General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^This is the man who was supposed to have large, deep and popular support in Somalia?
  2. ^^^They are crazy, even if the captured the whole city no one would recognise them or do business with them. ****** the lot of them.
  3. Gaadiid dagaal oo lagu soo qabsaday Galgalato oo saaka lagu arkay Suuqa xoolaha. Waxaa saaka lagu arkayay deegaanka Suuqa Xoolaha dagaaliyahano hubeysan oo geeyay halkaasi gaadiid dagaal oo la sheegay in ay kusoo furteen dagaalki saaka ee Galgalato, kaasi oo lagu xiray calamada mad madow ee lagu yaqaano xoogaga Islaamiga ah. Gaadiidkaasi ayaa dad ku dhaqan Suuqa Xoolaha waxay inoogu kala sheegeen qori Biiteem ah iyo gaari Shilke ah waxaana la sheegaya in ay dushiisa saarnaayeen dagaaliyahano badan oo kamid ah xoogaga Al-Shabaab. Marki gaadiidkasi lagu arkay deegaankaasi ayaa dadka waxaa galay dareen ka duwan midkii hore iyadoona laga baqay in laso duqeeyo ciidamadaasi maadaama marar badan la duqeeyay deegaanka Suuqa Xoolaha. Xoogaga Al-Shabab ayaa la rumeysan yahay cududooda ugu badan in ay isugu geeyeen deegaanka Suuqa Xoolaha oo ah halkii ugu darneyd ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa Muqdisho, lagana soo abaabuli jiray weerarada, mana dhicin hal mar in xukuumadda KMG ah ay gaarto. Markacadey.net,Muqdi sho
  4. WAFDI REER DENMARK OO KORMEER KU SAMEEYEY MAKTBADA WEYN EE GAROOWE (WYNET)Garoowe:-Waxa a maalintii shalay booqday maktabada weyn ee magaalada Garoowe wafdi ka socdo labo Hay’adood oo Deenish ah. Wafdiga waxaa weheliyay xubno kamid ah ururka wadaniga ee KAALO. Waxaa wafdiga kusoo dhaaweeyay xarunta maktabada maamulayaasha maktabada oo wafdiga warbixin waafi ah kasiiyay qaabka maktabada u shaqeyso iyo heerarkii kala duwanaa eey soo martay. Waxaa kaloo maamulayaasha wafdiga uga warameen ujeedada maktabada loo aasaasay iyo himilooyinka eey tiigsanayaa Mustaqbalka Fog. Wafdiga waxaa lagu wareejiyay qeybaha kala duwan ee maktabada ka kooban tahay. ´Booqashadii wafdiga waxeey ku dhamaatay waji aad u wanaagsan iyo farxad aan lasoo koobi Karin. Lasoco Safarka Saalax Saciid iyo Puntland.Puntland Aid Service Puntland Aid Service puntlandaidservice@h otmail.com
  5. ^^^Poor excuses from the failed groups. Yusuf was right all along and his actions were clear. What you have is Mogadishu is the failed religious groups, killing maiming and making meaningless noise. There are no wadaads, scholars just a bunch of clanists fighting for power. It has been six months and the situation is much worse. You have the warlords returning, you have Ahlu Sunna [clan], Al Shabaab [crazy clan] and Hizbul Islaam[clan], you have Sharif Ahmed hiding behind the "AIDS infeceted AMISOM" as he used to say. All fighting over the people of Mogadishu. As these groups did for the past 17 years.
