
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Not yet ,,,, the event just finished ,, so they need sometime to upload pictures ,,,
-
Morning Peeps ,,,, The Somaliland's new President has just been sworn in ..... the whole city was in tense this morning as some of the main roads were closed. Now i'm here ,, at work ,, basically doing nothing but sipping a coffee and looking at the window to feel the change ,,,, hahahaha
-
The Big Day for Somaliland: The Inaguration of the New President + Pics
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
The new President has just been Sworn In ..... Congratulations Mr. President .......... -
Halkanna maxaa la yidhi ,,, lol
-
The Big Day for Somaliland: The Inaguration of the New President + Pics
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
A high delegation from Kenya just arrived Hargeisa Airport to attend the inauguration. At least 20 officials from Kenyan government came to Hargeisa. Another delegation from Ethiopia also arrived by road. -
The Event is to start in 5 minutes time. Since the morning the main roads near and around the presidential palace have been closed and the security is tight in the city. The road between Siilaanyo's old house and the Presidential Palace is also full of people although no car movements are allowed except the police vehicles ensuring the safety. The people are ready to witness the great day as the new President will take that road on his way to his new office. Officials are flooding to the Presidential Palace and delegations from the neighboring countries are in the area to witness the Somaliland's great day of transforming power. Waxaynu sugnaaba waa xafladii oo bilaabata mar dhow IA .....
-
Hmmm ,, Noted
-
Originally posted by Qudhac: walee puntland is sinking faster than the old titanic Don't be silly adeer ......
-
Originally posted by General Duke: quote: Jaamac Ismaaciil Ducaale Who is this man ? I heard he is the one attacked by the Americans in the South ....
-
How many psychiatrists will it take to treat this kind of sickness.
Jacaylbaro replied to Abwaan's topic in Politics
^^ -
The Galgala News ------ Faroole at War with Atam
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
M. PL oo ka hadley dagaalka ka dhacey duleedka Bosaso GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole ayaa ka hadley iska-horimad dhexmarey ciidamada Darawiishta Puntland iyo maleeshiyo xiriir la leh kooxaha Koonfurta Somalia. Madaxweynuhu waxaa uu sheegey iska caabin xoog leh oo ciidanku ku sameeyeen kooxaha weerarka soo qaadey islamarkaana khasaare xoogan loo geystey. Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed "Farole" Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegey in ciidamadu gacanta ku dhigeen ragii madaxda u ahaa kooxaha weerarka soo qaadey gaar ahaana qabteen nin lagu magacaabo Jamac Ismaaciil Ducaale Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dalbadey beesha caalamka gaar ahaan dowladaha dariska in ay ka qeyb-qaataan dagaalka lagula jirro kooxaha mayalka adag kuwas oo Madaxweynuhu sheegey in afkaartoodu tahay dagaal guud oo ay ku waxyeeleeyaan nabad galyada gobolka ka jirta. Dhinaca kale wararka aan ka heley goobaha dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda dagaaladaan kaga dhinteen Afar askari halka kooxaha dagaalka soo qaadey ka dhinteen 13 qof. Dhaawaca ciidamada dowladda ayaa lagu sheegey shan Askari kuwaasoo iminla lagu daaweynayo Isbitaalka guud ee Bosaso. oo ka mid ahaa ragii diyaaradaha dagaalka Maraykanku ku duqeyeen degmada Baargaal 3 June, 2007 . -
The Galgala News ------ Faroole at War with Atam
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Ciidamo Taabacsan Shiikh Atam oo Weerar Ku Qaadey Goob Ay Deganaayeen Ciidanka Daraawiishta Puntland Iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Dawladda Puntland iyo Maleeshiyaad ka amar qaata wadaadka lagu magacaabo Shiikh Maxamed Siciid Attam ayaa saaka waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanka Karin iyo Laag ee gobolka Bari, isla markaana ah meel aan wax badan ka fogeyn magaalada Bosaso. Iska hor imaadka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee saaka, waxaana weerar gaadmo ah ciidanka Darwaaiishta la beegsadey kooxda ka amarqaadatada Shiikh Attam kuwaas oo xiriir la leh xarakada al-shabaab ee ka dhisan Koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la ogyahay ayaa waxaa ku dhintey dagaalka saddex askari iyadoo ay ku dhaawacmeen shan kale,waxaana dhamaantood lasoo gaarsiiyey Isbitaalka weyn ee magaaladda Bosaaso. Khasaaraha gaaray maleeshiyada weerarka soo qaaday ayaa ah mid aan la ogeyn. Saraakiisha Booliska oo aan xirriro kala duwan la samaynay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan iska horimaadka oo faahfaahin ka bixinin. Dhanka kale Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay nin jidka laamiga ah dhinaceeda ku aasayey walxa qarxa saaka gudaha magaaladda Bosaaso. Goobta uu ninkaas ku aasayay walxa qarxa ayaa waxaa ay ku taalla agagaarka Masjidka Faadumo ee wadada laamiga,waxaana la dhigay xabsiga iyadoo laamaha amniga ay baaritaan ku wadaan isla markaana aan wax faahfaahin ka bixinin. Wadada laamiga ayaa waxaa xilligaas maraayay ciidan gurmad ah oo kusii jeeday halka uu iska horimaadka ka dhacay. Xaaladda Gobolka Bari ayaa u muuqata mid aad u kacsan, oo xaalad dagaal ah ciidamada ka amarqaata wadaadka Shiikh Maxamed Siciid Attam ee xiriirka la leh al-Shabaab oo horey loo aaminsanaa in ay Bosaso ka fuliyaan weeraro gaadmo ah ayaa hadda u beddalay hawlgaladoodi weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana ay tani muujineysaa awoodda ay ku leeyihiin Buuraha ku gadaaman Magaalada Bosaso. Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu sheegay in al-shabaab ay ku sugan yihiin gudaha Puntland isla markaana ay isku urursadeen buuraha Gobolka Bari, waxaa dhan walba ka jira ciidankeena, dhawaana dagaal ayaan ku qaadeynaa ayuu yiri Faroole mar uu la hadlaayey warbaahinta, inkasta oo dagaalkii iyo gacanqaadkii ay la hormareen, malayshiyadii isku urursatey buuraha gobolka Bari ee uu hoggaamiyo Shiikh Attam. Horseed Media -
The Galgala News ------ Faroole at War with Atam
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
MAGAALADA BOSAASO OO DAGAAL BA'ANI KA DHACAY MAANTA DAGAALKAAS OO U DHEXEEYA CIIDAMADA PUNTLAND IYO CIIDAMADA WADAADKA ATAM Goob aan sidaa uga fogeyn bartamaha Magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Maamulka Puntland iyadoo dagaalkani uu ka dhacay Tuulada Laag oo uu yaala Kontrolka magaalada Bosaaso iyadoo dagaalkan uu dhaliyey khasaare dhinaca nafta ah iyadoo dhinaca ciidamada Puntland oo u badan beel ahaan beelaha Puntland ay ka dhinteen tiro askar ah oo aan la sheegin. Dhinaca ciidamada taabacsan Sheekh Atam ayaa la sheegi karin iyadoo dagaalku uu ahaa mid kedis ah iyadoo hore ciidamada Puntland looga soo saarey magaalada Karin uu u dhow magaalada Laag ee uu maanta ka dhacay dagaalkan. Madaxweyne Faroole ayaa isagu caalamka u sheegey iney weerar ku qaadi doonaan Magaalada Galgala oo ay joogaan Ciidamo beeleedyo wajhi diini ah leh iyadoo hadana uu dagaalku ka socdo Afka hore ee xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaaso. Dagaaladan waxay sidoo kale yimaadeen kadib markii Habeen 4aad uu dagaal noocan oo kale ah Tuulada Karin iyadoo ciidamadii Puntland laga soo saarey kadib markii 3 jiho laga yimi. Waxaa xusid mudan in xiisadan ay shacabka Gobolada Sanaag, Bari iyo Haylaan ay eedeeda dusha uga tuurayaan talada Xumada iyo xad gudubka Madaxweynaha Puntland oo arintan cirka u laadey kadib markii uu hanjabaado isadaba joog ah Saxaafada beeshiisa u mariyey inuu dagaal ku qaadi doono deegaano uusan u dhalan uusanna hubin wadada loo maroba. Sidoo kale dagaalkan kama marna waji qabiil oo ciidamada Wadaadka Sheekh Atam waxay u badan yihiin Beesha Dubays iyo beesha Dishiishle oo iyagu xaq daro ka sheeganaya Maamuladii isdaba jooga ahaa Maxamud Suleybaan. Waxaa kaloo jira Khilaaf u dhexeeya Dowlada Puntland madaxdeeda Sar sare iyadoo General Ilkajiir uu kasoo horjeedo in dagaal wax lagu dhameeyo isla markaana uu taageerey Baaqii Odayaasha Gobolka Haylaan iyo Galbeedka Gobalka Bari. General Ilko Jiir ayaa lagu soo waramayaa iney Faroole arintan aad isugu hayaan iyadoo Faroole doonayo inuu dagaal xal uga dhigo Cadaalad darada ka jirta Maamulka Gobolka Bari iyo gaar ahaan Bosaaso iyadoo beelaha ay kasoo jeedaan ciidamada raacey wadaadka Sheekh Atam ay yihiin dadki deegaan ahaan u dhashey BOSAASO. Waxaa kaloo xusid mudan arintu ineysan ka fogeyn Macdan iyadoo wadaadka Sheekh Atam uu hogaamiye ka ahaa ciidamadii Beesha ********** ee dagaalka ba'an ku jebisey ciidamadii Huwanta ee Cade Muuse ee Magaalada Majiyahan. Isku soo wadada duuduub oo waxaad moodaa Arintu ineysan Qabiil iyo Diinba ka fogeyn iyadoo khasaaraha ugu badani ay soo wada gaarayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee la qaxinayo iyadoo lagu jiro xili Xagaa ah. LaasqorayNET- -
Juxa ,,, weli way joogaan. Afternoon Norf ,,,
-
Waqtiga Ilaahay wuu barakeeyay ,,,,,,,,,,,, Family on their way back home today ....... feeling like sneaking to house ,,
-
The Galgala News ------ Faroole at War with Atam
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Boosaaso: (Sh. M. Network) Dagaalo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay ka dhacay Buuraleyda Galgala iyo Karin ee gobolada Sanaag iyo Bari halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo kooxo hubaysan. Dagaaladaani oo geytay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay ka kala dhacay deegaanada Galgala iyo Karin, waxaana ay u dhaxeeyaan Ciidamada PIS-ta Puntland iyo kuwa uu hogaaminayo Max’ed Saciid Atam oo la sheegay in uu xariir la leeyahay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Ciidamada uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam ayaa la sheegay inay weerar ku soo qaadeen deegaanka Karin halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku dileen in ka badan 4 qof oo isugu jira ciidamada Puntland iyo dadka deegaanka. Sidoo kale deegaanka Galgala ee gobolka sanaag ayaa isna la sheegay in uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo kuwa Max’ed Saciid Atam iyadoo aan la ogeyn qasaaraha halkaasi ka dhacay hase ahaatee dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in hubka nuucyadiisa kala duwan ay isku adeegsadeen ciidamadaasi. Wararka laga helayo goobaha dagaalka ayaa sheegaya in dagaalka lagula kala wareegay gaadiid dagaal iyo saanad militari oo ay lahaayeen dhinacyada dagaalamaya inkastoo wali aanay jirin cid si dhab ah u sheegatay in gacanta ay ku dhigtay saanada militari. Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha rasmiga ee dagaalka ka dhashay hase ahaatee, waxaa ay dagaaladaani cabsi iyo welwel farabadan ku abuureen dadka yar ee ku nool Buuraleyda Galgala iyo Karin oo ah goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamadaani. Wasiirka Amniga Puntland Janaraal Max’ed Yuusuf Kheyr oo Saakay ay la Xariirtay Shabelle aya aka gaabsaday in uu ka hadlo dagaalada ka socda buuraha deegaanada Puntland. Dhinaca kale Waxaa qarax uu ka dhacay Xaafada New Boosaaso ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxaasi. -
The Galgala News ------ Faroole at War with Atam
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Dhaawacyo La Keenay Boosaaso -
The Galgala News ------ Faroole at War with Atam
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Dagaal Ka Qarxay Buuraleyda Galgala -
Puntland: (GMN) Deegaamada Galgala iyo Karin oo ka tirsan gobolada Sanaag iyo Bari ayaa la xaqiijinayaa in dagaalo xoogan ay ka soconayaan, waxaana dagaaladan oo labada meelood ka biloowday saaka la isku adeegsanayaa hub culus, waxa uuna u dhexeeyaa Koox taageersan ururka Al-shabab iyo ciidamada Maamulka Puntland. Kooxda taageersan ururka Al-shabab waxaa hogaaminaya Nin lagu magaacabo, Max’ed Siciid Atam, waxayna weerar xoogan ku soo qaadeen saaka, deegaanka Karin oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Puntaland, waxaana warar aan la xaiijin sheegayaan in ay dagaalkaasi ku geeriyoodeen ilaa 5 ruux oo labada dhan ah. Isna deegaanka Galgala, waxaa ka dhacay dagaal midkaa la mid ah oo ay labadan dhan fooda isku dareen, waxaana ilaa iminkana ma cada qasaaraha rasmigaa ee kala garay labada dhan.Deegaamadan oo ah kuwo buuraleey ah isla markaana dhinaca isgaarsiintu ay aad ugu liidato ayaa waxa adkaanaysa in warar buuxa oo rasmi ah laga helo. waxaase jira warar shegaya in Atam, oo ah Ninka maleeshiyada labada magaalo ku duushay hogaamiyaa uu ka cabsi qabay weerar kaga yimaada dhanka maamulka puntland oo ayaamahan ku jiray howlo, ay ku sugayaan amaanka goboladaasi.Max’ed Siciid Atam oo hogaaminaya ciidamo xoogan oo taabacsan ururka Al-shabab maamulka Puntalnd horay ayay ula socdeen lakin waxaa jira warar sheegaya in Atam uu ka warhelay in weerar lagu soo qaadayo sidaa awadeedna uu iminka talaabadaasi ku qaaday.
-
I'm talking about outside the family time ,,,,,, that is the good thing about not going to uni anymore ..... u can have more time ,,, Tourism marka la gaadho waan furan doonaa IA ....