Suldaanka

Nomad
  • Content Count

    7,318
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    170

Posts posted by Suldaanka


  1. Maxaa Keenay Dardar Gelinta HawalahaDowladda Hoose Ee Hargeysa Iyo Dadweynaha Biyaha Helay?

     

    Waxaynu in badan ogoyn in si aad ah loo dhaliili jiray habka maamul ee ay u shaqeeyaan dowladda hoose ee Hargeysa, haddii ay tahay maamuladdii la soo magacaabi jiray iyo kuwan la soo doortayba.

     

    Haddaba, waxa lagu tilmaamaa wakhtigan shacbiga ku nool caasimadda Hargeysa in ku dhow 1,000,000 (Hal Milyan oo Qof) kuwaas oo dhamaantood u baahan hawlihii adeeg sida; Caafimaadka, Nabad-galyada, Waxbarashada, Biyaha, Nalka iyo waddooyinka.

     

    Haddaynu in yar dib ugu noqono magaalada Hargeysa waxay leedahay shan wado oo u gudban galbeed iyo bari, waqooyiga Hargeysa waxa ku yaala seddeed (8) waddo oo u gudban Koonfur iyo Waqooyi, halka ay koonfurta magaaladda ku yaalaan lix (6) waddo oo u gudban koonfur iyo waqooyi.

     

    Waddooyinkaa dhammaantood waxa la baneeyay intii ka horaysay lasoo noqoshaddii xoriyadda Somaliland, waxa kale oo ku yaalay magaaladda Hargeysa seddex xarumood oo caafimaad kuwaas oo ku kala yaalay Ex. Civil Center, Ka soo horjeedka Tiyaatarka Hargeysa, Dugsiga Biyo dhacay dabadiisa, kuwaas oo aanay ku jirin cisbitaaladu.

     

    Sidoo kale Magaaladu waxay lahayd tiro ka yar seddex saldhig boolis (police) oo uu ku jiro saldhiga dhexe iyo hal xabsi, waxay kale oo ay lahayd seddex sariibadood iyo hal bacadleh.

     

    Bal hadaba aynu eegno maxaa iska badalay guud ahaan goobihii adeega guud ee magaaladda aan soo qaadano:

     

    Nabad-galyadda:

    Saldhiga Koodbuur

    Saldhiga Axmed Dhagax (Ex. Iftin)

    Saldhiga Maxamuud Haybe (Ex. Guryo Samo)

    Saldhiga Daloodha

    Saldhiga New-Hargeisa

    Saldhiga Dhexe

    Saldhiga Booliska ee Dowaladda Hoose

    Saldhiga Airportka

    Laanta Booliska ee Maxamed Mooge

    Laanta Booliska ee Sheekh Nur

    Laanta Booliska Jigjiga yar.

     

    Waxa ad halkaa ka arkaysaa sida ay u korodhay magaaladu iyo sida ay ula socdaan illaalinta nabad galyadu taasoo suuro galisay in meelkasta oo ka mida magaaladu hadii shil ka dhaco si dhibyar loo helayo, waxa intaa dheer Qaybta Booliska oo ku taala Saldhiga dhexe iyaduna hawlgalisa iskuna xidha dhamaan saldhigyadan iyada oo ay waliba ka barbarshaqeeyaan laanta Nabad Galyadda Wadooyinka iyo Laanta/Qaybta Baadhista Danbiyadda (CID) bal aynu eegno waxa iska badalay caafimaadka.

     

    Caafimaadka

    Xarunta Caafimaadka ee Koodbuur

    Xarunta Caafimaadka ee Axmed Dhagax

    Xarunta Caafimaadka ee Maxamuud Haybe

    Xarunta Caafimaadka ee Xawaadle

    Xarunta Caafimaadka ee Sheekh Nuur

    Xarunta Caafimaadka ee Daami

    Xarunta Caafimaadka ee Dhexe

    Xarunta Caafimaadka New Hargeisa

    Xarunta Caafimaadka ee Maxamed Mooge

     

    iyo Xarunta Caafimaadka ee Gobolka oo ah halka laga maamulo hawlaha ay qabtaan, waxa intaa dheer cusbitaalka guud iyo cusbitaalada gaarka loo leeyahay, hadaba xarumaha caafimaad ee aan kor ku soo sheegnay waxa dhamaantood laga hirgaliyay mashruuc u sahlaya in hooyaddu ku umusho goobtaa iyada oo aan isku mashquulin in ay saacado badani kaga lumaan daydayga anbalaas ama tagsidii qaadi lahaaa maadaam aanay haysan dadkeenu dhaqaale sidaa u buuran, halkaana waxaa ka muuqda in horumar wayn laga sameeyay dhinaca caafimaadka oo manta meelwalba aga helayo iyada oo isla goobahaasna lagu bixiyo dhamaan talaalada kala duwan ee caruurta iyo hooyada urka leh, waxana laga helaa daawooyin tayadoodu sarayso oo qiimahoodu hooseeyo. Bal aynu eegno xaga Nalka.

     

     

    Nalka

     

    Markii ugu horaysay tan iyo intii lala soo noqday xornimadda waa markii igu horaysay ee ay magaalada Hargeysi yeelato laydh ay leedahay Dowladdu, waxa hore igu bixi jiray magaaladda mishiino yaryar oo ay lahaayeen qolyo ama niman dhiigmiirato ah oo ninwaliba wakhtiguu doono shido markuu doonana bakhtiiya, balse hadeer magaalada inta badan waxa ka baxa nalka dowladda oo ka tayo wanaagsan kana qiimo jaban kuwii hore, mar waan wax ka waydiiyay ganacsatada yaryar ee dowladda lagata uu bishii ku bixin jiray nalka wuxuu ii sheegay inay ahayd inka badan 120 dollar halka uu imika ka bixiyo xadi ka yar 20 dollar, waxa halkaa kaaga muuqata horumarka muuqda ee laga gaadhay xaga nalka, waxa intaa dheer waxa ka shaqo gala shaqaale aad u tiro badan oo ka igu hooseeyaa qaato todoba boqol oo kun (700,000) SL Shilling taasina waxay dabooshay baahida reero badan kadib markii ay shaqo ka heleen dhalinyara badan oo suuq jog ahayd iyada oo waliba bilahan u danbeeyay mushaharkooda ay qaataan inta aanay gaadhin 29 ka bisha. Mar aan wax ka waydiiyay dhawr qof oo ka mida shaqaalaha wakaaladda laydhka waxay ii sheegeen inti maareeyahan cusubi yimid aanay arag mushahar ka raaga halka markii hore uu is gaadhi jiray mushaharkoodu.

     

     

    Biyaha

     

    Waxaynu wada ognahay oo yar iyo weynba ka dharagsanahay dhibaatada dhawaanahan ka haystay magaaladda Hargeisa Biyo la’aanta taas oo gaadhay heerkii igu xumaa inta la ogsoon yahay, waxase Illaahay mahadii ah in muddooyinkan danbe aad moodo in biyuhu sidoodii ku soo noqonayaan oo aanay jirin cabasho farabadan oo ka imanaysa biyo yaraanta, mar aan u kuurgalay sababta keentay biyo la’aanta inta badan ay ka cabanayeen dadweynaha Hargeysa waxaan ogaaday inay ahayd maamul xumo ka jirtay wakaaladda biyaha dhexdeeda, hadaan hoos iguyar daadegno waxay wakaaladu ka kooban tahay:

     

    Ceelasha

    Qabyta maamulka

    Qaybta shaqaalaha

    Qaybta hubinta biilasha

    Qaybta farsamadda

    Qaybta Iibka biyaha.

     

    Waxay leedahay wakaaladdu Hal Maareeye, Maareeye ku-xigeen, saddex Engineer, shan agaasime waaxeed iyo tiro ku dhow 400 oo shaqaale ah, waxaa inta badan dhici jirtay in shaqaalaha wakaaladu intooda badani ay lahaayeen kaalmo biyood oo ay iyagu inta badan iibin jireen, taas oo keentay in magaalada ay ka dhacdo biyo la’aan. Sidoo kale may jirin baryahan danbe cid doonta biilasha lacagaha lagu leeyahay guriyaha, meheradaha iyo dhamaan macaamiisha oo dhan taasina waxay noqotay in uu baabo’o nidaamkii maamul ee wakaaladdu, waxa daliil u ah mudada gaaban ee uu joogay maareeyaha cusubi sida ay isku badashay shaqaddii wakaaladu, waxaan ognahay in lacagta yare ee uu bixiyay Madaxweynu aanay ka badnayn mushaharkii ay lahaayeen shaqaalaha wakaaladu haddana wakhtigan waxa uu iibiyay tiro ku dhaw afar gaadhi oo mid ka mida ay ka bixisay madaxtooyadu halka inta kale uu ka iibiyay dakhliga ka soo baxay wakaaladda.

     

    Halkaa waxa kaaga iftiimaya in masuuliyadu tahay shay qaaliya qof walibana uu qaban karo wuxuu is yidhaado u qabo dalkaaga waanu ku mahadsan yahay maareeyaha cusubi waxa kaliya oo aan u soo jeedinayaa in haddii uu kordhiyay lacagtii biyaha inkastooy fiicnayd inaan la kordhin hadana haddii laga maarmi waayay loo kordhiyo shaqaalaha mushaharka laguna amro inay shaqeeyaan saacado dheeraada loona sameeyo Dirays aya kaga duwan yihiin dadka kale iyo waraaqihii aqoonsiga sidoo kalana waa in sida igu dhakhsaha badan looga dhigaa shaqaale dowladeed ee aanay noqon qaar marna maareeyuhu eryo marna qoro. Taas oo kor u qaadaysa niyada shaqaalaha.

     

    Bal aan usoo noqono xarunta dowaladda hoose ee Hargeysa, waxa hadeer ka socda dhisme dabaq ah oo aad u qurux badan kaas oo loogu talo galay xafiisyo iyo hallkii ay ku shirlahaayeen Golaha Deegaanku, waxay dhawaan ku guulaysatay Dowladda Hoose in ay rarto dadkii daganaa Beerta Xoriyadda, Buurta kala jeexan iyo Istaadiyoonka iyada oo dajisay xaafadda cusub ee Sheekh Muuse Ducaale oo ku agtaala degsiimadii hore ee Cabdi Iidaan, waxay dib-u-habayn ku samaysay sariibadii xaafadda Ibraahim Koodbuur, Xarunta weyn ee bacadlaha (Ex. Fooqii jajabka) bilowga sariibad cusub oo laga hirgalinayo xaafada Xero Awr oo wakhtigan dadka suuqaasi ay fadhiistaan meel bacadda waxay iibisay dowaladda hoose bishan gudaheeda in ku dhaw dhowr iyo toban gaadiida kuwaas oo kala ah, lix ruglay, laba kuwa daamurka sameeya, laba baabuur oo ah kuwa xashiishka, baabur xaajiyadda oo laba shidhlaya waxana laga siiyay intaas o shay sided iyo labaatan kun oo dollar (28,000 dollar) waliba sida ay ii sheegayaan ila xogogaala waxa loogu badalay dhul danguud ah halka awal hore la cuni jiray dhulka danta guud, waxyaabaa kale ee aan aadka ula yaabay een ku arkay xafiisyada degmooyinka magaalada Hargeysa waxa ka mida xafiis walba waxa yaala hal computer, hal printer oo lagu dhameeyo hawlaha adeeg oo awal hore lagu soo garaaci jiray xurunta dhexe, sidoo kale waxay leeyihiin shan gaadhi oo mid waliba ka hawlgalo degmo ka mida shanta degmo kuwaas oo iyaguna si toos ah u daboolay baahidii gadiid ee awal hore jirtay.

     

    Mar aan dhawaan booqday xafiiska xarunta dowladda hoose waxay ii sheegeen qaar ka mida saraakiisha sarsare ee dowladda hoose in qorshaha dhow igu jirto rarida dadka deggen Axmed Guray, State Houseka, iskuulka alifdoon, Jaamacada Hargeysa iyo Xarunta Agoomaha Hargeysa dadkaas oo loo qorsheeyay halkii ay degi lahaayeen.

     

    Haddaba, waxaan ka mid ahaa dadka inta badan naqdiya waxqabadka dowladda hoose ee Hargeysa waxaadse maanta moodaa in ay dhaliishii faraha badnayd isku canaanteen oo ay waxqabad muujiyeen mana haboona in masuuliyiinta marwalba ammaantooda la sheego waayo faraska waxa usha loogu dhuftaa inuu orodka ka sii badiyo waanay ku mahadsan yihiin.

     

    Igudanbayntii waxan halkan igu soo jeedinayaa talo masuuliyiinta dowladda hoose taas oo ah waxa aynu ku jirnaa xili roobaad waxa meelaha qaarkood aad arkaysaa xashiish badan oo yaala sidoo kalana waxa aad moodaa inaanay shaqayn waaxda caafimaadka ee dowladda hoose sababahan awgood, ma jirto cid eegta huteeladda hurdada, maqaaxiyaha cuntada, waxa aad arkaysaa weel wasakhaysan, jajaban oo wax lagu cabayo, waxa kale oo aad arkaysaa habeenkii gooraha danbe bulaacadaha oo lagu soo qubo wadooyinka dhexdooda, kuwaas oo sababi kara caafimaad daro, dhanka kale waxa biyaha qaarkood laga soo dhaamiyaa dooxa iyada oo bulaacadaha ugu badanina ku dhacaan isla dooxa, haddaba marka ay sidaa tahay waxa haboon in si dhakhso ah loo hawl galiyo waaxda caafimaadka loona furo tababar caafimaad xataa hadii laga bixin karayo hala siiyo tababaro dhaadheer, kuwaas oo aynu ognahay inay anfici doonaan waxna ka badali doonaan habka maanta ay u shaqayso waaxda caafimaadku.


  2. Dugsiga Sare Ee Sh. Bashiir, Burco Oo Dib U Bilaabay

     

    Burco, Somaliland (Togdheer Online) – Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Bashiir Maxamed Jaamac Muuse ayaa daboolka ka qaaday in Dugsigu uu dib u bilaabay waxbarashadiisa, ka dib markii uu muddo sanada dugsigani u naafoobay shaqaaqo gubis ku habsatay sannadkii 2003, sidaana waxa uu maamuluhu ku sheegay wareysi khaasa oo uu Xarunta Dugsigaas kula yeeshay Weriyaha Togdheer Online ee Burco Yusuf Ilka-case.

     

    Wareysigan oo uu maamuluhu kaga hadlaayey qodobo badan oo la xidhiidha dhinacyada Iskuulka waxa uu sheegay inuu Dugsigu ka soo kabtay masiibadii ku habsatay ee gubista, isla markaana 80% la dayactiray qaybaha Dugsigaasi, iyada oo sannad dugsiyeedkan ay soo galeen arday gaadhaysa 450 arday oo ka soo gudbay dugsiyada kala duwan ee gobolka.

     

    Maamuluhu isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha sida uu uga soo kabtay iyo waxyaabaha u kordhay, waxa uu sheegay in dugsiga ay u kordheen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin, dayactir, xaddaynta dhulkiisa iyo gidaar wareega oo lagu soo xidhay dhismaha dugsiga, in kasta oo aanay ka faro xalan Hay’adihii dhisaayey, waxa meesha ka maqan ayuu yidhi “qalabkii Laabka ee la bililiqaystay oo ahayd alaab muhiima oo aan si dhib yar looga soo kaban karin, balse ballan qaad ay ka sameysay Hay’adda DRC.

     

    Mar uu ka jawaabyey su’aal kale oo la xidhiidhay mudadaas sannadka ah siday ahayd waxbarashadii ardayda dugsiga laga gubay, waxa uu sheegay in sadex (3) maalmood oo kaliya ay ardaydu ka maqnayd waxbarashada, taasi oo ay waxbarashadooda ku sii wateen dugsiga dhaqaalaha Haweenka Burco oo taageero wanaagsan siiyey ardayda.

     

    Sidoo kale mar uu ka jawaabyey su’aal ku saabsan mashkilada dhulka ee wali ku gadaaman dugsiga, gaar ahaana xabaale lagu dhex aasay dugsiga oo muran ka taagan yahay saaritaankooda, waxa uu xusay inay jirto mashkalidani, laakiin waxa hadda gacanta ku haya Maamulka Gobolka Iyo Wasaaradda Waxbarasahada “kama baqo qabno mashkilad dhul oo danbe†ayuu yidhi.

     

    Maamuluhu mar uu ka jawaabayey su’aal ku saabsan dhibaatooyinka hadda hortaagan dugsiga, waxa uu sheegay inay ugu muhiimsan tahay duruufaha qalabka farsamada, kuwa macalimiinta iyo waliba sidii dugsiga loogu habayn lahaa maqaam waxbarasho oo Dugsiga Sare, loona dhamaystiri lahaa, in kasta oo uu sheegay inay taageero ka haleen Wasaaradooda iyo Hay’addo samafal.

     

    Isaga oo ka jawaabaya su’aal kale oo ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya maamulka dugsiga iyo dadweynaha Burco, waxa uu sheegay inay talaabo kasta oo dugsiga ahi ay wali qabyo tahay, balse ay abuurayaan guddi dadweyne oo la shaqaysa maamulka iyo waliba siday u abaari lahaayeen xidhiidh ay la yeeshaan ardaydii ka aflaxday dugsigan oo ku kala filiqsan daafaha dunida.

     

    Dhinaca kalena Dugsiga Sare ee Sheekh Bashiir waxa gubay Sept 01, 2003 dadweyne gadoodsan oo deganaa dhulka dugsiga, waqtigaasi oo ay Maamulka Gobolku isku dayeen inay ka raraan dadka agagaarka dugsigan, balse waxa ka hadhay masiibo culus oo soo gaadhay dugsigayga oo ay shufbeeliyeen dhamaan dhismaha dugsigaas iyo agabkiisiiba, balse Maamulka Gobolka Togdheer ayaa si weyn uga hawlgalay siddii dib loogu dhisi lahaa dugsigan, iyada oo ay dayactirka iyo qalabayntan cusub ay iska kaashadeen, hay’addaha Dannish-ka iyo DRC iyo qaadhaan laga ururiyey dadweynaha Burco, ganacsatada iyo Xukuumada S/Land.

     

    Yuusuf Ilkacase

    Weriyaha Togdheer Online

    Burco, Somaliland


  3. Cabdiqasim is playing his cards close to his chest, one more alley won.

     

     

    ----------------

     

    Heshiis dhexmaray Cabdiqaasim iyo Maxamed Dheere

     

     

    Burtinle-Online

    Jimce, October 01 2004

     

    Shir jaraa'id oo ay galabnimadii Khamiista qabteen Dr.Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo Madamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayey ku sheegeen in ay gaareen heshiis ka kooban dhowr qodob.

     

    Labada hogaamiye ayaa saxaafada u sheegay in ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin:

     

    1- In ay is cafiyaan, iskana iloobaan khilaafkii hore ee dhexdooda ka jiray

    2- In ay si wada jir ah ugu hambalyeeyaan Hogaanka Baarlamaanka ee dhowaan la doortay

    3- In ay si wada jir ah u taageeraan shirka dib u heshiisiinta iyo dadaalka lagu doonayo in nabad loogu dabaalo dalka Soomaaliya

    4- In guud ahaan ummada Soomaaliyeed loogu baaqo is cafis iyo dib u heshiisiin

    5- In ay shacabka reer Muqdisho ugu baaqaan in ay gacmo furan kusoo dhoweeyaan dowlada la filayo in ay kasoo baxdo shirka Mbagathi

    6- In ay aragti mideysan ka yeeshaan shirka dib u heshiisiinta

     

    Dr.Cabdiqaasim iyo Maxamed Dheere ayaa ahaa laba hogaamiye oo aad u kala fog, iyadoo Maxamed Dheere xubin firfircoon ka yahay Isbaheysiga taageerada ka hela Itoobiya ee SRRC, halka Dr.Cabdiqaasim dowlada Itoobiya ku eedeeyo in ay majo xaabisay dowladiisii lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

     

    Xiriirkan cusub ee dhex maray Dr.Cabdiqaasim iyo Maxamed Dheere ayaan la saadaalin karin waxa uu ka bedeli doono ololaha doorashada Madaxweynaha ee ka socota magaalada Nairobi.


  4. There is a peculiar photo that hangs on one of the walls in an office in Hargeisa. At first glance, it appears like a couple of vultures at a fancy costume party. Then, you get curious as to why all of them would want to wear a similar outfit. When you look closer, you realize that they are not vultures at all. It is a herd of goats perched on top of a tree, browsing. It feels like I’m wasting the word ‘browse’, to describe the act of an animal searching for leaves to feed on!

     

    Later, I came across a goat wearing a piece of cloth. This extraordinary piece of cloth is tailored into a pouch with strings extending from it. These strings are then used to secure the pouch in place. The goat’s tits are dipped into the pouch. At the risk of sounding vulgar, I will ask you to picture a goat wearing a bra. Can you guess what the goat bra is used for?

     

    Goat milk is a precious commodity here in Somaliland. The bra ensures equal distribution of milk between the humans and the goat’s young. Only goats that have recently given birth wear the bra. You can easily tell if a goat has a kid or not. If it does not, it will walk around the streets topless. Bottomless?

     

    For your information, goats have been known to regularly pull incredible stunts. I remember one goat that prophesied that there would be a catastrophe of great proportions in my village. To prevent the village from being wiped out, everyone was to vote for a particular fellow in the impending local elections. It ‘talked’ only once - to a group of influential friends of the guy. Many people were suspicious at first. It soon ended after they saw our village and it’s hero goat on the provincial newspaper called ‘Kisomo’.

     

    The goat’s prophecy was fulfilled since our village is still intact. And yes, the politician made it into parliament.

     

    My advice? Don’t let anyone cow you with any cock and bull goat stories!

     

     

    somalie-chevre.jpg


  5. There was nothing wrong with our livestock in the first place. It was all a political stunt manufactured in the lead up to the now defunct Artha conference with views in harming the economies of particularly Somaliland and to some extent Puntland, who at that time both opposed the conference.

     

     

    While I welcome this new development of lifting the Ban, I have reservations about its sincerity. President Geeleh of Djibouti had struct a secret deal with the Saudis. In the deal, Djibouti port will become the only outlet that will export livestock from East Africa. This is clearly a sinister motive, but lets first have the BAN lifted then we will make our disappointments heard.


  6. This is a sad development, specially at a time when the world is celiberating the international peace day. :(

     

    Here is a Somaliland view of how it happened.

     

     

    -------------------

     

    ******TEENIYA OO KU JABTAY WEERAR AY KU SOO QAADEEN C.QARANKA SOMALILAND.

     

    Hargeysa(HAR)-Ciidamo Maleeshiyo ah oo ka tirsan Maamul goboleedka ******teeniya, ayaa ku jabay dagaal gaadmo ah oo ay saaka Waaberigii ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay jiidda hore ee gobolka Sool.

    Weerarkaa ee ay soo qaadeen Ciidamada Maleeshiyada ah ee ******teeniya, ayaa waxa ka soo gaadhay khasaare. Sida uu sheegay War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, waxa ciidamada Somaliland ay ka gubeen Ciidamada ******teeniya Laba Gaadhi oo kala ah B10 iyo Suug, waxaana ay gacanta ku dhigeen Saddex Nin oo ka tirsanaa Maleeshiyadaas ******teeniya.

     

     

    Sida uu sheegay warka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Ciidamada Qaranku markii ay jebiyeen ciidamadaas ******teeniya, waxa ay ku ruqaansadeen dhinaca Magaalada Laascaanood oo ay hadda Kaabiga u fadhiyaan.

     

    Warku waxa uu sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland 10km u jiraan Magaalada Laascaanood.

    Weerarkan ay soo qaadeen Ciidamada ******teeniya oo ahaa mid gaadmo ah, lama garanayo sababta ay u soo qaadeen, haseyeeshee, waxa uu ahaa Duullaan Gardaro ah oo ay ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay jiidda hore ee Gobolka Sool.

     

    Wixii warara ee ka soo kordha wararkaas kala socda Hargeysa News.

     

     

    Author: HARGEYSA NEWS (9/22/2004)

     

    http://www.hargeysanews.com/newsview.asp?id=160


  7. 440orodyahanno.jpg

     

    Results in other sports:

     

    -- results for 100 m --

    1. Ayaanle Muuse Liibaan (00:13:05) Hargeisa

    2. Mahamuud Ali Mohamuud (00:13:08) Togdheer

    3 Jaamac Ali xaashi (00:13:44) Sool

     

    442togdheer.jpg

    [Togdheer runner]

     

    -- results for 400m --

    1. C/xakiin Mohamed Hussein (1:05:20) Saaxil

    2. Axmed Abdi Mohamed (1:05:20) Sanaag

    3. Mohamed Abdi Hoori (1:06:24) Saaxil

     

    -- results for 800 m --

    1. Mohamed Sh. Ibarahin 2:10:15 Hargeisa

    2. Ali Mohamed Ali 2:22:26 Hargeisa

    3. C/laahi Ibraahin X. Hussein 2:24:55 Sool

     

    438hargeysa.jpg

    [A runner from Hargeisa]

     

    -- results for 1500 m --

    1. Ayaanle Muuse Libaan (0:48:76) Hargeisa

    2. Cali Mohamed Ali (4:55:29) Hargeisa

    3. Khaalid Cali Nuur (4:57:40) Saaxil

     

    -- results for Longjump --

    1. C/xakiin Mohamed Hussein 5.07 Saaxil

    2. Maxamed Abdi Mohamed 4.97 Togdheer

    3. Mohamed Abdi Hoori 4.80 Sanaag


  8. Congratulations to the Sanaag team, the 2004 champions of Somaliland regional soccer competition.

     

     

    -------------

    WAR DEG DEG AH OO NA SOO GAADHAY: SANAAG OO HANATAY KOOBKII KUBADA CAGTA SANDKA EE SOMALILAND

     

    Sawirakani waa xulka Sanaag ee ku guulaystay

    Koobka oo hada Hargaysa ku sugan Ceerigaabo oo looga dabaal degey koobka ay ku guleeysteen.

     

    Ciyaartan oo bilabmatey 4:00pm ayaa waxaa aad logala socdey magalada Ceerigabo iyodoo lagu xoonsana meelaha telefoonada laga dirsado .

    Ciyaartan oo ahayd mid aad iyo aad looga dareemay Ceerigaabo hore u maayarka magala madaxda Ceerigabo Ismaaciil Xaaji Nuur usheegey in uu udiyariyey casuumad heersare ah slamarkana loo dalxiisgeyn doono buurta daalo ee caanka ku ah dalxiiska.

     

     

    Ka dib markii ciyaarta lasoo sheegey natiijadeedi ayaa waxaa magalada iskugu soo baxay kumaan kun oo qof oo baabuur watay oo u dabal degaya guusha ay xulka Sanaag ku hanteen koobka kubada cagta ee ka socdey caasimada Hargeysa JSL.

     

    Maayarka magalo madaxda Ceerigabo ayaa u direy lacag baqshiish ah oo lagu qiyaasay ilaa (10,000.0000 SL. Shilin oo u dhiganta Shan Boqol oo Doolar ah Maayarka magalo madaxda Ceerigabo Ismaaciiil Xaaji Nuur ayaa Hanbalyo udiraya xulka gobolka Sanaag isagoo sheegey in uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay guusha ay u soo hooyeen gobolksa Sanaag. ciyaartoodasi, kadib markii uu maqlay in kooxdii gobolkiisa ka socotay ay Koobka qaadeen oo ay ciyaarta badiyeen.

     

    Mar nuuradiin maxamed diireye oo ka mid ah dadka ka faloda ciyaaraha kana tirsanaa xulka gobolka sanaag oo uqadan jirey nambarka 11 ayaa sheegey in uu hore usadaliyey in xulka gobolka sanaag usoo hanan doono koobka kubada cagta ee dalka JSL.

     

     

    Mr C/risaaq C/laahi Shire ayaa isna sheegey in uu hanbalyo udirayo ina rajeynay sandaha danbena in ay koobka soo hanan doonan.


  9. Who could be the lucky man to collect this huge richies :D

     

     

    Jeneraal Morgan oo soo qabashadiisa Lacag la dul dhigay

    Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa maanta sheegay in ay abaal marib lacageed siin doonaan qof alaale qofkii soo qabta Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo dagaalo ay ku dhex mareen meelo ka tirsan gobolada Jubbooyinka Maleeshiyooyin isaga taageera iyo kuwa isbahaysiga dooxada Jubba.

     

    Afhayeen u hadley isbahaysiga dooxada Jubba oo la yiraahdo Bile dheere oo shir jaraa'id maanta ku qabtay magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in jeneral Morgan ay u aqoonsan yihiin in uu yahay dembiile dagaal, wuxuuna afhayeenka sheegay in lacag gaareysa ilaa iyo toban kun oo dolar ay siin doonaan qofkii soo qabta Jeneraal MOrgan ama soo sheega meel alla meesha uu ku sugan yahay Jeneraalka.

     

    Afhayeenka ayaa sheegay in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada jeneraalka, wuxuuse ka gaabsadey halka uu jooga, wuxuuna sheegay Afhayeenkan in ay doonayaan in ay u gudbiyaan jeneraalka maxkamad ku qaada dembiyadii dagaal ee uu dalka ka galay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

     

    Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca jeneraal MOrgan, waxaana warkan uu soo baxay kadib markii dagaalo xoogan ay dhex mareen maleeshiyooyin taageera Jeneraal MOrgab oo dhowaan gaaray gobolada Jubbooyinka iyo kuwa isbahaysiga dooxada Jubba.


  10. Bob Geldof visits Somaliland

     

     

    Mogadishu, Somalia, 09/20 - Sir Bob Geldof, the internationally acclaimed rock star cum philanthropist, accompanied by a film crew, Saturday jetted into Hargeisa, capital of the self-declared Republic of Somaliland, at the start of a five-day visit.

     

    The visit is part of an African tour that would take him to Ghana, Benin, Mali, DR Congo, Uganda and Ethiopia.

     

    While in Africa, he will film a serial documentary called "Geldof in Africa".

     

    Presidential spokesman Adan Idriss Dualle told PANA Sir Geldof was received on arrival by Somaliland foreign minister Edna Adan Ismail and taken to the presidential compound to meet President Dahir Rayalle Kahin.

     

    Kahin reportedly bestowed state honours on the visiting Geldof, acknowledging his continued efforts to help the people of Somaliland and Africa.

     

    The brains behind the famous "Live Aid" concerts, Geldof is expected to launch a landmark documentary series to be filmed in the seven African countries he is expected to visit for screening on BBC TV.

     

    Addressing journalists immediately after meeting with the Somaliland president, Geldof said he was expecting to once again place the African continent high on the public podium and install it firmly into the political minds.

     

    He explained that the documentary would be released to coincide with the 20th anniversary of "Live Aid", and at a time when Britain chairs the G8 summit, holds the EU presidency and Prime Minister Tony Blair publishes "US and Them", a report about the future of Africa.

     

    Musician Geldof led a global humanitarian campaign to help feed hundreds of thousands of starving Ethiopians during the worst famine in that country in 1985.

     

    He organised two concerts, one in London`s Wembley Stadium and the other in Philadelphia`s JFK stadium, raising US$73 million all of which went to the starving Ethiopians.


  11. Can't two Somali brothers agree on how idiotic Somaliland is?

    Is it the people who had build a nation out of ashes without a penny from international community, or is it warlords who after 14 years and billions of dollars from the international community, still fighting over for what little is left of the destroyed?

     

    I think the outside world can attest to who is the idiotic.


  12. You might not indeed be familiar with his songs, but then again you don't need to be familiar with his songs to figure out what his songs would be about.

    If you are saying that Ahmed's "wadani" songs do advocate for "unity" of Somalia which is very unpopular among reer Hargeisa and in Somaliland in general, then I think it would be very unrespectful on his part had taken such a path knowingly/ deliberately.

     

    But as I said, am sure there are a lot of good and moderate Suugaan that he would share with his reer Hargeisa audience.