
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Xagla-toosiye WAXAAN NAHAY REER PUNTLAND : no forgeries required
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. The secessionist claim is as ludicrous as their democracy. Cade was General, Faroole has an MBA. Riyaale was a spy who knows how to beat up SNM gang members. -
^^^Again lets look at our interest today, the weak happless TFG of Sharif is not a friend of Puntland. The president position is one that Cade Muse, Yusuf & Mohamed Abdi Hashi would have taken. The interest of the state is above games, and his record as an opposition while shabby, should not confuse us as to the interest of the state, which is with the Galkacyu agreement and securing Puntland for a future Federal Somalia.
-
Nuur Cadde Ali Amiriko names that forever will live in Infamy
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Markii la soo dhisay xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Sheikh Shariif, waxay durbadiiba Kenya la gashay heshiis muran gelinaya badda Soomaaliyeed. Heshiiskaas oo hadda uu Cumar C/rashiid ku tilmaamay mid xad gudub (Violation) ay ku kacday Kenya. Laakiin ilaa hadda DFKMG aysan si rasmi ah uga laaban heshiiskaas, aqbalina diidmadii baarlamaanka, isla markaasna aan diidmadaas loo gudbin QM. Bishii June 2009 ayaa xukuumadda Sheikh Shariif waxay Nuur Xassan Xussen (Nuur Cadde) u magacawday Safiirka dalka Talyaaniga iyo Ergayga DFKMG u wakiilka uga ah Midowga Yurub. Arintaas oo u muuqata abaalmarin shaqada xooga leh ee uu qabtay, shaqadaas oo ah inaan muwaadinka Somaaliyeed ciidiisa gudaheeda wax xuquuq ah ku lahayn. Gabagabadii Waxaa muuqata ummadda Soomaaliyeed inay meelkasta ka dayacantahay meel fiyow iyo meel loo ciirsadaa midna aysan jirin, Qaybaha kala duwan ee Ummadda Soomaaliyeed waxaa la gudboon in dhibaatooyinka nagu hareeraysan si wanaagsan loo daalacdo, xoogana la saaro sidii looga bixi lahaa. Marka ugu horaysa waxaa nagu waajiba inaan barano ishana ku hayno kuna cambaarayno kuwa saxiixaya qodobo ummadda Soomaaliyeed lagu hagar daamaynayo, sida ugu wanaagsan oo kuwaas looga guulaysan karona waa inaan xooga saaraa sidii Soomaaliya Dowlad Caadil ah uga dhalan lahayd. Waaqica nagu hareeraysan wuxuu nabarayaa inaan cadowga gudaha noogu jira marna iska celin karin hadaan dowlad lahelin. Arinta kaloo muhiimka ah waxay tahay in heshiiskaas Baarlamaanka la keeno, si dag dag ahna waxba kama jiraan looga dhigo, sidoo kale in Dowlada hada jirtaa ay ka Codsato Midowga Reer Yurub inay isaga baxaan Wadanka Soomaaliya, iyadoo arintaas adag tahay in laga fisho maadaama ay ku fashilmeen inay kabaxaan heshiiskii Is-Afgarad oo kan ka fudud, hadana saas ay tahay in wax loo sheego lagama quusanayo. Shaqada ugu Muhiimsan ee dad badan hada qaban karaan waa in cidkasta oo awood u leh inay wax qorto ama baaritaan samayso ama xoghaysa inay is xilqaanto oo fadhiga laga kaco, maxaa yeelay Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nimaan hadlin Hooyadiis Qadisay”. Sidoo kale waxaa layiraahdaa “Aamusidu waa aqbalaad” Hadii lahadlo laba faa’iido ayaa lagaarayaa a) Mida koowaad waa In ummadda la wacyi galiyo, ummaduna ay barato waxa kamaqan ama ay diidantahay, markaasna ay aqoon ku doodo. b) Arinta labaad waa in Cadowgaagu ogaado inaadan hurdin aadna ogtahay waxa lagula maagan yahay, iyo in Kayd Taariikheed loo reebo jiilasha soo socda. Fadhiga halaga kaco “Cidna uma maqna Ceelna uma qodna”. -
Nuur Cadde Ali Amiriko names that forever will live in Infamy
