General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Somali women’s 'great role' Puntland's president expressed his gratitude to Somali women, whom he described as "more blessed" than Somali men. "On behalf of all Somali men, I want to express my deepest condolences to Somali women who have suffered the most during Somalia's civil war since 1991," President Farole declared. He stated that Somali women's rights have been "abused by the clan system" and suggested for Somali women to form "the women's clan", saying: "The women's clan will be the most powerful clan in Somalia", to the crowd's applause. President Farole praised a group of Somali women from Middle Shabelle region, near Mogadishu, who had presented a play that he said he has not heard in decades. "I am very happy to hear something I have not heard in 20 years. I am very happy about the message from the Middle Shabelle region women…I hope it is a message that reaches all Somalis," President Farole said. "Somali women are more blessed than Somali men. This has been established in the Diaspora communities where Somali women are more successful at education and at helping their families in Somalia," Puntland's president declared. Farole urged Somali women to "get educated before marriage" and to "marry from the clan that is hostile to your own." The message garnered the crowd's thunderous applause. "During the civil war years, Somali women have taken on greater roles and responsibilities in the family," President Farole admitted, while criticizing Somali men for a "culture of khat," a leafy narcotic drug that is widely consumed across Somalia.
  2. Puntland pres praises Somalia women, calls for 'war crimes tribunal' 26 Oct 26, 2010 - 9:56:16 PM The president of Somalia's Puntland government opened the country's first-ever international women's conference in the Puntland capital Garowe, where he praised the positive role of Somali women and encouraged women to take the lead in Somalia, Radio Garowe reports. Abdirahman Farole --President of Puntland Dr. Abdirahman Mohamed Farole, the president of Puntland, attended the ceremony held at the Puntland Development and Research Center (PDRC) in Garowe, where more than 120 Somali women from all regions of Somalia and from Diaspora communities gathered for a three-day conference entitled, "Somali Women Peace and Dialogue Conference", and hosted by the Puntland Ministry of Women and Family Affairs and its Minister, Ms. Asha Ghelle. "I am happy to open this international conference for Somali women from all regions of Somalia and Diaspora communities like: South Africa, Ethiopia, Kenya, Djibouti, Rwanda, U.S. cities of Minneapolis, Boston and Buffalo, Sweden, Yemen, and Toronto, Canada," President Farole told the audience in the packed room, adding: "Somali women representatives from Australia are absent," to the crowd's applause.
  3. Kulankii ay lahaayeen Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka oo maanta loo balansanaa ayaa mar kale baaqday kaas oo codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Raysalwasaaraha cusub Maxamed Farmaajo oo muran ka taagan yahay habka lagu ansixin lahaa. Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa mudo laga joogo labo maalmood soo saarey warsaxaafadeed uu ku sheegay in maalinta arbacada ee 27.10.2010 ay Xildhibaanada isugu imaan doonaan halka ay ku shiraan ee golaha shacabka. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa saxaafada u sheegay in Kulanka loo baajiyey sababo dhanka farsamada ah,iyadoo aan la aqoon waqtiga la qaban doono. Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa waxaa ay ku eedeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu kasoo horjeedo ansixinta Raysalwasaaraha.waxaana Xildhibaanada ay isku khilaafsanyihin in lagu ansixiyo hab qarsoodi ah iyo gacan taag ah. Maxkamada sare oo soo saartay qoraal ayay sheegtay in hab gacan taag ah ay tahay in lagu ansixiyo Raysalwasaaraha cusub. Horseed Media
  4. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Shir Kula Yeeshay Madaxda Federaalka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho October 27, 20100 comments| leave your own! Share Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Dr.Augustina P.Mahiga ayaa maanta gaarey magaalada Muqdisho, ergayga ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey xubno kale oo ka socdey Midowga Africa iyo Ururka IGAD. Wefdiga ayaan horey u dhaafin garoonkii ay ka soo degeen waxaana ay halkaas kulan albaabadu u xiran yihiin la qaateen Madaxweynaha Dawladda Federaala Shiikh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan. Inkasta oo kulanku ahaa mid aan saxaafadda loo oggoleyn ayaa haddana wararka ku dhaw madaxda Federaalku sheegayaan in kulanka looga hadley sidii loo dhamayn lahaa khilaafka ragaadiyey dawladda, isla markaana Raysalwasaaraha loo horgeyn lahaa Baarlamaanka. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u qaybsan laba qaybood kuwaas oo isku haysta qaabka codka kalsoonida loo siinaayo Raysalwasaaraha la magacaabey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa warsaxaafadeed uu soo saarey maalintii Axadda ku sheegay in kulanka Baarlamaanku dhici doono maalinta Arbacada(Maanta) laakiin kulankii maanta waa baaqdey waxaana la aamisan yahay in sababta uu u baaqdey ay tahay imaanshaha Dr.Mahiga iyo wefidga la socda ee xalka u raadinaaya Madaxda DFKG, waxaana la is weydiinayaa sababta safarkooda ay ugu soo beegeen maalintii baarlamaanku fariisan lahaa. Si kasataba ha ahaatee beesha caalamka ayaa ka niyadjabsan Madaxda dawladda federaalka oo iyagu khilaaf jiitamaayey 6 bilood dhexdabaalanaya. Waxaa maanta laga warsugayaa warsaxaafadeed uu soo saari doono ergayga gaarka ah ee qaramada midoobet Dr.Mahiga kaas oo uu uga hadli doono kulankii uu la qaatey laba Shariif. Horseed Media
  5. Shirka Haweenka Soomaaliyeed ee Ka soconaaya Magaalada Garoowe Oo Laga Soo Saaray Qodobo Hordhac ah October 27, 20100 comments| leave your own! Share Shirka Haweenka Soomaaliyeed ee ka soconaaya magaalada Garoowe oo ay isugu yimaadeen Haween ka kala yimid Koonfurta Soomaaliya,Somaliland,Puntland,Qaaradaha Africa,Yurub iyo Waqooyi America ayaa waxaa laga soo saarey qodobo hordhac ah. Hindo Siciid oo kamid ahayd Haweenka ka yimid qaarada Waqooyi America ayaa halkaas khudbad ay ka jeedisay ka akhriday qodobada hordhaca ah ee kasoo baxay mudada halka maalin u socday shirka.waxaana kamid ahaa qodobada; -In la sameeyo Sharci qeexaya sida Haweenku ay ka yeelan karaan Dawladdaha Sare,kuwa dhexe iyo sare -In Fursadooyin shaqo la siiyo dhalinyarada gacanta kula jira falalka Burcadbadeednimada iyo wixii lamid ah -In la horumariyo Xoolaha,Beeraha iyo Kheyraadka Badda si dhaqaale loo abuuro Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay go’aansadeen in la sameeyo Dalad lagu magacaabo Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee xuduuda lahayn (Somali Women without Borders). Xubno haween ah ayaa sidoo kale kusoo biiray Shirka oo ka kala yimid wadamada Itoobiya iyo Jabuuti. Xildhibaand Caasho Dhubad Geele oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Jabuuti oo hadal ka jeedisay Shirka ayaa sheegtay in marka hore ay salaan kawado Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle iyo shacab Jabuuti ayna soo dhowaynayaan shirkaan oo kale iyo wax kastoo xal loogu heli karo xaalada Soomaaliya. Si kastaba shirka Haweenka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu soo gaba gabo maanta,waxaana kasoo bixi doona sida ay wararku sheegaayan qodobo badan. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntland
  6. Dhageyso Daawana:- Barnaamij Gaara oo aan idiinka soo diyaariney Isbitalka Galkacyo, iyo Wareysi aan la yelaney Wasiirka Cafimaadka Posted by admin on October 27th, 2010 Gaalkacyo(Puntlandi.com) Barnaamijkaan Maqalka iyo muuqaalka ah oo aan idiinka soo diyaariney Isbitaalka Gaalkacyo oo Howlo daryeel caafimaad ay ka wadaan dhakhaatiir Turki ah, ayaan Wareysiyo kala duwan la yeelaney,Wasiirka Caafimaadka, Agaasimaha Wasarada -Cafimaadka, Dhakhaatiirta iyo Dadweynaha. Barnaamijka oo maqal iyo muuqaal sawiro ah ka dhageyso kana daawo Video-ga hoose. Video-ga labaad waa Wareysiga Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali Cabdullahi Warsame,wuxuuse isla Video-gaan ku bilaabanayaa Wareysi gaban oo aan ka qaadney Agaasimaha Wasarada Cafimaadka. Xusuuso Videoga labaad waa Wareysiga Wasiirka Caafimaadka (Kan kowaad hoostiisa ka daawo Vidoe-ga labaaaaad)
  7. Wefdiga Dhaqaatirta Turkeyga Oo Maanta Gaarey Degmada Buurtinle(Sawiro) October 27, 20101 comment| leave your own! Share Wafti dhaqaatiir ah oo kasocda Turkiga ayaa soo gaarey saaka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal iyagoo ka yimid magaalada Gaalkacyo oo ay maalmahaan ku sugnayeen waxaana hogaaminaaya Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame iyo rag kale. Waftiga ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada iyadoo dadkuna lulayeen calanka wadanka Turkiga,waxaana ay booqdeen isbitaalka degmada kaas oo wali qabyo ah. Wasiirka caafimaadka ayaa ku sharfey inuu xariga kajaro isbitaalka madaxa dhaqaatiirta Turkey-ga ah oo lagu magacaabo Dr.Osdel Atlich,waxaana kadib waxey indho indheyn kusameeyeen qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo hada gacanta lagu hayo qeybtii bukaan jiifka. Waxaa halkaas kahadley Wasiirka caafimaadka oo dadka Burtinle uga mahadceliyey soo dhaweyntii kuna ammaaney dhismaha isbitaalka. Wasiirka ayaa sheegey iney lagarab taagan yihiin dhismaha isbitaalka wax walba oo karaankooda ah. Dr.Osdel atlich oo ah madaxa dhaqaatiirta Turkeyga waxuuna yiri “waan kufaraxsanahey imaatinka degmada waana idinka mahadcelinaynaa soo dhaweyntiina qaaliga ah”. Qunsulka Turkiga ee Soomaalida Sermet Cetin oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu u hambalyeynaayo dadka reer Buurtinle ee dhistay Isbitaalka. Gudoomiyaha degmada Buurtinle Axmed Khaliif Faarax ayaa isna uga mahadceliyey weftiga booqashadooda una muujiyey iney aad ugu faraxsanyihin imaatinkooda degmada. Dhaqaatiirta kasocda Turkiga ee yimid degmada Buurtinle saaka ayaa Isbitaalka degmadaas ugu deeqeen lacag dhan $800-doolarka Maraykanka,waxaana ka gadoomey Nabadoon Nuur Maxamed Axmed. Wefdiga Turkiga ee dhowaan soo gaaray degaanada Puntland kana kooban 23-xubnood ayaa howlo caafimaad ka fuliyey magaalada Gaalkacyo,waxaana sidoo kale lagu wadaa in ay booqdaan magaalooyin iyo degmooyin badan oo ku yaalla Puntland. Mursal Maxamuud Cismaan Horseed Media Buurtinle
  8. Originally posted by Thankful: quote:Originally posted by NASSIR: I knew Piracy was the killer (though excuse given by donors) of our development>> This is why you argument is flawed Nassir, you are blaming only piracy for being the "killer of your development." Yet the article you produce from horn relief specifically says this as another reason why they cannot continue the project! You only highlight a portion of the article but not the very next paragraph....unbelievable! Furthermore, the increased kidnapping of internationals in Sanaag region and Somalia in general will not allow us to send international staff, including engineers and contractors, to Laas Qoray. Therefore, because of the increased piracy activities, the kidnapping of internationals in Somalia and the insecure environment in our project location especially for our international engineers and other staff working on the jetty plus the general insecurity in Laas Qoray and Somalia So although Piracy is mentioned as a reason, the fact that Laasqoray has constant kidnappings and other insecurity, professionals and experts cannot be sent there according to your link. In Gaalkayo they have doctors that are taking care of the sick, why? Because they have worked hard on security, they dont find excuses and blame others. Spot on.
  9. That was the best article I have read in a while..Thanks LST.
  10. ^^^Abdullahi Yusuf got rid of him, Sharif Ahmed empowered him and now is a stone in his shoe. The whole thing is a joke, hands up or hands down, a vote is a vote, why should one care if they have confidance?
  11. ^^^Stop chatting rubbish Mr mole. This project has not failed or ended, inshaAllah the jetty will be built. Faduma Jibril is a good woman who needs to be commended for his hard work for the Somali people in general and those of Sanaag in particular...
  12. Amal Bank Oo Lacago Ugu Deeqday Dhismaha Cisbitaalka Gobolka Mudug Posted by Ali on October 26th, 2010 Galkacyo(Puntlandi.com);- Munaasabad balaaran oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin katirsan dawlada puntland mamulka gobolka kan degmada nabadoono iyo marti sharafkale ayaa xawaalada Amal Bank deeq lacageed guduunsiisay gudiga daqli uruurinta cisbitaalka guud ee degmada Galkacyo. Deeqdan lacageed ayaa gaaraysa 10′000 (Toban kun oo dolar) taa oo loogu talagalay dhismaha cisbitaalka guud ee degmada Galkacyo. Munaasabada ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay madaxda xawilaada Amnal iyo masuuliyiinta ka qaybgalay uu ugu horeeyo Wasiirka cafimaadka dawlada puntland Cali C/laahi Warsame. Mamulaha Amal Bank laanta Galkacyo Cali Faarax ayaa lacagtan guduunsiiyay gudi gacanta ku haya dhismaha cisbitaalka waxaana ka gudoomay Cumar Dheer oo xubin ka ah gudigaa. Cali Faarax ayaa sheegay in lacagtan hordhac utahay lacago tixanaa oo ay ugu talagaleen in ay ugu qaybqaataan dhismaha cibitaalka waxaana uu intaa ku daray in shirkada ka qaybqaadato goobkasta oo loogu adeegyo bulshada goobo farabadana dhismahooda ka qaybqaateen. Wasiirka Caafimaadka dawlada Puntland Cali C/laahi Warsame oo goobta ka hadlay ayaa soo jeediyay khudbad dheer oo dhinacya badan taabanaysa waxaana uu aad ugu mahadceliyay xawaalada amanl doorka ay ka qaadatay dhismaha cibitaalka. Wasiirka ayaa sheegay in guud ahaan umahadceliynayaan cidii ka qaybqaadatay dhismaha cisbitaalka guud xawaala amalna ku dayasho mudantahay. Guud ahaan martidii halkaasi ka soo qaybgashay ayaa mahadbalaaran u celiyay doorka muhiimkaa ee xawaalada amal ugu qaybqaadatay dhismaha cisbitaalka. Sawirada munaasabada goordhaw ayaan idiin soo gudbin doonaa Aqristayaasha Wakaalada Wararka Puntlandi.com waxaa u soo gudbindoonaa Barnaamij Gaara oo ku saabsan halka uu marayo Dhismaha Cisbitaalka iyo Khudbadii dheerayd ee Wasiirka Caafimaadka jeediyay. Ali Ahmed Abdi
  13. Gaalkacyo:(Allpuntland)-Takhaatiir kasoo jeeda dalka Turkiga oo Sadexdii Cisho ee lasoo dhaafay Howlo Caafimaad ka waday Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa Caawa si rasmi ah usoo gabagabaysay Howshii Caafimaad ee ay kawadeen gobolka Mudug iyagoo u gudbiya gobolada kale ee Puntland. Shir Saxaafadeed ay caawa si wadajir ah Guriga ay Takhaatiirtun daganyihiin ugu qabteen Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Dawlada Puntland & Gudoomiyaha Ururka Takhaatiirta ah ee shaqada Puntland u jooga ayey ku shaaciyeen in lasoo gabagabeeyey Howshii Caafimaad ee gobolka Mudug oo ahayd mid adag islamarkaasna waqti yar qaadatay. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Dawlada Puntland ayaa Warbaahinta u sheegey in takhaatiritani intii ay joogtay oo Sadex Cisho ah ay Takhaatiirtani qaabileen 12025 oo Bukaan kuwaas oo la ildaranaa Cuduro kaladuwan,Waxaana uu Wasiirku sheegey in ay 152-kamid ah Bukaanadan Qaleen oo 6-Qaliin oo kamid ahi ay ahaayeen kuwo culus islamarkaasna ay soo gagabeeyeeen. Wasiirku Wuxuu mahadcelin balaaran usoo jeediyey Xukuumada Turkiga & Guud ahaa Shacabka Dalkaas oo uu ku amaanay in waqti xaalad Caafimaad ay dalka kajirtay ay yimaadeen,waxaana uu sheegey in ay ka dhabeeyeen Walaaltinimada & Islaanimada labada dal. Madaxa Takhaatiirtan oo isna hadlay ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin inay yimaadaan Dalkoodii labaad ayna ka qabtaan howl culus,waxaana uu sheegey in dadka reer Mudug ay siwaanagsan ula dhaqmeen intii ay shaqadu socotay,isagoo sheegey inay ka xunyihiin in Bukaano culus ay qaabili waayeen Qalabka oo yar Owgeed. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  14. Now Sharif Ahmed is at war with the speaker, who will not be able to get rid of easily... It gets interesting by the minute...
  15. Ibbi Minister of Fisheries and deputy PM. Yarisow to return also..
  16. Gaalkacyo:Xawaalada Amal oo Lacag gudoonsiisay Gudiga gacanta ku haya Isbitaalka Gaalkacyo. 26. oktober 2010 APL Gaalkacyo:(Allpuntland)-Xawaalada Amal Express oo kamid ah Xawaaladaha ugu waaweyn ee kajira dalka Soomaaliya ayaa Gudiga gacanta ku haya Isbitaalka guud ee gobolka Mudug waxay ku wareejisay Deeq lacageed oo dhan $10,000 (Tobon Kun oo Dollar) taas oo ay ugu talagashay ka qeybqaadashada dib u habaynta lagu wada Isbitaalka. Xaflad siweyn loosoo agaasimay oo ka dhacday Aqalka ay Magaalada Gaalkacyo ka degenyihiin Waftiga Wasiirka Caafimaadka ee Dawlada Puntland ayaa ay si rasmi ah Madaxda Amal ee Gaalkacyo gudiga Isbitaalka gacanta ku haya lacagta ugu wareejiyeen,waxaana ay sheegeen in lacagtani ay kamid noqon doonto lacago badan oo ay Amal ugu talagashay Isbitaalka guud ee gobolka. Madaxa Xawaalada Amal ee Gaalkacyo oo ka hadlay xafladan ayaa sheegey in Amal ay lacagtan oo uu sheegey in ay badantahay ugu talagashay in ay uga qeybqaadato dayactirka & dib udhiska baahsan ee ka socda Isbitaalka,waxaana uu intaas kudaray in Amal ay ka qeybqaadatay Barnaamijyo badan oo Bulshada wax loogu qabanayo. Duqa Magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan oo isna ka hadlay Xafladan ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay lacagta ay Amal ku warejisay Madaxda gacanta ku haysa Isbitaalka,waxaana uu intaas kudaray in Maamulka Degmada Gaalkacyo uu Xawaaladaha & Shirkadaha waaweyn ee gobolka ugu baaqayo in laga qeybqaato dhisitaanka kasocda Isbitaalka Gaalkacyo. Qunsulka Dalka Soomaaliya u fadhay Magaalada Istanbul oo kamid ah Waftiga Wasiirka Caafimaadka ee dawlada Puntland oo asna ka hadlay Xafladan ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay inuu Arko Shirkado & dad Soomaaliyeed oo markale isku taagay inay dad kooda caawiyaan islamarkaasna wuxuu ugu baaqay in lasii siyaadiyo Barnaamijyada bulshada wax loogu qabanayo. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cali Cabdullaahi Warsame oo isagu gabagabadii Munaasabadan ka hadlay ayaa jeediyey khudbad balaaran oo dhinacyo badan leh taas oo uu ugu hadlayo Xaalada Caafimaad ee Puntland,waxaana uu sheegey in Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug uu imika gabagabo ku dhowyahay,waxaana uu amaanay Hogaanka guud ee Xawaalada Amal oo uu sheegey in ay kamid noqdeen dadka ka qeybqaadanaya howsha Qaran ee ka socota magaalada Gaalkacyo. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  17. ^^Maybe, you are right, but we shall see how this plays out, kind of borning though..
  18. ^^^Sharif Hotel lost big time, he wanted a smooth confirmation vote and got a two week delay, infighting which has resulted in all powerful clan the international community getting involved and breathing down his neck.
  19. Dhakhaatiir ajanabi ah oo degmada Gaalkacyo ka bilaabay howlo caafimaad oo lacag la'aan ah Talaado, 26, October, 2010 (HOL) -Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa waxaa ka soconaya olole kaalmo caafimaad ah kii ugu weynaa oo abid ka dhaca Puntland, kaasi oo ay fulinayaan Koox dhakhaatiir ah oo ka socota Ururka Dhakhaatiirta Rajada ee wadanka Turkiga oo maalintii sabtidii 23rd –Oct-2010 magaalada Gaalkacyo soo gaaray ,isla markaana ka mid ahaa wafdi la socday wasiirka caafimaadka Puntland. Dhakhaatiirtan oo 18 dhakhtar ah ayaa waxay hada si toos ah uga shaqeynayaan isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo hawlaha iminka ay qabteen ay isugu jiraan daaweyn guud, Qaliimo, Ilka Saaris,Ilko buuxin, Baaritaano kala duwan, Kabniinka dadka jajaban, waxaana ay hawshu u socotaa si habsami leh, iyadoo ay ka hawlagalayaan dhakhaatiirtu qaybaha Isbitaalka ee kala ah Qaliinka, Indhaha, Ilkaha, Lafaha, cudurada Sanka iyo dhagaha. Dhakhaatiirta ayaa waxay sheegeen in xaaladaha caafimaad ee ay ku arkeen dadkii ay ku qaabileen qaybaha kala duwan ee isbitaalka ay tahay mid naxdin leh, iyadoo ay sheegeen in dadka badankiis aan wax looga qaban Karin gudaha Soomaaliya sababtana waxay dhakhaatiirtu ku sheegeen inaysan hayn qalabkii u fududeyn lahaa in dadkan wax looga qabto,waxaana ay xuseen in dadka qaar ay u baahinyihiin baaritaan caafimaad oo xaga dibada ah. Dadweyne ka badan 1,800 oo qof ayaa laga diiwaan galiyey magaalada Gaalkacyo waxaana loogu talagaley in dadkan ay wax u qabtaan dhakhaatiirtan, waxaana maamulka ay ka codsadeen in laga taageero xaga howlaha ay shacabka u hayaan oo qaybo fara badan isugu jira. Dhinaca kale wasiirka caafimaadka Puntland Cali C/laahi Warsame oo shir ku qabtay magaalada Galkacyo ayaa digniin u jeediyay dad u sheegay in ay xoog ku haysataan dhul ay dowladu leedahay oo dhinaca caafimaadka loogu tala galay ,waxaana uu xusay in dhakhaatiirta Degmada ku sugan ay qaliino kala duwan ku sameeyaan dad ka kala yimid qaybaha kala duwan ee gobolada Somaliya si bilaash ah. Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Boosaaso,Soomaaliya
  20. Sharif Xasan got what he wanted, what ever it was..
  21. ^^^What if they just say, hands show that he lost the vote? Anyhow its nearly two months and no government at all in place..