Member-sol-

Nomads
  • Content Count

    345
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Member-sol-


  1. Originally posted by Gallad:

    Kacdoonkii shacabka Gedo iyo Juba hada ayu toos u bilowday.

    Alla maxaa magac shacab laga been sheegtay.

    Maad iska dhahdid adeerkay haduu weerarkii bilaabay asaga iyo moryaantii lagu uruurinayay doollow?

     

    Waxaa xaqiiqa ah labadii talaabo ay moryaantaas qaadana in eey ayagu dhuunta isu gali.


  2. Maxamed Cabdi Kaliil oo Isagoo Gacmaha ka xiran la dhigay Xabsi ay Ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow ee Ismaamulka Somalida.

    Print here| By: allgedo.com: Sunday, September 12, 2010 // u Jawaab

     

    Related Articles

    Baarlamanka Dowladda KMG ah oo kulamadiisi caadiga ahaa dib u bilaabay.

    Dagaaladii Muqdisho oo Shangaani soo gaaray iyo Bandaw Caawa lagusoo rogay degmada X/weyne.

    Madaxweyne Shariif iyo R/wasaaraha Itoobiya oo Caawa kulan Muhiim ah ku leh magaalada Addis Ababa.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Xarig ay Ciidanka Itoobiya kula keceen Mas’uul katirsanaa Maamulkii Dowladda KMG ah ugu magacaawnaa Gobalka Gedo balse markii dambe laga saaray gobalka intiisa badan.

     

    Weriye ku sugan Gedo ayaa Allgedo Online u xaqiijiyay in Ciidanka Itoobiya ee Xoogga ku jooga Doolow ay Xabsiga dhigeen Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa gudoomiyihii gobalka Gedo ee DKMG ah.

     

    Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ayaa bartamaha Doolow ka qafaashay Kaliil iyo Ciidan uu watay waxaana la sheegay in Ciidankii gudoomiyaha Hub ka dhigis lagu sameeyay halka gudoomiyaha loola dhaqaaqay dhanka Doolow Itoobiya.

     

    Warar kala gedisan ayaa kasoo baxaya sababta ay ciidanka Itoobiya u xireen Maxamed Cabdi Kaliil, wararka qaar ayaa sheegay in xariga Kaliil uu salka ku hayo loolan dhanka maamulka ah oo u dhexeeya saraakiisha dowladda halka warar kale ay sheegayaan in uu ku salaysanyahay Amar ka yimid dowladda Itoobiya.

     

    Goob joogayaal ayaa sheegay in Maxamed Cabdi Kaliil oo gacmaha ka jeebaysan la dhigay Saldhig ay Ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow Itoobiya oo ay xukuumadda Itoobiya ka haysato Somaliya.

     

    Ilaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Xildhibaanada iyo saraakiisha Dowladda KMG ah oo ku aadan xariga lagula kacay Maxamed Cabdi Kaliil, Itoobiya ayaa sida ay rabta ka yeesha magaalooyinka dhaca Xadka iyadoona Xarig iyo Jirdil kula kacda saraakiisha Soomaalida ah ee iyada lajira.

     

    Daahir Guuleed

    Muqdisho, Somalia

     

     

    Allgedo News Media Network


  3. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

    I see Fuleynimo 101 lasoo bandhigay. Waxaas bandhig geesiyeed uma aqaani, midii ugu cabsi badneed u aqaan. Intee foolkooda duubanyahay, fuleynimo iyo karaahiyonimo inay ku socdaan wey ogyihiin.

     

    Dad isku kalsoon foolkooda banaanka uu soo dhigi lahaa waxba ma qarsadeen.

    Wallaahey Fuley waxaa kuwa si aan kala sooc laheyn umada ku leynaya hubka artillery

     

    Alshabaab Ak47 ayeey AMISOM ku ceyrsanayaan, ayagoo lagu garacaayo PMka. Marka weydii TFGda waxey boqolalka Tangi ee dhooban madaxtoyooda ugu qabsan la'yihiin caasimada hadii Shabaabka fuley yihiin.

     

    Illeen habar lagdin la fududaa


  4. Alloow calan axmaar meel uu ka suranyahay hana hoos gayn.

     

     

     

     

     

     

    Waa dunida gaal lagu salliday, sanac la’aaneede

     

    Waa duni sarwaan lagaga guri, sedo ammaaneede

     

    Waa duni sabaan aakhiroo, silic ka joogaaye

     

     

     

     

     

     

    Waa dunida Soomaalidii, laga santaagaaye

     

    Waa dunida sareedada la qubi, suluxa caanoode

     

    Waa dunida saaq lagu gataa, salaba guud dheere

     

     

     

    Waa dunida loo suudalaa, sakhara naareede

     

    Waa dunida soon laga tegiyo, sadaqo iideede

     

    Waa duni safkii laga baxoo, gaal la saacidiye

     

     

     

    Waa duni simaadhii jannada, suus aan ku lahayne

     

    Waa dunida saab ferenji iyo, Saaxil loo kiciye

     

    Waa duni la saacidi kufriga, saaxir kuu colehe

     

     

     

    Waa duni aan lagu soorahayn, seera kuu timide

     

    Waa duni sokeeyiyo xidid, kala sawaaleene

     

    Waa duni abaal laga samroo, samo la diidaaye

     

     

    --Sayyid M C X


  5. Originally posted by xiinfaniin:

    ^^Only if you have a little deeper knowledge on these raw nusuuss you are throwing around to imply half of Somalis are non Muslims.

     

    Just in case
    Keligii-Muslim
    Kashafa is still wondering what I meant by theological legitimacy, this is it. What you see above is a measured, well-thought out rebuttal from the most respected Somali Muslim scholars to combat the violent excesses and theological deviations of Alshabaab. These are live intellectual bullets awoowe.

     

    This grand Islamic conference shall be repeated in Bosaaso, Burco, Galkacyo, Hargeysa, and in any other city where security situation permits it.

    Culimadaan ayagaa awal isku tilmaamay culimada waqooyi bari.

     

    Maqli meysid ayagoo ka hadlaya dadka loo gacan galiyo gaalada axmaarada iyo waxey diintu ka qabto.

     

    Waa culimo qaab qabiil ku shaqeeya umadana aaney kawada dhaxeynin, ficilkooda cadeynaya.

     

    Qodoba ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa "al wala wal bara" hadana waxaa illaalinaya maamulo heshiisyo amni la leh dawlada Ethiopia.

     

    Qofka cilmigaas waxaa laga cabiraa intuu yaqaano wuxuu ku falo, ya hada sheydaanka ka cilmi badan?

     

    Cilmi baan heynaa, afkana waan furaneyna waxba keeni mayso.

     

    Waana nimankaan kuwa ka dhaadhiciyay sh. ibraahim inuu "hudna" sameeyo, axmaarana lagu wada hoos noolaado wal ciyaadu billaah!


  6. To xiin/castro

     

     

    It's naive to think somalia's salvation lies in the extermination of alshabaab, when it was only them that drove out the ethiopians yesterday.

    Don't ask a question expecting a response that you will like. Brother Nur is trying to see things in larger context.