General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Xubnaha labada Gole ee Muqdisho ku sugan oo isku raacay in ay soo dhaweeyaan Ra’iisal Wasaare Geedi Khamiis, April 28, 2005(HOL)@19:00GMT: Shir ay maanta ku yeesheen Xarunta Xisbiga Xubnaha labada Gole ee Dowladda Federaalka ayaa lagu go’aansaday in la soo dhaweeyo Wafdi berri imaanaya magaalada Muqdisho, kaasi oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi. Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka iyo C/llaahi Xasan Ganey Firimbi ayaa labaduba waxay ku dhawaaqeen in si weyn loo soo dhaweyn doono wafdiga Ra’iisal Wasaare Geedi, iyadoo Ku simihii hore ee Gobolka Banaadir Md. Firimbi uu sheegay in degmooyinka gobolka Banaadir dhamaantood ay ka qeybqaadan doonaan soo dhaweynta madaxda Dowladda Federaalka ee ka imaan doonta Kenya. Sidoo kalena Waxgarad, Ganacsato iyo xubno ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho ku go’aansaday in si weyn loo soo dhaweeyo Wafdiga Ra’iisul Wasaare Geedi, iyadoo soo dhaweyntana Guddi loo magacaabay. Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay in ay ka xubno ka yihiin Ra’iisal Wasaare ku xigeenka labaad, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Xuseen Maxamed Caydiid, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Maxamuud Xasan Cali (Cadde) iyo xubno kale oo ka socday Wakiillada Beesha Caalamka iyo weliba Danjiraha Kenya u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdi Afey, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin socdaalka xubnahan ka baxsan Dowladda Federaalka. Diyaargarowga soo dhaweynta Ra’iisal Wasaaraha ayaa maanta ilaa caawa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, iyadoo dhaqdhaqaaqa ugu badanna uu ka socdo Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho. Ra’iisal Wasaaraha ayaa marka uu Muqdisho soo gaaro waxaa uu kulamo la yeelan doonaa Dadka Gobolka Banaadir iyo Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  2. Shir caawa ka dhaca magaalada Niarobi oo ay ku kulmeen R.W. Prof. Geeddi, Madaxweyne C. Yuusuf iyo ha'yadaha bixiya deeqaha Shir caawa ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ku kulmeen Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi, Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo ha'yadaha deeq bixiyeyaasha ayaa looga hadlay safarka Prof. Geeddi iyo sid ay uga qeeb qaadan lahaayen ha'yadahaa deeq bixiyayaasha Sida uu na soo garasiiyaya wariyaha Midnimo ee Muqdisho ayaa wuxuu kaloo sheegay in magaalada Nairobi ay ka socdaan diyaar garow loogu jiro tagitaanka magaalada Muqdisho, wafdi uu hogaaminaayo Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu wadaa in ay ka mid noqon doonana saraakiil ka tirsan saraakiisha ha'yadaha deeq bixiyaasha. Magalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo diyaar garow xoog leh oo lagu jiro sidii loo soo dhaweyn lahaa wafdiga Dowladda KMG ee uu hogaaminaayo Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi, shacabka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka muuqato in ay diyar u yihiin soo dhaweynta aadna ugu faraxsan yihiin in wafdiga DKMG uu soo gaaro Muqdisho. Wixii warar kale dib ayaan idnkala socdiin doonaa. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  3. RAIISUL WASAARAHA SOOMAALIYA CALI MAXAMAD GEEDI OO JIMCAHA IMAANDOONA MAGAALADA MUQDISHO. Somaliweyn (BBC/April 27 ,2005) Raíisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya Mudane Cali Maxamad Geedi wuxuu shaaca maanta Ka qaaday in uu maalinta Jimcaha ah uu imaandoono magaalada Muqdishow si uu toos ula hadlo dadweeynaha Reer Muqdishow . Raiisul-wasaaraha oo maanat u waramayey Idaacada BBC wuxuu faahfaahin ka dhiibay sababaha uu u tagayo Muqdishow wuxuuna yiri: â€Waxaan u socdaa dawladda hawsheedii ,iyo in dadweeynaha ku nool Magaalada Muqdishow aay soo dhaweeyan dawladda,dawrkoodana ka ciyaaraan nabadaynta iyo xasilinta dalka gaar ahaan magaalada Muqdishow oo ah caasimadda dalka “ Raiisul Wasaaraha oo hadalkiisii sii ambaqadayaa wuxuu kale oo yiri: "Waxbadan baa lagu xuuxinaayey oo loo sheegayey dadweeynaha reer muqdishow Raíisul Wasaaruhu sooma socdee bal waxaan rabaa inaan tago dalkayga iyo Caasimadayda.Wax badan oo loo sheegayo shacbiga oo xaqiiqada aan salka ku lhayn ayaan doonayaa in aan kala hadlo dadweeynaha “. Dadka Siyaasadda u khuurgala waxaay ku tilmaameen booqashada Raíisul Wasaaraha mid sii xoojindoonta mowqifkiisa siyaasadeed isaga oo taageero xoog leh ka kasbandoona dadweeynaha kunool magaalada Muqdishow oo mar horaba sugayey imaanshaha Raíisul Wasaaraha . Hoggaamiyayaasha Muqdishow qudhooda waxaa la filayaa in aay Raiisul wasaaraha si diiran usoo dhaweeyaan maadaama aay wali ka tirsan yihiin dawladda , aayna horay u sheegeen in Madaxweeynaha iyo raiisul Wasaarahaba aay si diiran ugu soo dhaweeynayaan haddii aay Magaalaad Muqdishow Yimaadaan . Xarunta warbaahinta Somaliweyn/Gothenburg/Sweden Somaliweyn Information Center /Gothenburg/Swede
  4. Raysal Wasaare Geedi oo raadinaya kalsoonida shacabka Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku teedsan Posted to the Web Apr 28, 13:16 Muqdisho:-Raysal Wasaare Dr.Cali Maxamed Geedi ayaa maalintii shalay shaaca ka qaaday inuu safar uu ku tegayo Magaalada Muqdisho, talaabadaas uu qaaday Raysal wasaare Geedi ayaa farax gelisay dhamaan Shacabka Magaalada Muqdisho. Wararka ka imaanaya daafaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaar garow aad u heer sareeya laga wado magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda Gaar ahaan (Jowhar,Cadale,Aadan-Yabaal iyo Warshiikh, Balcad,Huriwaa, Madiina,towfiiq,Wardhiiglay,Shangaani, iyo degmooyin badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho,taasoo ay wadaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho. Safarka uu Raysal wasaaraha Soomaaliya uu ku tegayo Magaalada Muqdisho ayaa ku soo begantay waqti ay magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin xubnaha Mucaaradka ee ka soo horjeeda Dowladiisa,kuwaas uu u tusay shacabka Magaalada Muqdisho inuusan Raysal-wasaare Cali maxamed Geedi uusan aheyn shaqsi ka muhiima Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda. Dhinaca kale Raysal wasaare Geedi ayaa ka gaabsaday waxyaalaha uu kala hadli doono Shacabka Magaalada Muqdisho,waxaase loo malaynayaa inay tahay soo af-jarida Sawiradii foosha xumaa ee horay looga siiyey Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo soo qiimaynta xaalada amaan ee ka jirta Magaalada Muqdisho. Maalinta Jimcaha ee fooda inagu soo haysa ayaa la filayaa inuu Raysal wasaaruhu uu isu tusin doono shacabka Magaalada Muqdisho inuu yahay ninka kaliya ee ka saari kara dhibkii ay shacabka muqdisho ay ku jireen 15kii sano ee lasoo dhaafay. Arrinta Xiisaha leh ee ku aadan Booqashada Raysal-wasaaraha ayaa ah mid taariikhiya maadaama uu yahay nin si rasmiya uga soo jeeda Magaalada Muqdisho, ahna aqoon yahay Soomaaliyeed,kalsoonina ay ku qabaan inta badan shacabka Muqdisho iyo Soomaalida inteeda kaleba. Inkastoo qaban qaabada soo dhowenta Raysal Wasaaraha ay u riyaaqeen shacabweynaha Soomaaliyeed hadana guushiisa Siyaasadeed ayey ku xiran tahay hadba suu iftiimiyo Dhibaatooyinkii Qab-qablayaashu u geysteen Soomaaliya,gaar ahaan Magaalada Muqdisho,iyo inay reer Muqdisho ay ubaahan yihiin shaqsi ku hogaamin kara jidka wanaagsan horumarka u keeni kara,iyo siduu uga samata bixin lahaa dhibka ay ummadu ku jireen 15kii sano ee la soo dhaafay. Ahmed Cali (garyare) Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya
  5. Magaalada Muqdisho oo isu diyaarineysa soo dhoweynta ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Muqdisho - 28.April.2005 Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar garow xoog leh oo ku aaddan sidii loo soo dhoweyn lahaa ra'iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliyeed, Prof. Cali Maxamed Geeddi. Ra'iisal wasaaraha ayaa waxaa la filayaa in uu maalinta berrito ah gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Diyaar garowga ugu xoogga badan ayaa waxaa uu ka socdaa xaruntii hore ee Villa Somalia, halkaas oo ay gacanta ku hayaan taageerayaasha wasiirka arrimaha gudaha ahna ra'iisal wasaare kuxigeenka dawladda federaalka Soomaaliyeed, Xuseen Maxamed Caydiid oo la sheegay wafdiga imanaya magaalada Muqdisho in uu ka mid yahay. Sidoo kale wafdiga imanay Muqdisho maalinta berrito ah ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Cumar Xabeeb oo ah maamulaha gobolka Shabeellaha Dhexe. Inta badan magaalada Muqdisho gaar ahaan dhinaca waqooyi ayaa waxaa laga dareemayaa diyaargarowga soo dhoweynta. Dhinaca kale, wafdiga golayaasha dawladda federaalka ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaan iyagu wadin wax diyaar garow soo dhoweyn ah, qaarkoodna waxay sheegeen in aanay waxba kala socon. Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa la filayaa in si weyn loogu soo dhoweeyo magaalada Muqdisho iyadoo maalinta Jimaha ee berrito ay tahay fursad kale oo ay dadku shaqooyinkii iyo dugsiyadii waxbarashada ay kaga nasanayaan. MM Dhoorre SBC Muqdisho ...
  6. Qaban Qaabo looga jiro soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo berita ka soo degaya Garoonka Diyaaradaha ee N0-50 Hotelka Ramadaan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda qaban qaabo soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo berita muqdisho imaanaya,iyagoo ka soo kictimi doonan magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo in muddo ah xarun KMG ah u ahayd madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Muuqaal ahaan Hotelka maanta waxaa uu ka duwanaa Maalmihii hore, maxaa yeelay hotelka ayaa waxaa uu noqon doona halka uu ku soo degi doona Prof. Cali Maxamed Geeddi sida la sheegay nawaaxiga Hotelka ayaa waxaa soo buux dhaafay ilaa iyo 100 Baabuur Tikniko ah, kuwaas oo sida la noo sheegay sugi doonan ammaanka Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya. Shir maanta ka dhacay gudaha Hotelka Ramadaan isla markaana isugu yimaadeen madaxda Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlayay soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, waxaana la diyaariyay sida la sheegayo dhamaan wixii loo baahnaa. Ninka dhawaan ka degi doona Guddoominimada Maamulka Gobolka Baandir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) ayaa ugu baaqay dadweynaha magaalada muqdisho inay si wada jir ah u soo dhaweeyaan Wafdiga Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka soomaaliya,iyadoo Firimbi uu yahay Ninka keliya ee maanta si rasmi ah u sheegay halka ay ka soo degi doona Wafdiga Xukuumadda. Axmed Maxamud Xasan (Baasto) ayaa maanta loo doortay inuu yahay Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada ee soo dhaweynta wuxuuna sheegay mas’uulkan in loo baahan yahay in si wada jir ah looga qeyb qaato soo dhaweynta Wafdiga.
  7. Magaalada Muqdisho oo isu diyaarineysa soo dhoweynta ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Muqdisho - 28.April.2005 Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar garow xoog leh oo ku aaddan sidii loo soo dhoweyn lahaa ra'iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliyeed, Prof. Cali Maxamed Geeddi. Ra'iisal wasaaraha ayaa waxaa la filayaa in uu maalinta berrito ah gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Diyaar garowga ugu xoogga badan ayaa waxaa uu ka socdaa xaruntii hore ee Villa Somalia, halkaas oo ay gacanta ku hayaan taageerayaasha wasiirka arrimaha gudaha ahna ra'iisal wasaare kuxigeenka dawladda federaalka Soomaaliyeed, Xuseen Maxamed Caydiid oo la sheegay wafdiga imanaya magaalada Muqdisho in uu ka mid yahay. Sidoo kale wafdiga imanay Muqdisho maalinta berrito ah ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Cumar Xabeeb oo ah maamulaha gobolka Shabeellaha Dhexe. Inta badan magaalada Muqdisho gaar ahaan dhinaca waqooyi ayaa waxaa laga dareemayaa diyaargarowga soo dhoweynta. Dhinaca kale, wafdiga golayaasha dawladda federaalka ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaan iyagu wadin wax diyaar garow soo dhoweyn ah, qaarkoodna waxay sheegeen in aanay waxba kala socon. Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa la filayaa in si weyn loogu soo dhoweeyo magaalada Muqdisho iyadoo maalinta Jimaha ee berrito ay tahay fursad kale oo ay dadku shaqooyinkii iyo dugsiyadii waxbarashada ay kaga nasanayaan. MM Dhoorre SBC Muqdisho
  8. Raysal Wasaare Geedi oo raadinaya kalsoonida shacabka Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku teedsan Posted to the Web Apr 28, 13:16 Muqdisho:-Raysal Wasaare Dr.Cali Maxamed Geedi ayaa maalintii shalay shaaca ka qaaday inuu safar uu ku tegayo Magaalada Muqdisho, talaabadaas uu qaaday Raysal wasaare Geedi ayaa farax gelisay dhamaan Shacabka Magaalada Muqdisho. Wararka ka imaanaya daafaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaar garow aad u heer sareeya laga wado magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda Gaar ahaan (Jowhar,Cadale,Aadan-Yabaal iyo Warshiikh, Balcad,Huriwaa, Madiina,towfiiq,Wardhiiglay,Shangaani, iyo degmooyin badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho,taasoo ay wadaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho. Safarka uu Raysal wasaaraha Soomaaliya uu ku tegayo Magaalada Muqdisho ayaa ku soo begantay waqti ay magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin xubnaha Mucaaradka ee ka soo horjeeda Dowladiisa,kuwaas uu u tusay shacabka Magaalada Muqdisho inuusan Raysal-wasaare Cali maxamed Geedi uusan aheyn shaqsi ka muhiima Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda. Dhinaca kale Raysal wasaare Geedi ayaa ka gaabsaday waxyaalaha uu kala hadli doono Shacabka Magaalada Muqdisho,waxaase loo malaynayaa inay tahay soo af-jarida Sawiradii foosha xumaa ee horay looga siiyey Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo soo qiimaynta xaalada amaan ee ka jirta Magaalada Muqdisho. Maalinta Jimcaha ee fooda inagu soo haysa ayaa la filayaa inuu Raysal wasaaruhu uu isu tusin doono shacabka Magaalada Muqdisho inuu yahay ninka kaliya ee ka saari kara dhibkii ay shacabka muqdisho ay ku jireen 15kii sano ee lasoo dhaafay. Arrinta Xiisaha leh ee ku aadan Booqashada Raysal-wasaaraha ayaa ah mid taariikhiya maadaama uu yahay nin si rasmiya uga soo jeeda Magaalada Muqdisho, ahna aqoon yahay Soomaaliyeed,kalsoonina ay ku qabaan inta badan shacabka Muqdisho iyo Soomaalida inteeda kaleba. Inkastoo qaban qaabada soo dhowenta Raysal Wasaaraha ay u riyaaqeen shacabweynaha Soomaaliyeed hadana guushiisa Siyaasadeed ayey ku xiran tahay hadba suu iftiimiyo Dhibaatooyinkii Qab-qablayaashu u geysteen Soomaaliya,gaar ahaan Magaalada Muqdisho,iyo inay reer Muqdisho ay ubaahan yihiin shaqsi ku hogaamin kara jidka wanaagsan horumarka u keeni kara,iyo siduu uga samata bixin lahaa dhibka ay ummadu ku jireen 15kii sano ee la soo dhaafay. Ahmed Cali (garyare) Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya
  9. Good analysis of the situation on the ground. Mogadishu is the capital, the programm of the government is to gain control of the capital for the utilisation of the people. I have always been reasured by the reaction of the strong men, their decesio to join the peace process, take up posts and now their commitment to bringing peace to Mogadishu has all been posative news. For there is pressure, real and imagined which has put them on this course which they have found difficult to turn back. The clan card had become redundent of late, the strong men have used up this one precesious commodity which brought them to the fore in the first place. The clans making up the Somali tribe all have one thing in common, the longing for the restoration of the nation which they carelessly lost. I agree with the MP, though brother Bashi highlights the greay areas in his argument. Howver I would add that the national interest has catched up with the personal/selfish interest of the few strong men and their supporters.
  10. United Somali Democratic Alliance's appeal Posted to the Web Apr 27, 11:19 THE UNITED SOMALI DEMOCRATIC ALLIANCE’S APPEAL (The United Somali Democratic Alliance is a political group, representing the concerns, opinions, and views of the Somali people to the Government, the Parliament and the International Community.) The Parliament The United Somali Democratic Alliance and all Somalis of good faith are aware of the fact that Parliamentarians were appointed and selected by Warlords and certified by IGAD. But After MPs were sworn in, it was expected of them to appreciate and embrace their responsibilities to the Somali nation. The televised event, showing MPs fighting each other physically and destroying personal properties was disgrace to Parliament and the Somali nation. We deserve better and demand of MPs to uphold the law and the function of Parliament. The responsibility of the accident is solely that of the Speaker of Parliament whose function is to secure the proceeding are safe and orderly. USDA makes the following recommendations to the Speaker: - to provide leadership to MPs and legally be in control of the proceedings - to use legal mechanism to protect MPs and the proceedings whenever there is tension between members. - to recommend and supervise training for MPs - to be open to consultations and negotiations with government and MPs - to refrain from voting unless there is a tie situation which requires him to vote - to present government and members bills and motions, without amendment or revision. The work of the Speaker and the Government will only succeed if MPs - uphold the constitution and interpret it lawfully - commit themselves to protect the integrity of government, parliament, and the nation - vote in a clear and precise manner, to protect the interest of Somalis and not that of their tribe or personal needs - work with the Speaker and the Government in resolving national problems We hope better heads will prevail in the future. The Government There have been accusations of breach of the constitution, lack of consideration and consultation with MPs, Minister and The Speaker of Parliament. But it is evident to the public that the government of President Abdullahi Yusuf and Prime Minister Mohamed Ali Ghedi did everything to uphold their commitment to National Reconciliation. We find minor differences between the government and those who left Nairobi for Mogadishu, in the controversy over the move of government to Baidoa and Jowhar, and the composition of the proposed IGAD peacekeeping mission. Here are the facts: - both sides adhere to the constitution in declaring Mogadishu to be the Capital - both sides admit Mogadishu is not safe at the time being - both sides recognize the need to disarm and collect weapons from the militia ( but disagree on who should collect and keep the weapons) Those in Mogadishu refuse the fact that the government is mandated by the constitution to move to location or locations inside Somalia till Mogadishu is safe, secure and peaceful. This makes the demand of some Ministers and MPs that the government move immediately to Mogadishu unconstitutional and unrealistic. These MPs and Ministers in Mogadishu, must return to the seat of government to perform their legal duties to the Somali Nation. If anyone of them wishes to bring about change, they must do so in Council of Minister and in Parliament. Those who went to Mogadishu have damaged the integrity and function of government and Parliament. The United Somali Democratic Alliance encourages the President and Prime Minister to: - be above politics and concentrate on nation building - take steps to unite the government, parliament, and the Somali public - move to inside Somalia as soon as possible - work with African Union, Arab League, European Union, the United Nations and Somalis, to implement disarmament, collection of weapons , security, and peace in Somalia. The Somali people desperately want this government to succeed, not because of politics, but for the simple fact that we need peace, security, safety, and the re-establishment of nationhood in Somalia. To those former Prime Ministers who oppose and are critical of the efforts of this government (with the exemption of former Prime Minister H.E. Hassan Abshir, who is part of government and the reconciliation process, and H.E. Abdullahi Addo, who has refrained from politics after the election), we ask them to stop their personal attacks on the President and give Somalis a chance. International Community Somalis are aware, the international community desires to see peace in Somalia. But to achieve this noble objective, the international community must lend its support, financial and moral to this government. It will be difficult to achieve disarmament,peace, and security in Somalia, without partnership between government and the international community. We appeal to Somalis to give nationhood a chance by giving this government the possibility of working toward peace and unity among us. Long live Somalia. Mohamed Abdirashid A. Sharmarke Chair, United Somali Democratic Alliance Email: maarashid@yahoo.com
  11. Madaxweynaha iyo Ras’salwasaaraha DFKMG ah oo maanta la shirey Maxamed Dheere Nairobi-27.April.2005 Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo iminka fariisin u ah Golayaasha DFKMG ah ayaa sheegaya in maanta kulan saacado qaatay uu dhex maray Madaxweynaha iyo Rasa’salwasaaraha DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geedi iyo Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere). Kulankan ayaa la sheeggay in Masuuliyiintaasi ay kaga wadahadleen arimo ku aadan dib u soo guurida dowladda KMG ah iyo qorshihii ahaa in Dowladdu xarun KMG ah ka dhigato magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar. Warar ku dhaw dhaw kulankaasi ayaa si hoose ugu dusiyey Idaacada SBC in Maxamed Dheere uu u gudbiyey Madaxweynaha iyo Ra’salwasaaraha hanaanka ku saabasan sida Maamulkiisu ugu diaayr garoobey in Xukuumadu tagto Magaalada Jawhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay Golaha Wasiiradu go’aamiyeen in ay la wadaagto Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee ay Xukuumadu saldhiga doonto. Sidoo kale Kulan si gaar ah u dhexmarey Ra’salwasaare Cali Maxamed Geedi iyo Maxamed Dheere ayaa la sheegay in ay kaga wadahadleen socdaalkii ugu dambeeyey ee Maxamed Dheere ku tagey Magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Maxamed Dheere uu uga warbixiyey Prof Geeddi heshiis dhawaan magaalada muqdisho uu kula galay xubno uu ka mid ahaa Ganacsade Hubaysan Bashiir Raage iyo Hogaamiye maleeshiyaadka C/qaadir Beebe. Keyse Caamir SBC Nairobi.
  12. Xukuumada Ugandha oo shaaca ka qaadey xiliga Ciidamadeedu cagaha dhigayaan Soomaaliya. Kambala-27.April.2005 Xukuumada Wadanka Ugandha ayaa daboolka qaadey xiliga ugu horeeyey oo cutubyo ka mid ah Ciidamada ay imaan doonaan Wadanka Soomaaliya, Afhayeenka Ciidamada Ugandha Major Shaban Bantariza ayaa wuxuu sheegay in ciidamo gaaraya 750 askari oo hordhac u ah Ciidamada Ugandha ay imaan doonaan Soomaaliya Todobaadka ugu horeeye bisha May. Ciidamada ayaan sarkaalkaasi ka tirsan Xukuumada Ugandha wuxuusan sheegin halka ay ka imaan doonaan Soomaaliya, waxaase uu sheegay in hawsha ugu weyn ee ay imaanayaan ay tahay si loo xaqiijiyo amaanka DFKMG ah ee Soomaaliya, isla markaana ay dib ugu soo laabato Wadanka. Major Shaban Bantariza wuxuu sheegay in Ciidamadani ay qayb ka yihiin Kumanaan Ciidamo ah oo la doonayo inay ka yimaadaan Dalalka Afrika waxaana kuwa ugu horeeya ay ka imaanayaan Wadamada Ugandha iyo Suudaan, isagoo intaasi sii raaciiyey in Sidoo kale Urur Goboleedka IGAD ay qayb ka yihiin Wajiga labaad ee Ciidamada la doonayo inay yimaadaan Soomaaliya. Hadalhayeenka Ciidamada Wadanka Ugandha oo la waydiiyey sida ay u wajihi doonaan hadii Dagaal iyo iska caabin kaga timaado Kooxaha Soomaalida gaar ahaan Qabqablayaasha Dagaalka ayuu wuxuu ku nuuxnuuxsadey inaysan gacmaha laaban doonin hadii la soo weeraro, waxaase uusan meesha ka saarin in hadii ay u ogalaato Qaramada Midoobey ay Ciidamadaasi diyaar u yihiin inay hubka ka dhigaan Kooxaha Maleeshiyaadka Hubaysan ee Soomaaliya gaar ahaan wax uu ku tilmaamey Qaswadayaal ay ka dagi weyday Soomaaliya. C/risaaq Bulqaas SBC Boosaaso.
  13. Uganda oo ka hadashay xiliga ciidamadeeda nabad ilaalintu tagayaan Soomaaliya - Wednesday, April 27, 2005 at 13:34 Kambala (AllPuntland)- Dowladda uganda ayaa xalay daboolka ka qaadday inay 750 ciidamadeeda militariga ah ay soo gaarsiinayso 8da Misha May ee 2005ta. Afhayeenka ciidamada Qalabka sida ee Uganda captain Shaban Bantarzia ayaa u sheegay BBC-da warkan oo ah in qeybtii ugu horreysay ee ciidamada dowladda Uganda ugu talo gashay ciidamada IGASOM ee ka tirsan dalalka IGAD ay tagi doonaan Soomaaliya. Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in ciidamada Uganda iyo kuwa Suudaan iyo dalal kaleba laga sugayo ciidamo ay soo diraan si ay u sugaan ammaanka dowladda Federalka ee Soomaaliya kana caawiyaan howlaheeda marka ay degto gudaha dalka, isla markaasna ay ciidamadaasi u sameeyaan hub ka dhigis maleeshiyooyinka. Afhayeenka wuxuu intaas ku daray in ciidamada Uganda aysan dagaal la geli doonin kooxaha hubeysan ee ku sugan gudaha dalka ee carqaladda ka wada deggenaanshaha iyo nabadda Soomaaliya. “Ma weerareyno haddii aan nala soo weerarin, balse haddii laysku dayo in nala soo weeraro waan iska difaacaynaa ayuu yiri captain Shaban, wuxuuna sheegay inay taageerayaan dhinaca nabadda haddiise hoggaamiye kooxeedyada Soomaalida ee diiddan in ciidamo la keeno Soomaaliya ay soo weeraraan fariisimadeena waan difaaci doonaa, welibana haddii amar nalagu siiyo inaan hubka ka uruurino maleeshiyooyinka hubeysan, taasi waan ku dhaqaaqi doonaa ayuu sii raaciyay hadalkiisa, isagoo daba dhigay inay u baahan yihiin oo kaliya in Q/midoobay ay fasax u siiso, isagoo ku baaqay in dadka Soomaaliyeedna ay ciidamada soo dhoweeyaan oo aanay la safan hoggaamiye kooxeedyada fara ku tiriska ah ee ka horjeeda nabadda Soomaaliya. Captain Shaban wuxuu hadalkiisa ku diray in dowladda Uganda ay u qorshaysnayd in 30ka bishan ay ka howl gasho gudaha dalka Soomaaliya, balse duruufo jira awgeed ayuu ku sheegay inuu dib u dhac ku yimid iyo isagoo sii raaciyay hadalkiisa in sidoo kale dowlado laga sugayay ciidamo ay weli ku jiraan diyaar garow, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid yihiin dowladda Nigeria, Suudaan iyo kuwo kaleba. Cali Muxiyadiin AllPuntland, Muqdisho
  14. Raysal Wasaare Geedi oo Maanta la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Wadamada Afrika iyo masuuliyiin kale Posted to the Web Apr 27, 17:52 Nairobi:- Raysal Wasaaraha DFKS Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay u qaybsanaha Arrimaha Siyaasadda ee wadamada Afrika u fadhiya Hay'ada Qaramada midoobay Mr.Haile Menkerios. Mr.Haile Menkerios ayey Mudane Geedi kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa arrimo muhiima oo ay DFKS ay uga baahan tahay Wadamada Afrika iyo Qaramada Midoobayba, arrimahaas oo ay kamid yihiin Guuritaanka Dowladda,Hubka dhigista Maleeshiyaadka Soomaaliyeed, iyo sii xoojinta Axdi qarameedkii lagu gaaray Wadanka Kenya. Warar hoose oo ka soo baxaya fadhiga labaadaas Masuul ayaa sheegaya inay isku fahmeen dhamaan waxyaalihii ay ka wada hadleen oo ay ugu mihiimsanayd, sidii ay qaramada midoobay ay uga geysan lahayd arrimaha Soomaaliya Gacan libaax leh, iyo sidii ay qaramada midoobay iyo dalalka Afrikaba uga taageeri lahaayeen Dowlada Federaalka ee Soomaaliyeed dhinaca Amaanka iyo dhisida howlaha waajibka ku ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Raysal Wasaaraha ayaa waxaa kulankaas dhinaca dowladda kaga weheliyey qaar kamida Masuuliyiinta Dowlada Federaalka ee Soomaaliyeed oo kala ah Wasiirka Maaliyada Mudane Saalim Caliyow Ibro, iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane cabdirisaaq Cusmaan Juriile iyo masuuliyiin kale,halka ay qaramada midoobay uu ka joogay siihayaha u qaybsanaha arrimaha Soomaaliya u fadhiya qaramada midoobay ninka lagu magacaabo Aba Femi. Puntlandpost.com Puntlandpost,Nairobi,Kenya
  15. Ra'iisal wasaraha Xukuummadda FKMG ah iyo wefti uu hoggaamin doono oo Muqdisho ku soo fool leh Posted to the Web Apr 27, 19:32 Nairobi:-Rai'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah Md.Cali Maxamed Geedi iyo wefti uu horkacayo ayaa waxay u socdaali doonaan maalinta Jimcaha ah ee socota Magaalada Muqdisho,iyadoo ay wehelin doonaan Wafuud ka kala tirsan labada Gole ee Dawladda FKMG ah. Cali Maxamed Geedi ayaa waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee isagoo Ra'iisal wasaare ah socdaal ku tago Magaalada Muqdisho tan iyo markii uu qabtay xilkaasi,waxayna wararka hoose ee ka soo baxaya safarka Geedi tilmaamayaan inay halkaasi u tagi doonaan soo qiimaynta xaaladda ammaanka ee magaalada,isagoo Ra'iisal wasaaruhu kulamo kala duwan la soo yeelan doona Qaybaha kale duwan ee Bulshada. Warar madaxbanaan oo ka imaanaya ilo ku dhow dhow socdaalka Ra'iisal wasaaraha ayaa waxay tibaaxayaan in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka mid noqon doono ma'suuliyiinta Geedi safarka ku wehelin doonta si uu markaas u guda galo gudashada shaqadiisa ma'suuliyadeed. Dhanka kale Wefti ka socda IGAD iyo Beesha caalamka ayaa waxaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda u safraan Muqdisho,kuwaasoo kala soo hadli doona dadka Reer Muqdisho inay si buuxda u soo dhaweeyaan Dawladda FKMG ah,waxayna kulamo wada tashi ah la yeelan doonaan Xubnihii isugu jiray labada Gole ee ku sugnaa Muqdisho,kuna hawlanaa nabadaynta magaaladaasi si loogu qanciyo xubnahaasi inay dib ugu soo laabtaan Nairobi si ay uga qaybqaataan barnaamijka dib u guuritaanka ah ee ay ku gudo jirto Xukuummadda FKMG ah,islamarkaasna looga gudbo ismaandhaafka ka dhextaagan Xubnaha Dawladda. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya
  16. Ra'iisul Wasaare Geedi oo sheegay in uu maalinta jimcaha tegi doono Magaalada Muqdisho Ra'iisul Wasaaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Somaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu maalinta jimcaha tegi doono Caasimada dalka ee Muqdisho. Prof Geedi waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu xafiiskiisa kula kulmay Danjirayaasha dalalka jaamacadda carabta ee fadhigoodu yahay Magaaladda Nairobii ee Dalka Kenya. Wuxuuna intaa raaciyay in uu doonayo isagoo tixgelinaaya danta iyo maslaxadda Shacbiga in uu la kulmo Xubnaha Golihiisas Wasiiradda iyo Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee ku sugan Magaaladda Muqdisho si uu ugu qanciyo inay u raacaan Magaalada Neyrobi oo ay markaasi uga wada-hadlaan Guud ahaan arrimaha Dalka , gaar ahaan xallinta Magaaladda Muqdisho oo uu Goluhu ka doodo. Raiisul Wasaaraha Dowladda soomaaliyeed wuxuu Danjirayaasha u sheegay in ay ugu dambeyn u guuri doonaan Dalka Soomaaliya aakhirka Bisha May ee soo socota, wuxuuna ka dalbay Danjirayaasha carbeed in ay gacan ku siiyaan dowladda Soomaaliya dib u gurista,dib u howgalinta hay'adaha Maamulka ee xukuumadda iyo soo-celinta Amaanka iyo kala dambeynta. Danjiraha Dalka boqortooyadda sacuudiga Al-sayid Nabeel Cashour oo ku hadlaayay magaca danjirayaasha ayaa u sheegay in uu soo dhaweynayo tegista Ra'iisul wasaaraha ee Magaladda Muqdisho ayna tahay talaabo Horumara oo loo qaaday dhinaca Nabadda,isagoo sheegay in loo baahanyahay in Xubnaha Golaha wasiiradda ay arrinta Muqdisho iyo Guud ahaan Dalkaba ka doodaan Go'aana ka gaaraan kadibna ay u gudbiyaan Golaha Baarlamaanka si ay Go'aan kama dambeys ah uga gaaraan. Danjire Nabeel Cashour wuxuu kaloo sheegay in Dalalka carabta ay gacan ka geysan doonaan dib u guurista Dowladda iyo guud ahaan barnamijyada deg-dega ee ay Xukuumaddu u baahantahay, wuxuuna tilmaamay in ay Dalalkooda u gudbin doonaan baahida Dowladda Soomaaliyeed iyo sidii loogu soo de-dejin lahaa Dhaqaalihii ay Dalalka Jaamacadda carabta u qorsheeyeem Dalka Soomaaliya markii ay ku kulmeen Magaaladda Aljeeris ee dalka Aljeeriya taasoo dhameyd 26 milyan oo dollar oo loo qeybiyay bixinteeda dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda carabta, Isla maanta ayuu prof Cali Maxamed Geedi wuxuu kaluu xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha waaxda Siyaasadda ee qeybta Afrika ee hay'adda Qaramadda midoobay Mr.Haile Menkerios. Prof.Geedi iyo Mr.Menkerios waxay kulankaasi iskula soo qaadeen qodobo muhiim ah oo ku aadan Guuritaan Dowladda,Dhaqagalinta Xabad-joojin guud oo ka hirgasha Dalka Soomaaliya iyo sidii loo meeleyn lahaa Maleeshiyooyinka Hubka sita, islamarkaana hubka looga dhigi lahaa. Ra'isul Wasaaraha iyo Agaasimha waxay kaloo kulankaasi iskula soo qaadeen arrinta la xirirta Ciidamada Igad ay ugu talagashay in ay Soomaaliya usoo dirto iyo kaalinta ay Hay'adda Qaramadda Midoobay ka qaadaneyso sidii Dowladda soomaaliyeed gacan loogu siin lahaa dib u dhiska hay'adaha suga Amaanka gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Kulankaasi waxaa Ra'iisul wasaaraha ku wehliyay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Saalim Caliyow Ibro, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane cabdirisaaq Cusmaan Juriile iyo masuuliyiin kale, halka uu dhinaca Qaramadda midoobay ka joogay Aba Femi oo ah sii-hayaha Wakiilk xoghayaha Guud ee Arrimaha Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  17. Ra'salwasaare Cali Maxamed Geeddi oo booqasho ku tegaya Magaalada Muqdisho Nairobi - 27.April.2005 Kulan ka dhacay magaalada Nairobi oo ay isugu yimaaddeen qaar ka mid ah danjirayaasha dalalka Carabta, ayaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi waxaa uu shaaca kaga qaaday in uu maalinta Jimacaha ah ee 29-ka bishan April uu booqan doono magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya. Ra’iisal wasaaruhu waxaa uu sheegay in uu qorsheystay in dadka reer Muqdisho si niyad sami ah ula hadlo marka uu gaaro magaalada Muqdisho. Safarka Cali Maxamed Geeddi ee magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee uu caasimadda ku tago tan iyo markii loo doortay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya. Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa lagu waddaa in uu kulan la yeesho xubnaha labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho. Mar uu ka hadlayey kulanka uu la yeelan doono xubnaha labada gole ee Muqdisho jooga waxa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo isafgarad dhex mara isaga iyo ragga kale ee ay dhinaca aragtida siyaasadeed ku kala geddisan yihiin. Keyse Caamir SBC Nairobi
  18. Tragic news indeed. I pray to Allah to ease any suffering caused to our people by this natural phenomenon.
  19. Xubnihii ciidamada ee loo xil saaray in ay sugaan ammaanka Gobolka Banaadir oo iska diiday in ay dhaar maraan Isniin, April 25, 2005(HOL)@20:00GMT: Maanta oo lagu waday in la dhaariyo qaar ka mid ah horjoogayaasha maleeshiyooyinka, si ay uga qeybqaataan sugidda ammaanka magaalada Muqdisho ayaan maanta suurtagelin kadib markii madaxdii waday horjoogayaashaas ay diideen in ay dhaarta ka qeybgalaan. 15 xubnood oo ka socday horjoogayaasha maleeshiyooyin madax bannaan oo magaalada Muqdisho ku sugan ayaa la dhaariyay, iyado kuwo ka socday Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Xuseen Maxamed Caydiid oo magac ahaan ula jira xubnaha Hoggaamiyayaasha Muqdisho ay iska diideen in ay dhaarta ka qeybgalaan, halka kuwo laga filayay maxaakiimta Islaamiga ahna ay ka baaqsadeen dhaarta. Xarunta Xisbiga oo xarun dhexe oo KMG ah u ah Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa maanta ku jirtay xaalad jaha wareer ah kadib markii ay caqabad ka hortimid howlihii ay wadeen guddi loo xil saaray sugidda ammaanka Gobolka Banaadir oo dhowaan la magacaabay. Wararku waxay intaasi ku darayaan in horjoogayaal la dhaarin lahaa oo laga sugayay Wasiirrada Howlaha guud iyo Guriyeynta Md. Cusmaan Caato iyo kan Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta maleeshiyooyinka Md. Bootaan Ciise Caalin ay iyaguna ka biyo diideen in dhaartaan. Maalintii shalay ahayd ayaa la dhaariyay ku dhowaad 30 xubnood oo isugu jiray Saraakiil ka tirsan ciidamadii hore ee Soomaaliya iyo horjoogayaal madax u ah maleeshiyooyinka Muqdisho kuwaasi oo u xil saaran in ay tababaraan maleeshiyooyin dhowaan lagu xareyn ilaa lix xero oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho. Afhayeenka Xubnaha labada Gole Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo wax laga weydiiyay caqabadda ka hortimid howshii ay wadeen ayaa arrintaas ka gaabsaday, wuxuuna kaliya sheegay in la dhaariyay 15 horjooge oo ahaa kuwo u taliyo maleeshiyooyin madax bannaan. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  20. CABDALLA DEEROW: "Nabadeynta Muqdisho waa been iyo quraafaad lagu doonayo in lagu qaldo shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka" Cabdalla Deerow ***** Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka oo ku sugan magaalada Xudur ayaa sheegay inay halkaas u joogaan fulinta Barnaamijyada Dowladda isla markaana ay Dowladdu la socoto howsha ay wadaan. "Nabadeynta Muqdisho waa been iyo quraafaad lagu doonayo in lagu qaldo shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka" ayuu yiri Cabdalla Deerow ***** oo sheegay in G/Banaadir lagu nabadeyn karo oo kaliya hannaan Dowladeed, balse aysan koox kaliya wax ka qaban karin nabadgelyada caasimada. "Muqdisho waa caasimada dalka, cid laga leeyahayna ma jirto, hase yeeshee Dowladda ma imaan karto inta ay ku jirto xaalada maanta ka taagan" ayuu yiri Cabdalla Deerow oo dhinaca kale eedeyn ballaaran u soo jeediyay Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ay dhinaca fikirka ku kala duwan yihiin.
  21. KULAN AY YEESHEEN XUBNAHA LABADA GOLE EE KU SUGAN MUQDISHO OO QALALAASE IYO BUUQ KU DHAMMAADAY Somaliweyn.com ( Muqdisho 25 Abriil 2005) Kulan ay xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho ku yeesheen xaruntii hore ee Xisbiga ayaa buuq iyo qalalaase ku soo gabagaboobay, kulankaas oo lagu dhaarinayay hor joogayaasha maleeshiyooyinka Muqdisho. Qorshaha maanta ayaa ahaa in la dhaariyo 23 Horjooge, hase yeeshee 7-xubnood oo kaliya ayaa ogolaaday, halka ay 16-xubnood kale ka diideen taasi oo keentay in gebi ahaanba ay istaagto howshii dhaarinta, waxaana la sheegayaa in hor joogayaasha maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga ah iyo kuwa Xuseen Maxamed Caydiid ayaa iyagana soo xaadirin goobtii dhaarta, iyagoo ka biya diidan habka ay wax u wadaan hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday ee kala ah: Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Xasan Cali (Caato) iyo Maxamed Qanyare Afrax. Afhayeenka labada Gole Cumar Xaashi Aadan oo ay wejigiisa ka muuqatay caro iyo isku buuqsanaan xoog leh isla markaana diiday inuu Saxaafadda la hadlo ayaa hadalo kala duwan ku hadlay, isagoo mar sheegay in la dhaariyay 7-xubnood, halka uu mar kalena sheegay in la dhaariyay 16-xubnood, dhinaca kale Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ballanqaaday in 26-ka bishan uu hor joogayaasha maleeshiyooyinka Xuseen Caydiid keeni doono. Hor joogaha maleeshiyooyinka Wasiirka Hub ka dhigista Bootaan Ciise Caalin oo lagu magacaabo Nuur Maxamed Siyaad ayaa sheegay in qorshihii hore uu ahaa in maleeshiyooyinka la mideeyo lana sameeyo Ciidan Qaran, haatanna hoggaamiye kooxeedyada ay doonayaan in mid walba maleeshiyadiisa oo kaliya meel ku xareysto, iyadoo xerada degaankiisa ku taalana uu isagu iska maamusho.
  22. Thanks Sky, this type of post is refreshing to say the least..
  23. Isbahaysiga SNA ee Xuseen Caydiid sidee u arkaan dhaqdhaqaaqyada ka socda Muqdisho? Nairobi - 24.April.2005 Isbaheysiga SNA oo uu hoggaamiyo Ra’isalwasaare kuxigeenka DFKMG ah ahna wasiirka Arimaha Gudaha Eng. Xuseen Maxamed Ceydiid ayaa muujiyey sida uu u taageersan yahay war saxaafadeed Isbahaysigiisu ka soo saareen Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku sheegeen inaaney waxba kala soconin oo aaney taageersaneyn dadaalada nabadda ee laga wado gobolka Banaadir, kaasi oo ay wadaan xubno ka tirsan labadda gole ee DFKMG ah Soomaaliya. Xuseen Maxamed Ceydiid oo u waramayey Wariyaha Idaacada SBC ee Magaalada Nairobi Keyse Caamir ayaa daboolka ka qaadey in inuusan waxba kala socon dadaalka ay Muqdisho ka wadaan Xubnaha labada Gole ee DFKMG ah, kaasi oo ay ku sheegeen inay ku soo celinayaan Magaaladaai amaanka iyo kala dameyntii. Raisallwasaare ku xigeenka DFKMG ahna wasiirka Arrimaha Gudaha Eng.Xuseen Maxamed Caydiid wuxuu sheegay Xubnaha Labada Golle ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay iskood iska wataan hawlo uu ku tilmaamey inay iyaga u gaar yihiin. Dhinaca kale Kusimaha Xuseen Caydiid Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuurkar Ganey) ayaa sheegay in isaga iyo Madaxda kale ee Isbahaysigaas ee ku sugan Magaalada Muqdisho aysan ka warqabin Warsaxaafadeed lagu diidan yahay Kooxdoodu ku diidan tahay Dadaalka Nabadeed ee laga wado Magaalada Muqdisho. Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha DFKMG ah ee Soomaaliya Eng. Xuseen Maxamed Caydiid ayaa waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii Muqdisho ee gaarey heshiiska 29-ka qodob ka koobnaa kaasi oo ku aaadanaa sidii loo nabadeyn lahaa Gobolka Banaadir, wallow haatan uu u muuqdo in uu Heshiiskaas ka baxay. Keyse Caamir SBC Nairobi.
  24. Xuseen Caydiid†Arrimaha Muqdisho ka taagan laguma xalin karo xal beeleed iyo mid kooxeed, keliya waxaa wax looga qaban karaa..†Kuxigeenka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda KMG ah Xuseen Maxamed Caydiid ayaa ka soo horjeestay dhaqdhaqaaqa magaalada muqdisho ay ka wadaan xubnaha labada gole ee ku sugan xamar,wuxuuna sheegay inuusan aqbali doonin wax kasta oo ka soo baxa kulamada ka socda xamar. Mr Caydiid oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ka mid ahaa dadkii saxiixay qorshaha Muqdisho ayaa hadda waxaa uu ku dhinac noqday Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, wuxuu mar kale ku celiyay inaan arrimaha ka taagan muqdisho lagu xalin Karin Qabiil iyo koox, isagoo caddeeyay in lagu dhameyn karo oo keliya qaab Qaran. Xuseen Caydiid waxaa uu isaka fogeeyay inuu ku lug leeyahay arrimaha ay wadaan Muuse Suudi, Cusmaan Caato iyo Maxamed Qanyare oo lagu doonayo in maleeshiyooyinka looga saaro gudaha magaalada muqdisho. Dhinaca kale war kooxda Xuseen caydiid ee Muqdisho soo saareen ayaa looga soo horjeestay qorshaha maleeshiyooyinka looga saarayo gudaha magaalada Muqdisho, waxaana looga digay xubnaha Labada Gole ee Xamar ku sugan inaysan caga soo dhigin gkoobaha maleeshiyada Caydiid ku sugan yihiin. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  25. Mushaharka bixintiisa oo todobaadkan laga dhigay Ayadoo ay soo baxayaan dhaga adeyga Xildhibaanada ku sugan Muqidsho oo diiday in ay yimaadaan magaalada Nairobi ayaa waxaa si rasmi ah loo bilaabay todobaadkan bixinta Mushaharka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya. Bixinta Mushaharka oo hada ka hor dib loo dhigay ayaa hada si rasmi ah loo bilaabay in ay qaataan xildhibaanada Nairobi ku sugan ayadoo lacag dhan $1625 (Kun iyo lix-boqol iyo labaatan iyo shan) oo Dollarka Maraykanka ah lasiinayo xildhibaan walba. Lacagta dhan 446.875,- oo Dollarka Maraykanka ah ayaa waxaa bixinaya Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay ayadoo ay jirto Xildhibaano ku sugan Magaalada Muqdisho oo codsaday in lacagtooda loo soo diro balse loo sheegay in ay yimaadaan magaalada Nairobi oo ah xarunta Dowlada iyo Baarlamaanka. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya