-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Qof garan kara ma jiro sababta golaha sare loo abuuray iyo shaqada saxdaa oo ay shrci ahaan u leeyihiin sababtoo ah sharcigii caddayn lahaa shaqadooda waa dastuurka asagiina wali waa qabyo. Haday matalaan gobolada federaalku ka kooban yahay oo ay senitooro u yihiin wada shaqayn kama dhaxayso kumana kalsoona Go'aanka iyo tabashadu waxay ka timaadaa madaxda federaalka ayagoo adeegsanaya Tv'yada iyo idaacadaha. Waxaana tusaale ugu filan madaxda federaalku waxay dalbadeen in dawlad shisheeye soo dhex gasho arrintan ayagoo xaqirsan senetoorada dawladda dhexe ku matala. Hadaba su'aashu waxa tahay senitooradu maxay u dhex fariisanayaan dawladda dhexe iyo federaalka mar haddii ay dal badeen gacan shisheeye?
-
Saudis: Jamal Khashoggi's Death is Interrogration Gone Wrong
gooni replied to Che -Guevara's topic in Politics
Waa sax maakhirow Turkigu wuxuu ahaa hogaamiye caalamkoo dhan ku dhex milmay carabtana waxaa ilaa iyo hadda ku jira qabiilo aad u badan ayadoo waliba ay ka laayeen aa'imo ama culumo aad u fara badan burburkii cusmaaniyada Caradii turkigu berigaas ka qaaday carabta ay keentay inuu mustafa atoturkey uu cilmaani ku fogeeyo shacabka turkiga xataa quraanka waxay ku qoreen luuqaddooda. In kastoo masaalixu ka wayn yahay nin dhintay oo aduunka maanta la joogo ku salaysanyahay burjiwaasinimo hadana dhimashadiisu waa mid shacbiyada hoos ahaan u taabanaysa iyo qaabka uu u dhintay labadaba. -
Saudis: Jamal Khashoggi's Death is Interrogration Gone Wrong
gooni replied to Che -Guevara's topic in Politics
Allah u naxariisto Ninkaan usuulkiisii hore waa turki, turkiguna dadkiisu kam lumo. -
Shan ka roon waxaad u taqaan dhul ay beeshaadu iska leedahay Aniguna waxaan u aqaan dhul soomaaliyeed oo beeshaada iyo kuwo kalaba degaan. Dagaalkii aad xoriyada ku sheegteen waxaan u aqaan dagaal un la mid ahaa kuwii beeluhu kula dagaalameen dawladdii kacaanka Sidaa daraadeed ma aaminsani in wax farqi ah u dhexeeyaan gedo iyo w/galbeed. Reer awdal waa dadka ugu aqoonta iyo nabadda jecel degaanada soomaaliya Reer laascaanood waa dadkii halgankii xoriyadda ee soomaaliya haysto gundhigga u ahaa. Labadaa gobol oo qiimaha ugu fadhiya soomaaliya oo dhan baan diidanahay inay beel yar, darajada labaad ka dhigato. Waan kugu raacsanahay in waqooyigu ku fiican yahay wax wada cunka iyo dhaqamo badan oo wanaagsan balse waxaa ka tan badiyay khiyaaligii iyo marqaankii. Dad badan oo wanaagsan ama jaadkabs cunin way ka buuxaan oo subax walba fiiriya cadceeda soo baxeeda. Waxaan doonayaa inaan kula wadaago qiso aan kala kulmay hargaysa Waa magaalo wayn dadku isma qariibsado ismana waraysto qurbo joogtu aad bay ugu badan tahay taasina waxay keentay in dadku isku midab noqdo oo aan lays kala garan. Hadaba waxay sheeko si un noo dhex martay dad macquula oo meel wanaagsan fadhiyay Reer waqooyigu iminka waxay dhaqan u yeesheen inay is raaciyaan gobolada kale oo dhan waxayna ugu yeeraan soomaaliya Sheeko kooban ka dib waxay i waydiiyeen su'aal yaab badnayd oo ahayd adigu ma reer soomaaliyaad tahay? ! Waa arrin ku qurux badan reer magasl waraysigiis, ama beeshee tahay, kuna adag fahamkeedu yaan soomli ahayn. Waxaa ugu jawaabay anigu soomaali ma ahi ee waxaan ahay reer mudug. Is faham ku dib waxaan ugu duceeyay inay aqoonsi helaan anigoo ku yool baaranayana waxaan iri ilaahay hanakala saaro aqoonsigan dhib badan buu idin soo mariya walina waad la dhibantihiin koonfurtana alaha quluubtooda mideeyo dagaaladana ka joojiyo, Markaa ka dib waxaan fiiriyay indhahooda bal siday ugu qushuuceen ducadayda Nin akhiyaara yaa wuxuu yiri maad ku ducaysid, in ilaahay na siiyo xukun caadil ah oo na mideeya maxaad noo sii kala figaynaysaa? Arrintaa waxaa qiimaha usii yeelay waxay ahayd dadkii meesha fadhiyay hal qof kama hor imaan, taas waxay ku tusaysaa in shacbiyad badan ku jirto quluubta iyo wax garadkaba Dhibta adiga ku haysta dr.odweyne khaas ahaan waxaa weeyaan, waxaad ku khaatumo seegtay guryaha ingiriiska ku yaal, oo jiirku ka buuxo, xataa war uma haysid sida snm usii kala baxday oo isu sii dulumtay, shacabkuna usii dhawaanayo.
-
Awdal iyo sool sadexda xisbi haku kala biireen waa xaqiraad aad u wayn Haddii dulum yimaadana ha u tageen xusbiga ay ku biireen, ayaduna waa xaqiraad kale. Loomana ogola xataa in dulmanuhu shir jiraa'id qabto oo uu hadlo beeshiisa sida cirro ayaduna waa xaqiraad sadexaad Macnaha odaygan hadalkiisa ka muuqda waa intaas, asagoo waliba ugu calool adkeeyay in isaga qudhiisa jufada uu kasoo jeedo la dulmay, balse uu ku dhaamo inuu shir jiraa'id qaban karo asagoo u hadlaya inta la dulmay. Qaansadu awdal waxay siisay 40 kursi ayadoo aan filayo inay ku abaal mariyeen salaantii boqorka sucuudigu salaamay mudane saylici. Si kastaba lama sheegin meel qabiil qarran ku noqday mid habow ku fogaadayna warkiisaba daa.
-
Galbeedi Awoowe meesha wax laga badelo ma'ahan madaxa waa lugaha Madaxu markuu lago fiyow helo yuu dooran karaa jihaduu u dhaqaaqi lahaa Somaaliya caam ahaan ayadaa dooratay inay kursi curyaan ku fariisato ayagaana gacmaha kor u taagay, ilaa lagu sameeyo dalliig fara badan kicin iyo kufid way adagtahay inay horay ka istaagto wakhti bay u baahan tahay luuqadda carabiga waxaa lagu yiraahda علاج طبيعي Mucaaradku wuxuu u qaybsamaa sadex aragtidayda Kow mid arka dhalliisha iyo meesha wax ka qabadka u baahan sheega isla markaana sidoo kale sheega waxa u qabsoomay dawladaas uu mucaaradayo sida dadaalka bayle oo aan horay loo arag oo kale waa tusaalaha ugu yar. Mid ka waayay danahiisa khaaskaa ama ha ahaato jago ama dhaqaale iwm Kan sadexaad waa mid malaayacni ah ama wax xikmada ku jirin karaamadana ka qaada dadka bixiya sida ilmo samatar oo kale. Su'aashaydu waxaa weeyaan adigu sadexdaa kee tahay?
-
Ma waxaad xisbi ku sheegaysaa sadexda oday oo isku beeshaa oo sadexda jufo kala hogaamiya? Reer sool farmaajo iyo cid kale midna u baahna aragtidayda dhul iyo tayo labadaba waa leeyihiin towfiiqdooda ha mideeyeen hana tawakaleen, markaas ka dib badweynta hindiya meeshay doonaan hakaga dabaasheen intay reer gabilay deeq wax barasho itoobiya marti ugu ahaan lahaayeen Waa talo soo jeedin un iyo siday iigu muuqato.
-
Reer sool waxay heleen shan boos deeqdii wax barasho waxa u doodayana waa reer ceel-afwyn oo ayaga qudhooda lasiiyay sideed boos inta kasoo hartay 300 oo boosna waxaa qaybsaday qaansada. Puntland waxay siisay 120 maxay ka dhigan tahay? Aragtidayda puntland waa "tol" wax hambaynaya si kastoo wax looga tirsado Reer sool waxa la gudboon intii looga doodi lahaa ceel-afwayn inay kusoo noqdaan walaalahood puntland iyo somali wayn oo deeq wax barasho u raadsadaan ilaa turki meelaysiya iyo shiinaha sudan Reer sool walaalayaal marti, il-ku mirrigle ah lama noqdo, waxaa ka sharaf badan adinkoo reer bariga waxa ku qabsada oo laydinkala celin waayo,mar waxay ogolyihiin somaliweyn marna waa tolkiin. Xeerka koowaad ee reer mudugga wuxuu qorayaa haddii aad tolkaa wax ka waydo lnaad irrida ku sugto adigoo hubaysan xalku asagoon baryo ahayn buu imaan ishii dhaqaale kasoo baxo waxbaad ku leedihiin, adinkuna canshuurta bixiya. Balse in snm kugu dhago hadasho cad quureedna kuu tuurto ma'ahan gayaan darwiish aragtidayda.
-
Odweyne Saaxiib jawaabtaada qofkii mar akhriya uma baahna inuu mar labaad akhtiyo waa isku wada mid gedo, googarad sanbakhaare afweyne gudhuu iwm. Mowduuceena iyo jawaabtaadu isma waafaqsana Anigu qabiil hubaysan oo qaadiro la xanaaqsan ama aqoonsi raadintiis ku daalay ku oran maayo dawladnimo sidaa laguma gaaro caqligaygu waa joogaa naftaydana khatar u gelin maayo hadal afkayga kasoo baxay. Meeshii qabiilada hubaysan joogaan si tartiiba yaa lagu dhex maraa iyo meeshii ay joogaan qolyahan xag jirka labadaba Adigu waad ku oran kartaa adigoo farmaajo hor taagan dawlad ma tihid amisom yaa ku ilaalisa iskumana filnid gabar baa wakiil kaa ah iyo waxaad doonto mushkilad ma leh. Su'aal baan ku waydiinaya walalaal maxaad ka baran jirtay jaamacaddii umadda beri samaadkii ama takhasuskaagu ahaa?
-
Walaalayaal mudane iyo marwooyin Doodiinu hadday tahay labo dawladood iyo sadex yaa heshiis wada galay waad ku khaldan tihiin Heshiiskaan waxaa galay labo dawladood iyo beel waana midda keentay in itoobiya dib uga gurato codkii baarlamaanka dhexe ka dib, halka imaaraadku wali idin maaweelinayo asagoo rajo ka qaba ama farmaajo ama ka dib inuu sharciyad u helo. Ha u fadhiyin in carab lacagtiisa ceel ku shubo ama bad kusoo aaso. Meeshaan aad ula baxdeen somaliland hadday la mid tahay labada dawladood oo kale imaaraadka iyo itoobiya aqoonsi dawladnimana haystaan, heshiiskaasu waa sax wax ka khaladana ma jiro. Hadiise beel maro kasoo toloto harqaan, una bixiso callan, macnaheedu ma'ahan inay dhul soomaaliyeed ku wareejin karto dalal kale, waxaanu waa dhul waa dhaxal umadeed beel yar masuuliyadda intaa la'eg ma qaadi karto. Aduunku boob kuma shaqeeyo masuulka dp-world asagoo snm hor taagan yuu sheegay inuu dacwad ku furay jabuuti oo sharciga lagu kala baxayo May xoog ugasoo ceshadaan dhaqaalihii jabuuti uga baxay? Maxaa keenay inay maxkamad maggan u noqdaan ayagoo dhaqaale iyo diyaarad dagaal haysta? Maradan la ag dhigay oo callanka lagu sheegay markuu waraaqaha ku saxiixayo miyuu moogyahay inuu sharciga baal marsan yahay oo beri asna lagu dacwaynayo? Marka hore intaan heshiisba imaan ha la arko safaarad callanka snm saaran yahay sida itoobiya oo dhaxal suguhu xarigga haka jaro waraaqaha aqoonsigana haka gudoomo safiirka snm u fadhiya imaaraadka markaa ka dib la waayi maayo miis wax lagu saxiixo Intaas ma been iyo muran baan ka ku jira walaalayaal si aan beel iyo dawlad laysugu qasin? Dawladnimada soomaaliya oo dhan waxaa aduunka kale ka aaminsan yahay inay burburtay 90kii wixii ka dambeeyayna wuxaa loo bixiyay (fail-state ama دولة فاشله) Waxaana naf iyo maalba lagu bixiyay sidii wax un uga iftiimi lahaayeen Iftiinkaa muqdisha kasoo baxay waa rajada kaliya oo dalka lagu dhisi karo ayadoo caadifadda iyo is oohinta laga gudbayo oo dadnimo dhab ah lala imaanayo U malyn maayo in farmaajo diidayo wax danu ugu jirto dalka iyo dadkaba waa nin qalbi fiican ciyaal xamarku qofkay arkaan waa isku qabiil sidaan ku aqoon jiray. Suldaan. Waligaa badeeco makala degtay dekadda berbara, ama xataa ma raacday qof wax ugasoo degeen dp-world ka hor iyo ka dib? Ma laga yaabaa dekedaad iga difaacaysaan inaan idinkaga xog ogaalsanahay dhamaantiin sma qaarkiin? Soomaalidu waa dad nadiifa runtii haddii dhar iyo koofiyad la siiyo waxaa laga yaabaa inay ku samraan sodon sano carrabkii waa soo socdaa mushaar la'aan.
-
Cadnaan Saaxiib aad baad u mahadsantahay Aqoon badan uma lahayn balse waxaan kula kulmay daafeed iyo yaaq bari-weyne meel u dhaxaysa lahajadoodana waa markii iigu horaysay iiguna dambaysay Ka dib baan is waydiiyay sida loogu baahan yahay dadkaas lahjadoodu mesha ay kasoo jeedo asal ahaan waayo aad bay iigala fogayd maay iyo maxaa tiri labadaba. Haddii aad macluumaad intaa ka badan ka taqaan nala wadaag adigoo mahadsan.
-
Suldaan walaal Dp world jabuutina sharci baan wax uga doonaynaa soomaaliyana sharci daraan wax uga doonaynaa wax isu qaban kara ma'ahan. Waxaan filayaa qaybtii musaacadada ama sadaqada yaa laydinku maweelinayaa waxaana ku talin lahaa in wax garadku meel ugusoo wada jeesto koofiyado dadka loo qaybiyo inay ka macno fiican tahay dadka abaaraha oo ceelal biyood looga qado miyiga Bad la aaso iyo dhaqaalo badan oo la geliyo wuxuu u baahan yahay damaanad qaad dawladeed sadex habrood oo labo isku riyo noqotay heshiiskaad aadka wayn ma geli karaan aragtidayda. Imaaraadkuna ma doonayo inuu niyad jabiyo dad masaakiina oo uu rajo geliyay waa dal muslina oo wax badan xeerinaya. Waxaa ugu dhaw in mashruucaas hir galo waa haddii ay daacad ka yihiin imaaraadku, inay farmaajo dib ula heshiiyaan ka dibna baarlamaanka dhexe looga codeeyo, ayadoo layska fiirinayo faa'iido iyo khasaare wixii ka imaan kara. Wixii intaa kasoo hara waxaa ila macno dhaama heestii wadnahaa i dhag leh ayagoo isaga marqaama.
-
Koonfurta somaaliya waa kayn ama duur dhanka lahjadaha. AF maay wuu fahmi karaa qofkii si fiican u dhagaysta barashadiisuna ma dhib badna haddaad wakhti yar ku noolaato gobolada looga hadlo. Lahjaddi maaxa tiri qudheeda yaa is badel wayn ku socdaa koonfurta Lahjado badan yaa ka jira goboladaas waxaana iigu yaab badnaa mid laygu yiri waxaa iska keh qabiilka jiiddada Waxay dhaqdaan lo'da waxayna ku dhaqmaan shabeelada hoose agagaarka wanla-weyn ma garanaayo burburkii ka dib meesha xaalkoodu ku dambeeyay iyo qabiilka loogu abtiriyay. Balse waxay ahaayeen dad qurux badan oo dhaqankooda iyo midabka soomaaligu ka muuqdo runtiina lahjadoodu iila muuqatay soo jireen fog balse aan hoos loo fiirin.
-
Walaalayaal Arintu rag iska celin ma'ahan Afweynaan ka adkaanay ma'ahan Qaad mirawga iyo hareeriga kee fiican ma'ahan. Diraca iyo googoradda kee koreeya ma'ahan. Arintaan waa (siyaado) waxa afka carabiga lagu yiraahdo oo macnaheedu yahay madax-banaani. Shekh zaid allaha u naxariisto wuxuu ahaa hogaamiyaasha carabta soo martay ninkii ugu fiicnaa uguna deeq badnaa uguna dhawaa soomaalida. Jabhadda gooni u goosadka noqotay weligood imaaraadku ma taageerin ayadoo waliba snm aad ugu badnaayeen imaaraadka, inay meelaha shaaha lagu cabbo hoos u hadlaan mooyee waligood kor uma hadlin. Safaarada soomaaliya ee imaaraadkana waxay soo geli jireen ayagoo mudluunsan oo ka baqaya in wax loo raacdo. Cidina dan kama geli jirin sababtoo ah ajandaha snm wuxuu ahaa oo qudha mucaarad dawladeed marnaba afkooda ma soo marin taariikhda gooni isku taag ilaa siyaad barre ka tagey buur-dhuubo. Imaaraadka cusub waa ka duwan yahay kii berigii hore waa mid usoo jeestay dhaqaale batroolka ka dib iyo ganacsi Aragtidaydana waxaa ii muuqata doonista ay ku doonayaan inay saqiirnimada ku dilaan geeska siiba soomaaliya oo ugu muuqata competitors'kooda mustaqbalka. Waxaana dhici karta inay qabiilada qaar sii hubeeyaan ayagoo is tusaya inay saaxiib dhaw layihiin oo mushkiladda soomaaliya ay bansiin kusii shubaan. ilaahay shartooda hanaga qabto khayrkoodana hana siiyo. Wakhtiga la joogo ma yahay wakhtigii ku haboonaa in soomaaliya waraaqo qoto dheer oo tan ugu yar ay ku qoran tahay heshiis sodon sano ah lalasoo ag istaago,? ayagoo waliba ag maraya dawladdii yarayd ee sida dhibka badan lagu keenay si ay umadaha midoobay uga dhex hadasho. Waa wax aad u foolxun inuu imaaraadku fowdada soomaaliya ka jirta qayb ka noqdo. Usoo noqo heshiiska ay snm la galeen, wax sharciga waafaqsan ma'ahan imaanshaha mudiirka shirkadda DP waa qancin hurdo yar loogu raadinayo taliska snm oo seexan waayay. Aaway itoobiya oo qaybtii ugu badnayd uu imaaraadku siiyay maxay dhagaxa dhinac u qaban waayeen? Dalkiina snm haku halaynina waa talo nin wayn, wixii horumara oo meel ka mida soomaaliya ka dhaca waa naas irmaan oo laga wada faa'iidayo cid walbaana way farxad gelinaysaa.
-
Qarnigii 10aad iyo ka horba, reer waqooyigu carab bay u shaqi tagi jireen, ilaa iyo iminkana waxba kamaysan baran ciyaalkoodana xataa dhaqanka carabta ay kusoo arkeen uguma sheekayn. يضحك عليكم يا اخوانا Waraysigiisa waxaan ka dhagaystay qaybta jabuuti Wuxuu ku tilmaamay inay xataa khatar ku tahay sidii loo aamini lahaa ama loo maal gashan lahaa afrika asagoo cuskunaya qanuunka dawliga. Su'aashu waxay ka imaanaysaa haddii jabuuti oo dawlad la aqoonsanyahay ay isku dhaceen, oo uu doonayo inay sharciga aduunka u degsan ku kala baxaan, See beel gooni goosad ah qanuun ugu heli karaa ama u maal galin karaan ayadoo sharcigaba la baal maray wax damaanad qaad dawladeedna haysan? Beri markii laysku dhaco ma odayaasha gabilay bay u ergoon? Lix bilood ka dib haduu usoo diro bonooniga gidaarka ka celiya maraakiibta waxay shacabka ku maaweelinayaan qalabkii kalena waa soo socdaa ilaa sanadka cusub ha la sugo Ma isleedihiin wuu moogyahay arintaas? Ilaa iyo iminka waxaan ballan qaad ahayn, iyo dhagax dhigii uu lahaa waraabe dadku yuusan ku kufin miyaad haysaan? Maxaa dan ah oo ugu jira imaaraadka inuu dekedaha afrika koontoroolo? Ma dhici kartaa inuu ula jeedo un boos celis maraykanku ka dambeeyo sidii shiinaha looga hor istaagi lahaa afrika? Wax badan si caqliyaysan u ogaada marka hore adinkoon "carab" baa deked noo dhisaysa isaga marqaamin.
-
Roobku markuu ku do'o soomaaliyoo dhan gees ilaa geesta kale lafuu soo saaraa dr oodweyne Kuwa snm ma dhuux khafiifa yaa ku jiray markoodii hore, maxaa soo kormariyay?. Markii soomaali ahaan laysugu yimaado waxaad tihiin dad qiimo badan dadnimo tawaaduc iyo marti gelinba leh Maxaad isu oohisaan markii gaal caddaan ah idinsoo ag istaago oo lafaha maytida usoo quftaan?! Waqooyiga waxaa ka dhacay dagaal xeer leh dumar caruur culumo iyo birmagaydo oo dhan lama taaban jirin meel dagaalse khalad lagama waayo allaha u naxariisto intii wax ku moqotay. Nin dawlad la dagaalamay oo qori wata lafihiisaa roob soo saaray aqoonsi keeni mayso walaal. Soomaalinimadu waan carooday hadday ku suuli karto ama ku tagi karto maanta wada hadal laysma waydiiyeen. Qof dan gaara somaalinimadu ugu jirtaa ma jirto, qudheedu waa xabaalo wadareed dal qudhaa lagu wada dhashay, laguna wada dhiman,waana waajib saaran qof kastoo somaali ah inuu difaacdo dalkiisa baryo ma'ahan, iyo isku beel ma nihin waa "dal" haddaysan doqonimo dambaska seexin ama uusan waalayn. Riwaayadaan aad marqaanka ku daawanaysaan xaqiiq ma'ahan walaal. Hal taako oo dhul soomaaliyeed ah qof gooni u yeelan karaa ma jiro xataa meesha aad guriga ka dhisatay oo caruurta ku dhashay ee oodweyne waa dhul soomaaliyeed kan wanla-wayn ku dhashay kama xigtid haduu kugu qabsadana waa inaad tustaa waraaqihii dawladda hoose ku siisay oo aad ka gar baxdaa. Waligaa ha aaminin igiriis yaa kuu sharciyan-kara dhulkaa umadda soomaaliyeed ee aqoonsi beeleed Wuuna ogyahay ingiriiska in dadkii xoriyadda usoo dagaalamay oo dhibka lasoo maray aysan taariikhda snm meelna ku xusin ayagoo taa bedelkeeda mujaahid beena jeebka kalasoo baxay 90kii ka dib.
-
Odweyne Saxiib magaranayo meeshuu hadalka kaa dhafayo haddaadan wax kaa tan badan cabbin isku meel baan wax u wadnaa khilaafna naguma dhex jiro. Haddii snm aysan koonfurta waxba uga baahnayn aqoonsina aysan u hayn,wax ku xirana aysan jirrin, xuduudkii idiinsoo af jarmay ilaa tuko-raq. Dhulkiinii aad joogtaan darreen la'aan waana kugu raacsanahay inay intaasu sax tahay oo ay jirto, miyaan kugu diiday? Madaxweynihii soomaaliya aad ku sheegtay in gabar kafiil ka tahay muqdishana uu ku jooga gabadhaas khayr allaha siiyee iyo afrikaan. Maxuu yahay wada hadalku idinkaga xiran naamulka noocaas ah? Horay waxaad noogu sheegtay in dalalka wax aqoonsadaa aysan xataa afrikaanku ku jirrin. Maxaa keenay ayadoo snm ku doodaysay sodon sano inay xoriyadeedii kala soo noqotay koonfurta in laydinku amro inaad hor fariisataan laguna qoslo aqoonsigaan aad ku daasheen? Miyaad fahmi la'dahay intaas macnaheedu yahay dad isku mida oo muslina isku caqiidaa dhaqan af iyo midab ka dhaxeeyo, oo hadana caato la kufaya dhamaantood. In aduunku goostay lamasii kala goyn karo, ee hadday is famaana khayr. Hadday is fahmi waayaana halaga iibiyo dalalka dariska mid mid ayagoo kala qabiilaysan oo aaminsan in mid walbaa tan kale hoos tagin.
-
Cadnaan Odayaashu way ogyihiin in wuxuba qardajeex yihiin xaqiiqdana baal marsan yihiin, wixi dawladan farmaajo ka horeeyay waxay ku jireen riyo camiiq ah oo aad u dheer ama ay adkayd in la toosiyo. Snm waxay kaliya oo ay ka doonaysaa wada hadalada ma'ahan aan heshiino ama aan kala tagno Waxay aduunka ka iibinaysaa, badeeco dhacday ama in koofurtu tahay,dal, gooni ah oo dal kale dulmay, kuna kala hadla luuqadda ingiriiska iyo talyaaniga Waxayna leeyihiin, waxaa loo baahan yahay si loo wada hadlo, in dawlado kale, miiska wada hadalka nala fadhiyaan,ayadoo waliba dal kale shirku ka dhacayo. Aduunkuna uma jeedo jabhad hubaysan iyo dawlad la heshiisiyo. Umana jeedo labo dal oo xuduud isku haysta. Wuxuu u jeedaa dad markay roob waayaana caawimaad u baahan. Markay roob helaana daawada kaneecada u baahan. Muxuu yahay heshiiska ay caalamka ka doonayaan in la dhex dhigo koonfurta iyo waqooyiga? Koonfurtu ma dukaan aqoonsiga lagu iibiyaa? Gaalada ay aqoonsiga ka doonayaan maxay u aqoonsan waayeen sodon sano oo wax dawlada aysan ka jirin koonfurta? Haddii koonfurtu dawlad xoog leh noqoto oo isku fillan ma yeelaysaa in dalka lakala gooyo? Soo beesha caalamku dhib hor leh ma keenin? May aqoonsadaan intaysan koonfurtu daciifnimada ka bixin oo waliba ayagu u taliyaan? Waa su'aalo nin "caleen" hor taalo ama cirka fiirin dodon sano, inuu wali buluug yahay iyo in kale uusan ka lawaabi karin. Usoo noqo arrimaheena hoose ee qabiilaysiga Snm Soomaalida kalana waxay ka iibinayaan in usc iyo snm ku dulmanaayeen beel ahaan taliskii kacaanka ayagoo is watana ay ka guulaysteen 90'kii Ok arrintaa qudheeda labo usii kala qaad. Ma qabiilbaa wax dulmay? mise talis dawladeed? Hadiiba dulum jiro. Tan qabiilka meesha kuma jirto oo qabiil waxba uma qabaan snm taa badelkeeda qaar ka mida bayba doonayaan inay taliskooda hoos geeyaan ayagoo isleh ku weellal badsada. Tan dawladii hore waa arrinta siday uga been sheegayeen ay la caatoobeen. Mar waxay ku sheegaan beel ay ka adkaadeen oo ay fqash ula baxeen. Marna waa dawlad guun ah oo gumaysan jirtay oo ay xoriyad ka heleen 18kii may . Waa qof markuu marqaamana wax kuu sheegaya Markuu qaadiroodana wax kale kuu sheegaya. Wada hadalkuna sidiisaba waa wakhti lumis aragtidayda, hadduusan ahayn midaan lagu dhex jirin oo looga hadlo wax wada qaybsiga awood qaybsiga, arimaha bulshada, gudniinka fircooniga ah, ka hortagga burcad badeedka, iyo shaqo abuurka-dhalinta. Wax la iibsan karo ma'ahan dawladdii koonfur ka dhalataba waa cadawgeena waxayna ka turjutaa taliskii hore oo wax na dhex mareen ee caalamku hanaga furfuro.
-
Wada hadalku waa inuu noqdaa aragtidayda see dalkeena iyo dadkeena u badbaadinaa anagoo isku duuban isugu tanaasulaa midawgeenii boorka uga jafnaa iwm Laakiin hadday sidii ay caanka ku ahaayeen la yimaadaan haloo wada hadlo somaliya iyo somalilnd ingiriiskuna goob joog ha ahaado wax macno ah ma keenayso sababtoo ah lixdankii yaa lagu heshiiyay midow iyo midnimo Hadday wax ka tirsanayaan dawladdii kacaanka 90 kii bay tagtay dalka Waxa wax ka dhaxmarayo waa jiil cusub iyo nadaam ka duwan kii kacaanka Waxaa igu cusub oo qudha dadku badankiisu isma diidana inay midoobaan oo ay noqdaan qarran qurux badan oo ka iftiima geeska afrika Waxa nagu cusub waa snm qaybihii ugu mayalka adkaa oo masaajidka usoo dhawaanaya.
-
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
gooni replied to Che -Guevara's topic in Politics
Roobow waxaa wanaagsanayd inuu isu sharaxo madaxweynaha soomaaliya 2020 soomaalidana waxaa danu ugu jirtaa inay doorato dhakhtar yaqaan cudurka haya meeshuu ka dhasho Koonfur galbeed waa ku yar tahay aragtidayda hadduu qaatay caqiido dhexdhexaada waa ninka kaliya oo si fiican u fahamsam xaqiiqda hoose. Gaalada waxaa ugu jira meel walba sirdoon sidaan filayo waxaa ku adkaatay inay iska kaxaystaan ama gacanta ku dhigaan sidii sheekh shariif. -
Waa fikrad aad u fiican hadday maskax soomaaliyeed curisay. Dhaliisha waxa khaldan iyo waxa dhiman intaba way ka faa'iidaysaa dawladda iyo mucaaradka toosan oo mustaqbal ka leh inay dalkaan hogaamiyaan Nimankan sameeya aftida waxaa maal gaaliya shisheeye sida ay dawladdana u maal galiyaan oo kale, ujeedka laga leeyahay waa inaysan reer galbeedku doon doonin furaha soomaaliya dhankay u jeestaanba. Qayb waxaa jirta isku magacawda gudoomiyaasha golaha rayidka mar walbana idaacadah ka sheega waxaan ka soconaa ururada rayidka waraysigana loo badiyo!! Xagee ayaga iyo rayidku isku arkeen oo ay ku doorteen? Waa NGO loo xil saaray inuu dadka indhaha ka xanjeeyo. Mid waxaa xasuustaa markii jawaari iyo baarlamaanku isku dhaceen aad ugu hanjabay baarlamaanka iyo dawladda oo yiri haddii aysan si degdega ku heshiin labada dhagood faraha waa lagu ilaawi doonaa Waan hubaa, haddii la yiraahdo shacabkaad hogaanka u tahay beri mudaahaaraad isugu yeer inuu raadin lahaaa jufadiisa iyo inta suuqu ku xumaaday. Aftida waxaa laga bilaabaa aragtidayda beeluhu siday ka aaminsanyihiin dawladda intaan gobolada la'aadin Beelaha Cabudwaq v yaaqshid Beelaha Garoowe v hiiraan Beelaha Kismayo v jowhar Haddii aad fahamto in qabiilkii wali jiro dadka been laguma daaliyo shaqo ka fiican oo ajar leh, dalka raadsada yaan kula talin lahaa, sida hoyga dadka taabalaysan caawinaadda curyaamiinta iwm.
-
Layskuma hayo inuu dhaqan aad u foolxun yahay ilaahayna noogu caroonayo Odayaasha dhaqanka waxaa ka wayn culumada diinta noo haysa allaha noo xafidee Maxay inta isugu tagaan meel, ayagu u bilaabi waayeen oo gabdhahooda ugu doori waayeen inay guursadaan dadka la hayb sooco ayaguna u guursan waayeen? Kan ugu yar afar xaas buu leeyahay hadana dadka kale unbay digniin siinayaan. Qiil waayi maayaan haddii su'aashaas la waydiiyo Mid culumada ka mida yaa igu yiri haddii guurkaas dhib ka ratib-mayo waa inuu qof walbaa kufkiisa raadsadaa oo laga fogaadaa wixii dhib u keenaya qoyskaa barakada iyo khayrka laga doonayo. Aragtidayda waxaa lagu dawayn karaa inay ayagu is kaashadaan dhanka dhaqaalaha wax barashada diiniga ah iyo maadigaba iskuna xirnaadaan aayagoo u eg inaysan u baahnayn in cid kale soo dhex gasho Shay katoo qaali ah waa inuu tayo leeyahay waxaan hubaa in kuwa wax yasaya hoos mari lahaayeen.
-
Odweyne Mowduucaan maxaad snm ugusoo dhex dartay? Snm kuma mashquuleen hdday sida koongo iyo siraliyoon luuqad kale ku hadlaan oo dhinac naga joogaan Waa soomaali somalina ma ogola Waa xanuussnyihiin dawana ma ogola. Talyaani iyo ingiriis yaa dhulka noo qaybiyay labo umadood yaan kala nahay mar haddii laba gumayste nakala qaybiyay waa inaan kala baxnaa waa aragti qof kastoo caqli wax un ka galeen ka xanaajin karta. Haddii la waydiiyo dhulka ay qaybiyeen gumaystuhu ma ingiriis baa lahaa mise talyaani? Ma garanayaan waa caalami aduunkoo dhan baa ku dhaqma bay ku jawaabi Maxaad qaybintii taariikh fiican uga dhigateen oo ingiriis idin daba dhigay? Ma garanayaan awoowgeen baa u shaqsyn jiray meelaan uga harnano ma naqaan waa jawaabtooda labaad See madaxwynihii soomaaliya soo xukumayay 21sano oo indhaha idiin fiiqay markaad wax aragteen ugu abaal furteen? Waxaan xasuustaa Hargaysa ayadoo dooxa laysugu tago oo dadkoo dhan dhabarka un iska yaqaan, ama wax suuli ah lahayn, dawladii kacaanku waxay amartay in loo sameeyo fayo-dhawr iyo biyo socda, guri walba gacmahana laga dhaqo dadka, Abaartii daba dheer ayaga iyo xoolahoodii waxaa la geeyay sablaale iyo kunturwaarey dhul wabiyo lyo barwaaqo taal caruurtana iskool lacag la'aana yaa baadiye loogu geeyay. Maantana waxaad luuqado ajnabi ku qoraysaan xoriyad baan ka qaadanay 1990kii bishii may 17keedii soo la yaab ma ahan? Xataa ingiriiskaan laydinka reebi la'yahay idinma tusin sida suuliga loo qoto Qof aan doonayn inuu taariikhdiisa barto waa khasaaro wayn. Waa waxaas iyo wax ka badan oo aan goob joog u ahaa waxa igu diray snm.
-
Xaji Sinjiga iyo ilmo cabiid maxay ahaayeen? Aqoontayda beelaha gabadhu ka dhalatay cunsiriyiin m'ahan dhanka guurkana waligood gabdhahooda uma diidin nin ay rabaan ama doonayaan. Mèesha waxaa ku jira awalba anoo ooyi lahaa yaa sac saynta ugu dhuftay. Guur qarran haddii gabadhooda loo sameeyay macnaheedu ma'ahan in lagu bilaabay waxaysan horay u aqoon. Dhanka kale guurkani wuxuu noqonayaa godob reeb isu soo dhawaysa labada beelood maadaama wiilka adeerkii si xun loo dilay oo aad u fool xun Waxaan kula tali lahaa inay arooska ka qayb galaan qalbi fiican muujiyaan. Cunsiriyadu wax fiican ma'ahan waxaana dhici karta xataa in ciidamada amisom ka xanaaqaan oo xasuuq balaaran noo gaystaan.