Garyaqaan2

Nomads
  • Content Count

    878
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Garyaqaan2


  1. sub xaana laah

     

    ilaahow unaxariiso. very sad indeed==============

    soomaali meesheey dagto waxeey kadhigataa hoygeed maadaama ay san heesan hoynabad ah oo dowlad ah ayagan sidaan baa loola dhaqmaa is not only south africa where somalis are badlt treat ther are alot cases that we have no idea about it. :mad:

     

    lets us pray in ilaah dhibaatada nagasaaro


  2. Allah will not bring peace to Somalia- for its people abondoned his worship and associate his divinity with the Clan-Gods.

     

    Sxb Macalimuu always think passtive alaah suxaanuh watacaal when he says be it will be with no time. Star with your own iman and think in a very good way.

     

     

    Somalia's second civil war is about to start. This time it will not even be a civil war but a genocide in the proportion of the one in Rwanda. Clans from the south to the north of the country are all geared up, prepared and waiting the full-size warfare to blow up. No one will be spared and millions of innocent Somalis will be as usual become the victims.

     

     

    why do you think this way My brother from another mother :confused: somali people are One and Insha alaah they will come together and understand each other.

     

    Dhib keey soomali kujirto ilaah ha kasaaro.


  3. I've had the same problem.. till I just couldn't takeit no more!

     

    And, mansha Allah it’s free. There's someother cool sw freebies - so check em out!

     

     

     

    Ameenah

     

    Qabrigaaga waa in aan siyaartaa :D that is very nice of you. indeed it is wonderful web....

    Again I thank you very much.


  4. Breaking News

     

    Ciidamo laguqayaasay tiradooda ilaa iyo 50 kun ayaa lasheegayaa in dhamaadka bishaan tagi doonaan ilaa iyo groowe. Arintaan ayaa lgu micneeyay in uu yahay mid ay go aan sadeen madaxda somaliland in ay kusoo xirtaan xuduudaada oo ay siisay britsh inta ay doowlada somalia tagin. :D:D

     

    wixii dheeraad ah oo amuurtaan waan idila soo socod siindoonaa.

     

    or go to www.quraafaad.com


  5. Rape is indeed a horrible, unforgivable act. However, Ive been told that in Islam a husband is not guilty of raping his wife, because she is obliged to please him in the first place. Is that true?

     

     

     

    The prophat said scw if the woman didn't want to please her husban with out reason the whole night alaah and the angels will curse her.

     

    but sister the prophat said the best of you is the one's who treats his wife the best.

     

    another hadith the prophat scw said if the woman believes in alaah and she filfuls of the waajibaat diinta and she is obeient to her husban us long us the husban is obeient to alaah. she could enter any of the aight gates of haven.


  6. Halkani waa Raadiyo reer hebel, codka mustaqbalka beelaha isuma taliso loomana taliyo oo aad kala socotaan Mowjadaha gaaban ee danta gaar ahaaneed ee reeraha iyo tan dhexe ee jilibyada, iyadoo Caalamka intiisa kalena ay nagala xiriiri karaan Aalada Sataleydka ama ciwaankeena "">www.caadifad.com.[/b]

    Ugu horeyn ku soo dhowaada war wixii kor iyo hoos naga soo gaaray oo uu noo soo jeediyo Weriye War-mooge. Mahadsanid Been Haadshe.

     

    Qodobada wararka ugu doorka roon ee uu Raadiyo reer Hebel idiin hayo waxaa ka mid ah: Agaasimaha Idaacadda Raadiyo reer hebel oo wareegto soo saaray, Dadka Muqdisho oo badankood walaac ka muujiyay keenista Ciidamada shisheeye iyo Digniin uu soo saaray Nabadoonka beesha Looma galaan iyo warar kale.

    Agaasimaha Idaacadda Raadiyo reer hebel ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo baahinta wararka lagu taageerayo ama lagu soo dhoweynayo Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya, faah faahinta warkaasna waxaa inoo haya Weriye Magac-doon.

     

    Wareegtada uu soo saaray Agaasimaha Raadiyo reer hebel Dr. Daneyste ayaa lagu sheegay in laga bilaabo xilligan la mamnuucay wararka lagu taageerayo Dowladda Federaalka isla markaana lagu soo dhoweynayo, waxaa sidoo kale wareegtadaasi lagu wargeliyay dhammaan madaxda iyo maamulka Idaacadda iyo TV-ga reer hebel inay raadiyaan ama buun buuniyaan wararka lidiga ku ah xukuumada iyo wareysiyo lagu cambaareynayo laguna mucaaradayo in dalka la keeno Ciidamo shisheeye si aanay shaqadeena u istaagin Barii-skeenana ciid loogu shubin.

     

    Weriye Magac-doon, Raadiyo reer hebel.

     

     

    Jan. Far toogte oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka digay Ciidamo Afrikaan ah oo dalka yimaada, isagoo sheegay inay keeni karaan cuduro sida AIDS iyo macaasida, “Anaga ayaa ku filan in Hub ka dhigis lagu sameeyo maleeshiyooyinka dibna loo qalabeeyo Ciidamadii Xoogga oo nala siiyo kharashka faraha badan ee ku baxaya Ciidamada shisheeye,†sidoo kale Drs. Dibad joogto oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed dhowaana dalka ku soo laabatay ayaa sheegtay inay dhibaato u ho-rseedi karto Gabdhaha sharafta leh ee Soomaaliyeed haddii xerooyin iyo Saldhigyo ay ka sameystaan Muqdisho Ciidamada shisheeye, “Dibadda waxaan uga soo tegay oo aan ku arkay ayaa igu filan, dalkeena iyo diinteenana waa inaan ilaasha-naa, waayo 13-sano ayaan dibadda jiray.

     

    Dhinaca kale Sheekh Duubte oo ka tirsan Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka digay keenista Ciidamada shisheeye, “Shareecada Islaamku ma ogola in Gaalo ay soo farageliyan dalkena & diinteenaâ€.

     

    Gabagabadii shacbiga Muqdisho waxay dareenkooda ku cabireen inaan loo baahneyn Ciidamo shisheeye. Weriye Carab-dheer R/Hebel.

     

    Nabadoonka guud ee beesha Looma galaan Md. Kiish weyne ayaa ka digay in la jebiyo Xabbad joojintii la dhex dhigay iyaga iyo reer Kaama Haraan, isagoo sheegay in maleeshiyooyinka reer Kaama haraan ay habeenadan bilaabeen inay Gabdhahooda u soo haasaawe tagaan, taasoo keeni karta buu yiri colaad hor leh oo cirka isku sii shareerta, war wixii kor iyo hoos naga soo gaaray waa naga intaa. Ku soo dhowaada heestii Dulleysane Wiilkayow ee ka bogasho wacan.

     

    = Dulleysane Wiilkayow, anoo dableeyaan ku dhalay, dabadeed waxaan galay Istaaf, anoon weligey *** nixin iyo dil baan kugu soo korshoooo.

     

    =Da’dey wuxuu diin baraayay, asaagey duruus baraayay, daar baan kuu xoreeyay aabe.

     

    = Markaad dugsi-diid bilowday, adoon daash joog ad noqon inaad derbi-jiif ahaato, hadaad dooratoo jeclaatay ducaan kuu hibeeyay aabe .

     

    =Dagaalka intaad dhex joogto, dirirtu yar yareysi ma leheee haddii dabka la isa saaro, ha noqon, ha noqon fulay dib u didaaya.

     

    = Tomson yaan lagugu xaman, dabajeex weligaa lahow, waxaad aragtana dab saar, balwada daacad u ahaw, balwada daacad u ahaw.

    =

    Ha diidine duqeena raac, beeshaada naftowgu deeq, waxaan dilya dafid ahayn, dulleysane kuguma ogi, dabkeenuna duugmimaayee, adiyo inta kula dableydaan dardaaran idinka dhigayaa, , dardaaran idiinka dhigayaa, dardaaran idiinka dhigayaa. Gabagabadii waa Farsamayaqaan fadhi xume iyo xiriiriye Fowdiiste oo idin leh aan is cafino.


  7. ninyahoow please leave some for the rest of the future federal states. if puntland takes on every district of somalia, why the f**k do we need federalism for.

     

     

    homboy lets us understanding each other and be optimistic obout the future. To me is very good step that somalis are taking to live peace in each other neighbor. why do you think is bad i idea If this people join their brother? I love te see my peopl from coast to coast came to unite us one somalis. Not only am I want to see cadaado to join with puntland also oll the other land like, jubland, somaliland, midland, muqdisholand, baldweeynland, southrenmugland northernmudland .......


  8. Well, my fellow nomads violenc doesn't take us anywhere. We all hate the GAALO and AMXAARO. waa ismadhasho iyo dhaantood, but let us see what are we going to got out of violence more killing more starvion an so on....

     

    what we needed is better leaders who says "NO" to gaalo, but if you see today where our politions taken us hafe of them are for gaalo. The Q is do we have better life now? I think the answer for this Question is No, we are hostages for Qabqablayaal . No education, their is no freedom, every where in somalia is the same situation. we need our opeople to realize the true meaning of life.


  9. Waar waxa dawa u ah in la siiyo badhi idaad. Ama wuu ka boodi oo wuu durdurin ama way ka haadi…. As nomads we are high risk takers.

     

    I would not say it better sxb.

     

    eventhough I am not big fan of amxaaro at same time what choise do we have. we can only watch to see our people to starve and be hostage for (qab qablayaal) so let us see we will die or survive.

    we want big change in our life. 15 years of hostage we can "no" longer take this.

     

    let the african union come over (insha alaah we will have better life) xoriyadeen ilaah hanoo soo celiyo iyo soomaalinimadeen.


  10. Despite warnings that Somalia's battling warlords will refuse to yield to the man elected president by a newly appointed parliament last year, President Yusuf, 70, said:

    "I am sure that nothing will happen to me. I am an old man now, a veteran military man. I have fought forever, I've given my life to my country, and I am not afraid."

     

     

    let me just say this, Madaxweeyn c/ yusuf axmed is Making fine display and impressive histroy.


  11. madax weeyne cabdulaahi yuusuf axmed waxeey ila tahay in uu kadhabeenaayo hadaladii uukajeediyaya qudbadii uu aqriayay maalintii la dhaarinayaaya hadaladiisa waxaa ka mid ahaa

     

    hadaan wax u qaban waayo umada soomaaliyeed meel iskama fariisanaayo oo waxaan idinleeyahay kaalayay xukunka igala wareega hoosheeda waan gudan waaye

     

    i belive the man is doing his wark, what ever it takes.....

     

     

    you said right saxardiid

     

    From the first day he said he will give somali people security and stability and he is on course to achieve just that.


  12. You scored a 84% on the "How Somalian are you?" Quizie!

    1476 people had a score lower than yours

     

    145 people had a score higher than yours

     

    78 people had a score the same as yours

     

    i am very good at this . :D

     

    what can i say. ;)

     

    macalin nimo ayaan isku soo sharaxaayaa.


  13. Daahir Riyaale oo aan ilaa & haatan la kulmin Madaxda sar sare ee Wadanka Koonfur Afrika icon_razz.gif

     

    Pretoria-10.February.2005 Madaxweynaha Maamulka isku magacaabey Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo haatan socdaal ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa wararkii ugu dambeeyey ee SBC Online ka soo gaaraya dalkaasi ay sheegayaan inuusan la kulmin wax Madax sar sare ah oo ka tirsan wadanka uu martida u yahay.

     

    Daahir Riyaale oo wadanka Koonfur Afrika ku sugan ilaa iyo laba Todobaad ayaa la sheegay in uu iska degan yahay Hotel Shereton, isla markaana aysan is arkin wax masuuliyiin sar sare ah. ;)

     

    Wariyaha Idaacada SBC ee Wadanka Koonfur Afrika ayaa soo sheegaya in Daahir Riyaale uu si aad ah u daneynayo in uu la kulmo Madaxweynaha Wadanka Koonfur Afrika Mr.Thampo Mbeki hase ahaatee dhawr jeer oo Mr.Riyaale isku dayey kulan uu la yeesho Madaxweyne Mbeki ayaa ku dhamaadey guuldaro ka gadaal markii uu Thampo Mbeki uu ka muujiyey cudurdaar kulan caynkaas oo kale ah. icon_razz.gif

     

    Dhanka kale sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada arrimaha Dibadda ee Wadanka Koonfur Afrika oo wax laga waydiiyey Socdaalka Madaxweynaha Somaliland uu ku joogo Wadanka Koonfur Afrika in ujeedadiisu tahay sidii Koonfur Afrika ay u siin laheyd aqoonsi dawladnimada Somaliland ayaa Sarkaalkaasi wuxuu sheegay in arintaas aysan waxba ka jirin Koonfur Afrikana aysan diyaar u aheyn in ay wax aqoonsi ah siiso Goboladaas ka go'ey Soomaaliya inteeda kale ;)

     

    Sarkaalkaas ka tirsan Wasaarada arimaha dibada ee Wadanka Koonfur Afrika wuxuu aqoonsi Wadankiisu u siiyo Somaliland uu ku tilmamey inay la mid tahay Cape Town oo ka go'da Pretoria sidaas darteedna aysan ku talo jirin inay wax aqoonsi ah siiyaan Maamulka Somaliland. :D

     

     

    Axmed Gaanni

    SBC Cape Town.


  14. sxb ukaadi hana da dajin.

     

    maxaa tir ma doo neeysaa gabar ka fiican gabdhaheena? are you serous

     

    sxb tanoo kale waligeey ma aan maqlin walaahi runtii dhalin yarada saaxiibadeey oo hada qaba gadhaha ajinabiga ah waa ay xishoodaan marka ay noo sheegayaan xaaskooda.

     

     

    si hoos hoos ah ayeey kugu leeyihiin saaxiib gabadheeyda soomali ma ahan ayagoo kanax san jawaabtaas.

     

    so that tells me, that you have to be very proud of who you are.

     

    naxariista ay leedahay gabar soomaaliyeed gabar kaloo leh waligeey ma aanan arag.

     

    mideeda kale sxb luuqad aan luuqadaada aheey jaceelka iyo shukaansiga maba kuugu baxaayo.Macaaneey hasiibin diricaan waa kubaxeeysaa :D

     

    saaxibadaa nasiib kood waxeey gafeen macaanka gab dhaheen soomaaliyeed ay leeyihiin.

     

    nin_ yaaban

     

    saaxiibadaa udir meeshaan

    www.gabdhahasoomliyeed.com icon_razz.gif


  15. Abdulahi Yusuf was smart in choosing this man as his spokesman. Very articulate and true politician, too bad I can't say the same for "President" Riyaale.

     

     

    HornAfrique

     

     

    sxb you got that right, he absolutely made excellent selection.

     

     

    look at Mr bari bari

     

    Yusuf Ismail Baribari, spokesman of Somalia President Abdullahi Yusuf, said Kahin's remarks, made during a visit to South Africa, were personal, provocative and undiplomatic.

     

     

    :D


  16. war maxaatir ku celi :D

     

    Somalia rejects enclave's "warlord" charge

    - Thursday, February 10, 2005 at 01:41

     

    NAIROBI (Reuters) - The Somali government will not be diverted from its goal of national reconciliation by a breakaway territory's provocative allegation that it lacks legitimacy and has a warlord for a president, an official said on Sunday.

     

    The breakaway Somaliland territory on the Gulf of Aden declared independence from anarchic Somalia in 1991 and has since enjoyed relative peace but is unrecognised internationally.

     

    "How can we deal with a warlord who is not elected by his own people?" Somaliland President Dahir Rayale Kahin told Reuters in an interview on Thursday. "I don't see it as a government, it's a dream of a government that they have."

     

    Yusuf Ismail Baribari, spokesman of Somalia President Abdullahi Yusuf, said Kahin's remarks, made during a visit to South Africa, were personal, provocative and undiplomatic.

     

    But Yusuf's government, formed at peace talks in neighbouring Kenya last year, would nevertheless talk to anyone in Somaliland to cultivate good relations between the northeast region and the rest of the country, Baribari said.

     

    "Since the president of the Somaliland administration seems not to be interested in a far-sighted and constructive dialogue, we are ready to continue the dialogue without any preconditions with all people of goodwill among all the political and traditional leaders of Somaliland," Baribari told Reuters.

     

    Yusuf was elected on October 10 as head of Somalia's government by delegates attending a national conference held in Nairobi.

     

    Hoping to turn a new page, Yusuf has pledged to work peacefully with Somaliland as he tries to restore order to Somalia, which descended into anarchy in 1991 following the ousting of dictator Mohamed Siad Barre.

     

    He has vowed to bring stability to Somalia within one year.

     

    Major nations are repelled by its image as a quagmire in which U.S. forces floundered a decade ago, and U.S. officials see it as a potential safe-haven for Islamic militants.

     

    Somaliland, a region of 3.5 to 4.5 million people, won independence from Britain in 1960 and formed a united republic with ex-Italian Somalia. An uprising against Barre was followed by years of devastation as he turned his forces against the northwestern enclave. When Barre fled, Somaliland split away.

     

    Yusuf's supporters say that while they seek the unification of the country they will never force Somaliland to rejoin it.

     

    In late October, the enclave urged Yusuf, former leader of Somalia's Puntland territory which neighbours Somaliland, to withdraw members of his clan from near its border, accusing him of attacking Somaliland even after his election as president.

     

    Yusuf's aides and several diplomats in the region say Somaliland started the fighting, which has now abated.

     

    Somaliland has fought sporadic clashes with Puntland for years over the ownership of eastern areas of Somaliland which Puntland's leaders claim as their own on the basis of ethnicity.

     

    Source: Reuters South Africa

     

     

     

    waa hal umadoo ku hadasha hal luuqad.

    waa hal umadoo ku dhagan hal diin.

    waa hal umadoo ku dhagan walaal tinimo.

    waa hal umadoo isku xush meesa daris nimada.

    waa hal umadoo isku naxariis badan.

     

     

    sideebaa loo kala goon karaa?


  17. Suxufiyadii Ingiriiska aheyd ee Muqdisho lagu dhaawacey oo saacad ka hor geeriyootey

     

     

    Muqdisho-09.Feb.2005 Kate Petarson oo ahayd haweeney suxufiyad ah oo u dhalatey Dalka Ingiriiska oo maanta lagu dhaawacey Magaalada Muqdisho ayaa saacad ka hor ku geeriyootey Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

     

    Gabadhan saxafiyada ah ayaa waxay u shaqeynaysay BBC-da gaar ahaan qaybta dibadaha la hadasha ee World Service-ka waxaana maanta Muqdisho ku dhaawacey koox dabley oo aan la aqoon ilaa iyo haatan balse gacanta lagu hayo gaarigii ay falka ku fuliyeen.

     

    Kate Peterson oo la dhigey dhaawaceeda Cusbitaalka Madiina ayaa waxaa la tacaaley inay badbaadiyaan koox dhaqaatiir ah oo uu horseed ka ahaa Dr.Cabdi Jiyya ayaa waxay qaliin kaga sameeyeen caloosha oo ah halkii ay ka haleeshey rasaastii ay ku rideen Kooxdii dableyda aheyd.

     

    Dr.Jiya wuxuu sheegay in ay xabadu haweeneydaas waxyeelo ka gaarsiisey dhanka caloosha gaar ahaan Beer yaraha oo isaga gabi ahaanba laga saarey.

     

    Dkhaqaatiirta ku hawlaneyd badbaadinta gabadhaas saxafiyada ah ayaa waxaa la sheegay in ay quus ka muujiyeen ka dib markii la waayey cid ku dhiig ah bacdamaa si xun ay u dhiig baxdey laguna sameeyey qaliin deg deg.

     

    Gabadhan saxafiyada ah ee u dhalatey Dalka Ingiriiska waxay timid Magaalada Muqdisho maanta waxayna ka mid ahayd Saxafiyiin fara badan oo xiligan ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana toogtey koox dabley ah oo wadatey gaari noociisu yahay Corolla Toyota.

     

    Dableydii ayaa la sheegay inay baxsatey waxaase gacanta lagu hayaa gaarigii ay wateen oo la sheegay in haatan la baarayo kooxdii dableyd ahyed.

     

    Wariyaha Idaacadda SBC ee Magaalada Muqdisho MM Dhoore ayaa soo sheegaya in caawa aad loo adkeeyey amaanka Hotel Saxafi oo ay degan yihiin Madaxda DFKMG ah ee Soomaaliya oo ka mid yahay Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo waliba xubno kale.