
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Puntland President says jobs will not be given to those that eat khat.
Jacaylbaro replied to Thankful's topic in Politics
."Mar walba balan qaad baan samaynaa,mana fulino" -
Things Somali Ladies shouldn't do in the next few weeks!
Jacaylbaro replied to Fabregas's topic in General
Now you reminded them, they will do it for sure ,,, -
Gateway Hotel? Funny, I slept there one night in last year on my way to the border. Ohh ,, don't tell me you went to fight ,, anyhow, somali women from kenya are generally cool ,,, sindhiyo ?
-
looooooooooooool ,, believe me he can hardly say a single word in English and yet want to change a whole report approved by others. Walaahi you would wonder when you see him right-clicking a word then choosing translate into French then telling you this is not good ,,,
-
Puntland President says jobs will not be given to those that eat khat.
Jacaylbaro replied to Thankful's topic in Politics
wixii kalena waan joojinay, shidaal iyo macdan la baarayana ma jiraan,Wax macdan ah oo aan baareyno ma jirto, web page -
Hello CL ,,,,,,,,, It is irritating when someone who doesn't know any English want to play with your report, tell you to change this coz it is not good english and remove all the words he doesn't know thinking people don't know as well. Now, i have to delay this until the Director comes next week otherwise we'll fight.
-
I'm irritated today ,,,,, sick of some ppl around me. damn it ! ! ! ! :mad: all the Wanna-bees should be burned alive or sent to Guantanamo ,,,,,
-
HERE is the song that the current administration doesn't like.
-
hadhwanaag 2008-06-02 (Hadhwanaagnews) Addis ababa -(HWN)-Fanaanka Caanka ee Pop Star-ka ee reer Ethopia Teddy Afro ayaa waxaa bishan xabsiga ee Adisababa loo dhaadhiciyay kadib markii uu soosaarey hees uu Xukuumada Melles Zenawi dhaleyceyn ugu soo jeediyay, balse xadhigan ayaa loogu soo oogey in baabuur jiidhsiiyay nin wadada marayay oo sakhraan ahaa kadibna baxsaday , shilkaas oo dhacay 2006 waa sida ay dowladu ku eedeyneyso fanaanka. Jariidad dalka ethopia kasoo baxdaa ee magaceeda layidhaahdo Enku ayaa wax ka qoray xadhiga Fanaanka Teddy Afro sababta loogu marmarsiyooday shilkan dhacay marhore 2006 , balse jariidadaas ayaa waxa ay shegtay in lagu heysto Fanaanka Albunka uu soo saaray Albunka magaceeda layidhaahdo ‘Yasterserial’. Afar “4” suxufi ayaa iyaguna xabsiga loo dhaadhiciyay kadib markii ay wax ka qoreen Xadhigasi Fanaanka Teddy Afro oo ay ku tilmaameen waxba kama jiraan shilkaasi. Waalaga diidey in Damiin lagu sii daayo Fanaanka ama wax Ganaax ah Lacageed maadaama uu yahay fanaankan Maalqabeen weyn, wararka kale ee ay Hadhwanaagnews heshay waxaa kamid ah in Fanaankan Maxkamad lasoo taagayo June-04-2008. Fanaanka Caanka ah ee Teddy Afro ayaa ah nin aduunka oo dhan laga yaqano heesihiisa gaar ahaan dhulka soomaalida ay degto sida Djibouti, Somaliland, Soomaalia, Kenya, suudaan iyo dalkiisa Ethopia. Saxaafadaha Caalamka ayaa iyaguna wax ka qoray Xadhiga Fanaanka Teddy Afro, waxaa kale oo jira in hay’adaha Xuquuqda aadamuhu ay kacodsadeen Xukuumada Raysal Wasaaraha Ethopia Melles Zenawi in uu sida ugu dhaqsaha badan maxkamad usoo taago fanaankas. Xadhiga Fanankan ayaa laga dareemay guud ahaan dalka Ethopia oo dhan taasi oo heesihiisa imika aad loo iibsanayo dadkuna ay aad uga xunyihiin xadhigiisa, maadama uu ahaa nin dalkiisa iyo dadkiisa jecel.
-
a magazine with a cover story about the imprisonment of Ethiopia pop singer Teddy Afro was seized on 2 May and its editor and three support staff were themselves jailed, a move coinciding with World Press Freedom Day, says the Ethiopian Free Press Journalists' Association (EFJA). Ten thousand copies of the monthly entertainment magazine "Enku" were impounded by police on 2 May, the day before it was due to hit the newsstands. The publisher and deputy editor of the magazine, Alemayehu Mahtemework, was put in jail, along with three support staff. CPJ says that police impounded the paper allegedly after receiving a tip from an informant at the printer that the cover story could lead to "incitement". The story focused on the trial of reggae star Teddy Afro, whose real name is Tewodros Kassahun. Kassahun was arrested and charged last month with causing the death of a young man in a hit and run accident in November 2006. Kassahun's popular song, "Jah Yasteseryal", became a popular anthem of anti-government protesters during unrest following the disputed 2005 parliamentary elections, according to local sources. Despite releasing 15 Ethiopian journalists who were jailed on trumped-up anti-state charges last year in connection with a brutal 2005 media crackdown, Ethiopian authorities have not relented in their long-standing pattern of repression of independent media through intimidation and arrests, CPJ says.
-
looooooooooooooool@Ayuub ,,,,,
-
Hogaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran oo markii ugu horeysay ka hadlay heshiiskii xalay dhexmaray Hargaysa,(Qarannews)-Labada Gudoomiye ee Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xoghayaha Guud xisbiga tallada haya ee UDUB, ayaa sheegay in khilaafaadkii siyaasadeed ee inta muddada ah ka dhex aloosnaa hogaamiyeyaasha Somaliland la soo afjaray. Sidaas waxay ku sheegeen masuuliyiintani xog-waraysi ay xafiisyadoodaku siiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah oo wax ka waydiiyey heshiiskii xalay lagu gaadhay xarunta Madaxtooyadda, waxay ku cadeeyeen in la soo gunaanaday khilaafaadkii ku dhexeeyey labada dhinac ka dib wada hadalo in muddo ah u socday. Ugu horeyn guddoomiyaha xisbiga ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo aanu xafiiskiisa ku booqanay ayaa faahfaahin ka bixiyey nuxurka heshiiskii xalay dhexmaray xukumadda iyo mucaaridka waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay. “Waxaan ugu bushaaraynayaa shacabka reer somaliland, in aanu xalay gaadhnay go’aan lagu soo afjarayo, murankii soo jiitamay muddada sadexda todobaad ahayd ee dadkeena, werwerka badan galiyey ee cadawgeena farxada badan galiyey. Waxaanu ku guulaysanay oo intaanu iska xoreynay dantii khaaska ahayd dantii xisbiga ayaanu waxaanu dooranay oo door bidnay dantii ummadda horumarka dalkeena, nabadgalyada dalkeena iyo adkaynta dimuqraadiyadda ayaanu ku heshiinay 8 qodob, kuwaasi oo ay ka mid ahayd diiwaan galinta maadaama oo aynu nahay dal xor ah waa in dadkeenu sumad yeeshaan oo la siiyaa dhalashadii Somaliland waxaan filayaa in dadka reer Somaliland ay fahansan yihiin qiimaha ay leedahay dhalashadu, ilaa lixdankii ayaa carabta iyo meel kasta laynaga talxiili jiray wixii laguu mustaafurin jirayna waxay ahayd muwaadinimo ayaanad ahaysan, waa markii ugu horeysay ee qof muwaadin ahi heli-doono aqoonsigiisa taasi oo ay cid kasta kaga mudnaan doonaa islamarkaana waxaynu ogaanaynaa cida footaysay iyo meelkasta inta qof ee ku nool, dood dheer ka dib waxaanu ku heshiinay in doorashadda madaxwaynaha ku xigeenka la soo horeysiiyo oo ay waliba ka soo horeyso 6-da bisha April waxa kale oo aanu ku heshiinay in wixii danbe ee duruufo hadii ay imaadaan in ay xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan saddexda xisbi qaran waxay ku loo baahdo in la waxa ay guurtidu iska laadi kartaa aanay jirin waxaa kale oo aanu ku heshiinay wixii ka hor imanaya heshiiskaa qaab kale laga baxo waxa kale oo mid ah gudi aanu samaynay gudi isugu jira saddexda xisbi oo ka kooban 9 xubnood oo kurmeera heshiiskan iyo wixii cabasho ee soo baxa waxaana qodobada aanu ku heshiinay ka mid ahaa in warbaahinta dawlada dhex aanu u naqo islamarkaana la joojiyo wixii aflagaadooyin ah ee warbaahinta la isku mariyo laguna badasho wanaag iyo wada hadal waxkasta lagu xaliyo” Gudoomiyuhu waxaa uu hadalkiisii ku sii daray “Somaliland u baahna hebel hebel ku badel ee waxay u baahan tahay horumar markaa kaa yagga khayr qaba ilaahay gacanta ah u galiyo dalka waxna ma dhacayaan ayaan leeyahay ee sidaas shacabku ah u ******** waxaana aan shacabku dhaqan dibedda in aanay is odhan waxbaa dhacaya ee waxaan leeyahay waxba ma dhacayaan oo ay iska dhaafaan telephonka qabyaaladda ah ee ay soo dirayaan oo ay ka qayb qaataan horumarka wadankan waxaan u baxayaa anigu miyi si aan caano u doonto markaa dadkii waxay doonanayaan caano wadankeenu waxaan rajaynayaa in uu noqdo barwaaqo cadawgana way ka fiishtay markii ay maqleen way heshiiyeen” Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in aan la xayirin lacagtii ay deeq-bixiyeyaashu ugu talo galeen doorashooyinka iyo diiwaan-galinta waxaanu yidhi. “Dhaqaalaha laynagama joojin ee waa la hakiyey. dadkii diiwaan galinta ka soo horjeeday, ayaa waxaa ku dacaayadaynaayey dhaqaale ayaa ku socday hadii shirkadihii la furi lahaa, Oo Hadaynaan heshiin magdhaw ayaa lagu wadiin lahaa,waxay balan qaadeen markaad heshiisaan waa la idiin soo daynayaa, khamiista ayaanu baxaynaa sadexda xisbi qaran iyo koomishanka doorashooyinku jimcaha ayaanu deeq bixiyeyaashii nairoobi kula shirdoonaa anaga oo kala hadli doona in lacagta ay intii hore ka soo badiyaan iyo inla soo furo lacagta diiwaan galinta iyo doorashooyinka waxaanu iska baadhi doonaa shirkadaha khandaraaska qaadanaya in aanu soo hubino waxay yihiin”waxaanu jecelnahay in aan sii sexeexi doono inta aanan bixin heshiiskan sadexdayada hogaamiye Sida oo kalena waxanu wax ka waydiinay heshiiskan xalay ay gaadheen labada dhinac ee khilaafka siyaasadeed u dhexeeyey kaasi oo xudun u tahay, wakhtiga ay doorashooyinku ka dhici doonaan dalka iyo mudadii halka sanno ahayd ee Golaha Guurtidu u kordhisay xilka Madexwaynaha iyo ku xigeenka. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Md Axmed Maxamed “Siilaanyo” iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga talada haya ee UDUB Md Maxamed Ismaaciil Bulaale oo iyaguna tilmaamay sidaas uu gudoomiyaha Xisbiga UCID uu sheegay waxaanya xuseen in xalay la soo afjaray khilaafaadkii siyaasadeed ee inta mudada ah ka dhexe alsoonaa xukumada iyo asxaabta mucaarid ah islamarkaana shacabku ay sidaas u ogaadaan oo wax xumaanayaana aanay jirin. Waxaanay intaas ku dareen in loo baahan yahay in la ilaalyo sidii taabo galin lahaa heshiiskan iyaga oo shacabkana u soo jeediyey in ay ilaashadaan nabada ay maanta ku naaloonayaan, oo ay arkaan waxa qayirkood haysta islamarkaana ku taamilo qaataan waxa ka dhacaya wadanka aynu jaarka nahay ee Somaliya. Dhammaan masuuliyiintani waxay u muuqdeen in ay ka ka midaysan yihiin, sida ay ugu farxasan yihiin heshiiskan iyo in la soo afjaro khilaafaadkii siyaasadeed ee walaac ku hayey dadka reer Somaliland iyaga oo kuligood hanbalyo u diray shacabka
-
looooooooool@Ngonge ,,,,,,,, Actually it is femous in the Somali society (at least here) that the women with the gapped teeth is hotter than the others. Many men specially old ones prefer those women.
-
loooooooooooool ,,,, marka uu shumminaayo baa afkiisa Kimiko ka soo baxaysaa taas oo sababaysa inuu wejigu ka qoyo gabadha ,,, Good night ,,,,,,,,,,,,,,,
-
Originally posted by Isseh: Lol. JB ma waxaad ku jirtay raggi la sheegayey ee Eastleigh ka wiideeysan jirey markuu roobka da'o, markay gabdhaha indha-shareerka xiran gododka iyo dhiiqada ka talaabso is yiraahdaan!? Asxaabul Kubta . loooooooooool ,,, niyow aniga meeshaas Kenya waxa iigu horaysay 2006 kii ,,, markaana 15 days baan joogay oo aan 7 days ku qaatay Mombasa inta kelena Nairobi. Eastleigh 2 days baan tegey oo aan dhex maray bal inaan soo arko uun. Took some photos but i din't like that place at all.
-
Chemicals ..............
-
Subax wanaagsan AG ..........
-
Subax wanaagsan AG ..........
-
Gabadhii uu shumiyo wejiga dhanaa ka qoyaayo ,,,,,,, Kimiko miyaa ??
-
Ibti, Look what you've started. It is all your dembi now.
-
loooooooool@you two ... madax adayg.com
-
Originally posted by Nephthys: I see, you grew a third ball.. . Xiin inuu kuu gabyo maka cabsanyside? loooooooool ,, waabad i xasuusisay inaan gabaygiisii uga jawaabo bay ahayd show ,,, lemme go there bal.
-
Hargeysa, (Harowo) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta soo saaray Digreetada dhaqan galinta Miisaaniyadda 2008-da oo dhawaan Golaha Wakiiladu ansixiyay, isla markaana ay hore u ansixiyeen Golaha Wasiiraddu. Digreetadda uu Madaxweynuhu ku amray dhaqan galinta miisaaniyadda oo lagu shaaciyay Warsaxafadeed uu soo Saaray Af-hayeenka Madaxtooyaddu ayaa waxa isaga oo faah faahsan uu u dhignaa sidan: "Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu soo saaray Digreeto Lagu dhaqan gelinayo Miisaaniyad sanadeedka 2008. Madaxweynuhu markii uu arkay ogolaanshaha Golaha Wasiirada ee Miisaaniyada 2008 , isla markaana uu helay Go’aankii Golaha Wakiilada ee Lambarkiisu ahaa 430 , taasi oo ay ku ansixiyeen Miisaaniyada 2008 ee Xukuumada Dhexe iyo Dekeda Berbera , waxa uu maanta soo saaray Digreeto Lambarkeedu yahay 344 oo lagu dhaqan gelinayo Miisaaniyada Sanadkan 2008 ee Jamhuuriyada Somaliland." Digreetadda Madaxweynaha Somaliland Maanta soo saaray ee Dhaqan galinta Miisaaniyadda Qaranka ayaa noqonaysa kaalintii ugu danbaysay ee sharciyan miisaaniyadu marto, waxaana laga bilaabo marka uu Madaxweynuhu soo saaro digreetaddan ay miisaaniyaddu noqonaysaa mid dhaqan gasha. Miisaaniyadda qaranka ee Sanadkan aynu ku jirno ayaa sidii aynu horaba u soo sheegnay ah Miisaaniyadii ugu balaadhnayd ugu badnayd ee Somaliland yeelato intii ay jirtay, waxana dad badani filayaan in ogolaanshaha Baarlamaanka ee Miisaaniyadda iyo dhaqan galinta Madaxweynaha ee dagdega ahii fududayso waxyaabo baddan oo u xanibnaa aduun la’aan, sidoo kale ayay tani sahli karaysa qabsoomidda doorashooyinka oo dakhliga ku baxaya ay dawladdu bixiso 25% inkasta oo ay ka badato sida uu Wasiirka maaliyaddu xusay, guntii iyo gaba gabadii waxa si fudud u dhamaatay Miisaaniyadii qaranka oo sanadihii u danbeeyay muran iyo ragaad badani ku yimiday.