
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Maleeshiyooyin hubeeysa oo jid gooyoyin dhigtay Gudaha magaalada Kismaayo Sh, M network 02 Jan 08, 05:35 Mogadishu 02, Jan. 07 (Sh.M.Network)-Maleeshiyooyin ku hubeeysan qoryaha fud fudu ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay jid gooyooyin ugu badnaa dhigteen gudaha magaalada kismaayo. Dhigashadan isbaarooyinka ayaa magaalada kismaayo ka ahaayeen kuwo ku sii kordhayay magaalada gudeheeda iyagoo gooyay wadooyinka halboowlaha u ahaa magaalada Kismaayo . Isbaaroyin gaaray illaa afar ayaa waxaa ay dhigteen maleeshiyadan meelo ay ka mid yihiin isgooyska Aargo,qacle iyo wadada dheer ee gasha Dekeda Kismaayo oo xaniban maalintii 2aad waxaan aay ku ridayeen gawaarida isku soo dayda in ay soo maraan wadooyinkaasi rasaas xoogan, oo baqdin galisay dadka ku nool deegaanada ay maraan wadooyinka . Xiliyada habeenkii oo ay xalay ugu horeeysay waxaa ka soo dul dhacayay gaadii aan ka war heeyn xirnaanshiyaha wadooyinkaasi ee ay joojiyeen maleeshiyaadkaasi,oo ka imaanaya magaalada dibadeeda taasoo sababtay in rasaas aan loo meel dayin ay uuda kaga qaadaan, waloow ayan geeysan wax qasaare ah. Magaaada Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya dedaalo lagu doonayo sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinkaasi oo ay wadaan hogaanka dhaqanka iyo siyaasada Beesha **** kuwaasi oo lagu doonayoin lagu qaado jidgooyooyinka iyo xurgufta ka taagan magaalada Kismaayo. Arintani ayaa ka danbeeyasay kadib marikii xilka laga qaaday gudoomiyihii hore ee dhinaca siyaasada beesha **** C/ risaaq Faarax Taano, taasoo marki danbe loo magacaabay Ismaaciil Qalinle oo ka mida siyaasiyiinta beesha ****. Arintani ayaa sababtay in cirka ay isku shareerto sababtayna in maleeshiyaad taabacsan **** C/ risaaq Faarax Taano ay la wareegaan gacan ku heeynta dekeda kismaayo iyo jidgooyooyin ay dhigtaan martamaha magaalada Kismaayo. Arintani ayaa saameeyn weeyn ku yeelatay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Kismaayo taasoo ay walaac xogan ka mujiyeen waxgradka iyo dadka kale ee ku nool magaaladaasi.
-
Baidoa: new cabinet to be announced within days
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Touchy? Why. As for the cabinet, I have to see the list first to make any comments. However hope is here already. -
^^^Thats the best take I have read in a long time. Though Yey is not the old Chairman. I will give him the credit of being a strong leader, who is on the road to unify Somalia. Like Mao future leaders will use Yey's foundation to build a strong and prosperous Somalia.
-
-
Halkan ka daawo muuqaalo ku saabsan wax qabadka shaqaalaha MSF Spain ee maanta lagasii daayay afduub lagu heystay muddo 7-aad ah. Shaqaalaha ururka dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF Spain oo muddo todobaad ah lagu heystay gobalka bari ee dalka Soomaaliya waxaa ay ka mid yihiin shaqaale caalami ah oo shacabka Soomaaliyeed u qabtay wax badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin,waxaana howshoodu ay tahay mid aan dahsoonayn oo caalamka oo dhan laga wada ogaaday. Afduubayaasha Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay dhibka iyo qafaalashada ka daayaan dadka meelaha fog fogugasoo gurmaday oo ay suuragal tahay xilliyada ay qafaalanayaan in ay dad qaraabo hoose la ah wax u qabanayaan ugu yaraanti, hadiiba aanay iyaga qafaalanaya wax u qabanin xiligaa. Bal cin waanka hoose ka daawo sawirro muujinaya wax qabadka dhabta ah ee shaqaalaha hey’adan ee maanta lasii daayay ay u sameeyeen bulsho weynta Soomaaliyeed. Halkan ka Daawo Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com e Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmoyin@gmail.com
-
