Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. ,, I think some will say they are Murtadiin too ,,, looooooooooool
  2. Xalay fiidkii ayaa ninam culumaa’udiin ah lagala baxay aqaladooda oo ku yaala xaafadda Waxaracadde degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Ehelada Culimadaas aya waxay sheegeen in rag hubeysan oo watay Labo Gaari ay culimadaasi kala bexeen aqaladooda, mana la oga ila iyo hadda meel lala aaday iyo kooxaha afduubtay cidda ay ka tirsan yihiin ama ay yihiin. Waxa ay ehelada Culimadaas ay saxaafadda u sheegeen in Wadaadada la afduubay ay yihiin labo kuwaasoo lagu kala magacaabo Sheekh Maxamed Wehliye Dool iyo Sheekh Maxamed Abshir Aadan waxaana afduubayaasha la sheegay in ay indhaha ka xireen culimada ay afduubteen. Qaar ka mid ah ehelada dadka la afduubtay ayaa sheegay in rasaas ay kooxahani fureen ay sababtay dhaawaca Sheekh kale oo caan ah kaasoo ka mid ahaa dadka deegaanka.
  3. Eey tababaran oo Miino-baadhayaal ah ayaa markii ugu horreysay maanta Muqdisho la tageen ciidamada AMISOM ee howlgalada u jooga Muqdisho. Ciidamada AMISOM oo maanta ka fuliyay Muqdisho ayaa la arkay iyagoo eey adeegsanaya, kuwaasoo baadhaya Gadiidka iyo meelaha waddooyinka ka burbursan yihiin. Ciidamada AMISOM ayaa waxay howlgallada ay u adeegsanayeen Eeyda tababaran ka fuliyeen waddada isku xidhta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Km.4, kuwaasoo loo tababaray urinta waxyaabaha qarxa iyo hubka. Howlgalka maanta ay fuliyeen ciidamada AMISOM oo ahaa mid lagu tijaabinayay waxqabadka Eeydaas ayaa Gaadiidka gelaya gudaha Garoonka diyaradaha Muqdisho ay ku sameeyeen baadhitaan iyagoo sidoo kale waddada Laamiga ee agagaarka Garoonka qeybaha ka burbursan Eeydu ay ursanayeen. Eeyda oo ah kuwo noocooda aan Soomaaliya lagu arkin ayaa u tababaran urinta waxyaabaha qarxa iyo soo faagidda hubka dhulka hoose ku duugan, waxayna Eeydu yihiin kuwo dhulka urinaya, marka wax dareemaan faagaya. Afhayeenka Ciidamada AMISOM Captain Barigiye Bahoku oo la hadlayay Wargeyska New Vision ee ka soo baxa magaalada Kampala ee dalka Yugandha ayaa sheegay inay qandaraas cusub la galeen shirkad qaabilsan sugidda ammaanka, taasoo laga leeyahay dalka K/Afrika, waxayna heshiis kula galeen inay siiyaan Eeyaha loo carbiyay kahortaga walxaha qarxa, kuwaasoo uu sheegay inay u adeegsan doonaan howlgalladooda miino-badhrista iyo ka hortaga falalka isqarxinta ah oo aad ugu badan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Shirkadda ay qandaraaska la galeen ciidamada AMISOM ayaa lagu magacaabaa Bancroft Global Development, waxayna horey sidoo kale howlgallo miino baaris eeyaha loo adeegsanayo ay uga qabatay shirkaddaas dalalka Afganistaan iyo Ciraaq. Bohoku ayaa xusay in shirkadda Bancroft Global Development ee dalka K/Afrika ay sidoo kale kula heshiiyeen inay u tababarto saraakiil xirfad dheeri ah u leh ka hortagga iyo furfurista walxaha qaraxa sameeya, si buu yiri ay u yaraato halista miinooyinka ka dhanka ah ee ay adeegsadaan Islaamiyiinta ku kacsan dowladda Soomaaliya. =Dagaallada Muqdisho Oo La Isku Riix-riixayo Iyo Guulo Ay Kala Sheegteen Dowladda Iyo Kooxaha Ka Horjeeda Muqdisho(HWN):-Dagaa llada ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta sii kululaaday, isla markaana degaanno hor leh ku faafay. Dagaallada oo ka socda degaanno ka tirsan degmada Yaaqshid ayaa waxa uu sidoo kale ku sii faafay degaanno ka tirsan degmada Kaaraan, waxayna dhinacyada dagaallamaya ay isweydaarsanayaan hubka