
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Sawtan Boorama wanjalka yaalaa ka badan kii Jigjiga. Ninkii Ina Rayaale iyo qaarbadan oo ka mid ah wasiiradiisii waxa la yidhi waxay Fadhiisteen oo ay ka soo jeesteen Adis ababa, Madaxwayne ku xigeenkii dhamaa ee Saylici-na intuu doraad Hargeysa ka ambabaxay oo uu yidhi waxa aan Xalilayaa arimihii Boorama, ayuu Abaarso ka soo noqday oo uu yidhi Reer Rayaale ayaa Taayiro Holcaya qoorta ii sudhi hadii aan meesha tagi lahaa. Horta waxay ahayd in Rayaale uu dalkiisa iska sii yara joogo oo isaga iyo wasiiradiisu aanay dibada isku daba yaacin. Waa yaabe hadaba iyaguna maxay u haraadanaayeen? Ninkan Saylici-na may ahayn in uu dadkii oo dhan u madax noqday; waxa is badalayna uu yahay maamulkii balse aanay ahayd dawladnimadii Somaliland. Mida kale Gobolkiisan la soo dhexmaray Saylici miyaanu ahayn ninkii wada badalay Ina Xudhuun mooyaane dhamaan Taliyayaashii Booliska, Milatariga, Ilaalada Xeebaha iyo Xataa Kantaroolada? Waa maxay cida kale ee uu wax ku eedaynayaa, ma cidbaa dalka la haysatey markay wax dhacayeen?
-
^^^lol adeer not sure what you on today. However like I said not against Makhir State, the onus is on you to set it up and convince the people. Even in Baran/Badhan there is an admin set up by the State of Puntland.
-
^^^Beer-Gaal again no one is against Makhir State, it does not exist, does not have an admin, flag, capital or structure. Thus whats the point of getting angry? Again kindly update us on its formation.
-
President Faroole weighs in on the dispute between Sharif Sharmarke
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha Puntland oo ka hadley khilaafka DFKM ah 19 Sep 19, 2010 - 7:31:12 AM Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed 'Faroole', ayaa ugu baaqay dowladda ku meelgaarka ah madaxdeeda sare in ay xaliyaan khilaafka dowladda. Madaxwaynaha Puntland, oo u waramay Weriyaha BBC, Cabdiraxmaan Koronto, ayaa sheegay in ay lagama-maarmaan tahay madaxda sare ee dowladdu ay sii wadashaqeeyaan inta uu xilligooga oo aanuu wax badan ka dhimanayn ka dhamaanayo. Wuxuu sheegay in dowladda oo la ridaan xilliga aysan xal ugu jirin guud ahaan madaxwaynaha iyo dowladaba. Wuxuu sheegay in madaxwayne Sheekh Shariif ay wada hadleen, balse uu madaxwaynuhu u muuqdo in uusan diyaar u ahayn in khilaafka wadahadal lagu xaliyo. Madaxwayne Cabdiraxaan Sheekh Maxamed, wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu guddoomiyaha baarlamaanku dib uu dhigay shalay fadhiga baarlamaanka ee lagu waday in kalsoonida loogu qaado dowladda ra'iisul wasaare, Cumar Cabdirashiid. Wuxuu sheegay in dowladda oo la ridaan xilliga aysan xal ugu jirin guud ahaan madaxwaynaha iyo dowladaba. Wuxuu sheegay in madaxwayne Sheekh Shariif ay wada hadleen, balse uu madaxwaynuhu u muuqdo in uusan diyaar u ahayn in khilaafka wadahadal lagu xaliyo. Madaxwayne Cabdiraxaan Sheekh Maxamed, wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu guddoomiyaha baarlamaanku dib uu dhigay shalay fadhiga baarlamaanka ee lagu waday in kalsoonida loogu qaado dowladda ra'iisul wasaare, Cumar Cabdirashiid. DHAGEYSO: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaya khilaafka Xigasho: BBC -
^^^Adeer like I said on many an occasion no one is against Makhir State. The problem for you is that it does not exist, and so far all you have is hot air. But good luck anyhow..
-
Mudanayaal Ugu Baaqay Madaxda Dowlada Is-casilaad 19 September, 2010 07:47:00 Isesos Font size: Mudanayaal ka trisan Baarlamaanka KMG ah, ayaa maanta kulan ku yeeshay golaha shacabka ee Muqdisho, waxeyna kaga arrinsanayeen sidii loo dhameyn lahaa Xiisadaha u dhaxeeya Madaxda Dowlada, iyagoo ugu baaqay Madaxweyne Sheekh shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid inay is-casilaan, maadaama uu batay khilaafka u dhexeeya. "Madaxweyaha iyo ra'iisul wasaaraha, waxaan ka codsanaynaa inay xilalkooda iska casilaan, maadaama khilaafkooda uu batay ayna xal ka gaari waayeen," ayuu yiri xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro oo u hadlay xildhibaannadii kulanka yeeshay. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shalay saxaafadda ugu warramayay Muqdisho ayaa xaqiijiyay inuu jiro khilaaf kala dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo uu walaac xooggan ka muujiyay jiritaankiisa. Xildhibaannada, maanta kulanka yeeshay ayaa waxay sheegeen in dowladdu ay ku fashilantay inay wax ka qabato dalka, iyagoo xusay in markii ay dalka timid inta badan Muqdisho ay gacanta ugu jirtay xukuumadda, balse haatan laga qabsaday. "Madaxda dowaldda maadaama ay ku fashilmeen inay dalka wax ka qabtaan, waa inay u banneeyaan kuraasta dadka waxqabanaya ee dibadda jooga, waayo ma jirto wax natiijo ah oo muujinaya inay khilaafkooda dhameeyaan," ayuu yiri Daahir Ciiro. Khilaafka u dhexeeya madaxda DKMG ah ayaa gaaray heer aad u sarreeya, taasoo keentay in dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay la baajiyo kulamo la filayay in codka kalsoonida ah loogu qaado xukuumadda.
-
All of this rule out any chance of recognition unless there are tectonic, miraculous political sea changes in the area. Somalilanders may still hope but miracles only occur in ancient religious tales not in cold, modern-day political realities. They need to face this awful truth not matter how painful and spend their energies on ways of living without recognition rather than hankering after its mirage.
-
^^^Beer-Gaal lad no one is against Makhir admin, it does not exist. As for the news item, its a good thing that the people of Baran are getting a local admin.
-
Halkee Marayaa Khilaafka Dawladda Federaalka ee Kumeelgaarka Ah?. September 20, 20101 comment| leave your own! Share Khilaafka u dhexeeya madaxda u sareeysa Dawladda Federaalka ayaan weli xal kama danbeys ah loo helin, iyada oo ay fashilmeen isku dayo badan kuwaas oo ka yimid waddamada dersika ah iyo kuwa daneeya arimaha Soomaaliya. Waxaa weli xaniban fadhigii xubnaha Baarlamaanku isugu imaan lahaayeen, maalinímadii Sabtida ee la soo dhaafey ayey ahayd markii uu baaqdey fadhigii uu iclaamiyey guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanku, laba maalmood kadib ma jiro wax kulan ah oo ka socda guriga Ummadda oo ah xarunta Baarlamaanka. Wararka u danbeeyey ee aan ka helayno Muqdisho ayaa sheegaya in markaan khilaafku maraayo arimo farsamo iyo mid sharci:- Kooxda taageersan qorshaha Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa weli ku adkeysanaya in Xukuumaddu ay kalsooni soo weydiisato Baarlamaanka, taas oo ka dhigeysa in xukuumaddu u baahan tahay 276 cod si ay shaqadeeda u sii wadato. Halka Kooxda kale ay taagan yihiin in xukuumaddu ay haysato kalsooni ay ku shaqeyso, isla markaana mooshinku uu yahay mid sharci darro ah, laakiin haddii Baarlamaanku furmo isla markaana ay isku raacaan xildhibaano gaaraya 276 xildhibaan in xukuumaddu dhacdey, markaas Raysalwasaaruhu waa u hoggaansamayaa codka xildhibaanada. Waxaa muuqata in markaan la isku hayo soo weydiista oo hela 276, iyo idinku u codeeya in ay dhacdey ileyn anaggu waan haysanaa kalsooni oo la imaada 276 cod, markaas waan banayneynaa xafiiska. Waxaa loo badinayaa in maalinta berri ah (Talaado) xildhibaanadda Baarlamaanku ay kulan isugu yimaadaan, waxaana la sheegayaa in ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho xildhibaano gaaraya 360 xildhibaan, labada qolo ma haystaan xildhibaano ku filan ee midba kan kale ku muquuniyo, waxaana arintu taagan tahay mindi midni kale ku taag. Dhanka kale waxaa cadaadis xoogleh saaran yahay Madaxweyne Shiikh Shariif, madaxweynuhu waxa uu doonayaa in uu maalinta berri ah u baxo New York oo maanta (Isniin) uu ka furmeyo shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobey waxaa shirkaas ka shirkaas ka soo qaybgalaya 192 dal, Waxaa ka horeeya Madaxweynaha Wasiirka Arimaha Dibadda Yusuf Dheeg oo hordhac u ah wefdiga Madaxweynaha, Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa ku qoran khudbadda maalinta u danbeysa shirka ee Arbacada ah 22.09.2010, sidoo kale isla maalinta ku xigta ee Khmaiista ah waxaa ka dhacaaya New York shir gaar ah oo looga hadlaayo arimaha Soomaaliya, waxaana shirkaas guddoomin doona Ban-Ki-Moon xoghayaha Qaramada Midoobey. Haddii madaxweynuhu uu safro khilaafka oo taagan iyada oo aan xal la helin, waxa uu ku soo laabanayaa Muqdisho oo aan ahayn tii uu ka tegay, haddii uu isku dayo in uu ka baaqsado shirar si gaar ah looga hadlaayo Soomaaliya, taasna waa fadeexad aad u weyn oo Dawladda Federaalku luqunta suranayso. Dhanka kale haddii Madaxweynuhu isku dayo in uu derdaro sharciga oo ku dhawaaqo Raysalwasaare cusub, waxay taasi soo dedejinaysaa in Madaxweynaha laga xayuubiyo xurmada isla markaana la casilo. Horseed Media
-
Degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo loo sameynaayo Gole degaan September 20, 20100 comments| leave your own! Share Degmada Badhan ee xarunta u ah gobolka Sanaag ayaa lagu wadaa in loo sameeyo gole degaan oo aysan haysan mudo badan. Kulan looga hadlaayay sidii gole degaan loo sameyn lahaa degmadaas ayaa saaka la qabtay,waxaana yeeshay maamulka gobolka Sanaag iyo Nabadoonada degaanka. Dhegayso Guddoomiyaha Gobolka Snaag Maxamuud Siciid oo Horseed Media uga waramay golaha deegaanka Badhan audio Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur Dabayl oo wareysi siiyey Horseed Media kulankaas kadib ayaa sheegay in Nabadoonada ay u gudbiyeen shuruucda lagu soo xulaayo xubnaha kamid noqonaaya golaha degaanka. Wuxuu sheegay in xilligaan ay muhiim tahay in gole degaan loo sameeyo degmada Badhan oo u xusay in sanadkii 2007-dii ilaa iyo hadda aysan degmadu lahayn gole degaan. Degmada Baran ayaa laga dareemaaya ololaha lagu sameynaayo golaha degaanka,waxaana dhowaan maamulka Puntland gole degaan iyo maamul cusub u sameeyey degmooyinka Jariiban,Buurtinle,Qardho iyo Garoowe. Horseed Media
-
^^ Somaliland Navy should have stopped the article.
-
Galkacyu: Puntland troops arrest masjid Salahudin Imaam
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Lol@ no reason why. Do you think the security apparatus would divulge information like that? Now go guard the coast cause last time you embarrased yourselfs. -
Somaliland Vice President Saylici hits out at ONLF sympathizers
General Duke replied to Saalax's topic in Politics
So he admits the people of Awdal are in open revolt against the secessionist agenda? That's really honest of him. -
Introducing the ONLF's [Siilanyu-Gaboose Trail]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Sources close to the front state there is activity in the tail. -
Galkacyu: Puntland troops arrest masjid Salahudin Imaam
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ I am not sure why you are making so much noise? We live I. The toughest Spmali neighbourhood and not afraid to deal with tough issues head on. Unlike some who bark loud but have no bite. Go set up the navy ya secessionist. -
Gallacyu is an important city to both it's communities and this theo of project is good for pace and development.
-
President Faroole weighs in on the dispute between Sharif Sharmarke
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Sharif seems to be on the backfoot against Sharmarke. The Speaker has prevented any meeting with regards to the motion and the President is stuck. As for Puntland it has offered it's asistance and that's for the record. -
Galkacyu: Puntland troops arrest masjid Salahudin Imaam
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xaji go do so e research lad. This is just a security issue and nothing more. Again no one in Puntland is above the law. -
Galkacyu: Puntland troops arrest masjid Salahudin Imaam
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidammada sirdoonka Puntland oo Gaalkacyo ku xiray labo wadaad iyo mudaharaadyo looga horjeedo oo dhacay Isniin, September 20, 2010 (HOL) − Mudahaaradkan ayaa socday mudo saacad ku dhow ,waxaana uu yimid ka dib markii ciidamada sirdoonka Puntland ay xabsiga u taxaabeen labo ka mid ah culumada ugu caansan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Labada wadaad ee la xiray ayaa mid ka mid ah waxaa lagu magacaabaaa Sheekh Ismaaciil Khaliif Mire ,kaasi oo imaam ka ahaa masaajidka Salaaxudiin ee Galkacyo. "Boliska waxey xireen labadaan wadaad oo u dhashay degmada ,lamana yaqaan waxa loo haysto ilaa iyo hada " ayuu yiri Maxamed Cali oo ka mid ah dadkii ka qayb galay mudharaadka oo HOL la hadlay. Warar soo baxaya ayaa sheegay in ciidanka ay dhaawac u gaysteen mid ka mid ah labada wadaad,kaasi oo hada xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo cistbitalka degmada. Ciidanka ayaa rasaas ku furay dad badan oo isugu soo baxay afka hore ee saldhiga si ay u kala cayriyaan,waxaana dadka ay ka caraysnaayeen xariga ka dhacay halkaasi. "Waxaa jira dad ku waxyeeloobay mudaharaadkii xalay ,waxaana mudaharaadku u socday mudo ku dhow hal saac " ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed. Ma jiro wax hadal ah oo ilaa iyo hada ka soo baxay maamulka oo la xiriira xariga labadan wadaad,waxaana mudaharaadkan uu ahaa mid saamayn ku yeshay degmada intii uu socday,inkastoo xaalada ay dagantahay maanta. Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Boosaaso,Soomsaliya -
Galkacyu: Puntland troops arrest masjid Salahudin Imaam
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamada PISta Dawlada Puntland Oo Xabsiga Dhigay Shiikh Cismaacil Khaliif Mire. Posted by Ali on September 20th, 2010 Galkacyo(Puntlandi.com)= Magaalada Galkacyo ayaa waxaa laga dareemayaa xaalada kacsanaan markii ciidamada sirdoonka Dawlada puntland gacanta ku dhigeen shiikh Cismaacil Khaliif Mir oo ahaa iimaamkii masjidka Salaaxu diin. Qabashada wadadka kadib ayaa waxaa bilawsay rabshado ay sameeyeen ehelada wadaadka kuwaa oo ay ugu soo horjeeden xariga wadaadka. Gudaha magaalada ayaa waxaa soo gaaray ciidamo dheeraadaa kuwaa oo loogu talagalay in ay ka hortagaan rabshado magaalada ka dhaca. Ali Ahmed -
Galkacyu: Puntland troops arrest masjid Salahudin Imaam
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
It's a security issue, no one is above the law and this Imaam if I am not mistaken made some weird comments a while back. The mood in the city is calm from what I hear but we shall see how things develop. -
Ciidanka Sirdoonka Puntland ee loo yaqaano PIS-ta ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku xirey labo nin oo wadaad ah gelinkii danbe ee shalay,iyadoo habeenimadii xalay uu halkaas ka dhacay mudaharaad looga soo horjeeday xariga wadaadadas. Labada qof ee la xirey ayaa waxaa ku jirey imaamka Masaajidka Salaaxudiin oo lagu magacaabo Sheikh Ismaaciil Khaliif Mire,waxaana uu xilligaan ku jira xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo. Mudaharaad socday mudo kooban ayaa isla habeenimadii xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada,waxaana dhigaayay dadweyne ka careysnaa xariga loo geystay wadaadadan ayadoo markii danbana uu isku bedelay banaanbaxa mid rabshado ah kadib markii dadka mudaaharadayay ay dhagxaan ku tureen Saldhiga Booliska bartamaha. Ciidanka Booliska ayaa rasaas ku furey dadka si ay u kala ceyriyaan,waxaana mudo yar kooban kadib istaagay mudaharaadka. Lama yaqaano sababta ka danbeysa xariga labada wadaad oo mid kamid ah dhaawac soo gaarey xilliga la xiraayay,iyadoo lagu dabiibaayo Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo. Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa saaka ah mid degan,mana jirto ilaa iyo hadda cid ka hadashay dhacdadaan. Horseed Media Categories: Puntland, Somali News
-
MashaAllah and well done indeed Abdulkadir Shirwac is a man I have known for a long time, an able fellow.
-
All it needs is a road and a port and then its going to be the new Bossaso but better...