General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Xubnaha Waftiga ee ku jirrey kormeerka ayaa galinkii danbe waxa ay u socdaaleen degmada taleex , halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen bulshada ku nool , islamarkaana ay la yeesheen shir weyn oo ay dad badan kasoo qeyb galeen. Masuuliyiinta Waftiga ayaa dadka reer taleex u faahfaahiyey safarkooda , kaasi oo ay ku tilmaameen mid dabo socda fulinta adeegyo bulshada oo muhiim ah, waxaana sidoo kale waftigu intii ay joogeen taleex ay kormeer ku sameeyeen Goobo ay ka mid yihiin < Saldhiga Magaalada, & Iskuuladda sida Dugsiga Hoose , Dugsiga dhexe & Dugsiga Sarre.
  2. Waftiga ayaa safarkooda ka bilaabey deegaanka la yiraahdo xallin oo qiyaastii garowe u jirra 100 km dhanka waqooyi bari, ayna ku yaalaan tiro dhan 75 beerood , oo laga hello dalag wanaagsan oo loo iib-geeyo meelo kala duwan oo ka mid ah suuqyada gudaha magaalooyinka Puntland, Iyadoona dadka deegaankasi xallin ay tabac xoog leh galiyeen sidii ay u buuri lahaayeen beero wax soo saar leh. Qeybo kala duwan oo ka tirsan bulshada deegaanka xalin ayaa soo dhaweyn balaaran u sameeyey waftiga markii ay gaareen magaalada , ayna warbxin waftigu ka dhageysteen qaar ka mid ah odoyaasha deegaanka & dadka iska leh beeraha ku yaal xalin.
  3. Wafdi isugu jirra Wasiiro, Gudoonka Barlamanka , Xillibaano & Saraakiil ciidamada amniga Dowlada Puntland ayaa socdaal maalin qaatey ku tagey deegaano ku yaal gobolka sool Sida Degmada Taleex & Deegaano kale oo ay ka mid tahay Tuulada xallin oo leh dhul beereed dalag wanaagsan uu kasoo go,o. Xubnaha waftiga ee gaarey deegaanadaasi ayaa kala ahaa, wasiirka wasaaradda beeraha & waraabka Dowlada Puntland Eng Maxamud Xaaji Salax, Gudoomiye ku xigeenka labaad golaha wakiilada Dowlada Puntland Md Xuseen yaasiin xaaji diiriye, Wasiir ku xigeenka Maamulka Wasaarada Maaliyada Md Cabdi Qowdhan, Xillibaan Cali Jaamac (Dhago-cade) & Xubno kale oo ka tirsan Barlamanka & Saraakiisha Ciidamada Dowlada Puntland.
  4. SOMALIA: New Prime Minister of Somalia 4 hours ago | 0 comments The President of the Transitional Federal Government (TFG), H.E. Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has appointed Dr. Abdiweli Mohamed Ali to the post of the prime minister of the government. Professor Ali brings a breadth of experience to the job. He was a deputy prime minister and minister for planning and international cooperation. He also consulted extensively for international organizations. Prior to joining the TFG, Dr. Ali was a professor of economics at Niagra University in Buffalo, New York. Dr. Ali joined the faculty in August 2003. He has a Master of Public Administration from Harvard University, a Certificate of Taxation from Harvard Law School, and a Master of Economics from Vanderbilt University. Dr. Ali completed his Ph.D. in Economics at George Mason University. In 1998 and 1999, Dr. Ali was a Joel Leff Fellow of Political Economy at Kennedy School of Government of Harvard University. Before coming to Niagara, Dr. Ali was a Research and Forecast Manager for the Commonwealth of Virginia. Dr. Ali’s primary research and teaching interests include economic growth and development, international trade, public finance and public choice. His current research focuses on the effect of institutions on economic growth. One of his articles “Political stability, stable economic policies and growth: An empirical investigation” was published in that Atlantic Economic Journal on March 2001, and won the Best Article Award for the year 2001. He has publications in numerous peer reviewed journals including Atlantic Economic Journal, International Advances in Economic Research, Journal of Public Choice and Public Finance, and the Journal of Business and Economics Research. He is a member of the American Economic Association, Southern Economic Association, and the International Atlantic Economic Society. Dr. Ali did consulting work for international institutions including the World Bank and the United Nations Development Program. Professor Ali is expected to consult with members of parliament and clan elders as he embarks on forming his cabinet over the next few weeks. Horseed Media
  5. Galkacyo waa is raacday Da’yar iyo Duqaw waxaana Dhaxda Loo Xirtay Hormarinta Gobolka. Posted by pi on June 24th, 2011 Galkacyo(Puntlandi.com);- Da’yar iyo Duqaw shacabka Galkacyo waxaa laga balamay in guntiga loo dhuuqsado hormarinta iyo amaanka Gobolka Mudug meel cidlaana looga tago waxyaabaha bulshada kala fogeeya habacsanaana ku keena shaqooyinka mamulka iyo homarka Gobolka. Kulamo is xiga oo loogu magacdaray aaaya katalinta Gobolka Mudug ayaa looga balamay in lagawada shaqeeyo amaanka iyo homarka Gobolka Mudug qofkastaana uu ku taageero maalkiisa,muriqiisa iyo fikradiisa si loo helo amaanka iyo hormar uu mamulka hogaan ugu yahay. Kulankii u horeeyay ee kulamadan waxaa qaatay Odayaasha dhaqanka iyo mamulka Gobolka Mudug waxaana looga balamay in mamulka lagarab istaago lana taageero si uu ugu guulaysto shaqooyinka loo igmaday waxaana kulankaa ka soo baxay talooyin muhiima iyo dhaqaale mamulka lagu taageero. Kulankaas waxaa uu dhaliyay in uu kaco dareenka bulshada Gobolka Mudug waxaana qaybkastaa oo kamida bushada Galkacyo ay qabanqaabisay kulan ugaara waxaana xigay kulan waynihii Dhalinyarada Gobolka Mudug oo guud ahaan dhalinyarada ay balanqaadeen in muruqooda iyo maskaxdooda ay ku taageerayaan hogaanka Gobolka iyo waxqabadyada soconaya. Waxaa xigay haweenka Gobolka Mudug oo qaatay kulankii udanbeeyay waxaana uu ahaa kulan taarikhiya oo aan horay loo arag waxaana haweenka ay ku deeqeen maalkoodii dahabkoodii iyo Guryahoodii kuwaa oo kubalamay in loo istaago hormarinta Gobolka Mudug. Kulamadaa waxa bar bar socda Gudiga aaya katalinta Gobolka Mudug oo uu hurmood uyahay Suldaan C/salaan kuwaa oo qabtay shaqooyin muhiima hurmuudna u ahaa in shacabka ay kacaan dantoodana ay garawsadaan kana shaqeeyaan sidii amaan iyo barwaaqo ay ugu noolaanlahyeen. Is xilqaankii u horeeyay ee waxqabad waxaa ku talaabsaday dhalinyarada Gobolka Mudug kuwaa oo sameeyay ol olahii lagu hagaajiyay nadaafada Garoonka kubada cagta kuna guulaystay in ay israacdo dhalinyarada Gobolka Mudug dhaxdana u xirtaan kashaqaynta Gobolkooda. Puntlandi.com Galkacyo