culus iyo midka fudud. Saddexdii malmood ee ugu dambeysay oo dagaalladu ay aad u cuslayeen ayaa waxaa la xaqiijiyay inay galaafteen nolosha dad ka badan oo kor u dhaafaya 200 qof, halka ay ku barakaceen dad kor u dhaafaya 70-kun oo qoys. Afhayeen u hadlay Xoogaga Mucaaradka, gaar ahaan Xisbul Islaam ayaa sheegtay inay dib u qabsadeen Saldhiga degmada Yaaqshiid, wuxuuna caddeeyay inay dagaalka guullo ka gaareen saanadna uga qabsadeen dhanka Ciidamada dowladda. Dowladda KMG ayaa iyana dagaallada haatan ka socda Muqdisho guulo ka sheegatay, waxaana dowladda u hadlay Wasiirkeeda Gaashaandhiga oo sheegay inay ka itaal roonadeen kooxaha mucaradka. Wasiirka ayaa isagoo ku sugan magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi waxa uu sheegay in ciidamada dowladda KMG ay guulo waaweyn ka gaareen dagaallada ay kula jiraan kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda isla markaasina ay kala wareegeen goobo muhim ah kadib marki sida uu yiri ay ciidamadoodu qaadeen howlgalo xariir ah. Ciidamada dowladda ayaa la xaqiijiyey inay dhinaca degmada Dharkenlay guullo ka gaaree, halka kooxaha mucaradka ay iyagana dhinaca degmada Yaqshid guulo ka gareen, laakiin dagaalladaa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah, iyadoo dagalladu ay noqdeen kuwa kolba meel u guurguuraya oo marka qolo meel qabsataba saacado kadib haddana laga sii qabsanayo, waxaana natiijada dagalka ka dhalatay ay noqdeen kaliya baaba’a iyo barakaca dadka rayidka.
  4. Quick Brainwash baa lagu soo samaynayaa
  5. hadhwanaag 2009-06-03 (Hadhwanaagnews) Burco(HWN):-Madaxwey naha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku haftay jawaabaha su’aalo laga waydiiyay sababta ay Xukuumaddiisu uga bedali wayday Lacagta Giimbaarta ah ee laga isticmaalo Gobolada Barriga Somaliland, gaar ahaan Burco, waxyaabaha uu u sido deegaanada ay Abaaruhu saameeyeen iyo sidoo kale Gobolada uu sanadkii hore magacaabay. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta galinkii dambe gaadhay Magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ka dib markii uu maanta galinkii hore ka ambabaxay xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera. Isla markaana waraysi xiisa badan, dhinacyo badanna taabanaya oo uu la yeeshay Wariyaha BBC-da Laanteefa Afka Soomaaliga ee Burco Xuseen Aw Jaamac Jibriil, ayuu Madaxweynuhu kaga waramay ujeedada socdaalkiisa iyo hadafyada uu daaran yahay, isaga oo ku dooday in safarkiisani yahay mid olole ka madaaxbanaan, balse la xidhiidha xogogaal u noqoshada xaaladda guud ee dadka iyo dalka uu Madaxweynaha u yahay. “Waxay ku salaysan tahay inaan xog-ogaal u noqdo xaaladda ay ku sugan yihiin dadku, adeega bulsho halkuu marayo iyo xaaladda guud ahaan deegaanada uu ka kooban yahay dalku. Waxaan soo dhammeeyay Gobolkii 1-aad ee Saaxil, Togdheer baan marayaa, kuwa kalena insha Allaahu waan wada mari doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay ujeedada socdaalkiisan uu hadda ku gaadhay Burco. Mar Madaxweyne Rayaale la waydiiyay in Xisbiyada Mucaaridka ah iyo dadweynaha qaar u arkaan in socdaalkiisu la xidhiidho arrin olole, waxa uu yidhi, “Maya ee weli kaambayn (olole) lama gaadhin, kaambayna kama hadlayo ee hawshaydii waajibka igu ahayd Anniga oo Madaxweyne ah ayaan gudanayaa, inaan dadkayga xog-ogaal u noqdo, wixii u qabsoomay, waxa u dhiman ayaan u socdaa.” Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaaladaha Abaareed ee ka taagan Gobolada Togdheer, Buuhoodle, Sool iyo Sanaag iyo waxa uu ka qaban karo ee uu Goboladaas ku wajahayo Madaxweyne ahaan, waxa uu yidhi, “WFP-na waanu wadahadalnay, waxyaabahan ogaanayo in gurmad degdeg ah loo keeno oo dadka la soo gaadhsiiyo cunto iyo wixiii la awoodi karayo waa taan u socdo.” Daahir Rayaale waxa kale oo la waydiiyay in la filayay Mashaariic horumarineed oo uu ka fuliyo Gobolka Saaxil, sida Dekadda Berbera oo la balaadhiyo, Warshaddii Sibidhka oo uu sannada ka hor dhagax dhigay iyo sidoo kale Waddo isku xidha Itoobiya ilaa Berbera iyo waxa uu saaka oo uu lahadlay reer Berbera u balanqaaday, waxa uu yidhi, “Horta wax gaar ah oo aan Berbera u balanqaaday ma jirto, dawladda awoodeeda waad ogtahay, waxaan umalaynayaa inaad Idaacadda ka dhagaysatay oo dawladdeenu dawladii hore way ka itaal yartahay, laakiin markaan qiimeeyo inay ka tayo fiican tahay baan soo ogaaday oo meel kastaba MCH (Xarun caafimaad) iyo Iskuul baanu ka dhisnay aanay dawladihii hore ka dhisin. Markaa dawladdu kolba taagteeda ayay wax qabanaysaa, dedaalna waanu ugu jirnaa haddii aanu mashaariic u helo inaanu wax qabanno. Berbera inkastoonan saaka kala hadal Warshadda Sibidhka, dad muwaadiniin ah oo leh tii hore (Warshaddii Sibidhka) aan samayno oo ii yimi ayaa jira waanan u fasaxaynaa, wixii kale ee aanu cid kale ka helana waa lagu dari doonaa haddii Illaahay yidhaa.” Gobolka Togdheer, gaar ahaan Xaruntiisa Burco oo ah Caasimadda 2-aad ee Somaliland, isla markaana ah Magaaladdii lagaga dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland ee Madaxweynaha Daahir Rayaale Madaxweynaha ka yahay, ayaa welii laga isticmaalaa lacagtii dawladdii laysku odhan jiray Soomaaliya, taasoo Xukuumadda Rayaale ay marar badan balanqaaday in laga bedalayo, Miisaaniyaddana lagu daray dhawr sano oo kala dambeeyay, hase ahaatee, aan weli laga bedalin, dadka reer Burcana ay si wayn uga cawdaan. Sidaa daraadeed, Madaxweyne Rayaale la waydiiyay, waxa uu maanta reer Burco ula yimi, gaar ahaan bedalaadda lacagtaas, waxa uu yidhi, “Lacagtaas Giimbaartu waa aafo iyo dhibaato qaran, waana waajib xukuumadda saaran dedaalkeedana waanu wadnaa, Insha Allaahu Burco maalin aanu ka bedali doono ayaa iman doonta oo aan fogayn haddii Illaahay yidhaahdo.” Mar la sii waydiiyay Madaxweyne Rayaale Gobolo uu dhawaan magacaabay, sida Oodweyne, Buuhoodle iyo Caynabo in ay u baahan yihiin wax qabad iyo mashaariic horumarineed, sida Waddooyin, Biyo iyo Caafimaad iyo waxa uu wakhtigan u sido, waxa uu yidhi, “Awoodda dawladdu kolba inteeda ayay soconaysaa, kolba intii aan qaban karno ayaanu qabanaynaa.” Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Weftigiisu intii aanay maanta gelinkii hore ka ambabixin, waxa uu meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha reer Berbera, halkaasi oo uu khudbad dheer uga jeediyay, ka dibna waxa ay Madaxweynaha iyo Weftigiisu u ambabaxeen Magaaladda Burco oo si fiican loogu soo dhaweeyay, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya Burco.
  6. Waar bal aamusa ,,,, axmaqsanaa qofku ,, caadhkii baaba i kabuubyooday ,,, shidh fooqal shidh
  7. kkkkkkkkkkkkkkkk ,, Fufu dee anagaa is naqaana
  8. Originally posted by wacdaraha_aduunka: We've only been a gov for 3 months is all he could say responding to all the failures put to him..... The funny thing is when asked you've been appointed FM while being outside of Somalia and you havent to somalia for over 20 yrs.. He responds and says I've been to Puntland and rest of northern Somalia ,, I expected that ....
