-
Content Count
17,649 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
-
Muuse Marqaan maanta inuu awood leeyahay ismoodaa, laakiin awood ku sheegiisa yar maalin ayaa la tusin doonaa wwxee tahay. Abaartii dabadheer ee toddobaatameyadii markii ilma adeeradiisa gaajeysan la soo dajinaaye Koonfur Galbeed, ilaa iyo haddana degan oo beero ku leh wuu isiloowsiinaayaa.
-
When Reer Mudug (including Galgaduud) had a taste of a lasting chance to unite the whole Galmudug under one leadership, this happens. Markii la damcay, laguna guuleystay in deegaanadaas qaarkood laga saaro Reer Afduub, this happens. Reer Mudug iyagaa isku xaasid ah, isku samir la'. If this continues, it is back goof goof ka talis. Back to Ximan iyo Xeeb and esch deegaan with maamul tabaryar. Such a shame.
-
Sheekada markee saan gaarto, waalnimo soo dhaaftay, waala lagu qoslaa. Soomaalilaan oo shaacisay in dadka kasoo jeeda koonfurta ay ula mid yihiin Itoobiyaanka Taliyaha booliska gobolka Sool ee Somaliland oo maanta wariyeyaasha kula hadlay gudaha Laascaanood ayaa ka warbixiyey howl-gal ay ciidamada ammaanka saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay dad u badan ganacsato, kana soo jeedo deegaan ahaan dhinaca koonfurta. Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in ay si gaar ah u beegsan doonaan dadka aan u dhalan deegaanadaasi ee ku sugan gobolka, wuxuuna tilmaamay in dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ula midyihiin Itoobiyaanka & ajiniibta kale, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo masaafurin doonaan dadkaasi, kana soo saari doonaan guud ahaan deegaanadooda. “Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood,” ayuu yiri taliyaha Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray “Annaga Soomaali ma nihin waxbana nagam gelin waxaanu nahay Somaliland,”. Hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka. Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in Somaliland ay bilowday daad gureynta dadkaasi, iyada oo adeegsaneyo gawaari xamuul ah, sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa muujinaya ganacsatadii Laascaanood ee ka soo jeeda koonfurta oo laga soo saaray magaaladaasi, iyada oo hantidoodii ay taal halkaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay kordheen falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Sool, gaar ahaan xaruntiisa weyn ee Laascaanood, waxaana taasi ay keentay in Somaliland ay ballaariso howl-gallada ka socda halkaasi. Xigasho
-
Aawey kii Rooble la lahaa?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Gooni, baryahaan warankaaga galka waaka siibtay ee maxaa? Qabiil walba dad xumaan wado iyo kuwa wanaag ku dhaqmo waaku jiraan, hoggaamiyaashooda iyo kuwaanan ahaynba. Dadkaa leedahay hoggaamiyo wanaagsan kama dhalan Aaden Cadde, Jen. Daa'uud, C/llaahi Ciise, Ismaaciil Jimcaale iyo waxgarad kale ka dhashay. Axmed Madoobe iyo Deni iyagaba meesha qeyr kuma haayaan, saas ee tahayna tolkooda eeda lama leh. Hoggaamiyo ku sheega xilliyadaan jiro badankooda waa daneystiyaal. -
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
What the... Maxaa lagu fasiray arrintii yaabka laheyd ee ay sameeyeen ergadii dooratay Senatorada Somaalilaan? Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday hadal heynta sawiro laga qaaday qaar kamid ah ergada Somaliland ee soo dooraneyso Xildhibaanada Aqalka sare ku metelaya Gobolada Waqooyi Baarlamaanka Soomaaliya. Sawiro laga soo qaaday qaar ka tirsan ergada ayaa muujinaya shaqsiyaad kamida kuwa codeynaya oo soo xirtay dhowr Af-Saab (Face-Mask) kaasoo daboolay inta badan wajiga ilaa madaxa taasoo keentay in fasiraad kala duwan laga bixiyo sababta ku kaliftay. Dadka qaar ayaa ku tilmaamay falka ay sameeyeen qaar ka tirsan ergada Somaliland inay tahay cabsi ku aadan in goobta ay joogaan ergo aanu kasoo jeedin Somaliland, sidaasna loo qariyay wajiyadooda si aan loo aqoonsan. Dad kale waxey ku micneeyeen in ay jirto cabsi ku aadan in ergada marka ay wax doortaan kadib ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan deegaanada Somaliland ayna jirto walaac ku aadan in hadii lagu arko ka shaqeynta arrimaha doorashada Soomaaliya xabsiga loo taxaabo. Maamulka Somaliland oo horey u sheegay inay ka go’day Soomaaliya ayaa dhawaan mar kale shaacisay inaysan wax shaqo ah ku laheyn doorashada ka socoto Soomaaliya. Sidoo kale, dadka qaar ayaa falkaan ku tilmaamay in ay jiri karaan cabsi dhinaca ammaanka ah oo laga cabsanayo in Al Shabaab ergadan beegsadaan hadii wajiyadooda la aqoonsado. Ururka Al-Shabaab ayaa horey u toogtay qaar ka tirsan ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka waqtigiisa dhammaaday, waxayna dhawaan ku hanjabtay inay beegsan doonto cid kasta oo ka qeybgasho doorashada Soomaaliya. -
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Hambalyo Mudane Qorane. -
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Nin Maxamed Siyaad Barre u eg uma codeyneyno. Anyway, what was Caynaanshe expecting that poor odeyaal and others did not need laaluush? I wanted him (s)elected, though. Didn't he hear how much bribery Cabdi Ismaaciil Samatar pay? It was tens of thousands. -
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kuwa xulashada helay. -
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Watch live on the (s)selection: -
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Caynaanshe Youtube ayaa ka fiirsan jiray sanado ka hor. I am glad inuu isbadalka ka qeyb qaato. -
Rabi ha u raxmado Ajakis
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
Koley lama sheegin sababta u dhintay. Laakiin dad maanta Soomaaliya ku geeriyoonaayo karoona u dhintaan. -
Roble starts undermining Qoorqoor
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Maakhiri, if we go to the route of negative qabiil generalization, then we must also take the path of positive generalization. Reerka laga hadlaayo also waxaa ka dhacay the likes of C/llaahi Ciise, Xasan Aaden Samatar, C/llaahi Sulfa, Xaliimo Khaliif Magool iyo Nuur Eebbe, to say a few. Granted dad heesaa u badan, but still upstanding people oo sharaf leh ayee yihiin/ahaayeen. -
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sheeko. Koow. -
Rabi ha u raxmado Ajakis
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
-
Roble starts undermining Qoorqoor
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Dalmar Yariisoow, if you really care about Mudug's horumar, you should support Qoorqoor and not Rooblaawahaan lagu sirmay lacag aruuris ku jiro. He is the worst masuqmaasuq ra'iisul wasaare, even worse then Maxamed Cali Geedi and Cumar C/rashiid Cali. Jeebkiisa ayaa u daran, selling jagada wasiirnimada to tuugii weynaa ee 30/30 and hijacking the national state media. -
Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo goordhaw Muqdisho ku geeriyooday Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday allah u naxariistee Majaajiliistahii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maalmahii lasoo dhaafay ku xanuunsanaayay mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho. Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyay maamulka Talefashinka Universal xaruntiisa magaalada Muqdisho oo uu marxuumka ka tirsanaan jiray howlwadeenada talefashinka Universal. Allah u naxariiste Marxuum Ajakis ayaa todobaadkii hore dhamaadkiisa waxaa kusoo booday xanuun la sheegay inuu ka haleelay dhanka sambabada, kaasoo ugu dambeyn uu maanta u geeriyooday. Marxuumka waxa uu ka mid ahaa jilayaasha dhanka majaajilada kuwa ugu caansan guud ahaan Soomaaliya, waxuuna sidoo kale soo jilay Riwaayado farabadan, waxuuna turjimaad ku sameyn jiray filimada Hindiga ee afsoomaaliga loo badalo oo uu door muhiim ah ka qaadan jiray turjimaadooda. Madax ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya iyo siyasiyiin magac ku leh dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Majaajiliistihii caanka ahaa allah u naxariiste Cabdi Muriidi Dheere oo loo yaqaanay Ajakis. Xigasho
-
Ninkii soo joog laga waayo...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
They are back after being funded and armed by Kiikuuyada. No way. Ahlusunna oo muddo kadib dhaq-dhaqaaq ciidan ka billowday gobollada dhexe Xoogag u daacad ah Ahlu-Sunnadii Gobolada Dhexe ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada qaybo ka mida Gobolka Galgaduud, maalmo kadib markii madaxda kooxdaas ay dib ugu soo laabteen gobolka. Ahlu-Sunna oo tan iyo daba-yaaqadii bishii February ee sanadkii 2020 ka maqneyd Gobolada Dhexe ayaa markii ugu horeysay waxaa hoggaankeeda toddobaadkii hore lagu arkay Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, oo ay kaga qaybgaleen deegaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud. Dhaqdhaqaaqyada Xoogaga Ahlu-Sunna ka bilaabeen Gobolada Dhexe ayaa waxaa barbar socda kulamo ay Madaxdii Ahlu-Sunna deegaanada Galmudug kula qaadanayaan odayaasha beelaha, si loo soo noolleeyo doorkii siyaasiga ee Ahlu-Sunna, loogana hortaggo Shabaabka isu ballaarinaya Gobolada Mudug & Galgaduud. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa maalmo ka hor deegaanka Huurshe kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu-Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faaarax iyo Madaxii Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay taageero hub ahi ka heleen odayaasha qabaa’ilada qaarkood. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa sidoo kale waxay Sabtidii deegaanka Huurshe ku qaabileen Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame, kaasoo ay weydiisteen inuu dib ugu soo celiyo hubkii beelaha Dhuusamareeb iyo Guriceel, ee ay ku wareejiyeen bishii February, 2020, ka dib dagaaladii dhowrka cisho socday ee Maamulka Galmudug kula galeen Magaalada Dhuusamareeb. General Mascuud oo ka mid ah Saraakiishii ay barbaarisay Ahlu-Sunna, hadda waxaa la leeyahay waa uu ka mowqif duwan yahay, isagoona u janjeera dhanka Madaxtooyada Galmudug. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlu-Sunna ay haatan dhaqdhaqaaqa xoogiisa ka wadaan wadada xiriirisa Guriceel iyo Xeraale, Guriceel illaa aagga Balanballe. Xoogagan ayaa la soo sheegaya in lagu arkay deegaano ku dhow dhow Balihood iyo La-jiide, halka Huurshe ay ku sugan yihiin Hoggaanka Ururka. Madaxtooyada Galmudug oo ka walaacsan abaabulka Ahlu-Sunna ee gobolka ayaa Talaadadii waxay Saraakiisheeda Ciidamada meel ku dhow deegaanka Huurshe kula kulmeen odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada ka soo kala jeeda Guriceel, Xeraale, Balihood iyo La-jiide, oo ay kala hadleen soo rogaalcelinta Ahlu-Sunna, iyagoona ka codsaday inay la shaqeeyaan Dowlad Goboleedka Galmudug. Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn Ahlu-Sunna ee xilligan uu yahay, sidii xubno ku feker ah loogu soo dari Golaha Shacabka, si lamid ah sidii dhacdayba sanadihii 2012 iyo 2016. Xeeldheere-yaashu waxay sheegayan in doorashadan ay muhim u tahay Ahlu-Sunna, lamase oga sida ay xilligan ku suurtageli karto inay xubno ku yeelato Baarlamaanka Federaalka. Xeeldheere-yaasha ayaa qaba muddadii Ahlu-Sunna ka maqneyd Gobolada Dhexe in habacsanaan dhanka amniga ah laga dareemay deegaanada Galmudug, Shabaabkuna waxay muddadaasi kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan deegaanadaasi, iyagoona halis geliyay amnigii Magaalada Dhuusamareeb. Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deegaanada hoostagga qaarkood waxaa ka dhacay tiro qaraxyo ah, marar kala duwana waxay Shabaabku madaafiic ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Gobolka Galgaduud ugu weyn ee Ugaas Nuur. Ahlu-Sunna ayaa lagu ammaanaa mid fahamsan xeeladda dagaalka ee Al Shabaab, waana taas midda keentay in ay Shabaabku ka caagaan dhulkii ay Ahlu-Sunna ka arrimineysay, muddadii laba iyo tobanka sano ahayd. Xigasho -
Maxaa kasoo baxay kulanka Fahad Yaasiin iyo taliyeyaasha ciidamada? Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo uu xalay saraakiisha ammaanka isugu yeeray la-taliyaha amniga qaranka, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay saraakiil sar-sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranla, sida Yaasiin Farey oo uu dhowaan si KMG ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay agaasimaha hay’addaasi. Sidoo kale waxaa kulanka oo uu albaabada u xirnaa qeyb ka ahaa taliyaha ciidamada Xoogga dalka, taliyaha ciidamada Booliska, taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir, Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish iyo sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ka qeyb-galay kulankaasi oo ah mid xasaasi ah dhamaan laga reebay taleefanada, maadaama shirku ahaa mid uu dalbaday Fahad Yaasiin. Sida ay ogaatay Caasimada Online kulankani waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee dalka, iyada oo la-taliyaha amniga qaranka uu faray taliyeyaasha ciidamada inay gutaan waajibaadka saaran, isaga oo sidoo kale ku war-geliyey in haatan wixii ka dambeeya ay si toos ah ula shaqeyn doonaan. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in Fahad Yaasiin uu xubnaha ka qeyb-galay kulanka u xaqiijiyey in xalka khilaafka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha uu dhow-yahay, sidoo kalena ruux aan aheyn Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey loo magacaabi doono taliska hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya. Waxa kale oo lagu ballamay in kulamada ay sii socdaan, si loogu kala warqaado xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan xiisadda taagan ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Kulankan ayaa u muuqdo mid uu awaddiisa ku muujinayo la-taliyaha amniga qaranka oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Si kastaba, wuxuu kulankani ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay socdaan wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxda ugu sarreysa ee dowladda Soomaaliya.
-
Asagii lahaa qof u tartamaayo xildhibaannimo lagama horistaagi karo deegaankiisa after guddoomiyihii hore Gedo loo diiday inuu deegaankaas tago bilooyin ka hor. Well, here it is intuu howl shaqadiisa ahayn ku jiray. Wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo laga hor istaagay in lagusoo dhoweeyo Garoowe Ciidamo katirsan Puntland ayaa maanta is hor istaag ku sameeyya in wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan soo dhowayn loogu sameeyo magaalada Garowe, oo uu kasoo dagay. Wasiirka qorshaynta oo ah musharrax xildhibaan aqalka hoose ah ayaa loo diiday in ay garoonka ugu tagaan dad shacab ah oo loogu diyaariyay in ay ka qaataan soo dhowayntiisa. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan madaxtooyada Puntland la geeyay garoonka diyaaradaha Garoowe, si ay u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa wasiirka qorshaynta oo ku wajahan magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, halkaas oo ah deegaan doorashadiisa. Wasiir Jamaal ayaa kamid ah saaxiibada dhow ee madaxweyne Farmaajo, waxayna aad isku hayaan madaxweyne Deni oo uu dhawaan ku eedeeyay inuu faro galin ku hayo doorashada aqalka hoose. Jamaal waxaa uu loolan adag u gali doonaa sidii uu kursigiisa xildhibaanimo u difaacan lahaa, isagoo maanka ku haya in kursigiisa uu kamid yahay kuraasta tartanka adag loo gali doono. Xigasho