General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. SHIRKII MADAXDA QAARADA AFRIKA OO KAFURMAY ADIS ABABA Posted to the MOL January 31, 2008, 4:02 pm Maanta ayaa shirku si rasmi ah ufurmay, waxaa lafilayey inay kasoo qayb galaan illaa 40 madaxweyne inkastoo qaar wali maqanyihin oo laga yaabo inay gadaal ka imaadaan maadaama shirku sadex maalmod soconayo. Shirka waxaa hareeyey Arimaha Kenya ayadoo mucaaradka horay uu Alpha Omar Konari ugu diiday inay kasoo qaybgalaan oo khudbo kajeediyaan ayaguna ay aad uga xumaadeen Kibaki oo madaxweyne ahaan ku fadhiya. Alpha Omar Konari oo khudbo dheer afka faransiiska ku aqriyey wuxuu sheegay in " markaad eegto wadooyinka Kenya ay ka muuqanayso rabshado, ayna muuqato Xasuuq soo dhow, waxaan ka hadlaynaa xasuuq iyo isir goyn xiligan.. waa inaan xal helnaa, maaha inaan gacmaha laabano Kenya oo gubanaysa, barito xal majirayo, ayuu yiri. Waxaa sidoo kale ka hadlay isna Xoghayaha Qaramada Midoobay oo sheegay in Somalia ay tahay in dowladda KG. ah ay heshiis lagasho kooxaha mucaaradka ah, Beesha caalamkuna taageerto. wuxuu sheegay in Gudi farsamo oo UN ka ka socda somalya booqden, waxyaalihii ay heleenna usoo gudbin doonaa isaga ,kadibna uu kala hadli doono Golaah Amaanka Qarmada Midoobay suurtagalnimada in ciidamo loodiro somaliya. balse qorshaha ciidamo gaynta ayuu ku tilmaamay Mid xiligan adag.. wuxu sidoo kale ka hadlay arinta Kenya isagoo sheegay in rabshadaha Kenya ay yihin kuwi Isir ku salaysan,uuna maanta la hadlayo Madaxweyne Kibaki, baritana u ambabaxayo dalka Kenya si uu ula kulmo Raila Odinga hogaamiyaha mucaaradka iyo Kofi Annan. wuxuu shacabka Kenya ka codsaday in ay rabshadaha joojiyaan. Wuxu sidoo kale ka hadlay dhibaatada ka aloosan xadka Ethiopia iyo Eritrea isagoo ka codsaday labada dal inay isdajiyaan oo ay ilaliyaan heshiiskii labada dal ee Algieris Agreement ee labada dal galeen 2000 oo soo afjaray dagalkii labada sano soconaayey. wuxuu ugu baaqay dalka Eritrea inay xayiaaradda ka qaado hawlgalada ciidamada qaramada midoobay ee jooga xuduuda labada dal (UNMEE). Waxaa isna goobta ka hadlay Raysul wasaaraha Japan, ayadoo shirkan uu cinwaan u ahaa "Theme" horumaarinta warshadaha ee Africa Industrial development of Africa, ayaa waxaa isna fadhiyey wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Iran Manouchehr Mottaki, Iran waxay ka tahay korjooge, Observor Midowga Africa. kadib waxaa la furay dood ku aadan sidii Africa ay uhormarin lahady waxsoosaarkeeda iyo xagga warshadaha. Waxaa la doortay Golaha amaanka iyo nabadda ee midowga African (Peace adn Security Council (PSC) oo loo dooray toban dal oo kala ah: Zambia, Swaziland, Chad, Benin, Burkina vaso, Mali, Rwanda, Uganda and Tunisia. waxaa sido kale loo doortay dalka haynaya madaxnimada Midowga Africa (Rotating Presidency) dalka Tanzania oo ay wateen dalka geeska Africa. Safiirka ufadhiya somaliya Midowga Africa, Ambassador Said Yusuf Nur ayaa iisheegay kahor intan la dooran in Somaliya ay aad udanaynaysay in Tanzania xilka qabato. Wali waxa dhiman doorashada golayaasha kale iyo Chairpersonka badalaya Alpha Omar Konari. dad badan ayaa usharxan oo wasiiro hore ubadan.. warar aan laxaqiijin ayaa sheegaya in ay AU du doorbidayso