  9. QM ayaa sheegtay in Saraakiil sar sare oo ka tirsan military-gii hore ee Soomaaliya ay asbuucan dhamaadkiisa ay kulan ku yeelanayaan wadanka Mareykanka. Kulankani oo uu soo agaasimay xafiiska siyaasada QM ee arimaha Soomaaliya isla markaana taageero ka helaya wasaaradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa saraakiishani sar sare ee Military-gii Soomaaliya uu ka furmayaa magaalada Washington ee wadanka Mareykanka. War ka soo baxay xafiiska QM ee arimaha Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in kulankani u 4-ilaa 5-ta bishan June uu ka furmi doono magaalada Washington ee wadanka Mareykanka kaasi oo u shaqeyn doona kulan kale oo isna dhici doona isla markaana taageero iyo talo lagu siin doono saraakiil sar sare oo ka tirsna Military-ga Soomaaliya kuwaasi oo kulmi doona bishani dhamaadkeeda. “Waxaan ka fileynaa kulankani in uu noqdo kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ee dhaca isla markaana guul laga gaaro ” ayuu yiri ergayga Gaarka ah ee Qm ee Arimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah. Saraakiishani hore ee Soomaalida ah waxaa lagu qiimeeynayaa Waaya aragnimadooda xiligii lagu gudo jiray taariiqda Soomaaliya iyo xiliyadii ay ka qeyb qaadanayeen tababarida ciidamada African-ka ah ee ka socday wadamada Kale ee qaarada Africa. Ahmedou Ould-Abdallah Waxaa uu intaasi ku daray iyadoo isha lagu heynayo heshiiskii Jabuuti iyo dowlada oo sheegtay in ay ka go’antahay in ay dhisto ciidamadeeda ammaanka in kulankani uu dib u eegi doono qaab dhismeedka ciidamadii military-ga Soomaaliya intii aysan burburin dowladii dhexe,waxaana uu sheegay in la fiirinayo xaalada mustaqbalka Soomaaliya iyo baahida loo qabo Aminiga lagu falan qeyn doono kulamadaasi. Inta uu socodo kulankani ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa habka ugu wanaagsan ee lagu dhisi karo ama horumar loogu gaari karo xagga ciidamada Ammniga. “Tani waxaa ay xal u tahay Soomaaliya iyo in ay dib u eegaan Xaaladooda ammaan” ayuu Ahmedou Ould-Abdallah hadalkiisa sii raaciyay. Kulankani ay saraakiishii hore ee Military-ga Soomaaliya ku yeelanayaan magaalada Washington ee wadanka Mareykanka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili dagaalo xoogan ay magaalada Muqdisho ku dhex marayaan ciidamada dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda.
  10. send me your phone # by PM bal niyow ,,,, sheekooyin baa jiree ,,
  11. Hello blind peeps ,,, ehem ,,, Hunguriga ,,, waaryee miyaanad ka dhergin dee weli ?? ,, lool
  12. didn't know she was that attractive to you ,,,, ehem ,,,,
  13. Trollers ,,, Trollers ,, Trollers
  14. Yes i know .... i've just realized. Those from Burao are coming soon ,,,,,,, Norf, are you coming to Burco now ?? ,,
  15. That happened to a colleague of mine last year ,,,,,
  16. ma afsoomaali ma garanayaad i leedahay ??
  17. Yaa maxaad tidhaahdeen ???
  18. hadhwanaag 2009-06-03 (Hadhwanaagnews) Burco(HWN) Madaxweynaha Somaliland daahir Rayaale Kaahin iyo waftigii uu hogaaminaayay ayaa Maanta si diiran loogu soo dhaweyey Magalaada Burco ee xarunta gobolkan Togdheer Waftiga Madaxeynaha ayaa waxa ay magalaada soo gaadheen abaaro 10; 00 subaxnimo ee saaaka iyadoo dadweynaha galbinaayay ay kaga hortageen duleedka waqooyi ee Magalaada Burco kumaankun qof oo ruxaayay calanka Jamhuuriyada Somailand sawirka Madaxweynaha ayaa dariiqyada saaka tubnaa kuwaas oo sacab iyo mushxarad isla ogsaday Markii uu soo gaadhay Madaxweynahu . Waftiga Madaxweynaha ayaa la dajiyay guriga Martida ee Magaalada iyadoo la filaayo in uu Madaxeynahu safar ku maro gobolada dalka . Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Cadaani Mooge ayaa shabakada Hadhwanaag u sheegay in qorshaha kulamada iyo xiliga uu Madaxweynaha hadli doonaba ay qorshaynayaa Maamulka gobolku . isku soo wada duuduboo safarka Madaxweynaha ayaa ah kii ugu horeeyay uu ku yimaado Burco tan iyo intii loo doortay Madaxweynaha somailand 2003
  19. Thank you anyway ,,, i take that as a compliment.
  20. This video is no longer available due to a copyright claim by Viacom International Inc.. :mad: :mad: :mad: :mad: