Sakata

Nomads
  • Content Count

    136
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Sakata


  1. somaliteam.jpg

     

    Xulka kubadda Kolayga ee wiilasha Soomaaliya, ayaa caawa 98-80 kaga badiyay xulka Burundi kulankii labaad ee ka tirsanaa qeybta B ee tartanka isreeb-reebka koobka qaramada Africa ee kubadda Kolayga (Basket-Ball).

     

    Guusha Soomaaliya ee caawa ayaa ka dhigan in ay u gudbaan Semi Finalka kadib markii shalay ay 81-78 uga badiyeen Kenya.

    Semi finalka ayay Soomaaliya la ciyaari doontaa xulka Rwanda oo kaalinta labaad kaga soo baxay qeybta A, halka Kenya oo qeybta B kaga soo baxday kaalinta labaad ay la ciyaari doonto Masar.

     

    Kulamada Semi finalka ayaa dhici doona Jimcada oo ay taariikhda ku beegan tahay 25-ka January.

    Macallinka Xulka Cumar Baarajab iyo kabtanka Xulka qaranka Yuusuf Qaafow oo Barkulan la hadlay ciyaarta kadib ayaa waxa ay sheegeen in ay rajo wanaagsan ka qabaan in tartankan ay ku guuleystaan oo ay noqdaan horyaalka Zone 5.

    Tartankan ayaa u dhaxeeya dalalka la isku yiraahdo Zone 5 oo ah 7 dal, xulkii ku guuleysta ayaa ka qeyb gali doona koobka Qaramada Africa ee kubadda Kolayga ee bisha August ee sanadkan ka dhici doona dalka Ivory Coast

     

    Somali Roster in Tanzania

     

    1. Faisal Aden (Texas Legends)

    2. Abdi Faras (Barstow Community College)

    3. Mohammed Abukar (208-F-85, college: San Diego St.) (Lukoil Akademik Sofia)

    4. Munye Sufi Haydar (Ohio State - Marion)

    5. Osman Abdirahman

    6. Osman Mohamed (Guelph College)

    7. Hussein Mahdi

    8. Liban Hassan (Centennial College)

    9. Hoessein Addow (205-F-70, agency: R.H.Consultancy) (Rotterdam Challengers)

    10. Yusuf Qaafow (190-G-87) (Melbourne Giants)

    11. Abdi Mohamed (Yakima Valley Community College)

    12. Mohmed Ali


  2. Somalia took a major forward step..and it'll not go back to chaos and tribalism..only illiterate and ignorance people want to keep us what made us behind for the last 22 years, clearly talked about the JUBA and clearly stated what was the facts...support or not support..He's the official president of Somalia.


  3. Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

     

    Waxaa magaalada Minneapolis kusii wajahan Madaxweynaha Soomaaliya Xassan SH Maxamuud wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya Fowsiya Xaaji Adan iyo Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cabdullahi Ciilmooge.

    Madaxweyne Xassan SH ayaa jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota la hadli doona fiidnimada Jimcaha.

    Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa iyana hareer socda Mudaharaad looga soo horjeeda.

    Gudiga qabanqaabada Mudaharaadka looga soo horjedo madaxweyne Xassan oo warbaahinta la hadashay ayaa waxa ay sheegeen inay sababta ay uga gol leeyihiin mudaharaadka ay tahay sida ay u suluugsan yihiin faragalinta Dastuurka, Maamul Goboleedyada.

     

    Cismaan Axmad SH oo kamid ah gudiga ayaa waxa uu yiri.

    “…..waxaa muuqata in madaxweynuhu uu dhinac maray dastuurkii isaga lagu soo doortay faragalin badan in uu ku hayo maamuladii ama uu damacsan yahay ama uu damacsan yahay in uu carqaladeeyo”

     

    Cismaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri.

    “……hadaynu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minneasota kuwii ka badbaaday dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya waxaan cabsi

    ka qabnaa Soomaaliya in dib ugu noqoto dagaaladii sokeeye…”

    Jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota ayaa ah mid balaaran saameyna ku dhex leh Gobolka waxaana muuqata in ay ku kala qeybsan yihiin siyaasada Madaxweyne Xassan.