madaxweyne hore inuu xilkaan qabto. waxaa sidoo kale la sheegaya in laga yaabo Chairperson dorashadiisa in lix bilood la dib dhigo oo looga doodo kulanka kan xiga e Bisha July oo ah kan 11naad. Kulankii kan kahoreeyey ee bishii July 2007 ka dhacay Ghana, Accra, ayaa la filaayey in lagu doorto balse kan ayaa loosoo dib dhigay haddana kan sanadka dhexdiisa in loodib dhigo ayaa dhacaya ayaa la leeyahay. haddii ay dhacdo in la dib dhigo waxaa suurtagal ah in ragga qabanaya xilkaas uu ka mid noqdo Thabo Emabiki markuu dhawaan xilka ka dago. Somaliya ayaa aad shirkaan looga hadli doonaa ayadoo warbixin dheer oo 17 page ka kooban uu Alpha Omar Konari somaliya uga hadlay oo 18 ki bishaan uu u gudbiyey kulankik ay ka yesheen Golaha amaanka iyo nabadda ee Midowga Africa ooiyana warbixintooda usoo gudbinaya madaxda Midowga. RABIILE ABDIKARIIM GABANOW MUDUGONLINE.COM
  2. Shirkii Madaxda Afrika oo Ka Furmaaya Ethopia. Last Updated::2008-01-31 10:39:08 Adisababa-(HRNet) Magaalada AdisAbaba ee caasimada wadanka Itoobiya waxaa maanta ka furmaya shir madaxeedka madaxda wadamada Qaarada Afrika, kaasi oo si weyn looga hadli doono arimo kala duwan oo ku aadan Ammaanka Siyaasada iyo dhaqaalaha Afrika Shirkaan ayaa waxa aka qayb galaaya Madax iyo Hogaamiyayaal kala duwan oo Afrikaan ah waxaana lagu lafa guri donaa arimo dalal badan oo Afrikaa xaaladadooduna is ka hoosayso. Kulankaan Madaxda Afrika ay maanta is kugu imanayaan aya looga hadlayaa oo aad loogu falaqayn donaa xaaladaha Dalalka Somalia Dafuur iyo xiisadaha colaadeed ee wadamada Itoobiya iyo Eritrea. Sidoo kale Shirkaan Afrika ayaa lagu lafa guri donaa oo looga hadli donaa Qilaafka SIyaasadeed ee hareeyey Xaalada Guud ee Dalka Kenya Shirkaas Afrika ayaa waxaa dalka uga qayb galaaya oo gaaray Caasimada Ethopia ee Adisababa Madaxweynaha Kenya Mwi Kibaki. Shirkaan waxaa Soomaaliya uga qayb galaya oo matalaya Ra’isalwasaaraha Dawlada KMG ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo, iyadoo Ra’isalwasaaruhu uu soo bandhigayo sida ugu haboon ee dib loogu soo celin karo arimaha amaanka Soomaaliya, iyo taageerada dawlada ay uga baahan tahay Afrika ee ah in la dhameystiro ciidamadii ay balanqaadeen dalalka Afrika. Wasiirada arimaha dibada Afrika ayaa sadexdii maalmood ee ugu dambeeyey waxay ku shirsanayeen xarunta ururka ee magaalada Adis Ababa kuwaasi oo diyaarinayey ajandayaasha ay ka wada hadli doonaan hogaamiyeyaasha Qaarada Afrika. Inkastoo shirkan ajandayaasha ugu waa weyn ay tahay xaaladaha Soomaaliya, Kenya, Darfur iyo arimaha dhaqaalaha Afrika hadana Madaxweynaha Liibiya Col.Mucamar Al-Qadaafi ayaa shirka ku soo dhextuuray mooshin kale oo ku aadan in madaxda Afrika ay ku heshiiyaan inay dhistaan dawlada wadaag ah, si buu yiri ay Afrika uga kabato dhibaatada kaga imaanaysa quwadadaha kale ee caalamka. Col.Qadaafi ayaa ku hanjabay in hadii Madaxda Afrika ay ku guuldareystaan inay sameystaan dawlada federaal ah uu go’aan ka gaari doono ka sii mid ahaanshaha wadankiisa ee midowga Afrika. Dhinaca kale Ra’islwasaaraha Dawlada KMG ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Nuur (Nuur Cade) oo shirkan uu u yahay kii ugu horeeyey ee uu ka qayb galo, isagoo khudbadiisa si weyn ugu