Labadii hablood ee u shaqaynayay MSF Spain oo la sii daayay( War deg deg ah ) Last Updated::2008-01-02 16:02:05 Bosaso:-Labadii hab lood ee u shaqaynayay hay'ada MSF Spain ee afduubka loogu haystay duleedka magaalada Bosaso ayaa goor dhawayd la sii daayay Habalahan oo u kala dhashay dalalka Arjanintina iyo Spain ayaa haatan waxa ay ku sugan yihiin Internatioanal Village Ilaa iminka lama oga in kooxdii dablayada ahayd ee haysatay la siiyay lacag madax furasho ah taas oo ay horay u dalbadeen iyo in kale Wixii faah faahin ah haka dheeran HorseedNet
-
President Yusuf ''Somaliland must leave Puntland''
General Duke replied to NASSIR's topic in Politics
^^^loool. Decimaed and beaten back. Adeer the only reason you are in LA, is because of a political issue within the Puntland clan family. This and the fact that allot of our troops are in the south shoring up the TFG defence forces. These vents are temporary and will lead to the end of the secessionists day dream of SSC. We have not had war with you but if it does lead to that we have Yusuf a renowned warrior and you have Riyaale a spy. -
President Yusuf ''Somaliland must leave Puntland''
General Duke replied to NASSIR's topic in Politics
M/weyne Yusuf "Somaliland Hadaaney kabixin Sool Way Burburaysa" Suldanka, dont run away like you did when the locals chased your defence chief out of Sanaag. You guys are only tough on TV. -
Hub sharci daro ah oo lagu qabtey magaalada Muqdisho ee caasimada ah Ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee kusugan maagaalada muqdisho ee gobolka banaadir oo maalmahaan siweyn ugu soo badanayay Magaaladaasi ayaa maanta soo qabtey hub fara badan ,oo ay adeegsanayeen Kooxaha sida weyn uga soo horjeeda dowlada KMG ah ee Soomaaliya , Hubkan ayaa waxaa laga qabtey deegaano ka tirsan degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, waxaana uu isugu jirey bambooyinka gacanta laga tuuro, hoobiyeyaal iyo waxyaabaha qarxa, iyadoo lagu soo bandhigay saldhiga Booliiska ee degmada Dharkeenley. Gudoomiyaha degmada Dharkeenley Axmed Daaci ayaa saxaafada u sheegay in ay qabteen hubkan ka dib markii ay heleen Warbixino ku aadan in kooxaha hubkan heystaa yihiin kuwa dagaalada ka wada magaalada Muqdisho, waxaana uu ku hanjabay inay soo qaban doonaan hada ka dib cid kasta oo lagu tuhmayo inay dhibaato ka wadaan magaaalda Muqdisho. Axmed Daaci wuxuu kaloo Ku hanjabay in ay gacanta ku soo dhigi doonaan Xubno wali looga shakisan yahay amnidarada Magaalada Muqdisho , Khaalid Maxamuud SBC International
-
President Yusuf ''Somaliland must leave Puntland''
General Duke replied to NASSIR's topic in Politics
^^^We had fo over five years, its our land thus dont worry adeer. just dont hide like the rest of the secess do when the news turns bad. -
President Yusuf ''Somaliland must leave Puntland''
General Duke replied to NASSIR's topic in Politics
^^^He defeated you five years ago thus your comments mean nothing ya secess -
President Yusuf ''Somaliland must leave Puntland''
General Duke replied to NASSIR's topic in Politics
Everything has its time. We must priorities. The secessionist are not a big threat and will be dealt with in due time. SSC is not their land and their claims to it will bring their demise. -
Skipper, there are tribes in Europe who have fought each other in the past, however the governmental systems of those nation are much more entrenched and mature compared to the African nations. An example of their tribalisam can be highlighted in the Balkan conflicts. You had Croats, Serbs, Slovenians, Bosnian Muslims and Albanians in kosovo neighbours for decades under Tito's Yuguslavia turn on each other. Now we have Slovenia, Croatia, Serbia, Montenegro and Kosovo were there was one country. The Nazi war against the Jews and the Slav's is another form of Tribalisam or as they term it ethnic conflict. Thus this is not an African problem it manifests itself in every corner of the world.
-
Its alarming 250+ dead in a day or two. This without even major weapons being involved.
