
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
FB, you're welcome .... I don't know everyone is saying "see u in two months" this year ,,,,, xageen waxan oo dad ah kala gayn bal ,,,,,,,,
-
And u said you were alone ,,,,
-
hadhwanaag 2009-05-05 (Hadhwanaagnews) Buuhoodle(HWN):- 4 qof ayaa dhintay 2 kalena way dhaawacmeen, ka dib markii iskudhac laba qof ka bilaaabmay oo rasaal laysku waydaarsaday saaka ka dhacay Magaaladda Buuhoodle ee Xarunta Gobolka sanadkii hore la magacaabay ee Buuhoodle. Wararka ka imana Magaaladda Buuhoodle, ayaa sheegaya in tirada dadka la ogyahay ee iskudhacan ku dhintay ay yihiin 4 qof, halka 2 qof oo kalena ku dhaawacmeen. Nin hubaysan oo la sheegay in uu doonayay inuu dilo nin meel Meherad ah horteeda fadhiyay oo la xusay in Xurgufi ka dhaxaysay, hase ahaatee, ninkii uu ninkani doonayay in uu dilo ee meesha iska fadhiyay ayaa Rasaas huwiyay ninkii isaga doonayay inuu dilo, isla markaana waxa ay rasaastaasi ku dhacday ninkii qoriga u sitay dilka ninka rasaasta furay iyo laba nin oo kale dhaawaco. Warku waxa uu intaa ku daray in dadkii Magaaladda joogay ee ay isku haybta ama ehelada u kala ahaa labadaas nin, kuwaasoo la sheegay in ay Rasaas is waydaarsadeen oo ay la kala safteen labada nin ee Xurguftu ka dhaxaysay, iyada oo iskudhacaasi sababay dhimashada 4 qof iyo dhaawaca laba qof, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan in tirada dadka falkaas ku dhaawacmay ay laba ka badan yihiin, hadana inta la xaqiijiyay dhaacawu waa 2 qof. Dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka Magaaladda Buuhoodle ayaa lagu soo waramayaa in uu intii hore ee maanta istaagay, isla markaana ay Magaaladdu khalkhal gashay, hase ahaatee, galinkii dambe ayaa la sheegay in ay xaaladdu deganaansho ku soo noqotay, ka dib markii ay Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanku ka hawlgaleen. Suldaan Siciid Cismaan Cali oo ka mid ah Madax-dhaqmeedka Deegaankaas, ayaa Laanta Af-soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay in ay weli hubinayaan dhimashada iyo dhaawaca isku dhacaas ka dhashay, isaga oo xusay in uu hubo saddex dhimasho ah, mid afraadna loo sheegay. Waxaanu Suldaan Siciid sababta iskudhacaas ku tilmaamay mid aan qayral-masuulnimo ku dhacay, nabadgalyada iyo wada noolaanshaha dadka deegaanka uun wax u dhimaya. Wariye Cabdifataax Siciid Jaamac (C/fataax-shalumaray ), oo ku sugan Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer oo Buuhoodle hore uga mid ahaan jiray Degmooyinkeeda, ayaa Hadhwanaagnews.com u Xafiiskeeda Hargeysa u sheegay Magacyada dadka iska horimaadkaas ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay isaga oo soo xiganaya dad goob-joog u ahaa dhacdadan oo isugu jira hawlwadeenada Caafimaadka Buuhoodle iyo Saraakiisha Booliska Somaliland ee Buuhoodle ku sugan sida uu sheegay. Magacyada Dadkii Geeriyooday ee uu Wariyahaasi noo soo gudbiyayna waxay u dhignaayeen sidan:- 1. Axmed Cumar Faarax (Ninkii markii hore weerarka soo qaaday) 2. Xasan Faahiye Xasan (Nninkii ay haleeshay rasaasta seeraarada ahi ee markii danbena beeshiisu weerarka qaaday) 3. Mahad Maxamed Dhantac (Ninkii markii danbe la dilay ee ay isku beesha ahaayeen ninkii hore ee wax dilay) 4. iyo Gabadh gaabiyey oo aan magaceeda sheegin, balse lagu soo koobay (Ina Maxamed Jaamac) Ninkii werarka lagu soo qaaday markii hore ee ka dibna rasaastiisu wax dishay: 1. Libaax Cabdi Ismaaciil iyo 2- Faarax Maxamed. Maagaaladda Buuhoodle oo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin badhtamihii sannadkii hore u magacaabay Gobol buuxa, hase ahaatee, hore u ahaan jiray Degmo ka tirsan Gobolka Togdheer, ayaan maamulka Somaliland si buuxda wakhtigan gacanta ugu wadahaynin, isla markaana waxa ka jira maamulo Somaliland iyo Puntland kala taabacsan, sidoo kale, dadweynaha ayaa kala qaybsan oo dawladda Somaliland iyo dhinacyada Soomaaliya kala raacsan. Sidaa daraadeedna, dadka Deegaanka ayaa la sheegay in ay inta badan hub gaar ay u leeyihiin sitaan ama isticmaalaan, taasoo meesha ka saaraysa xakamaynta tirada kooban ee Ciidamada Somaliland halkaas ka jooga.
-
Kidnapped yachtie returns to Somaliland to claim his yacht
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
U remember that one eh ? imagine ,,, they caught those guys the day after .... lool -
Very sad indeed ................
-
Wararka naga soo gaadhaya magaalada buuhoodle ee xarunta Gobolka cayn ayaa sheegaya inay gudaha magaaladaasi ay ka dhaceen Israsaasayn xoogan oo saaka barqanimadii laysku weydaarsaday halkaasi iyadoo ay ku geeriyoodeen inta la og yahay 4-qof oo mid kamid ahi yahay haweenay halka dhaawacuna tiro kale yahay . Dhacdadan ayaa la sheegay inay ka bilaabatay labo nin oo kasoo kala jeeda labada beelood ee iminka dagaalku dhex marayo israasayn islamrkaana uu mid kamid ah labadaas nin uu geeriyooday kadibna ay sii balaadhisay xaalada aar goosi ee dhinacyada magaalada buuhoodle taasoo la sheegayo inay sii xoogaysanayso xaalada dagaal ee ka jirta gudaha magaaladaasi . Sidoo kale dhaawaca ayaa la sheegayaa in qaarkood la geeyey magaalada burco halka qaar kalena lagu hayo magaalada buuhoodle ,labadan reer oo dagaalku u dhexeeyo ayaa laga soo sheegayaa inay dhimashada labo iyo labo kala marayaan. Ma cada sababta dhabta ah ee israsaayntan ka kacday iyadoo weli ay socoto sida laga soo sheegayo mana jiraan waan waan weli lakala dhex dhigay labadaasi beelood in kastoo wararka laga helayo magaaladaas iyo hareereheedaba ay sheegayaan inay ku howlan yihiin odayaal iyo wax garad doonaya inay xiisadan damiyaan
-
It is the democracy that the school kids are exercising .......... not available in the whole horn of africa .......... I'm proud of them really ,, very proud ........
-
Kidnapped yachtie returns to Somaliland to claim his yacht
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
'They will never catch a thing.' well, they did .............. -
Join Us To Congratulate Our Brother Dabshid For his ............
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in General
Waar dadka ha waalin niyow ,, -
Yes, i'm a Pan Africanist ...........
-
Are u sure she did not join the pirates ?? ,,,,,,
-
Tired of AMISOM troops being used as an excuse
Jacaylbaro replied to Sherban Shabeel's topic in Politics
Sh. hotel could be a bit smarter and convince those Arabs to bring troops to replace the amisom .... at least would be something for the people. -
Waar anigu meesha kuma jiro ........ Blame his guide ,,,,
-
Originally posted by Ms DD: Listen, Hadduusan ninka naagta jafeyn, kaasi nin ma aha! waxa la isu guursadaa sow in la is jafo maaha ?? ,,
-
Morning Sickness In Pregnancy Linked To Smarter Babies
Jacaylbaro replied to Kool_Kat's topic in General
Ehem ............ i should talk to my woman -
Tired of AMISOM troops being used as an excuse
Jacaylbaro replied to Sherban Shabeel's topic in Politics
Norf, and what was your plan for getting rid of AMISOM during the AY era ?? ,, i remember you were against the FOREIGN TROOPS .... -
hehehehehe ...... and she missed all the fun Last time they blocked her credit card ,,,,,
-
They're still missing in action ............... Where is Ibti anyway ?? ,, she ran with who ??
-
Tired of AMISOM troops being used as an excuse
Jacaylbaro replied to Sherban Shabeel's topic in Politics
What do u think of the supporters when Sh. Hotel himself is doing the same thing he opposed yesterday ? ........... all is fake, hypocrisy and double-faced ...... -
kk, Bal u kaadi dee ,,,,,,, NG, Where are u man ??,,, go on
-
Ciidamada Islaamiyiinta ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay burburiyeen qabriyo ku yaalay Gobolka J/hoose halkaas oo ay ku yaaleen ku dhawaad nus qarni iyadoo ciidamadani ay halkaasi ka burburiyeen qabriyada shalay gelinkii danbe oo hawlgal balaadhan ku qaadeen. Goobta qabriyada laga burburiyay ayaa waxa ay tahay meel 90km ujirta dhanka bariga magaalada Kismaayo lagauna magacaabo Kamsuuma halkaas oo ay ku yaaleen qabriyadu iyadoo markii ay halkaasi gaadheen ciidamada Islaamiyiinta ah ee Gobolka J/hoose ay markiiba bilaabeeen inay burburiyaan qabriyadaas. Dadka deegaanka ayaa waxa ay ka qayb qaateen burburinta qabriyadaasi iyagoo caawinayay ciidamada Islaamiyiinta ah ee hawlgalka lagu burburinayo qabriyadaasi ka fulinayay halkaasi taas oo ay ciidamada iyo waliba shacabka deegankaasi ay markiiba halkaasi ku burburiyeen qabriyadii halkaasi ku yaalay muddo nus qarni ah. Maamulka sare ee Islaamiyiinta ah ee Gobolka J/hoose ayaa amar kasoo baxay waxaa lagu fara inay ku fuliyaan qabriyadaasi la burburiyo iyagoo maamulka Islaamiyiinta ahi ay ku tilmamaeen in qabriyadaasi ay ku dhisan yihiin qaab aan sharciga Islaamka aan waafaqsanayn iyagoo ku tilmaamay inay qarka usaaran yihiin in la caabudo. Hadaba maaha markii ugu horaysay ee maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo uu bilaabo inuu burburiyo qabriyada noocan oo kala ah iyadoo ay horay u burburiyeen qabriyo kuyaalay galbeedka magaalada Kismaayo halkaas oo ay dhamaanba dhulka dhigeen qabriyada ay u arkaan inay ka hor imaanayaan sharciga Islaamka.
-
what else do u think they're doing there ? Do u think their lives are on risk for nothing ? why do they have to die in Afghanistan, Iraq and else where while they can simply stay in their respective countries ?
-
Wefti 36 xubnood ka kooban oo ka socda dawlada Somaliland, ayaa safar ugu baxay maanta wadanka Jabuuti. Weftigan oo ah kii ugu balaadhnaa ee noociisa ah ee socdaal dibada ah u baxaya, ayaa waxa hor-kacaya Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare), waxaana ujeedadiisu la xidhiidhaa shir Baanka Adduunku ku qabanayo, oo lagu naaqishayo waxqabadka shirkadaha Madaxabanaan ee Somaliland. Wasiirka Qorshaynta oo Saxaafada uga waramayay galabta ka hor intii aanu wegitigiisu ka ambo-bixin gegida Cigaal Airport ayaa sheegay inuu muddo laba maalmood ah socon doono, isla-markaana ay ku wehelinayaan 36 xubnood oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Maayaro, Madaxda Shirkadaha Ganacsiga Madaxabnaan ee wadanka ka jira. “Waxa ka soo qayb-galaya shirkan Baanka Islaamka, Baanka Horumarinta Afrika, USAID, Hay’adaha Horumarinta Ingiriiska iyo Hay’adda UNDP,waxaana lagu soo bandhigi doonaa muddada uu socdo waxyaalaha u qabsoomay shirkadaha gaarka ah ee Somaliland, si mustaqbalka looga taageero waxyaalo badan.”Sidaa waxa yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Md. Cali Sanyare. Wasiirka Qorshayntu oo ka hadlayay sababta shirkan khuseeya horumarka Somaliland loogu qaban waayay wadanka ee Jabuuti loola doontay waxa uu ku tilmaamay in Hay’adaha badankoodu in Jabuuti lagu qabto maadaamo ay Hay’adaha badankoodu xaruumo waawayn ku leeyihiin, sidaa darteedna ay fursad u tahay Somaliland u lagu qabto Jabuuti shir gaar u ah Somaliland. Kaasoo wax wayn ka tari doona sida uu sheegay isku soo dhawaanshaha iyo iskaashiga labada dal iyo shirkadaha.