Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. London, Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland mudane Cabdillahi Maxamed Du’caale ayaa saaka subaxdii hore markii ay saacada London ahayd 8:45 am, soo gaadhay magaalda London ee xarunta dalka Ingriiska. Halkaasi oo wasiirka ay ku qaabileen saraakiil sar sare oo ka mid ah dawlada Ingriiska iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Somaliland. Isla saakaba wasiirku waxa uu wada hadalo la yeeshay saraakiil ka tirsan wasaardaarimaha dibada ee Ingriiska, wada hadaladan ayaa socon doona ayaamaha fooda inagu soo hayaba, iyada oo uu wasiirku u sii gudbi doono gobolka Scotland halkaasi oo lagu marti qaaday, isla markaasna uu kaga qayb gali doono kulamo caalami ah. Wasiirka ayaa ku biiri doona wafti uu hogaaminaayo madaxweyanah Somaliland oo ayaamaha soo socda soo gaadhi doona dalka Faransiiska, taasi oo uu madaxweyanaha iyo waftigiisu ay hada ka soo baxeen magaalada Haragaysa iyaga oo ku soo jeeda magaalda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay uga sii gudbi doonaan dalka Faransiiska, oo ay uga bilaabmi doonto booqasho uu madaxweyne Rayaale uu ku maraayo qaar ka mid ah dalalka Yurub. Sideedaba xukumada Somaliland iyo shir gudoonka golaha wakiilada ayaa si baaxdleh u wadaqaaday talaabooyin diblomaasiyadeed oo talan taali ah iyada oo shirgudoonku ay soo mareen dalka Kiiniya oo ay kaga soo qayb galeen shirkii Barlaanada caalmka, halkaasi oo lagu marti qaaday gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, hadana ay u sii gudbeen qaarada Yurub iyaga oo booqasho hada ku jooga wadanka Norway una sii gudbi doona meelo kale.
  2. Heshiiska lama necba lakin waa kani waa xumbo sxb. Kuwii hore waxba kagama duwana hadaad sidaa wax u garanayso. Jabuuti uunbaa laga dabaal degeyaa laakiin gudaha xaaladu way sii xumaanaysaa. Sidaa ula soco.
  3. You wouldn't talk about if it doesn't exist sxb. Thanks for the contradiction. Ilaahay khayrka ha u soo dedejiyo Somalia lakin that heshiis waa shimbirayahow heesa and can't do anything on the battle grounds. Soomaalidu ilaa laga dhex baxo oo ay iyagu wada hadlaan xal la gaadhayaa ma jirto. Heshiiskana maraykan iyo reer galbeed baa soo jeediyay hadafkooduna maaha inay nabadi dhacdo ee waa in al-shabaab la faquuqo ... hadii sidaa ay u noqon waydana iyaga waxba kama gelin.
  4. Jacaylbaro

    burshishiil

    You can't make the easiest one while you can do the more difficult stuff ??? ,,,
  5. Means they are funded by the government .....
  6. looooooooooooooooool Abtigiis, 1977 diyaaradaha dagaalka xabashida ayaaban daawayn jiray markay Hargeisa duqaynayeen ,,,,,,, markaa anigaa kaa weyne sidaa ula soco ,, Alfa, Adiga maxaa ku laab qaaday bal ?? ,, runta iska sheeg cidi ku dili maysee ,, hehe
  7. Yes, and this was not expected at all. Alxamdulillah ,,,,,
  8. Norway gathering is inline with the reality on the ground sxb ,,, what is happing there is going along with what is happing inside the country. Your so called heshiis is just within the calool weynayaal in Djibouti but the reality on the ground proves it wrong. Sh. Sharif has nothing to do with Al-shabaab and what is hepping in Kismayo, Muqdisho, Beledweyne and so on. So the tfg gangs .........
  9. Acting ??? I thought they are a colonial power ,,, :confused:
  10. Waxyaabaha qaar baa ku fiicnaa in lala sugo markay Ramadan baxdo ,,,,,,, hadii kele khatar weeye xaajadu ,,,
  11. SDWO (Norway 13/09/08) Shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland Mudane Cabdirahmaan Cabdillahi Cirro iyo ku xigiinkiisa Kowaad Cabdicasiis maxamed samaale oo shalay booqasho gaaban ku soo gaaray wadanka Norway ayaa maanta xarunta shirarka rr Gronland torg kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Norway gaar ahaan magaalada Oslo waxaana kulankaas ka soo qaaybgalay dadweeyne aad u tiro badnaa oo si wanaagsan u soo dhaweeyay masuuliyiinta. Ugu horeeyn waxaa halkaas ka hadlay oo daadihinaaysay shirka Faadumo Madar oo ah xubin ururka ucid ka tirsan waxaayna si kal iyo laab ah u soo dhaweeysay shirgudoonka golaha wakiilada somaliland waxaana ugu horeeyn goobta ka hadlay Wakiilka somaliland ee Norway Mudane Maxamed Aden Linen isagoo ka war bixiyay oo goobta ka sheegay xafiiska safaarada somaliland in aay rasmi ahaan u furantahay isla markaana dhalinyaro badani ka shaqeeyn doonto si fursad aay u helaan dhalinyaradda aqoonyahanka ahi . kadib waxaa hadalkii qatay Gudoomiyaha Jaaliyadda oo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha shirgudoonka Mudane Cabdiraxmaan cabdilahi cirro oo warbixin dheer oo ku saabsan hawlaha barlamaanka intii aay joogeeyn u qabsoomay waxuu kaluu cadeeyay in aay iska dhacdo in hawlaha wada shaqeeynta golayaashu aay sababeen in waxyaabo badani aay hore u socon waayeen ayadoo buu yiri aay hadda wada shaqeeyntu soo hagaageeyso,Mudane Cirro waxa uu ku dheeraaday safarkoodii Nairobi ee ugu dambeeyay oo guul ugu soo dhamaaday khaasatan ayagoo ahaa wadanka kaliya ee afsomaliga ku hadla ee ka qaaybgaly anagoo buu yiri barbar wadnay shirar duceedyo aan kula kulanay safiiradda Ruushka iyo Mareeykanka oo aanu isla jeexjeexnay arimaha somaliland ayuu ku soo gabagabeeyay Gudoomiyuhu. Waxaa kaloo Hadlay Mudane Samaale oo Dadka ku baraarujiyay alla ka cabsiga bisha rabadaan iyo tusaalooyin badan oo lagu cibra qaato oo uu ka soo qaatay ayadaha quraanka kariimka isagoo dadka ku adkeeyay in sabir wax lagu gaaro iyo shaqo lana gaari doono himilooyinka somaliland iyo ictiraafkeeda inshaa alaahu Gudoomiye ku xigiinku waxa uu cadeeyay in aay aad u jecelyihiin dadka jaaliyadda reer Norway ilaahay dartii maadaama aay mar walba soo booqdan bisha Rabadaan ee qiimaha badan. Kahor intaanay iman wafdigu goobta shirka waxaay soo booqdeen xarunta xafiiska wakiilka somaliland ee Norway oo si diiran uu ugu soo dhaweeyay Wakiilka Mudane Mohamed Liinen. waa kuwan sawiradii oo dhan.
  12. Hargeysa (Qarannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa galabta dalka ka amba baxay, iyaga oo u sii jeeda dhinaca Dalka France. Madaxweynaha waxa Madaarka Hargeysa ee Cigaal International ku sii sagootiyay Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , Wasiiro, Shirgudoonka Guurtida, Mudanayaal iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, madaxweynaha ayaa waxa uu ku sii hakan doonaa magaalda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaasi oo ay maanta galinkii danbe diyaar ugu ahaayeen soo dhawayntiisa madax sar sare oo ka tirsan dawlada Itoobiya iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Somaliland iyo wakiilka Somaliland ee fadhigiisu yahay magalada Addis Ababa, socdaalka madaxweyanah ee xiligani waxa uu ku soo beegmay xili ay ururka midowga Afrika iyo dalal waaweyn oo ka mid ah dalalka Carbeed ay ka soo dabceen mawqifkii ay ka taagnaayeen gooni isu taaga Somaliland Hadaba intii aanu madaxweynahu uuna ka dhoofin garoonka kula hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu casuumad ama ballan ka helay Dawlada Faransiiska, waxana uu sheegay Madaxweynuhu in uu la kulmi doono madaxda sare ee France, isaga oo isla garoonka Maanta galinkii danbe markii uu sii dhoofaayay salaan sharaf kaga qaatay ciidmada Band Boys-ka oo xagaasi u garaacayaay ilaa intii uu dhoofaayay isla goobtaasina ay ku siiyeen salaan sharaf madaxweyne, madaxweynahu muu sheegin xaga uu u sii dhaafaayo dalka Faransiiska inkasta oo wararka ay helaysay shabakada qarannews ayaamahii ina soo dhaafayba ay sheegayeen in uu tagi doono dalalka Jarmalka iyo Faransiiska,iyo Ingriiska hadana ilaa hada wax la hubo ma aha Wefdiga Madaxweynaha oo sii raacay diyaarad ay leedahay shirkada diyaardaha ee Ethopian Airline-ayaa waxa ka mid ahaa marwada koowaad marwo Huda Barkhad Aadan , Wasiirka Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale iyo xoghayaha khaaska ah ee madaxweynaha mudane Axmed Maxamed Ciise. Dhanka kalena xafiiska Somaliland uu ay ku leedahay magaalda London ayaa isna mudooyinkii danbe qaaday talaabo dardar galin ah oo diblomaasiyadeed isaga oo wakiilka Cusub ee Somaliland dhawaan u soo magacaabtay dalka Ingriiska uu soo jiitay saxaafda reer galbeedka siiba kuwa Bitain, taasi oo saakana uu magaalada London soo gaadhay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland sidoo kale dhamaan xafiisyada iyo wakiilada Somaliland ee caalmka ayaa la dar dar galiyay xiligani iyada oo ay ku soo beegantay xili ay caaalmku dhagaha u fureen xukumada Somaliland aad iyo aadna ugu amaaneen horumarka iyo nabadgalyada uu ku socdo dalkaas yar ee aan cidna caawimo ka helini, kaasi oo ay saxaafda Ingriisku dhawaan ku tilmaamtay dal yar oo dadaalkiisa ay Afriki wax ka baran karto
  13. So they will kill any passengers on Daalo, Juba airways, etc ?? ,,,, those coming from other regions and abroad ?? everybody ??? Now that is Barbaric ,, if it is true ,,
  14. Originally posted by Alfa: quote:Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: YES ,, IT IS TODAY ,, What does it mean to you ? Hadal badni baan taas u aqaana. Aanu ka hadalno teena. maaha? It affected us sow maaha ?? ,,, otherwise Xabashi and their masters were not in Muqdisho under that banner of fighting against terror ,,,