
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Addis Ababa: Jandayi Frazer: “Erateriya waxay shirka ku casuuntay Argagixiso sida Xasan Xasan Aweys waxayna hub u dirtay kooxda al-shabaab ee Aadan Ceyrow” 9. September 2007 Addis Ababa(AllPuntland)- Haweeneyda kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka ee arrimaha Africa Jendayi Frazer ayaa ku eedeysay dalka Erateriya in ay gabaaad siisay kooxo argagixiso caalami ah oo ku jira liiska dadka lagu tiriyo iney xiriir la leeyihiin ururka Al-Qaacida. “Qaraarkii ay isku raaceen Q/Midoobay oo tirsigiisu ahaa 13224 iyo dowladda Mareykanka halka golaha amaankuna uu ku ansixiyay qodobka 1267 kaasoo Xasan Daahir la xiriirinayo argagixiso caalami ah iyo kooxda Al-Shabaab iney yihiin xubno xiriir dhow la leh Argagixisada caalamiga, ayey dowladda Erateriya u suura gelisay shirka Asmara inuu soo fariisto xubin ka tirsan argagixisada la baadi goobayo ee Xasan Daahir Aweyse, taasoo muujineysa cadeyn buuxdana u tahay in Erateriya ay gacan siisa Argagixisada” ayey tiri Mrs. Frazer. Sidoo kale Mrs. Frazer waxay ku eedeysay dowladda Erateriya in hub iyo saanad milateri siisay kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho ka dagaalama oo uu hoggaamiyo Aadan Xaashi Ceyrow oo ay sheegtay inuu tababar ku soo qaatay dalka Afghanista,. Mrs. Frazer waxay tilmaamtay in shirka Asmara lagu carqaladeynayo shirkii dib u heshiisiinta iyo dowladda Federaalka, iyadoo tilmaamay in caalamkuna uu dadaal ugu jiro sidii mira dhal u noqon lahaa go’aanadii shirweynihii dib u heshiisiinta ee Muqdisho ka dhacay. Waxay kaloo intaa raacisay Jandayi Frazer in dowladda Mareykanka ay u taagan tahay sidii lo taageeri lahaa dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya taasoo wax badan ka qaban doonto xaalada dalka uu iminka ku sugan yahay, iyadoo sheegtay in dhawaan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu ka furmi doono dalka Talyaaniga, ayna ka qeybgeli doonto shirkaasi ay soo qaban qaabiyeen kooxda xiriirka caalamiga. Gabagabadii Mrs. Frazer waxay sheegtay in Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia ay kala hadashay sidii loo dhowri lahaa xaquuqda aadanaha iyadoo beenisay in ciidamada Ethiopia ay gabood fal ka geysteen gudaha dalka Soomaaliya waxayna difaacday in xadgudubyo ay u geysteen ciidamada Ethiopia dad rayid ah. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Asmara : Selfish Xasan Dahir again defeats his clan group
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xasan Dahir Aways was always hiding in Asmara since his and Eritrea's defeat in southern Somalia. Xasan Dahir again puts himself above the movement by not staying in the dark. Its all great news indeed. -
Xasan Daahir Aweys oo dartiis isku khilaafeen xubnaha Asmara. Last Updated::2007-09-10 20:34:54 Asmara:- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa hogaamiye diimeed aad looga yaqaan Koonfurta Somalia, isla markaana ahaa Guddoomiyihii Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamiga Somalia ayaa dhawaan kaamirooyinka caalamka muddo badan oo is qarinayay laga arkay isagoo fadhiya xarunta lagu qabanayo Shiweynaha ka socda magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Sheekha ayaa Mareykanka ku daray liiska xubnaha argagaxisada ah ee Geeska Africa, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay tan iyo markii ay Maxkamadaha isaga baxeen Somalia la weysanaa goobta uu sida rasmiga ah ugu sugan yahay caalamka. Dowlada Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa inay Eritrea ku eedeysay inay dhulkeeda soo galisay xubno Argagaxiso ah oo uu kamid yahay Sheekh Aweys, balse Eritrea ayaa ku andacooneysa inuusan Sheekha aheyn argagaxiso. Ergada ka qeyb galeysa shirka Asmara ka socda ayaa isku heysta xiligaan ka qeyb galka shirka ee Sheekh Xasan Daahir Aweys iyadoo qaarkood ay sheegayaan in sheekha uusan aheyn argagaxiso isla markaana hadii shirkaan uu ka maqnaado ay kusii dhagi doonto shabada argagaxiso. Xubnahaan ayaa sidoo kale codsaday inay Mareykanka iyo Sheekh Aweys dood dhex dhigaan taasoo loogu hadlayo arimahiisa, isla markaana Mareykanka la su’aalayo sababaha uu Xasan Daahir argagaxiso u noqday. Xubnaha kasoo horjeeda ka qeyb galka shirka Sheekha ayaa ku andacoonayaan inuu Sheekha yahay Target Mareykaka uu u gaarsanayo sidaasi darteedna uu Mareykanka marmarsiyo ugu heli karo sidii uu usoo weerari lahaa Eritrea isagoo ku andacoonaya inay gabaad siisay kooxaha Argagaxisada caalamiga ah. Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegay in dib u dhacii kal hore ku yimid furitaanka shirka ay aheyd inay xubnaha ka qeyb galaya shirka ay isku mari waayeen ka qeyb galka Sheekh Xasan Daahir Aweys waloow markii ay go’aasandeen inuu ka qeyb galo si caalamka loo tuso inaysan jirin wax argagaxiso ah oo Soomaali shaca ku leedahay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhawaan la filayo inay kasoo qeyb galaan shirka rag aad uu Mareykanka u doondoonayo kuwaaso kala Macalin Aadan Xaashi Ceyroow iyo Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo labadaba ku jira liiska Argagaxisada ee Mareykanka soo saaray dhawaan. Buuq aad u xoogan ayaa xiligaan ka aloosan ergada ka qeyb galeysa shirka Asmara oo laba dhinac u kala jabeen iyadoo la sheegay hadii buuqaan uu sii xoogeysto inay keeni karto in shirka uu burburo. Si kastaba ha ahaatee, ka qeyb galka shirkaan Asmara ka socda xubnaha uu Mareykanka doon doonayo ayaa keeni karta dagaal bareer ah oo uu Mareykanka kusoo qaado xukuumada xiligaan dhisan ee Asmara isagoo ugu mar marsiyoonayo inay gabaad siineyso kooxaha uu u yaqaan Argagaxisada caalamiga ah ee Geeska Africa.
-
Haji Abukar Umar Cadaan makes deal with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Geedi oo heshiiyay la galey ganacsade Abukar Cadani 10 Sep 10, 2007 - 6:51:36 AM Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa saakay aroornimadii ka soo degay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo ka soo laabtay safar dhowr maalmood ah oo uu dalka Jabuuti kula kulmayey madaxda Jabuuti iyo qaar ka tirsan xubnihii Maxkamadaha. Geeddi ayaa Jabuti kula kulmay xubno uu horkacayey Ganacsade Xaaji Abukar Cumar Caddaan oo ah maalgalayihii ugu weynaa ee Maxkamadihii Islaamiga ee firxaday iyagoo ka wada hadlay sidii loo gaari lahaa dib u heshiisiin iyo isu soo dhowaansho dhex marta dowladda Federaalka iyo xoogaga ka soo horjeeda. Dhinaca kale kulanka Raa'isla wasaaraha iyo Xaaji Maxamuud Cumar Caddaan ayaa waxaa goob joog ahaa Eng. C/qaadir Eenow, Maareeyaha Dekadda Muqdisho Cabdi Jiinow, Ganacsade Iimaan Maxamed Cali, Eng. C/qaadir Maxamed Cosoble oo isku reer ah iyo Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo xubin ka ahaa isbaheysigii Argagixiso. Bashiir Raage iyo ganacsade Abuular Cadaani ayaa waxa dhexmarey dagaalo lagu hoobtey kuwaas oo ka dhacey deegaanada Ceel Macaan, Ceel Cadde, Galgalato. Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ahaa ninkii gacanta ku hayey dekadda dabiiciga Ceel Macaan ayaa sheegay inuu kulankan ku faraxsan yahay uuna soo dhoweynayo iyadoo uu ku laaban doono magaalada Muqdisho oo uu ka barakacay xilligii dagaalada isagoo intaa raaciyay inuu diyaar u yahay isu soo dhawaansho iyo heshiis dhex mara dadkii ay wax kala gaareen. Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar ayaa isna dhankiisa ka sheegay in kulankani uu yahay mid bilow fiican u ah heshiiska labada ganacsade iyo beesha ay ka wada dhashen isagoo sheegay in uu aad u soo dhoweynayo iyagoo si wada jirna ugu mahad celiyay kaalinka uu ka qaatay dib u heshiisiintan Ra'iisul Wasaare Geeddi. Xubnahaan ayaa intooda badan horey u soo raaceen Ra'isal Wsaare Geedi halka Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ay isu soo raaci doonaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo iminka ku sugan Yamen. Heshiiska xubnahan ayaa guul u ah Geedi kadib markii Maxaakiimta uu kala soo baxey intii badneyd xubnihii kaga jirey beeshiisa. Garowe Online,Muqdisho -
Haji Abukar Umar Cadaan makes deal with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Great step forward. Those who want to make peace will be welcomed with open arms. -
Haji Abukar Umar Cadaan makes deal with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Geedi iyo ganacsato caaan ah oo Muqdisho gaaray. Last Updated::2007-09-10 08:57:33 Muqdisho (HRNet):- Ra’iisul Wasaaraha KMG ah ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi oo ay wehliyaan qaar ka mid ah ganacsatadii uu kula shiray dalka Djibouti, ayaa saaka aroor horey gaaray magaalada xarunta ah ee Muqdisho, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Cabdullaahi Muxiyadiin Maxamed Codka, ayaa sheegay in socdaalka Geedi ay ku wehliyeen ganacsato ay isku beel yihiin, oo ay ka mid yihiin Ganacsade Injineer Eenow iyo Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar. Sida uu sheegay Mr. Codka, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa sidoo kale la filyay inuu soo raaco ganacsade weyn ee Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, hase yeeshee waxaa uu u baaqday sababo caafimaad. Geedi, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport kusoo dhoweeyay, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladad Somalia. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu joogay dalka Djibouti waxa uu wada hadalo kula soo yeeshay Madaxda dalkaasi iyo ganacsade xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ah maal geliyihii ugu weynaa ee Maxkamadaha Islaamiga ah -
Haji Abukar Umar Cadaan makes deal with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Reer Cadaani & Prof. Geedi oo Muqdisho soo gaaray Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 10-Sebtember-2007 Wafdi uu hogaaminayo ra`iisal wasaaraha Somaliya mudane Cali Maxmed Geedi oo ey ka mid yihiin ganacsato iyo xubno ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka sida Maxamuud Cumar Cadaani, Bashiir Raage Shiiraar iyo xubno kaloo bdan ayaa saakay kasoo dagay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wafdigan oo sida la sheegay kasoo duulay magaalada Djabouti ayaa waxa ey iminka wadahadalo kula leeyihiin xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed. Prof. Geedi iyo ganacsadaha caanka ah ee Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa mudooyinkan danbe waxa ey wadahadalo uga socdeen dalka Djabouti, waxaana sida la xaqiijiyay wadahadaladaasi kusoo dhamaadeen is afgarad iyo guul taasoo keentay in ey usoo baqoolaan dhinacaas iyo magaalada Muqdisho. Xaaji Abuukar Cadaani iyo walaalkiis Maxamuud Cumar Cadaani ayaa waxa ey ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamka ee dalka laga saaray dhamaadkii sanadii hore (2006), waxaana ey ka mid ahaayeen ganacsatadii sida aadka ah maalkuudu ugu dagaal galeen Maxkamadihii Islaamka, dagaalkaasoo ey kula jireen hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ee la baxay magicii "Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada" Si kastaba ha ahaatee imaatinka xubin ka mid ah reer Cadaani islamarkaana ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka magaalada Muqdisho ayaa ah mid dowladda federalku ku guuleysatay in ey kala qey-qeybiso xubnihii Maxaakiimta isla markaana heshiisyo la gaarto inta ey u arkaan in ey wax ka geysan karaan nabad kusoo dabaalidda caasimadda Muqdisho. Xaaji Abuukar Cadaani, walaalkiis Maxamuud Cumar Cadaani iyo wiil uu dhalay Xaaji Abuukar ayaa waxaa ey ka mid ahaayeen xubnihii horay u raacay Maxkamadihii Islaamka dhinacaas iyo Kismaayo, walow maalmo kadib ey isu dhiibeen boliska dalka Kenya si ey uga badbaadaan dagaaladii laguna jiray Maxkamadihii Islaamka. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda -
Muqdisho: Raysalwasaare Geedi iyo Sheekh Abuukar Cumar Cadaani oo soo gaaray Muqdisho shirna la leh Madaxweynaha Jamuuriyada Somaaliya. 10. september 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi iyo qaar ka mid ah Ganacsato siweyn looga yaqaano Soomaaliya. Wafdi uu hogaaminayo Ra`iisul wasaare Geeddi ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ,waxaana xubno ka ah Wafuudan Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan iyo Ganacsato kale. Wafuudan waxa ay kulamo la leeyihiin Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayadoo shirkaasina ay fadhiyaan qaar ka mid ah ganacsatadii gacansiijirtay Maxkamadihii dalka laga saaray. Kulankaan ka socda Vila Soomaaliya waxaa sidoo kale jooga wafuud ay ka mid yihiin Ganacsade Bashiir Raage Shiraar iyo Xaaji Xuseen Cagey oo dhamaantood ka mid ah ganacsatada siweyn looga yaqaano guud ahaan Soomaaliya taageerayaal fara badana ku leh Magaalada Muqdisho. Wararka ka soo gaaraya AllPuntland magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in lafilayo in saacadaha soo socda Muqdisho uu soo gaarayo Ganacsade Maxamed Deylaaf ,waxaana lafilayaa dhamaanba ganacsatadan in ay ka qeybqaataan nabad ku soo celinta magaalada Muqdisho. Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi ayaa maalmihii ugu danbeeyey joogey dalka Jabuuti wuxuuna la kulansanaa ganacsatadan soo gaartay maanta magaalada Muqdisho. Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa wada heshiisyo ay la galeyso dadka sida weyn ay utaageersan yihiin dadka Muqdisho si loo joojiyo nabad ku soo celinta magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
G/Sh/Dhxe Yuusuf Dhuumaal " Ciidamadu waa Mopil hadba meesha loo arko in looga baahanyahay ayaa la geynaa" Madaxa hawlgalinta Ciidamada Police-ka Dawlada Federaalka G/Sh/Dhexe Yuusuf Dhuumal ayaa waxa uu ka warbixiyey sababaha keenay in ay ka soo baxaan Ciidamada Police-ka goobihii ay ka daganaayeen Degmada Hurwaa ee Magaalada Muqdisho. G/Sh/Dhexe Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in Ciidamadu yihiin Mobil oo kale lana geynayo hadba meeshii loo arkaa in ay amaanka ka sugi karaan. "Anagaa horey u dajinay Fasiimidii Hurwaa hadana anagaa ka soo saarnay markii aan aragnay in aan looga baahneyn hada waxaase sheegayaa in ay laabanyaan hadii ay timaado baahidii ay u tageen kal hore" Ayu Yiri Yuusuf Dhumaal. Dhinaca kale Ciidamadii Police-ka ee laga soo saaray Hurwaa ayaa saaka la dajiyay Agagaarka Shineemo Puntland iyo waliba Hotel Ramadaan. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia
-
AFhayeenka ciidanka booliska oo ka war bixiyay gobo ay ka guureen ciidamada. Written by Xassan Bile User Rating: / 0 Col.Yuusuf Xuseen Cisman (Dhuumaal) ayaa sheegay in ay ciidamadaasi ay yihiim ciidamo mobayl ah oo la geeyo mee shii larabo. isagoo sheegay in ay kooxaha ay laad sanayaan ay guur guuraan hadba meel ayeey dagaan kadib ciidamada waxaa qasab ku ah meeshii ay ku tuh maan in ay kadaba guuraan. waxakale uu sheegay in ay isticmaalaan kooxaha ay ku raad joogaan in ay iska soo dhigaan haween ay indha sharer soo xirtaan ay xamaali iska dhigaan . waxakale uu sheegay ciidanka meesha laga soosaaray in looga soo saaray iyadoo laga gaaray dan tii laga lahaa meeshana waa meel shacab leeyahay . midakale wuxuu sheegay in ciidamada xalay laga dilay labo askari iyagana ay kadileen labo. waxakale uu sheegay in aysan jirin wax ciidan lasheego oo kazoo hor jeeda waxa dhuumaaleeysanaayo waa wax uu ku sheegay dad ilaa toban qof oo xabado bash bash iaka siiyo oo carara. dhuumaal waxa kale uu sheegay in qolooyinka ka soo horjeeda tababka ay isticmaalaan oo kale ama ka badan ay isticmaali doonaan.
-
Mogadishu: soccer and youth sports thrive in capital: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Mogadishu: soccer and youth sports thrive in capital: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Mogadishu: soccer and youth sports thrive in capital: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Tartanka Fustall-ka Dugsiyada Gobolka Banaadir 2007 Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho Mogadishu, Sabti , September 08 2007 SMC Waxaa garoonka Bisha Cas xaafadda Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ka laga furmay tartan kubadda cagta ciyaarta loo yaqaan Futsal-ka kasoo loogu magacdaray tartanka dugsiyada Gobolka Banaadir , tartankan oo uu soo agaasimay macalinka Xulka qaranka Futsal-ka Soomaaliyeed qabiir isboorti garsoore hore oo heer caalami Xaaji Yuusuf Maxamed Sheekh . Tartankan oo ay ka qeybqaadanayaan 8 kooxood oo kala ah Alxikma, rage Ugaas, Aqoon Bille , Khadiija binta Khuwela, Iqra 1 , Delta PS, Horseedka nabadda, Rajab. Xeritaanka oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan iyo ciyaartoydii hore qaar ka mid ah , waxaa halkaasi qudbad ka soo jeediyey ugu horeyn Guddoomiyaha qabanqabada tartanka C/lle Cusmaan Cumar wuxuu sheegay inay dadaal u galeen qabashada tartankan oo ay sheegeen inuu tartankan yahay mid ay wax badan kaga faa`deysan doonaan oo ah in ay soo baxaan jiilka Soomaaliyeed oo ku wanaagsan ciyaarta Futsal-ka waxayna u mahadceliyeen kooxihii iyo ciyaaryahanada ka qeybqaatay oo iyagu ah kuwa da`yar. Sidoo kale waxaa mas`uuliyiinta halkaasi ka hadlay ka mid ahaa Xoghayaha guud ee XSKC C/qani Saciid Carab oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qeybgalka tartamada Fustall isagoo shegay in ciyaarta uu daawaday ay ahayd mid xiiso badan , wuxuuna shaaca ka qaaday in XSKC ay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan Futsall-ka isagoo u mahadceliyay mas`uuliyiintii soo agaasintay oo uu ugu horeeyo Xaaji Yuusuf. Ciyaarta Finalka ee ugu danbaysay waxaa isku arkay kooxaha dugsiyada Raage Ugaas vs. Khadija Bintu Khuela waxay waqtigii loogu talagalay ku soo idlaatay 5-1 oo ay guusha ku raacday kooxdii dugsiga Khadija Bintu huela waxaa ciyaartan garsoorayay Maxamed Faarax iyo Cismaan Canaay. Waxaana ka soo qeybgalay tartankan mas`uuliyiin iyo marti sharaf , ciyaaryahano , taageerayaal ciyaarta Futsall-ka xiiseeya. Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia
-
Somaliland dream to halt as Riyaale meet Somali President in Adis
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Somalia is coming back on its feet. Those who want to chase Ethiopia by all means do so. But the TFG is serving the interest of Somali's by restoring order. -
The mayor's of Adan, Sanca[Yemen] and Mogadishu sign agreements
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxda Caasimadaha dalalka Somalia iyo Yeman oo Heshiis iskaashi iyo is-dhaafsiga badeecadaha kala saxiixday Mogadishu, Sabti , September 08 2007 SM Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdishu, Md. Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Deegaanka ee Caasimadda dalka Yeman, Amiin Jumcaan ayaa kala saxiixday Heshiis ay labada Maamul ku hagaajinayaan iskaashigooda , is-dhaafsiga Kheyraadka iyo adeegyadda danaha ay wadaagaan labada Shacb ee Somalia iyo Yeman. Maxamed Dheere, oo ka hadlay munaasabadda Heshiiskaasi lagu saxiixay , ayaa ka mahdaceliyey sida diiran ee isaga iyo Wafdigiisa loo soo dhaweeyey iyo dadaalka ay Dowladda Yeman ugu jirto sidii ay Walaalahooda Soomaalida gaacan uga siin lahaayeen dib-u-heshiisiinta, Kooxaha Siyaasadda iyo dib-u-dhiska dalka. Dhinaca kale, Wafdiga Maxamd Dheere, oo maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay socdaal rasmi ah ku tegay caasimadda dalka Yeman, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda uga sii baqoolo dalal kale oo aan la cayimin, inkastoo ay wararka qaarkood sheegayaan inay Wafdigaasi dib ugu soo laaban doonaan magaalladda Muqdishu. Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia -
Asmara: Eritrean coffee meeting, led by Xasan Dahir
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Anyone for coffee -
The mayor's of Adan, Sanca[Yemen] and Mogadishu sign agreements
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maxamed Dheere oo maanta la kulmay ra'isal wasaaraha Yemen Last Updated::2007-09-08 22:28:09 San'a:-Gudoomiyaha gobolka Banaadir isla markana ah duqa degmada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb oo booqasho ku maraya dalka Yemen ayaa waxaa uu magaalada Sanca maanta kulan kula yeeshay------- ra'isal wasaaraha dalka Yemen DR Cali Maxamed Mijwar Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb ayaa waxaa uu ugo horayntii gudoon siiyay ra'isal waaraha dalka Yemen dhambaal uu uga siday dhigiisa dalka Somaliya Cali Maxamed Geedi .dhambaalkas oo la xiriiray xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo xaaladahii u dameeyay ee dalka Somaliya Labadan masuul ayaa waxa ay kulankoodan kaga wada xaajoodeen sidii labada dal Somaliya iyo Yemen ay u xoojin lahayeen xiriirada iskaashi ee u dhexeeya labada dal gaar ahaana labada caasimadood ee San'a iyo Muqdisho iyada oo lagu wado in mayorada labada caasimadood ay qalinka ku duugi doonan heshiisyo iskaashi Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay kulankan ayaa waxaa uu madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax ku amaanay kaalintii uu ka qaatay ka mira dhalinta shirkii dib u heshiinta beelaha Somaaliyeed oo dhowaan lagu soo geba gebeeyay magaalada Muqdisho taas oo ka qeyb qaadatay xasilooni ku soo dabaalida dalka Somaliya iyo kaalinta uu madaxweyne Salax ka qaatay isu soo dhaweynta aragtiyada kooxaha Somalida Ra'isal waaraha dalka Yemen Dr.Cali Maxamed Mijwar oo ugu damayntii kulankan ka hadlay ayaa waxa uu amaanay talaaboyinkii loo qaaday dhinaca dib u heshiisiinta Somalida iyo xasiloonida yoolka u ah dhamaan shacabka Somaliyeed,waxana uu dib u xaqiijiyay in dawlada Yemen ay taageerayso dadaal kasta oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada ka taagan dalka Somaliya . Fayasal wakaalad wakaalad@hotmail.com HorseedNet.com -
The mayor's of Adan, Sanca[Yemen] and Mogadishu sign agreements
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maxamed Dheere Oo Dhigiisa Kula Kulmay Mag. Cadan Cadan, Yemen (Calanka.com) 06-Sebtember-2007 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo shalay ka dhoofay Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxay Magaalada Cadan ee dalka yemen kula kulmeen madax ka tirsan Magaaladaas iyo kuwa xukuumadda. Guddoomiye Maxamed Dheere waxay la kulmeen Guddoomiyaha Magaalada Cadan Axmed Maxamed Aadan, waxayna ka wada hadleen xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Yemen, shacbigooda iyo xaaladaha xagga horumarka ah ee laga sameeyey nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya. Kulankaas waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Yemen Saalim Axmed Maxamed Xaydara, Safiirka Yemen ee dalka Soomaaliya Danjire Axmed Xaamid Cumar iyo xubno kale. Wuxuu Guddoomiye Maxamed Dheere xukuumadda Yemen ku amaanay doorkeeda muuqda oo ay ka qaadato sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya, wuxuuna intaas raaciyey in booqashadiisu ay ka dambeysay martiqaad la xiriira sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya shacabka labada dal ee walaalaha ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir wuxuu mahadnaq ballaaran u soo jeediyey Madaxweynaha dalka yemen Mudane Al Sayid Cali Cabdalla Saalax, isagoo ku ammaanay kaalinta geesinimada leh ee uu ka geysto dadaallada loogu jiro sidii loo taageeri lahaa dibuheshiisiinta iyo nabad ku soo dabaalidda geyiga Soomaaliya. Wuxuu kale oo dowladda Yemen ku ammaanay sida walaaltinimada leh ee ay u marti geliyeen kumanyaal qaxooti Soomaali ah oo xilliyadii ay Soomaaliya ka qaxeen megensaday dalkaas. Madaxda iyo shacbiga Soomaaliyeed waxay aad ugu riyaaqsan yihiin kaalinka hoggaamin ee Yemen, Xukuumaddeeda iyo dadkeeda oo uu madaxda ka yahay Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax, waxayna ku bogaadinayaan sida ay u taageereen dadaallada ay xukuumadda fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya ku doonayso inay ku sugto amniga iyo degganaanshaha si loo gaaro dibuheshiisiin dhab ah oo soomaaliyeed. Muddada ay Guddoomiye Maxamed Dheere iyo wafdigiisa joogaan dalka Yemen waxay kulamo kale la yeelan doonaan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumaddaas, waxaana la filayaa inay soo booqan doonaan goobaha taariikhiga ah ee ku yaal Magaalada Cadan. Calanka + G/Banaadir/b> -
Imaam's and religious leaders meet TFG : PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Indeed, Shiekh Ali Dheere is making some head way. In truth day by day there is posative news coming from Mogadishu. -
Somaliland dream to halt as Riyaale meet Somali President in Adis
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
^^^Nicely put, a wise old man indeed. -
Imaam's and religious leaders meet TFG : PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
More than 450 ulema meet -
Imaam's and religious leaders meet TFG : PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta oo in ka badan 450-culumaa’udiin ah kulan kula yeelatay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir Mogadishu, Jimco , September 07 2007 SMC Kulan ay soo qaban qaabiyeen wasaarada Awqaafta iyo arrimaha diinta ayna ka qeybgaleen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka uuna ka mid ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ahna wasiirka destuurka Baarlamaanka federaalka C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa waxa looga hadlaayay mideynta Masjidyada magaalada Muqdisho si aadaanka salaadaha ee magaalada Muqdisho uu u noqdo mid qura. Sidoo kale kulankaas waxaa looga hadlay waqtiyada Bisha Ramadaan, Afurka iyo Ciidaha, oo sanadihii la soo dhaafay ay ahaayeen kuwo ay culumadu isku khilaafsanaayeen, taasoo keeni jirtay in khilaaf ay dadku ku soomaan kuna ciideystaan. Ka qeybgalayaasha kulankaas oo gaarayay ku dhawaad 500-ruux kana kala socday Masjidyada ku yaal magaalada Muqdisho ayaa iyaguna soo dhaweeyay in loo baahnaa mideynta Culimada, gaar ahaan kuwa maamula masjidyada oo intooda badan aan laheyn wax xiriir ah. Agaasimaha Waaxda garsoorka iyo arrimaha Diinta sheikh Cali Sheekh Maxamuud [ Sheekh Cali Dheere] kana mid ahaa mas’uuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa waxa uu sheegay in waqtiga salaada Jimcaha goobaha ganacsiga aan la furi Karin ilaa la tukado salaada Jimcaha. Sidoo kale Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/laahi Xasan Ganey Firinbi ayaa isaguna amar ku bixiyay gaadiidka Bl-ka iyo goobaha ganacsigaba inay joojiyaan howlahooda inta lagu jiro salaada Jimcaha, isagoo amar dul dhigay gudoomiyaasha degmooyinka iyo saldhigyada Booliska degmooyinka G/Banaadir, isagoo sheegay in cidii amarkaas jebisa talaabo sharci laga qaadi doono Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia -
Imaam's and religious leaders meet TFG : PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shiekh Ali Dheere Imaam's and religious groups from Mogadishu