
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo maleeshiyo taageersan Alshabaab oo dagaal ku dhexmaray duleedka magaalada Boosaaso Posted to the MOL July 26, 2010, 11:39 am Dagaal xoogan ayaa saaka waaberigii ka bilaamay tuulada Karin oo qiyaastii 40km dhinaca koonfurta ka xigta Boosaaso. Dagaalkaan oo ay soo qaadeen maleeshiyo ku dhuumaalaysanaysay buuraha Galgala oo daacad u ah nin lagu magacaabo Sheekh Maxamed Saciid Atam oo ah wakiilka Alshabaab ee gobolka Bari ayaa waxaa uu gaystay qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Wali si dhaba looma oga qasaaraa dhabtaa oo ka dhashay dagaalkaas waxaase cisbitaalka Boosaaso la geeyay meydka 3 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland iyo 5 ale oo dhaawac ah. Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe oo uu kaga hadlay dagaalkaasi. Wuxuuna sheegay in dagaalkaasi uu dhexmaray ciidamada ammaanka Puntland iyo kooxo argagixiso ah oo Alshabaab ka soo dirtay koonfurta Somaliya. Madaxweyne Faroole ayaa sheegay inay ciidamadu dileen 13 maleeshiyo ayna gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah raggii duullaanka soo qaaday oo uu ku jiro nin magaciisa lagu sheegay Jaamac Ismaaciil Ducaale oo uu sheegay inuu hogaaminayay kooxdii weerarka ku qaaday tuulada Karin.Ninkaan la qabtay ayaa hadda ka hor weerar ku qaaday degmada Baargaal ee gobolka Bari isagoo wata dagaalyahanno ajaanib ah oo ay ka hortageen ciidamada Amniga ee Puntland illaa waagaasna ku dhuumaalaysanayay buuraha Galgala sida uu sheegay madaxweyne Faroole. Madaxweyne Faroole ayaa ugu baaqay dadka reer Puntland inay si wadajira ula dagaalamaan kooxda Alshabaab ee weerarka ku soo qaaday. Wuxuu sheegay inay kooxdaasi dhibaatooyin badan ka wadaan koonfurta ay haatana doonayaan inay dagaalka Puntland u soo wareejiyaan oo qixiyaan dadka Puntland ee nabada ku nool. Wuxuu yiri waxay u socdaa inay idin qixiyaan oo xalaalaystaan hantidiina. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inaan loo kala hari doonin in Puntland laga safeeyo kooxda Alshabaab oo ku shaqaysa amaro dad Ajnabi ah u soo dhiibteen. Dagaalka maanta ka dhacay tuulada Karin ayaa wararka ugu dambeeyay waxay sheegayaan inuu u durkay dhinaca buuraha Galgala oo ciidamada Puntland uga daba tageen firxadkii ciidamada Alshabaab. Waxaa kaloo magaalada Bosaaso lagu qabtay nin ka tirsan Alshabaab oo miino ku aasayay wadada dhinaceeda xili ay halkaas marayeen ciidamada Daraawiishta oo u socda jiida hore. Ninkaas ayaa loo kaxeeyay saldhiga booliiska halkaas oo lagu weydiinayo su’aalo la xiriira falkaan uu faraha kula jiray. Mudugonline.com
-
Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadley Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Tuulada Karin July 26, 201013 comments| leave your own!Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta saxaafadda kula hadley caasimadda Puntland ee Garoowe, Madaxweynaha ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal saakey waaberkii ka dhacay tuulada Karin oo 40km u jirta magaalada Bosaso isla markaana kaga beegan dhanka Koonfureed. Podcast: Play in new window | Download Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland lagu soo duuley oo ay ku soo duuleen Argagixiso caalami ah oo is bahaysatey kuwaas oo ka kala yimid caalamka oo dhan. “….Waxaa xalay ka dhacay magaalada Bosaso meel u dhaw dagaal aad u xoog badan, waa la caabiyey dhimasho badan ayaana soo gaartey, waana laga sifeeyey meelihii ay soo weerareen, waxaana laga qabtey saraakiil ka mid ahayd kuwa weerarka soo qaadey oo uu ka mid yahay Jaamac Ismaaciil Ducaale oo ahaa ninkii hadda ka hor soo weeraray magaalada Baargaal isaga oo wata ciidamo ajnabi ah….” ayuu Madaxweynuhu Dr.Faroole ayaa sheegay in malayshiyadii dagaalka ku soo qaadey ay ka dileen 13 nin, waa sida hadalka uu u dhigay, mana jirto ilo madax banaan oo arintaas xaqiijiyey. Warar madaxbanaan oo Horseed Media saakey heshay ayaa xaqiijiyey in saddex askeri ay ka dhimatay ciidanka Puntland isla markaana dhaawac soo gaarey shan kale. Madaxweynaha ayaa baaq u direy dhamaan shacabka Puntland, waxaana uu ka codsadey in ay ciidanka Puntland garab istaagaan, waayo waxaa loo socdaa waa jiritaankooda ayuu yiri. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in qabaa’ilku hubka ay isu samaysteen ay keenaan goobaha dagaalka oo ka qaybgalaan dagaalka, ciddii hadlaaysa waxba nagama gelin anaga, qabaailku waa in ay hubkooda qaataan ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynuhu. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa beesha caalamka iyo wadamada dersika ah ka codsadey in Puntland lagala shaqeeyo sidii ay uga hortagi lahayd kooxaha ku soo duuley, kuwaas oo gobolka oo dhan khatar ku ah, sida hadalka uu u dhigay Dr.Faroole Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka kale ee dagaalka soo qaadey kaas oo la sheegay in uu hoggaamiyo Shiikh Maxamed Siciid Attam oo la sheegay in uu xiriir la leeyahay Al-shabaab. Horseed Media
-
Wasiiro & mudanayaal baarlamaan ee dawlada federaalka ah oo ugu baaqay dawlada & shacabkla Puntland in ay iska difaacaan kooxaha weerarka ku ah nabadda. audio
-
Allidalaamale:-Dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad ka amar qaata wadaadka lagu magacaabo Maxamed Siciid Atom ayaa ka socda buuralayda barbar teedsan inta u dhaxaysa degaannada Laag iyo Karin oo u dhow magaalada Boosaaso. Dagaalkan ayaa bilowday saaka hiirtii waabari markii ay maleeshiyaadka taabacsan Atam weerar ku qaadeen bar kontarool oo ku taalla Karin, halkaas oo ay joogeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland. Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dagaalkasi uu sababay ayaa la geeyey cusbitalka guud ee magaalada Boosaaso, maydadka saddex ka mid ah ciidamada Puntland ayaa xilli hore oo saaka ah la geeyey cusbitalka Bandar-qaasim ee Boosaaso, shan askari oo kale oo dhaawac ah ayaa sidoo kale cusbitalka la dhigay, khasaaraha dagaalkan ka soo gaadhay dhinaca kale ee Atam ayaan wali la garanayn. Dagaalka ayaa ku sii fidaya buuralayda, waxana jiidaha laamiga kulaala ee saaka lagu diriray haatan gacanta si buuxda ugu haya ciidamada Puntland. Magaalada Boosaaso ee xarunta bari ayaa ah halka ugu dhow ee laga dareemayo daruurahaas colaadeed, waxana magaaladas maanta ay ciidamada ammaanku ku qabteen nin wadada dhinaceeada ku aasay nooca sheedda laGA hago ee miinooyinka, ninkaas ayaa ay ciidamada ammaanku su'aalo waydiinayaan. Saraakiisha ciidamada ee magaalada Bosaso oo aan xidhiidho la samaynnay ayaa ka gaabsaday in ay iminka ka hadlaan xaaladda dagaalka u dhexeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka Atam ee gacansaarka la leh ururka Alshabaab,waxeyna kaliya oo noo sheegan iney jiraan maxaabiis lasoo gaarsiiyay magaalada Bosaso, balse wey ka gaabsaden iney noo xaqiijiyaan tirada maxaabistaasi. Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Puntland Dr /raxman Sh Maxamed Faroole uu sheegey in ay Puntland ku suganyihiin maleeshiyaad gacan saar la leh ururka Alshabaab, isla markaana ay Puntland la galayso dagaal. Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa sheegey in ay Puntland ku soo duuleen argagixiso caalami ah, isla markaana Puntland ay dagaalkaas guul ka gaadhay, madaxweynuhu waxa uu sheegey in ay dagaalkas ciidamada Puntland ku dileen 13 ka mid ah maleeshiyada Atam, isla markaana ay qabteen mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxdaas oo uu Madexweynuhu Magaciisa ku sheegay Jaamac Ismaacil Ducaale oo hada ka hor soo weeraray Magaalada Baargaal . Dagaaladii Wali way socdaan Waxana Wali soda Ciidamada Puntland OO goobta Dagaalka lagusii Daabulayso. Cumar Afguduud Allidamaale.com Gaalkacyo
-
Thankfull: I must agree with you on this one. They are spining some fairy tale. Specially about the numbers of the dead and the man who was captured. There was an attack, and then a comander was captured and the fighting is deep in the attackers turf. No one is bothered here.
-
^^^So who is this man ?
-
Somalia: Puntland troops kill 13 militants in armed clash. Heavily armed security forces from Somalia's northern stable state of Puntland have clashed with militia loyal to a militant group near Bossaso, the region's commercial capital, Radio Garowe reports. Reports said the militia attacked Puntland forces in Karin, some 40 km from Bossaso, leading to heavy exchange of gun fire. Puntland President Abdirahman Mohamed Farole says the security forces killed 10 militant fighters and captured one of the commanders, appealing for the Puntland people to defend the state. "We have repulsed them, captured and killed many of them. Jamaa Ismail Duale who is a well known militant, is among those we captured," he said. "I am appealing to Puntland people that they should prepare to defend the state from the invaders," he continued. He urged the word to help his government defeat the terrorist group, arguing that the militants are not ready for peace to prevail anywhere in the region. "We are telling the international community and particularly the neighbouring that Puntland is under attack from both local and foreign Islamist militants," he warned. The security forces have also mounted a large operations near Galgala mountain. It was the first time for Puntland's forces to go after the militant group in their hideout. The Galgala militants are led by Sheikh Mohamed Said Atom, who is on the U.S. wanted list signed by President Obama. Puntland have been warning of imminent dangers posed by people believed to have links with the radical militants fighting the UN-backed government in south central Somalia, according to government officials. Puntland, located at the northeastern tip of Somalia with shores along the Gulf of Aden and the Indian Ocean, has been a stable region since the outbreak of the Somali civil war in 1991. Source: garoweonline.com
-
So how was he capture, would he not have had enough armed men?
-
So was he a strong militia leader of the group then?
-
"Dagaalku weli waa socdaa; ciidanka Puntland waxaa ay ugu galeen waadiga Suggure; waxaa looga dabatagey buuraleyda" Duqa degmada Galgala Cali M. Gurxan. audio
-
Ciidamo uu wato Jen C/laahi axmed Ilkojiir oo soo gaaray Qardho kuna wajahan Boosaaso Posted to the Web Jul 26, 14:57 Qardho:-Horin wasiiro ah ayaa goordhow soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ka dib markii ay kulan ku qaateen magaalada Garoowe kaas oo la isku raacay in dagaalka Galgala la soo afjaro sida uu noo sheegay ilo wareed lagu kalsoon yahay. Wasiirada ayaa waxaa horkacaya wasiirka arimaha gudaha ee Puntland Jen C/laahi axmed jaamac Ilkojiir oo wata ciidamo kuwaas oo laga sugayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari. Iska horimaad ayaa saaka aroortii ka dhacay tuulada Toga Sugudhe kaas oo u dhexeeya ciidamo daacad u ah wadaadka Atam iyo ciidamada Puntland waxaan halkaas ka dhacay khasaaro gaaray labada dhinac . Tuulada Toga Sugudhe ayaa Qiyaastii 2 KM u jirta dhinaca Laamiga Tuulada Karin waxaana haatan halkaas ku sugan ciidanka Puntland waxaana ay soo qabteen ilaa 10 qof iyaga oo dilay 13 kale . Ciidamada daraawiishta ee Puntland ayaa waxay ka dhintay 2 askari waxaana ka dhaawacmay ilaa 5 kale waxana laga gubay gaari baroon ah dagaalka ayaa dhacay saaka aroortii. Xaalada magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay tahay mid degan waxaan dadku hadal hayaan dagaalkii dhacay iyada oo gurmad kala duwan uu socdo. M_M Deeq Halgan.net
-
Wararka ka imanaya dhinaca saraakiisha Dawlada Puntland oo ay si gaar ah ugu soo dusiyeen Warbahinta SPR ayaa noo xaqiijiyay dhimashada 8 Askari oo ka tirsan ciidamada dowlada iyo waliba dhaawaca 7 askari oo katirsan dhinaca dowlada. Askarta darwiishta ku dhintey ayaa wali magacyadooda aan wada helin ayaa waxaa ka mid ah 3 nin oo kasoo jeeda deegaanka Galbeedka Bari iyo Haylaan. You are the only ones reporting this. From all accounts it seems this is far from the truth.
-
^^^I dont like your style adeer..
-
Boosaaso:Khasaarihii ugu danbeeyey ee Dagaalkii Karin...(Xog Waran). 26. juli 2010 APL Boosaaso:(Allpuntland)-Dagaalkii Saaka ka bilowday tuulada Karin oo 40-Km u jirta Magaalada Boosaaso ee Caasimada ganacsiga ee Puntland ayaa goordhawayd oo Duhurkii kadib ah sii kululaaday kadib markii Gurmad aan kala joogsi & kala harsi lahayn ay Dawlada Puntland ciidamadeeda kaladuwan halkaas ku tageen. Dagaalkan oo saaka bilowday markii Ciidamo daacad u ah Wadaadka taageersan Kooxda Alshabaab ee Buuraha bari ku dhuumaalaysanaya oo lagu magacaabo Sheekh Atam ay saaka Waaberigii Dagaal ku ekeeyeen ciidamo katirsan kuwa Puntland oo halkaas fariisin kulahaa,waxaana ay markii hore la wareegeen goobtii dagaalka iyagoo dilay Dhowr kamid ah ciidamada Puntland ee halkaas joogay. Balse Ciidamo katirsan Kuwa Puntland gaar ahaan Kuwa Adeegsa Sirdoonka Puntland ee Hubaysan oo lagu magacaabo PIS-ta,Daraawiish & Birmad ayaa saaka isla aroor horeba halkaas gaaray,waxaana ay galeen dagaal aad u culus oo ay lagaleen Kooxdii goobta la wareegtay oo gaaraysay 50-Nin oo aad u hubaysan,kuwaas oo ay Ciidamada Puntland ku guulaysteen inay goobta lawareegaan islamarkaasna ay baacsadaan Kooxdii dagaalkan soo qaaday. Taliye Sare oo katirsan Ciidanka Daraawiishta ee Puntland oo APL lahadlay isagoo kusugtan Goobta dagaalka ayaa sheegey in 7-kamid ah Daraawiishta oo ah iskudarka kuwii saaka Aroor hore dhintay & kuwii Barqadii dagaalkii ahaa ku dhintay ay halkaas uga geeroodeen ciidankiisa,waxaana uu sheegey in midkamid ah Birmadka Puntland uu isna geerooday halka uu askari kale oo katirsan PIS-ta Puntland uu dhaawac fududi soo gaaray,waxaana uu sheegey in ay kulaalayaan Buurta Galgala. Waxaa sidoo kale Isbitaalka weyn ee Boosaaso la geeyey Meydadka in kabadan 5-Ruux oo kamid ah kooxdii dagaalkan soo qaaday,iyadoo ay dawlada Puntland sheegtay inay gacanta ku hayaan Hogaamiyeyaal sar sare oo qaarkood ajinabi ay yihiin oo dagaalkii maanta ku jiray,mana jirto wax war ah oo kasoo baxay kooxdii dagaalkan soo qaaday. Cabdiqani Xayir
-
^^^Yeah but since the Titanic you have been seeking to be recognised as Anglo Saxons.
-
Garoowe:Madax katirsan Puntland oo kusii jeeda goobta Dagaalka. 26. juli 2010 APL Garoowe:(Allpuntland)-Wafdi kasocda madaxda sare ee dawlada Puntland ayaa goordhaw oo maanta ah ka anbabaxay Magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland iyagoo kusii jeeda Jiida dagaalka ee buurlayda gobolka Bari,halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidamo katirsan kuwa dawlada Puntland & Koox katirsan Ururka Alshabaab. Wafdigan oo si deg deg ah Caasimada uga anbabaxay waxaa Horboodayey Madaxweyne xigeenka dawlada Puntland Jen,Cabdisamed Cali Shire,waxaana kamid ah Wasiiro badan oo katirsan dawlada Puntland & Taliyeyaal sarsare oo katirsan ciidamada kaladuwan ee qalabka sida ee ay Puntland leedahay. Marka lagareebo in Wafdigan ay Wasiiro & Taliyeyaal ciidan kamid yihiin waxaa xusid mudan in Wafdiga ay kamid yihiin khuburo Milatari & Boqolaal askar ah kuwaas oo laga soo saaray Xeryaha Ciidamada,waxaana sidoo kale kamid ah Ciidanka Madaxtooyada dawlada Puntland oo aad u hubaysan oo ladoonayo inay Gurmad deg deg ah halkaas kusiiyaan Ciidamada jiida kujira. Wafdigani waxay bexeen Wax yar un kadib markii madaxweynaha dawlada Puntland uu ku dhawaaqay in Madaxda sar sare ee Puntland aysan marna ka istaagi doonin jiida dagaalka & Hogaaminta ciidamada Puntland ee dagaalka culus ku jira,waxaana lafilayaa in Daqiiqado un kadib ay halkaas gaareen islamarkaasna uu Gurmadku dagaalka ku biiro. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Jaamac Ismaaciil Ducaale Who is this man ?