General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^lool. Nice point. The front is the backyard of Villa Somalia, looking out of the window to your Villa does not make you brave. Also Xiin's boss is now begging to ride the Ethiopian tank. Thats how brave this hyocrite is.
  2. ^^^Good question. Abdullahi Yusuf an old man who would have retired in a year. Was so important and powerful that they got together and he just walked off into a dignified retirement. Now six month later. Nur Cade demoted himself to a mere Ambassador. Walid Abdalla is angry, frustrated and confused. Sharif Ahmed from today onwards will no longer be Sharifhotel but Sharif Amxaar. The irony is thousands died because of their falsehood and their envy of one man. Who history is proving to have been correct.
  3. Xukuumadda Itoobiya oo Si Deg Deg ah Uga Jawaabtey Dalabkii Dawladda Soomaaiya Saturday, June 20th, 2009 at 2:45 pm Horseed Media News Desk Wararka ka imaanay Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidmada Itoobiyaanka ee ku sugnaa KALABAYRKA ay isku soo faafiyeen qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, Ciidamadan ayaa ku hubeysnaa Dabaabadaha dagaalka iyo Hub culus. Weriyaha Horseed Media ayaa noo sheegay in Ciidanka Itoobiyaanku aysan weli soo gaarin gudaha magaalada Beledweyn. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakey qaylo dhaan u direy wadamada deriska ah, in muddo 24 saac gudahood ah la soo gaaraan ciidamo ka difaaca Mucaaradka kaabiga u saaran in ay afganbiyaan Dawladda. Warar kale oo aan si rasmi ah loo cadeyn sugnaantooda ayaa sheegay in Dalwadda Kenya ay soo dhoobtey xudooda ay la wadaagto dalka Soomaaliyo ciidamo lixaad leh, ayna u dhawdahay in ay gudaha u soo galaan Soomaaliya, arintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya sheegay in aysan gacmaha ka laaban doonin xaaladda Soomaaliya. Baaqa maanta ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda mid qorsheysnaa marka la fiiriyo sida deg dega ah ee wadamada dersiku uga soo jawaabeen. Sidoo kale Horseed Media ayaa ogaatey in Ciimada AMISOM ay si buuxda uga qaybqaadan doonaan dagaalka, halka ay markii hore ku ekaayeen in ay isticmaalaan Madaafiic ay ku garaacaan goobaha Xoogaga Al-shabaab ay ku sugan yihiin, Ciidanka AMISOM ayaa horey u sheegay in ay balanqaad ka haystaan Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya in ay u soo gurmanayaan haddii xaaladoodu ay noqoto mid khatar ah. Source Horseed Media
  4. ^^^They were just wasting time and taking the opportunity to kill more people. In six months they took down each of their myths. We are Islamists. We run Mogadishu. we defeated Ethiopia. Sharif is a leader. All these became hot air.
  5. ^^^Dayniile & Jowhar are now changing the tune and Ethiopia is the only hope. Ironic moment of the century this is.
  6. Originally posted by Jacaylbaro: It is time Duke demonstrate from the invention i guess ,,, Dear lad, do you have another hangover? What invetion will the Duke demonstrate against, the one that secessionsit m,ade up that the Queen is their mother. That is worthy of protesting agaisnt. Our Queen is not your Mother.
  7. ^^^The problem here is that Yusuf is living it up enjoying his retirement and his clan has never been better in terms of Puntland and the diaspora. The Ethiopians are back and the missery has increased in Mogadishu & south central regions. You and they achived the opposite of what you wanted..lol
  8. Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Aad U Hubeysan Oo Soo Galay Soomaaliya. Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Aad U Hubeysan, Watana Gadiidka Dagaalka Ayaa Ka Soo Gudbay Xadka Ay Itoobiya La Wadaagto Soomaalia, Waxeyna Soo Gaareen Degaanka Kala Beyr Halkaas Oo Ay Horey Ugu Sugnaayeen Ciidamo Kale Oo Itoobiyaan Ah. Warar Aanu Ka Helnay Ilo Xog Ogaal Ah Laguna Kalsoonyahay Ayaa Sheegay In Ciidamo Itoobiyaan Ah Ay Soo Gaareen Jante Kundishe Oo 15-km U Jirta Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan, Warar Xaqiiq Ah Oo Ka Imaanaya Baladweyne Ayaa Sheegaya In Ciidamadan Itoobiyaanka Ah Ay Ku Soo Fool Leeyihiiin Magalada Baladweyne Saacadaha Soo Socda Iyadoo Magalada Gudaheedana Laga Maqlayo Rasaas Goos Goos Ah, Cida Ay U Dhaxeysana Aan La Ogeyn. Iyadoo Dadka Ku Nool Magalada Ay Cabsi Iyo Dareen Baqdin Ka Qabaan Cidamadan La Sheegay In Ay Soo Galeen. Imaanshaha Ciidamadan Ayaa Waxay Soo Baxday, Ka Dib Markii Baarlamanka DKMG Soomaaliya Ayaa Waxa Uu Wadamada Caalamka Gaar Ahaan Kuwada Dariska La Ah Soomaaliya Ka Codsaday In Ay Ciidamadooda Saacadaha Soo Aadan Ay U Soo Diraan Soomaaliya. Soo Galitaanka Ciidamadan U Muuqata In Itoobiya Oo Ka Jawaabeysa Hadlkii Ka Soo Baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka DKMG soomaaliay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Oo Maanta Shir Jaraa’id Ku Qabtay Xarunta Madaxtooyada Ee Villa Soomaaliya Ayaa Dalbaday In Soomaaliya La Keeno Ciidamo Aan Kala Sooc Laheyn Oo Ka Socda Aduunka, Kuwaasi Oo Ay Ugu Horeyaan Wadamada Xaduudaha La Leh Wadanka Soomaaliya Gaar Ahaan Kenya Ethiopia, Jabuuti Iyo Yamen. Lama Saadaalin Karo Xaaladda Colaadeed Ee Soomaaliya Dadweynuhuna Waa u Rajo Beel, Hadaba Soo Galida Ciidamada Itoobiyaanka Ah Waxey Dadka Xusuusineysaa Dhibaatadii Iyo Xasuuqii Ba’naa Ee Ay Ka Geesatay Soomaalia Gaar Ahaan Magalada Muqdisho. Wariye:Yahya Sharif Abdinur
  9. ^^^^At least you admit the truth. But add they were not agaisnt Yey but his whole clan...lol.
  10. Ciidamo Itoobiyaan ah oo Soo gudbay xadka Somaaliya iyagoo ku soo fool leh Baledweyne. Ciidamo ku hubeysan dabaabaad ayaa la sheegayaa inay ka soo talaabeen xadka ay Itoobiya la wadaagto Soomaliya iyagoo ku biiray ciidamadii hore uga joogay deegaanka Kalabeyr ee gobolka hiiraan. Wararka Baledweyne ka imaanaya ayaa sheegaya in Ciidamadaasi Itoobiyaanka ay soo gaareen jante Kuwiidishe oo 15 KM u jirta caasimada Gobolka Hiiraan ee magaalada Baledweyne. Warar ay heshay shabakada jowhar.com ayaa xaqiijinaya in sidoo kale ciidamadaasi ay ku suagan yihiin Ait porka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne iyadoo halkaasi laga maqlayo rasaas goos ah oo aanan la ogeyn cida ay u dhaxeyso. Arintan ayaa soo baxday wax yar uun ka dib dalabkii gudoomiyaha Bralmaanka uu ku codsaday in ciidamao ay u soo diraan dalalka deriska muddo 24 saacadood ah, lakiin lama oga inay tani tahay jawaabta dowlada Itoobiya iyo in hore ay qorshesneyd inay ciidamadani halkan yimaadan. Dad badan ayaa haatan sii sadaalinaya in Ciidamada Itoobiya ay dalka si rasmi ah ugu soo laaban doonaan waxaana arintaasi ay ka danbeysay codsiga dowlada oo ay ku codsaneyso in laga difaaco kooxaha mucaaradka oo xarunta villa Somalia u jira wax yar uun. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  11. Lets have people demonstate against the new "invasion" and agaisnt Sharif AHmed the most happless of men.
  12. ^^^Thanks for highlighting the mans hypocracy, a legend in flip-flopping our Sharif is.
  13. ^^^Kashafa, Al Kebaab and all the fake religious groups have killed way too many Somali's for naked power. Dayniile thought they were supportng something that would help the clan instead they added missery to Mogadishu and the local areas that are burning. If they were brave they would fight Ethiopians and liberate the Muslims there. But they aint tough they just found weaker individuals to rape right now. Rapists never get far and they have lost already Kashafa just hang around a little longer.
  14. Degmada Kaaraan ayaa iska leh Istraatiijiyad gaar ah, waxaa ku teedsan xeebta liido buuro dhaadheer kuwaas oo si toos ah ugu muuqda Dekadda MUqdisho, haddii mucaaradku halkaa qabsado waa adagtahay in dawladda ay u suurto gasho in ay dekadda Maamusho waxaana halkaas ku Xirmaaya Dekadda Muqdisho, waana dekadda keliya ee ay Dawladdu Maamusho, Sidoo kale haddii mucaaradku soo gaaro Cabdicasiis iyo Shibis, waa adagtahay in Shiikh Shariif sii fadhiyo Villa Somalia. Damn, Karaan was meant to be the unconquerable base. :confused:
  15. Degmada Kaaraan oo Inteeda Badan Al-shabaab u Gacan gashey (Khariidadda Dagaalka) Friday, June 19th, 2009 at 10:28 pm Waxaa galabtey ka dhacay Degamada Kaaraan ee Muqdisho dagaal aad u kharaar kaas oo gacmaha la isula tagey, dagaalkan ayaa la isu adeegsadey noocyada kala gedisan ee hubka iyada oo labada qolo aysan waxba isula harin. Fiidkii caawa ayaa Al-shaab u suurta gashey in ay soo gaaraan Saldhiga Kaaraan iyo Xaruntii Degmada iyaga oo isku fidiyey xaafadda Kaaraan, jidadkeeda. Dagaalka Galabta ka dhacay Degmada Kaaraan waxaa ku dhiuntey dad gaaraya 15 qof oo uu ku jiro Xildhibaan Inj.Caddow. Ciidanka Dawladda ayaa helaya gurmad xoogan waxa ayna isu diyaarinayaan dagaal rogaal celis ah, iyaga oo ka hortagaya in ay horey u soo ruqaansadaan Xoogagag Al-shabaab. Ciidanka Al-shabaab ee galabta dagaalka xooga leh ka ridey Degmada Kaaraan ayaa lagu soo waramaya in ay u badan yihiin Ciidamo Ajaanib ah kuwaas oo leh khibrad dagaal, waxaa qaybtood ka soo dagaalameen Bosnia, Shiishaan, Kosovo, Afqanistaan iyo Ciraaq. Dhanka kale Xisbul-Islaam ayaa dagaal iyaguna dhankooda ka bilaabey Degmada Yaaqshiid, waxaana dagaalka xoogiisu ka dhacay Isogeyska Fagax, Dagaalka ka dhacay Yaaqshiid ayeysan labada qolo midna gaarin wax hormar ah. Degmada Kaaraan ayaa iska leh Istraatiijiyad gaar ah, waxaa ku teedsan xeebta liido buuro dhaadheer kuwaas oo si toos ah ugu muuqda Dekadda MUqdisho, haddii mucaaradku halkaa qabsado waa adagtahay in dawladda ay u suurto gasho in ay dekadda Maamusho waxaana halkaas ku Xirmaaya Dekadda Muqdisho, waana dekadda keliya ee ay Dawladdu Maamusho, Sidoo kale haddii mucaaradku soo gaaro Cabdicasiis iyo Shibis, waa adagtahay in Shiikh Shariif sii fadhiyo Villa Somalia.
  16. ^^^The only problem is why no demo's in London and other hangouts? Was a hatred for one man more valuable than the lives of the children, women and old? They have been killing these civilians for 19 years so nothing new I guess.
  17. Xildhibaan Saciid Cali Shire oo cambaareeyay xasuuqii shalay ay geysteen ciidamada Afrika Posted to the MOL June 18, 2009, 3:13 pm بِس ;ْم¡ 6; الل ;هِ الر ;َّ 1;ْم 14;نِ الر ;َّ 1;ِي 18;مِ الْ ;حَ 5;ْد 15; للّ ;هِ رَب ;ِّ الْ ;عَ 5;لَ 05;ِي 606;َ وال ;صّ¡ 4;لا 77;ُ وال ;سّ¡ 4;لا 05;ُ عَل ;َى نَب ;ِي¡ 7;نا 18; مُح ;َم¡ 7;َد 13; وَآ ;لِ 7;ِ أجْ ;مَ 3;ِي 18;نَ. Magacaygu waa Saciid Cali Shire, waxaan ahay qoraa, aqoon yahan iyo waxgarad Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale ahay xildhibaan ka tirsan dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. 1. Ugu horayn waxaan tacsi u dirayaa, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii dadkii xusuuqa naxariis darrada ah loogu geystey guryohooda, shalay oo taariikhdu ahayd 17 June 2009-ka. Waxaan tacsi middaas la mid ah u dirayaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii dadka tacaddiyaadka loogu geystey Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay. Tacaddiyadaas ha geysteen cadaw ajnabi ah oo aan shacabka Soomaaliyeed u naxayn ama doqon, cada-qaate ah, damiir xume ah, wax iskuma fale ah oo magic Soomaali nala sheeganaya. 2. Waxaan cambaaraynayaa dadkii geystey xusuuqii 17 Jun 2009 ka dhacay magaalada Muqdisho iyo kuwii ka horeeyey dhammaan. Waxaan leeyahay waxaad gasheen jariimo Eebe agtiisa ku weyn, caalamka agtiisa ku weyn, shacabka Soomaaliyeedna agtooda ku weyn. Jariimadaas iyo kuwa la midka ah ee aad gasheena noqon mayaan kuwo shacabka Soomaaliyeed ee biri-ma-geydada ahi hilmaamo. 3. Waxaan eedayn iyo cambaarayn u soo jeedianayaa Weled Cabdala, ergeyga gaarka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobay. Walad Cabdlalla, waa waayeel aan qalbigiisu naxariis aqoon, waa waayeel aan damiir Islaanimo lahayn, waa waayeel aan wax xurmo ah u hayn shuruucda iyo cahdiyada u qoran hay’ada uu wakiilka uga yahay Soomaaliya. Haddaanan khaldanayn, laga soo bilaabo Diseember 2006, waa yartahay, ama maba jiraanba, in Weled Cabdala uu wax dareen ah ka muujiyey tacadiyaadka isugu jira dilka, kufsiga, bara kicinta iyo bur-burinta ciidammada cadawgu u geysteen shacabka Soomaaliyeed. Waxaa maanta bannaanka la soo dhigay in Weled Cabdalla uusan marna daacad ka ahayn arrimaha Soomaaliya. Waxa maanta qof kasta oo Soomaaliyeed ogyahay dunuubta Weled Cabdalla ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale qof kasta sii oddorosi karaa dhagaraha Weled Cabdalla iyo caddawga insaaniyadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed. Weled waxaan leeyahay, dhiigga daahirka ah ee ku daadanaya dhulka daahirka ah, ilmada ka qubanaysa waayeelka iyo caruurta Soomaaliyeed, bur-burka iyo bara kicinta aad maryaha xariirta ah kor kaga hadoodilaysid, waqtigoodii waa dhammaaday, shacabkii iyo waxgaradkii Soomaalidu waa tooseen runtiina way arkeen. Maanta ma jirto, haba yaraatee,wax xushmad iyo wanaag ah oo shacabka Soomaaliyeed kuu hayo. Weled, waxaan leeyahay waxaad tahay caddawga insaaniyada, haddii waqtigu nagu simana waxaan ku horkeeni doonaa maxkamad. And the happless clan obbsessed give him awards
  18. ^^^lool. Thanks to Walid, Nur & Ahmed. The myth of the "Mogadishu society" has burst. Sharif Ahmed the fake peace merchant is naked and shameless. Jowhar fell, Beledweyne is burning, Mogadishu hundreds of thousands have fled, hundreds killed, thousands injured. and they get rewarded? Amazing.
  19. ^^^lool. look at Walad's face he knows he lost. Thanks you Nur Cade, Ahmed and Walid, you have finished of the Somali problem maurauding militias in the south.
  20. ^^^What nonsense, the men who are eating up the armed groups in the south can not take an inch against 4000 Burundi & Ugandan troops. Somali's talk a great deal, but we have only sterngthes for ourselves.
  21. Kashafa: You have lost adeer,you might delude yourself but your whole fake religious hype is based on clan, and like in 2006 this is no more than Pyrrhic victory. Only the foolish celebrate what they do not know. Sharif ahs lost no doubt, Xasan has lost no doubt. These mauarding Takfiri's will be wiped out. And the brunt will be suffered by your clan and the innocent civilians of Mogadishu. hip-hop Mujahid get ready to start sending money for relatives who are being made into refugees by your hero's.
  22. ^^^Kashafa adeer Al Shabaab have already lost, your clan has lost its over saxib for the south as a power. You obviously dont realise anything, but thats the final verdict.
  23. Xoogaga Mucaaradka oo caawa ku hoyanaya guud ahaan Degmada Kaaraan iyo Muuse Suudi oo ka baxay Inkastoo mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah ayaa waxaanu jirin wax dagaalo ah, oo caawa ka dhacay Degmada Kaaraan, kadib markii galabta iyo caawa fiidkii inta badan Degmadaas gacanta u gashay Xoogaga Mucaaradka, gaar ahaan Xarakada Alshabaab. Xoogaga ka soo horjeeda dowladda ayaa ah kuwo guud ahaan caawa ku hoyanaya Degmada,waxaana Dowladda ay weysay mid ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan caasimada ka tirsanaa,taasoo aheyd meelihii dowladda sida tooska gacanta ugu heysato sanadihii u dambeeyay. Wararka laga helayo degmadaas ayaa sheegaya in dagaaladii galabta ay ku dhinteen ilaa shan ruux oo rayid ah,waxaana la ogeyn qasaaraha kala gaaray ciidamada dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda oo dagaal ba'an dhex maray galabta, inkastoo laga soo saaray ciidamad inta badan degmada kaaraan. Dagaalkii galabta ayaa waxaa ku dhintay Xildhibaan Eng. Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ahaa xildhibaanadii maalmahan abaabulka ballaaran ka waday W/Muqdisho,inkastoo aanay dowladda wax war ah ka soo saarin qaabka lagu dilay. Sidoo kale war goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow uu caawa isaga baxay Degmada Kaaraan, gaar ahaan hoygiisii uu muddo ka deganaa Kaaraan, halkaasoo xarun weyn ugu aheyd xilligii uu ahaa Hogaamiye kooxeedka. Ka bixitaanka Muuse Suudi ee degmada Kaaraan ayaa ka dambeysay kadib markii ay ku soo fideen degmada xoogaga mucaaradka,inkastoo aanay xaruntiisa ku sugneyn xoogaga,hase yeeshee xubno aad ugu dhow ayaa kula taliyay inuu ka soo baxo. Lama oga sida ay xaalada noqon doonto iyo waxa berri is badali doona,laakiin waxaa la saadaalinayaa in dagaalada ay halkeeda ka sii bilaaban doonaa,maadaama xoogaga mucaaradka wali ku soo fidayaan magaalada inteeda kale oo wax yar uga harsan tahay. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com