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Bishii October 2008 ayaa Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla waxa uu bilaabay ama uu lahaa asaaskii diyaartii akhbaarta Soomaaliya ee la xiriirta cabirka badda ee Qalfoofka Qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed. Waxaa xilliyadaas soo shaac baxayey khilaaf ku kala dhex jirey xukuumadda FKMG, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. November 1, 2008 ayaa ra’iisul wasaarahii DFKMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxa uu warqad u diray Midowga Yurub qaybta u qaabilsan Arrimaha Dibadda, ammaanka iyo siyaasadda, warqaddaas oo jawaab u ahayd wada shaqayn ay reer Yurub usoo bandhigeen. Waxaana taas ku xigtey warqad wargelin ah oo Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ay November 14, 2008 u dirtay Xoghayaha Guud ee QM. C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu xilka madaxweyna-nimada DFKMG iska casilay December 29, 2008. Laba maalmood kaddib ayaa magaalada Nairobi December 31, 2008 waxaa heshiis ku kala saxiixday Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Nairobi iyo Midowga Yurub. Heshiiskaas oo ku saabsan Dhulka, Badda iyo Hawada dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya in ay geli karaan ciidamada Yurub ee loogu magac daray EURAVFOR. (Gumaysiga reer Yurub ee Qarniga 21-aad) -
Nuur Cadde Ali Amiriko names that forever will live in Infamy
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Faallo Kooban Gumaysiga Reer Yurub ee Qarniga 21-aad Runtii waa nasiib darro haysata Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana Madaxda Soomaaliyeed, kaddib intii dowladdii Soomaaliya bur burtay waxaa soo baxaya heshiisyo laga argagaxo oo dhammaantood ay ku saxiixan yihiin Masuuliyiin Magac iyo Darajo sare kulahaa Dowladii Milatariga. Ma qof Bini aadam ah ayaa aamini kara shakhsi loo tababaray inuu ilaaliyo amniga Qaranka, khibrad ciidan oo ugu yaraan 40-tan sano ahna leh, isla markaana fikrad ka haysta sida caalamku maanta u shaqeeyo, oo wadamo badan tagay ama wax kubartay (Col. Nuur Xasan Xuseen R.Wasaarihii labaad ee DFKM), ayaa aqbali kara/saxiixi kara/ ogaalan kara/ loola imaan karaa hadalaan ku xusan Heshiiskan!. Imisaan oran karaa waa qab qable aan aqoon lahayn jahli ayaa u geeyey waxyaabo baddan, Dowladii Siyaad Barre waxa ugu muhiimsan ee Saraakiisha iyo Ciidamada ay barto waxay ahayd Difaacidda Qaranka Soomaaliyeed, Dhul, Cir iyo Badd laga difaaco Cadowga Soomaaliya. Waxay kaloo ummadda kala hadli jirtay inay Soomaaliyeed Shantii qaybood ee Gumaysigii reer Yurub u qaybiyey dib loo mideeyo. Arintaasna waxaa cadayn u ah Dagaalkii 77 lala galay Dowlada Itoobiya oo dad badan oo Soomali ah aaminsanyihiin kadib markii Ruushku jabiyey Ciidamadii Soomaaliya inay qaybta ugu wayn ku leedahay burburka Qaranka Soomaaliyeed. (Soomaaliya waxay gumaystayaashii Yurub hore ugu kala qaybiyeen shan qaybood.) Sida aad kor kusoo aragtay qodobadaan kore oo dhan wax xuquuq ah oo ay siinayanaa ummadda Soomaaliyeed iyo dhulkooda midna jirin, una muuqda nooc gumaysi ah oo cusub, waxaana ugu magac bixin karraa (Gumaysiga reer Yurub ee Qarniga 21-aad) waxaan soo qaadan doonaa dhowr qodob oo kaliya qodabada oo dhan waa isku ujeedo, waana lagu soo celceliyey hadalada si mustaqbalka aan looga gar helin. Qodaba oo dhana waxay xuquuq cusub usiinayaan reer Yurub inay Wadanka Soomaaliyeed siday doonan ugu takri falaan, raga Madaxda ah oo ogolaaday heshiiskaana waxay dhaxal wareejiyeen Wadanka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaan is kor taagi doonaa dhowr qodob. Qodobka 4-aad EUNAVFOR shaqaalahoodu waxay gelikaraan ciidda dhulka Soomaaliya waxa keliya oo looga baahan yahay waa sida ku cad qodobka 3 (1). Waa laga dhaafay ama ma qabanayaan sharciga la xiriira baasaboorka iyo dal-ku-galka, (Visa) baaritaanka immigartion-ka, iyo hubinta custom-ka, marka ay ka baxayaan ama inta ay ku dhex jiraan dhulka Soomaaliya. 