Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. That is when Budhcad stands as a word ,,, Budhcad is used in a general way. Budhcad-badeed is another word which means pirates.
  2. Norf, slow down niyow maxaad la ordaysaa meeshu waaba accident miidhane. nuune, only if you see the market which is open 24 hours until Eid ,,, extremely crowded ,,,, Bal ciidda dambe na soo booqo IA ,,,
  3. THANK YOU ALL for your advices ,, i really appreciate them all. I will take your advices as it is. This means i will write more than one story here. Faheema, I will write that Devil side of me ,,, would be fun i tell ya ,, nuune, that is an Excellent idea. All these cyber characters will make a full book once i start to describe them one by one ,,, and explain the life in the cyber world. CL, Thanks ,,, NG, Thank you very much for the silly story ,,, this is good. I will turn it into Somali, twist the words, play with the story and come up with a funny one. It suits a series writing i was going to start about "Magaalo joog xumo" ,,, Thank you again sxb. A&T, Thanks for the advice. I would like to take some of your stories but you spend too much time constructing the characters and the stories are not usually finished. I was thinking of taking the one that was recently deleted ,,, Yes i still have a copy of it somewhere ,, ,,, But that doesn't seem a good idea as we are in the last 10 days of Ramadan. It will be another story after Ramadan Insha Allah. A&T, sxb adigu hadii kubbadu isu kaa sallaxdana laadi garan maysid walaahi ,,,,
  4. Berbera, September 23, 2008 (Haatuf) – Laba diyaaradood oo ah nooca Milaterigu ay isticmaalaan ayaa shalay gelinkii dambe abaaro afartii galabnimo soo cago-dhigtay madaarka caalamiga ah ee Berbera. Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay diyaaradahaas iyo dadkii la socday toona. Hase yeeshee sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ahi, diyaaradahani waxay siddeen wefti ka socda ciidamada Maraykanka iyo kuwa Faransiis ah, kuwaas oo la sheegay inay ka socdaan ciidamada wadamada badan ka socda ee loo qorshaynayo inay la dagaalamaan budhcad baddeeda Puntland ee ka ugaadhsata Maraakiibta xeebaha Somalia. Weftigan oo aan la sheegin tiradoodu inta ay ahaayeen iyo wadamada ay ka kala socdaan, ayaa la sheegay in gaadiid lagaga soo qaaday dhabaha diyaaraduhu soo fadhiistaan oo ay diyaaradihii sidday kaga degeen, iyadoon diyaaradahaasi aanay u soo dhowaan dhismaha Madaarka ee loogu talo-galay in diyaaraduhu ku dejiyaan rakaabkooda, waxaana weftigaas gaadiidku u soo qaadeen dhinaca magaalada Hargeysa oo sida la sheegay ay kula kulmayaan Saraakiisha xukuumadda. Ilaha warkan laga helay ayaa tibaaxay in weftiga milateriga ahi hordhac u yahay ciidamada la-dagaalanka Budhcad Baddeeda Xeebaha Somalia, oo Maraykanka iyo xulifadiisu ay doonayaan inay ka maamulaan Berbera dagaalka ay ku qaadayaan budhcad baddeeda loo mari la’yahay marin biyoodka u dhexeeya gacanka cadmeed iyo Badweynta Hindiya oo hoy u noqday budhcadda. Weftigan oo si aad ah looga ilaaliyay warbaahinta iyo dadkuba inay wax ka ogaadaan ujeedada socdaalkooda iyo cidda ay yihiinba, ayaa wararku intaas ku darayaan in weftigan ay Madaarka Berbera ku sugayeen saraakiil ka socota xukuumadda iyo hay’adda Sirdoonka Qaranka, kuwaas oo u soo galbiyey dhinaca Hargeysa. Sida la ogyahay waxaa dhawaan soo baxay warar sheegaya in dawladda Faransiisku u isticmaashay Madaarka iyo Dekedda Berbera hawl-galo ay ciidamadeeda Kamaandoostu ka fuliyeen xeebaha Puntland, kuwaas oo ay ku soo qabqabteen budhcad baddeeda Puntland isla markaana ku soo badbaadiyeen dad u dhashay Faransiiska oo ay budhcad baddeedu Puntland ugu haysatay madax furasho kadib markii ay ka soo afduubeen iyaga iyo doonyahoodii badda gudaheeda. Maaha markii ugu horeysay ee ay wufuud dhinaca Milateriga ah oo ka socda dalalka reer Galbeedku ay yimaadaan Somaliland, balse bilihii u dambeeyay ee sannadkan waxaa dhawr jeer yimid Somaliland wufuud milateri oo ka kala socday dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, kuwaas oo aanay xukuumaddu marnaba soo hadal-qaadin ujeedada ay u yimaadeen dalka. Sidoo kale imaatinka weftigan ayaa ku soo beegmay xilli uu Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayaa ay socdaal aan ujeedadiisa la sheegin ku tegay dalal ka mid ah Yurub, gaar ahaan Faransiiska oo la sheegay in ujeedada uu u tegay ay daaran tahay sidii iskaashi dhinaca Milateriga ay Somaliland iyo Faransiisku iskaga kaashan lahaayeen la-dagaalanka Budhcad-Baddeeda oo laga cabsi qabo inay ku soo fidaan dhinaca xeebaha Somaliland.
  5. Dee kuwa Afrikaanku sow shaqo tag maaha ,,, weliba intaasi waa inta muuqata ee bal ka warran inta qarsoon
  6. ,,, i was there last night ... just to see what is new there ,,, they had some nice stuff but feri expensive ,, lol
  7. I was reading this book and I thought it was an interesting definition the it is crap book
  8. Saddex sannadood ayaa laga joogaa maalintii aan akhriyey sheeko aan aad ula dhacay oo magaceedu ahaa Ladh. Faallo aan maalintaa ka qoray waxaan ku saadaaliyey Cabdillaahi Cawed Cige oo ah qoraaga sheekadaas in ay wacdaro sheeko qorista ahi ka soo curteen. Taasi waxay ii dhabowday dhowaan kolkii aan akhriyey sheekadiisa labaad ee lagu magacaabo ROGE. Iyadana maanta ayaan halkan wax kaga odhanayaa. Intase aanan buugga gudagelin aan halabuurrada soomaalida ee xilligan guud ahaanba u cudurdaaro. Cudurdaarku waa in muddo soddon sano ku siman isirka soomaaligu ku sugnaa xaalad lagu tilmaami karo “yoomalqiyaame”. Run ahaantii waxaa loo eg yahay ummad la rogay inta noolina dirqi ku soo badbaadday. Taasi waxay keentay suugaantii muddadaas la curiyey in ay ahaato wax aad u xanuun badan aadna u qallafsan oo waayaheeda ka turjumaysa. Sheekadan ROGE waayahaas ayaa dhalay. Waa sheeko ka kooban 416 bog oo sadar waliba maddane cad ka kulul yahay. Haa, afar boqol lix iyo toban bog oo sadar waliba maddane halcaya ka daran yahay. Kolka aad dhammaysana waxaad isweydiinaysaa in aad sheeko dheer akhriday iyo in aad cadaab dhex lugaysay oo dhanka kale uga baxday. Run ahaantii dunida laga hadlayaa bilaw iyo dhammaad waa caynkaas. Halkee ayeynu ka bilawnaa? Waxaynu ka bilaabaynaa meeshii ay wax waliba ka soo bilawdeen. Waa Soomaaliya oo mid ah xilli ku beegan badhtamihii 80-nadii. Waa dawladnimo ismoodsiis ah iyo ismoodsiis dawladnimo ah. Waa car iyo wir iyo keeb-la-yuurur. Waa askari iyo jabhad; ****** iyo qurmis. Rasaas baa dhan walba u farraqan. Xabbadda aadan adigu cid ku dhufani adiga ayey kugu dhacday. Fagaaraha Burco ugu weyn waxa keliya ee lagu soo bandhiggaa waa gumaadka barbaarta oo reer hebelka ay yihiin loo deldelo. Baabuur waaweyn inta laga soo buuxiyo oo koox koox looga soo rogo ayaa kolba xayn tiirarka lagu xidhaa oo tacshiirad lagu furaa. Rasaasta gumaadkana xabbad walba qaraxeedu wuxuu baraarujiyaa naf daacad u ahayd dawladnimo ismoodsiis ah. Waa halkii uu nin taas ogi ka lahaa: Deldelaadda boqol boqol Kala daran isugu xidha Dacartaa ku shidantee Ha darrooro hilibkuye Daldaloosha xididdada Tuducaasi malaha wuxuu la hadlay Keenadiid. Wuxuu ahaa barbaar dugsi bare ka ah dharaartii walaalkii Casayr oo aan dembi lahayn hortiisa dhegta dhiigga loo daray. Agoon iyo oori aan sababta loo sheegin ayuu Casayr ifka kaga tegay. Dabadeed xabbaddii ninkaa dishay iyo tii isaga loogu aaray dhexdooda ayey Soomaaliya ku luntay. Taas intaa ha u dhaafin. Waxaa se jirta arrin markii koowaad sheekadan lagaga garaabay, taas oo ah in ay jireen askar masaakiin ah oo dagaallada lagu soo jujuubay. Dadkaas in badan oo ka mid ah waxaa iyaga oo xabbad dhafoorka lagaga hayo laga soo qafaalay gobollo fogfog, mana ay haysan doorasho ay ciidanka kaga baxaan ama ku baxsadaan. Waxay ahaayeen dad beerato iyo raacato ah oo aan wax badan kala ogayn. Duulkaas ayey sheekadani markii koowaad dad ku sheegaysaa. Waxay ahaayeen noole dulman oo qudhoodu ka dhimanayey dad ay jeclaayeen iyagana jeclaa. Fiidow-Tooxow markii ay xabbadda mucaaradku madaxa fujisay agoontii uu ka tegay iyo kuwii uu qudhiisu markaas ka hor agoomeeyey waa isku cuqubo. Taasi waa Soomaaliya oo mid ah oo is eedday. Imikana waa Somaliland oo gaar ah. Waayihii hore haddii la sheegi jiray warshadda xumaanta soo saartaa in ay Xamar ku taal, imika waxaa la malaynayaa warshaddaasi in ay Hargeysa ku taal. Xumaantuna laamiga dheer ee koonfureed ma soo raacdo waxay se ka soo baxdaa dhulka. Kala duwanaanta labada marxaladoodna waxaa ka oogan weydiin aad u culus oo jawaabteeda laga wada baqo. Qof dhiirrani wuxuu odhan karaa “ma jiraan wax isdooriyey aan ahayn dadgumaadkii oo laga xoroobay”. Qof kalena wuxuu ku jawaabi karaa “labada marxaladood in la isu eego ayaaba godob ah”. Kol walba se waxaa door ah in la isweydiiyo maanta in la haysto hannaan dawladeed oo ay bulsho hagaagsani ku dhaqnaan karto, iyo haddii aan la haysan sida lagu heli karo. Markaas oo qudh ah ayey taariikhdu waxtar yeelan kartaa. Taariihduna ma aha wax iska dhaca ee waxaa wada falalka dadka. Ta sheekadanina waxay lahayd dadkeeda. Waa reer Axmed Qaalib iyo reer Yuusuf Qaalib oo isku qoys ah. Waa qoys habaaran ama ku dhaqan duni habaaran. Silsilad dheer oo hoog ah ayey dacalka haystaan. Hoogga koowaad waa askari xabbad ku hubaysan. Hoogga labaadna waa Heneri Beyle oo jeermi ku hubaysan. Koos oo ah gabadha keli aha ee reerka kolkii ay Ingiriiska u qaxday sidii ay wax u baranaysay ayey nasiibxumo lamafilaan ahi ku dhacday. Loogama horrayn macallinkeeda jaamacadda oo ah maraykan madow. Habeen keliya iyo booqasho aanay mahadin ayaa laga raacay. Waxaa afduubay Roge, waxayna gashay ayaandarro gaadhsiisay in ay sidii Dhegdheer ragga qalato. Koos sidaas ayey waxbarashdii kaga saaqidday noloshana kaga dhacday. Warkeeda waxaa inoogu dambaysa iyada oo Roge