canaan doonaa kaalinta Afrika sida ay uga gaabiyeen fulinta balanqaadkii ay sameeyeen sanad ka hor oo ku aadanaa inay Soomaaliya u soo diraan ciidamo gaaraya 8 kun oo fuliya hawlaha nabad ku soo celinta Soomaaliya. Dad badan oo Soomaali ah iyo waliba xeeldheerayaasha siyaasada Soomaaliya ayaa waxay ku bixinayaan saadaalin inaanay shirkaasi ka soo bixi doonin wax badan oo muhiim ah, isla markaana balanqaadyo oo kali ah ay shirkaasi natiijadiisa noqon doono. Shirkaan Madaxda Afrika uga Furmaaya Maata Ethopia Adis Ababa Ayaa ah markii ugu horeysay oo Arimaha looga hadlaayo lagu soo daray xaalada wadanka Kenya oo haahatan aan wanaag sanayn.lama oga wax yaabaha ay Hogaamiyayaasha Afriak ka yeeli donaan qilaafka Siyaasadeed iyo qaab ka xal uhelidiisa ay uga qayb qaadan karaan. HorseedNet Ethopia Adisababa
  3. loool. Destroyed? Which one? Farax_Brown, we all know you are a serious clanist, but I never knew you would go this low and insult cowardly a man you can easily confront in the streets of Minneapolis. Coward's act. Omar Jamal is an honourable man who has done nothing but good work for the Somalis in Minneapolis over the years. He stood side by side with Somalis from every clan. He is the most media savy Somali individual in North America. No other person has received more media conversation than Omar Jamaal. Search google. FB, Omar Jamal has always been helping your clan members who are a minority in Minneapolis and you know it. Don't come to SOL to insult this great community organiser out of clan hate and jelousy. His record is out there for everyone to see it. You have shamed yourself. In that debate, Omar Jamal destroyed the fat dude and everyone can see it. The fat brother went on TV to pass nonsense from Dayniile.com as debate material. It was embarrassing to say the least. I hate when simple-minded ****** go on the air waves thinking they can debate others with the few dimwit-feeds they memorize from holy dayniile.com.
  4. No pics? , lool. Like the older story of Riyaale visit to Washington which became a farce...
  5. Juje, you dont undertsand so far? lol. Adeer I can not predict the future like all mortals. The PM is doing a great job so far and I wish him much success...
  6. Galbaite, the duke as you can guess is a busy figure in SOL, and one has to answer all the questions from the fans. Thus not every response was to you, just go and reread those addressed to yourself. TFG is doing well and we are here to stay people. I also like the secessionist now pasting TFG press releases, wonders never stop.
  7. Edwards expected to drop out of race today Democrat notifies Obama and Clinton; announcement set for 1 pm ET DENVER - Democrat John Edwards is exiting the presidential race Wednesday, ending a scrappy underdog bid in which he steered his rivals toward progressive ideals while grappling with family hardship that roused voters' sympathies but never diverted his campaign. The decision came after Edwards lost the four states to hold nominating contests so far to rivals who stole the spotlight from the beginning — Hillary Rodham Clinton and Barack Obama. Clinton said Wednesday that Edwards called her to inform her about his decision.
