-
Content Count
17,713 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Posts posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
-
20 hours ago, Dalmar1 said:[A]bdishakur will be our President soon, because political analysts all agree on him being the favorite to lead Somalia.
Yes, waa markee tahay aakhiro samaanka.
-
2 hours ago, cadnaan1 said:Adeerkiis abdishakuur shalay muqdisho ayaa lagu bahdilay hotel maka almukaram hortiisa ayuu ku ooynaayey shalay in front of media cameras
Kaas bahdilnimo uma dhino. Tan iyo 2009 asagaa isbahdilaaye.
Salaadii Ciidda Carafo ayaa isku meel ku tukaneynay. Toronto toddabaadyo uu u joogay qaaraan aruuris u yimid bishii sideedaad. Wax salaamaaye xataa ma jirin, asaga iyo koo daba ordaaye. Mar aan rabay inaa dhaho, salaada markii laga baxay, ma quusatid miyaa.
-
2 hours ago, Dalmar1 said:@Miskiin-Macruuf-AqiyaarLoool, walahi you really underestimate the political play-book of beesha Iljeex.
Why did you completely edite your post? It was about Madoobe in Kismaayo and such and now this.
Fudeedkaaga xataa your posts kama fakadaan, in an hour completely editing the original post. Fudeedoow sida dabeesha camal u biibaayo iga dheh.
-
1 minute ago, cadnaan1 said:Why do we always give credit to foreigner government hebel waxaa wata wadan hebel ma dhici kartaa miyaa inuu qofka kusoo kartidiisa iyo jeebkiisa.
Xilligaan maya, when corruption is so rampant and when each cod from a single xildhibaan costs $25,000 and more. Qof Soomaali qarash intaas ah jeebkiisa kama dhiibaayo, especially not even knowing if they will give you their votes.
That will stop markii la helo qof walba xaq inuu u leeyahay inuu codeeyo.
-
On 1/7/2019 at 5:06 AM, cadnaan1 said:Galbeedi
At least you could have spared 24 hours of your time to visit kooxda #Nabadiyonolol there's daily flight from Addis to xamar
I m sure inaad warbixin fiican Naga soon laheed kooxdaas.
I second to this. Galbeedi tikid uu iska qasaariyey intuu Kambaala, Adisababa iyo Dubeey ku wareegaaye and not give a visit to Xamar, xaruntii dadka Soomaaliyeed. Dhowr jeer aan hore ugu dhahay Xamar indhahaaga ku soo arag, adigaa aragtidaada badali doonee, since he hadn't been to it for decades.
-
Waraa cunugii yaraa haye, waa isdhiibtay ciyoowba miyaa? Aawey adeeradaa isbaarodoonka intee ku dambeeyeen?
-
1
-
-
Already wasiirada ka tirsan dowladda from gobolkaas are on their way to Garoowe:
Waftigii uu xanibay Gaas oo ugu dambeyn ka dhoofay garoonka Muqdisho
Wafdi ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ku sii jeedaan maagaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.
Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda degaannada Maamulka Puntland.
Mas’uuliyiintan safarkooda ayaa ku soo aadaya kaddib markii uu doorashada ku guuledarreystay C/Wali Maxamed Cali Gaas oo Warqad uu horay u soo saaray ku mamnuucay in xubnaha dowladda Federaalka ah tagaan Magaalada Garoowe.
Gaas ayaa dowladda Federaalka ah horay ugu eedeeyay in ay faragelin ku sameyneyso doorashada degaannada Maamulka Puntland.
Horay Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ka mid ahaa Axmed Ciise Cawad ayaa laga celiyay Garoonka Adan Cadde kaddib markii diyaaraddii geyn lahayd Garoowe looga digay in ay qaaddo.
Xiriirka Gaas iyo dowladda Federaalka ah ayaa xumaaday inkasta oo Madaxweyne ku xigeenka C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey uu xiriir wanaagsan lalahaa Dowladda dhexe.
-
2 hours ago, maakhiri1 said:Xasan Sh. Maxamuud dowladiisa ayuu u ahaa wasiirka qorsheynta shan sano kahor. Asaga iyo Xasan Sh. xiriir dhow ayee leeyihiin. Also warar suuqeedka waxee sheegayaan inay dowladda Qadar $$ u soo dhiibtay, kuwee Imaaraadka wateena wey ku wada hungoobeen.
-
1
-
-
Ninka ku guuleystay soo jeediin fiican ayuu jeediyey shalay.
Khudbadii ugu hadal heynta badneyd ee Musharax Saciid Deni
Khudbada Musharaxa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni
Isniin - 07/01/2019
Salaan iyo Mahadnaq:
Bismillaahi, Mahad oo dhan Eebbe ayay u sugnaatay, Naxariis iyo Nabad-gelyana hagaarto Suubahanaheenii Maxamed (SCW).
Guddoonka Golaha Wakiiladda, Xubnaha Golaha, Musharaxiinta iyo dhammaan marti sharafta kulankaan fadhida, Assalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Murwooyin;
Waxaa sharaf weyn ii ah maanta inaan hortiina imaado si aan idiinkusoo bandhigo khudbadayda oo soo koobaysa barnaamijkayga siyaasadeed ee aan doonayo inaan ku hago Dawladda Puntland 5 ta sano ee soo socota haddii ALLE idmo, fursadaasna aad isiisaan.
Taariikh Nololeedka:
Sida ku cad lifaaqa warbixinta taariikh nololeedkayga, waxaan noloshayda inteeda badan ugu adeegay bulshadayda gaar ahaan xilliyaddii ugu adkaa ee ka dambeeyay burburkii dawladdii dhexe, aniga oo qayb ka ahaa yagleelidda dugsiyadii waxbarasho ee ugu horeeyay ee Puntland ka hirgalay burburkii dawladda dhexe ka dib. Dugsiyadaasi oo ay ka aflaxeen kumanaan arday oo laga yaabo qaybtiin inaad qayb ka tihiin mirihii dadalkaas. Sidoo kale, waxaan qayb weyn ka ahaa kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga deegaanadaan aniga oo wax ka aasaasy shirkadaha ganacsi ee ugu waawayn ee maanta Puntland iyo guud geyiga soomaalida ka jira. Waxaan kale oo aan ka qaybqaatay dhismaha hay’ado khayri ah oo u adeegga bulshada gaar ahaan kuwo nugul, iyadoo maanta hay’adahaasi ay yihiin kuwa ugu waawayn Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale xusid mudan farxad weyna ii ah inaan ka mid ahaa ergadii maamul u samaynta Puntland oo maanta 20 sano ka dib aan u tartamayo hoggaankeeda. Waxaan muddooyinkii u dameeyay ka shaqaynayay dib u-dhiska iyo taabogelinta dawladnimo sooomaaliyeed oo soo celisa karaamadii iyo sharaftii dadka soomaaliyeed aniga oo Mudane Baarlamaan iyo Wasiirba soo noqday.
Waxaan leeyahay aqoon waxbarasho sare oo gaarsiisan heerka labaad (Master Degree) oo maamulka iyo maaraynta aan ku takhasusay, waxaan sidoo kale leeyahay in kabadan 30 sano oo khibrad ah dhinacyada maamulka dawladnimo, dhaqaalaha, ganacsiga iyo u adeegga bulshada, taas oo iga dhigaysa xog ogaal u dhuundaloola baahiyaha bulshada.
Barnaamijka Siyaasadda:
Mudanayaal iyo Murwooyin;
20 sano ka hor ayay ahayd markii la aasaasay Puntland. Hammigii iyo hankii lagu aasaasay waxay ahayd dhisidda nidaam dawladnimo oo u gaar ah deegaanada Puntland iyo baadigoobka dawladnimo soomaaliyeed si loosoo celiyo qaranimadii iyo karaamadii dadka Soomaaliyeed. Marka aan dib u milicsano guulaha laga gaaray hammigaas 20 sano ka dib, waxaa xaqiiq ah in wax badan ay qabsoomeen, dib-u-dhac badana uu jiro. Waxaa mahaddaas oo dhan iska leh, ALLE ka sokow, dadkii aasaaska Puntland maskax iyo muruq ba ku bixiyay, intii dhimatay ALLE ha u naxariisto inta noolna cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suuban ayaan u rajaynayaa.
Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Murwooyin;
Suaasha iswaydiinta mudan waxay tahay Puntland 20 sano ka dib ma joogtaa heerkii ay mudnayd? Hay’adaheeda dawliga ahi ma u tayaysan yihiin sidii loo baahnaa? Bulshadu ma u heshaa adeegyada ay u baahnaayeen sidii la rabay? Waxaa xaqiiq ah inay jiraan caqabo badan oo raggaadiyay hay’adihii dawliga ahaa iyo bixintii adeegga bulshada. Caqabadahaas waxaa ka mid ah:
1. Tayada hay’adaha dawliga ah oo liidata, iyada oo ay aad u hoosaysayso nidaamka islaxisaabtanka iyo isudheelitirka awoodaha hay’adaha dawliga ah, awoodiina ay iskugusoo uruurtay madaxtooyada.
2. Ma jiro horumar wayn oo laga sameeyay nidaamka Siyaasiga ah ee Puntland, 20 sano ka dib waxaa wali la iskudooranayaa sidii la isku doortay doorashadii u horaysay (Doorasho dadban) ee dhacday 1998.
3. Waxaa laamihii dawladda raggaadiayay musuqmaasuq baahsan oo astaan u noqday dhaqanka dawladnimo, taasoo ay ugu wacan tahay islaxisaabtan la’aan iyo iskumilanka hay’adihii dawliga ahayd ee is-ilaalin lahaa.
4. Kaalintii Puntland ay ku laheyd dib u-dhiska dawladnimada Soomaaliya iyo hirgalinta nidaamka federaalka oo hoos u dhacday, taas oo ay sabab u tahay in aysan jirin aragti dheer oo hagaysa.
5. Midnimada dad iyo dhuleed ee Puntland sida ku xusan dastuurkeeda oo dhaawacantey, kaddib markii lagu fashilmay soo celinta dhulka maqan gaar ahaan qeybo kamid ah gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn.
6. Argagixisada oo aan laga sifayn deegaanada Puntland; taasoo abuurtay khalkhal amni iyo falal amni-darro ah oo ka dhaca meelo fara-badan oo Puntland ka mid ah.
7. Sicirbarar baahsan oo saameeyay nolosha bulshada, sannadkii 2013kii bishii January $1 waxaa lagu sarrifi jirey 22,000 So. Sh, haddana 2018 wuxuu kusoo dhaw yahay in $1 lagu sarrifo 35,000 So. Sh celcelis.
8. Dhinaca garsoorka, ma jiro garsoor madax bannaan oo taabbagal ah laguna kalsoonaan karo sababo la xiriira faragelin, qoondada miisaaniyadda oo hoosaysa, musuqmaasuq, tayo xumo dhanka hawlwadeenada iyo agabka.
Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Murwooyin;
Caqabadahaasi waxay iftiiminayaan in dadka reer Puntland ay dareemayaan inaan la gaarin filashadii shacabka dhanka maamul-wanaaga 20 sano kadib. Haddaba, doorashada 2019 waxay kusoo beegmaysaa marxalad xasaasi ah oo kala guur ah, loona baahan yahay in la xaqiijiyo helitaanka hoggaan siyaasadeed oo leh aragti, waayo-aragnimo, hufnaan iyo waddaniyad, si loo gaaro maamul-wanaag dhamaystiran.
Haddaba barnaamijkayga siyaasadeed waxaa saldhig u ah 2 arrimood oo ah (1) Tayeynta iyo dib u habeynta hay’adaha dawladda si ay u noqdaan kuwo taabbo-gal ah oo ka jawaabi kara baahiyaha bulshada Puntland. (2) Tiigsi oo ka turjumaya hiraalka iyo hiigsiga siyaasadeed waqtiga dhaw iyo waqtiga fog. Si loo xaqiijiyo loogana gun gaaro hammigaas, barnaamijkayga siyaasadeed waxa uu xoogga saarayaa gaarista 8 yool oo waawayn oo aan aaminsanahay inay isbedel horumarineed oo taabagal ah gaarsiin karaan Puntland.
Yoolka 1aad: Hirgalinta isbedel siyaasadeed oo dhaxal-gal ah:
1. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa taabba-galinta Sharciga iyo Qaanuunka si loo helo Hay’ado dawli ah oo is kor joogteeya isuna dheeli tiran (Checks and Balance).
2. Waxaan Dib-u-qaabeynayaa Hay’adaha Dawliga ah ee Puntland, iyadoo dib-u-eegis aan ku samaynayndoono tirada, tayada iyo xeerarka lagu asaasay Hay’adahaas si loo kala caddeeyo waajibaadkooda shaqo, sarena loogu qaado tayadooda, ayna ula jaanqaadaan isbeddelka cusub ee aan doonayo in laga sameeyo dhinaca siyaasadda iyo dhismaha dawladnimada, qorshahaan waxaa lagu dhamaystirayaa sannadka ugu horreeya ee Xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo
3. Waxaan hirgelindoonaa nidaamka Dimuqraadiga ee Xisbiyada Badan sannadka ugu horreeya ee xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo
4. Waxaan xoojinayaa kaalinta Puntland ay ku leedahay Soomaaliya iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah, iyadoo la ilaalinayo maqaamka Puntland iyo Dawladnimadeeda ku dhisan hannaan dawladnimo oo ay sal u tahay in waxna la wada leeyahay waxna lakala leeyahay.
5. Waxaan xoojinayaa awoodda Puntland u leedahay gelidda heshiisyo horumarineed iyo kuwo maalgashi si waafaqsan shuruucda dalka, iyada oo la xaqiijinayo in heshiisyadu noqdaan kuwo daahfuran oo laga ansixiyo dhammaan golayaasha dawladda si furanna loogu soo bandhigo shacabka. Sidoo kale in dib u eegis lagu sameeyo dhammaan heshiisyada horumarineed ama maalgashi ee horay loo galay oo ay ugu horrayso heshiiskii Dekedda Boosaaso.
6. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ilaalinta midnimada Puntland (Dad iyo Dhulba) iyada oo mudnaan gaar ah lasiinayo soo celinta dhulka maqan ee Dastuurku uu qeexayo, iyada oo dawladdu ka yeelanayso siyaasad horumarineed loona astaynayo qoondo miisaaniyadeed oo gaar u ah horumarinta iyo difaaca Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Yoolka 2aad: Xoojinta Amniga:
1. Waxaan dib-u-habayn mug leh ku samaynaynaa hay’adaha amniga ee kala duwan, dhinacyada shuruucda, istiraatiijiyadda, tirada ciidanka, tayadooda iyo xuquuqdooda. Miisaaniyadda haatan lagu hafro Amniga waxay ku filan tahay maareynta Amniga hadii si amaano iyo aqoon ku dheehantahay loo maamulo.
2. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ciribtirka canaasiirta argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Cal-madaw iyo Cal-miskaad.
3. Waxaan adkayndoonaa xuduudaha Puntland ee Bad iyo Berriba, iyadoo iskaashi dhow lagala sameynayo dowladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada ay xuduudaha wadaagaan dawaladda Puntland ee Soomaaliyeed.
4. Xaq-siinta ciidanka ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, iyadoo qof kasta oo ciidan ah uu helidoono mushahaar joogto ah, gunno-hawleed, duug, bixinta diyada/magta qofka si kama’ ah ugu dhinta gacanta ciidanka, daaweynta ciidanka xanuunsada, bixinta hawl-gabka iyo kafaala-qaadka agoonta ciidanka.Yoolka 3aad: Dib u habaynta Nidaamka Maaliyadda iyo Kobcinta Dhaqaalaha:
1. Waxaan dib-u-habayn ballaaran ku samaynaynaa nidaamka dakhli uruurinta, annaga oo xaqiijinayaa dhaqangelinta iyo ku dhaqanka miisaaniyadda Dawladda ee ay ansixiyaan Golayaasha Dawladdu.
2. Waxaan la dagaalamaynaa aafada musuqmaasuqa ragaadiyey nidaamka dawladnimo, iyadoo la xoojinayo isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, lana adkaynayo maamul-wanaagga iyo sarraynta sharciga, madaxbannaani buuxdana la siinayo Hay’adaha Dawladda u qaabilsan islaxisaabtanka gaar ahaan xafiiska Hantidhowrka Guud.
3. Waxaan mudnaan-siinaynaa suuq-geynta iyo maalgashiga khayraadka dalka Alle ku galladay sida: Kalluunka, Xoolaha, Maydiga, Beeraha, Macdanta iyo batroolka.
4. Waxaan horumarinaynaa kaabayaasha dhaqaale sida: Dekadaha, Garoomada Diyaaradaha iyo Waddooyinka, iyadoo la dhammeystirayo waddada isku xirta Ceel-daahir iyo Ceerigaabo, dibna loo soo nooleynayo dhismaha waddada laamiga ah ee Garoowe-Gaalkacyo, loona hawlgalayo soo daynta mashruuca Shiinaha ee dhismaha Waddada Eyl iyo Garoowe, dib-u-eegista mashruuca ballaarinta dekadda Bosaaso, ka qeyb qaadashada dhismaha dekadda Garacad. Sidoo kale waxaa loo hawlgali doonaa dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Kalabayr iyo Caluula, Taleex iyo Garoowe, Sheerbi iyo Dhahar, Qardho iyo Baylo, Bosaaso iyo Qandalo, Galdogob iyo Garacad, iyo dhamaystirka iyo taabagalinta kastamka Tuur-dibi.
Yoolka 4aad: Tayaynta Adeegyada Bulshada:
1. Waxaan mudnaan siindoonaa baahinta iyo tayeynta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyada oo loo marayo joogtaynta iyo kordhinta qoondada lacageed ee ay ku leeyihiin miisanayadda Dawladda.
2. Tayeynta, baahinta iyo kabista adeegyada Biyaha iyo korontada ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, si loo helo adeeg tayo leh oo jaban daboolina kara baahida bulshada. Waxaa si gaara dib u eegis loogu samayn doonaa hannaanka wax isku darsiga dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay (Public Private Patnership).
Yoolka 5aad: Taabba galinta Garsoor Xaqiijin kara Sarraynta Sharciga:
1. Waxaan dib-uhabeyn ku samayndoonaa garsoorka gaar ahaan hannaanka soo xulista hawl-wadeennada garsoorka, abuuridda hannaanka kormeerka iyo isla-xisaabtanka ee garsoorka dhexdiisa iyo dib-u-habeynta xeerarka iyo habraacyada Hay’adda Garsoorka.
2. Waxaan kordhindoonaa qoondada miisaaniyadda Garsoorka, iyadoo la sameynayo Sanduuqa Garsoorka (Judiciary Fund), si loo tayeeyo loona xoojiyo madax banaanidooda
Yoolka 6aad: Daryeelka Deegaanka iyo Xakameynta saameynta Isbeddelka Cimilada:
Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa la-dagaallanka jarista dhirta iyo xaalufinta Deegaanka, iyadoo aan dhisidoono haamaha lagu kaydiyo gaaska wax lagu shito si qiimo jaban loogu helo haamaha gaaska la shito, taasina ay gebi ahaanba meesha ka saarayso isticmaalka dhuxusha. Sidoo kale waxaa xoogga la saari doonaa ka faa’iidaysiga tamarta cadceedda (Sollar) iyo dabaysha.
Yoolka 7aad: Horumarinta Dhalinyarada:
Waxaan mudnaan gooni ah siinaynaa horumarinta dhalinyarada dhinacyada shaqo abuurka, sare u qaadista xirfadaha, u sinnaanta fursadaha shaqo si eex la’aan ah iyo ka ballaarinta qaybgalka siyaasadda iyo maamulka.
Yoolka 8aad: Horumarinta Haweenka:
Haweenka Puntland waxay laf dhabar u yihiin horumarka bulshada dhinac walba, sidaas darted waxaan xaqiijindoonaa xoojinta helitaanka xuquuqda haweenka si waafaqsan shareecada islaamka, iyadoo si gaar ah xooga loo saarayo inay helaan xuquuqdooda bulsho, siyaasadeed iyo dhaqaale oo dhammaystiran.
Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Murwooyin;
Waxaan ku kalsoonahay in barnaamijkaygaan siyaasadeed uu ku fadhiyo hanka iyo filashada dadka reer Puntland si looga gudbo caqabadaha aan horaykusoo xusay loona gaaro horumar dhamaystiran oo joogtaysan.
Waxaan kusoo gunaanadayaa khudbadaydaan codsi aan waydiisanayo Mudanayaasha Golahaan sharafta badan inaad isiisaan codkiina iyo kalsoonidiina idinka oo igu qiimaynaya aqoontayda, khibradayda iyo baarnaamijkayga siyaasadeed.
Mahadsanidiin.
-
1
-
-
1 hour ago, cadnaan1 said:Waraada masaajidka cayaarta ka daaya we all knew this was ayuuto and the seat was going to Qardho.
This positive thing is midkii Diaano la dhahaayey in uusan Ku guulaysan imagine madaxweyne Diaano.
Waaba saa islahaa. Oh, the meme creators fursad weyn ayaa dhaaftay.
-
-
Ergeyga wouldn't have gone this easily if it wasn't Mareykanka's support. Or if he was Michael Keating with his British passport, no way would Ingiriiska have accepted this easily.
-
1
-
-
On 1/4/2019 at 4:28 PM, Che -Guevara said:If there's one thing that I learned about Yanks, they will respect you only if you respect yourself. Now compare her to Ayan Hersi.
Inkaarqabtii ma nooshahay. Dhawaan magaceeda ma maqlin.
-
Meeqo xildhibaan ayee heystaan Reer Sool? Haddee isku duubanyihiin, uguna wada shubaan, Cali Ciise can go far.
Sadexda walaalaha ah booska isku balaariyey labaatankii sano u dambeysay ha u baneeyaan qabiilada kale ee sheegtaan inay maamulka ka tirsanyihiin laakiin aanan u ogalayn jagada sare. Meesha 1.5 ee ka dhigeen.
-
Since the newly selected guddoomiyaha maamul goboleedka baarlamaanka is anti-Gaas, we can all assume Gaas daaqada ayuu saaranyahay and ain't coming back.
-
1
-
-
On 11/19/2008 at 7:41 AM, Che -Guevara said:A&T...What clan do you to belong anyway
Blaming group of Somalis won't be solution. If there needs to be peace and justice, everybody needs to own up to their mistakes.
Che, waagaan Abtigiis isma garaneynin ayaa filaa? Taloow Abtigiisa aragtida uu inta ku soo bandhigay wax ma iska badaleen toban sano ka dib?
-
10 hours ago, maakhiri1 said:Or is it, Isqor bilaa Qalin
Not even ink-based qalin. It is isqor bilaa qalinlaabis for kindergartens.
-
1
-
-
8 hours ago, galbeedi said:It is a good move.
This useless post must be eliminated. With all the issues in the country this fool chose to aid a known murderer who killed and maimed hundreds of Somalis. This Robow guy should have been under house arrest until things improve.You can't go from the Al-shabaab spokesman to the governor chair of South West. It just crazy.
Just like the UN monitoring group , they must justify their presence and pick nuisances that doesn't move the country to the right direction.
It is not solely about Rooboow. Ergeyga raised some other valid questions, though. Toban iyo shanta qof lagu dilay, many of them young boys, waa in la daba galaa cidii amartay iyo dadkii ka dambeeye. He is raising this issue because ciidamadaas xabbadda ridaaye Qaramada Midoobay ayaa biisho.
-
Guul ayaan leenahay walaasheena. Waana ku faraxsanahay inay xirato alindi markii la dhaarinaaye.
-
Markaan camal ayee dhaaftay isqornimada. All in the name of ever elusive, never arriving marqaan-dreamed aqoonsi.
I just saw this pathetic, poorly written imploring letter on Facebook. This is beyond begging, begging ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay in Muqdisho to move his office to headquaters of Muuse Muqayil. What do they think that UN's office for Soomaaliya is tabakaayo yar meesha la rabo loo rari karo, lagana furi karo? Well, wax walba waa laga filan karaa minds that were influenced by decades of sessions of non-stop marqaamid.
Also what in their marqaan-induced mind haven't realized is that they finally admit to themselves and submit to the reality that ergeyga gaar ee Qaramada Midoobay represents all of Soomaaliya, including Waqooyiga.
The poorly written letter:
-
3 hours ago, maakhiri1 said:I have no clue what you talking about,, can you try again?
The Tigrey SOL guest caadi ma'aha in the past six months or so when his folks lost all those powers his kin wielded since 1991. Iskaga dulqaado, xoogahoo wuu isku dar darsamay.
-
Che, I had asked you before that I still don't know how you hold your breath and engage, still can stand the revolting, repugnant that is coming from these failed secessionist sewage-dwelling creatures in boosaneero. I can't even imagine myself standing of the top the boosaneero, even under my feet, to engage these creatures. All kudos to you.
-
Ciidamada Puntland ee ay DF la wareegtay oo keeni kara saddex waxyaabood
Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in dowladda Dhexe ee ay ugu dambeyn qarameysay ciidamada Booliska iyo Daraawiishta maamulka Puntland.
Tallaabadan ee ay dowladda qaaday ayaa ah mid aad loo soo dhaweeyey maadama ay bud dhig u noqon doonto dowlad dhisidda Soomaaliya oo si buuxda loo hanto.
Ciidamada kala madaxa bannaan ee aan hoos tagin dowladda dhexe waxa ay caqabad ku ahaayeen dowladniada dalka iyada oo horseed ka ahayd awood yarida dowladda dhexe.
Dowladda Soomaaliya ee gacanta ku dhigtay ciidamada kala duwan ee Puntland waxa ay horseed u noqon doontaa saddexdan qodob ee hoos ku xusan.
1 – Maamulada oo toos u hoos yimaada dowladda dhexe sida dastuurku qabo
Mar haddii ay dowladda la wareegtay labadii ciidan ee ugu awoodda badnaa ee Puntland waxaa xigi doona in ay wada shaqeyn buuxda dhex-marto maamulka iyo dowladda dhexe.
Markii hore, Puntland oo ugu fac weyn maamulada dalka ka jira waxa ay tusaale u ahayd kuwa kale, haddii ay hadda ugu dambeyn ku wareejiyeen ciidamadoodii dowladda dhexe waxaa xigi doona oo aan dhib laga mari doonin kuwa kale.
Waxa ugu weyn ee Puntland qasbay, sida aan rumeysanahay, ayaa ah dhaqaale la’aan maadaama Gaas bixin waayey mushaarkii ciidankiisa marar badanna ay ka gadoodeen. Waana taas waxa sidoo kale qasbi doonna maamullada kale.
2 – Waxaa hagaagi doona amniga dalka guud ahaan
Kala qeybsanaantii awoodda ciidan ee dalka waxa ay keeni jirtay in amniga dalka la’isku halleeyo oo uusan xiriir dhexmarin laamaha amniga ee guud ahaan dalka.
Booliska dalka oo hal gacan hoos taga waxa ay keeni doontaa in iska warqabka iyo xogta si sahlan la’isugu gudubno oo ay ciidamo ku sugaan amniga hal qaab (Uniform).
3 – Canshuuraha dalka oo la mideeyo
Dowladda waxa ay culeys weyn ku haysay magaalada Muqdisho oo ay si xad ka bax ah ugu tiirsaneyd dhaqaalaha ka soo baxo.
Dhaqaalaha Muqdisho ma ahayn mid ku filan dhaqdhaaqa dowladda, hase ahaatee, haddii laga heshiiyey oo ay dowladda maamulada kala wareegto ciidamada, waxaa fududaan doonta in sidoo kale la mideeyo dhaqaalaha dalka sida canshuuraha.
Taas, waxa ay sahli doontaa in dowladda maamul gobolleed walba canshuurta ka soo xeroota lagu dabaro ciidamadiisa gaarka ah ee sugaya amniga.
-
1
-
-
Saalax, is this recruiting or nationalizing an already existing army as the news below reports:
Dowladda federaalka Soomaaliya oo la wareegtay Maamulka Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee Puntland
War si hoose uu uhelay Wargayska Tusmotimes xafiiska Muqdisho ayaa sheegaya in Dowladda federaalka ee Soomaaliya ay la Wareegtay Maamulka Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee Deegaanada Maamulka Puntland xili ay fooda nagu soo hayso Doorashada Madxtanimada Maamulkaasi.
la wareegtaan ciidamada Booliska iyo Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa yimid kaddib markii todobaadkan ay gaareen deegaanada Maamulka Puntland Wafdi kasocda Dowladda faderaalka Soomaaliya ka dibna tirakoob lagu sameeyey ciidamada Booliska iyo kuwa Daraawiishta ee Maamulkaasi.
Wararkan ku saabsan la wareegitaanka Ciidamadaas ee Dowladda dhexe ay la wareegtay ayaa waxaa la sheegayaa in la xareeyey dhammaan ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee Maamulka Puntland ee ku sugan gobolada, kuwaasi oo magacyadooda iyo Taleefanadooda la diiwaangeliyay, loona sameyey kaarar ay ku qaataan mushaaraadka,qorshaha ayaa ah ciidamada in ay mushaaraadka ku qaataan Akoono sida aan xogtan ku helnay.
Saraakiil kasocda dowladda faderaalka ee wada Tirokoobka ayaa horay umaray magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe,Carmo iyo Ciidamada ku sugan jiidda hore Tukaraq waxaana hadda Howlaha diiwaangalinta Ciidamada ay ka socotaa Magaalada Bosaso.
Arrintan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo loo diyaar garoobayo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland 8-da bisha kowaad sanadka cusub ee 2019ka.
Lama,oga Cabdiwali Gaas in howshan Dowladda dhexe ka bilowday Deegaanada uu Madacweynaha ka yahay in uu la,ogyahay iyo in kale,Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Gaas iyo Madaxda Dowladda dhexe ayaa waxaa ka dhexeeya Khilaaf.
Howsha shaqo ee Dowladda dhexe hadda ay ka bilowday Deegaanada Puntland ayaa waxaa la noo sheegayay in ay tahay mid aan qarsooneyn oo Saraakiisha wada howsha Diiwaangalinta ah xataa ay la kulmeen qaar ka mid ah Madaxda Maamulka Puntland.
-
1
-



Isqor bilaa liis
in Politics
Posted
Isqornimada that is based on calaacal iyo beseeching to shisheeye is still on. What do they think Qaramada Midoobay is? A corporation like Starbucks that can open any franchise where they deem it and wish. Soomaaliya waa dal madaxbannaan, a member of Qaramada Midoobay itself as well.
_____________________
Somaliland oo warqad ay ku qoran tahay dalab culus u dirtay QM kadib Haysom
Maamulka Somaliland ayaa horey uga soo horjeestay ceyrintii dowladda Soomaaliya ay ku sameysay wakiilkii xoghayaha Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom.
Todobaad kadib Somaliland ayaa sheegtay inay warqad codsi ah u dirtay Qaramada Midoobay, taasi oo ah in wakiil gaar ah loo Soo magacaabo deegaanada maamulka Somaliland.
Tan iyo sanadkii 1991 Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, waxaana ay shaaciyeen inay yihiin dal madaxbanaan, walow aysan helin aqoonsiga caalamka.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa sheegay inay codsi u direen Qaramada Midoobay kaasi oo ah in loosoo magacaabo wakiil u gaar ah deegaanada Somaliland.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu cadeeyay sida ay kaga xun yihiin go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Nicholas Haysom, taasi oo shaki badan dhalisay, maadaama ay sheegan jireen inay yihiin dal ka go’ay Soomaaliya.
Dadka taxliiliya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya inay adag tahay in Qaramada Midoobay ay wakiil u magacowdo Somaliland, iyadoo aysan helin aqoonsi caalami ah.
Xigasho