iyo garac la legdamaysa. Isla jeerkaas ayuu walaalkeed Xaad galaabaxayaa Togdheer iyo Hawd oo qaddiyad uu rumaysan yahay u raamaystay. Isla markaa ayuu walaakooda kale ee Kaahin Ingiriiska qaad la yuururaa oo eydhis xoogsanayaa. Isla markaas ayuu walaalkooda afraad ee Qaalib dhakhtarnimo aayo leh Hindiya ka baranayaa, kolka uu dalkii ku noqdana wax rag kale xumeeyeen hagaajinayaa. Ina adeerkood Keenadiid ee Burco macallinka ka ahaa isagana markii walaalkii Casayr gacan ka gardarani nafta ka goysoy halgan ayuu nidar ku galay. Wuxuu caadaystay in uu askarta madaxa ka toogtoogto. Nin walba se wadku wuu dilaaye, inta uu rag ku maqan yahay isagana waa lagu maqan yahay. Keenadiid inta aanu fallaagoobin wuxuu si anshaxumo ah buul uga dhistay caloosha Nuura, taas oo awelba bulshada ka faquuqnayd. Wax ay galabsatay ma jiraane waxaa la yidhaahdaa ‘dhiiggeeda ayaa sabnimo ku jirtaa’. Iyada oo awelba xaalkeedu sidaas ahaa ayey haddana ubad aan aabbihii la aqoon ifka keentay. Kolkaa tamarta keliya ee ay ku soo noolaan kartaa waa yididiilo ay ka qabto nabsibax. Niyadsamida kuma ay hungoobin oo ninka geyiga ugu halyeysan ayey marwo maamuus leh u noqotay. Ha yeeshee reer Qaalibka ay u dhaxday sida aynu aragnay waa qoys ayaandarradu deris la tahay. Awood nacab ah oo Roge lagu magacaabaa in ay jirto iyaga ayaa baray. Waxay ugu curatay Ayaan oo lagu naanaysi karo ‘Ayaandaran’. Ayaan waa curadda horgalka ah ee Nuura, waa agoonta Keenadiid, waa indhadeeqda Xaad, waa fadeexadda Kaahin, waana foolxumada madaxda Somaliland. Intaba. Ayaan sidii ay ku dhalatay lagama sheekayn karo, fursadda nolosheeduna waxay la itaal ahayd xuubka caarada. Haddana qaddarka iyo dadkii jeclaa dadaalkooda ayaa ka dhigay qofka habboon ee ay noqotay. Kolkii ay hanaqaadday hankeeda iyo hiyigeedu waxay ku wadeen xiddigaha, nacab baa se legday. Waxay sababsatay damaceeda sarreeya, waxay eedday tegista Hargeysa, waxayna eersatay madaxda dalkeeda. Markii ay jabtayna waxay nidar ku gashay guuldarradeeda in ay guul u rogto. Waxay goosatay in ay qaaddo halgan u dhigma kii aabbaheed iyo adeerkeed. Waxay goosatay in ay Roge iyo ciidankiisa nacabka ah cagta mariso. Madaxweynaha Somaliland isaguna wuxuu nidar ku galay in uu dad aad u tayo liita hawlaha umadda u dirto. Sidaas oo keliya ayuu rumaysan yahay in uu madaxweyne ku sii ahaan karo. Si kale ma yaqaan ama dooni maayo. Dadka bulshada ku dul kaaja waxaa ka mid ah Cabdi Jirikaankii waallaa ee caanka ahaa ee waddooyinka Hargeysa ka qaylin jiray. Waxaa kale oo ka mid ah Kaahinkii qaadku dilooday ee cudurka halista ah qurbaha kala yimid. Labaduba waxay noqdeen wasiirro uu madaxweynuhu ku indhakuusho. Siyaasi, qof caadi ah iyo bulshada oo dhamiba aayaxumada masuul waa ay ka yihiin, haddana uunkaasi idilkood waa ay yeeshaan xumo iyo samo, iyo dhisid iyo duminba. Se Roge abuurtiisa iyo dhaqankiisu waa in uu wax rogo oo keliya. Taas oo qudha ah ayuu weligiiba ku hawllan yahay. Rogis ayuu u socdaa haddii aan la iska qaban, welina laguma heshiin in la iska qabto. Maxaa la iska qabtaa waaba lagu muransan yahay jiritaankiisa iyo haddii uu jiro cidda uu cadawga u yahaye. Roge ma kala jecla hodanka iyo saboolka. Ma kala jecla ragga iyo dumarka. Mana kala jecla carruurta iyo cirroolaha. Kolkaa xitaa wadka wuu ka xun yahay, waayo wadku badanaa wuxuu raacaa xeerka nolosha ee la isla yaqaan, sida bukaanka iyo gabowga. Se Roge wuxuu ku hawlgalaa xeer cusub oo argaggax leh oo u baahan in la barto. Wadku sida caadiga ah wuxuu ugaadhsadaa dadka jilicsan, wuxuuna ka qawlaystaa meelaha lagu dayacan yahay. Laakiin Roge dabinnada meel walba wuu dhigtaa, xitaa golayaasha lagu ladan yahay ee farxadda iyo raaxada leh. Waxaa ka badbaadi kara qof sida tukaha u feejigan oo dabindhuudka yaqaan. Haa, waa taa dunida sheekadani inooga sheekaynaysaa. Cabdillaahi Cawed Cige sidii hore iyo si ka daran ayuu waallida iyo miyirqabka ka dhigayaa wax qudh ah oo laba magac leh. Riyada, qarowga, soojeed’hurudka iyo islahadalku waxay qayb ka yihiin waxqabadka iyo hawlaha adduun. Fooxinta, faalka iyo xiddigisku iyaguna waa aqoon sugan. Arrimahaas oo dhami ma aha hummaagyo ay maskax garasho liidataa silic ku aragto, waa se xaqiiqo leh kutalagal iyo kudhaqan. Sheekadan, sida tii ka horraysay ee Ladh, riyadu waa dhab, dhabtuna waa riyo. Dhimashada iyo noloshu soohdin ay ku kala baxaan ma leh. Reer if iyo reer aakhiro ayaa wada dhaqan. Waa ay wada shiraan, wada tashadaan, isuna hiiliyaan ama kala aarsadaan. Waa halkii uu nin yaabay ka lahaa: Wuxu yidhi degmadayada Ruuxii la duugaa Marka laga dareeruu Dib u soo dhashaayoo Durba loo mashxaradaa Qoraagan sheekooyinkiisa sidoodaba waxaa u gaar ah oo ay wadaagaan astaamaha ah: 1) khayaali hodan ah oo mararka qaarkood mooska jabsada; 2) dunida dhabta iyo dunida dhalanteedka nafsiga oo aad isugu milan kala saariddooduna akhristaha uga baahan tahay dadaal; 3) foolxumada iyo xanuunka oo aad uga baaxad weyn wanaagga iyo liibaanta. Taas oo jirta haddana muuqaal walba oo foolxun oo buuggan la inagu tusayo waa la qirayaa in uu dhab u jiro. Dabadeed waxaa hadhay sidii looga bixi lahaa, qof iyo qaranba. Waxba tari maayo dhalanteedka la qabatimay, kaas oo ay ugu horrayso, shalay iyo maantaba, dawladnimada qaladka laga fahmay iyada oo aan waxa ay tahay lagula dhaqmin dawgeedana la marin. Waxbana tari mayso in carrabka la iskaga soo celceliyo ”dawlad, dawlad, dawlad” iyada oo lagu jiro xaalad ka liidata tii tolalka iyo geeljirenimada. Masuulka xun, cudurka xun, dulmiga xun, gaajada xun iyo dibudhaca xun intuba waa ay iswataan, waxayna la socdaan tayo xumada iyo xilkasnimo darrada dadka talada haya, gun iyo baarba. Dadkaas ay dunida sidaas u fooshaxumi ku xilka lee dahayna, maalin hore iyo maantaba, sadarrada madow ee siiyaalka magacxumo ayey kaga tegayaan. Waxaa se furan toobad iyo dembidhaaf. Xitaa inta eydhiska qabta dhuuxooda waxaa ka soo bixi kara dhal fayow. Gunaanadka sheekadan ayey yididiiladaasi ka muuqataa. Xagga daabacaadda, run ahaantii ROGE waxay ka mid tahay kuwa ugu dhammaystiran ee ilaa imika af soomaaliga ku soo baxay. Dhaliilo badan oo xagga farsamada, higgaadda iyo tifatirka ah oo tii iyada ka horraysay ka muuqday si buuxda ayey tani uga horumartay. Dhanka hab-qoraalka af soomaaligana, in kasta oo aan weli la hayn qaab la isku wada raacsan yahay, sheekadani waxay u qoran tahay si aad u qurux badan. Ha yeeshee lama dayn karo in la isxusuusiyo weydiin awelba arrintaas ka oognayd oo ah: qoraa waliba haddii uu dadaal badan u sameeyo in uu sida isaga ula habboon wax u qoro, qoraa kalena dadaal kaa la mid ah sameeyo, dabadeed labadii natiijo kala duwanaadaan, sidee loo midayn karaa si afku hab-qoraal la wada raaci karo u yeesho? Waa weydiin muhiim ah haddana masuulka xilkeeda leh weli ka gabbanaadan. Gabagabdii aan idhaahdo, sheeko faneed wanaagsani waa in ay sidan ahaataa; sidan ROGE. ________________________________ Sifaha buugga: Magaca: ROGE Qoraaga: Cabdilaahi Cawed Cige Soosaaraha: Ponte Invisibile Daabacaadda: 2008 Magaalada: London Taxanaha: Cirsankayeedh Xajmiga: 13×20cm; 416 bog. Ka arag: www.redsea-online.com Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
  9. Haa waanu barinay ,,,,,, Ciidii baa loo diyaar garoobayaa oo suuqa lama mari karo ,, dadkii oo dhan baa tuban
  10. Transparency International released its now-famous Corruption Perceptions Index, which concluded this year Somalia as the most corrupt country in the world. Hooray for us! But wait a minute. What? Somalia and corruption? Are these people insane? How do they define corruption? The last time I checked, in order for corruption to exist, a semblance of law and order has to exist in the environment in which the corruption prevails. I don’t know what these people were thinking but surely Somalia does NOT qualify for this award. I mean, I don’t intend to insinuate that Somalia is not corrupt, but when one thinks about corruption in the sense of political and economical manifestation, Somalia would have to be the last place on the planet to qualify for corrupt state. Somalia is a failed State. Only the gun rules. There is no government, courts, or police. It’s an extreme anarchy - Mad Max all-you-can-eat situation. Folks living in Mogadisho do not worry about who they will have to bribe to get a telephone line hooked. They worry whether they will get robbed (or shot more likely) on their way to the market or school (which is a very expensive private school at that). Unless of course Transparency International is referring to Somaliland, in which case an argument for corruption can be made (please don’t give me grieve on whether Somaliland is a country or not). Now I think about it, how did TI get their data in the first place? Did they go on the streets and asked, “how often do you pay bribe to get things done?” Furthermore, if Somalia is so corrupt, who’s demanding the corruption? The Warlord Thugs? I don’t know about TI’s philosophy, but I know for a fact that warlords do not demand bribe - they take whatever they want. More suspiciously, at least to my cynical eyes, is the conspicuous absence of my dear Kenya from the top ten list. For the past 7 years, Kenya has had the pleasure of being named as the top corrupt country in the world - and for a very good reason. But I’m not sure all that has changed overnight. As someone who has resided in both Somalia and Kenya, I know when it comes to corruption, Kenya is the grandaddy of all corruptness. You can’t leave your house without “bribe money” in Kenya, whereas Somalia you only get jacked if you have something of a value. Maybe I’m being overtly cynical about Kenya’s progress against corruption but I find it interesting that such an awfully corrupt country can jump from 30 spots within the span of two years.
  11. Morning everybody ,,,,,,,,,,,, maxaa la sheegay.
  12. Dee iska daa dadka qaar baa iska marqaama markay waxaasoo kele arkaane .... bal yaa waydiiyay local masjid kiisa inta timaada muu haduu rabo soo sawiro oo uu meesha keeno ,,,,,,,,
  13. Waar dee maxaad leedihiin ,,,,,,, whether it is MASS or MASSIVE ,, meesha dad badan baa isugu yimid ,, not less that 200 persons were invited. Hadalba gam ,,,,,,
  14. Meesha ruwaayad uun baa la isu dhigyaa ,, sida marba loo kala kacayo marna la isugu noqonayo uun baa la rabaa in odayga xilku ka dhamaado dabadeedna la yidhaahdo dowlad kele ha la soo dhiso. Waa sidii ku dhacday uun C/qaasim Salaad.
  15. I'm asked to write a story of Minimum 10 pages (A4) about anything that can be very interesting. The story should be written in Somali. I have only 6 days (including today) to finish it. A good story can come to your head unplanned and that is said to be the best one but things are different when you are asked to write a story. It is that you can't choose the topic, can't make the subject and the whole thing is different ,,,, I would appreciate your ideas ......... So far, Lily suggested a very good idea ,, but lemme see if i can get more ideas ,,,
  16. Salaam Ibti ,,,, welcome back CL ,, you didn't miss that much ,,,, Here is the few you missed: Afro Girl taking nap in the workplace during the day ,,, A&T confused between his boss and deputy fighting each other ,, but decided to support the right one. Lily who is not feeling well. Ngonge who is missing his shot of Shiisha ,,
  17. nuune bal soo daaa waxaad hayso niyow ,,,, i would need those cracking stuff aad sheegtaye ,, Ng, that trip to France would be the funniest if i write it ,, was thinking of printing it in a booklet but this can be a good start.
  18. Lily, that is a BRILLIAN idea ,,, Thanks a million for that.
  19. Afro, So do you take nap in your workplace ??? ,, show waa halkaan kaa garan la'aa ,,
  20. Lily, Insha Allah khayr ,,, the story can be about anything but should be interesing. A&T ,,, waar ragga kala qabo niyow oo kii gardaran feedh iyo sabbaaxad kala daal ,,,,
  21. Hello Afro,, Maya ma rabo sheekooyinka A&T and i'm sure you agree with me on that ,, lool ,,, as for Ngonge, i would refer him if i was writing it in English ,, bahashaasuu balaayo ku qabaa isagu ,,
  22. Hello CL and Lily ,,,,,,,, Lily, what happened ?? nuune, waa sheeko waxay doonto ku saabsan ,, sheeko uun waxay doonto ha noqotee,,, jacayl, nacayb, dagaal, xoolo, miyi, magaalo, taariikh, iwm.