  8. lol. at the girl, I think you need to take the sisters advice. As for Che, he is a man and should be able to defend himself. Galbayte: Adeer the warlords era is over, occupaying peoples homes and lands are over. The days when a single clan claimed the capital because of arms is over. We are not a collection of clans, we are a single united Somalia and Moogadishu belongs to all. Thats the TFG promise, and Nur Cade is doing a fine job so far.
  9. Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya oo la kulmay masuuliyiin kala duwan 30 January, 2008 By _Dowladnimo Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa la kulansan Madax kala duwan oo ka mid ah Midowga Africa oo uu kala hadlayo arimaha dalka Soomaaliya. Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay Gudoomiyaha Midowga Africa, isagoo kala hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii gacan loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya. Xoghayaha koowaad ee Safaarada Soomaalida ee Magaalada Addis Ababa Mahad Faarax Gaas ayaa usheegay Dowladnimo.com in uu Raysalwasaaruhu berita ka qeybgalayo Shirweynaha Madaxweynayaasha Africa. Mahad Faarax Gaas wuxuu sheegay in uu Raysalwasaare Nuur Cadde la kulmay dowladihii horey ciidamada ugu balanqaaday dalka Soomaaliya, isagoo ku booriyey in ay dadajiyaan ciidamadii ay genlahaayeen dalka Soomaaliya. Mr. Gaas ayaa sidoo kale sheegay in uu Raysalwasaaruhu la kulmay Danjirayaasha dowladaha Deeqaha bixiya uga qeybgalaya Shirkaasi Midowga Africa, isagoo usheegay in looga baahan yahay in ay gacan qabtaan Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya. Raysalwasaare Nuur Cadde ayaa sidoo kale qaabilay Xubno ka socda Golaha amaanka iyo Midnimada Qaarada Africa oo usheegay in ay siiyaan dowlada Soomaaliya wixii ay uga baahan tahay. Safarka Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa ku soo beegmaya xili Midowga Africa uu shirkaan ku falanqeyn doono arimaha gudaha ee dalka Soomaaliya iyo sidii gacan loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.
  10. Obama strikes gold in Kansas Key Endorsement Toby Harnden, The Daily Telegraph, With Files From News Services Published: Wednesday, January 30, 2008 Jason Reed, ReutersDemocratic presidential hopeful Barack Obama kisses Kansas Governor Kathleen Sebelius after she formally endorsed him during a rally in El Dorado, Kan. El Dorado was the birthplace of Obama's maternal ... EL DORADO, KAN. - Barack Obama took his presidential campaign to America's rural heartland yesterday, dropping in on the town where his white mother grew up to "talk about the roots of my life that directly connect to the broader story of the country." The Democratic presidential wannabe had never before visited El Dorado, a conservative former oil town with a tiny black population that he described in his autobiography as being in "the dab-smack, landlocked centre" of the United States. As Mr. Obama's motorcade sped through the flatlands of Kansas en route to El Dorado, it passed the nodding donkeys that mark the places where oil is still pumped. His grandparents, Stanley and Madelyn Dunham, who partly raised him, left El Dorado in 1955 when his mother Ann was 13. Five years later, she married his Kenyan father after they met at university in Hawaii. Mr. Obama's chief rival, Hillary Clinton, is concentrating on the Democratic strongholds of California, New York, New Jersey and her one-time home state of Arkansas before Super Tuesday next week, when 22 states vote. But Mr. Obama set out on a cross-country trip designed to show he could generate wider appeal and broaden the base of his party, as well as taking the edge off the advantage Ms. Clinton has among core Democrats and union members. Mr. Obama hopes to run Ms. Clinton close in the big states, while scoring in smaller, traditionally Republican "red states" such as Kansas, Utah, Idaho and Alaska. His pilgrimage to the place where his grandparents met as high-school sweethearts was a way of placing himself firmly in the mainstream American experience, despite his exotic childhood in Hawaii and Indonesia. Just hours before Mr. Obama's pilgramage, Kathleen Sebelius, the Kansas Governor, said she was endorsing Mr. Obama for president. Close
  11. hadhwanaag 2008-01-30 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Sarkaal ka tirsan Hay’ada Miino-saarka ee Hallo Trust Xafiiskeeda magaalada Hargeysa, ayaa saaka la dhaawacay, ka dib markii Baastoolad uu ku tuugtay nin hore uga tirsanaan-jiray shaqaalaha Hay’adaas, oo dhawaan laga eryey shaqada. Sarkaalkaas Ajanebiga ah oo magaciisa la yidhaahdo Mr. Arman, isla markaana u dhashay dalka Armenia, ayaa waxa ay xabadu kaga dhacday caloosha, iysaga oo markiiba dhawaaciisa loola cararay lana Cusbitaalka Guud ee magaalada hargeysa, halkaas oo lagu dawaynayo. Ninka dhawaaca u gaystay Sarkaalkaas, oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Maxamed Yuusf (Cabdi Madboobe), ayaa isla markiiba waxaa isna Bowdada ka toogtay Booliskii ilaalinayey xarunta Hay’ada Hollo Trust, markii uu isku dayey in uu baxsado, isaga meel lala dhigay Sarkaalkii uu dhaawaca u gaystay. Waxaana labadoodiiba-ba la wada dhigay qaybta gar-gaarka degdega ah ee Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa. Waxaana Cabdi Maxamed Yuusf (Cabdi Madboobe) uu ka tirsanaa shaqaalada Hay’ada Hollo Trust muddo gaadhaysa Sideed Sannadood, isaga oo ka mid ahaa shaqaale dhawaan Hay’adu ay iska dhintay. Mr. Cabdi Madboobe oo Warbraahintu wax ka waydiisay sababtii ku kaliftay in uu toogo ninkaa Sarkaalka ah, ayaa waxa uu tilmaamay in uu duudsiyey xaqii uu ku lahaa Hay’ada, isaga oo xusay in uu shaqaalaha Hay’ada ka tisanaa muddo sided sannadood ah. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cir), oo falkan ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada nabad-gelyadu ay baadhayaan arrintan, isla markaana Ciidamada amaanku ay gacanta ku hayaan Baaskooladii iyo ninkii falka gaystay-ba. Amuurtan ayaa waxa ay naxdin iyo amakaag ku beertay dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargaysa, oo inta badan aan u baran falalka noocan oo kale, waxaana tallaabadani noqonaysa tii saddexaad ee shaqaale Ajaaniba werar loogu gaysto Jamhuuriyada Somaliland.
  12. Dhaqaalaha Soomaaliya oo la ammaanay Last Updated::2008-01-30 14:26:13 New York (HRNet) Warbixin qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu aad uga wanaagsan yahay dalal kale oo Afrikaan ah. Wax soo saarka gudaha, dhoofinta iyo soo dejinta ayaa la sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu ka dhigay mid ka wanaagsanaada dalal badan oo qaaradda afrika ku yaalla. waxaa kaloo warbixinta Qaramada midoobay lagu sheegay in dhaqaalaha dalka Soomaaliya lagu sii horumarin karo haddii hab wanaagsan loo helo ganacsiga ay ka midka yihiin Isgaarsiinta, dhoofinta xoolaha nool iyo waxyaabaha kale ee manaafacaadkooda, xawilaadaha, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo saarista iyo iibgeynta saliida iyo gaaska uu hodonka ku yahay dalka Soomaaliya. Warbixintan waxaa ay soo baxday ka dib markii la soo gabagabeeyay kulan labo maalmood socday oo looga hadlayay horumarinta dalka Soomaaliya oo ay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka ay ku yeesheen ganacsato caan ka ah Soomaaliya iyo Bariga Dhexe. Dhammaan shakhsiyaadkii ka hadlay shirkaasi ee ajnabiga ahaa waxaa ay hoosta ka xarriiqeen in ganacsiga Soomaaliya loo adeegsan karo horumarinta siyaasadda iyo nabadgelyada dalka. Horseednet.com
  13. Adeer the warlords/clancourts/looters and all other groups that occupied large parts of Somalia in the name of clan are over. We have a government in place now. The Ethiopians will leave, so will the AU, but Indacade, Sharif Ahmed and their clan occupations of lower Shabbele will not return. TFG is on its way to perminent power.
  14. ^^Che is a Puntlander adeer, he is claiming to be from the wrong sub-clan thats all. Distortions are not required here.
  15. Addis Ababa: Shirka Beri ee Madaxweynayaasha Africa & Doorka Soomaaliya. 30. januar 2008 Addis Ababa(AllPuntland)- Maalinta Bari ah waxaa ka furmaya sida la qorsheeyey Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Shirweyne ay iskugu imaanayaan Madaxweynayaasha dowladaha Africa oo sannadkii mar yeeshaan. Shirkaasi waxaa tagaya inta badan Madaxweynayaasha dowladaha Africa ,waxyaabaha looga hadlayo ee ay diyaariyeen Wasiirada arimaha dibada Africa waxaa ku jira Arimaha Soomaaliya ,Suudaan ,Kenya & Dhaqaale loo uruuriyo Ururka Midowga Africa. Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya waxaa utagaya shirkaasi Raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen oo ku cusub Masraxa Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya. Raysalwasaaraha waxaa lafilayaa in uu maalinta ugu danbeysa hadal ka jeediyey shirka uu kaga hadlayo waxyaabihii ugu danbeeyey ee ka dhacay dalka ,waxa ay dowladu ubaahan tahay iyo Codsi ku aadan Ciidamo la keeno Soomaaliya. Wasiirada arimaha dibada ee Midowga Africa ayaa soo gudbiyey Ajendayaasha shirka ,waxa ayna qodob walba soo raaciyeen Warbixin kooban oo ku aadan dalka Soomaaliya. Wasiirada Arimaha dibada ee dowladaha Africa intooda badan waxa ay isku raacsan yihiin in sare loo qaado howlgalka nabad raadinta ah ee dalka Soomaaliya ,dhaqsana ciidamo ka socda Africa lugu geeyo dalka Soomaaliya si gacan usiiyaan Hay'adaha Dastuuriga ah. Madaxweynayaashu waxa ay dalab ujeedin doonaan Madaxweynayaashii dowladihii balanqaaday ciidamada in ay geynayaan dalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Nayjeeriya ,Sinigaal iyo dowlado kale oo ay ka mid yihiin Ruwaanda. Warbixin dheer oo taabaneyso dhinacyo badan ayaa lafilayaa in uu jeediyo gudoomiyaha nabada Iyo Midnimada Qaarada Africa Siciid Djinit oo dhawaan tagey magaalada Muqdisho. Hadaba shirkaan ayaa xeeldheerayaasha Arimaha Africa ,waxa ay ku darsayaan in uu la mid noqon doono shirarkii hore ee Midowga Africa oo ay inta badan ka soo baxayeen Baaqyo oo kaliya ,balse dadkale ayaa rumeysan in shirkaan looga codsan doono Qaramada Midowbay in ay ciidamado geyso dalka Soomaaliya ,kuwaasoo howsha kala wareegaya Nabad sugayaasha Africa oo aan wali natiijo ka keenin joogitaankooda dalka Soomaaliya. Kala soco Shabakada AllPuntlad warar xaqiiqo ah ,kuna saabsan Shirka maalinta beri ah ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay leeyihiin Madaxweynayaasha dowladaha Africa. Faarax Cabdulqaadir Geylan AllPuntland
  16. Addis Ababa: RW Soomaaliya oo la kulmay masuuliyiin kala duwan. 30. januar 2008 Addis Ababa(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa la kulansan Madax kala duwan oo ka mid ah Midowga Africa oo uu kala hadlayo arimaha dalka Soomaaliya. Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay Gudoomiyaha Midowga Africa ,isagoo kala hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii gacan loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya. Xoghayaha koowaad ee Safaarada Soomaalida ee Magaalada Addis Ababa Mahad Faarax Gaas ayaa usheegay AllPuntland in uu Raysalwasaaruhu berita ka qeybgalayo Shirweynaha Madaxweynayaasha Africa. Mahad Faarax Gaas wuxuu sheegay in uu Raysalwasaare Nuur Cadde la kulmay dowladihii horey ciidamada ugu balanqaaday dalka Soomaaliya ,isagoo ku booriyey in ay dadajiyaan ciidamadii ay genlahaayeen dalka Soomaaliya. Mr. Gaas ayaa sidoo kale sheegay in uu Raysalwasaaruhu la kulmay Danjirayaasha dowladaha Deeqaha bixiya uga qeybgalaya Shirkaasi Midowga Africa ,isagoo usheegay in looga baahan yahay in ay gacan qabtaan Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya. Raysalwasaare Nuur Cadde ayaa sidoo kale qaabilay Xubno ka socda Golaha amaanka iyo Midnimada Qaarada Africa oo usheegay in ay siiyaan dowlada Soomaaliya wixii ay uga baahan tahay. Safarka Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa ku soo beegmaya xili Midowga Africa uu shirkaan ku falanqeyn doono arimaha gudaha ee dalka Soomaaliya iyo sidii gacan loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya. Faarax Cabdulqaadir Geylan AllPuntland
  17. Nin ajnabi ah oo lagu dhaawacay magaalada Hargeysa Last Updated::2008-01-30 13:24:19 Hargeysa (HRNet) Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in toogasho lagu dhaawacay nin ajnabi ah oo ka shaqeeya hay’adda Miinasaarista ee Hallow Trust. Wararku waxay sheegayaan in ninkaasi uu dhaawacay nin horey uga tirsanaa hay’adaasi balse shaqada laga eryay. Dhaawaca ninkaasi ayaa la geeyay Isbitaalka Hargeysa waxaana la sheegay in xaaladiisu aysan khatar weyn ku sugneyn. Sarkaalka ajnabiga ah waxaa uu u dhashay dalka Armeeniya waxaana lagu magacaabaa Arman. Ninka wax toogtay oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Yuusuf ayaa u dhashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliland, waxayna ciidamada boolisku ay qabteen ka dib markii ay xabbad kaga dhufteen lugta. Boolisku waxay sheegeen inay baarayaan sababta keentay in sarkaalkaasi la toogo. Horseednet.com
  18. Warbixin: Ciidamada Itoobiya Oo Ka Baxay Fariisimo Muqdisho Ku Lahaayeen Iyo Banaanbaxyo Arintaasi Lagu Soo Dhaweynayo Oo Dhacay Posted to the MOL January 30, 2008, 8:31 am Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo ay ciidamada Itoobiya kaga baxayaan fariisimo dhowr ah oo ay ku lahaayeen Muqdisho . Ciidamada Itoobiya ayaa habeenkii xalay ka baxaya fariisinadii ay ku lahaayeen wasaaradii hore ee Gaashaandhigga iyo xerada Maslax iyadoo lagu waramay in gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan kaarayasha laga saaraya halkaasi . Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyay in la arkayay gawaarida dagaalka iyo ciidamo badan oo ka baxaya labaadsi xarumood kuwaasi oo aan la helin halka ay ku wajahan yihiin. Lama helin wax war ah oo kua aadan sababta iyo xiliga iminka ku soo beegtay in ciidamada Itoobiya laga dhimo magaalada Muqdisho . Ciidamadii Itoobiya ee iyana ku sugnaa xayla Bariise degmada Hiliwa ayaa isugu soo uruuray warshada baastada iyadoo gudaha warshaadana la sheegay in gaadiidka ku jira ay diyaar yihiin. Dowlada KMG saraakiil u hadshay ayaa faahfahin ka bixin waxa dhacaya waxa ayna ku goobeen in aan lagu mashquulin ciidamada Itoobiya ee la eego wadooyinka la furay. Ciidamada Dowlada KMG ayaa iyana xalay ka baxay qeybo ka mid ah degamada Hodon iyadoo ay isugu uruureen xarunta Villa Baydhaba . Xaruntii hore ee gaashaandhigga ayaa la rakayay iyadoo ay sii galayaan ciidamo dowlada KMG ah waxaana xusid mudan in ciidamo aan badneyn ku hareen gaashaandhigga iyo xerada maslax. Dadweyne ka war helay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ayaa saaka ku dhaawaday wasaraada gaashaandhiga halkaasi oo ay kala socdeen dhaqdhaqaqayada laakiin rasaas lagu soo furay aya sababatay geerida hal qof. Warshada baastada oo in muddo aageeda aan loo dhawaan ayay dadka qaarkii saaka u dhawadeen rasaas la soo huwiyay ayaa waxa ku dhaawacmay hal qof . Lama oga ujeedka ka dambeya arintaani waxaase jira warar sheegaya inay arintaani la xiriirto wadahadlo nabadeyn ah oo u bilowday dowlada KMG ah iyo kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda. Banaanbaxyo aan sida au weyneyn ayaa laga dhigay goobaha dadka ku bara kaceen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye kuwaasi oo u dabaal degaya sida deeganaadooda ciidamada Itoobiya uga baxeen. Neefta ka soo foqday dadka Muqdisho ayaa si wanaagsan ukala cadaaneysa maalamaha soo socda iyadoo muddo laba bil ka dib maanta furan tahay wadada wadnaha. Waxaa arintaani kala cadaan doontaa asbuucyadaan soo socda iyadoo dowlada qaaday dhowr tilaabo oo ay wax kaga qabanayso qodobo la sheegay inay qiil ka dhiganayeen kooxaha dagaalka ku jira. Asbuucaan ayay ahayd markii dowladu soo daysan siyaasiyiin uu ku jiray Axmed Diiriye oo sheegan jiray afhayeenka beelaha ******. Haddii dagaalka Muqdishu sii socdo waxaa cadaan doonta in kooxahaasi aysan dhab ka ahayn nabad laga helo Somaliya. Mudugonline.com
  19. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo ka baxay Fariisimo ay Muqdisho ku lahaayeen Arbaco, January 30, 2008(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa shaaca ka qaaday sababta Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya looga saaray fariisimo ay ku sugnaayeen oo Muqdisho ku yaala. Wasiirka waxaa uu sheegay in sababta Ciidamadaas looga saaray xeryihii ay ku jireen ay tahay sida uu u yiri u daneynta bulshada, si ay dadka u helaan xoriyad ay ku socdaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamadaas la geynayo xeryo gaar ah oo uusan xusin halka ay ku yaaliin. “Sida aad la socoteen Ciidamada waxay deganaayeen meelo magaalada dhexdeeda ah oo ay dad deganaayeen, marka waxaa lagama maarmaan noqotay in dadka culeyska laga qaado”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin oo shacabkana dhankiisa ugu baaqay in ay Nabadgelyada kala shaqeeyaan Dowladda, isla markaana ay sheegaan dadka nabadeglyo-darrada wada. Wasiirka oo wax laga weydiiyay goorta ay Ciidamada ku harsan gudaha magaalada ay ka bixi doonaan waxaa uu sheegay in Ciidamadaas laga maarmi doono marka nabadgelyada la sugo. “Ciidamada sida lagu yaqiinay waxay howlgeli doonaan marka ay yimaadaan wax weyn inta ka horeysana waxaa howsha nabadgelyada sugi doona Ciidamada Booliska, mana jiri doono culeys dambe oo ay Dadka ku qabi doonaan Ciidamada degan xeryaha ku yaala magaalada gudaheeda”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha oo intaas ku daray in la furi doono guud ahaan Waddooyinka Muqdisho. Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay iyo xalay ay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ay ka baxeen fariisimo ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Hodan, inkastoo ay jiraan Ciidamo weli ku sugan xeryo ku yaala gudaha Magaalada Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  20. Toure, the TFG is not gonna change and the old days of clan militias ruling Mogadishu/South are over.
  21. Horn, I think you are losing the plot adeer, what on earth does MMA have to do with Col Afgaduud?
  22. ^^^Ok adeer, that really did not make any sense. The magic of SOL is you can always go back and edit.