2. EUNAVFOR shaqaalahooda waa laga dhaafay (ma qabanayaan) sharciyada Soomaaliya ee la xiriira diiwaan gelinta iyo hubinta dadka Ajnabiga ah ee dalka soo geleya, laakiin ma yeelanayaan xuquuq deganaansho rasmi ah ama xuquuq madani ah ee dhulka Soomaaliya. 3. EUNAVFOR Dhaqaalahooda iyo aaladahooda (ay ku safrayaan ) lagu safarka ee geleya ama dhex maraya ama jooga gudaha dhulka Soomaaliya ee taakulaynaya hawlgalka waxaa laga dhaafay ama ma qabanayo wax kasta oo muujinaya in la ogaado inta ay leegyihiin alaabtaasi, loogama baahna dukumiinti, sidoo kale waxaa laga dhaafay ama loogama baahna haba yaraatee in la eego waxa ay wataan. 4. EUNAVOR shaqaalahoodu waxay dhulka Soomaaliya ku wadan karaan gawaari, maraakiib iyo diyaarado, haddii ay wataan laysan dalalka (qaybta ka ah howl galka) ama caalami ah ama militari, ama shatiga lagu wado maraakiibta ama laysanka lagu wado diyaaradaha, ee ku haboon. Qodobka 4-aad wuxuu leeyahay waxaa kaliya oo laga rabaa inay wataan calaamada howlgalkaan cusub loo sameeyey ee EUNAVOR oo kaliya, haday calaamadaas wataan waxkale oo laga rabo majirto (Uniform). Lagama doonayo Baasaboor iyo inay wadanka Soomaaliya Visa kusoo galaan ama ku joogaan, sidoo kale waxaa laga dhaafay in hay’ada socdaalku baarto ama waydiiso wax sharci ah iyo dhinaca Custom-ka iyo Xuduuda oo aan wax baaritaan ah ku samayn karin, macnaha qodobkan oo kooban waa waxay ka xuquuq badan yihiin Muwaadinka Soomaaliga ah. Sidaas maxaan u leenahay marka laga yimaado qofka shacabka ah ee Soomaaliga ah, dhamaan qaybaha kala duwan ee Dowlada waxay wadanka uga baxaan Baasaboor Dubamaasi ah, ha ahaadeen Hay’ada fulinta ama Mudanayaasha Baarlamaanka, Xasuusnowna Dowladu waxay qabanayso waa shaqo guud, sida qaalibka ah. Wali lama hayo Sharci sheegaya qofka muwaadinka ah inuu wadankuu doono ha ahaadee uu Baasaboor la’aan, ama Teesaraha aqoonsiga la’aantiis xataa wadankiisa dhexdiisa u kala safri karo. Shaqaalaha howl galkaan loo soo ka xaysto wadankay doonaan ha ahaadeen e waxaa laga dhaafay in magac laga qoro ama la waydiiyo meesha ay ka yimaadeen, wadanka way iska soo gali karaan, meeshay doonaana waa aadi karaan. lama yaqaano waxay ku joogaan, majiraan sharci lasiiyey oo ka dhacaysa, sida Visa-ha Dal ku galka, Daganaansha wadanka ama dhalashada wadanka. Shaqaalaha dhulka Soomaaliya waxay ku wadan karaan nooc kasta oo gaadiid ah Cir, Dhul iyo bad, lagamana rabo wax sharci ah, haday kamid yihiin dalalka qaybta ka ah howl galka, ama wataan shatiyada wadamadooda, sida; kan gaariga lagu kaxeeyo. Waxaa ka siidaran intaan soo xusnay wax kasta oo ay wataan sida; dhaqaalahooda iyo qalab ama waxkasta oo ay wadanka lasoo galayaan waxaa laga dhaafay in la ogaado waxa ay yihiin iyo inta ay leeg yihiin, wax sharci ah oo looga baahan yahayna majirto. Micnaha hadalkan ku jira waa, sida caadiga ah ee aduunka looga macaamilo waa, marka wadan lala galayo alaab ama dhaqaale waxaa lasocda waraaqo cadaynaya, noocooda, tiradooda, meeshay kayimaadeen, cida iska leh iyo waxa lagu qabanayo ama sababta loosoo safriyey, Number-ka 3-aad wuxuu leeyahay waxaas oo dhan lagama rabo. Haday sun keenaan nasiibkood, haday Subag keenaana nasiibkood. 8. Arrimaha la xiriira hawlgalka awgeed, EUNAVFOR iyo aaladahooda wax lagu qaado waxay adeegsan karaan jidadka dadweynaha, buundooyinka, marsooyinka, garoonada iyo dekedaha ayagoo aan bixin wax lacag ah, aan bixin kiro ama khidmad, aan bixin cashuur, iwm. EUNAVFOR lagama dhaafin (lagama cafin) kharash macquul ah ee adeeg loo qabtay oo la xiriirta adeegyada ay bixiyaan ciidamada hubaysan ee Jahmuuriyadda Soomaaliya. Qodobkaan waa iska cadyahay, kaliya waxaan xusaynaa adeegsiga wadoonyinka iyo meelaha kale ee ay marayaan wixii khasaare soo gaara lama xusin cida masuuliyadeeda qaadaysa. Qodobka 5-aad 1. EUNAVFOR maraakiibtooda iyo diyaaradahoodu waa in ay ahaadaan lama taabtaan (ama laguma xad gudbaan). Kuwaas oo hay’adaha Soomaaliya aysan geli karin ayagoo aan amar ka qaadan taliyaha ciidamada Midowga Yurub, 2. EUNAVFOR maraakiibtooda iyo diyaaradahooda iyo weliba aaladahooda wax lagu qaado waa in ay ahaadaan kuwo ka caaggan oo aan la baari karin, wax la weydiin karin oo dacwad lagu oogi karin. 3. EUNAVFOR iyo maraakoobtooda, diyaaradahooda, alaabtooda iyo dhaqaalahooda, meelkasta oo ay ahaadaanba waa in ay ahaadaan lama taabtaan oo aan lagu fulin karin ama lagu qaadi karin nimaadka sharciga. 4. EUNAVFOR kaydkooda (archive) iyo dukumiintigoodu waa lama taabtaan (caaggan) xilli kasta oo ay ahaato, waqti kasta oo ay noqoto (immunity). 5. Wada xiriirka rasmiga ah ee EUNAVFOR waa lama taabtaan (xafidan). Wada xiriirka rasmiga ah waxaa macnaheedu yahay dhammaan xiriirka la xiriira hawlgalka iyo arrimaha fulineed ee la xiriira (waa lama taabtaan). Qodobkan shanaad markaad aragto waxaad ilaawaysaa kuwii kasii horeeyey inkastoo uu xoojinayo qayb kamida kuwii aan soomaray. Wuxuu leeyaha Noocyada gaadiidka Midowga reer Yurub lama fiirin karo lamana gali karo meelkasta oo uu joogo, waxaa ka caagan in labaaro Diyaaradahooda iyo Maraakiibtooda, wax su’aal ahna aan lawaydiin, haday xadgudbaana wax dacwad ah lagu soo oogi karin. Waa yaabe dalka yaa iska leh, mawadan Midowga reer Yurub ka mid ah baa, xageese aduunka aan ku noolahay sidaas looga dhaqmaa, waxkasta oo ay wataan waa ka wayn yihiin sharciga waa lama taabtaan, sharci laguma qaadaan. Arintan si fiican u dhuux “Kaydka xogtooda, wada xiriirka howlgalka ee rasmiga ah waa laba taabtaan, xili kasta oo ay ahaato” Taas macnaheedu waa howsha ay u joogaan cid og majirto, haday wadanka sahamin kusameeyaan lama ogaan karo, waxkasta oo kuwada hadlaan iyaga kaliya ayaa is og. Qodobadaan kore markaad akhrido miyaadan qirayn inaan gumaysi galay Qarniga 21-aad, gumaysigana uu qayb kayahay Sarkaal sare oo loo tababaray difaaca Dalka iyo Dadka, Col. Nuur Xasan Xuseen. -
Nuur Cadde Ali Amiriko names that forever will live in Infamy
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
source -
Nuur Cadde oo Lagu Abaal Mariyey in Dadka Soomaaliyeed aysan Xuquuq ku yeelan Dhulka Soomaaliyeed? Daabaco | Print | Faafin: SomaliTalk.com | Sunday, November 15, 2009 Nuur Cadde oo Lagu Abaal Mariyey in Dadka Soomaaliyeed aysan Xuquuq ku yeelan Dhulka Soomaaliyeed? Dhammaadkii sannadkii 2008, ayaa heshiis waxaa kala saxiixday xukuumaddii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Midowga Yurub. Waxaa heshiiskaas DFKMG u saxiixay safiirka u fadhiya Nairobi. Sida aan hoos ku arki doono waxaa heshiiskaas la saxiixay xilli aan DFKMG lahayn madaxweyne. Hoos ka akhri wixii heshiiskaas ku qornaa oo Af-Soomaali loo rogey iyo faallo kooban oo ku saabsan heshiiskaasi sida uu xad gudubka ugu yahay xuquuqda qaranimada Soomaalida. Heshiiskan oo ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee Midowga Yurub (Official Journal L 010 , 15/01/2009 P. 0029 – 0034), waa kan:
-
Madaxweyne Shariif oo beeniyay Qilaaf la sheegay in uu udhaxeyo PL iyo DKMG Ka dib shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Muqdisho madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa waxa uu ku beeniyay Shirkiisan jaraaid in uu jiro qilaafaad u dhaxeeya Maamulka gobolka Puntland iyo Dowlada Dhexe ee Soomaaliya. Wixii ka dambeeyay kulan ku dhexmaray madaxweynaha Puntland iyo kan dowlada Soomaaliya waxaa soo if baxay warar sheegayay in qilaafaad uu soo kala dhexgalay labadaasi masuul, balse waxaa taasi ka hor yimid waba kala jiraana ku tilmaamay Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Sh Shariif Sh axmed . Madaxweynaha Soomaaliya Shirkiisa jaraaid waxaa kale oo uu ku soo hadal qaaday in hadiiba uu jiro wararka beenta ah ee la faafiyay aanay dowlada KMG ah ee Soomaaliya ogolaandoonin wax aan sharciga waafaqsaneyn oo aanay aqbaleyn axdiga Fedralka wax uusan qabin dowladisa, isagoo si rasmi ah farta ugu fiiqay in dowladiisu aysan ogolaaneynin maamul goboleedyo, dhulka Soomaaliyeedna uu mid yahay dowlada KMG ahna ay masuuliyadeeda qaaday. Si kastaba ha ahaatee hadalkan uu jeediyay Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo inta badan maalmihii aynu ka soo gudubnay ay saaxafada qaar iyo dadweynaha hadal hayeen qilaafaad soo kala dhexgalay Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole iyo weliba Madaxweynaha Dowlada Dhexe ee Soomaaliya. Max’ed Xaaji Xasan Abuukar SBC International Muqdisho
-
Wefdi ka socda Rugta Ganacsiga Puntland oo ku sugan dalka Yemen(Sawiro). November 19, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (1) News Desk. Gudoomiye Ku Xigeenka Rugta ganacsiga Puntland Siciid Cismaan Ciid oo iminka booqasho ku jooga dalka Yemen ee deriska la ah Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay ganacsatada kala duwan ee ku dhaqan dalkaas. Hadaba wefdiga ka socda Rugta Ganacsiga Puntland ayaa waxaa ay kulamo la qaateen 17.11.2009 ganacsato u dhashay dalkaas Yemen kuwaas oo ku sugan magaalada xeebta ah ee Mukalla ee xarunta u ah gobolka Hadraamuut,waxaana u ahaa mid looga wada hadlaayay sidii wada shaqayn dhanka ganacsiga ah u dhexmari lahaa Rugta ganacsiga ee Puntland iyo ganacsatada gobolka Hadraamoot. Kulankaas ayaa waxaa ka qaybgalay sidoo kale Gudoomiyaha gudiga ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Mukalla Abshir Yuusuf Xassan,waxaana dhanka ganacsatada Yemen horkacaayay Gudoomiyaha Rugta ganacsiga ee Hadramuut Cumar,Madaxa xirrirka guud ee Carabta Axmed Mataan iyo weliba ganacsatada halkaas ku dhaqan. Gudoomiye Kuxigeenka Rugta ganacsiga ayaa sheegay in kulankaas u ahaa mid la isku soo hadal qaaday sidoo kale xirrirka Taariikhiga ah ee u dhaxeeya ganacsatada Magaalada Mukalla iyo kuwa Puntland. ”Waxaan yeelanay kulan ku sabsan isbarasho,waxaana ku heshiinay sidii wadashaqayn xoogan u samayn lahayn isla mar ahaanta aan isdhaafsano booqashooyin kala duwan”,ayuu yiri. Wuxuuna tibaaxay in ay soo dhoweyn balaaran kala kulmeen ganacsatada ku dhaqan Mukalla ayna balanqaadeen in ay xoojin doonaan xirrirka ganacsi ee u dhaxeeya iyaga iyo ganacsatada Reer Puntland. Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Rugta ganacsiga ee gobolka Hadraamoot ee ku taala magaalada Mukalla,waxaana sidoo kale wefdiga Rugta ganacsiga Puntland ka codsaday ganacsatada Yemen in ay wax ka qabtaan cabashada ka soo yeeraysa ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan Mukalla. Ugu dambeynti waxaa lagu wada in u dhowaan soo gaba gaboobo booqashada ay dalkaas Yemen ay ku joogaan wefdiga ka socda Rugta ganacsiga ee Puntland oo u horkacaayo Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Siciid Cismaan Ciid. Horseed Media.
-
Xagla-toosiye WAXAAN NAHAY REER PUNTLAND : no forgeries required
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^What ever that means... -
Allah u naxariisto, he passed away in the holliest place on Earth. My condolences to his family in this difficult time.
