
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
I love this post. My brother MILK you made me laugh so much...
-
Interview with Minister of Land and Settlement [Moulid Macane]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Some here are trying to justify the looting of private property, and the whole sale occupation of towns and villages, an example being Marka and Barava. The issue is not people who sold their properies or some who have been spared because they happen to have "God fearing" people who look after those properties. The issue is for those who occupy land and property and who gained it through the "gun". It is hightime that we stop hiding behind words, there will be no lasting peace without justice. -
-
The Speaker, Mogadishu Warlords and their ISBAARATO: The Principal Obstacles to Peace in Mogadishu A link to the second article...
-
O’ fools beget none, ruin is thy bequest: Somalia’s Speaker of the House, the Trojan Horse of Somali Politics - Friday, August 05, 2005 at 21:02 Link to the article above ...............
-
Interview with Minister of Land and Settlement JOWHAR, 2 Aug 2005 (IRIN) - Even as Somalia tries to lift itself out of the devastation caused by nearly a-decade-and-a-half of civil war, fears abound that land disputes will erupt when the interim government becomes fully operational, threatening the country’s stability once more. In an interview with IRIN at the temporary seat of government in Jowhar, 90 km north of the capital, Mogadishu, the Minister of Land and Settlement, Mowlid Mani Mohamed, said plans were being drawn up to address questions of land ownership. Below are excerpts from the interview: QUESTION: What is the first issue your ministry plans to tackle in Somalia? ANSWER: The first issue is how to negotiate between those who are completely landless, because there are a lot of land disputes in Somalia after 15 years of catastrophe. There are people who looted plans [and] people who openly snatched land from other people. The biggest problem we shall face is how to solve the problem of land disputes. Q: How do you plan to go about this? A: We cannot absolutely force the people to give up the occupied land seized by gunmen. The solution is to use the traditional method to convince the person and to use traditional leaders to tell the occupier that he must leave the land. We cannot force them or use guns to get them to leave occupied land. We want to use our own traditional methods to vacate the land occupied by gunmen in Somalia. Q: It sounds like a daunting task. Do you have records of titles to help you define who owns what? A: We do, because all lands issued before the civil war broke out were recorded by the local government - in Mogadishu and every local government, in every village and city. All those records are still available, we can get them. After the civil war [broke out], no one could issue permits or authorisation for owning a plot of land. So we will use the old records because these are the only legal documents that one can use to prove that the land is his. Some people have been known to issue fake documents, but luckily, Somalis known each other, nobody can fool us into pretending they own land they really don't. Q: Your ministry is now established in Jowhar? A: The ministry is not established in Jowhar. We are going to Mogadishu, since Mogadishu is the capital city of Somalia. We are moving as soon as the problem [of insecurity] there is solved, which is what we are working on now. As soon as Mogadishu is secure we will have, in all regions, representatives of the Ministry of Lands and Settlements who can respond to the demands of the people in the regions. Q: Is there a role for Somali civil society to play in this task ? A: The traditional leaders are part of the civil society, and we want to use these traditional leaders to solve the problem of land disputes; and there are other civil society members who must play their role. Because we cannot say that the Ministry of Lands and Settlements has an armed group who can enforce our decisions. We want to use the civil society and its traditional methods of resolving problems of the people in their area. Q: What is the traditional Somali way of solving disputes? A: Our traditional way of solving problems is according to our religion - we put every party on oath. They have to swear that the land is theirs, and the adverse party will not contest this, because we respect our religion very much, and people are afraid of lying in such conditions. We put the party's hand on the holy Quran, and we ask him to swear. If he is not the owner of the land, he will refrain from taking the oath. Then we deliver the sentence that gives back the land to its rightful owner. Before taking the oath, we always try to convince the person that the land is not his - if he insists, we show him the legal documents of the rightful owner. Q: What role do you envisage the international community playing in solving land disputes in Somalia? A: We need the international community, because we want them to give us experts and personalities who are well qualified in land-mapping to draw technical surveys of Somalia. Q: Do you foresee any change in legislation regarding lands and settlements? A: We foresee a change in the legislation because the previous system was the one left by the colonialists. We have to invent a new method of issuing and registering the land. Q: So there will be some form of land reform? A: Exactly, we will have land reform in the future. Q: Can you give the broad features of this reform? A: For the time being we have not established them yet, but we are in the process of drafting it with engineers, experts and people who are qualified in this area, and who will assist the ministry. Q: Any last comments? A: I would like to extend my thanks and gratitude to the international community and the friendly countries that helped Somalia to restore peace and stability. Without the international community, we couldn't have reached the agreement we signed in Kenya, which established a government of national unity in Somalia. The same gratitude goes to the government of Kenya, for hosting the recently ended Somali national reconciliation conference, and members of IGAD [the Intergovernmental Authority on Development, comprising Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan and Uganda] who also played an important role during the reconciliation process. [ENDS] Source: IRIN, Aug 02, 2005
-
Jowhar:World Bank, AU,EU,Arab League IGAD reps hold talks with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ A capital is where the executive of the nation reside. Jowhar is where the President, PM, Cabinet and most MP's are based. That fact alone makes it the seat of power and thus capita of the republic.... -
While important meetings are aking place in the new capital Jowhar. The warlords/ministers and their tool Xasan are stuck in Dayniile protesting to the UN envoy. However their silly demands were met with a cool reponse. Respect the decesions of the majority of the parliment. Meaning you are not a block equal to the government in Jowhar you are a minority that can make no executive decesions..Priceless.. Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa la sheegay in uu Markuu dhagaystay Hogaamiya Koxeedyada Muqdisho uu isaguna Afar Qoodob Hordhigay, uguna baaqay in ay u Hogaansamaan Maslaxada Shacbiga Soomaaliyeed Posted by : webmaster on Thursday, August 04, 2005 - 12:01 PM Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Fransisco ayaa markii uu dhegeystay warbixintii qoraalka aheyd ay soo bandhigeen Afhayeenka Baarlamaanka iyo 7 xubnood ee loo xilsaaray wada xaajoodka kula taliyay in laga fogaado waxkasta oo kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed , wuxuuna ugu baaqay in ay ka tanaasulaan Khilaafaadka ay iyagu abuurayaan. Wakiilku waxa uu u sheegay Hogaamiya Kooxeedyada Muqdisho, in labadii qodob ee qilaafka keenay uu ka tanaasulay Madaxweynaha kuwaasoo kala ahaa: 1- In ciidamo ka socda Safka hore aan Dalka la keenin 2-In caasimada Dalku yahay Muqdisho lana bedeli karin hadaan afti laga qaadin shacabka soomaaliyeed. Mudane Fransisco ayaa dhinaciisa u gudbiyay qoraalkii ugu dambeeyay ee golaha amaanka, oo ay ku jiraan afar qodob oo kala ah: 1:-Dhibaatada xaga dhinaca amaanka Caasimada ka taagan. 2:-Qaabka uu noqonayo hawlgalka dhinaca nabad ilaalinta Ciidamada la keenayo Soomaaliya. 3:-Su,aalaha ka taagan qaabka ay noqonayaan hey,adaha dawlada federaalka. 4:-Dib u heshiisiin laga hirgeliyo gobolada dalka oo dhan. Sidoo kale. Wakiilka ayaa shalay oogu baaqay xubnaha barlaamaanka in malwalba la tixgeliyo, halka ay u bataan codka xildhibaanada laguna dhaqmo sharciga u degsan baarlamaanka aduunka kaasoo dhigaya in la raaco meesha loo badan yahay(Majoraty Leads Minoraty). Wafdiga iyo xubnihii uu hogaaminayey Afhayeenka Baarlamaanka isku raacay in la iclaamiyo shir dambe, waxayna muujiyeen labada dhinac in la gaari doono mustaqbalka dhaw xal u cuntama bulshaweynta soomaaliyeed. Xuseen Yaasiin Godegode godegode_6@hotmail.com Idamaale News
-
Jowhar:World Bank, AU,EU,Arab League IGAD reps hold talks with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ good answer never the less bro... Wakiilada Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka oo maanta ku shiray Jowhar Posted to the Web Aug 04, 09:25 Gudigii caalamiga ahaa ee CMC iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkooda ugu horeeyay ka dhacay magaalada jowhar oo ah xarunta waxaa soo dhaweeyay furitaanka shirkaas iyo imaanshaha Guddiga Jowhar Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed. Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalmiga C/risaaq juriile iyo gudoomiye k/xigeenka barlamaanka prof. Dhalxa iyo xubno kale oo isugu jiray wasiiro wasiiro k/xigeen ayaa uga qeybgalay Soomaaliya shirka, in kastoo markii dambe shirka ku soo hareen deeqbixiyaasha Caalamiga. Wafdiga ka socday hey’adaha 18-ka koobnaa ayaa waxa ay kala ahaayeen sidan: 1- Cristian Balslev oo ka socday Olsen Unicef 2- Eric Baume oo ka soda EU 3- Moe Husien UNDP 4- Isabel Candela oo ka socda EC 5- Amp. Maxamed Cali Foum oo ka socda AU 6- Priya Gajarat oo Bankiga Adduunka ka socotay 7- Maxwell Gaylard oo UN ka Socda 8- Amp Kipligat oo wakiil u ahaa dowladaha IGAD iyo dalkiisa Kenya 9- Cabadalla Mubaarak oo ka socday jaamacada carabta 10- Safiiro ka socday wadamada ka tirsan qaarada Yurub Shirkan ayaa looga hadlayay wixii dowladda u qabsoomay tan iyo markii ay dowladda u soo guurtay gudaha dalka soomaaliya iyo wada qorsheynta dalka soomaaliya sidii loo hormarin lahaa. Ugu horeyn waxaa shirkan furay ra’iisul wasaare geeddi oo isagu safar gaaban shirka ku yimid iyadoo laga codsaday inuu shirka furo isla markaana hadalo gaaban uu ka jeediyo shirka wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay beesha caalamka iyo hey’adaha deeq bixiyeyaasha ah isagoo ku tilmaamay in ay yihiin kuwo had iyo jeer gacan ka geysta barnaamijyada loogu gar gaarayo ummada soomaaliyeed. Intaasi kadib waxaa warbixin guud ah wafiga u gudbiyay wasiirka qorsheynta iyo uskaashuiga caalamiga c/risaaq cismaan xasan juriile oo isagu gudoomiye u ahaa xubnaha shirka kala qeyb galayay. Juriile oo marka uu shirka dhamaaday u waramay saxaafada ayaa sheegay in ay wafdiga kala hadleen ilaa fara qodob kuwaas oo ahaa warbxin ay wafdiga ka siinayeen waxyabahii u qabsoomay dowladda intii ay dalka ku sugneed iyo dhaqdhaqaaqa shaqo ee dowladda. Wuxuuna sheegay Juriile in qodobo ay ka mid yihiin qorshaha barnaamijka mucaawinada la siinayo soomaaliya 12-ka bilood ee soo socota iyo qorsheynta barnaamijka dib u dhiska Soomaaliya . Ugu dambeyntii waxa ay wafdiga u ambabexeen magaalada Nairobi oo aheyd halkii ay ka soo hayaameen waxaana la shaaciyay in ay wafdigan ku soo laaban doonaan magaalada jowhar 18-ka bishan. -
Wasiiru dowle ku feker ahaa xubnaha labada gole ee Muqdisho joogay oo Gaaray magaalada Jowhar August 4, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Waxaa xalay gaaray magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, isla markaasna fariisin kmg-ah u ah dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Maxamed Jaamac furux oo wasiiru dowlaha Wasaarada gaadiidka iyo dekedaha iyo xubno la socdey. Warar kala duwan ayaa ka soo Baxaya ujeedada socdaalka xubnahan oo markii hore ku feker ahaa xubnaha labada gole ee dowlada federaalka ee ku sugan magaalada Muqdisho, Waxayna Wararka qaar sheegayaan in Furux iyo xubnaha la socda ay siyaasadooda u wareejiyeen magaalada Jowhar. Maxamed Jaamac Furux oo xalay saaxafada Muqdisho ay xiriiro kala gaar gaar ah la sameysay ayaa sheegay in uu ka mid yihiin deegaanka Cadaado, isaga oo sheegay in ay Muqdisho uga dambeysay 19/07/05, wuxuuna tilmaamay in uu halkaasi u tagay arrimo uu sheegay in ay yihiin dano u qaas ah. Furux ayaa mudooyinkii u dambeeyay, intii uu joogay Magaalada Muqdisho hadalo uu bixiyay ku weeraray qaabkii loo wajahayay howlihii isbaaro qaadista ee laga wadey magaalada Muqdisho, isaga oo dhowr jeer ka baxay kulamo ay lahaayeen wasiirada hubeysan ee ku sugan magaalada Muqdisho. Maxamed Cali Maxamud (Madka) Xafiiska Markacadeey Muqdisho xafiiskamuqdisho@hotmail.com
-
Jowhar:World Bank, AU,EU,Arab League IGAD reps hold talks with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Amp. Kipligat oo sheegay in beesha caalamka ay bilaabi doonaan sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen dib u dhiska dalka soomaaliya Amp. Pathwel kipligat oo ka mid ahaa xubnihii maanta soo gaaray magaalada jowhar ayaa sheegay in ay tahay labo arrimood oo waaweyn oo uu ku farxay mid waxa ay tahay buu yiriiAmp. Kipligat in dowladii lagu soo dhisey dalka Kenya ay haatan ka howl galeysa dalkeedii hooyo ayna marti u ahayn haatan dalka Kenya iyo in wafdi heer caalami ah ay maanta la kulmeen xukuumnada federalka Soomaliya. Waxa uu xusay amp. Kipligat in wafdigan ay ahaayeen kuwii garab taagnaa gacana ka geysanayay sidii uu u taaba geli lahaa shirkii ummada soomaliyeed mudada dheer u fadhiyeen gudaha dalka Kenya. Waxa uu sheegay Amp. kipligat in beesha caalamka ay bilaabayaan haatan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib udhiska dalka soomaaliya,wuxuu kaloo sheegay Amp. kipligat in aysan ahayn haatan mid ku cusub dunida in dhibaatooyin ay dhacaan balse waxa uu sheegay inloo baahan yahay oo qura in laxalliyo dhibaatooyibkaa ee kaliya loo baahan yahay in la wada hadlo. Amp. kipligat waxa uu ku celceliyey in ummada soomaaliyeed ay luga heeda isku taagto ay u tahay horumar dhamaan wadamada ku jira urur goboleedka IGAD. Waxa uuu hoosta ka xariiqey Amp. Kipligat in dhamaan dalalka ka mid ah IGAD ay ka go’an tahay inay arkaan Soomaaliya oo xasiloon Soomaliya oo horumarsan sababtoo ah buu sheegay in Soomaliya haddii ay horumarto dalalka IGADna hormarayaan. Waxana uu qirey in mar walba dalalka IGAD ay garab taagan yihiin ummada soomaliyeed ayna diyaar u yihiin inay la garabgalaan ummada soomaliyeed sidii loo xalin lahaa mashaakilaadka soo wajaho. Ambassador Kipligat oo ka mid ah wafdiga saaka soo gaaray magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in socdaalkoodu uu ku saabsan yahay sidii ay beesha caalamku u sii wadi lahayd kaalmadii iyo garab istaagidii ay xukuumada fedralka la waday tan iyo shirkii soomaalida ee ka dhacay dalka Kenya. Ambbasador Kipligatwaxa uu xusay in booqashada Jowhar ay ku yimaadeen uu yahay mid lagu farxio,ayna doonayaan sidii ay beesha caalamka uga qeyb qaadan lahaayeen dib udhiska dalka soomaaliya iyo soo celintii adeegyadii bulshada Dhanka kale waxaa sidoo kale hadalo gaaban ka soo jeediyay markii uu shirku idlaaday Mss Priya oo ka socotay Bangiga Adduunka waxayna sheegtay Mss Priya in kulankii ay la qaateen guddidii ka socotay xukuumada federalka uu ahaa kulan wax ku ool ah uuna ku dhacay jawi wanaagsan ,waxayna xustay inkulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ee ay si wadajir ah u yeeshaan beesha caalamka iyo xukuumada federalka uu ahaa mid ifinaayo taageero loo fidiyo dowlada taageeradaas oo isugu jirta mid dhow iyo mid dheerba ee mustaqbalka ah,waxaana intaa raacinayaa ayay tiri in si loo sii wado wada xaajoodyada caynkan ah ay dib u soo laaban doonaan muddo labo toddodaab ah kadib. Waxaa sidoo kale hadalo qiimo leh soo jeediyay u qeybsanaha isku dubaridka deeqaha caalamiga ah ahna madaxa hayadda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada ee Soomaaliya Maxwell Gaylard waxana uu sheegay Gaylard inuu ku faraxsan yahay in wadhadaladii maanta ayla yeesheen xukuumada federalka uu ku dhacay jawi is afgarad uuna rajeynayo in mustaqbalka beesha caalamka ay sii wadi doonaan caawinta iyo kaalmada ay siinayaan shacabka soomaaliyeed. FG:- Fadlan dhowr xuquuqda sawirada C/Casiis xasan Max’ed (GOLF) Googooye16@hotmail.com Midnimo jowhar -
^^^ lol @ Johny boy. There will always be problems and this episode will no doubt happen again. Yet you confuse the protest of disgruntled soldiers for the criminal business enterprise in say Xamar as run by Yalaxow et al...
-
Jowhar:World Bank, AU,EU,Arab League IGAD reps hold talks with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
I guess you have no questions.. Let me put this to you, what do you think of the progress of the TFG since relocating to Jowhar?? -
Jowhar:World Bank, AU,EU,Arab League IGAD reps hold talks with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dont talk in ridles old man. What questions do you pose? -
Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo maanta gaaray magaaalda Jowhar oo uu yaalo Kursiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Khamiis, August 04, 2005(HOL): Wafdi ka socda Beesha Caalamka ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed. Wafdigan oo gaaray magaalada Jowhar abaaro 9-kii subaxnimo ayaa waxay ka kala socdaan Midowga Yurub, UN-ka, Talyaaniga, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD iyadoo ay wehliyaan saraakiil ka socota guddiga CMC-da, iyadoo xubnahaasina uu ka mid ahaa ergaygii Dowladda Kenya u qaabilsanaa Shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Danjire Bethuel A. Kiplagat. Xubnaha wafdigan oo ka kala socda ilaa 18 Hay’adood oo Beesha Caalamka ah ayaa kulan kula yeeshay xarunta Hay’adda UNICEF ee magaalada Jowhar guddi heer Wasiir ah oo shalay loo saarya in ay la kulmaan wafdigan, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Md. C/risaaq Cusmaan Xasan (Juriile). Shirka xubnahan oo ka dhici jiray magaalada Nairobi intii ay Dowladda federaalka halkaasi ku sugneyd ayaa waxaa loo wareejiyay magaalada Jowhar bacdamaa Dowladdii Soomaaliyeed ay ku noqotay gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana ajendayaasha shirkan ugu muhiimsan sameynta istaraatiijiyad lagu taageerayo Dalka Soomaaliya, gaar ahaan mid la xiriira dhinaca dib u dhiska. Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa HOL u sheegay isagoo ku sugan magaalada Jowhar in shirkaasi go’aanno lagu taageerayo dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka soo bixi doonaan, isla markaana go’aanadaas loo gudbin doono shir dhowaan ka dhici doona Dalka Talyaaniga, kaasi oo Soomaaliya loogu yaboohi doono dhaqaale dib loogu dhiso, iyadoo shirkaasina ay qabashadiisa kaalin mug leh ku leedahay Dowladda Sweden oo dhaqaale ku bixin doonta. Si kastaba Arrintu ha ahaatee Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu yaalo Kursiga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa ku sii qul qulaya wufuud ka socota beesha caalamka iyo gobolka, kuwaasi oo xubnahooda qaarkood ay daneynayaan in ay xafiisyo ka furtaan. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Warar Dheeraad ah oo aanu ka helay Shirkii Beesha Caalamku maanta ku yeesheen Caasimada Soomaliya ee Jawhar, iyo faah faahin go'aanadii ka soobaxay.Iyadoo la sheegay Wafdigu in uu dib ugu laabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Posted by : webmaster on Thursday, August 04, 2005 - 09:08 AM Gudigii caalamiga ahaa ee CMC iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkooda ugu horeeyay ka dhacay magaalada jowhar oo ah xarunta waxaa soo dhaweeyay furitaanka shirkaas iyo imaanshaha Guddiga Jowhar Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed. Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalmiga C/risaaq juriile iyo gudoomiye k/xigeenka barlamaanka prof. Dhalxa iyo xubno kale oo isugu jiray wasiiro wasiiro k/xigeen ayaa uga qeybgalay Soomaaliya shirka, in kastoo markii dambe shirka ku soo hareen deeqbixiyaasha Caalamiga. Wafdiga ka socday hey’adaha 18-ka koobnaa ayaa waxa ay kala ahaayeen sidan: 1- Cristian Balslev oo ka socday Olsen Unicef 2- Eric Baume oo ka soda EU 3- Moe Husien UNDP 4- Isabel Candela oo ka socda EC 5- Amp. Maxamed Cali Foum oo ka socda AU 6- Priya Gajarat oo Bankiga Adduunka ka socotay 7- Maxwell Gaylard oo UN ka Socda 8- Amp Kipligat oo wakiil u ahaa dowladaha IGAD iyo dalkiisa Kenya 9- Cabadalla Mubaarak oo ka socday Jaamacada Carabta Iyo safiiro ka socday wadamada ka tirsan qaarada yurub. Shirkan ayaa looga hadlayay wixii dowladda u qabsoomay tan iyo markii ay dowladda u soo guurtay gudaha dalka soomaaliya iyo wada qorsheynta dalka soomaaliya sidii loo hormarin lahaa. Ugu horeyn waxaa shirkan furay ra’iisul wasaare geeddi oo isagu safar gaaban shirka ku yimid iyadoo laga codsaday inuu shirka furo isla markaana hadalo gaaban uu ka jeediyo shirka wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay beesha caalamka iyo heyadaha deeq bixiyeyaasha ah isagoo ku tilmaamay in ay yihiin kuwo had iyo jeer gacan ka geysta barnaamijyada loogu gar gaarayo ummada soomaaliyeed. Intaasi kadib waxaa warbixin guud ah wafiga u gudbiyay wasiirka qorsheynta iyo uskaashuiga caalamiga c/risaaq cismaan xasan juriile oo isagu gudoomiye u ahaa xubnaha shirka kala qeyb galayay Juriile oo marka uu shirka dhamaaday u waramay saxaafada ayaa sheegay in ay wafdiga kala hadleen ilaa fara qodob kuwaas oo ahaa warbxin ay wafdiga ka siinayeen waxyabahii u qabsoomay dowladda intii ay dalka ku sugneed iyo dhaqdhaqaaqa shaqo ee dowladda Wuxuuna sheegay juriile in qodobo ay ka mid yihiin qorshaha barnaamijka mucaawinada la siinayo soomaaliya 12-ka bilood ee soo socota iyo qorsheynta barnaamijka dib u dhiska soomaaliya Ugu dambeyntii waxa ay wafdiga u ambabexeen magaalada Nairobi oo aheyd halkii ay ka soo hayaameen waxaana la shaaciyay in ay wafdigan ku soo laaban doonaan magaalada jowhar 18-ka bishan. Idamaale News
-
Jowhar:World Bank, AU,EU,Arab League IGAD reps hold talks with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ You seem to ignore the big events, world donnor bodies coming to the new Capital of Somalia. Yet you concentrate on the hearsay and laymen talk.. :rolleyes: The important thing here is that the government ha skept the support of the international community at the same time gaining a foothold in Southern Somalia. The Hiiraan issue and the one about Cade are yet another example of the tireless spining of the warlord media. they make an ant into an Elephant every two hours. Hiiraan is being threatened by the warlords in Xamar and their lackey Omar Hashi Adan, however do not mistake in the end reason will prevail throught Somalia. Now let me provide you with more info on todays important development, see how safe Jowhar is -
Not even 24hours and they leave by themselves, if only Sharif Xasan and his roadblock owning bosses could learn from the boys in Punt. I guess up in the North East they know how to protest : Ciidamadii Saaka Isbaarada dhigtay Buundada Garoowe oo iskood uga dareeray Posted to the Web Aug 04, 19:12 Garoowe:-Abaarihii 10 Pm ee Galabta ayay ka dareereen Ciidamadii ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Puntland ee saaka waabarigii dhigtay Jidgooyada Wadada Laamiga ah ee Buundada galbeed ee Garoowe. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Md. C/laahi Ciise Axmed, ayaa ii Xaqiijiyay in ay iskood Ciidamadaani u dareereen galabta, wuxuuna ii sheegay in ay la hadleen Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ee 54-aad, ayna u sheegeen in si degdeg ah looga ka xeeyo Ciidanka wadada, haddii kale uu tallaabo adag ka qaadayo Maamulkiisu, magaranayo waxa ay is yiraahdeen iyaka iyo Saraakiishoodu laakiin waa ay ka qaadeen Ciidankii ayuu yiri Mr. C/laahi Ciise. Sikastaba ha’ahaatee, waxaa beryahaan Puntalnd ku soo kordhaya dhibaatooyinka ka imaanaya Ciidamada Puntland, dhowr fal oo dil ah oo ka dhacay magaalooyinka waawayn ee Puntland, ayaa inta badan waxaa lug kulahaa Ciidanka, dhowrkii maalmood ee u dambeeyayna waxay caadaysteen Jidgooyooyin ay dhigtaan wadada Laamiga ah ee iskuxirta gobolada Puntland. Waxaa xusid mudan, in aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay Madaxda sarsare ee Maamulka Puntalnd oo ku aadan arimahaan horseedi kara ammaan-daro soo foodsaarta gobolka, iyadoo dhawaan uu Nin gancasade ah oo ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan magaalada Gaalkacyo uu waanwaan ka galay in la qaado Isbaaro ay dhigteen qaar ka mid ah Ciidanka Badda ee Puntland oo ka gadooday Mushaarooyin ka maqan muddo billa ah sida ay sheegteen, taa soo wajigabax ku ah Maamulka Puntland, maadaamay uusan wax war ah ama tallaabo ah uusan ka qaadin dhammaan arimahaasi. Axmed C/salaaam Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya Contacts:loole25@hotmail.com
-
Jowhar: Wasiirka qorshaynta ee Soomaaliya , wakiillada Baanka adduunka, deeq bixiyaasha iyo IGAD oo si wada jir ah shir jaraa'id ugu qabtay Jowhar - Thursday, August 04, 2005 at 17:58 Jowhar(AllPuntland)- Wafdigii kasocday baanka adduunka , midowga Afrika , midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD ayaa maanta kulamo la qaatay qaar kamid ah golaha wasiirada ee dawladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Raysulwasaare Geeddi. Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlay saddex qodob oo kala ah Mucaawinada dadka Soomaaliyeed la gaarsiinayo 12ka bilood ee soo socda , bannaynta guryaha dawladda , dhismaha guryo cusub oo loo dhiso dadka laga saaro guryaha dawladda iyo wixii dawladda u qabsoomay. Shirkaasi oo saxaafadda loo diiday markii hore ayaa waxaa markii uu soo gabo gaboobay shir jaraa'id si wada jir ah u qabtay Wasiirka qorshaynta ee Soomaliya C/risaaq Cismaan Jurile , uqaybsanaha deeqaha Soomaliya ee qaramada midoobay Maxuel Gylard ,haweenay kasocotay Baanka adduunka oo lagu magacaabo Bria iyo Ambasador Bathuel Kiplagat oo ku hadlayay magaca urur goboleedka IGAD. Wasaaradda Qorshaynta:C/risaaq Jurile wuxuu xusay inay si gaar ah u wada hadleen guddiga xiriirka iyo dabagalka ee isku dhafka ah oo ay si wada jir ah madax u ugu yihiin raysulwasaare Geeddi iyo Maxuel Gylard , iyo guddi hoosaadka qorshaynta oo ay madax u tahay wasaaraddiisu. Mud: Jurile ayaa xusay in shirkii maanta dhacay looga wada hadlay arimaha deeqaha iyo horumarka dawladda ee mustaqbalka . Baanka Adduunka:Mrs Bria oo u hadashay baanka aduunka ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay timaaddo dalka , Soomaaliya , waxay kaloo sheegtay inay ku faraxsantahay in dawladdu ku shaqaysato dalkeedii hooyo, waxay intaasi raacisay in baanka adduunku uu ka qayb qaadan doono horumarka dalka sida dib u dhiska dalka. Waxay sheegtay Mrs Bria in ay aad ula dhacday magaalada Jowhar ee fariisinka u ah dawladda Soomaaliya , laba todobaad kadibna ay imaan doonto. Qaramada midoobay: Maxuel Gylard oo ah uqaybsanaha qaramada midoobay ee deeqaha Soomaaliya ayaa asaguna sheegay in wax la ammaano ay tahay in dawladdu ay dalkeeda ka hawlgalayso , wuxuu kaloo ka hadlay in shirkii ay maanta la yeesheen dawladda uu ahaa mid afgarad ku dhammaaday oo qodobadii laga wada hadlay oo dhan la isla meel dhigay. Mar uu ka hadlayay deeqaha Soomaaliya ayuu sheegay in qaramada midoobay ay mar walba diyaar ula tahay dadka Soomaaliyeed inay gargaarto marka ay dhibaato jirto hase ahaatee loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay kashaqeeyaan xasilinta dalka. Ururgoboleedka IGAD: Bathuel Kiplagat oo ahaa masuulkii dawladda Kenya ay u xilsaartay shirkii lagu soo dhisay dawladda Soomaaliya haatanse wakiil ka ahaa urur goboleedka IGAD ayaa shirkii jaraa'id hadal dheer kasoo jeediyay. Kiplagat wuxuu sheegay in dawladda Soomaaliya ay laba guul oo waawayn gaartay , waa tan horee ayagoo dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya iyo ayagoo bilaabay kulamada beesha caalamka taasoo uu ku tilmaamay mid horu mar ah . Asagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri Mr Kiplagat "Waxaa urur goboleedka IGAD iyo beesha caalamkuba ay wax laqabanayaan dalka Soomaaliya haddii shacabku ay wax qabsadaan, haddii ay Soomaaliya horumar gaarto IGADna horumar ayay gaarysaa". Wuxuu shacabka Soomaaliyeed u dar daarmay inay midnimadooda ilaaliyaan oo ay is garab taagaan dawladda mudada 3 sano ah dhismeheeda loo fadhiyay dalka Kenya. CCC Farayaamo AllPuntland
-
Jowhar:World Bank, AU,EU,Arab League IGAD reps hold talks with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ As always there is more to come, make sure you dont get into shock. Wafti ugu heerka sareeyey ee Ka socda Beesha Caalamka oo Maanta Gaaray Magaalada Jowhar Posted to the Web Aug 04, 15:24 Muqdisho:-Wafdi heer caalami ah oo ka socda beesha caalanka ayaa maanta tagay magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Sh/dhexe,iyadoo ay halkaasina ku sugan yihiin Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo R/wasaare Geeddi. Waftigan oo ka kooban ilaa 18-hay’adood oo ka kala socda Jaamacadda carabta,Qaramada Midoobay,Midowga Yurub ,Midowga Afrika,Wakiilo iyo Hay’ado Calami ah oo ka socda caalamka ayaa ujeedada socdalkoodu waxa uu yahay sidii ay beesha caalamka gacan uga geysan laheyd Dib u dhiska dalka. Waftigan ayaa sidoo kale waxaa safarkooda ku wahelinaya Mr.Batwell Kibligat oo ahaa gudoomiyihii shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida loogu qabtay magalada Nairobi ee dalkasi Kenya,kaasoo lagusoo unkay Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliya ee uu Madaxda ka yahay Mudane C/lahi Yuusuf Axmed. Kibligat oo markii uu kasoo degey Garoonka Jowhar saxaafadda u waramayey ayaa sheegay in ay ujeedada safarkoodu uu yahay sidii ay usii wadi lahaayeen islamarkaana ay taageero caalami ah ugu fidin lahaayeen Dowladda Somaliyeed. Waftiga oo haatan ku sugan xarunta Hay’adda UNICEF ee Jowhar ayaa waxaa ay kulamo ay albaabada u xiran yihiin la leeyihiin Wasiiro ka tirsan Dowladda oo gaaraya ila 7-Wasiir oo uu hogaminayo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga calamiga ah C/risaaq Jurille,oo uu maalintii shalay aheyd uu R/wasaare Geeddi u magacaabay in ay qaabilaan Waftigan ka socda Beesha Caalamka,waxana la filayaa markii ay kulankooda dhamaado in ay saxafadda la hadlaan islamarkaana ay uga warbixiyaan arrimihii ay kawada hadleen. Waftiga ayaa markaa ka dibna la kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed,oo ay ugu tagi doonan Xarunta uu Jowhar ka deggan yahay iyagoo ka dibna u ambabixi doona magaalada Nairobi oo ay markii horaba kasoo kicitimeen. Waa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya yimaadaan tan iyo markii Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliya lasoo dhisay, Xubno caalamiya wadanka Soomaaliya.Sidoo kalena waa markii ugu horeysay oo muddo 15-sano ka dib ah, ay soo gaaraan Soomaaliya xubno caalamiya,tan iyo intii ay burburtay Xukuumaddii Dhexe ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceel) Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya -
........Pictures below are from MIDNIMO.COM website.. Wufuudii ka kala socotay QM,midowga Afrika iyo Bankiga aduunka oo sheegay inay xafiisyo ka furan doonan magaalada Jowhar wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta shabeelada dhexe ayaa sheegaya in wufuudii maanta gaartay halkaas ay shaaca ka qaadeen arrintaas. wafdigan caalamiga ah ayaa kulan kii ay maanta la yeeshen guddigii ay DFKM ee soomaliyed ay u magacawday qaabilada wufuuda caalamimg waxay ku sheegen inay aad ugu faraxsan yihiin sida weyn ee loogu soo dhoweeyay magaalada Jawhar waxayna sidoo kale DFKMS ku bogaadiyen dib ugu guuristeeda gudaha dalka Soomaliya waxayna sheegen inay diyaar u yihiin inay xafiisyadooda kala duwan ay iyaguna dhowaan ka furan doonan magaalada Jawhar,wafdigan ayaa sidoo kale waxay la shireen Madaxweynaha DFKMS Cabdilahi Yusuf Axmed iyo Ra'isal wasaare Cali Maxamed Geedi waxayan sheegen taageeradooda ku aadan dib u dhiska dalka Soomaliya, wafdigan ayaa kulamadan kadib waxay kormeer booqasho ku tageen dhismayaashii dawlada ee burburay. waxayna sheegen inay fulinayaan barnaamijyo dib loogu dhisayo goobahas isla markana waxay ugu balan qaadeen qoysaska aan waxba haysan ee ku jira goobahas inay ku caawin doonan barnaamijyo dib u dejin ah. wafdigan ayaa waxay sheegen in 18 bishan ay booqasho kale ku iman doonan magaalada Jawhar wafdigan ayaa waxay galabta ku laabteen magaalada Niorobo . Horseednet.Com
-
Jowhar:World Bank, AU,EU,Arab League IGAD reps hold talks with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Magacyada Wakiiladii Caalamka ee Maanta ku shiray Jowhar Gudigii caalamiga ahaa ee CMC iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkooda ugu horeeyay ka dhacay magaalada jowhar oo ah xarunta waxaa soo dhaweeyay furitaanka shirkaas iyo imaanshaha Guddiga Jowhar Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed. Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalmiga C/risaaq juriile iyo gudoomiye k/xigeenka barlamaanka prof. Dhalxa iyo xubno kale oo isugu jiray wasiiro wasiiro k/xigeen ayaa uga qeybgalay Soomaaliya shirka, in kastoo markii dambe shirka ku soo hareen deeqbixiyaasha Caalamiga. Wafdiga ka socday hey’adaha 18-ka koobnaa ayaa waxa ay kala ahaayeen sidan: 1- Cristian Balslev oo ka socday Olsen Unicef 2- Eric Baume oo ka soda EU 3- Moe Husien UNDP 4- Isabel Candela oo ka socda EC 5- Amp. Maxamed Cali Foum oo ka socda AU 6- Priya Gajarat oo Bankiga Adduunka ka socotay 7- Maxwell Gaylard oo UN ka Socda 8- Amp Kipligat oo wakiil u ahaa dowladaha IGAD iyo dalkiisa Kenya 9- Cabadalla Mubaarak oo ka socday Jaamacada Carabta Iyo safiiro ka socday wadamada ka tirsan qaarada yurub Shirkan ayaa looga hadlayay wixii dowladda u qabsoomay tan iyo markii ay dowladda u soo guurtay gudaha dalka soomaaliya iyo wada qorsheynta dalka soomaaliya sidii loo hormarin lahaa. Ugu horeyn waxaa shirkan furay ra’iisul wasaare geeddi oo isagu safar gaaban shirka ku yimid iyadoo laga codsaday inuu shirka furo isla markaana hadalo gaaban uu ka jeediyo shirka wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay beesha caalamka iyo hey’adaha deeq bixiyeyaasha ah isagoo ku tilmaamay in ay yihiin kuwo had iyo jeer gacan ka geysta barnaamijyada loogu gar gaarayo ummada soomaaliyeed. Intaasi kadib waxaa warbixin guud ah wafiga u gudbiyay wasiirka qorsheynta iyo uskaashuiga caalamiga c/risaaq cismaan xasan juriile oo isagu gudoomiye u ahaa xubnaha shirka kala qeyb galayay Juriile oo marka uu shirka dhamaaday u waramay saxaafada ayaa sheegay in ay wafdiga kala hadleen ilaa fara qodob kuwaas oo ahaa warbxin ay wafdiga ka siinayeen waxyabahii u qabsoomay dowladda intii ay dalka ku sugneed iyo dhaqdhaqaaqa shaqo ee dowladda Wuxuuna sheegay juriile in qodobo ay ka mid yihiin qorshaha barnaamijka mucaawinada la siinayo soomaaliya 12-ka bilood ee soo socota iyo qorsheynta barnaamijka dib u dhiska soomaaliya Ugu dambeyntii waxa ay wafdiga u ambabexeen magaalada Nairobi oo aheyd halkii ay ka soo hayaameen waxaana la shaaciyay in ay wafdigan ku soo laaban doonaan magaalada jowhar 18-ka bishan. C/Casiis xasan Max’ed (GOLF) Googooye16@hotmail.com Midnimo jowhar Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com -
Jowhar:World Bank, AU,EU,Arab League IGAD reps hold talks with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wufuud ka kala socota QM, Midowga Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka degey magaalada Jawhar Jawhar - 04.August.2005 Wafdigan oo ahaa kii ugu caalamisanaa ee ilaa iyo haatan gaara magaalada Jawhar oo fariisin u ah dawladda federaalka Soomaaliyeed ayaa ka kala socda Qaramada Midoobey, Baanka Adduunka iyo Midowga Afrika. Wafdigan ayaa lagu wadaa in ay kulamo kula yeeshaan magaalada Jawhar, madaxda ugu sarsarraysa dawladda federaalka Soomaaliyeed, waxana wafdigan ka mid ah; Danjie Kiblegat oo arrimaha Soomaaliya. Ujeeddada safarka wufuudan ayaa waxaa ugu weyn sidii dalka dib loogu dhisi lahaa iyo dib u heshiisiinta golayaasha dawladda federaalka Soomaalyeed waxanay daraasad ku samaynayaan dib u dhiska dalka Axmed Xasan Mahad SBC Jawhar ... -
Jowhar:World Bank, AU,EU,Arab League IGAD reps hold talks with TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Beesha Caalamka oo ku shiraysa magaalada Jowhar Jowhar:- Beesha Caalamka ayaa maanta lagu wadaa in shirkoodii ugu horeeyey ku yeeshaan magaalada Jowhar ee xarunta dowlada federaalka. Shirkan ayey kasoo qeyb gali doonaan wafuud ka kala socda hay'adaha caalamiga ah iyo ururada matalayey beesha caalamka shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Kenya. Madaxda ka kala socota: IGAD Midowga Afrika (AU) Midowga Yurub (EU) Jaamacada Carabta Bangiga Adduunka (World Bank ) Qaramada Midoobay (UN) iyo xubno kale ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe si ay shirkaasi uga qeyb galaan. Guddiga Beesha caalamka oo ah mid lagu dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya wakhtigii uu socday shirka dib u heshiisiinta soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay shir noocaan ah ku yeelanaya dalka Soomaaliya gudihiisa. Shirkan ayey ka qeyb geli doontaa dowlada Federaalka ee Soomaaliya. Madaxda matali doonta Dowlada ayaa waxaa kamid noqon doona: Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/risaaq Juriile Wasiirka Xuquuda Aadanaha iyo Arrimaha Bulshada Xuseen Ceelaabe Faahiye Wasiirka Tamarta Maxamed Nuuraani Bakar Wasiirka Dhulka iyo Deegaameynta Mowliid Macaane Wasiirka Xanaanada Xoolaha Ibraahim Maxamed ***** Wasiiro Dowle Cabdulaahi Azhari Wasiiro Dowle Farxaan Axmed Cali Wasiir kuxigeenka Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska Sahro C/qaadir C/raxmaan Guddigan dowlada ka socda ayuu shalay magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi. Qodobka ugu muhiimsan ee shirka maanta ka dhacay jowhar ayaa ah sidii taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed loogu fidin lahaa dowlada Federaalka ee Soomaaliya. Shirkan ayaa asagu markii hore lagu xiray in dowlada Soomaaliya ay u guurto dalka gudihiisa si markaa ay beesha caalamku u aragto tilaabooyinka ay qaaday xukuumada Federaalka. Maxamed Cabdi HorseedNet.com