General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Muqdisho:demonstration in support of the government
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Funny comment that. -
Muqdisho:demonstration in support of the government
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^^^^^ Just to refresh your memory old boy.. some news does slip out from the media in Xamar which is mostly controlled by the warlord and their lackeys.. This was on the 19 of March. BANNAANBAX LAGU TAAGEERAYO MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF IYO RA’IISAL WASAARE GEEDI OO KA DHACAY MUQDISHO Somaliweyn.com (Mogadishu 19/03/05) Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna bannaanbaxayaasha oo sitay boorar ay ku qornaayeen halku-dhigyo ay ka mid yihiin: “Dowlad-diide doonimeyno, Doolar qaate doonimeyno, waxaan taageersanahay Ciidamo Afrikaan ah oo aan la kala sooceyn in dalka la keenoâ€. Dadka bannaanbaxayay ayaa socod dheer ku soo maray qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, wuxuuna bannaanbaxani ahaa kii ugu horeeyay ee lagu taageerayo Dowladda Federaaliga ah oo ay soo bandhigaan bulshada magaalada Muqdisho, waxaana dadkii bannaanbaxayay la socday ciidamo hubeysan, kuwaas oo loogu talagalay inay kahor tagaan kooxaha diidan in la muujiyo fikirka lagu taageersan yahay Dowladda Federaaliga ah. Idaacadaha Muqdisho ayaan soo hadal qaadin bannaanbaxan, iyadoo ay muuqato in qaar ka mid ah Idaacadahaasi ay si toos ah uga shaqeynayaan sidii loo kala dhantaali lahaa qorshaha Dowladda ee ku aadan dib u dhiska iyo samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed. -
Muqdisho: Banaanbaxa Lagu Taageerayo Qorshaha Dowlada Federaalka Oo Ka Dhacay Muqdisho - Wednesday, March 23, 2005 at 23:03 Muqdisho (AllPuntland)- Isu soo bax balaaran oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan ayaa Maanta ka dhacay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo dadkii isu soo baxaasi isugu yimmina ay taageerayeen qorshaha xukuumada Federaalka ay ku sii shaqeyneyso Magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo. Degmooyinka Yaaqshiid iyo Shibis ayaa ka mid ahaa degmooyinkii uu maanta ka dhacay banaanbaxaasi iyagoo dadkuna sheegayeen in ay tahay arrin loo baahanyahay in maadaama ay Dowladu dalka ku soo laabaneyso in ay ku shaqeyso goobaha Nabdoon ee dalka Soomaaliya. Qaar ka tirsan wax garadka magaalada Muqdisho oo ka hadlay isu soo baxyadaasi ayaa inta badan ka hadlay in aanan loo baahneyn in ay dadka Muqdisho iska indho tiraan nasiib darada ka dhalan karta goobaha aysan nabadu ka jirrin sida Muqdisho haddii ay timaad dowladu, sida ku dhacday xukuumadiihii iyada ka horeysay. Sidoo kale banaanbaxyo kuwan la mid ah ayaa iyana ka dhacay Magaalada Xudur ee xarrunta Gobolka Bakool iyadoo dadkii isu soo baxay ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan go’aanka xukuumadu ku dageyso Magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar. Abshir Cali AllPuntland Powered
-
Tragic news: Hobyo clashes cause death and destruction
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
May Allah stop this nonsense war. Amin.. -

Arab support grows $ 64 million+ troops+ Kuwait
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Desperate days are here for Juma, no wonder you do not sound like your old joyful self.. Dhanka kale waxa uu shaaca ka qaaday Mud.Camir Muusa in lagu gudoonsiin doono Dolwada kumeel gaarka ah $65.000.000 (lixdan iyo shan milyan) oo dollar tasoo uu ku tilmaamay taakulo deg deg ah si markaa dalwadu ay ugu guudho Soomaliya uguna hawl gasho. That comment was made by Mr Cammir Musa prior to the meeting of heads' of state yesterday. That was the emergency money for relocation, see how things fit together. The support promised now by the leader's meeting is substantially more, we talking about reconstruction and security purposes in the short to medium term and not just the relocation cost's. Duhh Juma, read bro -
Tragic news: Hobyo clashes cause death and destruction
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
edited by poster... -

Interesting work of fiction, I must for one commend you on it. We needed some light relief..
-
Arab support grows $ 64 million+ troops+ Kuwait
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ok, thanks for that, can you tell me the trade minister for Mauritania also.. Its the same position Yalaxow holds. As for the money it was Mr Cammir Musa who stated it, even the bog standard warlord media, such as Horn Afrik covered the story today.. -
Arab support grows $ 64 million+ troops+ Kuwait
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Soomaaliya iyo Shirka Carabta: Madaxweynha Soomaaliya C/lahi Yusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka dagay garoonka Aljeris, waxaa si diiran usoo dhaweeyay dhigiisa Madaxweynha Aljeeriya Mudane C/casiis Butafaliikha Madaxweynha Soomaaliya iyo Madaxweynha Aljeeriya oo salaanta calamada labada wadan u taagan Shirka waxaa Soomaaliya uga qaybgalaya madaxweynaha DKM Soomaliya mudane Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo, waxaa si diiran usoo dhaweeyay dhigiisa madaxweynha Aljeeriya Mudane C/casiis Butafaliikha oo isagu markan ah ninka haya madaxninimada gudoonka jaamacada carabta, arimi ay horey isula meeldhigeen wasiirada dowlada carabta oo ay kamid ahaayeen arinta palastiin iyo israa’iil, dhaqaalaha jaamacada carabta iyo arinta Soomaaliya ee uu isagu aad ugu dheeraaday marka laga tago, xoghayaha guud ee jaamacada Carabta Camar muuse ayaa soo jeediyay in Soomaliya laga caawiyo siddii loo soo celin lahaa amnigii iyo kala danbeyntii wadankana loogu soo dabaalihii amaankii lagu yaqiin iyo in laga qayb qaato ciidamada amniga sugaya ee Afrika ay u dirayso Soomaaliya taas oo markiiba ay sheegeen dowladaha Sacuudi carabiya iyo Yaman in ay ka qayb qaadanayaan, waxaa dhanka kale la furay sanduuq dhaqaale oo loogu talagalay Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaliya ayaa maanta hadal ka jeedinaya shirka kaas oo la filayo inuu ugu badnaan doono hadalkiisu sidii carabtu u taageeri lahayd dadaalka dib Soomaliya loogu taagayo qaranimadeeda. Madaxweyne C/lahi Yusuf ayaa horay kulamo uu ku booqday wadamadooda la yeeshay madaxda wadamada Sacuudi arabiya, Masar, Yaman, Suudaan, Imaaradka Carabta, Djabuuti iyo Algeria, madaxda wadamadaas ayaa iyagu muujiyay niyad wanaag iyadoo ay qaarkood sameeyeen balan qaadyo dhan walba ah, inta uu hadda joogay Aljeeriyana waxuu gooni gooni ula kulmay madaxda Carabta ee shirka timid. Shirkaan oo ah kii koowaad ee uu abid ka qayb galo C/lahi Yuusuf isagoo madaxweyne Soomaliyeed ah ayaa noqon doona mid uu ku kasbado asxaab badan oo Carbeed. AllPuntland, Aljeeriya -
Arab support grows $ 64 million+ troops+ Kuwait
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Mr Balkhadem said Who is the above man. As for the money Juma its coming -
Tragic news: Hobyo clashes cause death and destruction
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
May Allah give peace to my whole people in Somalia and specially to my kin in Hobyo/Mudug who have been forgotten. -

somali leaders c/yusssef and c/gelleh in algiers, arabl league summit pic
General Duke replied to Sky's topic in Politics
^^^^ Very important indeed.. -
SA, Nigerian troops to Somalia 23/03/2005 15:54 - (SA) Nairobi - Nigeria and South Africa are willing to send troops to back a controversial deployment of regional peacekeepers to Somalia, a senior Kenyan official said on Wednesday. The two military giants responded favourably to a request from Kenya, the host of the Somali transitional government in exile, to assist the seven-nation east African Inter-Governmental Authority on Development (Igad) in setting up the peacekeeping mission, the official said. "As our big brothers, we appealed to both Nigeria and South Africa to send troops ... and they are willing," Peter Ole Nkuraiya, the permanent secretary of Kenya's foreign ministry told AFP. It was not immediately clear when or even if forces from Nigeria and South Africa would join the Igad mission of up to 10 000 troops which is expected to be replaced eventually by a broader African Union (AU) operation. However, Nkuraiya said he believed Nigerian and South African troops would be on the ground to work with the first deployment of two battalions of Igad soldiers from Sudan and Uganda which could be deployed as early as next month. Warlords Meanwhile, Eritrea said it would not contribute troops to the Igad operation but may participate in the larger AU force. Precise details of the mission are still being worked out amid a bitter dispute over the composition of the force within the transitional Somali government, whose relocation from exile the mission is intended to help. Fierce opposition to the participation of neighbouring countries Djibouti, Ethiopia and Kenya in the force prompted a bloody brawl in the Somali parliament last week. Amid continuing disputes, several Mogadishu warlords in the Somalia cabinet said Wednesday they wanted President Abdullahi Yusuf Ahmed impeached for his insistence that the three countries be included, and his desire to set up the government outside the bullet-scarred capital. John Koech, Kenya's minister for regional co-operation, said Wednesday that despite the rancour, he believed the Somalis were serious about relocating to their homeland. "I am optimistic that the government will relocate," he told reporters. "Although they fought in parliament last week, it does not mean the Somali people are not willing to relocate. "Let's not be discouraged by a few problems like the fighting," Koech said. Nkuraiya said Igad - which comprises Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Sudan, Uganda and nominally Somalia - had agreed not to let the Somali peace process collapse. "If all goes as planned, the first group of Somalis will relocate from Kenya on April 1, but if there is need to change the date we shall do that," Nkuraiya said.
-
PM Geedi: announces Mogadishu commitee headed ByMinister Aydeed:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xubno Gaaraya ilaa 11 oo ku sii jeeda magaalada Muqdisho Posted on Wednesday, March 23 @ 13:41:02 CET by editor wassirka koowaad ayaa waxa uu Magaacay Laba golle oo oo nidaamina holgal lagu nidaaminayo caasimada soomaali ee Muqdisho waxaana gudomiya u ah Eng.Xuseen Maxamed Caydiid. Wasiirka koowaad ee dowlada FKMG ah ayaa xalay magaacabay xubno ka mid ah labada golle oo hormuud u noqon doona howlgal lagu nidaaminayo amaanka caasimada dalka ee mogadisho maamulna loogu samaynayo ka hor inta aysan dowladdu caga dhiganin. Guddigan ka mid ah laba golle ee dowlada iyo baaralamaanka waxa ay ka kooban yihiin 11 xubnood uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Maxamad Caydiid,go'aankan wasiirku ku magacaabay xubnahan ayaa ka dambayay maalin kadib markii uu wasiirka koowaad keenay ajande dhan ka ah caasimadda soomaaliya oo dowlada lagu dajinayo laba magaalo ah oo baydhaba iyo jowhar wasiiradda badankoodna ay u codeeyeen kadib markii ay banaanka uga soo baxeen shirka wasiiro xoog ku leh caasimadda oo sheegay in lagu xadgudbay dastuurka dalka u yaalla oo dhigaya in dowladdu dagto caasimadda Somaliya ee mogadisho. Balse wasiirka waxa uu sheegay in ujeedada loogu guurayo labadan magaalo ay tahay kadib markii kulankii hogaamiyayaasha mogadisho ay ku sheegeen in muddo 3bilood ah ay ku xalinayaan caasimada dalka sidaas awgeedna ay dowladdu mudadaas sii dagi doonto magaalooyinka loo codeeyay. Gudigan oo howshooda bilaabaya maalmaha soo socda sida uu ra'iisul wasaaruhu sheegay waxaa ay kala yihiin. 1.Ing.Xuseen Maxamad Caydiid. Gudoomiye. 2.Xasan Abshir Faarax. 3.Hassan maxamad Nuur 4Amiin axmad shiiq. 5.Mowliid macaane Maxamuud. 6Fahma Axmad Nuur. 7.Ibraahim Sh Cali 8.C/casiis Sh yuusuf. 9.C/raxmaan Yuusuf Diiriye 10.Xuseen C/salaam 11.Cali C/llaahi Osoble. Gudigan waxa ay gudagalayaan iskuba ridka howlaha ay dowladda u baahan tahay sida xafiisyadda,Goobihii ay dagi lahayd dowladda iyo amaanka guud oo loo sameeyo booliis ilaaliya xafiisyada iyo xarumaha dowladda ka hor inta laga samayanayo nidaam guud oo ay caasimaddu ka howla markaas oo ay dowladuna usoo guuri doonto xamar. Dhinaca kale waxaa go'aankan lagaga wareegay caasimadda u codayntisi ka baxay wasiiro ka u badan kuwii heshiiska ku galay in ay caasimadda u dhisayaan maamul iyo amaan uuna mid yahay Muuse suudi,maxamad Qanyer afrax Cismaan caato iyo wasiiro kale oo gaaray 10 xubnood,waxa ayna dhamaantood sheegeen markii ay ka soo baxen shirkii wasiiradda in lagu xadgudbay dastuurka oo dhigana in caasimaddu tahay xamar dowladduna ay ka bilaawdo howlgalkeeda ugu horeeya. Lama ogga wax ku xigi doona talaabada uu qaaday wasiirka koowaad cali Maxmad geddi ee ah magacaabista guddigan iyo howlahooda,waxaana la filayaa in dowladdu dhawaan ay u kala guurto goobahaas. Canab Mumtaaz. ONKOD News. Keny -Nayrobi -
PM Geedi: announces Mogadishu commitee headed ByMinister Aydeed:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cali Maxamed Geeddi oo Magacabay Guddi ka shaqeeya sidii Muqdisho Maleeshiyooyinka looga saari lahaa (Magacyada Guddigas iyo Kooxaha Muqdisho oo laga reebay Guddigaas) Wareegto shalay ka soo baxday Xafiiska Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu magacabay guddi wasiiro ah oo hirgeliye qorshe lagu doonayo in wax looga qabto magaalada muqdisho. Guddigan ayaa shaqadiisa lagu sheegay inay tahay in magaalada muqdisho ka saran maleeshiyooyinka laguna xaraynayo meelo bannaanka ka ah magaalada muqdisho,iyadoo la tababarayo halka qaar kale dhaqancelin lagu sameeyn doona. Guddigan ayaa sida muuqato waxaa lagu soo darin hoggaamiyeyaasha hubka iyo awooda ku leh xamar,waxaana guddoomiye looga dhigay Guddigan Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, waxaana ka mid ah Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud oo ah Wasiirka Beeraha,Wasiirka Kalluumeysiga Xasan Abshir Faarax, Wasiirka Waxbarashada Cali C/llaahi Cosoble, Wasiirka Dhulka Mowliid Macaan Maxamud,Wasiirka Caafimaadka C/siis Sheekh Yuusuf,Wasiiro-dowlaha arrimaha dibadda Ibraahim Sheekh Cali (Ibraahim Jeebo) Drs Fahma Axmed Nuur Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud iyo Guriyeynta C/raxmaan Yuusuf Diiriye (Indha-buur) Wasiir kuxigeenka Ganacsiga Aamin Axmed Sheekh,Wasiir kuxigeenka Dhirta iyo deegaaminta Xuseen C/salaan Maxamed. Guddigan ayaa sida muuqato waxay ka kooban yihiin 11 xubnood, kumana jiraan raga awooda ku leh Gobolka Banaadir sida Muuse Suudi, Maxamed Qanyare, Cusmaan Caato, Cumar Finish iyo raga kale, marka laga reebo Xuseen Caydiid, iyadoo la ogyahay in Xuseen Caydiid muqdisho ka maqan yahay in ku dhaw 4 sano kadib markii lagu weeraray Dekedda magaalada muqdisho. Guddigan ayaa shaqadooda waxay bilaabayaan laga bilaabo maalintii shalay, waxaana la sheegay inay kulamo la yeelan doonan kooxaha Siyaasadda muqdisho. Dhanka kale guddigan ayaa dadka qaarkiis waxay ku sheegen inuu yahay mid la doonayo inuu sii laado heshiis 12 kii Marso Nairobi ku gaareen kooxaha Xamar kaas oo dhigayay in Maamul loo sameeyo magaalada muqdisho, iyadoo heshiiskaas ka koobana 29 qodob, waxaana la sheegay in loo gudbiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha laakiin waxba kama soo qaadin ayaa la yiri. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com -
Jowhar Baidoa are getting ready to host the Somali government...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Diinsoor: Dibad baxayaal taageeraya DF Soomaaliya iyo Imaanshaheeda Baydhabo - Wednesday, March 23, 2005 at 14:58 Diinsoor (AllPuntland)- Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo DFKGS isla markaana lagu taageerayo inay DFKGS timaaddo magaalada Baydhabo ayaa maanta ka dhacay magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. Bannaanbaxayaal boqolaal gaaraya ayaa socod ku maray waddooyinka magaalada Xuddur kuwaasoo ku qaylinayay ereyo ay ku taageerayaan in Baydhabo ay u qalanto inay noqoto xaruta kumeel gaarka ee dalka Soomaaliya , Bannaanbaxayaasha ayaa markii ay soo gabo gabeeyeen socodkii ay DFKG ku taageerayeen waxaa hadallo ujeediyay maamulka degmada Xuddur gaar ahaan guddoomiyaha degmadaasi oo lagu magacaabo Maxamed Macallin Axmed. Magaalada Xuddur oo ah magaaalo dad badani ay ku dhaqan yihiin ayaan waxbadan ka fogayn magaalada Baydhabo ee u caleemo saaran xarunta kumeelgaarka ah ee DFKGS waxayna ujirtaa 180km. Dhinaca kale Bannaanbax kaasi kasii wayn ayaa maalinta bari ah la filayaa inuu ka dhoco magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay , halkaasi oo si rasmi ah uga soconayo qaban qaabada bannaanbaxaasi . Gobollada Baay iyo Bakool ayaa ah gobollada sida wayn looga taageersanyahay in Soomaaliya ay hesho dawlad Soomaaliyeed kadib markii dalku uu dawlad la'aa muddo 14 sano ah. CCC Farayaamo AllPuntland -
Jowhar Baidoa are getting ready to host the Somali government...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Magaalada Baydhabo saaka laga abaabulayay Bannaanbax lagu soo dhaweynayo go’aankii Golaha Wasiirada. Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada baydhabo ee xaruunta gobolka baay ayaa sheegaya in garabyada RRA da ee kala hoggaamiyaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladda iyo Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud ay abaabulayaan bannaanbax lagu taageerayo go’aankii Golaha Wasiirada ku gaareen in Baydhabo iyo Jowhar Dowladda KMG ah u guurayso. Saraakiisha Labadaas garab ayaa ii xaqiijiyay in bannaanbaxan uu yahay mid lagu taageerayo go’aanka Golaha Wasiirada, waxayna sheegen in dadka ku nool Labada Gobol Baay iyo Bakool ay soo dhaweynayaan in dowladda KMG ah xaruun ka dhigato magaalada Baydhabo. Dhanka kale xalay ayaa la gaarsiiyay Maxamed Ibraahim Xaabsade in la dhigi doona bannaanbaxan hase ahaate Xaabsade ayaa sheegay inaan baydhabo soo caga dhigan Karin Dowladda KMG ah, iyadoo arrimahan laga yaabo in mar kale keenan dagaal sokeeye oo dhex maro garabyada RRA da. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com -
Hobyo: Ugu yaraan 35 qof ayaa ku geeriydooday, 70-na Waa ku Dhaawacmatay dagaalkii shalay ee deegaanka Hobyo oo wali sii socda - Wednesday, March 23, 2005 at 11:51 Hobyo (AllPuntland)- In kabadan 35 qof ayaa ku geeriydooday dadgaaraya 70na dhaawac ayaa soo gaaray deegaanka Hobyo ee gobolka Mudug kadi dagaallo maalintii shalay ahayd abbaare 3:00 galabnimo ka qarxay deegaankaasi. Dagaalkan wali soconaya ayaa ah dagaal lagu tilmaami karo kii ugu waynaa ee magaalada Hobyo ka dhaca ayaysan jirin cid wali u guntatay joojintiisa. Warar aannu ka helayno ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in beelaha dagaalamaya ay dad badan isaga dileen isla markaana gaadiid kala duwan ay ku kala qabsadeen, waxaana lagu soo waramayaa in gaadiid 10 gaaraya inay beeluhu kala qabsadeen. Mar aannu la xiriirnay salaadiin iyo masuuliyiin ka socda beelaha dagaalamay ayay qoloba qolada kale ku eedaynaysaa inay dagaalka ka danbayso.mana jirto cid caddaynaysa cidda dagaalka bilowday. Dagaalkan ayaa sidoo kale lasheegayaa inuu si kadis ah uga dhex bilowday labada beelood xilli lagu jiro nabadaynta beelaha dagaalamay , xiligaasoo madaxwaynaha Puntland uu Gaalkacyo shir kula leeyahay odayaal ka socda labada beelood ee Sacad iyo Saleebaan. Magaalada Gaalkacyo ayaa lakeenay dhaawac gaaraya 20 qof oo lasheegay inay kusoo dhaawacmeen dagaallada wali ka soconaya magaalada Hobyo. Shucuurta dadwaynaha magaalada Gaalkacyo ayaa kacsan ayadoo dadwaynaha gobolku ay aad uga caroodeen dagaalladan soo cusboonaaday xilli dad farabadan ay waqti ku lumiyeen inay beelahaasi nabad dhex dhigaan. Madaxweynaha Puntland ayaa maanta soo gaaray Gaalkacyo si uu isugu hawlo joojinta dagaalkaan loona sii anbo qaado hawlaha nabada lagu radinayo oo ay wadeen gudi heer qaran Soomaliya iyo kuwo maamul goboleedka Puntland. CCC Farayaamo AllPuntland