
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Masoomayaasha Oo Digniin Dowladdu U Dirtay Muqdisho, Somaliya (Calanka) 06-Sebtember-2007 Kulan ballaaran oo ay maanta xarunta Gobolka Banaadir isugu yimaadeen mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda owqaafta iyo arrimaha diinta, mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, Imaamyada iyo Qadiibyada masaajida Muqdisho ayaa looga hadlay sidii si mideysan hal mar looga Soomi lagaa bisha Barakeysan ee Ramadaanka o fooda nagu soo heysa. Sh. Cali Sh. Maxamuud (Sh. Cali Dheere) oo ah Agaasimaha waaxda owqaafta oo kulankaas soo qaban qaabiyay ayaa Imaamyada iyo Qadiibyada masaajidyada Muqdisho u sheegay in khudbooyinka salaada Jimco ay noqdaan kuwo isku mid ah oo aan wax u dhimeyn arrimaha iminka ka taagan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in kormeer lagu sameyn doono masaajidyada isla markaana hal mar Muqdisho oo dhan looga soomi lahaa loogana ciidi lahaa si aaney u dhicin isbarbar yaacii iyo khilaafyadii hore. Imaamyada & Qadiibyada Masaajidda Muqdisho Wasiirka Dastuurta ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Md. Cabdullaahi Sh. Ismaaciil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay tallaabadan ay tahay mid si weyn ay u soo dhoweynayaan mas’uuliyiinta dowladda iyo shacbiga Islaamka ah gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho, intii karaamkooda ahna ay dowladdu taageero buuxda u fidin doonto. Ku xigeenka arrimaha Siyaadadda Gobolka Banaadir Md. Cabdulaahi Xasan Ganey (Firimbi) ayaa sheegay in ay tallaabo cad ka qaadi doonaan kooxaha ma soomayaasha ah iyo kuwa ganacsiga raashinka bisil sameeya xiliga bisha Ramadaan lagu guda jiro in ay mudeysan doonaan xarig iyo ganaax isagoo shacbiga Soomaaliyeed ee Muslimka ah ugu baaqay iney is xil saaraan oo aysan ka cabsanin amar dowlo, balse cidii ku xadgudubta ay tallaabo ka qaadi doonaan. Firimbi iyo A/Fitaax Shaawey “Kooxaha meelaha luuqyada ah raashinka ku kariya bisha Ramadaan waa la yaqaan, waana ka burburin doonaa” , ayuu si kulul u yiri Mudane Firimbi oo bisha Ramadaan shacbiga Soomaaliyeed ugu duceeyay nabad iyo barwaaqo. Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay ku xigeenadda Gobolka Banaadir oo ay ka mid yihiin Md. Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, Md. C/Fitaax Ibraahim Shaawey iyo mas'uuliyiin kale oo ka socotay dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir. Calanka + G/Banaadir Calanka.com: Isha Wararka Xaqiiqda
-
Somaliland dream to halt as Riyaale meet Somali President in Adis
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
^^^lool. Its only the natural course. North West Somalia will come into the fold as any other entity of the state. -
California: Huge meeting in support of TFG: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. The TFG is the only legitimate entity for Somalia. If one meets in Asmara or in Khartoum. Mogadishu is the place and no longer an excuse for the secessionists. -
Mogadishu: Banadir Admin puts foundation to new offices PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay mashaariic, kuwo kalena soo kormeeray 8. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Guddomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee xaga arrimaha bulshada Md. Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur ayaa saakay dhagixii ugu horeeyay dhigay dhismo lagu dayactirayo xarunta daryeelka hooyada iyo dhallaanka (MCH) ee degmada Kaaraan. Munaasabadii dhagax dhigaas kadib wuxuu Md. Dhagaxtuur soo indha indheeyay qeybaha dib u dhiska u baahan ee xaruntaas, wuxuuna gacan qaaday madaxda degmada, kuwa waaxyaha iyo dadweynihii ka soo qeybgalay munaasabadaas. Md. Dhagaxtuur wuxuu dadweynaha degmada Kaaraan ku amaanay sida ay heeganka ugu yihiin howlaha horumarinta ee degmadooda, wuxuuna intaas raaciyay in maamulka Gobolka Banaadir uu muhiimad gaar ah siinayo daryeelka hooyada iyo dhallaanka, taasna ay keentay in Gobolka uu diirada saaron dhismaha xarumaha MCH-yada. Isla maanta wuxuu Guddomiye ku xigeenka soo kormeeray dhismaha dayactirka xarunta MCH-ka degmada Boondheere oo dhismaheeda si habsami ah u socday, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta degmada, qeybaha ururada bulshada iyo ciidamada Booliska, waxaana halkaas ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka ku soo bandhigay kooxda hidaha iyo dhaqanka ee degmadaas. Md. Dhagaxtuur wuxuu mid mid u gacan qaaday madaxdii iyo kooxdii Hidaha iyo dhaqanka isagoo ku amaanay dhaqanka nabadeed ee soo jireenka ah, astaana u ah hab nololeedka reer Boondheere. Wuxuu kale uu Guddoomiye Ku xigeenku soo kormeeray dhismaha MCH-ka degmada C/casiis, wuxuuna dadka deegaankaas kula dardaarmay iney xafidaan MCH-ka ugana faa’iideystaan sidii loogu talagalay. Guddoomiye ku xigeenku wuxuu isla maanta dhagax dhigay dhisme lagu dayactirayo sadax beer nasasho (Jardiino) oo labo ka mid ah ay ku yaalaan isgoyska Baar Fiat, midka kalena ay ku taalo ka soo horjeedka xarunta wasaaradda gaadiidka ee degmada C/casiis. Ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha waaxda beeraha iyo xoolaha ee Gobolka Banaadir Md. Muqtaar Maxamed Axmed (Dhega Cadde), kaas oo sheegay in ay maanta tahay markii ugu horeysay mudo 17 sano ah oo shacbiga Gobolka Banaadir ay arkaan muuqaalka Jardiinooyin laga shaqeynayo, taas oo uu sheegay in ay ku timid dadaalka maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna ballan qaaday in si dhaqsa ah dayactirkaas kadib loo dhireyn doono beerahaas. “Waxaan maamulka gobolka Banaadir ka codsanayaa in la howlgeliyo faracii baadi qabadka, kaas oo howshiisu aheyd iney wax ka qabtaan xoolaha lagu soo daayo magaalada ee cuna dhirta iyo ubaxa qurxoon ee jardiinooyinka ku beeran” ayuu yiri Agaasime Dhega Cadde. Md. Dhagaxtuur oo isagana hadalkii qaatay ayaa u mahad celiyay agaasimaha iyo shaqaalaha waaxda beeraha, wuxuuna sheegay in maanta ay farxad u tahay iney arkaan diyaarinta beerihii nasashada iyo quraxda badnaa, wuxuuna tilmaamay in tani ay astaan muuqato u tahay rajo nabadeed iyo bilicda magaalada oo dib u soo noolaanaya. Wuxuu kale oo Md. Dhagaxtuur u mahadnaqay dadweynaha degmada C/casiis gaar ahaan haweenka, “Haweenka waa xoog iyo awood lafdhabar u ah dhismaha horumarka bulsho kasta waxaana marqaati ka ahay in howlaha gobolka Banaadir ay haweenku tiir adag u yihiin” ayuu yiri Md. Dhagaxtuur oo amar ku bixiyay in isla maantaba abaal marin dhiiri gelin ah la siiyo haweenkaas. Md. Dhagaxtuur waxaa kormeerkiisa ku wehliyay agaasimaha guud ee arrimaha bulshada G/Banaadir Md. Cabdulle Maxamed Qaasim, agaasimaha waaxda bullaacadaha iyo jidadka Md. Muqtaar Abuukar Macallin, Afaasimaha waaxda xogheynta guud Md. C/rashiid Ibraahim Maxamed, Agaasimaha waaxda warfaafinta ahna afhayeenka Gobolka Md. Maxamed Muxiyaddiin Cali iyo Wariyeyaal. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Somaliland dream to halt as Riyaale meet Somali President in Adis
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Dowlada Itoobiya oo wada wadahadal siinta Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha gobalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliy Mogadishu, Sabti , September 08 2007 SM Addis Ababa(AllPuntland)- Dowlada Itoobiya ayaa wada wada hadalo la doonayo in layskugu keeno Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka La baxay Somaliland Daahir Riyaale Kaahin. Wada hadaladan ayaa lafilayaa in ay dhacaan sida laga soo xigtay dowlada Itoobiya todobaadyada soo socda mar lafilayo in uu halkaasi booqdo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed. Dowlada Itoobiya ayaa cadaadis xoogan waxa ay ku saartay Maamulka Hargeysa in ay ka soo dagaan mowqifkooda ku aadan in ay Soomaaliya ka go'ayaan ayadoo taasna dowlada Soomaaliya siweyn uga soo horjeedo. Raysal wasaaraha Itoobiya Meles Sanewi ayaa horay usheegay in dowladiisu wado qorshayaal Soomaaliya lugu mideynayo isagoo dhawaan aqalka Madaxtooyada Addis Ababa ku qaabilay Daahir Riyaale Kaahin lamana yaqaan waxyaabaha ay ka wada hadleen ,inkastoo labada Masuulba ay ka gaabsadeen. Saxaafada Caalamka ayaa labadii todobaad ee ugu danbeysay waxa ay ka faalooneysay wada hadalo dhexmara dowlada Faderaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya iyo maamulka La baxay Somaliland. Wararkan ayaa waxa ay kaloo sheegayaan in Daahir Riyaale lafilayo todobaadkan in uu tago Addis Ababa ,markaasina uu dhaco wada hadalan la sheegayo in uu la yeelanayo Masuulka ugu sareeya dalka Soomaaliya. Madaxweynayaal African ah oo fara badan oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Kenya ,Madaxweynaha Jabuuti ,Madaxweynaha Ghana ,Madaxweynaha Ugandha iyo Madaxweynayaal fara badan ayaa lafilayaa in ay goobtaasi joogayaan. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa dhowr jeer oo la weydiiyay in uu ka waramo xaaladaha gobalada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya ayuu ka gaabsaday. Soucer: AllPuntland -
California: Huge meeting in support of TFG: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Nice to see the support. -
California: Huge meeting in support of TFG: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
California: Huge meeting in support of TFG: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
California: Huge meeting in support of TFG: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
California: Huge meeting in support of TFG: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
California: Huge meeting in support of TFG: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
California: Huge meeting in support of TFG: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
1. Mohamud Ali Biixi (Sandiego) 2. C/raxmaan Ahmed Shiikh (Jabhad) (Los Angles) 3. Mohamed Abdi Xayuuke (Miinimo) (Los Angles) 4. Muqtaar Ahmed Mohamud (Katiitow) (Minnesota) 5. Shukri Tooxow Mohamed (Minnesota) 6. C/raxmaan sheekh hassan (Timoos) (Minnesota) 7. C/raxiin Ali Ahmed (Los Angles) 8. Abuukar Hiraabe ( Bakar) (Minnesota) 9. Muxidiin shiikh Ahmed (Los Angles) 10. Mohamud Mohamed Ahmed (Gaashaan) (Los Angles) W/D: Muqtaar Ahmed Mohamud (Katiitow) California, USA -
Shirweyne Waqooyiga Amerika oo lagu tageerayo DFKMG ayaa ka dhacay gobolka California. Anaheim, CA - Waxaan shirweyne aad looga soo shaqeeyay lagu qabtay gobolka California, Magaalada Anaheim ee Orange County. Waxaa ka soo qeyb galay shirkan ilaa mas’uuliyiin gaarayso 150 xubnood oo ka kala yimid gobolada kala duwan ee dalka Marayakanka. Shirka ujeedadiisa waxay ahayd Taagreeda DFKM ee Somaliyeed iyo Soo dhaweynta shirkii dib u hashiisiinta ee dhowaan ku dhamaaday guul, Iyo waliba in lagu dhaleeceeyo kooxda isku magacaawday Barlamaanka Xorta ah iyo Maxaakiimtii Islaamka ee ku sugan Asmara Kuwaas oo abaabulayo shir lagu marin hababinayo Ummada Soomaaliyeed. waxaaana halkaas tix buraanbur ah ka tirisay Hooyo Soomaaliyeed oo la yiraahdo hooyo Ambiyo taas oo ka tarjumayso taageerada ay dowlada u hayso. Waxaana qadka telefoonka uga qeyb galay xubnaha dowlada kuwooda marka la is dhihi karo waxaa loo qabay su’aalo iyo inay ka warbixiyaan howlaha ay ummada Soomaaliyeed u haayaan, Isla markiiba waxaa qadka telfoonaka uga qeyb galay wakiilka qaramada midoobey u fadhiya dowlada federalka AMB. Elmi A. Du’ale isagoo ku sugan xarunta New york kaas oo ka hadlay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeya DFK iyo iyo QM waxaana la weydiyay su’aalo ku saabsan hay’adaha samafalka Ee sooomaaliya inay la shaqeyaan DFK waxuuna halkaa ka cadeeyay in la soo afjari doono waxuuna ku nuuxnuuxsaday inay QM isku raaceen in soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin qarashkoodina la soo ogolaaday. Isla markiiba waxaa isna qadka telefoonka shirka uga qeyb galay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Ali Abdullahi Ossoble Siyaad oo xiligaa ku sugnaa magaalda Nairobi, waxuuna ka warbixiyay wasaaradiisa inay shaqeyn doonto dhawaan sida ay ka dhawaajiyeen M/weyne Abdullahi Yusuf iyo R/Wasaare Prof. Ghedi. Waxa si weyn loogu sacab tumay mar kali ah heesta calanka si wadajir ah ay u wada qaadeen dhaamaan mas’uuliyiintii halkaas ka qeybgaleen ayna ku soo dhaweyen qadkala telefoonka R/Wasaaraha DFK Prof. Ghedi waxuuna isla markiiba dadka uga mahad celiyay taagerada aan kala go’a lahay ee u hayaan dolwladooda. Waxuuna dadka u sheegay inuu salaan uga sido M/Weynaha DFK Md. Abdullahi Yusuf iyo Gudomiyaha Barlamanka Soomaliya Shiiq Adan Madoobe. Waxa uu ka warbixiyay R/wasaaruhu siyaasada guud ee dalka Soomaaliya waxuuna halkaas ka cadeyay inaysan jirin wax qilaaf ah inaysan ka dhex jirin isaga iyo M/weynihiisa Md. Abdullahi Yusuf. Waxuuna ka hadlay inuu maamul goboleedyadu ay sii fidayaan iyo waliba degmooyinka dhamaana ay yihiin kuwa salka u ah jiritaanka Qaranka Soomaaliya doorashooyinkana laga soo diyaarin doono mustaqbalka soo socda. R/wasaaraha waxuu dadkii halkaas ka soo qayb galay ku booriyay inay ku dadaalan midnimada ummada soomaaliyeed taas oo hordhac u yahay shirweynihii nabadaynta ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay Somaaliya kaas oo ay isku gacan qaadeen kuna heshiiyeen dhamaan qabaa’ilada soomaaliyeed. Waxuuna halkaa dhaleecayn dusha uga tuuray R/wasaaraha mucaaradka isku sheega ku sugan Asmara inay yihiin kuwa ka shaqeeya lugooyada ummada soomaaliyeed. Dowladiisana ay kala hadashay dalka Eritria inay joojiyaan dibin daabyada ee ku hayaan shacabka soomaaliyeed. Waxaa R/wasaaraha ka dib halkaas ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala yimid gudaha waqooyiga America. Waxaa jaaliyada Minnesota u hadlay Ing. Omar Shiiq Ali oo ka mid ahaa aqoonyahanada soomaaliyeed. Xildhibaanad Marwo Xido Farah oo iyadu ka mid ah qurba joogta kana mid ah barlamanka ku meel gaarka ah DFK waxayna halkaas u gudbisay shacabkii iskugu yimid inay horey u dhaqaaqaan oo ay ka qeyb galaan dib u dhiska dalka iyo harumarinta shacabkooda. Waxaa halkaa ka hadlay mas’uul ka mid ah mas’uuliyiintii ka soo shaqeeyay bangiga dhexe ee soomaaliyeed mudo dhan 21 sano mudane Maxamed Muumin oo ka tirsan Jaaliyada Sandiego. Waxaa qeyb libaax leh ka qaatay Dr. Abdullahi Hassan Yusuf (Spima) isla marakaan waxaa la wareegay hadlka mudane Osman Ahmed Ali (Kurtun Waareey) isagoo isla marka ahaan jiray gudoomiyihii hore ee Kurtun Waareey. Waxaan halkaa gabay Wadani ah ka tiriyay Mohamed Hiirad oo ka yimid jaaliyada Sandiego. Waxaana dhamaan halkaas si wadajir ah u wada hadlay una mahadceliyay dhamaan inta shirka ka soo qeyb gashay gudigii soo qaban qaabiyay waxaana kala yihiin mudanayaasha.
-
Thanks walaal Duke, it' great to be back. Northerner the TFG wasn't killing anyone and if it did so then it is not their fault. It is the terrorists and clan-courts fault and Allaah the great will judge them as such. They will be held accountable for starting this without any hope of achieving a political goal or objective. They don't have the strength, money, necessary preparation nor the leadership to start any of their murderous trait actions.
-
Mogadishu: Banadir Admin puts foundation to new offices PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Mogadishu: Banadir Admin puts foundation to new offices PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Mogadishu: Banadir Admin puts foundation to new offices PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Mogadishu: Banadir Admin puts foundation to new offices PICS
General Duke posted a topic in Politics
G/ku xigeenka maam-ulka g/ banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada oo dhagax dhigay seddax Mch Mogadishu, Sabti , September 08 2007 SM Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Max’ed Cismaan Dhagaxtuur ayaa maanta dhagax dhigay xarumo MCH ah oo ku kala yaalla degmooyinka Kaaraan, Boondheere iyo C/casiis. Xarumahan MCH-yada oo 17kii sano ee dowlad la’aanta dalka ka jirtay ku burburay isla markaana aan lagu sameynin wax dayactir ah ayaa waxaa haatan u soo jeestay inay mar kale 17 sano kaddib boorka ka jafaan maamulka gobolka Banaadir ee uu horkacayo Max’ed Dheere. Max’ed Cismaan Dhagaxtuur, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ayaa maanta ku soo wareegay seddaxdaasi MCH, isagoo mid mid u dhagax dhigay isla markaana warbixino kaga dhageystay guddoomiyaasha degmooyinkaas. Dhagaxtuur, sidoo kale, waxa uu kormeer ku sameeyay waaxda beeraha ee dowladda hoose oo haatan iyadu ku howlan dayactirka jardiinooyinka dowladda hoose. Md. Dhagaxtuur oo hadal u jeediyay xubnihii ka soo qeyb galay munaasabaddaasi ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo maamulka degmooyinkuba inay gacan ka geystaan sidii mar kale dib loogu dayactiri lahaa xarumihii dhallaanka iyo hooyada, si ay u helaan dawooyin iyo daryeel caafimaad. Dhagaxtuur waxa uu beesha caalamka ka codsaday inay shacbiga Soomaaliyeed gargaar degdeg ah la soo gaaraan maadaama ay soo dhowdahay bishii barakeysneyd ee Ramadan, sidoo kalena wuxuu ganacsatada Soomaaliyeed inay bisha Ramadan fadligeeda shacbiga Sooamaliyeed u qafiifiyaan raashinka quutul daruuriga ah. Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia -
Somaliland dream to halt as Riyaale meet Somali President in Adis
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Dowlada Itoobiya oo wada wadahadal siinta Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha gobalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliy Mogadishu, Sabti , September 08 2007 SM Addis Ababa(AllPuntland)- Dowlada Itoobiya ayaa wada wada hadalo la doonayo in layskugu keeno Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka La baxay Somaliland Daahir Riyaale Kaahin. Wada hadaladan ayaa lafilayaa in ay dhacaan sida laga soo xigtay dowlada Itoobiya todobaadyada soo socda mar lafilayo in uu halkaasi booqdo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed. Dowlada Itoobiya ayaa cadaadis xoogan waxa ay ku saartay Maamulka Hargeysa in ay ka soo dagaan mowqifkooda ku aadan in ay Soomaaliya ka go'ayaan ayadoo taasna dowlada Soomaaliya siweyn uga soo horjeedo. Raysal wasaaraha Itoobiya Meles Sanewi ayaa horay usheegay in dowladiisu wado qorshayaal Soomaaliya lugu mideynayo isagoo dhawaan aqalka Madaxtooyada Addis Ababa ku qaabilay Daahir Riyaale Kaahin lamana yaqaan waxyaabaha ay ka wada hadleen ,inkastoo labada Masuulba ay ka gaabsadeen. Saxaafada Caalamka ayaa labadii todobaad ee ugu danbeysay waxa ay ka faalooneysay wada hadalo dhexmara dowlada Faderaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya iyo maamulka La baxay Somaliland. Wararkan ayaa waxa ay kaloo sheegayaan in Daahir Riyaale lafilayo todobaadkan in uu tago Addis Ababa ,markaasina uu dhaco wada hadalan la sheegayo in uu la yeelanayo Masuulka ugu sareeya dalka Soomaaliya. Madaxweynayaal African ah oo fara badan oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Kenya ,Madaxweynaha Jabuuti ,Madaxweynaha Ghana ,Madaxweynaha Ugandha iyo Madaxweynayaal fara badan ayaa lafilayaa in ay goobtaasi joogayaan. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa dhowr jeer oo la weydiiyay in uu ka waramo xaaladaha gobalada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya ayuu ka gaabsaday. -
Somaliland dream to halt as Riyaale meet Somali President in Adis
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Its the natural course adeer. -
Muqdisho: Dowlada Soomaaliya oo guul ka gaartay Howgalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho. 8. september 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Inta badan dowlada Soomaaliya ayaa guulo ka gaartay nabada ku soo celinta Magaalada Muqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya. Dowlada faderaalka ee Soomaaliya ayaa maanta war ay shaacisay ku sheegtay in gabi ahaanba magaaladu tahay meel nabdoon markii todobaadkan la weeraray fariisin ay daganaayeen kooxaha nabad diidayaal ay ugu yeertay dowlada Faderaalka ee Soomaaliya. Wasiiru dowladaha wasaarada Arimaga gudaha ee dowlada faderaalka KMG ee Soomaaliya Maxamuud Sayid Aaden ayaa sheegay in lasoo afmeeray howgalladii ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo degmada Heliwaa. Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in soo afmeeridan ka danbeysay markii la qabtay Saraakiil sare oo ka mid ah kooxaha amarada siin jiray kooxaha wax weerara ,isagoo wasiiru dowluhu carabka ku dhuftay in dhawaan la soo bandhigayo. Maxamuud Sayid Aaden ayaa intaasi raaciyey in dadkaasi yihiin kuwa Madax ka soo noqday Maxkamadihii dalka laga saaray sannadkii hore ,inkastoo uu sheegay in dhawaan Saxaafada loo soo bandhigayo. "Dhamaan amaanka magaaladu waa 95% waa lasoo afmeeray inta badan howgallada ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya isagoo sheegay dhawaan lasoo afmeerayo kooxaha qaraxyada ka wada Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho"Ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Maxamuud Sayid Aaden. Dhinaca kale Wasiirku wuxuu beeniyay in ciidamada dowlada Soomaaliya oo dhan ka baxeen degmada Heliwaa isagoo sheegay in ay halkaasi ka baxeen ciidamada gurmad kuwaasoo uu sheegay in soo dhameeyaan howgallo ay halkaasi ka wadeen 3 todobaad oo xiriir ah. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
Mogadishu: police top unit raid safe house, kill arrest many
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamo tiro badan oo Amar Qaata Dowladda Federaalka oo maalintii labaad ku sugan Gudaha Suuqa Bakaaraha Khamiis, September 06, 2007(HOL): Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad waxay ku sugan yihiin gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo Suuqaasna aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah. Waddo kasta oo gasha Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa jooga Ciidamo Mileteri iyo Boolis isugu jira, kuwaasi oo dadka u diidaya in ay gudaha u galaan Suuqa Bakaaraha, iyadoo mararka qaarkoodna ay dhacdo in dadka ay rasaas ku kala eryaan marka ay damcaan in ay ka gudbaan waddooyinka ay Ciidamadu joogaan. Waddooyinka ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku sugan yihiin ee aan laga geli karin Suuqa Bakaaraha waxaa ka mid ah Waddada Koowaad oo isku xirta Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Baar Ubax iyo Wadada labaad oo iyadana isku xirta Isgosyada Aadan Cadde iyo Carwo Idko. Xaaladda Suuqa Bakaaraha ayaa mar kale waxay noqotay mid cakiran, waxaana gebi ahaan istaagay ganacsigii Suuqaas ka socon jiray, iyadoo taasina ay sii adkeysay nolosha dad badan oo manaafacaadsan jiray wixii ay ka soo xoogsadaan goobaha Shaqo ee ku yaala Suuqaas. Shaqo joojinta saaran Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Dadka ku dhaqan Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay u diyaar-garoobayaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay soo iibsanayeen Raashinkii ay isticmaali lahaayeen Bishaas. Waa Markii labaad oo uu Suuqa Bakaaraha noqdo meel ay Ciidamo ka taliyaan tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu noqday Suuq ay Soomaaliya oo dhan ku xiran tahay, wuxuuna dhawaan soo maray 18 maalmood oo Qaraxyo iyo iska hor-imaadyo ay ka dhacayeen kadib markii ay gudaha Suuqa isku haleeleen Dhalinyaro Bambooyin tuura Ciidamada Dowladda Federaalka. Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ku baaqayaan in la joojiyo iska hor-imaadyada ka dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda, wuxuuna Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) uu caddeeyay in haddii aan la joojin iska hor-imaadyada Suuqa ka dhacaya ay taasi keeni doonto in Suuqa lagu kala guuro. -
Asmara: Eritrean coffee meeting, led by Xasan Dahir
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Asmara: Shirka Asmara oo maanta ay isku barteen rag isku mowqif ah oo kala aragti duwan “Warbixin khaas ah” 6. September 2007 Asmara(AllPuntland)- Shir loogu magic daray shirweynaha xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliya oo ay isugu yimaadeen Hoggaamiyeyaashii Maxakiimtii laga awood roonaaday, kooxda Baarlamaanka xorta la maga baxay iyo aqoonyahano qurbo joog ah iyo xubno iskood isaga socday. Ugu horeyntii iyadoo la isku qabtay cidda hoggaamineysa shirka ayaa xalin kadib la isku raacay oo loo doortay Dr. Cumar Iimaan Abuubar oo horay u ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Shuuradii la eryay kaasoo ugu horeyn sheegay in shirkani uu yahay mid ka dhashay shir ay horay wadaada ugu yeesheen magaalada Doxa ee dalka Qadar isla markaana uu yahay mid natiijadiisa laga filayo waxa uu ku tilmaamay xoreynta Soomaaliya waayo ayuu yiri shacbiga Soomaaliyeed waxay sugayaan dalka la heysto sida uu hadalka u dhigay. Sheekh Shariif Sh. Axmed Guddoomiyihii Midowgii Maxkamaddaha ee xadka ka tallaabay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu xasuuq ka dhacay kaasoo dowladda Federaalka ku eedeeyay iney u baneysay Itoobiya oo lala xisaabtami doono dhibaato uu sheegay in dalka gaar ahaan Muqdisho ay ka dhacday. Shariif Xasan Sh. Aadan Guddoomiyihii xilka laga xayuubiyay oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu jiro dhib ka taagan gudaha Soomaaliya ayna mas’uul ka tahay dowladda Itoobiya wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in Soomaalida loo daayo iney iyadu maamul dhisato. Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ku hadlayey bulshada rayidka ayaa sheegay in howsha ay maxkamadduhu qabteen uu ku tilmaamay mid wanaagsan mudadii ay maamulayeen qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, isagoo rabitaankiisa ku sheegay in shirkani ay taageersan yihiin Soomaalida. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ku hadlayey aqoonyahanka dibada u qaxay ayaa sheegay inuu heysto Baasaboor Britian ah uuna ka seexan karin xadgudub uu sheegay in lagu haayo dadka Muqdisho, wuxuuna dalka Ugandha ku eedeeyay in ay ka soo duulu jireen diyaaraddihii lagula diriray xiligii Maxkamaddaha balse Tarsan oo horay xubin firfircoon ugu ahaa maxkamadihii burburay wakiilna ugu ahaa dalalka Midowga Yurub. Eng. Xuseen Maxamed Caydiid oo isna halkaa ka hadlay ayaa shacbiga Soomaaliyeed ka codsaday in ay ka cafiyaan hadalkii ahaa in la isku furi doono xuduudaha Itoobiya iyo Soomaaliya hal baasaboorna yeelan doonaan balse Xuseen Caydiid uma cadda inuu shalay qaldanaa maantana uu saxan yahay ayna dhici karto isbadal siyaasadeed cusub oo uu hadana cafis ku weydiisto. Gabagabadii shirkaasi intii ka hadashay waxaa ay ka mideysnaayeen naceyb gaamuray oo ay u qabaan dowladda Federaalka ah iyo dalalka deriska ee Soomaaliya gacanta ka siiyay soo celinta amaanka kuwaaasoo ku baaqay in la sii wado dagaalada iyo qaraxyada ka dhacaya Muqdisho kaasoo dhibaatadiisa ay iyagu, xasaaskooda iyo caruurtoodaba ay dibada ka joogaan oo ay saameyneyso shacbiga Soomaaliyeed oo dhibaato inteeda leh ay ku hayaan kooxaha nabad diidka, balse shirka maanta ayaa ahaa mid ay isku baranayeen rag horay warbaahinta isaga bartay oo maanta aragti ahaan isu horyimid xili uu madasha fadhiyay Sh. Xasan Daahir Aweys oo beesha caalamka ay u aqoonsan tahay inuu ka mid yahay argagixisada caalamiga ah, waxaana la sugayaa cida ku guuleysata aragtiyada aqoonyahanada oo ah Dimoqraadi, Baarlamaanka xorta oo ah Dastuurka yaala iyo wadaadada oo raba ku dhaqanka shareecadda Islaamka. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Aferwarki the host of Xasan Dahir and Co Xasan Dahir in Asmara guest of Aferwarki
-
Mogadishu: Northwest forced to use new TFG passport
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^loool. Oodweyne maybe educated who knows? Can not say the same about the rest of the secessionist crowd. Yet one must note for all their chest beating they still can not overcome the puff of smoke that is "Somaliland", a clan feifdom with no recognition or army and even smaller in size than Puntland. Somali passport is a reality.