-
President Yusuf ''Somaliland must leave Puntland''
General Duke replied to NASSIR's topic in Politics
The man has spoken. Action will follow. -
MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF: “Nimanka soo duulay oo Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali-mayo dalka in ay kala gooyaan oo Dad Soomaali ah oo gobolladooda jooga ay xoog ku qabsadaan” Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Talaado, January 01, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalintii shalay ahayd dib ugu soo laabtay Dalka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu magaalada Baydhabo ku qabay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xaaladdiisa Caafimaad, Tayada Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, Xaaladda Magaalada Muqdisho iyo Xiisadda ka taagan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Madaxweyne Yuusuf oo markii uu shirka jaraa’id qabanayay ay dhinacyadiisa fadhiyeen Guddoomiyaha Baalamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu sheegay in caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay, isla markaana muddo todobaadyo ah lagu soo daweeyay Isbitaal ku yaala Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, “Saxaafadaha Caalamka ayaa waxay qorayeen in uu caafimaadkeyga aad u liito, qaar waxay sheegayeen in aanan soo noqoneyn, kuwana waxayba sheegeen in aan socday (dhintay), balse hadda waxaad u jeedaan in aan wanaagsan yahay oo aan soo laabtay”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in uu haatan dib u sii amba qaadayo howshii qabyada ka ahayd dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu ka hadlay Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ah Xukuumad aad uga tiro-yar Xukuumadihii soo maray Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Xukuumaddaas oo ka kooban 18 wasiir iyo 5 wasiir ku xigeen ay noqon doonto mid xul ah oo dhibaatada ka saarta Dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Yuusuf wuxuu soo hadal qaaday xaaladda magaalada Muqdisho iyo dagaallada ka dhacaya, wuxuuna sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii ay u xasilin lahayd caasimadda Muqdisho, isla markaana ay dadkii ka barakacay dib ugu soo noqon lahaayeen. “Sanad buuxa ayaa laga joogaa markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya tagtay Magaalada Muqdisho, intaas waxaa dhacayay dagaallo, iyadoo halka lagu dagaalamayayna ay tahay meel ay dad ku nool yihiin oo aan ahayn meel bannaan ah, hadda wixii ka dambeeya laga yeeli maayo in ay macno darro dadka ku dhameeyaan kooxaha dagaallada ka wada Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf. Sidoo kalena Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, wuxuuna sheegay in aan maamulka Somaliland laga yeeli doonin in ay xoog ku qabsadaan dad gobolladooda jooga, “Dowlada Federaalka iyo qof kasta oo muwaadin ah midna yeeli-mayo in Soomaaliya la kala gooyo, Nimanka soo duulay oo Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali-mayo dalka in ay kala gooyaan, lagana aqbali-mayo dad Soomaali ah oo gobolladooda jooga in ay xoog ku qabsadaan, dabadeedna iyagoo raba in ay xoog ku go’aan in ay la go’aan laga yeeli-mayo”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uu rajeynayo in uu maamulka Somaliland Ciidamadiisa la baxo oo uu wax fahmo. Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu si kulul uga hadlo xiisadda ka taagan Gobolka Sool tan iyo markii loo doortay madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisan ku soo beegmayaa iyadoo ciidamo u daacad ah maamulka Somaliland uu dhawaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Hub fara badan oo ay soo qabteen Ciidamada Dowlada Soomaaliya Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo maalmahaan siweyn ugu soo badanayay Magaalada Muqdisho ayaa maanta soo qabtey hub fara badan, kaasoo ay adeegsanayeen Kooxaha Dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda, ayagoo laga soo qabtey degmooyinka Gobalka Banaadir ee Dalka Soomaaliya. Ciidamadu waxa ay saaka howlgal balaaran ka sameeyeen deegaano ay ka mid yihiin degmada Dharkiinleey, ayagoo halkaasi ka soo qabtey hub fara badan oo iskugu jira Bambooyinka gacanta laga tuuro, Hoobiyayaal iyo Waxyaabo kale oo dhamaantood ka mid ah waxyaabaha qarxa. Gudoomiyaha degmada Dharkiinleey ayaa Dowladnimo.com usheegay in ay qabteen hubkan ka dib markii ay heleen Warbixino ku aadan in kooxaha hubkan heystaa yihiin kuwa inta badan dhibaatada ka wada Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in haatan lasoo qabtey dadkii iyo Hubkii ay adeegsan ayeen. Axmed Daaci wuxuu kaloo hoosta ka xariiqey in ay gacanta ku soo dhigi doonaan Xubno wali looga shakisan yahay amnidarada Magaalada Muqdisho , isagoo taasna sheegay in mar dhaw Saxaafada loo soo bandhigayo marka lugu guuleysto in lasoo qabto. Kumanaan dad ah oo maanta iskugu soo baxay Saldhiga degmadaasi ayaa loo soo bandhigey Hubkaasi fara badnidiisa iyo Noocyadiisa, isagoo uu halkaasi hadal wacyigalin ah ujeediyey dadka taliyaha ciidamada Booliska ee degmadaasi, wuxuuna ugu baaqay in ay dadku soo sheegeen Nabad diidayaasha ku dhuumanaya deegaanada gobalka Banaadir guud ahaantiis gaar ahaana degmada ay joogaan. Taliyuhu wuxuu sheegay in ay ciidamadu wadayaan howlgallada ay ku soo qabanayaan Hubabka Sharcidaradaa ee loo adeegsanayo amaandarida Soomaaliya iyo Kooxaha adeegsanaya oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda Israaca Umada Soomaaliyeeed. Madaxda Duqowda dhaqanka ee degmadaasi oo halkaasi ka hadlayay ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey ciidamada Booliska Soomaaliya, ayagoo sheegay in ay yihiin kuwa doonaya in dalkoodu gaaro nabad waarta, taasna ay ku mudan yihiin in lagala shaqeeyo. Mid ka mid ah Odayaasha ayaa shaaca ka qaaday in ay gacansiin doonaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ,isla markaana ay sharci tahay in lasoo gacangaliyo cid walboo ka soo horjeeda amaanka Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya. Hubkii maanta lasoo bandhigey ayaa ahaa kii ugu faraha badnaa ee laga soo qabto degmada Dharkiinleey, ayagoo ay dadweynuhu soo dhaweeyeen talaabada geesinimada leh ee ay ciidamadu Sameeyeen ee ku aadan soo qabashada hubabkan. 01 Jan 2008 by Dowladnimo
-
Oda, its funny that a secessionist is talking about Somali nationalisam. The hypocracy of the secessionist fringe group is quite immoral. The TFG defeated the most powerful armed groups in Somalia. The secessionist are nothing to worry about, hence their new found love of Somalia and its people. Some even pretend to be religious.
-
Taliyaha Qeybta galbeed ee Booliska Bobalka oo maanta soo bandhigay hub iyo dagaalyahano argagixiso ah oo ciidamadu soo qabteen. Taliyaha qeybta galbeed ee ciidamada Booliska gobalka Banaadir Gaashaanla dhexe C/llaahi Xasan Bariise ayaa maanta shir jara’id oo uu ku qabtay saldhiga galbeed waxaa uu kusoo bandhigay hub noocyo kala duwan ah iyo maliishiyooyin argagixiso ah oo ciidamadu ay kusoo qabteen howlgal ay maanta fuliyeen. Taliyaha qeybta galbeed ee ciidamada Booliska gobalka Banaadir Gaashaanla dhexe C/llaahi Xasan Bariise ayaa maanta shir jara’id oo uu ku qabtay saldhiga galbeed waxaa uu kusoo bandhigay hub noocyo kala duwan ah iyo maliishiyooyin argagixiso ah oo ciidamadu ay kusoo qabteen howlgal ay maanta fuliyeen. Howlgalka ayaa laga fuliyay agagaarka masaajidka Dabaqeyn ee degmada Dharkeyley maanta waxaan goob dugsi quraan ah laga soo helay hub iyo rasaas ay ka mid yihiin Hoobiye,2 baasuuke,iyo rasaas aad u farabadan,waxaana laga soo faagay god ku hoos yaalay haan biyaha lagu shubto. Taliyaha ayaa sheegay in macluumaad ay ciidanku heleen uu horseed u noqday in hubkaa lasoo helo,waxaana saxaafada lasoo tusiyay hubka iyo godkii lagsoo faagay oo dugsi quraanka laga dhex qoday. Sidoo kale taliyaha ayaa saxaafada usoo bandhigay 5 ka mida dagaalyahanada argagixisada oo si gaar ahna uga qeyb qaatay weerar argagixisanimo oo xalay lagu qaaday ciidamada fadhiya saldhiga galbeed ee degmada Dharkeyley. Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Muqdisho.
-
Baidoa: new cabinet to be announced within days
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Saddexda mas'uul ee ugu sarreysa DFKMGS, oo ka wada tashanaya qaab-dhismeedka Xukuumadda la soo dhisayo Muqdisho Talaado, January 01 2008 SMC Madaxweynaha DFKMGS, C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha BFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur "Aadan Madoobe" iyo Ra'isul-wasaare Nuur Xuseen Xasan "Nuur Cadde" ayaa leh kulamo xiriir ah oo ay kaga tashanayaan qaab-dhismeedka Xukuumadda soo socota ee lagu wado in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo. Warar ku dhowdhow Hoggaanka Sare ee Dowladda, ayaa waxay ishaarayaan inay Mas'uuliyiinta isla gorfeeynayaan hannaanka loo dhisayo Xukuumadaasi oo ka koobnaan doonta 18-Wasiir, mana cadda qaabka Xukuumadda cusub loogu slaayn doono Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha Somalia ee 4.5 ee lagu soo dhisay Dowladda Federalka sannadkii 2004-tii. Dhinaca kale, Ra'isul-wasaaraha DFKMGS, Nuur Cadde, ayaa doonaya inuu xubnaha Xukuumadiisa ku dhawaaqo maalmaha soo socda, iyadoo ay gabaabis ku tahay xilligii dheeraadka ee ay Xildhibaanadda BFS ugu dareen si uu uga baaaraan-dego dhismaha Xukuumadda cusub. Ma cadda sida ay Xilddhibaannadda BFS u ansixin doonaan xubnaha Xukuumadda cusub ee la soo magacaabayo, inkastoo ay Xildhibaannadda horey cod buuxa ku ansixiyeen Xukuumaddii ka koobnayd 73-ka Wasiir ee uu Ra'isul-wasaare Nuur Cadde soo dhisay bishii December 2-dii ee sannadkii hore. Beesha Caalamka ayaa xoog ku saartay sidii uu Xukuumadaasi u kala diri lahaa, isla markaana u soo dhisi lahaa Xukuumad tiro yar oo tayo leh. Somaliweyn Media Center “SMC” Mogadishu, Somalia -
Baidoa: new cabinet to be announced within days
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^lool. Ok brother, dont worry we will go easy on the North West province. They will get at least one minister. -
Kismaayo: Maleeshiyo beeleedka Kismaayo gacanta ku haya oo Isbaaro dhigtey Wadada Isku xirta Magaalada iyo Dekeda. 1. januar 2008 Kismaayo(AllPuntland)- Maleeshiyo Beeleedka gacanta ku haya Xarunta gobalka Jubada Hoose ee Kismaayo ayaa Isbaarooyin dhigtey wadada isku xirta Dekeda weyn &Magaalada Kismaayo. Maleeshiyaadkan ayaa ujeedkooda ku tilmaamay in ay tahay ,Mushaar la'aan heysatey in mudo ,ayagoo eedayn ujeedinaya Kooxaha gacanta ku haya ama Maamulaya dhaqaalaha ka soo xaroonaya dekeda Magaalada Kismaayo. Kooxaha Isbaarada dhigtey ayaa diiday in ay Baabuurtu gudaha ugalaan dekeda ama ka soo baxaan ,ayagoo taasna ku macneeyey in ilaa lasiiyo dhaqaalaha ka maqan aysan taasi yeelayn oo ay Isbaaradu u ooleyso. Odayaasha ay ka soo jeedaan Maleeshiyadan ayaa isku dayay xalinta arinta ,inkastoo warar soo baxayaa ay sheegayaan in ay ku guuldareysteen waxa ayna tani horseedaysaa amaanka Magaalada Kismaayo oo ka sii dara. Waxgaradka ayaa ka codsadey Maleeshiyada in ay Isbaarada qaadaan ,isla markaana lasiinayo dhamaanba dhaqaalaha ka maqan ,ayna la xaajoodaan masuuliyiinta ama taliyaasha ka sareysa oo ay sheegtaan lacagaha ka maqan. Warar hoose oo ka soo baxaya Magaalada ayaa sheegaya in ay sidoo kale jiraan Khilaaf udhaxeeya Kooxaha magaalada gacanta haya ,inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah shaaca uga qaado Khilaafkan udheexaya Kooxahan. Dhaqdhaqaaq guud ee dekeda ayaa maanta xiran mana jiraan ,wax ka dagey ama ka dhoofay Dekeda Magaalada Kismaayo,ayagoo ay horeyba uga dhoofi jireen dekeda waxyaabo ay dowlada Soomaaliya ka mamnuucday dhoofintooda Dekeda Soomaaliya. Kooxahan ayaa ku doodaya in ay mudo badan dulqaadanayeen ,ayna sugayeen amaanka dekeda magaalada Kismaayo balse ay waayeen Mushaarooyin ka maqan mudo dheer ,tan iyo markii ay magaalada ka baxeen ciidamadii dowlada Soomaaliya aysan helin wax Mushaar ah. Kulamo kala duwan oo ay leeyihiin Duqowda dhaqanka ayaa hada ka socda Xarunta gobalka Jubada Hoose ee Kismaayo ,ayna kaga dhaadhicinayaan Madaxda dhaqaalaha maamusha in ay bixiyaan Mushaarka Maleeshiyaadka sugaya amaanka dekeda Kismaayo. Wixii ka danbeeyey markii ay dowlada Soomaaliya ciidamadeedu ka baxeen Magaalada Kismaayo waxaa soo badanayay Isbaarooyinka Sharcidaradaa ee ay gobalka dhiganayeen Kooxaha Maleeshiyaadka ee Magaalada gacanta haya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland