Juje

Nomads
  • Content Count

    2,791
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Juje


  1. Originally posted by J11:

    Will someone give Cowke a coconut to chew on?

     

    Cowke just put a sock in it, will ya?

     

    Afkaagu afkuu eedi doona. Gal-mudug is an Admin that exists just like PL and SL so stop being so childishly negative.

    War maxaad u xagxaganeysa odeyga runta ayu shegayaye. Baraxley miyey so dhafsantahey Galmudug oo weliba laba madaxweyne isku heystaan.


  2. Originally posted by General Duke:

    ^^^No he is an imposter who has issues in the brain. Why would you pretend to be something you are not if you are sane?

    Sxb you have been egging C/llahi Yusuf for long wu dhusey wu xarey - why are you bothered by Cowke. Leave the man alone ha duliiye ninkise.


  3. Sheekh Xasan Daahir Aweys “ siyaasadeenu waa in dagaalada aan sii wadnaa ilaa dowlad islaami ah ay ka helayaan shacabka Soomaaliyeed”

     

    xasan-daahir0.jpg

     

    Shabelle: MUQDISHO

     

    Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu maanta sheegay in dagaalada ay sii wadayaan ilaa dowlad islaami ah ay ka dhalato dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

    Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta waxaa uu ka warbixiyay sababaha ay u dagaalamayaan Ururka Xisbul Islaam xili uu ka hadlayay Munaasabad ay soo qaban qaabiyeen Ururkaasi islamarkaana ay kula kulamayeen odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed.

    Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in sababta ay Ururka Xisbul Islaami u dagaalamayaan ay tahay sidii dalka Soomaaliya loogu heli lahaa dowlada Islaami ah oo ay ku kalsonyihiin shacabka Allana uu raali ka yahay.

    Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Mar uu soo hadal qaaday wadahadal ay galaan Ururka Xisbul Islaam iyo dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladaani ay horay u soo dhiseen dad aan ka shaqeynayn Masaalaxada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay islamarkaana ay iyagu ku qanci karaan oo kali ah in Soomaaliya ay yeelato dowlad Islaami ah inta laga helayana ay dagaalka sii wadayaan Ururka Xisbul Islaam sida uu carabka ku dhiftay.

    Inkastoo gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys uu hoosta ka xariiqay in ilaa ay ka garaayaan ulajeedka ay u bilaabeen dagaalada ay sii wadayaan dagaalada ayaa hadana inta badan dowladda KMG ee Soomaaliya waxaa ay u badanyihiin in ay wadahadal la galayaan xoogaga ay isaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho oo ay qeyb ka yihiin Ururka Xisbul Islaam.


  4. Markab dagaal oo maraykan ah oo gacanta ku dhigay doon ay wateen kooxo Soomaali ah oo laga helay Xashiishad qiimahoodu gaarayso $28 Milyan oo doolar.

     

    Xashiis.jpg

     

    Shabelle: BAXREYN

    Markab dagaal oo laga leeyahay dalka maraykan ah ayaa gacanta ku dhigay doon ay wateen kooxo Soomaali ah oo laga helay Xashiishad qiimahoodu gaarayso $28 Milyan oo doolar.

     

     

     

    Warbixin ay soo saareen saraakiil sar sare oo Maraykanka ah islamarkaana la socday markab kuwa dagaalka ah ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen doon ay wateen kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo siday ilaa 4 tan oo Xashiishad ah oo qiimaheeda lagu qiyaasay 28 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

     

     

     

    Saraakiisha ayaa sheegay in markabka dagaalka ee Maraykanka islamarkaana gacanta ku dhigay doontaasi kooxaha burcad badeeda Soomaalidu ay wateen lagu magacaabo USS Anzio waxaana doonmtaasi gacanta lagu dhigay Maalintii qamiista aheeyd xili ay ka soo anba baxday biyaha gacanka cadmeed islamarkaana ay ciidamadu ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan markii ay uga shakiyeen in ay yihiin kooxo burcad badeed Soomaali ah islamarkaana qorshe maleegayay.

     

     

     

    Warbixinta ay soo saareen saraakiisha ciidamada Maraykanka ee la socday Markabka dagaalka ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay dalka Baxreyn ayaa sheegay in doonida ay ku qabteen meel 170 meyl u jirta Waqooyiga Galbeed ee Salalah iyo Cumaan,waxaana ay sheegeen in daroogada saaran ay ku qiyaaseen in ay gaarayso 28 Milyan oo doolar.

     

     

     

    Markabkaani dagaalka ee gacanta ku dhigay doonidaasi kooxaha burcad badeeda ayaa waxaa uu qeyb ka yahay maraakiibta isbahaysiga ee reer Galbeedka islamarkaana wada howlaha ka dhanka ah burcad badeeda Soomaalida kaasoo ujeedadiisu ay tahay in lagu yareeyo weerarada iyo Afduubka ka dhanka ah maraakiibta shisheeye ee ku safarta xeebaha Gacanka Cadan iyo biyaha Soomaaliya.


  5. The source of the rift is becoming more apparent and the conflict is anything but religious sects.

    On 16/10/09 Halgan.net was running this article:

    Dhinac kale waxaa magaalada Ksimaayo dib ugu soo laabtay Daauud Dirir oo ah ganacsade ku noolaa magaalada Kismaayo ilaa wixii ka danbeeyey burburkii dowladii Maxamed Siyaad Barre waxaana u cid dirsaday Al-Shabaab sida aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay.

    Daauud Dirir ayaa waxaa uu ka mid ahaa raggii ay isku dhawaayeen Xilibaan Barre Hiiraale wuxuuna xiriir dhow la leeyahay dalka Itoobiya waxaan uu shirar la qaatay madaxda ka tirsan Maamulka Al-shabaab ee magaalada Kismaayo ilaa haddana lama yaqaan wax ka soo baxay shirarkooda.

    Source

     

    And today 19/10/09 the man is assassinated in the middle of Kismaayo.

    I dont thin k it is Al-Shabaab - but I can tell you the ball is being played on their turf.


  6. War deg deg ah: Xoogagii Xisbul Islaam ee ka dagaalamayay Waqooyiga Muqdisho oo gebi ahaantood isa soo dhiibay

     

    War goor dhow soo gaaray Xafiiska Jowhar.com ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in Xoogagii Xisbul islaam ee ka dagaalamayay qeybo ka mid ah Waqooyiga Muqdisho ay isku soo dhiibeen Dowladda KMG.

     

    Wararka ayaa xaqiijinayay in Xoogagan oo aad u fara badan, isla markaana ahaa kuwii aagaga kaga jiray Isgoyska Siinaay iyo Afarta Jardiino ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda ee halkaas iyana ku hor fadhiyay.

     

    Xogog ku aadan jiritaanka warkaas ayaa sidoo kale sheegeysa in Ciidamadan oo ay wataan Saraakiil ay shambalka isa saareen ciidamadii kale ee Dowladda ay iska soo horjeedee, taasoo dadka deegaanka ay aad ula yaabeen.

     

    Sidoo kale Xoogaga qaar ee isu soo dhiibay Dowladda ayaa loo kaxeeyay dhinaca Xarunta Degmada Boondheere, halkaasoo ay ka dhacday is marxabeyn oo ay Ciidamada mid mid la arkayay iyagoo is xabad gelinaya.

     

    Labada ciidan ayaa ah kuwo hada isla jooga, bedelkii horay ay ahaayeen kuwo is dili jiray oo ay Dooli iyo Mukulaal isku ahaayeen, hase yeeshee tallaabadan ayaa aad u farxad gelisay dadka deegaanka oo ay ku tilmaameen mid taariikhi ah in Walaalo shalay is dilayay maanta ay heshiiyaan.

     

    Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu jiray wada hadal hoose oo ay gadaal ka riixayeen Odayaasha deegaanka, kuwaasoo wada hadal mudooyinkan kula jiray Saraakiishii Xoogaga Xisbul Islaam ee aaga waqooyi.

     

    Dhinaca kale markii waxaa goor dhow dib u furmay isu socodkii gaadiidka ee Isgoyska Afarta Jardiino, waxaana la arkayay gawaarida oo si caadi u marayay wadada Laamiga ee Maanabooliyo ilaa Suuq Bacaad oo aheyd mid ay ka go'neyd Isgoyska Jardiinka, waxaa kaloo caadi ah Isgoyska Siinaay oo muddo shan bilood ay aheyd aag dagaal.

     

    Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

     

    Hoyga wararka Somaliyed

    www.Jowhar.com


  7. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

    Emotions aside, maxaa daliil ah oo caddeen ah u heysaa in uu C/risaaq Xaaji Xuseen ka dambeeye? Hadal suuqeedka meel kaga soo tag. Max'ed Abshir too was suspected, did you know that? Another hadal suuqeed la isla dhex maraaye then with no evidence.

     

    P.S. - I didn't listen this interview because my computer's speaker cilad ku jirto, but I am sure he didn't say he killed Marxuum C/rashiid, Eebba ha u naxariistee.

    I remember saying prime suspect hence in aad dalil i warsato mesha kuma jirto. On the other hand if you listen to the interview C/risaaq admits that he was a suspect and throughout the interview he tries to narrow down the sole responsibility , without any external influence or espionage, to the assassin.

    Once again Miskin my point is that this unfortunate incident happened some forty years ago and so many people have their own version and conclusion and C/risaaq was and is still implicated to have been part of it. But it has long been swept under the carpet simply because it did not get the proper investigation and inquiry it warranted. Thus why at this time has he ,C/risaaq, chosen to revisit the incident. Obviously he is not trying to clear the air, is he?

    Furthermore Miskin C/risaaq who is a veteran and experienced Somali Politician - he on the other hand does not possess a remarkable reverence in view to his role and action during his tenure or during the period he was active in Somali politics.