  6. Haweenka gobolka Mudug oo dhaqaale ugu deeqaya maamulka gobolka 7 hours ago | 1 comment Kulan looga hadlayay doorka haweenku ay ku yeelan karaan horumarinta iyo amaanka gobolka Mudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo,kaasi oo ay kasoo qaybgaleen saraakiil katirsan maamulka gobolka Mudug,wasiirka haweenka iyo arimaha qoyska Puntland,Hogaamiye dhaqamed,dhalinyaro iyo marti sharaf kale. Haweenka kasoo qayb galay kulanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan maamulka gobolka Mudug,waxaana ay goobtaasi ay ka balanqadeen dhaqaale ay ku taagerayaan maamulka gobolka si’uu ugu horumariyo gobolka Mudug. Waxa sheegid mudan in haweenkii kasoo qayb galay kulanka ay isku qoreen dhaqaale ay ku taageerayaan maamulka gobolka Mudug. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Daahir Maxamuud Muuse oo ka hadlay kulankaasi ayaa haweenkii ka soo qayb galay uga mahad celiyay sida ay uga go’an tahay inay la shaqeeyaan mamulka gobolka Mudug. Inta uu kulanku soconayay ayaa madasha waxa lagu soo bandhigay ruwaayad ka tarjumaysay dhibaatooyinka ay leeyhiin burcadbadeeda,nabadgalyo la’aanta,mukhaadaraadka iyo waxyaabo kale. Waxaa sidoo kale kulanakasi ka hadleen haween iyo hogaamiye dhaqameed oo iyagu siwayn u soo dhoweeyay hawlaha horumarineed ee mamaulka gobolka Mudug oo uu ka wada gobolkaasi. Si kastaba maamulka gobolka Mudug ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku talaabsadaya horumar la taaban karo o ah dhinacyada amaanka iyo horumarinta bilicda Gaalkacyo. Horseed Media.
  7. Haweenka Gobolka Mudug oo Maanta Qaatay kulan wayne Taariikhiya Naf iyo Maalna ku Taageeray Hormarinta Gobolka Mudug. Posted by pi on June 24th, 2011 Galkacyo(Puntlandi.com);- Hoolka Shirarka Dugsiga sare ee cumar Samatar ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan taariikhiya oo ay isugu yimaadeen Haweenka Gobolka Mudug kaa oo qaybka ah kulamada aaya katalinta Gobolka. Kulanka waxaa soo xaadiray kumanaan haweena waxaana diirada lagu saa rayay sidii haweenka ay ugu qaybgalilahaayeen kacdoonka Gobolka kabilawday naf iyo maalna ugu qaybqaadanlahaayeen. Waxaa goobjoog ahaa kulanka wasiirada Haweenka iyo arimaha Qoyska Dawlada Puntland Mamulka Gobolka Mudug Ururuda haweenka iyo xubna ka socday jaaliyadaha Dibada . Waxaa sidoo kale madasha fadhiyay hadal qiiralehna ka jeediyay Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud oo aad ugu dheeraaday kacdoonka waxqabsi ee Gobolka ka socda aadna ugu xumaaday falalka amaandaro ee Gobolka ka dhaca shacabkana ku baraarujiyay in ay gacantooda wax ku qabsadaan maalkoodana ku bixiyaan. Suldaanka ayaa shacabka ujeediyay hadalo kiciyay dareenkooda kuwaa oo qaarkood ka ilmeeyaydadka kulanka fadhiyay kuwa kalana ku beeray murugo iyo in ay ka xumaadaan xeerka uu marayo Gobolkooda waxaana hadalo qiiraleh uu ku yiri waxqabsada cidkale yaan wax laga sugin. Hadalada uu suldaanka kulanka kajeediyay ayaa waxaa ay keeneen in gabar yar oo da’deedu aad uyartahay ay ku yaboohday 100Sh somali in ay ugu deeqdo hormarka iyo aaya katalinta Gobolka Mudug waxaana mar qura ay cajabgalisay guud ahaan ka soo qaybgalayaashii kulanka qaarkoodna ku beertay in ay gartaan waxa ay garatay gabadhaa aadka uyar. Waxaa sidoo kale kulanka hadalo ka soo jeediyay Haweenka Gobolka Mudug kuwaa oo aad ugu hadlay muhiimada ay haweenka uleeyihiin abuurida nabada iyo hormarka Gobolka waxaana ay balanqaadeen in ay garab istaagayaan mamulka naf iyo maalna ay ku bixinayan hormarinta iyo amaanka Gobolka Mudug . Haweenkii kulankaa ka soo qaybgalay ayaa ku yaboohay malyuumaad lacageed iyo Boosaas gudaha iyo daafaha magalada ku yaal micnaha ay u bixiyeena ay tahay in lagu sugo amaanka iyo hormarka Gobolka Mudug. Deeqahaas lacagta iyo Boosaska isugu jirta waxaa shacaka ka gudoomay Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud waxaana uu eebe ugu baryay in wax kaqayrbadan uu ugu badalo waxaana uu ujeediyay Ducooyin wax tar u ah iyaga iyo ubadkooda. Lacagtii ugu horaysay waxaa ku deeqay Suldaan C/salaan waxaana uu sheegay in uu kabixiyay Hooyooyinkii afara oo kaqaybqaatay barbaarintiisa iyo korontiisa waxaana uu sheegay in uu uga bixiyay in lagu sugo amaanka Gobolka Mudug. Intaa kadib waxaa iska soo dabadhacayay dadka doonaya in maalkooda ay ku yaboohaan waxaana halkaa ka kacayay dadwayne aad ufarabadn oo uu kiciyay hadalada halkaa uu ka soo jeediyay Suldaan C/salaan kuna deeqay lacago inta itaalkooda ama ay awoodaan. Qaarkamida haweenka ayaa sidoo kale halkaa ka soo jeediyay tixo Buraanbura oo ku wajahnaa Gobolka Mudug kuna qotomay kicin shacab iyo in amaanka iyo hormarinta ay kaqaybqaataan waxaana intaa dheeraa Heeso wadaniya oo ay halkaa ka soo jeediyeen bar baar ka socotay xarunta Nabada iyo homarinta Gobolka Mudug. Intii ay socotay munaasabada ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay riwaayad gaaban oo ka turjumaysa musuqa dalka kajira gaar ahaan dhinaca ciidamada iyo heerka ay gaarsiisantahay qabyaalada taa oo ka xoogbadatay nidaamka sharciga. Gunaanadkii kulanka waxaa soo xiray wasiirada haweenka iyo arimaha Qoyska Dawlada Puntland Marwo Caasho Geele waxaana ay sheegtay in ay ku faraxsantahay doorka haweenka ee hormarinta Gobolka waxaana ay balanqaaday xukuumad ahaan in ay u ol olayndoonto sidii uu utaabagalilahaa kacdoonkan ay shacabka sameetyeen. Wasiirada ayaa ku deeqday kun dollar oo ay sheegtay in loogu talagalay Barnaamijka aaya katalinta Gobolka Mudug waxaana ay balanqaaday in markastaa ay dhinac istaagidoonta shaqsiyaadka u kacay hormarinta Gobolka Mudug.
  8. Has been better than his predecessor Abdullahi Yusuf Ahmed. Maybe this is a generational shift with younger more educated men coming into the fore. Oamr Abdirashid son of former President of Somalia, educated in Canada. Mohamed Abdullahi Farmaajo, educated in the United States Abdiweli Ali Mohamed, educated in the United States. In Comparison to Ali Mohamed Geedi who was given the title Professor by Somalia media, and who was educated in Mogadishu. Nur Hussain, Nur Cade, who educational background was not clear. Thus Sharif has brought into the game better educated men, who in turn have brought more competent cabinets.
  9. ^^^ I think Mad Mullah is right. My clannish support for this man, made him graduate from Somalia University, Vanderbilt, Harvard and George Mason with a BSc, MSc & a PhD in Economics. For that’s all I have reported on this day. If Mad Mullah and his ilk just opened their eyes and read. Surely they would know that I reserve any judgment until the cabinet is announced.
  10. ^^^A good CV is a start, but Somalia needs all of us to help it.
  11. ^^^Abwan, I agree with you on this. Somali Diaspora should try to go back and work in business start ups, education and other economic empowerment projects rather than all of them rushing to become civil servants in a weak government. I think they would make more money in the private sector in Somalia and Africa. Abdiweli’s task is Mogadishu, Mogadishu, Mogadishu and paying the salary of the troops and using the international community.
  12. ^^^Good point Gabbal, I think Sakin has already lost with this appointment, Abdiweli is a tough guy who wont be pushed around so easily. The old cabinet will have their say so will Farmaajo in the background. This game has yet to end and it might for the better of the country.
  13. http://www.jowhar.com/news.php?readmore=1729
  14. Well done to my ina Abti Oba Hilowlo and his new wife, Mabruuk, wish you all the best.. enjoy this time lad.
  15. Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo sheegay in xukuumad tayo leh in uu soo dhisi doono (Dhageyso) Muqdisho (RBC Radio) Raysal wasaaraha cusub ee soomaaliya Prof C/wali Maxamed Cali ayaa jeediyay qudbadiisii ugu horaysay ka dib markii uu madaxwaynaha Soomaaliya uu magacaabay. Prof. C/wali ayaa waxa uu sheegay in dowlada uu soo dhisi doono ay dhoqon doonto mid wax badan qaban doonto isla markaana halkii ka sii wadi doonto howshii uu bilaabay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laafi Farmaajo. Wuxuu sheegay Sidoo kale raysal wasaaraha cusub ee soomaaliya in uu ka shaqayn doono sidii uu u dajin lahaa qorshihii looga bixi lahaa dhibaatooyinka iminka jira. Wuxuu sidoo kale uu sheegay in uu xooga saari doono sidii ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ay xaqooda u heli lahaayeen isla markaana howshooda usii wadi lahaayeen. Hadalka raysal wasaaraha cusub ayaa waxa uu imaanayaa iayadoo la sugayo in raysal wasaaraha la horjeeyo golaha baarlamaanka si ay u ansixiyaan. http://www.raxanreeb.com/?p=100797
  16. To the new PM, as a Western educated Economist you should appreciate the need for a competent, lean and professional cabinet. Make sure that you build on the good work of your friend Farmajo with a few adjustments. Your task is to bring security to Mogadishu, unite your government with the regional States and outline a Somali centric end to the transition. PM, I would suggest that you keep the stars within the previous cabinet. You should name, Mr Farmajo as your Minister of Interior & Security. Keep Mr Fiqi as the Defence chief both of these men have played a good role in the fight against Al Shabaab. Omar Should be relieved of his comfortable position at the foreign office and given to one of Sharif Sakin supporter in this I would suggest the young man by the name of Mustaf Dhuxulow. My point is simple; Sharif Sakin if he wants to bring anyone to the table, that person must have the necessary qualifications and skills to take the job. Also demote IndaCade ASAP.
  17. Taariikh-nololeedka Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas, ra'iisul-wasaaraha shanaad ee federaalka Soomaaliya. Thu, 23 Jun 2011 13:38:29 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas oo uu maanta xilka ra'iisul-wasaaraha u magacaabay madaxwayne Shariif Sheekh Axmed, waxa uu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud, sannadkii 1965-kii, halkaasoo oo uu ku soo qaatay waxbarashadiisa asaasiga ah illaa iyo tan heerka dugsiga sare. 1984-kii ayuu shahaadaha cilmiga dhaqaalaha ka qaatay kuliyaddii dhaqaalaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. 1988-kii waxa uu shahaadadiisii ugu horaysay ee Masterka ka qaatay jaamacadda Vanderbilt oo ku taalla magaalada Nashville ee gobolka Tannessee ee dalka Maraykanka. Waxa uu takhasus ku sameeyay horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah. 1999-kii Jaamacadda caanka ah ee Harvard kuna taalla magaalada Cambridge ee gobolka Massachusetts, dalka Maraykanka ayuu Prof. Cabdiwali waxa uu ka qaatay shahaado la xiriirta qorshaynta iyo maamulka qaybaha kala duwan ee canshuraha caalamiga ah. Isla sannadkaas (1999) waxa uu isla Jaamacadda Harvard ka qaatay markii labaad shahaadada Masterka, isaga oo markan labaad takhasus ku sameeyay maamulka guud. Sannadkii 2000 ayuu Jaamacadda Goerge Mason ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka waxa uu cilmiga dhaqaalaha ku qaatay shahaadada sare ee PhD -da. Qoraallo-Cilmiyeedka: Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas waxa uu leeyahay qoraallo-cilmiyeed kor u dhaafaya afartameeyo, kuwaas oo uu inta badan ka qoray arrimo la xiriira, koboca iyo horumarinta dhaqaalaha, maamulka iyo maaraynta lacagta iyo waliba guud ahaan howlaha maaliyadda, arrimaha la xiriira canshuuraha, xuquuqda aadanaha, faqriga iyo dib-u-dhaca iyo waliba maamulka wanaagsan ee haykallada ama mu'asasaadka dawliga ah iyo dimuqraadiyadda. Qoraalladaas ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo uu ku soo bandhigay shirar iyo maxaafil caalami ah iyo kuwo lagu soo daabacay majallado iyo mareegtooyin caalami ah oo kala duwan. Qoraalladaas iyo dadaalkiisa aqooneed iyo kan shaqaba waxa uu ku muteeysay shan billadood iyo waliba sagaal shahaado-sharaf oo caalami ah. Khibradda Shaqo: Prof. Cabdiwali Gaas, waxa uu ahaa wasiirkii qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dawladdii is-casishay ee ra'iisul-wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Muddadii koobnayd ee ka dambaysay is-casillaadda Ra'iisul-wasaarahana waxa uu sii ahaa ku simaha xafiiska. Intii uunan ku soo biiriin hoggaanka siyaasadda federaalka Soomaaliya, Prof. Cabdiwali waxa uu Proffessor dhiga cilimiga dhaqaalaha ka ahaa kulliyadda ganacsiga ee Jaamacadda Niagra ee gobolka New York. Muddadii u dhexeeysay 1993-kii illaa iyo 2003d-dii, waxa uu bare jaamacadeed iyo mid kulleejo ka soo ahaa Jaamacadda Harvard iyo kulliyadda bulshada iyo waqooyiga Virginia. Marka dhan la iska dhigo khibraddiisa macallinimo, Prof. Cabdiwali waxa uu intii u dhexeeysay 2000-2003-dii khabiir dhinaca cimi-baarista ah ka ahaa maamulka gobolka Virginia ee dalka Maraykanka. 1985-kii illaa 1990-kii Prof. Cabdiwali waxa uu ka tirsanaa wasaaraddii maaliyadda iyo lacagta ee dawladdii Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Soomaaliya, halkaas oo uu ka soo qabtay mas'uuliyado sarsare oo la xiriiray dhinaca maamulka lacagta iyo canshuuraha. Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxa uu la-taliye ahaan ula soo shaqeeyay mashaariic dhowr ah oo ay fuliyeen Bankiga Adduunka iyo hay'adda QM ee horumarinta UNDP kuwaas oo laga fuliyay meelo kala duwan oo ku yaal caalamka iyo Soomaaliyaba. Mashaariicdaas kii ugu dambeeyay waxa uu ka fuliyay dawladda Puntland biloowgii sannadkii 2010-ka. Ka sokoow luqaddiisa hooyo ee Soomaaliga, Ra'iisul-wasaare Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas, waxa uu ku hadlaa luqadaha ay ka midka yihiin Ingiriiska, Talyaaniga iyo Carabiga. Prof. Cabdiwali waa xaaslle waxana uu leeyahay saddex wiil iyo gabar. Qoyskiisu waxa ay ku nool yihiin magaalada Baffalo ee gobolka New York. Haddii ay ansixiyaan golaha barlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya, Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas waxa uu noqonayaa ra'iisul-wasaarihii shanaad ee soo mara federaalka Soomaaliya oo dhashay sannadkii 2004-tii. Diiwaanka Wararka, Daljir
  18. ^^^I agree, we must wait for the cabinet list. Abdiweli is a good man who wants good for his country and people.