anuu duur kastoon xulo

Ma darjiidho abidkay

 

***

 

Diintuu lahaa iyo

Dhaqankiisi dahabki

Ninkii doojin waayee

Digriigiisa fuulee

Madaxiisa door biday

Waa weel dalooshamay

 

***

 

Waa sida digaaggii

Kibir dacasha taagee

Daaciisa ciiddiyo

Inay dunidu kelidii

La dumayso moodee

Diiday lugaha meel qudha

Darandoorri mooyee

Inuu meel is daba dhigo

 

***

 

Waa malab dameer sido

Oon dahabka guud yaal

Culayskiisa daashaday

Inuu daadsho mooyee

Nafci kale ka doonayn

 

***

 

Waa baal dalwanayoo

Dabayluhu eryaayaan

Cilmiguu ku daaluu

Daranyada u soo maray

Hoos uguma daadegin

 

***

 

Ninka soddonka deeqdiyo

Daalacday Quraankee

Ku dabbaqay aqoontee

Sharaxiisa daba galay

Cilmi dunida yaalloo

Ka dahaadhan maan garan

 

***

 

Hadday tahay dabaylaha

Dayaxaa la fuuliyo

Dusha sare wixii jira

 

***

 

Badda dawanka weynliyo

Buuraha dabbaaliyo

Ciiddaan dul joogneen

Ka dalgayno maadhkiyo

Hadday tahay wax duur gala

Iyo duunyo xoolaad

 

***

 

Dadka uu Ilaahay

Garaadka ugu deeqee

Uunka daadaheeyiyo

Shimbiraha dawaafiyo

Xasharaadka duuliyo

Hadday tahay duduma iyo

Midka gala dalool geed

 

***

 

Dhirta damalka weynliyo

Dooggiyo xareeddiyo

Hadday tahay durdurradaa

Daymaha waraabshee

Buuraha ka daadega

 

***

 

Dadka kala wadkiisiyo

Hadday nolol distoorliyo

Tahay dawlad iyo xeer

 

***

 

Doc kastoo la eegaba

Daliilkii Quraankiyo

Xaqu wuu ku soo degay

 

***

 

Runta dunida taallee

Daa’im noogu baaqiyo

Digniinaha ilaahay

Ninkii diiday yeelkii

 

***

 

Weli diinta qayboo

Samuhu uu ka daalacay

Oo doobir khayrliyo

Darajooyin weynloo

Markuu samada daymada

Dusha sare jalleecuu

Wejigiisu soo dego

Isagoon dabuub celin

Cirku soo darrooroo

Daruuruhu hillaacaan

Ninka dood u yeeshee

Daniyaaya xeeshii

 

***

 

Anuu dhaqanka diintiyo

Dermadaan ku soo koray

Doorin maayo abdikay

Ducadii qubuurtiyo

Dikrigii arddaayadu

Dookhayga laabtuu

Doobaar ku yeeshoo

Waa daabac jiidhkiyo

Ku dahaadhan beerkoon

Dugsadaa abiidkay

Oon la iga dumin Karin.

 

Bashir Goth

Email: bsogoth@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Rasuulkii, s.c.w, ayaa laga hayaa ilaahow labada Cumar mid noo soo islaami.

Ilaahow labada R (Rhazes iyo Raamsade) mid noo islaami, niman sahlan ma ahe. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Rhazes confesses to be a Muslim, saaxib. Raamsade never did. No matter the faults of the former, he should never be compared to the latter.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Abtigiis & Tusbax:

Ilaahow labada R (Rhazes iyo Raamsade) mid noo islaami, niman sahlan ma ahe.
:D

lol@labada R :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

(QUOTE)

Awliyada dawaaftiyo

Kuwa Eebbe soo diray

Dawgay mareen baan

Sii daba tumaayaa

 

***

 

Anuu dhaqanka diintiyo

Dermadaan ku soo koray

Doorin maayo abdikay

Ducadii qubuurtiyo

Dikrigii arddaayadu

Dookhayga laabtuu

Doobaar ku yeeshoo

Waa daabac jiidhkiyo

Ku dahaadhan beerkoon

Dugsadaa abiidkay

Oon la iga dumin Karin.

(QUOTE)

 

smile.gif :eek: smile.gif :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar ninkan Bashir ilayn waa nin dawakhay oo cirka u kaaji gaadhay ,,,,, :D

 

Ma la inaga hubaa inaanuu berri ina odhan diintaa iyaduna i sii waashay ? lool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

The tix is impressive... ***

 

"Anuu dhaqanka diintiyo

Dermadaan ku soo koray

Doorin maayo abdikay

Ducadii qubuurtiyo

Dikrigii arddaayadu

Dookhayga laabtuu

Doobaar ku yeeshoo

Waa daabac jiidhkiyo

Ku dahaadhan beerkoon

Dugsadaa abiidkay

Oon la iga dumin Karin."

Share this post


Link to post
Share on other sites
Neumann   

Originally posted by Som@li:

^Is Bashir saying, he is merely following Islam cuz his father, mother were good Muslims?

More or less. But isn't that what most people do, anyway?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mawkish. Insipid. And then there's the all-too-familiar reference to Sartre and Nietzsche, some such reference is invariably the stock-in-trade of all philosophasters with pretensions to philosophical erudition. (Aside: Sartre has always been the butt of a joke in the world of analytical philosophy, scarcely the paragon of clear thinking. Bertrand Russell's sardonic remark about existentiaist writing is fitting.) Has the author read (si xoogle weliba) the metaphysical moonshine of Sartre, Being and Nothingness, or the hogwash of Heideggar, Being and Time. If such was the extent of my exposure to science or philosophy, I think I too would find much solace in the silly rituals and jarring incantations of Sufism.

 

Neither interesting nor moving is the author's reminiscence about his childhood. However, one cannot help but feel a tad bit ruthful about the human condition; a condition fraught with morbid fears and hopes, wishes and anxieties, frailties and uncertainties. Those of us who are not tough-minded need the crutches of creed to hold us up. It matters very little what are the content of such creeds. The Director of the Human Genome Project, Francis Collins, is an illuminating instance of a scientist succumbing to the wretched human condition. Relating the story of his newly restored faith in the trinity, he writes

 

Nobody gets argued all the way into becoming a believer on the sheer basis of logic and reason. That requires a leap of faith. And that leap of faith seemed very scary to me. After I had struggled with this for a couple of years, I was hiking in the Cascade Mountains on a beautiful fall afternoon.

I turned the corner and saw in front of me this frozen waterfall, a couple of hundred feet high. Actually, a waterfall that had three parts to it -- also the symbolic three in one. At that moment, I felt my resistance leave me. And it was a great sense of relief.

The next morning, in the dewy grass in the shadow of the Cascades, I fell on my knees and accepted this truth -- that God is God, that Christ is his son and that I am giving my life to that belief.

Really? A water-fall with three parts is a divine sign of the trinity? Bashir Goth might not possess the rich scientific education of Francis Collins but he certainly shares the pyschology. In the Varieties of Religious Experience, the famed pyschologist of religion, William James, examined many disparate and eccentric religious experiences which left an indelible mark on the minds of those who had experienced it. The symbols proved to be almost insignificant. Vishnu had, he discovered, the same power to transform the lives of believers as Jesus, Allah, or Buddha. What else can explain the faith of Dr. Collins and Bashir Goth?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this