General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Alshabaab oo Rag door ah iyo hub badan ku waayey dagaallo ay ku khasaareen oo Shalay iyo maanta ay galgaduud kula galeen Ahlusuna. (21-04-2010)Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka soo gaarey Alshabaab duulaanadii ay Shalay ku qaadeen degaanada Galcad iyo Masagawaay iyo dullaan kale oo ay maanta ku soo qaadeen God-dhurwaa oo u dhow Ceelbuur. Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay goobaha ay dagaalladu ka dhaceen ayaa sheegaya in dagaalladii shalay ay Shabaabku ku waayeen ilaa 14-dagaal doon oo 3-kamida ay ahaayeen Ajnabi, halka dagaalkii ay maanta God-dhurwaa ku galeen ay kaga dhimatay 4- dagaal doon oo uu ku jirey Sarkaal sare. Shalay iyo maantayba waxaa jirey khasaare hub oo soo gaarey firqadan kediska badan, balse markii lagu keen keeno firxadka badan, waxaana ilaa iyo iminka la la'yahay goob ay Shabaabku ka qabsadaan Galgaduud oo ay saacado ku negaadaan. Waxaa Shabaabku ay Shalay Qabsadeen Degmada Ceelbarde oo dhanka xadka ka xigta Baydhaba, hase yeeshee waxay magaaladaasi ka baxeen Xalay kadib markii ay ka war heleen in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku soo fool leeyihiin iyagoo aan xabad ku tuurin. Waxay u muuqataa in Shabaabku ay il-baadsadaan goobaha aan xilligaasi laga hor imaaneynin oo ay sidaasi ku galaan kadiba ay warbaahinta shiriyaan oo u sheegan iney la wareegeen goobahaas, hase yeeshee markii ay qolo kale arrintaasi ka xanaaqaan oo ay dagaal u soo aadaan, Shabaabku Soomaalidana waxbey ku tuur tuuraan, Ajnabigana way u sii baneeyaan, balse waxaa ka go'an iney ka dhaqaajiyaan. Dalkanews.com Muqdisho
  2. ^^^If they capture Ceel-Buur, it will be a crushing defeat for the Al Shabaab.
  3. Which one, the Dhusa-Mareb, or the Ceel-Buur, one, and which news should one beleive?
  4. Indeed, this is good news. Puntland is playing its role as the custodian of Somalia.
  5. Garoowe:Dawlada Puntland oo qaabishay Culimada ugu Caansan Dalka Soomaaliya..(Faafahin ku saabsan kulankan). Garoowe:(Allpuntland)-Wasiiro & Saraakiil ka tirsan Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta qaabiley Culimo Badan oo ay kamid yihiin kuwa ugu caansan Dalka Soomaaliya,oo isaga kala yimid Gobolada Koonfurta,Gobolada Dhexe,Puntland & Somaliland,waxayna Dawladu Culimadan kala hadashay sidii ay Culimada & Xukuumadu u wada shaqeyn lahaayeen. Kulankan oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed waxaa dhanka Dawlada Horkacayey Madaxweyne Xigeenka Dawlada Puntland isla markaasna ah kusimaha Madaxweyne Jen,Cabdisamed Cali shire,waxaana kala qeybqaatay Wasiirada,Warfaafinta Isgaarsiinta Hidaha & Dhaqanka,Wasiirka Qorsheynta & Xiiirka Caalamiga ah,Wasiirka Cadaalada & Wasiiru-Dawlada Maamul Wanaaga ee Puntland. Kulankan oo Saacado badan socday ayaa waxaa ay Dawlada Puntland Culimada uga warbixisey Qaabka Puntland ay u shaqeyso,iyadoo Dawladu Culimada u sheegtay in ay Muhiim tahay in laga wada shaqeeyo Isu keenida Umadda soomaaliyeed & Doorka ay Culimadu ku leedahay. Madaxweyne Xigeenka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Jen,Cabdisamed Cali Shire ayaa Sheegey in ay Puntland diyaar u tahay soo dhaweynta & lashaqeynta Culimada Soomaaliyeed,isagoo intaas ku daray in Culimada laga doonayo inay ka shaqeeyaan sidii Dalka Nabad loogu raadin lahaa,wuxuuna Madaxweyne Xigeenku ka codsaday Culimada inay Dhameeyaan Khilaafka ka jira Dalka Soomaaliya. Qaarkamid ah Culimadii kulanka ka qeybgashay ayaa iyana halkaas ka hadlay,waxayna Amaan & Bogaadin usoo jeediyeen Xukuumada Puntland & Shacabkeeda oo ay sheegeen inay sifiican u soo dhaweeyeen inta ay joogeen Puntland,iyagoo sheegey in aysan Malaysanayn in meel Soomaaliya kamid ah ay Xasiloonidan oo kale ugu tagayaan looguna soo dhaweynayo,waxayna Muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin Wadashaqeynta Xukuumada & Shacabkooda u dhaxaysa. Culimadu sidoo kale waxay amaaneen Sida ay Ciidamada Puntland Amaankooda u sugayso,Qaarkamid ah Culimada oo ka yimid Konfurta & Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa dhankooda muujiyey in aysan Malaynayn inay jirto Xukuumad Culimo Amnigeeda Sugta iyagoo sheegey in ay arki jireen Dawlada la dirirta Wadaada balse aysan horay u arag Dawlada Culimada la shaqeysa soona dhaweysa,waxaana ay Sheegeen in ay u Mahadcelinayaan Xukuumada Puntland oo uu Madaxweynaha u yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud. Kulankan ayaa kusoo gabagaboobey jawi aad u wanaagsan,waxaana Kulankan ka qeybgalay Culimada u caansan Dalka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen:- Sh,Cabdulqaadir Nuur Faarax Sh,Cali Warsame Xasan Sh,Yuusuf Adan Qaadi Sh,Dr,Bashiir Axmed Salaad Sh,Axmed Maxamed Sulaymaan Sh,Nuur Daley Sh,Axmed Jabriil Sh,Ciise Soofe Duraan Sh,Maxamed Barow Sh,Yaasin Culimadan ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Soomaaliya waxay Maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen Barnaamijyo Diini ah oo Fatwo u badan,waxayna Diirada ku saarayaan Dagaalada Dalka ka dhacaya & sida aysan Diinta wax lug ah kulahayn,waxayna sidookale Fatwooyinkooda uga hadlayeen Gaalaysiinta Qofka Muslimka ah,Amaanka Culimadan inta ay Masjidka joogaan & Hoteladoodaba waxaa Sugaya Ciidanka AMaanka ee Dawlada Puntland,waxayna Maalmaha Soo socda soo gabagabeynayaan Fatwooyinkooda Diinta ee ay Garoowe ka wadaan. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  6. Abuu Yuusuf "Dagaalkii maanta guulo ayaa ka gaarnay, Kolonyadeena waxay ku sii jeedaa Ceelbuur" Afhayeenka Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah C/Nuur Macalin Abshir, balse isu bixiyay C/llaahi Abuu Yuusuf Al-Qaadi ayaa guulo ka sheegtay dagaalo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud. Abuu Yuusuf ayaa sheegay in dagaaladii maanta ay ku qaadeen Ciidamadooda tuulooyin ka tirsan degmada Ceelgaras, isagoo tilmaamay in dagaaladaas ay ku dileen tiro ka tirsan Ciidamada Shabaab, isla markaana kula wareegeen Hub iyo gaadiid dagaal. "Deegaanka dagaalka ka dhacay Ciidamadeena ayaa weeraray barqanimadii maanta, waxaana dagaalka soo afjarnay 2-dii Duhurnimo, waxaa la wareegnay gaadiid dagaal, meydadkoodan wadada ayay dhooban yihiin"ayuu yiri Abuu Yuusuf. Sidoo kale waxaa uu sheegay in deegaanka uu dagaalka ka dhacay uu ka tirsan yahay Degmada Ceelgaras, isagoo meesha ka saaray in deegaanka Bulacle uu ka tirsan yahay Degmada Dhuusa Mareeb. Abuu Yuusuf ayaa sheegay in Kolonyadooda ay ku wajahan yihiin Degmada Ceelbuur oo xarun u ah Shabaabka, waxaana uu sheegay in halkaas saacadaha soo socda ay ku qaadi doonaan duulaan ballaaran sida uu hadalka u dhigay. Dagaalada u dhaxeeya Shabaab iyo Ahlu Sunah ayaa ku sii fidaya deegaanada Galgaduud iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay dagaalo labada dhinac ku dhex maray qeybo ka mid ah Gobolkaas. Labadan Urur diimeed oo mowqifkooda ay kala fog yihiin ayaa hada waxay wadaan loolan kii ugu dambeeyay, waxaana labada dhinac qorsheynayaan in dagaalo ku kala qabsadaan deegaanada ay kala maamulaan. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  7. Ciidamo iyo Ethiopian ah iyo kuwa Soomaali ah oo Maanta gudaha u soo galay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool iyo Ciidamadii Al Sahbaab oo halkaasi ka baxay. Posted: 4/21/2010 2:07:00 PM Shabelle: CEELBARDE Ciidamo iyo Ethiopian ah iyo kuwa Soomaali ah oo Maanta gudaha u soo galay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool xili ay xalay degmadaasi Faarujiyeen Ciidamadii Xarakada Mujaahidiinta Al Sahbaab. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo maalmahaan ay gacan ku heynteeda ku hardamayeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta degmada waxaa gudaha u soo galay ciidamo tiro badan oo Ethiopian ah islamarkaana ay la socdaan ciidamo Soomaali ah. Imaatinka ciidamadaani Ethiopianka iyo saraakiisha Hogaamainaysay ee degmada Ceelbarde ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii sida dadka deegaanku ay Shabelle u sheegeen Xalay gudaha degmadaasi ay isaga baxeen ciidamadii ka tirsanaa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo mudo kooban degmadaasi gacanta kuhayay. Axmed Mege Nuune oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa Shabelle waxaa uu u sheegay in Barqanimadii maanta dhowr goobood oo ka tirsan duleedyada Magaalada Ceelbarde ay ka soo galeen ciidamo tiro badan oo Ethiopian ah oo ay wehlinayaan kuwa Soomaaliya, waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay wateen gaadiidka dagaalka. Gudoomiyaha Maamulka dowladda KMG ee degmada Ceelbarde Ibraahim Dheere oo ay Shabelle la xariirtay ayaa waxaa uu wax kama jiraan ku tilmaamay imaatinka ciidamadaasi Ethiopianka ah ee Maanta la sheegay in ay gudaha u soo galeen degmada Ceelbarde. Waxaa uu sheegay in Maanta gudaha degmadaasi kulan ay ku yeesheen Maamulkooda oo kaliya islamarkaana aanay jirin wax saraakiil Ethiopian ah oo kulamo ay la qaateen oo degmadaasi soo gaaray sida uu hadalka u dhigay. Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo kutaala Xadka gobolka Bakool uu la wadaago dalka Ethiopia ayaa Maalmahaan waxaa ay noqotay mid gacan ku heynteeda ay ku hardamayeen xarakadsa Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ciidamo ka amar qaata Maamuladii dowladda KMG ee horay looga awood roonaaday gobolada Bay iyo Bakool. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  8. ^^^i just got mine, so will wait a little longer for my upgrade. It looks good, though its heavier than the old one.
  9. Elephant & Castle, always intrigued me.
  10. ^^^I am really not trying to start anything. Nor do I even care for your tongue, its a long day at the office, bored. Plus I am old enough to know which fights to pick. Have a good weekend sis.
  11. ^^^lool. Nice comeback. [The Dukes teeth] [NNC's tongue] which one is bad?
  12. ^^^lool. I dont want to start anything, just brush your tongue next time, thats all.
  13. Originally posted by B: A few of my friends are going on a night of indulgences and debauchery. I refused to partake in these activities! Though I was tempted, I held back because I am playing hard to get at the moment! or simply because I am broke! Or you have jail to prepare for
  14. Originally posted by NNC: .. Stop showing me your tongue, its disgusting.
  15. ^^^I would not call the walk of a Mugged individual as "Swagger". Who can blame you, you call Faisal Warrabe Mujahid, and NSS spy, Riyaale, Mr President.
  16. Originally posted by Xaji_Xunjuf: The Imperialist Are gone get with the programme son , Somali is just a language its not something we can politicalize What is NW Somalia then ? Just a region of a language.
  17. ^^^Are you still talking about the flying pigs again?
  18. What matters here is simple. The United States is #9. United Arab Emirates a little bit ahead of Somalia. + There is no country called Somaliland.
  19. Yes, where I live is ahead of the UK, and Canada. But behind bloody France. :rolleyes:
  20. ^^I will welcome a warrabe victory, its good for the union even more so for Riyaale and the smooth clan courts.
  21. ^^^Maybe GB, is trying to win over Clegg in case there is a hung parliment. I am glad Cameron took a nose dive as sister Malika stated.
  22. ^^^We await the election of NW Somalia region or Somaliland's election.