  6. Dagaalo goos goos ah oo ka soconaya Duleedka Degmada Kaaraan Dagaalo goos goos ah ayaa ka socda duleedka Degmada Kaaraan, iyadoo xaafado ka tirsan Degmadaas ay soo gaarayaan rasaasta la is dhaafsanayo, waxaana dagaalka uu ka soconaya agagaarka Galgalato ilaa Dekedii Ceel cadde. Dagaalka oo saameyn weyn ku yeeshay Cusbiteelka Keysaney ee Duleedka Muqdisho, ayaa waxaa soo gaaraya rasaas wiifto ah, waxaana dhinacyada dagaalamaya oo isu adeegsanaya madaafiic aanu jirin cid wali ka hadlay. Wararka ayaa intaa ku daraya in suuqa Degmada kaaraan lagu kala cararay, kadib markii ay Madaafiic habow ah ku soo dhaceen, waxaa kaloo jira barakac xoogan oo ay wadaan dadka ku dhaqan Degmada Kaaraan oo aheyd halkii ay dadka u barakaceen dagaaladii ka socday degmooyinka Muqdisho. Dad ku sugan Degmada Kaaraan ayaa soo sheegaya in ay arkayeen gawaari fara badan oo kuwa dagaalka oo si gurmad ahaan u galaya aaga dagaalka, waxaana Ciidamada Dowladda u suura gashay inay dib u qabsadeen aaga Galgalato. Ku simaha Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Sheekh C/risaaq Qeylow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu wali dagaalka soconayo, hase ahaatee wuxuu meesha ka saaray in dagaalkii saaka aanan haba yaraatee fariisinkooda lagala wareegin. Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalkii saaka ay xoogagooda kula wareegeen deegaankaas iyo gaadiid dagaal, halka askar ka tirsan Dowladda ay ku dileen dagaalka. Dagaalkan ka qarxay Duleedka Degmada Kaaraan oo daba socda midkii waabarigii saaka dhacay ayaa wal wal iyo cabsi ku beeraya dadkii ugu faraha badnaa ee ka qaxay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo dagay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan, wuxuuna xaalku ku noqda kud ka guur ee qanja u guur Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  7. Deg deg ah:- Dagaal xoogleh oo goordhow ka qarxay qeybo ka mid ah Muqdisho Dagaal xoogan ayaa goor dhoweyd dib uga qarxay degaanka Galgalato uu duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho, sida wararka ku soo dhacay waqrqabadka SBC ay sheegayaan. Dagaalkan oo u dhexeeya xoogaga Al Shabaab iyo ciidamada dowlada ayaa saaka waaberigii ka dhacay degaanka Galgalato ee duleedka magaalada inkastoo uu saaka xoogaa istaagay dagaalkaasi. Wararka haatan na soo gaaraya ayaa sheegaya in dagaalku uu markale dib u bilawday, waxaana la maqlayaa daryanka madaafiicda culus ee ay dhinacyada dagaalamaya is weydaarsanayaan. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashey dagaalkan, waxaase sida uu soo sheegayo wariyahaga C/raxmaan Laki uu madfac habow ah uu ku dhacay guri ku yaalla meel ku dhow degaanka lagu dagaalamayo, halkaasi oo aaney cidina wax ku noqon. SBC International Monitoring
  8. Muqdisho:Xoogaga Al-Shabaab oo dagaal ku qabsaday saaka wadada xeebta duleedka bari Muqdisho 16. juni 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Xoogag ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka dagaal ku qabsaday wadada xeebta ah ee duleedka Muqdisho halkaas oo ay fariisimo ku lahaayeen ciidamo ka tirsan dawladda Soomaliya. Dagaalka saaka oo ahaa mid aad u xoogan waxaa uu ka qarxay deeganada Galgalato , Cali Cabdulle , iyo Cisileey , waxaana uu socday mudo saacado ah . Afhayeen u hadlay Al-Shabaab Sh.Cali Dheere ayaa sheegay in weerar ay saldhigyadaa ku qaadeen ay qabsadeen goobihi ay ciidamada dawladda joogeen , waxaana uu sheegay in ay ka qabsadeen gawaari dagaal iyo qoryo fudud. Sh.Cali Dheere waxa uu sheegay in dagaalkaas ay guulo ka gaareen dhinacooda gacantana ay ku hayaan dhamaan goobihi lagu dagaalamay. Waxa uu sheeegay in dagaalkii saaka uu qeyb ka yahay dagaalo ay doonayaan in ay ku wiiqaan awooda dawladda Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
  9. Top Ministers are with the President including, Gen Abullahi Ahmed Ilka Jiir, Mr Dhala, and Dr Jimaaale. Minnesota is getting ready to welcome the delegation and we hope for a successful time in Washington.
