
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
who told you they are the rich ones bal ??? ,, don't let the looks deceive you
-
loooooooooool@galaan baad ku miisaysaa ,,,
-
Ilaahay ha kuu sahlo ,,,,, It is actually a great day for me here ,,, and it is raining right now ,,
-
Ibti, you speak better somali than the one of Sayidka markaa ha u bixin ,,,
-
NEC Receives Voter Registration Equipment The Chairman of National Electoral Commission, NEC, Mr. Mohamed Ismail Kabaweyne, told reporters yesterday that all the electronic equipment needed for the Somaliland voter registration program have now arrived in Hargeisa. A plane load containing computers, cameras, digital fingerprinting equipment and other electronic accessories landed at Egal International Airport and was promptly offloaded under the direction of the Chairman. The Somaliland voter registration program is scheduled to start October 14 according to the schedule announced by NEC. Four hundred mobile stations each equipped with all the necessary equipment are planned to fan out through each region for five days. Every voter age Somaliland citizen will be given a voter registration card and a national identity card. The biometric-based electronic registration system is considered a sophisticated model that few countries in Africa use. Some have questioned whether this system will actually work in the Somaliland environment, but NEC and representatives of donor community insist that it is a tested system and that they have every confidence it will work in Somaliland.
-
,,, now don't blame me that i made many of them jump in just coz of a lil photo ,,, hehehe I simply miss THIS topic ,,,
-
i can't ,, i just can't. Weligeyba fiid maan seexan.
-
That is if i sleep at all. I keep hanging around until the Tahajud time, then off for Suhur then that is the Fajr time. I get a nap of one and half hour before i get up again ,,,,, Sidaasay ku fiican tahayba ,,,
-
Waxa Tirisay Bushaaro Cali Baando London UK Salaamu calaykum dhamaan ummadda soomaalida ah ee ku kala nool baallaha adduunka waxaan halkan ku soo bandhigayaa maanso ka hadlaysa dhibka jaadka kolay waa aragtidayda inta aan anigu is idhi waad ka sheegi kartaa waxaana laga yaabaa inaan wax badan ka tagay ama aanan gaadhsiin halkii ay ahaayeen tixda magaceeda waxa la yidhaa Dhaawac waxay soo baxday 13/09/2008: Faysaloow dharaarahan bulshadeeni dhacantoo qaadkay dhilanayaan baa dhibaatada u gaystoo dhalinyariyo waa yeel maskaxdoodii dhaawacay dhaqaalihiina kala tagay dhibtuu qaadku leeyahay waa kumaankun iyo dhawr mana wada dhammayn karo anigoon ku dheeraan dhawr aan tilmaamee imisuu dhantaaloo isagoon isdhaadayn been intuu u kala dhigey dhisa dabaqyo aan jirin imisuu nin dhumuc wayn dherer iyo laxaadba leh Ilaahay dhammaystiray dhaqashada u diido maanta dhereran suuqyada imisuu dhallinyaro ubax laba ku dhololaan dhabaleexsan mariyoo marfashyada ku dhuuntoo dhana laba ******* geesna aan u dhicin weli Imisaa is dhaafoo Noloshaba ka dhacayoo Dhaxantiyo dabaylaha dhawr sano markuu waday wuxuu maal dhaqaayiyo ka dhamaystay lacagtii illeen waa u dhuuntee dhib yaraan ku yidhi hadal imisuu nin dhaqan wacan aaminimo ku xeel dheer dhulka uu lagalayoo dhabbadii ka leexshoo dhishay laanta faraqa leh. dhadhamadii horeetaba dabin uu u dhigayoo dheef mooday geedkoo ka dhergoo intuu cunay dhakafaar ka qaadoo dhankii u ka yimi iyo dhabadii ka weecshoo cidla kaga dhaqaaqoo soo dhaafin gaydhkoo walina dhoof kuu siijira dhibta kalee uu leeyahay inta reer dhaqnaydee dhisnayd ee wacnaydee hadal kala dhex galayee qaadku kala dhantaalee dhibayee wax yeelee intuu kala dhaqaajee sabarayt ka kala dhigay dhawr kun way ka badan tahay. hadaan dhuggano meel kale dhibta taa kasii wayn inta laga dhaqaaqee furriin loo dhameeyee lagu nacay dhallaankaa cadadkoodu dhumayoo dhanna haysan maantoo dhaygagoodu badan yahay dhulka way ka buuxaan rabi dhawra mooyee dhawaaq way ka quusteen dhibta qaadkuu leeyahay anigoon ku dheeraan dhawr aan tilmaamee dhirtan ruuxa daaqaa marka uu kusoo dhaco ee uu dhiibto lacagta dhufsashada horeetaba farxadbaa ku dheehanoo waa uu dhabaabeceyaa dhankalena ma egee dhab wuxuu u adaa halkii uu ku dhilan lahaa kuna soo dhamayn laa waa dhul loogu talo galay waa hoygii dhibaatada oo gogol lasii dhigay dhinacay isi saaraan maskax lagama dheefee muranbaa dhex yaaloo dhawaaqoodu waa xoog dhib kalaa se dacal taal dhawrkii daqiiqaba waysasoo dhimaayoo ninka xiga dhankiisuu ku dhurayaa warkiisii ka kalena dhagaysiga dhaguhuu u weelayn dhehe iyo dhegeystaa isu dhiibta sheekoo war is dhaafsankaraye waxa la isku dhuro oo laysu kala dhagays taba dhan kastaba ha noqotee marka ay dhamaystaan ee faraha laga dhigo fekerbaa ku soo dhaca. siduu dheeman haystoo ama dhaqaale xoog badan wax uu dhisaa fooq iyo dabaqyo dhaadheer dhulka siduu ka taliyuu marba dhinac u guuraa dhabo wuxuu ka jeexdaa dherer iyo ballaadhba leh bustaan buu dhex joogaa dhirto midhaha bixisoo muha uu dhexyaaliyo dhaldhalaalka beenta kaga dheregyey daymada hadba dhinac u sii raac hurda kala dhaqaaqoo wuxuu dheelmadaa goor ay saq dhexe tahay dhankanuu u seexdaa dhanka kale ku eega marba dhinac u jeestaa dhibsadaa ka toosaa riyo lagu dhar dhaaraa qarow uu u dheeryahay isagoo dhibtaa qaba eedaan lagu dhuftaayoo waagu soo dhalaalaa madhagaysto taasoo ma dhugtaan dareemuhu waxkalaa ku dheehane goor lakala dhaqaaquu isagoo dhan dheero leh dhibsanaya hadalkaba qaadirana u dheertahay halkii uu ku dheelmaday uu ka sii dhaqaaqaa beentuu dhisaayaa dhab ukala cadaatoo runta la isma dhaafshee dhalanteed ka noqotoo dhibtiisuu dareemaa geedku waa dhibadan yee alla ha ina dhaafshee aamin mar wada dhaha waageed na dhaawacay bulshadiina dhalan rogay dibna waa ka noo dhigay dhaqankaan lahayn iyo xishoodkana na dhaafshee kartideeni dhumiyee alla ha ina dhaafshee waa geed dhibadano dhaqtaradu ka doodaan
-
Hoteelka Maan-Soor ee magaalada Hargeysa waxa ka dhacay habeenkii Jimcaha ee taariikhdu ahayd September 19,2008 “19 Ramadaan 1429”, munaasibad ay yartahay inay nooceeda oo kale ka dhacdo magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka Somaliland. Munaasibaddaas oo ahayd Afur Wadareed ay ka soo qaybgaleen haldoorka dhallinyaradu waxa soo qaban qaabiyay Naadiga Akhristayaasha Hargeysa “Hargeisa Readers’ Club, HRC”. Waxaanay ahayd munaasibaddii labaad ee nooceed ah ee uu qabto naadigu, iyada oo mid tan la mid ah uu sannadkii hore naadigu ku qabtay Hoteelka Fish And Steak House. Munaasibadda ka dhacday Hoteelka Maan Soor, ka sokow inay ahayd madal la iskugu yimid, waxa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo isugu jira wacdi diini ah, aqoon korodhsi, falanqayn ku saabsan ahmiyadda ay leedahay iyo baahidda loo qabo in la ururiyo suugaanta soomaaliyeed iyo waliba masrixiyado ku saabsan dhaqanka oo hoga tusaalayn iyo maaweeloba isugu jira. Ugu horeyn munaasibaddu waxay ku bilaabantay khudbad diini ah oo u soo jeediyay Sh. Almis H. Yaxya oo cinwaankeedu ahaaa “Ramadaan Bishii Guulaha”, waxaanuu ku dheeraaday ahmiyadda bisha ramadaan ay ugu fadhido dadka muslimiinta ah, iyo sida aanay ugu koobnayn uun faralka soonka ee ay ku calaamadsantahay bisha Ramadaan guulo badan oo dadka muslimiintu gaadheen marka laga soo bilaabo dagaalkii ugu horeeyay ee muslimiinta iyo gaaladdu iskaga horyimaadaan ee Badr, halkaas oo uu sare u kacay calanka muslimiintu illaahayna u guul balaadhan ku siiyay. Sh. Almis waxuu sharaxaad badan ka bixiyay in bisha ramadaan ay tahay bil shaqo haddii ay noqoto shaqo loo shaqaysanayo aakhiro iyo haddii ay tahay mid loo shaqaysanayo adduunyada, dhinaca kalena, waxa uu ku tilmaamay dhaqan foorara aragtida ay dadka soomaaliyeed ka qabaan Ramadaanta ee ah in lagu qaato hurdo dheer iyo waxyaalo waqtiga lumiya. Isaga oo taas sii bayaaminaya, waxa uu Sh. Almis tibaaxay in camalka ugu faa’iidada badan uu yahay kan la qabto bisha ramadaan gudaheeda haddii uu yahay mid aakhiro iyo mid adduunyo inataba. Intaas ka dib, ka soo qayb galayaashii kulanka oo tiradoodu kor u dhaafaysay 150 xubnood oo isugu jiray wiilal iyo gabdho waxay u holladeen afurka oo diyaar ku ahaa miisaska dushooda. Afurka ka dibna, waxay u dareereen gudashada salaadda Maqrib oo ay ku oogeen Hool wayn oo loo sii goglay. Barnaamijka munaasibadda hal muceedkiisu waxa uu bilaabmay uun markii ka soo qaybgalayaashu ay ka faraxasheen cashada, waxaana isku xigay laba barnaamij oo suugaan ah oo uu u dhaxeeyay filim ka hadlaya mucjisooyinka qur’aanka ku duugan ee ku saabsan abuurka kawnka iyo sida wax badan oo cilmiga casriga ah imika uun lagu ogaaday hore loogu xusay Qur’aanka Kariim-ka ah in ka badan 14 qarni ka hor. Qoraaga wayn iyo suugaanyahanka caankaa ah ee Cabdi Yuusuf Ducaale “Boobe” ayaa ugu horeyn ka soo jeediyay madasha qormo ku saabsan muhimadda ay leedahay iyo baahida loo qabo in la ururiyo suugaanta soomaalida taas oo qarka u saaran inay lunto meeshana ka baxdo ka dib markii haldoorkii iyo ruugcadaagii iyagu xaadirka u ahaa, maskaxdoodana ku kaydiyay ay raabe raabe iskaga daba tageen, aakhirona u hayaameen “Alle ha u naxariistee”, iyo waliba iyada oo aanay jirin cid u xilsaaran oo lagu ogyahay ururinta iyo kaydinka suugaanta soomaaliyeed. Boobe waxa uu xusay in marka laga hadlayo ururinta suugaanta laga hadlayo wax kasta oo mudan in la ururiyo oo ay ugu fadala cadcad yihiin Suugaanta, Aqoonta ama culuum-dhaqameedka, Taariikhda bulshada, farshaxanka iyo muusigadda iyo waxyaabaha kale ee umadda u ah dhaxalka. Isaga oo ka hadlaya baaxadda ay leedahay hawshaasi waxa uu Boobe tibaaxay in adduunyada kale ay jiraan xarumo miisaaniyadahooda iyo shaqalaahoodaba leh oo u go’ay hawshaas ururinta suugaanta iyo guud ahaan dhaxalka bulshooyinkaas, waxaana u tusaale u soo qaatay Akaadamiyaddii Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee dalkii Soomaaliya, oo inkasta oo si dheeli-tiran oo dhexdhexaad ah aan marka horeba wax loo ururin jirin, sida uu Boobe ku dooday, haddana kaalin fac wayn ka qaadatay ururinta iyo kaydinta waxa ilaa maanta la hayo ee sugaan soomaaliyeed ah. Laakin nasiib darro Akaadamiyadaasi waxay la god gashay burburkii ku dhacay Somaaliya oo dhan bilawgii 1991 kii. Biyo dhaca odoroska Boobe wuxuu ku shubmayay in fadhiga laga kaco oo loo hawl galo sidii loo daba qabatayn lahaa suugaanta soomaaliyeed ee xaalufku ku dhacayo intaanay wada galban. Intaas kumuu joogine, Boobe waxa uu iftiimiyay goobo laga bilaabi karo hawshaas ururinta suugaanta soomaaliyeed oo ay ugu mudan yihiin: * Radio Hargeisa: Oo ah kaydka ugu da’da wayn ee suugaan soomaaliyeed oo tiro iyo tayoba leh laga heli karo. * Website-yada Somaalidda, oo laga heli karo suugaan baaxad wayn oo ka kooban dhamaan heerarkii ay soo martay suugaanta soomaaliddu. * Telefishanada soomaaliyeed. * Dukaamada Cajaladaha lagu iibiyo. * Wargeysyada maxaliga ah oo ay ku duugan yihiin suugaan noocyo badan oo aan inta badan isku xidhnayn balse u baahan in dedaal la galiyo. * Buugaagta oo xiliyadan dambe tiradadoodu aad isku soo taraysay. Waxana uu tusaale u soo qaatay buugaagta cusub ee suugaanta ah, buuga ku saabsan taariikh-nololeedkii Yuusuf Xaaji Aadan Qabile o ay qortay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ay ku ururisay suugaantii iyo dhaxalkii aabaheed. Buuga Hangool oo dhawaan soo baxaya oo uu qoray Maxamed Aadan Tarabi oo ku ururiyay suugaantii aabihii Aadan Tarabi. Waxa kale oo buugaagtaas ka mid ah, buuga Mahadhadii iyo Waxqabadka Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaariye' ee u qoray Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo ee suugaanta Abwaan Gaariye lagu ururiyey iyo labada buug ee uu qoray qoraaga Maxamed Baashe Xaaji Xasan ee Hal Ka Haleel iyo Hal Aan Tabayay oo uu ka qoray suugaanta abwaanadda Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” iyo Xaaji Aadan Afqalooc. * Jaamacadaha iyo hayadaha cilmi baadhista oo iyagana ay tahay inay sameeyaan xarumo lagu kaydiyo suugaanta iyo aqoonta kale ee ay bulshadu leedahay intaba. Goob ay yartahay inta ku baraarugsan in laga heli karo suugaan fac wayn oo uu Boobe daaha ka rogay isla markasna ka soo qayb galayaashii kulanka la yaab ku noqotay ayaa ahayd Marfishyada lagu qayilo ee dadka soomaalida ahi isugu yimaadaan. Boobe waxa uu tilmaamay in saacadaha badan ee lagu qaato marfishyada iyo firfircooniyada laga helo geedkaas cagaaran ay saamixi karaan in looga faa’iidaysto in suugaanta laga yaabo inay hayaan muqayiliintu laga qoro ama laga duubo oo sidaas umadda loogu kaydiyo. Ugu dambayntii Boobe waxa uu soo jeediyay qodobo wax weyn ka tari kara ururinta iyo kaydinta suugaanta soomaaliyeed ee mustaqbalka fog kuwaas oo la fulin karo heer sakhsi ilaa heer qaran ayna ka mid yihiin: * In dadka lagu dhiiri galiyo dhaqan ka dhigashada duubista iyo ururinta waxyaabaha dhaxal-galka ah laguna abaal mariyo, * In la dhiiri galiyo suugaan ururinta qoyska dhexdiisa ah sida ka muuqata buugtaaga aan kor ku sheegnay ee Foosiya Yuusuf ka qortay aabaheed ama kan Mohamed Aadan Tarabi qoray, waayo suugaanta waalidka iyo mahadhadiisa ciddina iskuma hawsho umana faro dhuudhuubnaato in ka badan inta uu ubadkiisu waqti siiyo. * In la kordhiyo hay’adaha ku hawlan ururinta suugaanta, iyo * In agab cusub oo lagu ururin karo loo helo suugaanta sida qaababka Digital-ka oo kale. Intaas ka dib munaasibadda waxa lagu soo bandhigay Filim ku saabsan mucjisooyinka qur’aanka kaas oo iftiimiyay aqoonta baaxadda leh ee ku duugan Qur’aanka Kariimka ah iyo sida uu uga waramay Qur’aanku waxyaabaha la xidhiidha kawnka aynu ku noolnahay asaaskiisa, qaab dhismeedkiisa, qaaciidooyinka maamula iyo sida ay uga suurta gashay nololi guudkiisa. Waxyaabahaas oo dhan ayaa ah qaar aqoonta casriga ee banii-aadamku ay imika uun daahfurtay. Gunaanadkii munaasibaddan Afur Wadareedka ahayd waxa ku soo bandhigay suugaan maaweelo, xujayn iyo hogo tusaalayn isugu jirtay kooxda TIXMIIR oo iyagu u ololeeya suugaanta hufan oo ay ku tilmaaman suugaanta aan ka hor imanayn diinta, caqliga saliimka ah iyo dhaqanka suuban intaba, taas oo ka madhan qodobo badan oo ay suugaanta soomaalidu caan ku tahay sida ka gabyidda colaaadda, duullaan guubaabada, isir durridda, baanista ku salaysan qabiilka, tookha iyo isla waynaanta. Hadaba barnaamijka ay TIXMIIR kaga qayb gashay munaasibadan oo ay daadihinayeen labada abwaan ee Cabdilaahi Maxamuud Axmed “Tajwiid” iyo Sh Cabdiqaadir Malin Xasan “Ina macalin faroole” waxa uu u badnaa hogatusaalayn ku saabsan in dhalinyaradu isku waddo cibaadda, aqoonta diiniga ah, tan maadiga ah iyo shaqada intaba oo anay dhinac uun u dheeliyin. Meerisyadii ay halkaas ka mariyeen kooxda TIXMIIR waxa ka mid ahaa baydkan oo uu tiriyay nin la dardaarmayay nimay ehel yihiin oo qurbaha u tacabirayay: Balad dheeri waa kaad tagtoo maaha baashaale, Baahidii kugaysaad qabtaa bixitinkeediiye, Beenaalaha haraacine walaal badaw hakuu haysto, Biirso oo wixii samo ah badi bari ilaahayna. Marka laga yimaad madashii laga tiriyay ama munaasibadda ay ku timid, tixdani waxay koobsanaysaa xikmad aad u qotodheer oo ay tahay in qof wal oo qurbe u baxaya ama degalkiisa ka dal doorsanayaa uu maskaxda ku hayo, waliba xiligan oo dhalinyartu ay qurbaha u xadhko xidhan yihiin. Abwaan Cabdiqaadir mar uu ku boorinayay ka soo qayb galayaasha inay cibaadda Ilaahay iyo camalka suuban ku baraarugsanaadaan oo adduunyo iyo aakhiroba u shaqaysataan waxa uu mariyay meerisykan: Waa inaad markaad jimicsataan jamaca oogtaane Mar kalena isag oo hogatusaalaynaya in sida adduunka loogu dedaalo ee qofku aanu u jeclayn inuu jeebkiisa ama hayntiisa adduunyo ay hoos u dhacdo ay lagama maarmaan tahay inuu aakhirona ugu warwaro waxa uu yidhi Cabdiqaadir Macalin Faroole: Jiisaan haddii aad tagtood jeeg sarifanayso Ma jeclaatid inuu qiimo jabo, jeeb aad leedahaye Jaaquf lama noqdee, waa inaad jinaha buurtaaye Jaahil yaanuu kaa helin gol jilic, wuu ku jabiyaaye Jidka toosan adigoo maraa, lagu janoobaaye Jahanama Allaw naga fogee jiirta aakhiro. Ina macalin faroole mar kale isaga oo baanaya isla markaasna ku nuuxnuuxsanaya xeel dheeridiisa suugaayahanimo waxa uu yidhi: Jacburkuna marbuu fiican yahay oo dadkaa jecele Jiilaal abaara iyo jir da’ay waaba kala jaade Jalam qalam haddii aad tidhaa jiimku waa xarafe Carab jalanqo adigoon lahayn oo jajabinaynin Soo jiidaashuu leeyihiyo jiib wanaag badane Jamjam hadalka goortaan ka dhigo waad jeclaysaniye Jiqjiqinta sheekada dadbaan jiifsan karahayne Jaljalawda weedhaha,wax badan jaarku wuu qoriye Dhinaca kale abwaanku isaga oo u duur xulaya dhalinyarada goobta isugu timid ee hablo iyo wiilalba lahayd oo malaha uu ka arkay inay doobab iyo gashaantimo u badan yihiin waxa uu si sarbeeb ah u yidhi: Jacayl nimuu dukaasaday, inuu guursadaa jidahe Maaha inuu jar haadaana galo, uu jaqaadsade’e Ka joogsada xumaan iyo macsiyo jiil Allaan nahaye. Ugu dambayntii, abwaanku isaga oo la hadlaya dadka qaar ee aan uba haysan suugaanta iyo afka soomaaligu inuu yahay cilmi ama aqoon la is dheer yahay ama la isku taxalujin karo waxa uu yidhi: Lahwi maaha odhaahduye Luqadii wadankaagaaa Labaraa ubadkaagee Warka laabta ka qaado Isku soo wada duuboo munaasibadaasi waxay ahayd mid dhinacyo badan koobsatay, hadday tahay waano, guubaabo, aqoon korodhsi iyo maaweelo intaba. Waxaanay ka mid noqotay habeenada ma hadhada reebay ee la xasuusan doono waayo badan.
-
Well, good day ppl ,, I'm off to get some sleep before the Afur time ....
-
How about redsea who brought nothing from his allegations of visiting SL ,, ??? Even Ibti was better than the two of them posting some Miyi photos including her lugaheedii yaryaraaa
-
BOSSASO, Somalia Sep 22 (Garowe Online) - An unidentified German male and his local wife were released early Monday morning in northern Somalia's Puntland region, Radio Garowe can confirm. The couple were kidnapped Saturday in the port city of Bossaso by a gang, who soon took them to the outskirts of the town. [ Full story] But traditional elders and the Somali wife's family took part in direct negotiations with the kidnappers, informed sources said. Puntland police tightened security in and around town last night, as efforts intensified to free the hostages. Several of the kidnappers are now in police custody. The couple is reported to be safe and will soon hold a press conference in Bossaso. In recent months, foreigners have been kidnapped for ransom in Somalia by local gangs but this is the first time a foreigner with local family ties has been abducted.
-
Qaar ka mid ah Saraakiisha Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga ayaa sheegay in ay cafis u siinayaan Saraakiisha Gobolka Hiiraan ee Dowladda Federaalka KMG ah la shaqeyn jiray. Hadalkan ayaa yimid ka dib markii cabsi xoogan ay la soo daristay xubno saraakiil ah oo horay ula shaqeeyay maamulka gobolka ee DF iyo ehelada saraakiil badan oo ka baxay maamulka G/Hiiraan ka dib markii dhawaan la dilay sidoo kale sarkaal ka tirsanaan jiray Booliska Gobolka. Xuseen Muxumed Gaagaale oo ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga ee G/Hiiraan oo ka hadlay arrintan cafiska ah ayaa waxa uu sheegay in ay saamaxeen dhammaan Shaqsiyaadkii Maamulka DF uga wakiilka ahaa G/Hiiraan. Sarkaalkan ayaa waxaa uu sheegay in aysan daneyneynin inay beegsadaan shaqsiyaadkii lasoo shaqeeyay DF loogana baahan yahay inay ka waantoobaan dambiyadii ay galeen cafisna ay weydiistaan ILAAHAY iyo dadka ay dambiyada ka galeen. Sheekh Xuseen Muxumed Gaagaale oo Maxkamadaha u hadlay kuna sugan magaalada B/weyne markii uu hadalkani sheegayay ayaa waxaa sidoo kale hadalkiisa kusoo beegmaya xilli todobaad kahor ay si nabad ah Ciidamada Ethiopianka kala wareegeen Magaalada B/weyne kadib markii Ciidamada Ethiopia ay halkaasi isaga baxeen iyadoo ilaa hada aan lagaran sababta keentay in ay ka baxaan. Hadalkan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dhamaan dadka ku nool magaalada B/weyne kuwaasoo inta badan aad uga xun dilka macno darada ah ee loo geysanayo dadka wax galka ah ee lagu bartilmaameysanayo waxaa uu la soo shaqeeyay DF ama waxaa uu la taagnaa xubin ka tirsan Dowlada Federaalka. Si kastaba xaalada amaanka ee haatan kajira Magaalada B/weyne ayaa noqoneyso mid aad u sareyso waxaya dadka qaar ku tilmaameen in ay tahay mid si weyn loogu diirsaday kadib markii ay u suuragashay in qof waliba amniga jira owgeed uu si nabad ah ugu dhex mushaaxi karo gudaha Magaalada B/weyne xilli waliba oo uu doono. Amnigan haatan ka jira magaalada B/weyne ayaa ah mid aan horay looga baran xilliyadii dambe waxaana la ogeyn mudada ammaankani uu sii socon doono inkastoo laga warhaayo Xoogaga Maxkamadaha markii ay maqlaan waxaa dib ugu soo laabanayo gudaha magaalada ciidamada Ethiopia in ay faarujiyaan ka dibna ammaanka uu faraha ka baxo sida dhacda badanaa.
-
dee waxaas aad maqashay hadii uu yahay wax adiga uuni aad maqlayso wax anagu aanu maqalnay maaha oo beryhana wax la maqlayay ma yara ee bal waxan aad maqashay dhayda ka caddee haba loo wada joogee ,,
-
nuune, maxaad maqlaysay sxb ??
-
loooooooooool@sheh ,,,, holiday loving eh ??? , Ngonge, you should know that most people die during Ramadan ,,and most of those are receiving phone calls from old friends and family members,,,, you should be prepared now ,,,
-
Ibti, Please do .... punching someone has never been a bad idea. I just can't do it ,,,
-
.... how about you getting fingerprinted ??
-
Salaamz Ibti ,,,, Monday blues ??? ,, yes i can see that ,,
-
I don't think it is true ,,, ppl create rumors out of everything nowadays. I also heard from some of them that the fingerprint machines are linked to Europe means anyone who try to migrate will be exposed ,,,,,, As long as the person is registered for the voting then he/she will take part ,,,, those who have the European passports should make sure to come and register first ,,,,,,
-
Islamists Advancing in Somalia Showing Strength Over the tfg
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Somali insurgents shake Mogadishu, 23 dead NAIROBI, Sept 22 (Reuters) - Islamist insurgents pounded Mogadishu on Monday in attacks that brought the death toll in the last 24 hours to at least 23 people, witnesses said. The Somali rebels attacked two bases of African Union (AU) peacekeepers, shelled the city's main airport and also struck government targets in the bustling Bakara market area. Despite U.N. efforts to broker a peace deal, fighting has worsened this month in Somalia, where Islamists are battling the interim government and its Ethiopian military backers. Merchants in Bakara market said they had counted 11 corpses from Monday's latest fighting. Shells also landed in the morning around Mogadishu airport, where a commercial flight defied a ban by the militant al Shabaab group to land. Residents also said at least a dozen people had died in fighting on Sunday. "A missile hit a neighbour's house and killed 9 people in the same family," one resident, Farhiya Abdullahi, told Reuters of the worst incident. Islamists launched an Iraq-style insurgency in early 2007 that has killed nearly 10,000 civilians and an unknown number of combatants.