zamatar

Nomads
  • Content Count

    48
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by zamatar

  1. Som krigsherre har Yusuf bidragit till Somalias sönderfall, what do that means? :rolleyes:
  2. A. A. Garas Halkani waa Maqalloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka ilaaq-buurka. Dhegaystayaashayada dhakada kuusanow, waxaynu soo gaadhnay amintii warka aan idin huluuqsiin jirey, waakan wariye Mr Dhurde. Warkii Oo Kambadhuudha: Baarlamaanka Baydhaba ka biqleeyey bahalka Ambasadoor sheegay oo dalka Shankaroonland safaarada Atoobiya ku leedahay inuu qushbalo loogu soo bedelay. Biqlada waxa kicisay ka dib markii bahasha Baydhabo ka naxday war BBC-du sheegtay oo ahaa Ambasidor mudakar ah ayaa Hargeysa qushbalay, warkaas oo kaga oohiyey qaar ka mid ah Gudhanayaasha gaajada lagaga xoreeyey Baydhabo. Waxaanan maqlayay iyagoo leh ‘Waar ninka loo bedelay ma xabashi yar baad moodaysaa, waa safiir buurtaa le’eg oo ilaa filand fadhiyi jirey’. Qaar kale ayaa la soo sheegay inay lahaayeen ‘kadab-go’nay oo tii Atoobiya ina nacday oo shankaroon bay la shuraakowday’. Wax cunayey mooyaane ragga sidaas u ciyay waxay ahaayeen Hebel asal ahaan haashkii Shankaroontu tuurtay ka mid ah, kuwaas Waraabe u tagga Imbagaati looga dhigay. Biqladaasina waxay gaadhay in raga wasaaradahoodii ay waydiiyaan oo ku yidhaahdaan ‘maxaa safiirku Hargeysa u tegayaa? Dhinaca kale shirgudoonka Shankaroonta oo ka cajabay baarlamaanka sidan u ciyaya ayaa jawaab ula jiibsaday, waxaanay yaa ayuhal walla-weyn, adhiyulaahi Imbagaati asqa guurka gees nagala mara, Itoobiya ma roodhidiinii baad u haysataan sow dalkay doonto safaarad ka furan mayso. Waryaadha hadaad reerihiinii ka soo xumaateen xagayaga ha ula soo kicinee waxaad yeeshaan caw qaato oo xagaas iyo buurkaroole ula kaca’. Waxa kale oo ay u sii raaciyeen ‘calan qudhaa la taagay baad ka cabadaysaane afartan baanu ka taagi, naftuba haydinka dhacdee’. Intaasi markay walla-weyn gashay, waxaa la soo sheegay in Afada tegree qabay in uu Atoobiya daba washlaynayay oo uu jawaab ka raadinayay. Balse hansal lagama qaadin, waxaanu markii dambe warqad been abuur ah u dirtay wakiil yar oo uu dhowaan Addis dhigtay. Ninkaas oo uu been-dhigiska ku ogaa ayaa wuxuu u soo diray warqad jeebkiisa ah oo sidii geeddi jeclaa uu u soo dhigay. Shalay markii golihii gudhanayaasha uu hortegay ayuu warqadii ka hor-arkhriyey wuxu ku yidhi ‘Gudhanayaal marrow iyo mallooliba waad mahadsan tihiin, waydinkii iga sugay inaan Atoobiya soo caddeeyo, waan ka xunnahay waayo afartii cisho ee u dambeeyeyba Itoobiya way huruday oo daji bay dhamaysay. Masuuliyiintii aanu is-naqiinayna fasax bay ahaayeen, balse safiir beeni ayaa u tegay qaar ay is-yaqaanaan, ka dibna wuxuu ii soo diray warqadan oo shaabadii Arda Sababa ku taallo, aan idiin akhriyo Ku: Aboowe, Digtoore, Barafasoore, Raysal-wasaare, Jamhuuriya Dimuqradiga ku-meel-gaadhka, faderal-ka dib u heshiisiinta midowga dalka Somaliya. Aboowe Itoobiya waxay igu tidhi afartan qodob: 1. Anagu idinka uun baanu naqaanaa. 2. Waaad tihiin kuwa Somali oo dhan wada xukuma. 3. Anagu ma kala geyno ee sidii bishii February aan idiin sheegnay inagu saaxiib baynu nahay. 4. Ma Shankaroon baad sheegaysaa, taa ma aqoonsanin, welibana haday waalato ma aqoonsan doonno weligeed. Intaa markay maqleen ayaa sacab silloon lala sarakacay. Waxa kale oo uu yidhi sidaa waxa yidhi Sayuun Masfin, hadana sacab kale. Ka dibna gudhanayaashii geb-geb lahaa oo sheeko caruurtaasi caadi ugaga farxisay ayaa la aqoonsan maayo ku istareexay. Haddaba, safiirkan gudhanayaashii Baydhabo ka goojinayaan oo aniga laftaydu aanan uba haysan inuu sidan u buuran yahay ayaa la sheegay inuu yahay safiir uray oo Atoobiya u soo diratay Shankaroonta isagoo bedelay yarkii Isaxaaqa u ekaa ee Abdeeto la odhan jirey. Sidoo kale, xafiiskan Atoobiya oo aan moodayay waredhe yar ayaa lay sheegay inuu koray oo uu noqday safaarad kibirtay oo dal dawlad sare ka jirto nooca laga furto, iyada oo shankaroonta iyo Atoobiya seban horeba saaxiibnimada saxeexdeen, ayaa beri dhexe waxa dhacday in maamulka Itoobiya maniwalka ku dhaqaaqo oo uu C/laahi Yuusuf ugu sheekeeyo inuu yahay ninka Somaliya fasaxaya oo uu Itoobiyana calaashaan jaarnimada qiimo jaban kaga iibin doono. Xilligaas oo lacag carbuun ah Nayroobi kaga qaaday wakhtigaas oo uu doorashada ku jiray. Balse markii uu kursiga fuulay ee uu ku dhawaaqay ciidamo shisheeye in loo baahan yahay ayaa lagu gartay oo lagu yidhi, wadamada jaarku kuma jiraan, isaga oo islahaa Itoobiyana ka iibi, adiguna hafuu qabtaane hayso, markay u tixgelin weyday Baydhabo iska dhiibay Atoobiya oo is-lahayd dawladuba waa canjeeradii aad soo duubatay ayaa in dhoweydba i-lahayd yaa harageedii kaaga celiya. Waxaanay iskaga soo noqotay shankaroontii jaadka ka iibsan jirtay. Inkasta oo aanay aqoonsiga ku dhawaaqin, hadana waxaa la sheegayaa inay Itoobiya ay dhowaan shankaroonta la qaldayo oo intay dhegta afka u saartay ay hoo ugu tidhi yaan la ina maqline, waanu idin aqoosanay. Waxa kale oon maqlay in Ingiriisku baraarugay oo uu dalalka Afrika ka raadinayo dal uu u duceeyo oo shankaroonta aqoonsada. Waxaana lay sheegay in dalka Afrika Oogo ogolaaday inuu aqoonsi shankaroonta ku dhawaaqo dhowaan. Ducadii Daar; Madaxyuubka Shankaroonta ayaa mid wasiiradiisa ka mid ah xilka ka fara-maroojiyey, waxaana la sheegay inuu ku yidhi, markaan arkay waxaad samaysay iyo sidaad xilka u gabtay, insha allaahu waxaan gartay inaan kaa qaado xilkii, intaan cid u soo helayo iigu sii dhiib ku xigeenka. Madaxyuubka oo beryahanba la lahaa wax buu isku walaaqayaa iyo qaar buu duco la damacsan yahay, ayaa hadana midkaa kaliya mooyee lama arag duco kale oo daarta ka soo luudaysa. Waxa la sheegayaa oo ilaa xalay lala dhuslaynayay in dhowr nin oo tay iyo suudh aroor gashani madaxtooyada gel-gelayeen, kuwaas oo madaxyuubku kula balamay in dawlada meel ka gelin doono. Waxaana igu maqaalo ah, madaxyuub wasiirada ku lahaa ‘wasaaradee baan kuu wareejiyaa’, kuwaas oo qaarkood ku yidhaahdeen, waar wareejin lahaan dalka waynu wada qabsanaye ma wada haysanaa? Iyagiyo allahoodee, waxaan maqlay wasiirka warfaafinta ayuu maaliyada geynayaa, kii maaliyadana arrimaha dibada ayuu ku sii wadaa, kii dibadana caafimaadka ayuu la damcay, kii caafimadkana hawlaha guud ayaa lagu sheegay, balse lama oga wuxu yeeli doono. Gabay Laxooxdii itoobiya ee Imbagaati lagu dubay Imkay urteedii iyo agagaskeedii Hagaag loo ogaadoo Idaacaduhu sheegeen. Iyadoo afaafkiyo Albaabkeedu xidhayay Amaanadaha halaysay Asqa guur bilowdoo Afka waxay ku taagtaa Abid dadaanay gaadhani. Dagaal oogayaashii Igad soo shir-shirisee Ergo dawlo laga dhigey Arrintii qarbooshnayd Ilduufkiyo habowgii Odaygii maqiiqnaa Imbigaati kala yimi Afartaba dab laga saar Awr dhalyo xumaantiyo Uus buurnideedoo Hadba oodo Jiidkoo Ka arkaa Jeclaayaa. Ibtilada dambeysee Asqo soo wad-wadataan Waa amuuraheedii Iyadoon itaal hayn Dhul ku edeb ******kii IToobiya dacweyntii Malleeshiyo alooskii Ammoonkooda lumidii Abudkoodba lama arag Walla-weyn isbuurtoo Axdi dawlo fulisoo Kaligeed istaagtee Muxuu uunku hadimiyo Asqanimo rumaystaa Maafiyada ururtiyo EU habowsani Maxaa eel ku soo bixi Arintii la madowsaday Shankaronta uubtiyo Eelka loo qodayee Islahaa halagu rido Akademigu ma og yahay Aqoonsiga la sheegiyo Sida layga Aaminay Ka adkaysin badanahay Akadamigu ma og yahay Ii yuu in ay tahay Ajinabi qariiboo Itaaliyaa hageysoo Ogolayn waxanoo Ingiriis horjoogoo Afrikaan ogaadoo Ololaha dhawaan jira Ansaxyahay aqoonsigu Akademiga ma ogtahay.
  3. Ma anaa waalan mise cadan baa laga heesayaa.. :confused: Suldaanka tnx 4 the news, do u have more pics from bruco iyo roobkeeda :cool: ?
  4. Maansha allah. suldaanka halkuu ku yaalaa masaajidkani..
  5. ^^Maxaa hoos kuu soo celiyey, sowdigii Somalinimo iyo heerkaa taagnaa?? Oo ma run baad ka mooday somalinimada? Waa Qiiq laysku qariyo...Laakiin marmar bay is ilawbaan and then they will show u their tru colors..
  6. laga kaaftoomo gaaska iyo shidaalka oo biyo loo badalo! Yaa kuugu sheekeeyey...?? or are u dreaming?
  7. CIID WANAAGSAN DHAMAAN PPL OF SOMALILAND, CIID WANAAGSAN KULMIYE!!!
  8. hahha..walahi waan ku qoslay nimankan meesha layskugu geeyey...ileyn afkuun bay ka hadli yaqaaniin...sheekadu qacan haday noqoto islaamo isku booday baad mooodaa lool..kuwanoo dagaal yaqaanaa nafba iskulamay hadheen
  9. Very Nice!! Suldaanka Waad ku mahadsanthay Sxb But I most say: Weli wax badan baa inoo hadhay..So Keep the Good work!
  10. http://www.whitesandvillage.com/
  11. RAADYOW MA QALOOCSHE A. A. Garas Halkani waa Raadyow ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mowjadaha kaftan aqoonka iyo ilaaq-buurka. Dhegeystayaashayada indhaha naga dhegeystoow, waxaan idiin huluuqsiin doonaa warkii dunida, waxaana dabada idiin qaban doona weriye Gaacuuro.. Warkii Oo La Gamuuray Daba iyo dacal dawlad wada qabqable ah ayaa tii Soomaaliya la odhan jiray dhawaan loo soo sameeyay. Sodon qabqable oo qaf-qaftoodii wata ayaa wasiirnimo loogu daray, iyadoo Madaxweynahooduna qabqable sare ahaan jiray, balse wasiiradan waxa soo saare ka ahaa Rayiisal wasaaraha oo isaga laftiisu qabqable xoolaha ahaan jiray. Qabqabtaas wasiirnimada loogu dallacayay waxa ka qaday laba nin oo qabqableyaal geedkaas le’eg ahaan jiray. Arrintani waxay kaga oohisay raggag aqoonyahano iyo cilmiyo kale ku soo shaqo tegay, kuwaas oo wasiirnimada isu diyaar-gareeyay, balse markii ay arkeen nin qabqabta ka soo qallin jebiyay mooyaane inaan Shahaadooyin kale sitaa meeshaas ka soconaynin ayay isku ciil-kaambiyeen waxay hore ugu qabqableyn waayeen, waxaana wararku sheegayaan inay raggaasi isbaarooyin cusub imika kiraysteen oo ay doonayaan inay Farxiye Cali Qaanje BBC-da ka sheegto markay isbaarooyinkooda ka soo qabqableeyaan. Arrintani waxay sii qollaysiisay dadweynihii Muqdisho joogay oo marka horeba ka cadhaysnaa Madaxweyne qabqable ah oo la doortay ayay kaba quusqaateen markay maqleen “Qabqale Gofermankan†isu baxay. Habar reer Banaadir ah ayaa laga hayaa; “Waxaanu moodaynay in dawlad loo samaynayo oo hubka layska dhigayo ee waxaanu ogaanay in dalkaba laga qabqablaynayo.†inkasta oo dadka qaar sheegayaan in qaabkani yahay hanaanka ugu dhow ee Soomaaliya dawlad iyo nabaddayn lagaga sameyn karo, iyada oo ay qabaan in qabqableyaasha oo dhami haddii laysu geeyo nin waliba isbaaradiisii dawladda ku wareejin doono, markaa isbaarooyinka laga reebana duco-qabayn lagu dambaysiin doono. Dawladdan wada dagaal-oogaha ah, waxa la sheegay inay shaki gelisay dalkii Kiiniya ee ay dulsaarka ku ahaayeen ee Kiiniya oo is tidhi “Qabqableyaashan isu baxay malaha Nayroobi dhexdiisa ayaabay isbaarooyin dhigan,†taas oo la sheegay inay hoos ugu tidhi: “Kuwaahiri kubbendhaâ€. Qabqablaha hogaamiya qabqableyaasha, Berisidhan Beerloox, ayaa la sheegayaa inuu Baarlamaankana Nayroobi kaga tegayo qabqablayaashana isbaarooyinkoodii u kala dirayo, inkasta oo la sheegay in isbaarooyinka laftoodii qabqableyaal yaryari isku laba rogeen. Xubnaha Baarlamaankii Inbagaati ayaa Beerloox ku eedeeyay inuu durba distoorkii jejebiyay oo uu wasiiradiisii cidla iskaga dhaarsaday, isagoon golaha ka ansixinsan, balse waxay ilowsan yihiin in C/laahi qabqable ahaa, iyaguna ku meelgaadh ahaayeen, C/laahina ku meelgaadhaay oo qabqableyaashiisii kale ku gaadhay, waxaana laga yaabaa raggaas gole Baarlamaan isu qaba in gebigoodaba isbaaro laga dhigo oo hogaamiye kooxeedyadu haashteriyo ka dhigtaan, distoorka ay sheegayaana waxa ka sokeeya xeer qabqable, qodobkiisa shanaad wuxuu sheegayaa ‘kashkaaga iyo kistaada’, mabaa’diida guudna waxay sheegaysaa “Xul maahee waa xal, sharci maahee waa shaqo, xeer maahee waa xarfad, cadaalad maahee waa maxaad cuntaa, intaad taqaan maahee waa intaad gebgeblayso, intaasaanu lahaan jirnay maahee waa intaad ka adagtahay, qaran baanu nahay maahee waa qabqablenimo, dawladnimo maahee waa dantaada u xoogso, hub-ka-dhigi ma jirtee waa aynu kala xareysano, goleyaal maahee waa balwado cid lagaga dayano, hay’ado dawlo ma jiraane waa hebel hebel, Madaxweyne maahee waa shaxaadweyne.†Askar Kabaha Subkatay Ministerka xukuma daakhilka Shankaroonta ayaa maalin dhawayd cad u qaaday ciidamada ku jira jiidda af-doolinta bari ee gobolka Sool, kadib markii dadka ku nool gobolkan magaca loo bixin kari waayay ee Hargeysa loogu yeedho iyo degmooyinkiisu isu soo ururiyeen laba kun iyo dhawr boqol oo neef oo adhiya iyo dhawr kun oo ah Singalaydhada dhaxanta laga gashado. Shixnadaas shaxaadka ururay ahayd oo ay sidaan Cuqaasha reer Hargeysa ayaa waxa hadiyadaas horgalay wasiir daakhilka hebel yaroobe, kaas oo la sheegay inuu ku hubsaday oo uu farta ka saaray milateriga qayilay ee ku jira jiidaha Adhi-caddays. Ministarka oo ciidanka la hadlayay ayaa yidhi: “waanu ognahay bahasha cawaandinimada ah ee idinku jira, waxa kaloonu ognahay inaad xoog la seexan la’dihiin oo aad doonaysaan Buntland yarba gorofta ka dhigtaan, laakiin anaga ayaa idinka horjoogna ee idinku ka baqanmaysaan cidna. Waxaad yeelaysaan cadadkaas cunna oo cidna haynagu laynina, intaanu idiin soo gacan-baxayno. Haddii dalkeena lagu gar-******o danba waranka waynu u dhiigeyne.†Cadkaas oo loogu talo-galay in ciidanku Buntlaan u sii cunaan si colaadda ugu cayilaan ayaa lagu soo waramay inay kabaha ka subkadeen oo sanka ka keeneen kii hillib la odhan jiray. Arrintani waxa kaloo ay camirtay oo dhaqdhaqaaq weyn ka abuurtay degmada Caynabo oo isu dhigtay caasimadii gobolka Sool. Hebel yaroobaha Daakhiliga ayaa gobollada kale ee dalku la soo xidhiidheen si iyagana hadiyadooda uu u horgalo markaa ciidamada waxa u geynayaan. Minister yaroobahan Daakhilka xukuma oo indhawaalaba ka adkaaday argagixisadii dalka dhexdiisa habraha ku leyn jirtay, kaas oo qofkii yara cawlan ee dalka yimaadaba askar ilaalisa daba-dhigay, isagoo sameeyay askar bileys ah oo dadka cadaanka ah waashmaan ka ah. Askartaas oo la sheegay inay siday u dedaaleen ee ay islahaayeen cadaanka ilaaliyo la arkay askari bileys ah oo gabadh buufis ah oo is caddeysay ilaalinaya oo caddaan moodaya. Markii la yidhi maxaa ka ilaalinaysaana waxa uu ku jawaabay; “Wasiirkaa na yidhi dadka cadcad ee dalka yimaada ilaaliya yaan argagixisadu dilline.†Itoobiya Oo Nacnac Guratay Dawladda Itoobiya ayaa lagu soo waramay inay nacnac ka urursatay Bakhaaro tuulada Dhagaxle ee dalkeeda dhexdiisa ku yaalla, kaas oo malaha qiyaastii gibir la’aan inay ku soo gashay dalkeeda ku qoonsatay alaabtaas. Nacnaclaydii alaabtaas laga qaaday oo Ma Qaloocshe u warantay ayaa sheegtay in Soomaalida aan Shaar-shaarinimadaba loo ogolayn oo dawladdu doonayso in dadka Tigreega ah oo keliya liisamadii la siiyay. Aroos Geedkaas Le’eg Bahal aroos ah oo buurtaas le’eg ayaa xalay ka dhacay buulka Madaxyuubka Shankaroonlaan. Arooska oo aan maqlay Madaxtooyadii oo laga mashxaradayo oo markii hore aan is idhi malaha Madaxweynihiibaaba minyaraystay, balse markii aan tegay waxaan ogaaday in abwaankii Qaranku guursaday, ninkaas oo ah Gabyaa lagu goblamay, Gaariye yarena la yidhaahdo, wuxuu ahaa nin ku guur waayay gabayadii nabaddeynta dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay, kaas oo ahaa abwaanka keliya ee nabadda lagu faano afkiisa ugu halgamay, kaas oo tiriyay gabay yaab lahaa oo taariikhda dalka ku suntamay, sidaasna waxa loogu aqoonsaday darajada abwaanka qaranka. Haddba xalayna wuxuu noqday arooska qaranka, taas oo aan idhi Allaylehe nin weynoo guursaday wa in qabqabtiisa la maqlaa. Sidaas darteedna waxaanu idiin soo dayn doonaa gabay ka mid ah gabayadii gaafkaas laga tiriyay, wuxuu yidhi: Gabay Abwaankii qarankoow Afaduu calamadaay Caruuskii amranoow Aabihii gabaygoow Waxa aan odhanlaa Nin aroosana waatoo Ereygiisu tufleeyee Abwaanadii dhici waayay Ina Haybahan laambad Iid Millaaxiyo Faysal Amuumaha Cali Duul ah Arrimaa dalka haystiyo Asli waad u ducayn Anigayga laftaydaa Istahbiil islahaaye Haddii eebbe yidhaahdo Dhirbaaxaad ila eegan. Ragga ooryaha seegoow Hadaydaan iska guursan Ayaan baa iman doonta Hablaa Sool iyo Awdal Ee Aadanow garabkeena Arooskood adkaado oo Lagu raadsho ilays. Ayaan baa iman doonta Ilmaadeertu isdayso oo Aabihii sodog waayay Ubadkii abti waayay Ilbaxaad laga gaadho oo Gayaankii asalkii Ixtiraamka badnaa Dib u soo if-baxoo Is furiinku yaraado. Ku darsoo Asliyeey Amranaanta caruuskan Abyanaanta caweyskan Awtaadii wada joogto Ashqaraarka ka muuqda Amuuraa isku toosay Isjacaylka qudhooda Illaahay barakeegan Maxaa khayr u aslaaxay.
  12. Stop the propaganda!!!! get some fact before you post THIS IS RADIOLASCAANOOD ORIGINAL PIC TAKEN FROM WWW.HAATUF.NET
  13. burobagaandada radiolaascaanood ala been badana bahalku
  14. marka hore salaan.... Beryahan dambe waxaa soo badanayey dad ka qaylinaya..arinkan ay dawlada somaliland soo saartay ee ah wixii dalkeeda sharci daro ku joogaa haka baxo!? Markaas bal waxaan idin waydiiyey hadii dad sharci daro ku jooga ay yidhaahdaa..haka baxaan dalkayaga..amba sharci ha samystaan..ma khaladbaa?? Dal walbi sharci buu leeyahay, wixii sharciga ka baxsana waa in wax laga qabto..markaa idinku ma waxaad lee dihiin sharcigaasi anaga na ma khuseeyo..mise waxaad leedihiin mar hadaanu soomali nahay waxaanu rabno aayaan ka samayn karnaa somaliland? arinku haduu sidaa yahay waad khaldan tihiin...bal orod oo Jabuti waxaad rabto ka samee..miyeyna ahayn shalay uun tii laga soo saray dadkii bilaa sharci ga ku joogay jabuti..maxada wax uga odhan waydeen markaas?? mida kale dad badan oo reer s/land ah baa ku jiray dadkii laga soo saaray jabuti...taasna xaq bay u leeyihiin inay ka saraan dalkood cidii sharci daro ku joogta... hadalkayga waxaan kusoo dhamaynayaa..somali weynu wadanahay dadka waynu iska dhawnahay laakiin dal walba sharci baa u yaal..sharcigaa halagu dhaqmo.. aynu kuwadan noolaanona sidaas..
  15. hi ppl..i wonder..what about civilingineering...halkaas baa layga helaa aniga..
  16. zamatar

    Somali Guy Joke

    hahahahha samira walaahi waad iga qosli..lool
  17. ismahaan well done my sista! now a days it's kind of hard to found young sista like u.. and keep on doing that laxoox na mean.. and if u need some help with tha af-somalia.. just holla at zamatar..lol nabad walaal