General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Wafdigii Federaalka oo daqiiqado kahor ka degay magaalada Baydhabo ee gobalka Baay Muqdisho :- Wararka aanu hada ka helayno magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegay in daqiiqado kahor ay Airporka magaaladaasi ka dageen wafdigii Federaalka ee Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha. Sida wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan waxaa hada soo dhaweyn aad u balaaran ay ka socotaa Airporka magaaladaasi Baydhabo ayadoo diyaaradaha sida Madaxweynaha Federaalka C/laahi Yusuf Ahmed iyo Ra'iisul Wasaaraha soo cago dhigteen airporka ku yaal duleedka magaalada. Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in ay si weyn usugu soo baxeen isla markaana safan hareeraha magaalada Baydhabo iyo waliba airporka oo ay hada ku sugan yihiin xubno kamid ah Dowlada Federaalka oo horey magaaladaasi ugu sugnaa. Amaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyey ayadoo ay magaalada soo gaareen maleeshiyooyin kala gedisan oo loo keenay in ay adkeeyaan amaanka magaalada. Hogaamiyaasha ururka RRA ee gacanta ku haya magaaladaasi ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan soo dhaweyntan. Col. Shaatiguduud iyo Maxamed Ibraahin Xaabsade oo kala hogaamiya labo garab oo kamid ah RRA-da ayaa hada kamid ah dadka soo dhaweenaya Wafdigan balaaran oo galabta kasoo kicitimay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Muqdisho, Somaliya
  2. East African defense chiefs to meet in Uganda on Somali peace mission Posted to the Web Mar 01, 22:43 KAMPALA:-East African defense ministers will meet here next week to discuss the deployment of regional peacekeepers to lawless Somalia, a move which has met local opposition, the Ugandan foreign ministry said Tuesday. Defense ministers and senior military officials from the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) will gather on Monday to review the findings of an expert-level fact-finding trip to Somalia to prepare the a report on the mission, it said. "The defense ministers and army chiefs of staff will meet here starting on March 7 to receive a report from a team of experts that was recently in Mogadishu to assess the situation ahead of the proposed peace mission there," the ministry's permanent secretary, Julius Onen, told AFP. The defense chiefs are to prepare a situational analysis and come up with the number of troops needed for the mission, its budget and other logistics, he said. Monday's talks will set the stage for a meeting of IGAD foreign ministers on the issue of Somalia to be held March 16 and 17 in the Kenyan capital, Onen said. The African Union has authorized IGAD -- which comprises Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan and Uganda -- to send peacekeepers to Somalia to help the country's transitional government get a foothold there when it eventually relocates from exile in Nairobi. Although the goverment has requested the force, opposition to troops from Ethiopia and Djibouti is running high in Somalia, where the two countries are seen as having ulterior motives in contributing. Onen said that the weekend rejection by influential Somali warlords of troops from the two nations would be discussed by the defense ministers but would not prevent the deployment of the IGAD force. "That threat will not stop the mission because the region is ready to deploy troops in Somalia," he said. Somalia has been awash in a sea of anarchic violence for 14 years since the 1991 ouster of Somali strongman Mohamed Siad Barre turned the Horn of Africa nation into a patchwork of fiefdoms ruled by violent warlords. IGAD sponsored two years of peace talks between various Somali clans and factions that culminated in the formation of the Somali transitional government in Kenya in October. The administration has remained in Nairobi because of security concerns although President Abdullahi Yusuf Ahmed and Prime Minister Mohammed Ali Gedi are currently visiting the country to build support for the government's return. Source:SudanTribune
  3. Turkish Will support AU Peace Facility Mission for Somalia Mogadishu (HAN) , March 2, 2005- Adjacent to Africa and specially in the Horn and east African Countries Like Somalia, Turkey is an important conduit for trade and has the ability to facilitate access to underutilized oil and gas resources in the Horn of Africa and IGAD zone. A large nation with vast economic potential and a secular government, it serves as the prime example of a successful Muslim democracy. Of most immediate importance, however, is Turkey's military and strategic significance. Turkey is a key military ally of the United States. The only primarily Muslim nation in the North Atlantic Treaty Organization (NATO), Turkey has one of the most capable militaries in the alliance and has proven to be cooperative and reliable in supporting American proposals and priorities. Turkish Premier said, ''Turkish government has declared 2005 as African Year.'' ''There is an important economic potential between Turkey and the countries which I will visit during my tour of Africa. Also we focus on cooperation in third countries,'' he added. Erdogan spoke to reporters at Ankara's Esenboga Airport prior to his departure for Ethiopia on Tuesday to discuss regional security and trade cooperation; specially The Somalia's TNG relocation process and Turkish military and facilitation support. Erdogan said, ''our visit is an important opportunity to develop and diversify bilateral relations in political, security, economic, commercial and socio-cultural areas, since 1884 partnership with Harar Islamic Kindom, before it become part of Ethiopian empire.'' ''Both Ethiopia and Republic of South Africa exert efforts to settle stability and permanent peace in Africa. I think we can cooperate with both countries in this area. Addis Ababa, the capital city of Ethiopia, is the political capital of African continent. Ethiopia hosts African Union and UN Africa Economic Commission. We have also opportunities of cooperation within the frame of economic cooperation organizations like 'new partnership for development of Africa' and 'eastern and southern Africa common market','' noted Erdogan. Erdogan said, ''Republic of South Africa is important in its region with the political and economic power it has. It is a leading country for stability. It undertakes important roles to end poverty in Africa.'' Erdogan noted, ''during my tour, I will meet Ethiopian President Girma Woldegiorgis, Premier Meles Zenawi as well as President Thabo Mbeki of Republic of South Africa, Vice President Jacob Zuma and Western Cape Premier Ebrahim Rasool.'' ''My visit will also be beneficial in the aspect of commercial activities and mutual investments as well as investments in third countries,'' added Erdogan. Erdogan said, ''I will address Turkish and Ethiopian businessmen in Addis Ababa. I will open Program Coordination Office of Turkish Cooperation & Development Authority (TIKA). I will also make opening remarks of Turkey-South Africa Republic Businessmen Meeting on partnership for development in Cape Town.'' Erdogan will return to Turkey on March 5th.
  4. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geedi oo maanta Magaalada Gaalkacyo kula kulmay dhinacyadii ku dagaalamay Gobollada Mudug iyo Galgaduud Talaado, March 01, 2005 (HOL) @20:00GMT: Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisul Wasaare Geedi iyo xubno ka mid ah wafdigii la socday ay maanta kulan kula yeesheen Hotelka Taar City ee magaaladaas dhinacyadii dhowaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud. Madaxweynaha ayaa dhinacyadii uu la kulmay waxaa uu u sheegay in ay ka gudbaan is-dilka dhexdooda ah isla markaana haatan wixii ka dambeeya ay meel uga soo wada jeestaan sidii aanu u dhici lahayn dagaal kale oo lagu hoobto, iyadoo uu ka rajeeyay in dagaalkii uu horay u dhexmaray uu noqon doono midkii ugu dambeeyay. Xubnihii kulankaas ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Iimaan Xasan Jirow oo ka socday dhinaca Beesha Mudug degta iyo xubno kale oo uu ka dhex muuqday Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, kaasi oo isna ka soo jeeda beesha kale, isla markaana ka socday wafdiga Madaxweynaha. Madaxweynaha waxaa uu sheegay in mas'uuliyiinta labada beelood ee ku jira dowladda Federaalka ay ka gaabiyeen in ay mar hore arrinta ku soo baxaan, iyadoo uu caddeeyay in markii wafdigiisa ay Nairobi ka soo baxayeen ay xubnahaasi qaarkood diideen in ay ka mid noqdaan wafdiga uu hoggaaminayo ee booqanaya gobollo ka mid ah Dalka Soomaaliya, sidaasoo ay tahayna Madaxweynaha waxaa uu ku booriyay dhinacyadii uu kulanka la yeeshay in ay u howlgalaan in aysan xabad dambe isku ridin labada beelood. Dhanka kalena, Wafdiga Madaxweynaha ayaa maanta laga sugayay in ay gaaraan magaalada Baydhabo oo ah halka uu ku egyahay socdaalka wafdiga ay hoggaaminayaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, waxaana maanta garoonka Magaalada Baydhabo dhoobnaa oo waqti badanna joogay dadweyne aad ugu heelanaa in ay soo dhaweeyaan Madaxweynaha, iyadoo mas'uuliyiinta kala duwan ee RRA-da kuwooda ku jira dowladda iyo kuwa aan ku jirinba ay iyana diyaar u ahaayeen in ay wafdiga soo dhaweeyaan. Laakin mar dambe ayaa dadkaasi loo sheegay in wafdigii Madaxweynaha uu baaqday, maalinta berri ahna uu ku soo beegan yahay Magaalada Baydhabo. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa magaalada Baydhabo waxay u noqon doontaa magaaladii ugu dambeysay oo uu booqdo, iyadoo kadibna uu ku laaban doono magaalada Nairobi oo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si KMG ah u degan tahay. Dadka Baydhabo ayaa la filayaa in Madaxweynaha uu u jeediyo qudbad xasaasi ah oo dabcan mar kale caro gelin karta Hoggaamiyayaasha Muqdisho, waayo waxaa la filan karaa in madaxweynaha uu dadka Baydhabo ugu qudbeeyo in ay Caasimadda si KMG ah loogu soo rari doono Magaaladooda. Si kastaba Arrintu ha ahaatee, codsiyo badan oo uu horay u jeediyay Madaxweynaha oo ku saabsanaa in Ciidamo Shisheeye dalka la keenayo iyo qodob kale oo ku saabsan in si KMG ah loo wareejiyo Caasimadda Muqdisho ayaa dhaqangelintooda waxay u taallaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ka yeelan doona labadaas Arrimood ee Xasaasiga ah, iyadoo Wararka Magaalada Nairobi naga soo gaaraya ay sheegayaan in kulan uu Baarlamaanka isugu imaan lahaa maalinta berri ah dib loo dhigay ilaa amar dambe. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  5. Wonderful news indeed. AGREEMENT-to ened hostilities Commitee to monitor the agreement
  6. Listen bro, it may come as a shock to you BUT no one supports Cabdulahi Yusuf (save for some of his kinsmen like you). Most folks you see support the bringing back of the state whether it was Muuse Suudi that was heading the government or Caydiid Sr himself. How does one gain the good will of the people and not their support? Your argument is a joke. You seem to go from one ludicrous point to another. First the President who was elected is a rebel against himslef, then you state that only his kinsmen support him. So his kinsmen won him the 189 votes necessery to be President? And they live in Jowhar and all the areas up to Beledweyne. Come on you can do better than that. Also its funny how you attack an elected leader of Somalia while you still support the late despot Afweyne, who was never wanted nor elected by the people. Oh but he was from your clan as is Minister Huuraale
  7. Radio Daljir: President and Prime Minister speaking to the people of Galkacyu
  8. Gaalkacyo: Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya oo maanta kulan gaar ah la yeeshay Duqayda labo Beelood oo dagaalo gaystay dhimasho ka badan 100 ay ku dhexmarayeen mudooyinkaan gobalada Mudug iyo Galgaduud - Tuesday, March 01, 2005 at 15:14 Gaalkacyo (AllPuntland)- Madaxwaynaha dawladda Federaalka kumeelgaarka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed , Raysulwasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdigooda oo ay weheliyiin masuuliyiinta Puntland oo uu horkacayo madaxwaynaha dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland mud. Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) ayaa kulamo waqti dheer qaatay la yeeshay maanta beelaha daga xaafadda wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkayco iyo beelaha daga degmada Cadaado ee gobolka Galguduud . Wadahadaladan ayaa waxay ujeedadoodu ahayd sidii madaxda Soomaaliyeed iyo kuwa Puntlandba ay ugu qayb qaadan lahaayeen sidii ay u baajin lahaayeen colaado aan wali si rasmi ah loo soo afjarin oo dhexmarayay mudooyinkaan dambe labadaas beelood oo daga gobolka Galguduud iyo Mudug. Masuul ku hadlayay magaca odyaasha koonfurta Gaalkayco oo lagu magacaabo Imaan Cal Jiiroow ayaa ku nuux nuuxsaday inay maanta beelaha ku dhaqan gobolka Galguduud iyo Mudug ay haystaan fursado qaali ah oo ay ku nabadaynayaan beelaha daga gobollada Galguduud iyo Mudug. Wuxuu ka codsaday dawladda Federaalka ah inay go'aan cad kaqaataan sidii colaadahaasi ay dawladdu wax uga qaban lahayd isla markaana ay arintaasi usoo afjarmi lahayd. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka go'antahay inay colaadahaasi joojiso , inkastoo dawladdii aysan wali caga dhigan dalka Soomaaliya dalkana loo raadinayo ciidamo shisheeye oo maleeshiyaadka oo dhan hubka ka dhiga ayayan si dhaqso ah u suurtoobi karin in dawladdu ciidan ahaan tallaabo qaaddo ay ku joojinayso dagaaladaasi ayuu yiri madaxwayne C/laahi Yuusuf. C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu intaasi ku daray in dawladdiisu ay guddiyo u magacaabayso xaaladaha ka jira gobollada Mudug iyo Galguduud , wuxuu ka codsaday madaxwaynuhu beelaha dagalaamaya inay joojiyaan colaadda oo ay gacmaha is qabsadaan maadaama xilligan lagu jiro xilli dib u heshiisiin oo dib loo dhisay dawlad Soomaaliyeed, Ra'iisal wasaare Cali Maxamed oo isna ka hadlay goobtaas ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in la joojiyo dagaalada beelyada, isagoo markaas ka hadlayay dagaalada labadaan beelood ayuu sheegay dawladiisu ayan waxba kala harayn siday dagaaladaas iyo kuwa la mid ahiba u istaagi lahaayeen. Madaxwaynaha Puntland Mud. Maxamuud Muuse (Cadde) ayaa asagu ku nuux nuuxsaday in Puntland ay hawl adag oo heshiisiineed ka qaban doonto dagaaladaasi hawshaasi oo ku saabsan qorshayaal nabadeed, wuxuuna sheegay inay qorshayaalkaasi ay si rasmi ah u bilaaban doonaan marka uu muddo shan casho ah ku maqnaado magaalada Garoowe oo uu ballamo ku leeyahay. CCC Farayaamo AllPuntland.com
  9. ^^^^^^ I agree with comrad CHE . Somaliland will survive insha Allah. The people of the North West are resourceful bunch and I have no doubt, they will play an important role in the coming years.
  10. Oh my, now the Duke with his limited Somali made up the interview Come on lads you can do better than that, I suggest you email the dude and ask him why he interviews the enemy
  11. Horn no one cares who you support. It may come as a shock to you but President Yusuf has massive support from within and outside the country a couple of despeate individuals and their supporters wont present much of a challange.
  12. What about Ethiopia-backed Abdulahi Yusuf's massacre in Qardho and other areas in the northeast? Stop the lies child, it wont get you any extra credit with Juma. President Cade Muse Hersi and Boqor Mohamoud are two notable leaders from Qardo and they have not made such claims so who are you to utter this nonsence, and who will believe you? http://www.sbconline.net/dfkms.htm ^^^check out the pictures of how reer Qardo welcomed President Yusuf a year after the supposed "Masacre".. I wonder would reer Hargaysa welcome Morgan or Ina Afweyne today 16 years after? Horn, you are losing your touch brother, maybe you are running out of ideas.
  13. Gediid, what do you mean. The interviewr's details are at the bottom, he gives his full name and occupation. Also it was posted on www.Somaliweyn.com So how on earth is ist made up.
  14. A united Galkacyu and Mudug welcomes the President and Prime Minister. http://www.allpuntland.com/news/news_item.asp?NewsID=3726 Radio Daljir- What a service, wow
  15. ^^^^ lol. What made me sad was the way you reacted. Defend your heroes however dont insult and threaten a whole Somali clan and specially one which is your own blood. Just so you can score some points against an individual. That I find as a sign of weakness. Never mind we all make mistakes. As for Mudane Ghamadere I never doubted your love and respect for him bro, never.
  16. ^^^ Juma for a grown man you do get emotional. Sky threatened a group of men and not their clans. You in return made threats against a whole clan , which happens to include your own family. Your love for warlord Ato and Aydeed has no bounds. :rolleyes:
  17. Here is an example of a good interview. A somalilander interviews the President of Somalia in a civil maner asking important questions. .......................Duke.............. Waxaan waraysi ka soo qaaday madaxweynaha lagu doortay Kenya ee loo doortay xukuumada Somaliya loo sameeyey Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed mar uu Joogay Kenya. Somaliweyn.com (Nairobi 28/02/05) Aniga oo ah Maxamed Siciid Saalax ayaan ka soo qaaday waraysi Madaxweynaha Somaliya, waxaan ahay nin u shaqeeya hay,ada la yiraahdo Save The Children ee xarunteedu yhay dalka Kenya, laakiin waxaan u dhashay dhalasho ahaan dalka Somaliland. Wakhtiyada qaarkood ayaan la shaqayn jiray Jariidada Codka ee ka soo bixi jirtay Somaliland horaantii sagaashanaadkii, welina waan xiiseeyaa oo jeclahay in aan wakhtiyada aan firaaqada leeyahay ee aan fursada haysto aan waraysto ama wax ka qoro arrimaha siyaasada iyo horumarka bulshaweynta Somaliyeed. Waxaan manta oo bishu tahay 17/02/2005 aan fursad u helay in waraysi ka qaado Madaxweynaha dawlada Federaalka ee Somaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed isaga oo jooga dalka Kenya oo ah xaruntii lagu dhisay dawladiisa welina aan meel uga dhaqaaqin. Waraysigiina oo uu kaga hadlayo dhinacyo badan waakan ee akhris wacan. S: M/weyne waaxaad igu sharaftay in aan waraysi kaa qaado oo aan kaa codsaday adiguna aad iga yeeshay ee waad ku mahadsantahay, kolay mudo doora ayaan idiin imanayey aniga oo la socda Madaxda Save The Children, (Kaftan). Ma Somaliya ayaan ku horaysiiyaa su,aalah aan kuula diyaarka ahay mise dhinaca Somaliland? J: Waad mahadsantahay marka Hore Maxamed, horaan hadee u sheegay in dhamaan shacbiga Somaliya uu albaabkaygu u furan yahay. Waa ii farxad in aan kula kulmo, hadee kaad doontona ku horee dalkeena dhinacyadiisa balaadhan ee illaah ina siiiyey. (Qosol) Su,aal: Madaxweyne intii lagu doortay iyo mudadii ka danbaysay waxaad ku dhawaaqday dhawr jeer in dawladaadu u guurayso gudaha Somaliya, maxaa weli idin hortaagan? Jawaab: Waad la socotaa intii aan hawshan ku jiray oo balaaran, in ay jirtay caqabadii ugu horeysay ee naga hortimaadaa in ay ahayd ansixintii xukuumada, illaahay mahadii waa ka soo gudubnay arrintaa. Maata dawladii waa dhamaystiran tahay dhamaana shacbiga Somaliya waa u dhan yahay. Waxaase nasiib daro ah in caasimadii somaliya ay manta gacanta ugu jirto kooxo hubaysan oo aan si buuxda uga amar qaadaneen hoggaamiyayashooda, sababtaas ayaa igu keliftay in aanu xukuumada ahaan maanta dhawr iyo toban sano ka dib burbrukii Jamhuuriyada Somaliya in aanu si buuxda uga codsano dawladaha xal u helida Somaliya iyo nidaamka u dhisidooda aad ugu hawlahan ama jecel in ay naga caawiyaan hawshaa, waa noo socotaa waana ku tala jirnaa in aanu wakhtiyada ugu dhaw si buuxda u keeno dalka ciidamo nala suga amniga iyo xasiloonida dalka. S: Dawladaada laftigeeda iyo wasiiradadaada u dhashay Muqdisho qaarkood arrinkaa waa ka hadleen waana diideen sidee u xalilaysaa khilaafkaas.? S: Hadee adeer hawshaa kolayba waa soo baxaysaa oo waa lagu kala duwananayaa sidii loo xalili lahaa mushkilada culus ee aanu dhabarka u ridanay, laakiin marka aanu dhahno ciidamo ayaa loo baahan yahay, ka diidaa hadee haddaanu qaadi karin masuuliyada saaran ee hawsha isaga u gaarka ah. Waanu ku qasbanahay in aanu ciidamo keeno, loona joojin mayo cidna hayska hadlo ninkii doonaa. Dalkan nabadgelyadiisa iyo xasilintiisa iyo qaranimadiisa nina uga marti ahaan mayno, ma noqonayno qaadina mayno wadadii lagu khiyaameeyey dawladihii hore ee fashilayay, anigu khibrad nina iigama badna iyo xasilin mudo dheer ayaan dhismaha maamul goboleedka Somaliyeed ee Puntland ku hawlanaa maantana iyada oo dhisan oo dhamaystiran oo maamul ah ayaan ka tegey, waxaan doonayaa waa taas oo kale oo marka aan dhiso dawlad Somaliyeed oo ubadkeenu ku nasto ayaan ka tegeyaa, hadee adeer wakhtiga ayaanba ii daynayn oo manta da’ ayaan ahayn, laakiin ubadkeena ayaan uga tegeyaa iyo dadka da’daada ah. S: Somaliland maxaad kuu qorshaysan in aad side ula macaamisho, ma si dawladnimo mise waa maamul ku hoos yimaada ayaad qabtaa? J: Somaliland adeer waa maamul somaliyeed oo laga dhisay gobolda waqooyiga, waad ogtahay oo maamul kastaa kacaakufkiisa ayuu leeyahay, laakiin wax weyn ayay ku guulaysteen, maantana waa wada shaqayn doonaa, qaabna waa noo yaalaa aanu ku wado shaqayn doono, laakiin waxaanu ku hawlanaanaynaa wakhtiga hawsha xalinta gobolada dalka ee kale. S: Intee u aragtaa Somaliland ma intii Ingiriisku maamuli jiray mise gobolada Isaaqa oo qudha? J: Hadee waad taqaan inta maamulka Somaliland ka jiro intaas baana Somaliland ah oo maamul wacan oo dadku ku nasteen laga hirgeliyey. S: Daahir Riyaale Madaxweynaha Somaliland saxaafada ayaad isku dhaafsateen aflagaado badan markii aad qabsatay dalka Somaliland gobolka uu sheegto ee Laascaanood, xilligaas oo aad ahayd Madaxweynaha Puntland. Xidhiidhkiinu waa side wakhtiga maamulka Somaliland? J: Waxaa jirta in siyaasada noocyo badan tahay, wakhtigaa waxaan masuul ka ahaa gobolo tirsan oo doonistooda ku raacay maamulka Puntland, [b/]maantana waxaan ahay Madaxweyhana dawlada federaalka ah ee Somaliya, hadee markaa maalinba siyaasadeeda ayaanu ku wada soconaa Somaliland,[/b] Madaxweynaha maalintii dhawyd ee uu joogay Jabuuti [b/]telefoon ayaanu ku wada xidhiidhnay, wax badan ismaanu waydiin ee horta xidhiidh wacan oo walaaltinimo ka dhex abuuraya Somaliya in aanu samayno mabda,iyan wanu isla qaadanay,[/b] xidhiidhano waa u socdaal maamulka Puntland waana ku dhiirigeliyey labada Madaxweynaba markaan la xidhiidhay. Runtii Daahir waa nin aan aad intii aan bartay aqoontiisa iyo garashadiisa u qadariyo fikardihiisana sidii aan ka qabay waxbaan ka bedelay oo hadeer hore waanigii u sheegay in ay cidi meesha dhigatay oo ku shaqaysato, laakiin waa nin fikradiisa u xora gesinimo badana waa muujiyey, waa nin bisil oo walaaltinimada Somalidu ka go,an tahay, markaa waa wada shaqayn doonaa insaha allah Positively. S: Goorma ayaa kuu qorshaysan in aad dawlada rartid? J: Insha allah wakhti aan fogayn. Waxaadna iga gaadhsiisaa dadkii gobolada waqooyiga in aanu si wacan u wada socono oo qalbiga kala socono horumarkooda iyo dhibaatooyinka haysta, wax dhaamaana ma jiro iyaga iyo maamulka Puntland iyo maxaed Dheere maamulka uu dhisay. Waad mahadsan tahay Adigaa xudhmad mudan Runtii halyeey ayaad tahay, waxaana ku boorinayaa in saxaafada Somaliland dhamaantood albaabkaygu u furan yahay. Freelance Jornalist Maxamed Siciid Giriig Kenya Nairobi sgiriig@yahoo.com
  18. Yaa diidan Ciidamada Midowga-Africa?. W:Q Abdulahi Ali Abdi(Xanaf) -------------------------------------------------------------------------------- Horudhac. Inta aanan mowduuca guntiisa durba u dhaadhicin,hadaan ka jawaabo su'aasha ah xasilooni la'aanta Somaaliya ka jirta mudo 14 sano ka badan yaa loo tiiranayaa,waxaad moodaa inay cadahay Somaalidu maaha dad kala garqaata isla markaana waxaad arkaysaa dad badan oo wax qoraa inay xaqiiqda iska indho tiraan,iyadoo laga yaabo iney ka leeyihiin aragti gaaban oo islamarkiiba dhamaneysa. Somaliya waa 18 gobol sidii dawladii ugu danbaysay ee wadanka maamulaysay ay ku ogeyd,laga bilaabo 90-aadkii ilaa dhamaadkii 94-kii wadanka waa kacsanaa intiisa badan,oo dagaalo ahliya ayaa si bahsan uga socday,hadey noqon laheyd Koonfurta,Waqooyiga, Bariga ama Galbeedka Somaliya.Hayeeshee waxaad moodaa wixii intaa ka danbeeyey iney dagaaladii soo gabagaboobeen oo gobolada badidooda ay ka idlaadeen dagaaldii ahliga ahaa ee soconayey marka laga reebo Muqdisho,Kismaayo iyo Gedo.Dagaalada Kismaayo iyo Gedo waxay mar walba ahaayeen kuwo xal u helidooda ay fududeyd hadiiba dawlad dhexe oo Somaaliyeed la helo,hayeeshee tan Muqdisha ayaa noqotay midaan xal loo heli karin sideydoontaba ha ahaatee.Hadaba waxaan oran karnaa waxaa xasilooni darada ka jirta Somaliya masuul ka ah asaasna u ah Muqdisha mudadii 14-kii sano eenu soo dhaafnay ama ku jirno. Ciidamo shisheeye ma loo baahan yahay,kuweese noqonayaan? Dabcan waa dabeecad addunka oo dhan ka jirta hadii dal uu xalin waayo dhibaatooyinkiisa gaarka ah ee ku wajahan mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo amaankiisa in lala xaliyo oo la taageero wixii dadkaa ay ku heshiiyaan,amaba looba taliyo hadey tashan aayaan,waxaana Somaaliya maanta lagama maarmaan ah in la helo ciidamo shisheeye oo hubka naga qaada noon soo cesha nidaamkii iyo kala danbeyntii,maadaama aanu anaga is aamini weynay.Baahida ugu weyni ee Ciidamada shisheeye keenaysa waxaa ka mid ah dadkii oo aan is aamineyn ogoleyna in hubka mid kood midka kale u dhiibo si qarannimo loo gaaro,waayo mar hadii dawladi jirto waxaa mamnuuc in hub cidi haysato oo aan dawlada aheyn. Ciidamadu yey noqonayaan,taa ikhtiyaarkeeda malaha dawlada Somaaliyeed,dawladu waxe ka soo baxaday waajibaad saarnaa oo ah inay ka fikirto qaabkii lagu soo celin lahaa nidaamkii iyo kala danbeyntii,taana waxay ula muuqatay in la helo ciidamo ka caawiya sugida amaanka goobaha muhimka ah sida Dekadaha Aiportyada IWM.Isla markaana hub ka dhigista kala qeyb qaata.Hadaba si taas ay suura galiso dawlada waxay codsi u gudbisay Midow-ga Afrika iyo Jamacada Carabta,iney siiyaan Ciidamo arimahaa kala shaqeeya. Intaa kadib waxay dawladu mudan tahay inay ka sugto jawaabta ay ka baxshaan codsiyadoodii Ururada ay u gudbiyeen,iyo cidii wax u ogolaata,maah maah Ingriis ah baa waxey aheyd(Dawarsaduhu dookh maleh)oo micnaha loola jeedaa yahay qof hadii uu tuugsi tago wixii dadka uu tuugsaday u ogolaadaan ayaa qasab ku ah inuu qaato oo isagu kla doorasho iyo ikhtiyaar midna ma leh.Dawlada Somaliyeed codsigeeda waa dawarsi cidii wax u ogolaato ayeyna ka qaadaneysaa oo ikhtiyaar iyo kala doorasho maleh.Sidaa aawadeed waa inaanu soo dhaweynaa cidkasta oo wax noo ogolaata si aan xal u gaarno,isla markaana ay hor kacayaan madaxdii ay noo dooreen dadkii ina matalayey. Yaa diidan Ciidamada Shisheeye? Waxaan shaki ku jirin in Somaalida inteeda badan ay ogol yihiin ciidamada shisheeye noocey doonaan ha ahaadeen, saf danbe ama saf hore intaba,taa waxaa kuu cadeynaya socdaalka ay ku mareen Madaxda Dawlada, gobolo dhowr ah dadkii degenaa sidey u soo dhaweeyeen codsigooda ciidamada shisheeye,waxaa kaloo soo dhaweyn la kulmay waftigii xaqiiqo raadinta ee ka socday Midow-ga Afrika Igad,iyo Jaamacada Carabta,marka Xamar laga reebo.Waxaanu ognahay in Xukuumada Prof-Geedi ay u codooyeen arinka Ciidamada oo isku duuban,laguna asixiyey cod aqlabiyad ah taas oo ku tuseysa imuqoraadiyad,laakiin wasiirada qaarkood aysan fahmi karin,waxa cod qaadista la yiraahdo iyo dimuquraadiyada,intaba.Waxaa iyana cod ogolaansho iyo diidis laga sugayaa inay u qaadaan Xildhibanada Baarlmaanka oo la'ogyahay dhanka ay u badin doonto iisaanka,taas oo noqon doonta ogolaansho madaama 90 wasiir oo xildhibaano ah ay horay u ogolaadeen hadana codqaadista xildhibaanada ka qeyb qaadan doona iyo xildhibanada intooda kel oo iyana codka kalsoonida siin doona dawlada,waayo taa waxaan kuu cadeyneysa,maadamaa Somalida loo qeybshay 4.5,waxaa ogolaansho laga haystaa 3.5 iyo halka haray nus ka mid ah. Hadaba yaa diidan,waxaa diidan xaga Madaxda dawlada ku jirta marka aan ka bilowno dhowr wasiir labab ha ugu darnaadeen,magaalooyinkana waxaa sawaxan la abaabulay oo diidmo ah iyo qaraxyo dhoolatus ah oo loo geystay waftigii xaqiiqo raadinta laga ahayaa Magalada Muqdisha dadka ku nool,hadaba ma waxaa mata la Somaali afartaa wasiir iyo Muqdisha mise dawlada inteeda kale iyo dhamaan gobolada wadanka?. Dadaka rer Muqdisha iyo hogaamiyayaashooda waxaa ku adag iney qaataan nidaamka xukuumiga ah nidaamka dawladnimo oo sheegaya in talada loo dhiibo oo ay dawlada kaligeed taliso,waayo waxa ugu badan ee ololaha wada waxaa ka mid ah Ganacsasde sharci daro ku shaqeysta,oo waxaad Muqdisho arkaysaa nin kaligii deked leh halka kuwii caamka ahaa ay xiran yihiin uusanna ogoleyn in la furo, waayo dhaqaalihiisii baa meesha ka baxaya,waxaa arkaysaa nin beerihii bariiska daroogo u badalay oo ka baqaya in sharciga la horkeeno, hadaan la hor keeninna ugu yaraan ka baqaya dhaqaalihii u ka heli jiray meesha oo ka baxaya isna,waxaa kaloo diidan kan haysta hantidii ma guurtada aheyd, hadey ahaan laheyd mid gaar loo lahaa iyo mid dawladeedba oo ka baqaya in laga qaado hadii Sharcigii la soo cesho. Waxaa kaloo Ololaha dhinac kaga jira koox diimeed aan cidi diinta u wakiilan, oo aan hadana la garaneyn cida ay u shaqeynayaan,laftoodana danbiyo ka galay dadka iyo dalkaba,dadkana diinta ugu gabada,oo sheega in Ethopia aan col nahay sidaa daraadeed ay jihaadayaan hadii la keeno wadanka ciidamo Ethopian ah. Ciidamada Ethopia waxay ka mid yihiin ciidamada Midow-ga Afrika oo sharciyan hadii laga codsado aan cidi u diidi karin ka qeyb qaadashada arimaha midowga Afrika,tan labaad Ethopia iyo Somaliya waxay la mid yihiin dunida kale ee caalamka,oo in badan diriray hadana heshiiyey,Jabaan waxaa Nucliyeer ku garaaca 1945-kii Maraykanka, waxaa la garaacay magaalo la yiraahdo Hero-shima dalka Jabaan kamid ah, Jabaan waa is dhiibi waayey waxaa lagu daray Negosaaki oo ah magaalo kale oo Jabaanka ka tirsan,markaa Jabaan waa is dhiibay oo dagaalkii Maraykanka ayaa ku adkaaday,saas oo ay tahay qasaaraha loo geystay Jabaan ma keenin inuu diido inuu la heshiiyo Maraykanka,oo maanta waxaa ka dhaxaysay xiriir ganacsi iyo xiriir siyaasadeed intaba.Hadaba anaga oo Ethopia kaga adkaanay dagaalkii ugu danbeeyey inaan maantana la heshiino ma ah wax lalayaabo ama la biciidsado. Dhanka kale waxaa la weydiiyey Ciidamada Ethopia ka qeyb qaadshadooda arinta ciidamada Somaliya Generaal Cali Samatar oo US jooga waxaa weydiisay BBC-da ninkii dhagaystay,Cali Samatar wuxuu ahaa masuulkii ugu sareeyey Somalida oo maamulayey dagaalkii 77,maanta wuxuu cadeeyey ineysan waxba ku jabneyn in Ethopia aan la heshiino oo aan kaashano is fahamnana.C/laahi Yuusf waa ninkii ka qeyb qaatay dagaaladii Somaliya Ethopai la gashay sida kii 1964-kii iyo kii 1977-kii taa oo uu C/laahi Yuusuf uga kasbaday dawladii Rayidka aheyd ee 1964-kii in loo diro Koorso Militray loona diray Midowgii Sofyeeti,iyadoo looga dhigay C/laahi taa abaal marin, guusha uu ka keenay dagaalka aawadeed, ay Somaliya la gashay Ethopia dhinicii uu isaga masu ulka ka ahaa xaga dagaalka.Inkastoo guud ahaan Somalida dagaalkaa looga adkaaday.Sidoo kale waxaa uu C/laahi Yuusf si baaxad weyn uga qeyb qaatay kii 1977 oo la'ogaa iyana dhniciisii guulaha uu ka soo hoyay,maanta inuu la heshiiyo iyana waa wax dabiici ah. Si kastaba ha ahtee waxaan hadalkayga jeclaan laha ainaan ku soo gabagabeeyo in Somaalidu fahmaan macnaha dawladnimo,rer Muqdishana aysan dhibaato ku noqon la qabsiga nidaamka dawlnimo,ee aad moodo in uu ku yahay cadow. Abdulahi Ali Abdi(Xanaf) xanaf2007@yahoo.co.uk Khartoum Sudan --------------------------------------------------------------------------------
  19. Galkacyu pics U fiirso: Marka aad eegtid muuqaalka dareenka dadka u soo baxaya soo dhawaynta wafdigaan waxaaa kuu muuqanaya sida shacabka Soomaaliyeed ayan ugu kala qaybsanayn beel beel, Gaalkacyo soo dhawaynta ka dhacday waxay muujisay dareen ka duwan kii hore. Waxaad arkaysaa masuuliyiin iyo dadweyne qaybaha bulshada ka kooban kuwaas oo ka yimid gobolka dariska la ah gobolka Mudug, ee Galgaduud, degmooyinka Dhuuso Mareeb, Cadaado, Cabudwaaq dad ka socda, kuwo ka yimid degmooyinka gobolka Mudug, Jariiban, Galdogob, Xarar-Dheere, Hobyo iyo beelaha iyo tuulooyinka ku dhaw dhaw Gaalkacyo ayaa joogay soo dahwaynta. Kumanaan iyo kumanaan dad ah ayaa safaf dhaadheer u taagnaa wadad ka timaada Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo dhexmartana bartamaha magaalada dadkaasi waxay ruxayeen calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, ilamaa wafdigu ka galay gudaha hotelka la dajiyay waxay maqlayeen dhawaqa dheer ee dadka soo dhawaynayay. Dadka isu soo baxay waxay kuu sheegayaan in fariintoodu tahay in Soomaaliya hesho dawlad, waxay muujinayeen siday uga daaleen dagaal sokeeye.
  20. They oppose any project to normalise the situation, yet they cant bring a moment of peace in Mogadishu. 18 dead for what?
  21. ^^^^^^^^ NGOON, take that rubish some where else man, who are you trying to impress :rolleyes: Juma, answer me this, if these heroes[rebel minister] of yours have that much power, why cant they not control the city of Mogadishu? Why have they not for the sake of the clan been able to unify their forces and thus bring order? Its hard to understand your thinking. What do you see in the promise of those who have ruined Somalia and Mogadishu in particular? Take Hussein Aydeed, he is deputy PM and minister of interior. He fought tooth and nail and cried out loud to get that position and yet delegates his authority to an MP, Omar Hashi Adan. And you the ever gullible place hope in such a figure. These individuals are ignorant and incompetent and that fact alone gives us[government supporters] much hope