Mahdi

Nomads
  • Content Count

    17
  • Joined

  • Last visited

  1. Wafdigan ayaa ka koobnaa inj-ro ka socda shirkad dhisme ah oo laga leeyahay wadanka China iyo ganacsato Somali ah ayaga oo eegayay goobaha dayctirka u baahan ee PL. Inj. ka socda shirkadan ayaa horay u yimi MGPL iyaga oo ku maray kormeer Dakada Magaaldaa Bosaso iyo wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacayo, wadadan ayaa horay waxa u dhisay wadanka Shiinaha. Shirkadan ayaa danaynaysa in ay qandaraasyo ku qaadato dib u dhiska wadanka Somaliya hadii dowlada Shiinuhu bixiso mashaariic la xiriirta arimahan. Inj-radan ayaa ka soo dagay Magaalada Bosaso isla markaana booqasho ku tagay goobaha u baahan dayactirka sida Dekada Magaalada Bosaso, Gegida Diyaaradaha ee Bosaso iyo goobihii hore ee dowlada. Wafdigan ayaa kadib u soo gudbay xarunta dowlad goboleedka Puntland ee Garowe halkaas oo ay kula kulmeen mas'uliyiinta mamulka gaar ahan Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Calimiga ah Mud.Cabdiraxman Maxmad Farole. Kulankaa ka dib xubnahaan ayaa kormeero ku maray xarumaha Dowlada ee MGPL iyo Garoonka Garowe, wafdigan ayaa ka dib u gudbay wadada isku xirta Magaalada Garowe iyo Gaalkacyo. Wadadaan ayaa ah mid aad u burbursan isla markaana u baahan dayactir xoogan taas oo shirkadanu muhiimada wayn ay siinayso sidii ay uga qayb qaadan lahyd dib u dhiskeeda. Shirkadan ayaa ka wada mashaariic badan oo dowlda Shiinahu ugu deeqday wadamada Afrika gaar ahaan waxa ay howlo ka wadaa dakada wadanka Jabuuti oo ay mashruuc lagu balaarinayo ka wado. Garoweonline.com Qolka wararka
  2. Tolsey, in all honesty, I don't mean to offend you, but, you have the tendency to have me scroll past the middle paragraphers of your posts, and read the first and last.
  3. Waxaa shalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada magaalo madaxda DGPl ee Garowe shirkii Khamiis laha ahaa iyada oo ay isugu yimaadeen golaha xukuumada maamul goboleedka Puntland. Kulankaan ayaa qodobada looga hadlayey waxaa kamid ahaa Xaaladda nabadgelyada guud ee Puntland, xaaladda Afdubka Marakiibta Xeebaha Puntland, Barnamijka dib u dhiska iyo horumarinta Somaliya kalinta Puntland kaga adan iyo warbixin ku sabsanayd Barnamijka 5 sanno ee soo socota kaas oo ah horumarinta Puntland. Shirkaani maanta ayaa waxa muhiimad wayn la siiyay Maraakiibta rayidka ah ee af-duubka loogu haysto xeebta konfureed ee Puntland waxaana kulankan Maamulka Puntland uu ku cambareyay Maleshiyooyinka gaysanaya falalka afduubka Marakiibtan, waxaana ay ku tilmameen mid ka baxsan dhaqanka Bini'adanimo iyo xeerka Caalami ee u dagsan badaha aduunka. Dowlad Gobaledka Puntland ayaa tibaaxday in aysan lahayn awood ay kaga hortagaan afduubka loo gaysanyo Maraakiibtan rayidka ah iyo kuwa gar-gaarka bini'aadnimo u sida dadkooda ku tiirsan taagerada hay'daha QM sida aysan awood ugu lahayn in ay wax ka qabtaan xaalufka ba'an oo lagu hayo badaha Somaliya gaar ahaan kuwa Puntland, kuwaas oo ay gaysanyaan shirkado shisheeye iyo kuwa sokeeyaba, waxayna caalmka ka codsadeen in arintaan si deg-deg ah gacan uga gaystaan inta aan la gaarin xaalad amaan iyo mid bay'adeed oo soo wajahda deegamda Puntland iyo Caalmkaba. Shirkadaha xaalufiya Badaha Puntland ayaa dhiiri galiya qaabkan afduubka madaama ay ganacsatada caadaysatay in ay ka taajiraan xadida khayradka badaha ay kiraystaan Malishiyooyin u ilaaliya marakiibta shisheeye ee badaha ugu jira kuwaas oo mararka qarkoodna ku kaca afduubyo ay u gaystaan Marakiibta rayidka ah iyo kuwa gargaarka u wada shacabka tabaalysan si ay uga helaan lacago madaxfurasho. Waxaa kaloo shirkii Maanta lagu sheegay inay Puntland ka soo horjeedo Madaxfurasho la siiyo burcadan taas oo dhiirigalinayso burcaddnimo midan ka badan. Ugu dambayntii kulankii maanta ayaa waxa looga hadlay, sidii loo dardar galin howlaha dowalada iyada oo ay soo foodsaartay habacsanan aan horay loo arkin taas oo sababtay in hakad galaan adeegyada dowlada sida amniga oo u eg mid faraha ka sii baxaya marka la eego magaloyinka wawayn ee maamul goboleedka, taas oo dad badan u aanay-nayaan niyad jab soo food saartay shaqaalaha Dowlada sababtuna ay tahay iyaga oo aan qaadan mudooyinkaan mushaharooyinkoodii ay ku lahaayeen maamul goboleedka. Garoweonline Xafiiska Garowe
  4. La soo galiyay: 2005 Oct 06 - 01:13 • Xog muhiim ah oo aan dhowaan ka helnay Suuqa Saamiyada lagu kala gato ee wadanka Australia (Australian Stock Exchange) ayaa sheegaya in shirakadii Consort ay iska sii iibi-say boqolkiiba 50.1 qandaraaskii ay la gashay MDGPL Cade. • Read: Warsaxfadeedka Ranger Resources - PDF • Read: Come-hither from Consort - The Australian • Visit: Range Resources LTD - Website Consort Pty Ltd ayaa ka iibsatay qandaraskan shirkad kale oo magceeda la yiraahdo Range Resource LTD. Taas macnaheedu yahay in samiga shirkadan ay ku leedahay qandaraskan uu ka badanyahay mida Consort oo iyadu heshiiskan (Contract) markii hore la sixiixatay MDGPL Md. Cade Muse. Waxaa ku cad warbixintan in shrikadda Consort Pty Ltd ay suurtagal tahay in aysan ka howl galin dhulka Puntland hoos yimada.Balse shirkado kale oo aysan wax qandaras ah la saxiixan ay meeshii soo galeen kuwaas oo weliba yeeshey saamiga intii badnayd. Warkaan ayaa waxa uu intaa ku daraya in Puntland khayradkeda in halkii saami uu suqyada Australia ka joogo 5 cents oo Australian ah, iyada oo ay shirkadahanu isku dayayaan in ay iibsadan hadba inta u gadmi karta iyada oo aysan cida heshiiskan la gashay aysan marnaba helayn in ka badan inta qoran qandaraska ay sixiixeen. Lacagaha ka soo baxa xarashka saamiyadan ayaa waxa lagu maal galinyaa socod-siinta qandaraaska lala galay Madaxwayne Cade madaama aysan awal horay u jirin dakhli ay lahayd shirkadii horay u gashay heshiiskan (Consort) taas oo ku cad qoraalka uu helay Garoweonline. Shirkadan gadatay sixiixan ayaa xayaysiin sare ku samaynaysa qandaraaskan si ay uga hesho faa'ido iibinta saamiyada ay sheegatay in midkiiba ay siinayso 5 Cents, iyada oo hada waxa ay gadayso ay tahay warbixin guud iyo sixiix laga haysto Madaxwaynaha DGPl oo aysan jirin in ay tageen ama baaritaan ay iyadu ku samysay dhulka hoos yimaada Puntland. Haddaba tallabadan ayaa waxba kama jiran ka dhigaysa boqashada xubnaha Puntland kuwas oo isugu jira wasiirro DGPL iyo ganacsato reer Puntland ah safarkoodii ay ku tageen magaalada Jowhar, taas oo ay ogolaansho uga raadinayaan DFKMG ah heshiiskan. Qandaraaskan ayaan u baahnayn ogolaansho uu ka helo DFKMG ah maddaama shirkada (Consort Pty Ltd) qandaraskii lala galay ay suuqyo wadamo shisheeye ka iibisay inta hartayna ay suuragal tahay in ay iibiso iyaga oo ku gorgortamaya saxiixii Madaxweyne Cade iyo warbixino hore oo awal hore looga diyaariyay dhulka Puntland hoos yimaada iyo guud ahaan Soomalya. Waxaa kaloo qoraalkan ku xusan in lacagaha loo ballan qaaday in la siiyo DGPL uuna ka sharqamiyey $200,000 bil walba) wasiirka maaliyadda DGPL ay tahay wax loo yaqan “conditional†oo macnahedu yahay, haddii ujeddadii laga lahaa laga wayo in lacagtan dib loo soo celin doono, amaba ay dayn ku tahay dadweynaha reer Puntland, tasoo ku xusan qandaraska ka dhexeeya Shirkadda Consort iyo Madaxweyne Cade, shirkada wax gadatayna ay ku xustay warbixinteeda. Ugu dambayntii iibinta xaraashka khayraadka Puntland iyo guud ahaan Soomaliya ayaan weli dhamaan taas ay Consort ka-sii iibin doonto saamiga uga sii haray qandaraaskan shirkado kale, kuwaas oo wax wada xajood ah ama heshiis aan horay loola galin taas oo sii adkaynaysa in la helo waxa dhabta ah oo ay ku wada heshiiyeen shirkadahan iyo Consort oo dhinac ah iyo Consort iyo saxiixayaashii heshiiskan oo dhinac kale ah. » Halkan ka download-garay software-ka si aad u akhridid pdf-ka Ka akhri halkan warsaxfadeedka loogu tala galay Suuqa saamiyada lagu kala gato ee wadanka Australia markii shirkada Range Resources Ltd ay gadatay boqolkiiba 50.1 qandaraskii Consort- http://www.garoweonline.com/record/00554804.pdf http://www.finance.news.com.au/story/0,10166,16838847-462,00.html?from=rss Shirkada gadatay khayraadka Puntland bal nala eega website-keeda: http://range2.onlinepublicity.net/index.php Xuquuqda faafinta: Garoweonline.com
  5. http://www.garoweonline.com/2004pro/index.php?id=1747 Garoweonline.com
  6. ABAABUL JAB-HAD KA SOO HORJEEDA D/FEDERALKA SOMALIYA OO HUBEYSAN SHIRKADA SHIDAALKA IYO DIGAAGA P/LAND · PUNTLAND MA KU TUSAALE QAADANAYSAA KHIYAAMADII KU DHACDAY S/LAND IYO PROF. GEEDDI? · SAMAYN LACAG FAALSO AHI WAA BURBURIN DHAQAALAHA DALKA IYO DADKA TAHRIIBTU XUJO AYEY KU TAHAY MAAMULKA PUNTLAND IYO CANBAA-REYN CAALAMI AH HAY’ADDA GRT OO KA HAWL GELEYSA DEGMOOYINKA BARAN, HADAAFTIMO, ISKU SHUBAN, XAAFUUN, DHAHAR IYO B/BAYLA 16da- September 2005 Kaaha Bari Sanadka13aad Cadadka 708aad Boga 2aad ABAABUL JAB-HAD KA SOO HORJEEDA ... http://www.garoweonline.com/2004pro/index.php?id=1707
  7. http://www.garoweonline.com/2004pro/index.php?id=1711
  8. http://www.garoweonline.com/2004pro/index.php?id=1628 Garoweonline.com
  9. http://www.garoweonline.com/2004pro/in_pictures.htm Garoweonline.com
  10. http://www.garoweonline.com/2004pro/in_pictures.htm Garoweonline.com
  11. Anigoo tixraacaya shirarkii jaraa'id oo ay kala qabteen Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya iyo DGPL maalmihii 28ka iyo 29ka bishii August 2005ta, waxaan qoraalkaygaan ku muujinayaa ka dib: 1 - Markii aan arkay Qaybta 1aad/qodobka 2aad/faqraddiisa 4aad ee Dastuurka Puntland oo u qoran "Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya xil ayaana ka saaran baadi goobka iyo dhawridda dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaalka." 2 - Markii aan arkay Qaybta 1aad/ qodobka 10aad/faqraddiisa 1aad ee Dastuurka Puntland oo u qoran "Puntland waxay ka mid noqoneysaa dawla Soomaaliyeed oo habka Federaalka ku dhisan." 3 - Markii aan arkay isla qodobka 10aad/faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Pl oo u qoran "Waxay dawladda PL ku wareejindoontaa dawladda federaalka ah waxyaabaha ay ka mid yihiin: Arrimaha Socdaalka, Difaaca, Siyaasadda dibedda, Istaambada Boostada, Lacagaha, habka cabbirka." 4 - Markii aan arkay Qaybta 1aad/ qodobka 3aad/faqraddiisa 2aad ee axdiga dawladda federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee u qoran "AxdigaDFGS waa xeerka ugu sarreeya oo ay hoos yimaadaan dhammaan hay'adaha iyo qof kasta waxaana meelmarinaya sharciga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhan. Xeer kasta oo aan la socon karin ama ka hor imaanaya Axdigan wuxuu noqonayaa wax kama jiraan." 5 - Markii aan arkay Qaybta 7aad/qodobka 61aad/faqraddisa 9aad ee isla axdigan oo u qoran "Golaha shacabka ayaa ah ansixiyaha heshiisyada caalamiga ah." 6 - Markii aan arkay Qaybta 9aad/qodobkiisa 83aad/faqraddiisa 1aad ee isla Axdigan oo u qoran "Khayraadka dabiiciga ah ee dalka sida macdanta, Biyaha, Dhirta iyo Xayawaanka waa hanti qaran , sharci ayaana caddaynaya qaabka ugu wanaagsan oo loogu manaafacaadsanayo." 7 - Markii aan arkay "Shedule 1." ee ka hadlaya awoodda DFGS qodobkiisa 9aad oo khayraadka dabiiciga ah." 8 - Markii aan ka waayey Dastuurka Puntland meel uu uga hadlayo Khayraadka dabiiciga ah. 9 - Markii aan arkay Qaybta 4aad/qodobka 19aad/faqradiisa 4aad ee Axdiga DFGS, Qaybta 13aad/qodobka 88aad/faqraddiisa 3aad ee isla Axdigan, Qaybta 12aad/qodobkiisa 89aa/faqraddiisa 14aad ee isla Axdigan oo ah kuwii ay cuskatay Dawlad goboleedka Puntland oo aan innaba awood u siinayn maamulka Puntland in gali karto heshiisyo ku aaddan khayradka dabiiciga ah, in Ra'iisul wasaraha DFGS uu ka gar leeyahay DGPL uuna mudanyahay in isaga laga siiyo raalli gelin hadalkii ka soo yeeray madaxda gobolka Puntland. Waxaan ku boorrinayaa Ra'iisulwasaaraha dawladda Soomaalida in uusan uga haybeysan cidna mas'uuliyadda saaran uusanna u qaadan arrin shakhsi ah arrimaha ay dhalinayaan duruufaha dalka ka jira. Talo ku wajahan madaxda Puntland Waxaan talo ugu soo jeedinayaa Dawlad goboleedka Puntland in ay dhawrto Axdiga u qoran gobolka iyo Axdiga DFGS ee reer Puntland ay wax ka qorteen. Waxaan u soo jeedinayaa madaxda maamulka Puntland in ay muujiyaan mas'uuliyad ayna xushmeeyaan magaca dadka reer Puntland oo ay wakiilka ka yihiin ahna runtii hooyada midnimada ummadda Soomaaliyeed ayna ka muuqato Axdiga ay qorteen. Waxaan dareensiinayaa maamulka Puntland in ay ahayd sababtii dadka Puntland ay u doorteen nidaamkan federaalka in ay ku jirto maslaxadda guud ee ummadda Soomaaliyeed iyo tan gobolkaba iyadoo la baahinayo awoodda wax qabad ee dawladda iyo dhaqaalahaba si ummadda Soomaaliyeed jiritaankeedu uusan ugu xirnaan hal magaalo iyo maamul kaligi taliye ah. Sidaas darteed ma ahan in la marin habaabiyo arrinkaas isaga ah oo loo macneeyo in gobol kasta iskiis u madax bannaan yahay oo siduu doono yeelayo. Waa inuu ahaadaa xeerku midka ummadda kala haga waxaan gundhig u noqonaya Axdiga qaranka. Bal ka warrama haddi gobollada Puntland mid kasta nin marooqsado oo uu yiraahdo wixii khayraad ku jir gobolkan annagaa heshiis ku galeyna mana dhageysaneyno Moaamulka Puntland. Saw jid kuma aha maamulka Puntland arrintaasi haddii ay iyagu bilaabaan marooqsi iyo in aan axdiga la raacin. Sawse ma ahan horseed qalloocan oo burbur keeni kara. Waxaan u arkaa in maamulku ku degdegey isagoo raalli iga ahaanaya jawaabtii uu ka bixiyey war saxaafadeedkii Ra'iisulwasaaraha isla markaasna ay habboonayd in arrimaha khuseeya dawladda Soomaaliya looga wada hadlo xafiisyada dawladda aan laguna khasbin Ra'iisulwasaaraha in saxaafadda uga hadlo arrimahaas iyadoo ka imaanaysa awood la'aanta dawladda federaalka oo aan weli amarkeeda fulin karin. Talo ku aaddan dadweynaha Puntland Waxaan kula talinayaa dadka reer Puntland in ay ka feejignaadaan in loo adeegsado arrimo keeni kara khilaaf hor leh oo Soomaaliya ku soo biira oo aan marna loo adeegsan caaddifad gobol iyo mid qabiil, taas oo aan ahayn maslaxadda ummadda Soomaaliyeed iyo midda gobolkaba. Waxaan idin xusuusinayaa in Aabbayaashiin ay ahaayeen kuwii u soo halgamey gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ayanna ahayn arrin la dhayalsado ama la dhaafsado manfac aan aan cidina ku waareyn. Gabagabo Waxaan ra'yigayga ku sheegayaa in Soomaaliya ay tahay mid aan loona baahnayn in si qaldan loo isticmaalo nidaamka federaalka ah oo tijaabo ku ah ummadda Soomaaliyaeed. Midnimada Soomaaliya waa lama taabtaan mana aha wax ay shaki gelin karto dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalku. Waxaan u rajeynayaa ummadda Soomaaliyeed in ilaahay uu xaqa waafajiyo iimaankana ku sugo uuna ka dhigo kuwii quud xalaal ah u raadiya ubadkooda. Inj.Saciid Dhafuuje dhafuuje@filajnet.com
  12. • Lix caruur ah iyo Hooyadood oo xaamilo ah ayaa ku dhintay xafada Axmad Dhagax ee magalada Hargaysa, ka dib markii Guri ay daganayeen dab baab’ashay. Lixadaan caruurta ah ayaa da'doodu waxay u dhexaysay 1sano iyo bar ilaa 13 jir.Waxa kaliya oo ka badbaaday dabkaan Aabihii reer-ka oo ku xiran xabsiga magaalda Hargaysa iyo gabar Ayeeyadeed oo ku nool baadiyaha ku maqanayd. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in baaburkii ugu horeeyay oo ah kuwa Dab-damiska oo ay iska lahayd shirkada Dahabshiil iyo Boliskuba ay yimaadeen goobta dabka hal saac ka-dib marka dabku bilowday markaas oo dabku baa'bashay guriga iyo dadkii ku noolaaba. Dadka dariska ah iyo dadawayne aad u caraysan oo meesha ku sugnaa ayaa dhagxiyay boliiska iyo baabuurkii dab-damiska ahaa oo goobta dabku ka dhacay yimi waqti aan loo baahnayn. Marka laga reebo Gagida diyaardaha, Somaliland ma laha ciidan Dab-demis http://allafrica.com/stories/200508300055.html Trajumadii/Garoweonline.com
  13. Nairobi(AllPuntland)-Ra'iisal Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi oo xalay dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi ka dib safar labo maalmood qaatay oo uu ku tegey dalka Talyaaniga ayaa maanta waxa uu shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ku yaal xaafadda Hurlinghum ee magaalada Nairobi. Ra'iisal wasaaraha ayaa wuxuu shirkiisaan jaraa'id ku saabsanaa arrin la xiriirta khayraadka dalka Soomaaliya bad iyo berriba ee ay shirkado shisheeye ka ganacsadaan iyagoo heshiisyo la gala maamullo ama shaqsiyaad gaar ah,taasoo uu Ra'iisal Wasaaruhu ku tilmaamay arrin xaaraam ah oo aan sharciga caalamiga ah waafaqsanayn. Ra'iisal Wasaare Geeddi waxa uu shirkiisa jaraa'id ku sheegay inaan loo baahnayn in shirkad ay maamul ama cid gaar ah heshiis ganacsi oo la xiriira khayraadka dalka Soomaaliya la gasho iyadoo aan ogolaansho ka haysan DFKMG ah ee Soomaaliya,sida uu qorayo axdiga KMG ahi. Ra'iisal Wasaaraha ayaa waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay shirkado shisheeye oo ka ganacsada khayraadka dhulka hoos taga dowlad goboleedka Puntland taasoo buu yiri aan ka wadahadalnay madaxweynaha Puntland Mudane Cadde Muuse mar aan isku aragnay Nairobi oo aniga iyo Madaxweynaha DFKMG ah Mudane Cabdullaahi Yuusuf aan kala hadalnay arrintaas ,annagoo isla garanay in la joojiyo heshiisyada gaarka ah inta sharci guud oo ku saabsan qaabka loo qaybsanayo khayraadka waddanka Soomaaliya la soo saarayo. Ra'iisal Wasaaraha ayaa hadalkiisu u muuqdey inuu saluugsan yahay hirgelid la'aanta joojinta ka ganacsiga shirkadaha shisheeya ee Soomaaliya iyo sida aan maamulka Puntland uga soo dhalaalin kaalintii kaga aadanayd waxyaabihii ay maamulkaas iyo madaxda sare ee DFKMG ahi isla meel dhigeen isagoo uga digey shirkadaha ka ganacsada khayraadka Soomaaliya ee aan fasaxa ka haysan DFKMG ah in aakhirka maxkamad la soo taagi doono isagoo beesha caalamkana ka codsaday inay xukuumadda gacan ka siiyaan sidii loo xakamayn lahaa cid kasta oo si sharci darro ah uga ganacsata ama isku dayda inay heshiisyo gaar ah oo aan Dowladdu ogayn la gasho cid gaar ah. Iimaan Cali Cabdi AllPuntland,Nairobi
  14. Franēois Lonsény Fall ayaa la filayaa in uu la kulmo maalinamada Sabtida wasiirka arimaha dibada ee Masar Ahmed Aboul Gheit iyo Madaxa jaamacada carabta Amre Moussa. Maalinimada Axada Ergi-ga QM wuxuu u ambaxayaa wadanka Ethiopia, si uu ula kulma madaxa ururka midowga Afrika Alpha Omar Konare. Inta uu joogo Mr.Fall magaalda Addis Ababa wuxuu kaloo la kulmi doonaa madaxda wadanka Ethiopia. Horaantii bishaan Mr.Fall ayaa waxa uu kulamo gooni gooni ah kula yeeshay magaaloyinka Jowhar iyo Muqdisho xubnaha DFKMG ah oo khilafku ka dhexeyo isaga ka codsaday in ay UN-ta kala shaqeyaan xubanhaasu sidii ay u dhamayn lahaayeen khilaafkan caqabada ku noqday sidii ay u shaqayn dowladii lagu soo dhisay wadanka Kenya. Mr. Fall ayaa xiriir joogta ah la leh Madaxwaynaha DFKMG ah Mud. Cabdulahi Yusuf iyo raysul wasare Geedi, sida uu sheegay xafiiska siyasada ee QM u qabilsan arimaha Somaliya (UNOPS) xaruntiisa Nairobi ayaa Madaxwaynaha iyo Rasulwasaare Geedi waxay qabaan in si ku meel gaar ahaan ah ay dowladu ugu sii hakato magaaloyinka Jowhar iyo Baydhabo. Si kastaba ha ahaatee, Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan, qayb ka tirsan golaha wasiirada iyo koox xildhibaano ah ayaa waxay ku adkaysanayaa in saldhiga dowladu ahaado magaalada Muqdisho. http://allafrica.com/stories/200508260751.html Allafrica/Garoweonline.com