-
Shirkii Maalgashiga ee Cadan Rugta Ganacsiga & Warshadaha Puntland ayaa kaqayb gashay shir ka dhacay asbuucaan magaalada Cadan ee dalka Yemen kaas oo aay martigalisey dowlada Yemen shirkaas oo looga gol lahaa in aay kusoo jiidato maalgalin caalami ah looguna magac daray “Cadan Albaabka dunida” “Aden The Gateway to the World” Shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay wafuud kakala socota dalal badan gaar ahaan dalalka khaliijka,bariga Africa iyo Heyado iyo ururo daneeya maalgashiga. Dalka Soomaaliya waxaa ka yimid oo shirka yimid Rugta Ganacsiga Puntland iyadoo shirka uu kasoo qayb galay Gudoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xusen Ciid iyadoo aay sidoo kale iyaguna yimaadeen Wafdi kasocda Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Yemen oo uu hogaaminayo Ambassador Maxamed Xasan Dawaara iyo Qunsulka Caamka ah ee Cadan u Fadhiya Soomaaliya Counsel General Xuseen Xaaji Axmed iyo masuuliyiin kale oo kasocday Safaarada. Shirka oo socda 11-12 ayaa waxaa si weyn loogu lafagurey arimaha maalgashiga,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha,horumarinta dekadaha iyo fududeynta lagu diyaariyey Suuqa xorta ah ee Cadmeed “Adan Free Zone”.. waxaa sidoo kale laga hadlay burcad badeedka iyo saamaynteeda isku gooshka badmaaxida. Waxaa shirka furey Raiisal Wasaaraha Dalka Yemen Dr.Ali Mujawar iyadoo maalmihii uu socdayna aay daadihinayeen koox Wasiiro ah Sida wasiirka Ganacsiga,Qorsheynta iyo Dalxiiska iyo sidoo kale madaxa Heyada Maalgashiga Yemen iyo Masuuliyiin kale oo kala duwan. Shirka Waxaa barbar socday kulamo gaar gaar ah oo aay yeelanayeen wafuudii shirka kasoo qayb gashay oo la isku dhaafsanayay waxyaalaha lakala faaiidi karo. Waftiga Soomaaliga ayaa fariinta aay shirka geeyeen waxay ahayd in aay aad u soo dhawaynayaan horumarka Cadan iyagoo sheegay in Soomaliya iyo Cadan uu ka dhexeeyo xiriir Ganacsi oo guun ah dhinaca kalena waxay iftiimiyeen dhibaatooyinka gaar ka ah ee haysta ama hortaagin xiriirka ganacsi ee Yemen iyo Somalia. Masuuliyiin kala duwan oo shirka goobjoog ka ahayd ayaa lagala sheekaystay sidii loo horumarin lahaa xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Yemen iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashi ganacsi iyo horumarineed oo dhex mara labada dal ee Walaalaha ah. Qunsulka Soomaaliyeed ee Cadan oo ka qayb galay dood ku saabsanayd Burcad badeeda ayaa iftiinshey in xalka mushkiladaasu uu ku jiro oo kaliya iyadoo la xoojiyo Dowlada Soomaaliyeed iyo Maamulada ka taliya meelaha aay ka howlagalaan burcadu isagoo muujiyay in ciimada badeeda baaxada leh ee dowladaha aduunku kusoo daabulayaan Soomaaliya aaysan u joogin ladagaalanka Burcada ee aay u joogaan ujjeedooyin kale oo waqtigu sheegi doono. Guud ahaan shirka ayaa waxuu ahaa fursad wanaagsan oo aay isku barteen wufuudii kala duwaneed islamarkaana la isku dhaafsadey warbixino iyo dodo dhaxalgal ah oo ku saabsan ajendayaashii lagu lafagurey labadii maalmood ee uu socday. Waxaa sidoo kale waxaa shirka dhinac socday bandhig carweed oo lagu soo bandhigey adeegyo kala duwan.
-
Rugta Ganacsiga PL oo Heshees la gashay Rugta Ganacsiga Xadramud Yemen Rugta Ganacsiga Puntland ayaa 17/11/2009 waxay heshiis saaxiibtinimo kula gashay Magaalada Mukula Caasimada Gobolka Xadramuut ee Dalka Yemen Rugta Ganacsiga ee Xadramuut oo kamid ah rugaha ugu cimriga dheer bariga dhexe. Shirkaan oo ka dhacay oo xarunta Rugta Ganacsiga ee Mukula ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid oo aay weheliyeen Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Soomaaliyeed ee Xadramuut Abshir Xasan Faarax iyo Madaxa xiriirka guud Axmed Mataan. Rugta Ganacsiga Xadramuut ayaa waxaa matalayay Gudoomiyaga Rugta Ganacsiga Hadramuut Cumar C/raxmaan Baajarshi iyo Agaasiimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Xadramuut Alfaqiih Shirkaas ayaa labada masuul waxay iskula soo qaadeen sidii loo horumarin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee kadhaxeeya labada mandiqo ee Puntland iyo Xadramuut iyadoo si faahfaahsan loo tilmaamay sooyaalka taariikheed ee xiriirkaasi leeyahay iyo ahmiyada dhaqaale iyo ganacsi ee uu ugu fadhiyo labada shacab ee Walaalaha eek u dhaqan labada gobol. Wafdiga Soomaaliyeed ayaa hor dhigay masuulkaas caqabadaha ganacsi iyo cabashooyinka aay qabaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo in Chamber-ka Xadramuut aay gacan ka geysato sidii loo xalin lahaa arintaas oo si buuxda aay u balan qaadeen inay si degdeg ah wax uga qabanayaan iyagoo la kaashanaya cid walba oo aay khuseeyso. Waxaa sidoo kale lagu balamay in xiriirka labada Rugood la xoojiyo oo khibradaha iyo booqashooyinkaba la is dhaafsado. Munaasabadaas ayaa Rugta Ganacsiga Xadramuut waxay guddoonsiisey Siciid Xusen Ciid qoraalo ku saabsan Chamber-ka Xadramuut iyo wasqabadkeeda. Al-Faqiih ayaa carabka ku adkeeyay sida aay u danaynayaan inay xiriirkii taariikhiga ahaa ee ganacsi ee soomaaliya aay la lahaayeen sidiisii hore lagu soo celiyo isagoo muujiyey qiimaha uu ku fadhiyo xiriirkaasu iyo sida aay u danaynayaan. Wafdiga ayaa sidoo kale waxay la kulmeen madax dhowr ah oo aay ka mid yihiin Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha ee Gobolka,Wakiilka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha,iyo Ganacsato u dhalatay gobolka kuwaas oo dhamaan lagala hadlay horumarinta ganacsiga Yemen iyo Soomaaliya iyo qaadida caqabadaha horyaala ganacsatada Soomaaliyeed. Gobolka Xadramuut guud ahaan gaar ahaan magaalada xeebta ah ee Mukula ayaa waxay tahay magaalo taariikh weyn oo ganacsi welina socda la leh Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan Gobolada iyo xeebaha Puntland iyadoo dhaqaalaha Gobolkaan si weyn uu ugu tiirsan yahay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dhinaca Puntland iyadoo guud ahaan gobolka Xadramuut uu yahay gobol ku can ah ganacsiga aayna kasoo jeedaan ganacsatada ugu waawayn dalka Yemen iyo wadamo badan oo dunida ah.
-
^^^Faroole has decided to play his role as the most powerful Somali figure around. Sharif Hotel is the one who is know begging and wanting to make a deal. I respect my President for he took a stance that was serious, and did not play the usual silly Somali double speak. Puntland progress, is non negotiable, Puntland status as the only functioning state in all of Somalia that wants unity is not in question. A fake "religious" leader who can not travel to Jowhar and Balcad and is full of clan envy, Sharif Hotel will not be able to withstand the truth, in Puntland he deals with a competent power waiting to lead all of Somalia.
-
^^^No adeer reer SOOL are not secessionist they detest the SNM crazy day dream more than any other. Thus keep making up stories when the guns start Puntland will chase you out like it did in the past..
-
Xagla-toosiye WAXAAN NAHAY REER PUNTLAND : no forgeries required
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^This is from Afnugaal and if they admit that this group is part of Puntland then your problems have increased. Kulankan uu hogaanku la yeeshay madaxda Puntland ayaa waxa uu shaki ku abuuri karaa dad badan oo u haystey in maamulkani ka madax banaan yahay maamulada ay dadku u kala qaybsna yihiin. Afnugaal News Desk. -
Xagla-toosiye "WAXAAN NAHAY REER PUNTLAND" WARBIXI KULANKII Kulan ay ku yeesheen magaalada Nayroobi madaxweynaha Puntland Mudane C/Raxmaan Faroole iyo hogaanka dhowaan beesha SSC ku dooratay magaalada Nayroobi ee uu hogaamiye Saleebaan Xagla-Toosiye oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah wasiirada Puntland iyo waxgarad kaleba ayaa iyadoo shirkii wax yar socda kadib uu albaabka boobay madaxweyne Faroole iyo wasiiradii la socday,iyadoo uu kulankaasi ku dhamaaday hanjabaab iyo iyadoo la isu dhaartay. Ugu horeyn waxaa kulankaas ka hadlay Dhanka Jaaliyadda Af-hayeenka Jaaliyadda SSC C/qaadir Axmed Aw-cali isagoo ka waramay ujeedada loo dhisay hogaankaas,iyo weliba sidii u qabsoomay shirkaas ka dhacay Nayroobi,wuxuuna xusuusiyey waftiga Faroole in madaxdii hogaankaasi meesha Fadhido,dhamaana dadku yihiin reer Puntland oo shirkaas macnihiisu ahaa "xoreynta Laascaanood",Puntlandna looga fadhiyo inay ka qayb qaadato. C/Qaadir ayaa ka baryey Faroole inay ka noqdaan go'aankii ahaa in la xidhxidhi doono dadkii ka qayb galay shirkaas,hadii ay ka soo degaan garoomada Boosaaso iyo Gaalkacyo ama ay cagta soo dhigaan meel Puntland ka taliso. Waxaa hadalkii markaas kadib lagu soo dhoweeyey Saleebaan Xagla-toosiye,wuxuuna uug horeyn ka dhawaajiyey gudoomiye Saleebaan inay yihiin reer Puntland,wuxuuna isaga oo naxariis ka filaya faroole ka codsaday inay ka daayaan xadhiga,ayna un ogolaadaan inay ka daegaan Puntland,isla markaana khalad laga faafiyey oo aanay Puntland lid ku ahayn,ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan maamulka hada ka jira Puntland,laguna taageero urur ahaan inay xoreeyaan Laascaanood. Waxaa markaa kadib hadalkii la wareegay waftiga dawlada Puntland,waxaana ugu horeyn hadlay Ilka-Jiir oo dhowr erey oo kooban ku soo koobay hadalkiisa in Puntland ay diyar u yihiin inay xoreeyaan Laascaanood,oo Dhulbahantena taageero,wuxuuna hadalkiisa daqiiqad kadib ku soo gebagebeeyey,madaxweynahaa idiin sheegaya mawqifka Puntland. Madaxweyne Faroole oo ay ka muuqato isku-kalsooni buuxda dhooshana ka qoslaya ayaa kaftan yar kadib waxa uu ka sheekeeyey amaanka Puntland,dhacdooyinkii ugu danbeeyey iyo dib-u-heshiisiintii uu ka qayb qaatay ee Gaalkacyo,tii gobolada barig fog ee Ufeyn,dilalka ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee Garoowe,Gaalkacyo iyo Boosaaso. Intaas kadib ayaa waxa Faroole ka waramay siday xukuumad ahaan ay uga go'an tahay inay "soo celiyaan Laascaanood",waa siduu hadalka u dhigaye,iyo in iyaga laga war sugo oo la taageero. "Hadee dawlad baynu leenahay,dhamaanteena reer Puntland baan nahay,Xagla-toosiye ragii tartanka nagula jirey buu ka mid ahaa,ragaanoo dhana waa ragii reer Puntland,anaga xukuumad ahaan qorshe ayaan u dejinay arinta Laascaano,wakhtigeeda ayaana la sugaynaa,oo doorashada ka dhexaysa Ucid Kulmiye iyo Udub ayaan eegaynaa dhinaca ay u dhacdo,runtiina aan wakhtigan Puntland haynin ciidan la dagaalami kara Somaliland,Dhulbahantena kala qaybsan yahay,oo ayan *********** u kala hiilin karin,oo waxaaba laga yaabaa in Somaliland wax iska bedelaan,markaa jabhad la sameeyo iyo looma baahna in nabadgelyo xumo la sameeyo,kana noqon mayno go'aankayagii hore oo cidii dhib u keeni karta Puntland waa ka hortegaynaa"sidaas waxa yidhi Faroole oo ku cudur daartay inuu leeyahay balamo muhiim ah,oo aanu halkan wakhti u haynin,wuxuuna isla markiiba boobay albaabka,iyada oo madshii uu hadheeyey buuq iyo sawaxan,iyadoo odayaal madasha fadhiyey ay dhaar iyo hadalo aan naxariis lahayn ka sii daba tuurayeen madaxweyne Faroole intaan isaga iyo wasiiradiisiiba albaabka ka bixin. Kulankaas oo hogaankii la doortay inay isu keenaan beesha iyo waxa loogu yeedhay "xoreynta Laascaanood",ayaa waxa uu si cad oo aan gabasho lahayn uu u sheegay inay ka mid yihiin reer Puntland,waxayna shir la galeen maamul ka mid ah maamulada ay u kala qaybsan yihiin beeshu,iyadoo aan la hubin inay maamulka kale ee Somalilana,iyagana madaxdooda la kulmi doonaan. Kulankan uu hogaanku la yeeshay madaxda Puntland ayaa waxa uu shaki ku abuuri karaa dad badan oo u haystey in maamulkani ka madax banaan yahay maamulada ay dadku u kala qaybsna yihiin. Afnugaal News Desk.
-
^^^No adeer its from the brains of a desperate secesionists who knows the people of Puntland are ready to clean thei house of SNM militia..
-
^^^Yup the reality of a forged letter, does signal what you are does it not? How desperate of you old boy.
-
^^^No adeer, Puntland is coming for you, dont hide behind fake letters. Oh I forgot you were a fake country, with fake claims to nationhood, thus this type of thing is expected.
-
Bogus letter, Puntland is coming for the secessionist and hence all this fiction from Mr Bugland.
-
Saylada burco oo ay buux dhaafiyeen xoolaha ka imanaya 5ta somaliyeed.
General Duke replied to Siciid1986's topic in Politics
Beautiful pictures, the livestock trade will help many households in Somalia.