General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA DOWLADDA FEDERALKA KMG WASAARADDA WARFAAFINTA Xeerka Qabyada ee Saxaafadda HORUDHAC Warbaahintu waa adeeg daruuri u ah bulshada, waxtar weyna u leh. Warbaahintu run sheega ku dhisan waa midda u adeegeysa kobcinta dimoqraadiyadda, xuquuqul insaanka, horumarinta dalka iyo yagleelidda caddaaladda. source
  2. Adeer dont confuse yourself. 841,000 is not close to 203,000 nor is that close to 43,000 nor is that a couple of thousand. Go a head give us some new contradicting figures.
  3. Warbaahinta madaxa iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo kulmay Click here to find this article in English Mogadishu 01, June.07 ( Sh.M.Network) Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho golaha wasiirada dowladda KMG ah ee Somalia iyo warbaahinta madaxa banaan ayay ku ayideen warbaahinta xorta ah sharci ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirada dowladda KMG ah, sharcigaasi oo uu soo gudbiyay wasiirka warfaafinta Somalia. Kulankaan oo ka dhacay Hotel Nasahablood ayaa Saxaafadda madaxa banaan waxa ay ku ayiday sharci dhowaan ay ansixiyeen golaha wasiirada, kaas oo ah nidaam kala hagaya saxaafadda madaxa banaan iyo kuwa dowladda KMG ah. Wasiiradii kulankaan soo xaadiray ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah, Madoobe Nuunoow, wasiirka arimaha gudaha Max'ed Max'uud Guuleed Gacmodheere iyo wasiirka Bey'ada, amniga iyo cadaaladda. Wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah ayaa waxa uu sheegay in uu si weyn u soo dhaweynayo ayiditaanka saxaadda ay ayideen warbaahinta xorta ah. Waxa uu sheegay in sharcigaan uu soo maray la tashiyo aad u badan sida wasaaradda warfaafinta, lowyero caalami ah iyo xeerarka saxaafadda caalamka. Wasiirka arimaha gudaha Max'ed Max'uud Guuleed Gacmo-dheere oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii dowladda ee ka qeybgashay kulankaasi ayaa waxa uu tilmaamay in saxaafadda xorta ah laga doonayo in ay tabiyaan wararka dhabta ah isla markaana ay iska ilaaliyaan kuwa been abuurka ah. Kulankaan maanta ku dhex maray magaalada Muqdisho xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo saxaafadda madaxa banaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay gudi dhowaan warbaahinta madaxa banaan ay iska dhex magacowday oo la yiraahdo guddiga horumarinta sharciga saxaafadda Click here to find this article in English Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  4. Kulan Lagu Ansixiyay Maanta Shuruucda Saxaafadda Muqdisho(Calanka.com) 02-Juun-2007 -- JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA DOWLADDA FEDERALKA KMG WASAARADDA WARFAAFINTA Warbaahintu waa adeeg daruuri u ah bulshada, waxtar weyna u leh. Warbaahintu run sheega ku dhisan waa midda u adeegeysa kobcinta dimoqraadiyadda, xuquuqul insaanka, horumarinta dalka iyo yagleelidda caddaaladda. Saxaafadda iyo warbaahintu maadaama ay yihiin wax u adeegaya waa inay aahaadaan qaar leh xeer iyo xeer nidaam, oo aysan ku xadgubin xuquuqda, muwadiniinta, hay’adaha iyo dowladda toona. Beenta iyo dicaayadda aan sal laheyn iyo majara habaatinta xaqiiqadu waxay dhaliyaan fidno, isku dhac, bur-bur iyo is naceeb, waxaan waqtigan iyo mustaqbalkaba u baahanahay ay yihiin nabad gelyo, kala dambeyn, is qaddarin, cadaalad, waxdhis iyo nabad ku wada noolaansho. Xorriyadda qawlka oo ay ka mid tahya cabbirka fikirka iyo run sheegiddu waa mid ay aqoonsan yihiin falsafadda xeerka, heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo baaqyada heer qarad iyo gobol. Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya waxay damaanad qaaday oo ay oggoshahay heshiisyada la soo sheegay, waxayna dhiira gelineysaa xorriyaddaas, iyadoo lagu shaqeynayo qodobka 20aad faqraddiisa 1aad iyo 2aad ee Axdiga KMG ah. Hawlaha saxaafadda iyo warbaahinta waxaa nidaamiya oo soohdimeynaya xeerkan iyo xeerarka kale ee dalka. Saxaafadda iyo warbaahinta gar ahaaneed waa inay u kala soocnaato xilligii bur-burka ee la soo maray (1991-2004) iyo xilligan oo ay waddanka ka jrito dowlad sharci ah oo qaranku leeyahay. Dadku markay helaan awood ay ku heli karan warar sugan ayay yeelan karaan ka qeyb gal wacan ee faltanka Dimoqraadiyadda iyo nidaamka dowliga ah, waxayna is hortaagi karaan talaabooyinka waxyeelaya sharafta Qaranka sida: Laaluusha, eexda iyo isku xadgudubka. Ugu dambeyn, warbaahinta wanaagsan waa tan shacbiga ugu yeerta horumarinta iyo aslubuta wanaagsan, kana waanisa wixii waxyeelaya madax banaanida, nabad gelyada iyo Midnimada Qaranka. Xeerka Saxaafadda ama warbaahinta Qodobka 1aad
  5. The clean up has begun and it includes all the rubich left over these past 16 years/ As well as the structure of those clan looters, courts and anti-government support networks. they have been demolished. Thanks to Allah.
  6. Tahliil, back up your claims, you seem to just say what ever comes to your mind. Or is it the case of the Clan Courts who just said what ever that came to their mind. 854,213 Tigranynan boys Back it up or just say you dont have a clue what is going on in Somalia.
  7. After 16 years of abuse the capital of Somalia is starting to get its former beauty back. All the major roads have been reopened some of these have never been used for more than a decade. http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?ubb=get_topic;f=9;t=010989#000000 The air and seaports are functioning and all government buildings are back in public hands. All the police stations and the central prison are functioning. There are no roadblocks inside Mogadishu. No private port or air strip functioning. The admin is working over time with the locals to clean up the mess left behind by the years of neglect. Its starting to have an effect.
  8. Bilicda Muqdisho Oo Dib Usoo Laabaneysa 16-sano Kadib Muqdisho(Calanka.com) 29-May-2007 licda caasimadda Somaliya ee Muqdisho ayaa waxa ey kusoo laabaneysaa sidii lagu aqoon jiray ka hor dagaaladii sokeeye, waxaana hada maamulka gobolka Banaadir kadib howlo nadaafadeed ku beerayaan goobihii jardiinooyinka iyo taalooyinka ey ka taagnaan jireen ubaxyo iyo waxyaalo soo jiita indhaha dadka. Talaabadan ku beeridda ubaxyada goobahan ayaa timid kadib howlo nadaafadeed oo ey wadeen maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka Muqdisho, waxaana shacabka intiisa badan ey ku shaqeynayaan (Iskaa Wax U Qabso). Mar ey socod ku mareysay saakay shabakadda warbaahinta calanka.com deegaanka KM.4 ayaa waxa indheheeda ku dhacayay howlo beerista dhirta ee hareeraha wadooyonka iyo taaladii dheereyd ee SAYIDKA oo iyana lagu abuurayo hoosteeda geedo iyo ubaxyo. Waxaa sidoo kale socdaalka shabakaddu ey ku mareysay goobahan ayaa waxa ey qiimeyn ku sameyneysay amaanka xaafadahan oo runtii ahaa mid aad u wanaagsanaa, waxaana wadooyinka ku arkeysaa ciidamada boliska oo gawaari saaran qaarna wadooyinka ku lugeynaya. Mar aan wax ka weydiinay dad ku sugnaa halkaa sida ey u arkaan howlaha ey maamulka gobolku ka wadaan gobolka Banaadir ee soo celinta Bilicdii Muqdisho ayaa waxa ey ka dhiibteen fikrado kale duwan iyagoo kuligood hadaladoodu u wada socdeen hal jiho oo ah in ey aad usoo dhaweynayaan howsha ka socota caasimadda. Amaanka guud ee caasimadda ayaa ah mid aad u dagan in kastoo xiliyada galbihi iyo habeenkii ey xaafadaha qaar ey ka dhacaan dilal ey geystaan burcad ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo inta badan ey boolisku gacanta kusoo dhigaan. Calanka.com: - Isha Wararka Xaqiiqda
  9. Howlada Nadaafadda Oo Lagu Fidinayo Gobolada Muqdisho(Calanka.com) 24-May-2007 Wasaaradda arimaha gudaha Somaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in howlaha burburinta iyo nadaafadda ka socda caasimadda Somaliya lagu baahin doono gobolada dalka Somaliya oo dhan. Maxamuud Sayid Aadan oo ka tirsan wasaaraddan ayaa sheegay in howlahan buburinta guryaha sharci darada iyo sandaqadaha ey sida xowliga ah uga wadaan caasimadda Somaliya ey sidoo kale ka bilaabi doonaan maalmaha soo socda gobolada dalka. Waxaa sidoo kale si xowli ah uga soconaya magaalada Muqdisho howlo burburin oo ka duwan kuwii hore loo arki jiray, waxaana maanta la burburiyay oo dhulka la dhigay guryo sharci darro ahaa oo laga dhistay meelo jardiinooyin ahaa. Howgaladii maanta lagu burburiyay guryahan ayaa noqonaya kuwa ugu baaxadda weynaa oo ey fuliyaan maamulka gobolka Banaadir iyadoo awal la burburin jiray sandaqadaha iyo bushashka ka dhisan wadooyinka iyo suuqa Bakaaraha. Waxaa sidoo kale si xowli ah u socda howlo nadaafadeed oo isugu jira geed jarid iyo xaaqitaan, waxaana iminka la dhihi karaa marka aad eegto jawiga caasimadda Muqdisho in ey kusoo laabatay bilicdii 70% (Procent). Shacabka gobolka Banaadir ayaa si weyn usoo dhaweeyay howlaha nadaafadeed ee ka socda caasimadda Somaliya, waxaadna arkeysaa shacabka oo si iskaa wax u qabso ah uga shaqeynaya howlaha nadaafadda. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  10. The killings of the civil servants highlights the enemy. They were led by cowards who sent children to their deaths and fled to safety. They were behind the assisination of retired Somali officers. Now they kill men coming out of Mosques who are just doing their job. Their role is to keep the anarchy going, by killing maiming and putting mines in heavily populated areas. Theirs is a war of narrow clan interest and nothing more. Like I have said earlier, those webmasters, the clan "spokesmen" should be targeted for these killings. I dont know why some are now trying to distance themselves from such action, it was what you was calling for, and wishing for to keep Mogadishu in mayhem Alhamdulilah things are improving and those who wish for more blood are on the losing side.
  11. Azhari is a human being and all our leaders of the TFG including Prof Dalxa are. They are not super-men who pray for war and then run for safety. They do not parade children with guns and make barve statements and then run away. They dont use suiciide bombings nor have they ever occupied large farms, homes and property of fellow Muslim Somali;s. Our leaders make gaff's, yours occupy, defame the faith and send children to die while taking theirs to Cairo. Remember Abdiqasin, who acted so brave before the war and now is just another bump quite as ever.
  12. Magaalada Muqdisho ayaa howlgal xoogan uu ka socdaa iyadoo uu bilowday ugaarsiga lagu haayo kooxaha looga shakisan yahay iney ka danbeeyaan falalka amni xumo ee ka jira magaalada Muqdisho.
  13. Muqdisho:Ciidamada La dagaalanka argagixisada oo howlgalo ay sameeyeen ku soo qabqabtay dad loogu shakisan yahay Argagixiso. 2. Ciidamada la dagaalanka argagixisada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku soo qabqabtay rag lagu tuhunsan yahay iney xiriir la leeyihiin kooxaha falalka argagixiso ka wada magaalada Muqdisho. Xubnahan oo horay ugu tirsanaa Maxkamaddihii Islaamiga ayaa laga soo qab qabtay guryahooda, iyadoo xubnaha gacanta lagu dhigay ay ka mid yihiin Ganacsato taageeri jiray kooxihii ka dagaalamayey magaalada Muqdisho. Sh. Idiris oo ka tirsan xubnaha lagu soo qabtay howgal ay sameeyeen ciidamada dowladda ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii maxkamadda Towfiiq gaar ahaan ku xigeenada taliyeyaasha ciidamada, waxaana sarkaalkan lagu qabtay hoygiisa oo ku yiilay degmada Kaaraan, sidoo kale labo xubnood oo kale ayey ciidamada dowladdu ka soo qabteen degmada Shibis kuwaasi oo ka mid ahaa taageerayaashii maxkamaddihii Islaamiga. Nin ganacsade ah oo lagu naaneeso Majuujiye ayey ciidamada dowladdu ka qabteen deegaanka Suuq Bacaad, wuxuuna ganacsadahan uu gacan saar la lahaa maxkamadihii Islaamiga ee laga awood roonaaday, isagoo mudooyinkii danbe taageerayey kooxihii kacdoonka ka waday magaalada Muqdisho ee Muqaawamada ahaa. Majuujiye ayaa sadax maalin ka hor dalka dib ugu soo laabtay isagoo ka yimid magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo uu geystay caruurtiisa iyo xaaskiisa, waxaana lagu hayaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho oo danbi baaris ay ku socoto. Magaalada Muqdisho ayaa howlgal xoogan uu ka socdaa iyadoo uu bilowday ugaarsiga lagu haayo kooxaha looga shakisan yahay iney ka danbeeyaan falalka amni xumo ee ka jira magaalada Muqdisho. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  14. They ahve killed three men when they used to kill hundreds. They had the ability to send troops to distant areas and now hide out in their homes. Adeer its a slow slide to irrelevence for this group. Take Ahmed Diriye now days, he sounds like a different man than the bravado infested baffoon we have come used to. These killers have been caught, others will be tracked and arrests are being made daily.
  15. The deaths of these individuals should lie squirley on groups such as one led by Ahmed Diriye, the various clan webmasters of sites such as Wadanka,clannews.com and others who glorify these murders. Others groups like New SYl and HAG. Should also be careful. The days when one could write anything to incite others are over.
  16. Tahliil, Dalxa and Azhari are far better than those who fought to the last drop of other people and the children of Mogadishu's blood, while themselves being brave hiding out in Asmara. :eek:
  17. SAINT PAUL: Prof. Dalxa oo Booqday Mayor-ka magaalada Saint Paul (Sawiro) source
  18. Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynaayay Guddoomiyaha 1aad ee Baarlamanka DFKG Soomaliya Mudane Mohamed Cumar Dalxa ayaa lagu qabtay fiidnimadii jimcaha Xarunta Brian Coyle Center Posted to the MOL June 2, 2007, 3:13 pm Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynaayay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka DFGS mudane Mohamed Cumar Dhalxa ayaa lagu qabtay fiidnimadii jimcaha oo ay bishu Ahayd 06/01/07 saacaddu 6:00 pm .Xarunta (CSCM) ee Braincoyle center .xafladaasoo ay soo qabanqaabiyeen urur cusub oo la aasaasay Markii la unkamay DFGS lana yiraahdo (Somali American United Council) iyo CSCM oo ah xarunta communitiga soomaaliyeed ee mpls Gaar ahaan waxaa si hufan u daadihinayay Abdirisak Ahmed oo loo yaqan ducaysane iyo saeed faahiye. Xafladaas waxaa ka soo qaybgalay dhamaan jaaliyadda soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan iyo marti sharaf ka kala socotay haydaha gobolkan mpls ,iyo dadweyne kala ah culumaaudiinka ,haweenka aradayda soomaaliyeed ee wax ka dhigata magaalooyinka mataanaha ah ee mpls iuo st. paul ,aqoonlayda hobolada wabari oo ay hogaaminayeen abwaanka weyn eek u can baxay suugaanta Mohamed cabdulaahi sangub iyo faanaanada weyn ee saaado cali . Waxaa halkaa hadaloo qiimo leh ka soo jeediyay Haawo kamaaludiin haji oo u hadlaysay ururka haweenka ee mpls Waxayna iyadoo u hambalyaysay gudoomiye ku xigeenka inay soo dhaweyaan iyadoo ku hadlaysa magaca ururka haweenka ee mpls . Waxaa kaloo hadlay caasha abuukar oo ka timid Rochester oo ah magaalo u dhow mpls waxayna tidhi mudane dhalxa waxaanu ahayn isku iskuul si fiicana waan u aqaan waxaana ku dhaaranayaa inuu yahay nin soomaali dhab ah una qalma masuuliyadaan uu hadda u hayo shacabka soomaaliyeed sidaa darted mudane soo dhawoow . Waxaa iyadana hadal aad qiiro u leh halkaa ka soo jeedshay faadumo Hiirad oo can ku ahayd radio muqadisho kana mid ahayd hobollada waabari , faadumo waxay tidhi waxaanu rabnaa dowlad ma rabno qabiil waxay kaloo tidhi haweenka soomaaliyeed waxay naftooda iyo dahabkooda u hureen sidii ay u heli lahaayeen xoriyada xoriyaddii maray heleen oo ay calankii qaateen baa loogu jawaabay dil iyo dhac iyo kufsi dooni mayno bay tidhi dowlad la’aan . Waxaa markaa heesoo aad qiiro leh ka soo jeediyay hobolada qaranka oo ay hogaaminayaa Mohamed cabdullaahi sangub iyo saado cali. Gabagabadii baa waxaa qaatay micrafoonkii suldaam ibrahim Aliyow ibrow si uu u soo dhaweeyo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka mudane Mohamed cumar dhalxa wuxuunaa si aad ah uga mahadceliyay sidii diiranayd ee loo soo dhaweeyay wuxuuna balan qaaday inuu fulin doono waajibaad qaran ee la saaray .wuxuu ka hadlay baahida loo qabo in la helo nabadgalyo iyo kala danbayn si loo soo cesho qarankii soomaaliyeed ee burburay . Maxamed Xuseen
  19. The opposition groups are none other than those who have murdered hundreds of Somali's through the last 16 years. They are now killing locals who are working to better the plight of their neighbourhoods. They place mines, and fight inside populated areas killing and maiming civilians, displacing others. Then their supporters when they loose call it an outrage, forgetting the real outrages, the assasinations, mines, mortars. They will be hunted down the people are against them thats why they have resorted to such action. Killing a man coming out of Maghrib prayers. Duke
  20. ^^^The killers have been caught good news indeed. Every day the thugs who are behind these groups are being cripppled, weapons hidden in cemetries, hotels, houses and other locations are falling in governemnt hands. The local gun market is closed. Now everyone they kill will be replaced and we have enough brave people to replace the deceased, but the guns, and the influince they loose will be far too difficult to replace. PS: Allpuntland, Calanka and Waayaha are top Somali news sites dear lad. Though you relly on the clan tabloids which spew your propoganda.