  10. Somalia: Puntland parliament ratifies new constitution, Cabinet ministers 15 Jun 15, 2009 - 10:50:22 PM GAROWE, Somalia June 15 (Garowe Online) - The regional parliament in Somalia’s semiautonomous Puntland State voted on Monday on the new constitution after weeks of debate, Radio Garowe reports. The extraordinary session in the Puntland capital Garowe was chaired by parliament Speaker Abdirashid Mohamed Hersi and attended by 58 MPs of the 66-seat Puntland parliament. Dr. Abdirahman Mohamed “Farole,” the president of Puntland, gave the keynote address and told lawmakers that the political and security situation in Puntland is stable while underscoring that the region has improved its international standing in recent months. Puntland MPs listened to the Presiden’s speech, who called on the lawmakers to vote on the new constitution and ratify the Council of Ministers that were appointed in January. When the MPs voted, both the new constitution and the Cabinet were ratified unanimously without any changes being made to the region’s new constitution, which calls for a multi-party political system among other major reforms. President Farole officially opened the ordinary session of the Puntland Parliament, which opens every year on June 15. The extraordinary session ended with lawmakers approving the 2009 budget, the Council of Ministers and the new constitution. Afterwards, President Farole led a vehicle convoy out of Garowe en route to the Gulf of Aden port city of Bossaso, from where he is expected to fly to Washington, D.C., on an official invitiation. Source: Garowe Online
  11. Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey dastuurka cusub & xukuumada M/weyne Faroole. Garowe, June 15 | Kalfadhigii aan caadiga ahayn ee todobaadadii la soo dhaafay u socday mudanayaasha golaha wakiilada ee Puntland, darsayeyna dastuurka Puntland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurka cusub ee Puntland oo noqon doona midka lagu hagi doono Puntland mustaqbalka. Doodo muddo socday kadib ayaa mudanayaasha baarlamaanku ay maanta qalinka ku duugeen dastuurka cusub oo sida qorshuhu yahay afti dadweyne loo qaadi doono, noqonna doona dastuurka rasmiga ah ee Puntland. Afhayeenka baarlamaanka Puntland oo fadhiga golaha ka dib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in goluhu uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurka cusub ee Puntland. 58 ka mid ah 66-ka mudane ee baarlamaanka Puntland ayaa u codeeyey meelmarinta dastuurka (88%). Waxaa sidoo kale isla fadhigii maanta ee golaha wakiilada lagu ansixiyey xukuumada M/weyne C/raxmaan M. Faroole. M/weyne Faroole oo la hadlay mudanayaasha baarlamaanka codaynta ka hor ayaa ka xog waramay wax qabadaka xukuumadiisa 5-tii bilood ee ay jirtay, dulmarna ku sameeyey hawlgalinta wasaaradaha, joogtaynta mushahaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada, hawlgalada amni ee ay ciidanka bilaysku ka fuliyeen magaalooyinka Puntland, la dagaalanka burcad badeeda, tahriibka, dhismaha hay'ado dawli ah oo qaabilsan adeegyada bulsho, hanti-dhawrka iyo hirgelinta nidaam talo-wadaag, siyaasi ah oo ka hanaqaada Puntland. M/weyne Faroole ayaa midanayaasha baarlamaanka sheegay in xukuumadu ay qaadatay talooyinkii baarlamaanka ee dastuurka, sidaa darteedna ka codsaday mudanayaashu in ay taageeraan, kaalintoodana ka qaataan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyaynta ee Puntland iyaga oo xeerinaya duruufaha dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee lagu jiro. Waa markii 4-aad ee is-badel lagu sameeyey dastuurka Puntland, iyada oo xukuumadihii isaga dambeeyey Puntland ay mid waliba heer soo gaarsiisay, hadana lagu guulaystay in la gaarsiiyo heer gabogabo ah. Dastuurka ayaa waxaa hore uu bilaabay dawladii M/weyne Cadde, balse aan ku guulaysan in uu meel maro, dawlada cusubise ay halkii ka sii waday, walow wax laga bedalay, laguna daray dhawr qodob. Dastuurka cusub ayaa ka kooban 141 qodob, aanan la kulmin wax mucaarad ah, aan ka ahayn qaladaad qoraaleed iyo ilduuf ay sameeyey guddiga qoraalka iyo isku-dubaridka dastuurku, kuwaas oo gadaal laga saxay. Waxaa sidoo kale la meel mariyey talooyin ay soo jeediyeen mudanayaasha baarlamaanku. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
  12. Somalia: Puntland leader invited to Washington, D.C. 16 Jun 16, 2009 - 11:05:20 AM GAROWE, Somalia June 16 (Garowe Online) - The president of Somalia’s Puntland State government is flying from the Gulf of Aden port city of Bossaso on Tuesday on a trip to the United States, Radio Garowe reports. Dr. Abdirahman Mohamed “Farole,” the Puntland president who won an election in January, is leading a government delegation to Washington, D.C., where he is expected to address a U.S. Congress session on Somali issues. President Farole’s delegation includes Interior Minister Gen. Abdullahi Ahmed “Ilkajir,” Planning and International Cooperation Minister Farah Aden Dhala, and the State Minister for Democratization Process, Dr. Abdi Hassan Jim’ale. Puntland government sources told Radio Garowe that President Farole will address the U.S. House of Representatives’ Subcommittee on Africa and Global Health on a range of issues covering Somalia, including the political and humanitarian situation and the surge of piracy off the Horn of Africa country's coast. It is the first trip by a Puntland leader to Washington, D.C., since the regional government was established in 1998. RELATED:
  13. ^^^He is coming I heard alreadu inhsa Allah, the city will go wild.
  14. ^^^Kashafa adeer, the issue is simple, a family lost their child and those who were behind it should not be spared a single moment or thought. These fake religious pretenders and clanists are shook adeer, they are the shook ones. They can hide all they like, in this city they are a minoity and are now facing the wrath of the population.
  15. ^^^They dont knwo what they are doing. Lets Jihad on each other is the new strategy.
  16. ^^^Adow is an *****. He probably made up everything as he went along.
  17. ^^^Its huge complex, I like the design. It has a large conference room, it also has land to develop further. Galkacyu's is coming soon and many other cities in Puntland will follow.
  18. Puntland Aid Service (PAS), Danish People Aid (DPA) iyo Ururka wadaniga ee (KAALO) oo si wadajir ah usoo kormeeray Maktabada weyn ee Garoowe>>> Isniin 15 Jun 2009 Waxaa maalintii shalay booqday maktabada weyn ee magaalada Garoowe wafdi ka socdo labo heyadood oo deenish ah. wafdiga waxaa weheliyay xubno kamid ah ururka wadaniga ee KAALO. Waxaa wafdiga kusoo dhaaweeyay xarunta maktabada maamulayaasha maktabada oo wafdiga warbixin waafi ah kasiiyay qaabka maktabada u shaqeyso iyo heerarkii kala duwanaa eey soo martay. Waxaa kaloo maamulayaasha wafdiga uga warameen ujeedada maktabada loo aasaasay iyo himilooyinka eey tiigsanayaa. Wafdiga waxaa lagu wareejiyay qeybaha kala duwan ee maktabada ka kooban tahay. ´Booqashadii wafdiga waxeey ku dhamaatay waji aad u wanaagsan.
  19. November 29, 2007 marked the official opening of a key Somali Family Services project in Somalia, the (PLRC). The Center will focus on civil society capacity building, establishing itself as an information repository for Somali-related documents and as a safe, quality space for students, and community members to read and conduct research. Another key area of focus will be on encouraging dialogue and an understanding of roles between the civil society sector and the agencies of the Puntland government. Primary funding for this project was provided by the United Nations Development Program (UNDP), Diakonia-Sweden, and the Somali Family Services. Primary on site logistical support was provided by the Puntland State University.
  20. The Chinese "gangster" was the funniest part and the Tiger.
  21. Fadeexad ka dhacday Masjid Somali oo ku yaal Minneapolis, Mareykanka Qoys Somaliyeed oo dhawaan Somaliya looga dilay wiil ey dhaleen ayaa eedeyn iyo dacwad ka dhan ah mid ka mid ah masaajida Somalida ee Minneapolis (Mareykanka) u gudbiyay booliska iyo sirdoonka FBI kadib markii ey ku eedeeyeen masjidka lagu magacaabo Abuu-Bakar As-sadiiq in shirqoolkii lagu dilay wiilkooda lagu abaabulay masjidkaasi. Burhaan Xassan oo ah wiilka dhawaan looga dilay Somaliya qoyskani ayaa waxa ey sheegeen in qaab JIHAAD ah lagu abaabulay wiilkooda iyo dhalinyaro kale kuwaasoo loogu diray Somaliya in ey ka bar-bar dagaalamaan kooxda Al-Shabaab ee dagaalada ka wada koonfurta Somaliya islamarkaana lala xiriirinayo in ey xiriir dhow la leeyihiin ururka Al-Qacida. Cabdirisaaq Biixi oo adeer u ah wiilka ey Muqdisho ku dileen kooxda Al-Shabaab ayaa u sheegay taleefishinka 5-News Room in ey bilooyin ku howlanaayeen sidii ey Burhaan dib ugu soo celin lahaayeen Mareykanka balse markii laga warhelay in lagu celinayo Mareykanka lagu qaarajiyay halkaasi. Adeerka ayaa intaa ku daray in sababta loo qaarajiyay wiilkooda ey tahay in la diidayay in uu kashifo qaabkii loo abaabulay iyo cida u dirtay "Jihaadka" inkastoo uu isagu go`aanka lahaa, waxaana uu intaasi raaciyay in ey aaminsanyihiin in amarkii lagu dilay Burhaan laga bixiyay masjidka ABUU-BAKAR AS-SADIIQ si aan loo helin wax raad ah ama xogta cidda sida dhabta ah u abaabushay marki uu kusoo laabto dalka Mareykanka. DAAWO FILMKAN (Warka waa sii socdaa filmka hoostiisa!) Qoyska Burhaan ayaa sidoo kale xaqiijiyeen in uusan Burhaan ku dhiman dagaal ama iska-horimaad balse loo yimid oo madaxa laga toogtay xilli laga warhelay in dib loogu celin rabo Mareykanka isagoona la marinayo dhanka safaaradda Mareykanka ee dalkaasi Kenya. Dhanka kale masuul u hadlay masjidka ABUU-BAKKAR AS-SADIIQ oo lagu magacaabo Farxaan Hurre ayaa gabi ahaanba iska fogeeyay eedeymahan, waxaana uu sheegay in masjidku uu ka caagan yahay arrimaha ceynkan ah uuna xoogga saaro masjidka dhanka waxbarashada Islaamiga iyo nabadda. Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo kiis nooca abaabulka Jihaadka ah lagu eedeeyo masjidkaan, waxaana mar sii horeysay la sheegay in ey raad ku lahaayeen rag la sheegay in ey ka dambeeyeen qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Bosaso sanadkii hore. Sirdoonka Mareykanka ee FBI ayaa baaritaan ku haya iminka masjidkan eedeymaha loosoo jeediyay, iyagoona masaajidda kalena aanu ka marneyn il ku hayntaasi. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda