Hargeysa (Qarannews) - Duuliye sare Axmed Maxamed Xasan oo ka mid ahaa ciidankii cirka ee Soomaaliya, Islamarkaana ahaa Bayloodkii diiday inuu fuliyo amarkii lagu siiyay inuu duqeeyo Magaalada Hargeysa 1988-kii, diyaaradii uu wadayna ka dejiyay Jabuuti, ayaa labaatan sano ka dib hadda booqasho ku yimi magaaladii uu xiligaa uga tudhay duqayntii qayrkii fulinayay.
Axmed Maxamed Xassan oo hada degan Hoteel Imperial waraysi dheer oo uu shalay siiyay Wargeyska Ogaal waxaa uu kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha duruuftii wakhtigaas, go’aankii uu qaatay, wixii ku kalifay iyo wixii uu ku danbeeyay-ba.
Waraysigaasina waxaa uu u dhacay sidan:
S: Duuliye sare Axmed Maxamed, bal waxaad ka warantaa xaalada magaalada Hargeysi ku sugnayd 1988-kii, xiliga aad diyaarada dagaalka ka dejisay Jabuuti iyo wakhtiyadii ka horeeyay, sidee dareenku ahaa, jawiga kugu gadaanaa bal faah-faahin naga sii ugu horayn?
J: Dalka Soomaaliya wakhtigaas 1988-kii ee halkan dagaalada cul-cusi iyo weeraradu ay ka socdeen, waxa ka horeeyay dhibaatooyin fara badan oo muddo soo socday, laakiin waxay ahayd markay ugu darayd oo dagaal sokeeye ayaa socday oo shacbiga lagula dagaalamayay, waxaanay ahayd meel shacbi lagula dagaalamayo halkii ugu horeysay ee aan imaado. Markaa xaalada Hargeysa iyo nawaaxigeedu ku sugnaayeen cida joogtay oo indhohooda ku aragtay mooyaane wax la sifayn karayo maaha.
S: Goorma ayaa laguu soo bedalay Hargeysa ama lagugu amray inay diyaaradaadu ka hawl-gasho?
J: Anigu bedal kuma iman halkan, dagaalkaa markaa socday, waxaana la noo soo diray inaanu ka qayb-galo dagaalkii socday, waxaana iga soo horeeyay diyaarado kale iyo rag duuliyayaal iyo farsamo-yaqaano ah, kuwaas oo halkan joogay muddo. Intii dagaaladu socdeena marba waxa la soo dirayay diyaarado cusub iyo raggii ka shaqaynaayay. Aniga iyo duuliye kalle oo kala wadanay laba diyaaradood oo Miig 17 ah, waxaanu ahayn xoojin lagu xoojinaayay ciidamadaas halkan dagaalka ka waday, diyaaradaha miig 17-ka ah ee aanu wadanayna waxay ahaayeen diyaaradaha kaliya ee qaadi karayay Bambooyinka culus, sidaas darteed ayaana naloogu soo diray inaanu u isticmaalo Bambooyinka 500 ee Kiiloo ah Hargeysa. Markaa waa nasiib-darro, arrin aad u fool-xun ayaanay runtii ahayd, markaan xasuustana runtii aad iyo aad ayay ii dhibaysaa, laakiin xaqiiqada in laga hadlo waa wax loo baahan yahay.
S: Markaa, goorma ayuu go’aankan ah in aad Jabuuti ka dejiso diyaarada aad duuliyaha ka ahayd kugu dhashay?
J: Waxay ahayd maalintii aanu nimid bishii July, laakiin taariikhday ku aadanayn hadda si fiican iiguma saxna. Waxaanse qiyaasayaa inay ahayd 10-kii July, maalintaas waxaanu ka soo baxnay Muqdisho anaga oo laba diyaaradood ah, waxaanu ku degnay Gaalkacyo, oo aanu muddo ku nasanay, shidaalna ka qaadanay, Hargeysa waxaanu nimi qiyaastii illaa 5:00 Galabnimo, habeenkii waanu hoyanay, maalintii ka dambaysay waxay ahayn hawshii naloosoo diray inaanu bilawno. Markaa anigu cilado ayaan safarkaa dhexdiisa diyaarada ku soo arkay, waxaan idhi waa in cilada laga saaraa, maalintaasna diyaaridii anigu aan waday way fadhiday, tii kalena waxay bilawday hawshii markaas loo soo diray (Duqayntii). Maalintaa markii hawsha la dhameeyay, maalintii labaad waa maalinta aan tagay Jabuuti, illaa 12:00-kii ama 13;00-kii maalinnimo inay ahayd ayaan filayaa marka Jabuuti aan ka dagay ee 1988-kii.
S: Markaa, maalintaa aad halkan ka ambabaxday, hawshii lagugu soo amray ee ahayd in aad fuliso weerarada ayaad u anbabaxday oo kaga duushay madaarka Hargeysa?
J: Maalintaa waxa lagu xidhay diyaaradii aan waday Bambooyinkii kuwaasoo magacooba la yidhaahdo FAB 500. Markaana waxaa la noo diray inaan fulino hawshii, garoonka Hargeysa ayaanu ka kacaynay, isla Hargeysa ayaa la doonayay inaanu hawsha ka filino oo aanu duqayno. Waxa kale oo aanan kuu sheegin, waxa nala tusay Galabtii aanu Hargeysa nimi meelaha la doonayo in la garaaco, iyada oo naloo tilmaamay magaalada qaybo ka mid ah. Markaa ka dib-na waatan subaxnimadii labaad ee danbe, markii diyaaradaydii ciladii laga saaray waxa naloo diray in aanu meelihii nala tusay garaacno. Markaa waanu kacnay labadayadii diyaaradood oo wada socona, waxaananu u kacnay Jahada qoraxdu u dhacdo, iyadoo laga duulayo hawada caadiyan waxay diyaaraduhu ka kacaan hadba dhinac, markaanu kacnay waxaanu u leexanay dhinaca midigta, si aanu hawshii magaalada u galo. Anigu, waxaan qaatay markaa kooraska lagu taggo Jabuuti, iyada oo aan go’aankaygaasi ahayn mid wakhtigaas hawada aan marayay igu dhashay, balse uu ahaa mid aan hore u qaatay, oo aan samaystay Safarkii iyo tubtii aan ku tagi lahaa Jabuuti, Bambooyinkii 500 ee Kiiloo ahaa ee aan sidayna waxaan ku riday Naasa-hablood waxyar marka la dhaafo meel ah, iyaga oo ah markaa hab aanay qarxaynin ah oo wata amaankooda iyo fuyuuskoodii, si aan u helo Shidaal igu filan, oo isticmaalkii shidaalku iiga yaraado, waayo markaan culayska iska rogo waxa badanayaaya madhaxa shidaalka. Markaan iska dejiyay Banbooyinkii, safarkiigii ayaan halkii ka sii watay, sidaas ayaanan ku tagay Jabuuti. Safarkaygu waxa uu ahaa ugu yaraan 15 daqiiqo, illaa 18 daqiiqo ayaan ku tagay, ka dib waxaan bilaabay in aan isu diyaariyo degitaankii, Shiidaalkiina wuu iga sii idlaanayay, dabadeedna waxaan u degay si deg-deg ah. (Emergency land), meel Xeebta ah, oo aan Madaarka ahayn.
S: Markii aad dulmaraysay magaalada Hargeysa, sidee ayuu ahaa jawiga dadka, magaalada iyo deegaanka guud ahaanba maxaad dareemaysay?
J: Magaalada waa la arkayaa oo, taawarka Madaarka Hargeysa mar’aan dushiiska koray intii aanan ka duulin, oo aan halkaa ka eegay magaalada iyo sida ay wax u socdaan, Magaalo Xabaalo u soo eegaatay, oo gubanaysa, oo muuqaal ahaan murugo badan leh, isla markaana badhkeed bur-buray welina bur-burkii ku socdo ayay ahayd, wax la sifayn karana ma aha xaqiiqdii. inkasta oo ay Xasuustuna aad iiga fogtahay oo labaatan sanno inaan Cajalada dib u celiyo ay ugu khasbayso, si aan u xasuusto, hadana meelaha qaar ayaan la ilaabi karin, oo aad u murugo badanayd, oo ayaan-darro ahayd.
S: Meelaha aan xasuustaada ka go’in maxaa ka mid ah?
J: Meelahaa waxa ka mid ah, oo xusuustayda ku qoraa oo aan ka go’in, nin aanu saaxiib ahayn oo ila soo balamay, oo yidhi meel magaalada ka mid ah meeshaa waxa ku jirra Sodagay, ee bal soo eeg oo ka soo saar, meeshuna waxay ahayd meeshii naloo diray in aanu bur-burino. Markaa waxay ahayd shay uu qof waalan oo kaliyi samayn karo, meel dad ay ku jiraan, oo la doonayo inay diyaarado ay garaacaan. Markaa, hadii aan jawiga soo koobo waxa uu ahaa caam ahaan mid aad iyo aad u murugo badan, oo aan marnaba sife iyo sheeko laga sheekeeyo lagu koobi karin, cidii arkaysay ayuun baana ogaan karta.
S: Diyaaradan Miig 17-ka ahayd, duuliye ahaan kali ayaad ku ahayd miyaa?
J: Haa, diyaaradaha mid tababar ah iyo mid dagaal ayay kala leeyihiin, ta tababarku laba Kursi ayay leedahay, ta dagaalkuna waa Kursi kaliya. Markaa labada diyaaradood ee Miig 17-ka ahaa hal-hal Kursi ayay lahaayeen oo kuwa dagaalka ayay ahaayeen.
S: Markaa, markaad Jabuuti u sheegtay inaad soo degayso, maxay dareemeen, xaaladu-se siday noqotay?
J: Wallaahi, Jabuuti xidhiidh (Communication) maanaan lahayn, sababta oo ah aniga waxaanu isku xidhnayn kaliya Taawarka Ciidamada, inta kale ama Taawarka Jabuuti Raadyahaygu kamuu soconaynin ama iima suurtageli karayn inaan la hadlo. markaa haba yaraatee wax xidhiidh ah lama lahayn Jabuuti. Sidaa darteed, waxaan ku talo-jiray in aan hadba iska dago hadii ay ii suuragasho in aan Garoonka helo, hadii kalana aan ku dego meeshii kale ee suuragal ii ah, amaba aan ka baxo diyaarada oo goosto. Waxyaabo badan ayaan ku tala-galay, oo xisaabaad badan ayaan sameeyay iyo qorshayaal, ka hor wakhtigaas, si aan hadba mida ii suur-tagali wayda mooyee mid kale aan uga gudbo.
S: Markaa, ku tala galkaagu ma wuxuu ahaa, markaad diyaarada dejiso inaad ka boodo?
J: Haa, waxaan ku talagalay markaan diyaarada dejiyo inaan ka boodo. Markaa xeebtii ayay noqotay inaan ku dego, oo taas ayaa ii dhaantay, maxaa yeelay, guluubkii Shidaal la’aanta ee digniinta ayaa ii baxay, degitaankiina si wanaagsan ayuu ku dhamaaday, wax dhibaato ahina ma jirin.
S: Intii aad dhexda ku sii jirtay, ee aad xaga Jabuuti u sii jeeday, Ciidamada aad ka tirsanayd miyaydaan kala warqaadan oo aanay kula soo xidhiidhin?
J: Ciidamada way illa soo xidhiidheen markii aan magaalada ka baxay ee aan qiyaas ahaan Naasa-hablood wax yar dhaafay, waxaanan ninkii xidhiidhiyaha ahaa u sheegay in ay diyaaradu xuntahay, isla markaana Raadyihii ama is gaadhsiintii ayaan iska damiyay, maxaa yeelay safarkii iyo hawshii aan ku talagalay ayaan sii watay.
S: Dawlada Jabuuti, siday kuu qaabishay wakhtigaa?
J: Waxaanu is helay niman Kaluumaysato ah, iyaga ayaana aan doonyohoodii raacay, oo aan ku tagay Jabuuti. Isla markaana dawlada Jabuuti si wanaagsan oo wallaaltinimo ah, oo xaqiiqdii amaan iyo sharaf mudan ayay ii soo dhawaysay.
S: Diyaarada aad dhexda kaga tagtay, miyaanay arag Ciidadamada dalkaasi, oo aanay ku fahansanayn markaad degaysay?
J: Ciidamada, anigu waan u sheegay in ay diyaaradu meesha taalo, laakiin ma xaqiijin karo inay arkeen iyo inaanay arag. Laakiin, markii anigu aan tagay, warbixin ayaan siiyay, taas oo ahayd meesha ay diyaaradu taal iyo halka anigu aan ka imi inay Soomaaliya ahayd, oo warbaxinta waxaan siiyay Telefishanka, oo aan wax walba ku bayaamiyay iyo si kasta oo ay wax u dhaceen, iyaguna markaa si walaaltinimo leh oo amaan mudan ayay ii soo dhaweeyeen.
S: Ka dib, markaa aad Jabuuti ka degtay, ee ay dawladii Jabuuti ku qaabishay, maxaa dhacay?
J: Dawladii markay I qaabishay, waxa la igu wareejiyay Hay’ada Qaramada midoobay. In kasta oo ay xusid mudan tahay, in ay dawlada Jabuuti ay wadanka ii fasaxday, oo ay tidhi waad joogi kartaa, wadanku waa wadankaagii ee ku soo dhawaw. Laakiin, nabadgalyada darteed ayaan u doortay in aan wadan kale raadsado, taasna waxa qayb laxaad leh ka qaatay Xafiiskii Qaramada midoobay ee Jabuuti.
S: Dawladii Soomaaliya, ma soo dalbatay in dib luguugu soo celiyo?
J: Haa, inay soo dalbatay waan maqlay, laakiin dawlada Jabuuti waxay ii sheegtay in aanay marna igu wareejin doonin, oo aanay dib iigu gacan-gelin doonin ayay hore iigu sheegeen oo waxa ay yidhaahdeen mar hadaad wallaalahaa nabadgalisay anaguna waanu ku nabadgelinay, sidaas ayuu ii sheegay Wasiirkii arrimaha guda ee Jabuuti. Markaa taas ayaa damaanad ii ahayd.
S: Markii ay Qaramada midoobay ku qaabileen, xageed tagtay, ee aad uga sii gudubtay dalka Jabuuti?
J: Qaramada midoobay (United nation-ku) way I qaabileen, ka dibna waxay ii raadiyeen wadan saddexaad oo I qaabila, isla markaana waxa ay I waydiiyeen wadanka anigu aan doonayo. Ma kala dooran, oo aniga wadan inaan tago markaa ii cayinaa ma jirin, laakiin waxaan idhi hadba wadankii ii suuragala, waxaana ii soo baxay wadanka hada aan deganahay ee Luxermburg, isagaan markaa sidaa ku tagay oo ilaa hada aan deganahay, carruurtayduna ku sugan tahay, waana wadan yar oo u dhexeeya Faransiiska, Jarmalka iyo Biljam.
S: Hadiiba, aad fulin lahayd hawl-galkii laguu diray, intee in le’eg oo khasaare ah ayay geysan lahaayeen markaad qiyaasto gantaalaha aad siday?
J: Khasaarahay gaysan lahaayeen ma yaraadeen. Mida kale, ma ahayn kaliya inta aanu markaa sidno, waxay ahayd markaanu intaa ridno, in aanu kacno oo aanu soo qaadano hubka duqaynta loogu talagalay, oo aanu dhawr duulimaad oo kala dambeeya soo qaadano ridno, hadana soo qaadano ridno maalin kasta. Markaa, mar kaliya looma baahnayn, ee waxay ahayd Bambooyin badan oo yaalay inaanu soo qaadano oo Magaaladda ku asqayno. Markaa, khasaaraha aanu gaysan karaynay mid la qiyaasi karo ma ahayn, oo magaalo dad iyo wax waliba joogaan, oo lagu garaacayo Bambooyin aan lahayn wax difaac ah, waayo difaaca waxa loo isticmaalaa in ay wax ka taraan marka magaalo sidaas oo kale ah la duqaynayo, marka la eego dadka iyo Guryahana waxay gaysan lahaayeen dhibaato aad u badan.
S: Awooda dawladii Soomaaliya, wakhtigaa aad umay bur-burin , oo Sirdoonkeedii iyo Safaaradeheediba way shaqaynayeen, markaa dalkaa aad tagtay, ma ku dareentay cabsi, dhibaato ah ama ugu yaraan wax shaki ah oo ay kugu soo gaadhsiisay ma jirtay?
J: Maya, baqdin sidaas ah ma qabin, maxaa yeelay wadankaan joogay Soomaali badani ma joogin, aniga iyo dad tiro yar ayaa daganayn, cid sidaa warar iiga soo tabinaysaana ma jirin, awooda Soomaaliyana ma ahayn awood heerkaa gaadhsiisan, oo ay dhibaato Yurub dhexdeeda iigu gaysan karto, baqdin badanina iguma jirin.
S: Jabhadihii dagaalamayay adiga ma kula soo xidhiidheen, oo ugu yaraan ma kuugu mahad-celiyeen talaabada aad qaaday?
J: Wallaahi runtii, Jabhadihii ma wada arag, shaqsiyaad ama dad ka mid ah oo aanu isku aragnay Yurub, oo hambalyo ii soo jeediyay way jireen. Aniga oo markaa isku arka, inaanay jirin wax la iigu hambalyeeyaa, laakiinse gutay waajibkii la iiga baahnaa ee dadnimo, oo ahayd in aan shacabkayga bad-baadiyo, oo dadka walaalahay ah aan ka daayo dhibtii ay gaysan lahayd diyaaradii aan waday. Waayo maan ahayn Aalad sidii la doono loo adeegsanayo. Markaa, wax dheeraad ah, oo aan u sameeyay ma jirin, laakiinse dadku waxay igu geesinimo galiyaan waajibkaygaa aan gutay.
S: Saaxiibadaadii kale, ee diyaaradaha waday ma jireen, qaar ka mid ah, oo ku dhiiraday talaabadaa adigu aad qaaday oo kale, ama isaga oo aan diyaaradaba soo fuulin baxsaday?
J: Waxaan maqlay diyaarad Ciidanku iska lahaa taas ayaa jirtay, oo nin duuliye ahi Jabuuti ka dejiyay iyada oo markaa meel kale u socotay. Dabadeed diyaaradii iyo dadkii la socday inta duuliyeyaal kale loo diray dib loo soo celiyay, isagiina uu halkaa ku hadhay. Markaa waxa diyaarada la socday Qolooyin dhinaca Ciidanka Saadka ah iyo Qorshaynta dagaalka ah. Markaa taas ayaan maqlay intii iga dambaysay.
S: Haatan goorma ayuu ahaa imaatinkaagan Hargeysa, maxaase dareemaysaa aragtidaadan cusub?
J: Hargeysa waxaan imi shalay, aad iyo aad ayaanan ugu faraxsanahay nabada iyo horumarka laga sameeyay Somaliland, oo qalbiga qofka walaalka ah aad u farax-gelinaya, waxaanan ugu tahniyadaynayaa, kuna dhiiri-gelinayaa in halkaa laga sii wado nabada, horumarka iyo shaqo abuurida iyo hawlahaas oo dhan oo aan u arko wax aad loogu farxo, waxaan rajaynayaa in ay ka sii horumarto.
Waxaan ka tagay Magaalo baaba’day, waxaanan imi Magaalo nololi ay ka muuqato, waana wax lagu farxo. Waanan ku tahniyadaynayaa walaalaha madaxda ah iyo shacabkaba.