
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
MALEESHIYOOYINKA MUUSE SUUDI IYO MAXAMED QANYARE OO KHALKHAL GELIYAY ISU SOCODKA GAADIIDKA IYO DADKA MUQDISHO Somaliweyn(Mogadishu,Jan3,2006) Wasiirada Aminga iyo Ganacsiga Maxamed Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi ayaa maleeshiyooyin taabacsan waxay afartii maalmood ee la soo dhaafay xasilooni darri ka abuureen degaanada ay gacanta ku hayaan sida Isgoyska Bakaaraha, Jidka Wadnaha iyo Degmada Kaaraan, waxayna ku soo kordhiyeen isbaarooyin aan hore loo arag iyo farteysi ay ku hayaan jeebabka dadka socotada ah ee maraya waddooyinkaasi. Inkasta oo xaalada nabadgelyo ay bilaabeen maleeshiyada Muuse Suudi, taasoo sababtay in gaadiidka BL-ka ahi ka soo laabto halka loo yaqaan Geedoole, halkaasoo ay shacabka kuwooda doonaya Kaaraan hoose ay maleeshiyooyinkaasi ku baaranayeen wadada, ayaa waxaa xaaladii uga sii daray maleeshiyada Wasiirka Amniga oo iyaguna dib u soo celiyay isbaaro ay qaadeen toddobo bilood kahor. Dib u soo celinta isbaarada Maleeshiyada Maxamed Qanyare ayaa sida la ogyahay waxaa dib u soo celiyay fashilka ku yimid hoggaamiye kooxeedyadii ka midka Wasiirada hubeysan ee Muqdisho oo iyagu ku guul darreystay inay fuliyaan arrimihii ay Muqdisho u yimideen isla markaana ka horjeeday Federaalka, waxayna dad fara badani saadaaliyeen in haddii xaaladu sidan ku sii socoto magaalada Muqdisho uu ka dhici doono dagaal mar kale ka qarxa. Dhinaca kale maamulka Golaha degaanka oo ay hormuud u ahaayeen Wasiirada hubeysan ee Muqdisho ayaa weli ku socda khilaafkii iyo fashilkii uu ku bilowday, waxaana arrintaasi ka hadlay mas’uuliyiin fara badan, iyadoo shakiga ugu weyn ee lagu tuhunsan yahay isku dhaca siyaasadeed ee u dhaxeeya Wasiiradaasi laga akhrisan karo iyagoo ka maqnaa madashii lagu caleema saarayay Guddoomiyaha Golaha degaanka, iyo madashii kale ee lagu dooranayay ku xigeenada Guddoomiyaha ee maalintii shalay ka dhacday xarunta Xisbiga, ilaa iyo iminkana wax hadal ah kama soo saarin Wasiirada hubeysan ee magaalada Muqdisho ugu tunka weyn. -- Jabriil Maxamuud Nuur/Somaliweyn/Mogadishu "
-
^^^ Dear sister are you really the Xarago I knew or an imposter? For the Xarago I knew would not have miss read that line.
-
The RRA faction or political wing, is in my opinion the most over hyped political or millitary faction in recent Somali history. For one it brought no peave to the people of BAY& BAKOOL, in fact the area is sliding to bitter meaningless cla conflict,everyday one ehars there is a renewd fighting in that vicinity. The RRA , leaders Shatigaduud, Xabsade and Adan Madobe are stooges of who ever pays them the most. For example Xabsade is stuck with his old paymaster Abdiqasin, what ever Abdiqasin does he is right there, his city is occupied by troops from Abdiqasin;s clan led by Inda Cade. The other RRA leaders are stuck in wajid "training troops" who sometimes shoot at each other. And while the area burns they are unable to do anything. So there needs to be a rethink with the regards to the RRA who are too weak and lack the backbone to bring about any change one way or another.
-
Actually that is funny, but MMA is wright that those names are Somali names. Even though their prominane in politics have been by Yalaxow and Gabow or the Mogadishu factions...
-
^^^ Well actually in all the Somalia's including the part inhabited by "landers" there is none that had the impact of Amin Ammir,.. If you could bring no one even from the "Landers" area except the tow deceased founders then it is not my fault dear siste.
-
Madaxweyne Yusuf iyo Guddomiye Sharif oo heshiis wada gaaray Madaxweynaha DFKM ee Soomaliya Cabdilahi Yusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Barlamanka DFKS Sharif Hassan Shiikh Adan ayaa heshiis horudhac ah kugaaray magaalada Cadan, Masuuliyin Yeminiyin ah ayaa sheegay in la filayo in labadan hogaamiye ay berrito arbacada ay heshiis buuxa isla gaari doonan ,masuuliyantan ayaa waxa ay sheegen madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax uu goob joog ka noqon doono heshiiska, inkasta oo aan ilaa iminka aan si rasmi ah loo shaacin qodobada uu ka kooban yahay heshiiskani ayaa waxa ay masuliyin yemeniyin ah oo u dhuun daloola wada hadalada dhex maraya labada dhinac waxa ay sheegen in heshiiskan uu ka mid yahay qodob tilmaamaya in wasiirada iyo waaxyaha dawladu ay u guuran magalada Muqdisho halka madaxweyne Yusuf uu isagu ku sugnaan doono magaalada Jowhar ilaa uu ka helo awood uu ku sugi karo amaankiisa gaarka ah wixii tafaasil ah oo ku saabsan heshiiskan oo soo kordha isha ku hay "horseednet.Com" Horseednet.Com
-
But up in the North the neighbouring country called Somaliland we had people like C/raxman and Egal (May Allah grant them peace in the hereafter). My siste with all due respect we are talking about 2005. Not the Somali of the century. The late Elman died more than years ago, if around in 2005 would have been in contention. So who do you think made a major contribution in 2005?
-
Heshiis hordhac ah oo ay gaareen Yuusuf iyo Shariif-ku Cadan:-Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka FS Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa qodob ahaan ku heshiiyay in Dowladda ay si toos ah ugu soo guurto Magaaladda Muqdisho. Heshiiskani oo hordhac loona arko in uu soo afjari doono khilaafka ragaadiyay Dowladda FS , waa sida ay maanta Shaaciyeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Yemen oo labadda Dhinac ku dhex dhexaadinaya dalkaasi Yemen. Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Gudoomiye Shariif Hassan Sheikh Aadan oo wadahadal ku leh Mgaaladda Dekeda ah ee Cadan ayaa lagu rajo weynyahay in maalinta beri ah ay gaaraan heshiis kama dambeys ah oo ku aadan in Dowladda FS ay si rasmi ah guud ahaan ugu soo wareegto Mgaaladda Muqdisho, waa sida ay hadalkooda sii raaciyeen saraakiil u hadashay dowladda Yemen. Shalay ayay gaaraan heshiis horudhac ah oo ku aadan in Dowladda FS ay guud ahaanba u guurto magaaladda Muqdishu, laakiin wadahadalka waa uu sii socdaa maalinta beri ee Arbacadda ayay suurtagal tahay in ay saxiixdaan heshiis kama dambeys ah iyada oo saxiixaasina uu goob jog ka noqonayo Madaxweyne Cali Cabdalle Saalax†ayuu yiri sarkaal u hadlay Dowladda Yemen oo maanta la hadlay saxaafadda. Saraakiisha Dowladda Yemen ayaa sheegay in heshiiska ay gaareen Shariif Xasan iyo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu qorayo in wasiiradda iyo waaxyaha kale ee Dowladda in ay u wareegaan oo guud ahaantoodaba ay isugu yimaadaan Magaaladda Muqdishu oo ay dowladda Muqdishu ay soo dagto ka hor inta Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ay u cadaanayso in amaanka Magaaladda Muqdishu laga sugayo. Dowladda Yemen ayaa dhex dhexaadineysa wada hadal u dhaxeeya labadda dhinac ee kala boodsan ee Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya ee ku muransan halka ay tahay in dowladda ay sal dhigato iyada oo labadda dhinac ay horay u diideen in ay ku wada hadlaan Magaalooyinka ay kala joogaan ee Jowhar iyo Muqdishu. koox uu horkacayo Madaxweyne Cabdulaahi Yusuf ayaa degan magaaladda Jowhar oo 90 kilo mitir dhanka waqooyiga kaga aadan magaaladda Muqdishu, iyada oo kooxda madaxweynaha la jirta ay rumeysanyihiin in Muqdishu aysan amaan aheyn. laakiin koox kale oo la safan Shariif Xasan ayaa ku adkeysanaya in Muqdishu tahay caasimadda dalka sidaasina ay ku qeexantahay Dastuurka. labadda dhinac ee Dowladda FS ayaa isku eedeeyay erayo dagaal doon ah iyada oo warbixin Q.M ay soo saartayna lagu muujiyay in labadda dhinac ee DFS ay isku hub aruursanayaan, taasi oo dhalisay cabsi ah in mar kale lagu kor dagaalamo shacabka Soomaaliya dad ahaan iyo xoola ahaanba ku tabcaanay dagaalo sokeeye tan iyo markii Xukuumaddi Siyaad bare la tuuray. Hase ahaatee hogaamiyaasha ku hubaysan magaalda Muqdisho ayaa ku guul daraysatay inay amaanka soo celiyaan iyo weliba inay isbaarooyinka dadka lagu baarto kaqaadaan magaalada, waxaa iyana intaas dheer kooxo islaamiyiin ah oo cidna ka amr qaadan dawladuna ay cabsi xoogan ka qabto. Cali Cabdi Cali (Suxeyfa) alisuheifa@hotmail.com
-
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan oo ku heshiiyay in dowladdu u guurto Muqdisho Posted to the Web Jan 03, 14:48 Cadan (PP) – Wararka ka imaanaya Magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yusuuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay gaareen heshiis hordhac ah oo sheegaya in Dowladda ay u guurto Magaalada Muqdisho halkaasna ay ku shaqeyso. Hadalkaan oo ay saraakiil ka tirsan dowladda Yemen gaar ahaan wasaaradda Arrimaha dibadda ee Yemen ay siiyeen Wakaaladda Wararka ee Reuter ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku ay heshiiskaas gaareen xalay mar ay kulan hordhac ah ay yeesheen, waxaana ay saraakiishaan sheegeen in labada hoggaamiye ay si weyn u doonayaan inay heshiis kama dambeys ah gaaraan, waxaana ay sheegeen in go’aankaan la shaacin doono maalinta Arbacada ah oo berri ku aaddan oo ay sheegeen inuu ku eg-yahay kulammada ay yeelanayaan. Mas’uuliyiintaan oo ka qaybgalay kulankii xalay ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay dowladoodu ay ku dadaalayso sidii ay labadan mas’uul u gaari lahaayeen heshiis dhab ah oo ay dib ugula laabtaan dalkooda iyo dadkooda isla markaana uga shaqeeyaan dalka iyagoo hal meel ka jeeda, waxaana ay si weyn u caddeeyeen madaxdaas inay ku dadaalayaan in kulankaan uu noqdo mid miro dhal ah. Sida wararka Puntlandpost ka soo gaaraya magaalada Cadan ee dalka Yemen ay sheegayaan waxaa galabta la filayaa inay mar kale wadahadallo ku yeeshaan magaalada Cadan Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana kulankaan uu noqon doonaa kulan rasmi ah oo ay yeeshaan labadan mas’uul kii ugu horreeyay, marka laga reebo kulankii hordhaca ahaa ee ay xalay yeesheen. Kulammada mas’uuliyiintaan ayaa la filayaa inay maalinta berri ah soo gabagaboobaan, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah ay labada mas’uulba si wadajir ah u shaacin doonaan qodobbadii ay ku heshiiyeen, waxaana la filayaa inay arrintaas soo dadajiso heshiis ay gaaraan xubnaha dowladda ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, taasoo keeni karta in dowladda Federaalka Soomaaliya 4-sano ee u hartay si wadajir ah uga shaqeyso dalka. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia
-
Shariif-ka & C/llaahi Yuusuf oo maanta Yeman ka soo saaray war ay soo dhoweeyeen shacabka Soomaaliyeed Kulan dhowr saacadood qaatay, ayey maanta ku yeesheen magaalada Cadan ee dalka Yeman madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed & Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana kulankaasi ay labada mas’uul ku shaaciyeen in mabda’ ahaan la isku raacay in dowladu u guurto Muqdisho, isla markaana la magacaabo guddiyo farsamo oo sii diyaariya qaabka ay dowladdu u saldhigan doonto Muqdisho. Labada mas’uul waxey sheegeen in ay berri Yeman ka soo saari doonaan qodobada heshiiskii kama dambeysta ahaa ee ay ku gaareen Yeman, waxaana hadalkii maanta ee ku saabsanaa imaatinka Muqdisho ee dowladda federaalka si weyn u soo dhoweeyey shacabka ku dhaqan G/Banaadir oo ku tilmaamay haddii uu talaabadaasi uu ka dhabeeyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf in ay wax weyn ka bedeli doonto xaaladda Soomaaliya. Saraakiisha Yeman oo ay soo xiganeysay wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in wadahadalada labada mas’uul uu goob joog ka ahaa madaxweynaha Yeman Cali Cabdalla Saalax. Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho Ku noqo beejka
-
Shariif Xasan oo si rasmi ah ula heshiiyay C/hai Yusuf kadib markuu ku tilmaamay xubnaha Muqdisho kusugan kuwo aan waxqabad diyaar u ahayn oo amaro kale ku shaqeeya Jan,3.2006 Radiofreesomalia Madaxweynaha DFS iyo Afhayeenka PFS Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Qilaafkoodii soo afjarmay ,kadib markuu Shariif Xasan garowsaday Cida doonaysa iney dalka wax ka qabato , Heshiiskani oo loo arko in uu soo afjaray khilaafkaqilaafkii DFS , waxaana maanta Shaaciyay in heshiis buuxa laka saxiixday. Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Afhayeenka BFS Sharif Hassan Sheikh Adan oo wadahadal ku leh Mgaaladda Dekeda ah ee Cadan ayaa lagu rajo weynyahay in maalinta beri ah ay afjaraan heshiis kama dambeys ah oo ku aadan in DFS ay si ramsi ah guud ahaan u wada howl galaan Heshiiskaa ayaa wuxuu Yimid ka dib markii uu Shariif Xasan Shiikh Aadan uu arkay Sumcad xumida ka qabsatay shirkii baarlamaanada Carbeed oo isagoo taagan lagu yiri kooxda aad hor kacayso waa sharci daro oo xaq uma aad lihidiin dhirkan adiga wax casumaad ah ma wadatid ee isaga dhaqaaq, sidaa dabadeed wuxuu wacay Cabdullahi Yusuf oo uu ku yiri waan kula heshiinaya ee aan kuugu imaado AYemen , Sidaa ayuuna Madaxweyne C/llahi Yusuf Ku aqabalay heshiiska Maadaama uu isbedel muujiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan. editorial@radiofreesomalia.com
-
C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo heshiis hordhac ah gaaray Cadan-03.January.2006 Madaxweynaha dowladda federaalka kmg ee Somalia iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulan ku yeeshay magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa waxaa la sheegay inay heshiis hordhac ah gaareen oo ku saabsan halka ay ku hawlgelayaan hay'adaha xukuumadda. Saraakiil ka tirsan dowladda Yemen oo ku dhow dhow shirka mas'uuliyiintaasi ayaa shaaca ka qaaday in labada dhinac ay isku afgarteen in dowladdu ay degto magaalada Cadan. Heshiiskaasi waxaa si rasmi ah ay labada dhinac ay ku saxiixi doonaan xaflad maalinta berri ah lagu qaban doono magaalada Cadan oo la sheegay inuu goob joog ka ahaan doono madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax. Waa tanaasulkii ugu waynaa ee uu madaxweynaha dowladda federaalka kmg ee Somalia ku dhaqaaqo tan iyo markii xagga fikirka ah ay isweydaareen isaga iyo gudoomiyaha baarlamaanka. Hadaba waxay su'aashu tahay rogaal celinta ka iman doonta xubnaha ku sugan magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ee kawada tirsan dowladdii lagu soo dhisay Nairobi waxa ay noqon doonto. Barre C/laahi(Nabad-doon) SBC Cadan, Yamen.
-
Breaking news: Sanca Agreement Yusuf Sharif
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Shaken and stired are we OLOL. The point made by Nayrus is 100% correct. Mr Qaynyare has been outplayed by Abdiqasin and now has only to use his position as a minister and the leverage he has on Sharif to survive. But we wait and see, if some of the warlords can be convinced that their interest lies in the Federal government or in the clan politics of Mogadishu.. -
The warlord media, Onkod & Dayniile are reporting that Sharif Xasan has reached an agreement with the President... Also Qaynyare, Sudi and other factions are flying to the Yemen capital... Only these two portals carry this news.
-
Abdiqasin move angers Qaynyare, return of road block..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Guddoomiyaha xisbiga miudnimada jamhuuriga Cali Tima Jilic “Haddii uusan C/Qaasim si daacadnimo ku jirto wax u heshiisiineynin in uu maanta arrimo qabiil soo dhexgalo aadbaan uga xunahay ,waana wax aan la maleysaneynin†Jan 2,2006 Radiofreesomalia Full post on abdiqasin Horn saxib, maybe I am the only one going after the man who for a while has been "unheard orunseen" HERE ARE OTHER INFO Abdiqasins clan gets BANADIR Tartankii doorashada Gudoomiyaha golaha degaanka gobolka Banadir oo uu ku guulay stay ninkii uu watay Cabdiqasim Salaad , MAxamed " TOTO"isagoo si aad usaraysa kaga guulaystay musharixiintii Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare, Abdiqasins man wins one sided election Opinion on Somaliweyn.. -
^^^ I agree, the mistake on both sides has been that they thought they could survive on their own. The parliment must come together then there will a real hope of restoring peace and security.
-
Starnge, Sharif went Yemen, and his main ally Qaynayre feels cheated. Of course Horn Afrik is worried their man Tooto and master Abdiqasin just might have changed things.. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo qarka u saaran inuu ku biiro xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar Kadib markii in muddo ah oo ka badan sanad khilaaf u dhaxeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowladda KMG ah C/llaahi Yuusuf ayaa hadda waxaa soo baxaya rajada laga qabo in Shariif Xasan wax ka bedelo mowqifkiisa hore isagoo qaati ka taagan wax qabad la’aanta xubnaha muqdisho ayaa sababtay inuu muujiyo weji furan oo uu kula heshiinaayo Madaxweynaha. Waanwaan ay wadaan Wakiilada Yeman iyo Kenya iyagoo gacan ka helaya shaqsiyaad Soomaaliyed ayaa la sheegay in Shariif Xasan ogolaaday inuu wadahadal toos ah la yeesho Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuna ballan qaaday inuu shuruud la’aan la heshiin doono. Ilo Wareed ayaa waxay xaqiijinayaan in Shariif Xasan ku dhawaaqi doono in la soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynaha ama isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha. Qaar ka mid ah Xildhibaannada ku sugan Xamar ayaa waxay sheegeen in Shariifku laga yaabo inuu ku biiro xubnaha Jowhar kadib marka ay wada hadlaan isaga iyo Madaxweynaha. Hadal haynta ugu badan Magaalada muqdisho maanta ayaa waxay ahayd socdaalka kediska ah ee Shariif Xasan xalay ku tagay Magaalada Sanca ee dalka Yeman,iyadoo halkaasi ku sugan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
-
So far Amin Amir is ahead... The man left a mark on me this year more so than anyone else. The late Abdulkadir Yahye I never new nor was familiar with his work. No doubt a man of courage who had the respect of many in Mogadishu. Amir highlights the ********* of the Somali politicla situation. Most of the major players, including President, PM , Minister wit or without guns have only demonstarted that they are defending their side of the argument. We have yet to see a real political heavy weight.. Amir's picturs give a holistic view of the situation.
-
Abdiqasin move angers Qaynyare, return of road block..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
No jest, brother the group in Mogadishu or the government faction wanted to create an adminstration counter to Cade Gabow. Muse and Qaynyare agreed to divide the top post by their respective clans. As the game came to a close, Mr Abdiqasin jumps in with a new plan, lets hold elections and may the best man win. Qanayer jumps at this and says we agreed from before that the "natural" clans would run Banadir. He takes his candidate an boycots the "election" leaving Mr Abiqasins man to run alone, supported by Hor Afrik radio and the millitia of Inda cade and hence declared the new Governor of Banadir. So Musa lost his clans claim to Banadir, Qaynayre lost out again and Abdiqasin got his man "elected". So now we have. Horn, saint Abdiqasin has just made his biggest mistake. He splintered the faction he was fostering and Qaynyare as ever the reactionary reacts quicker than anyone else.. -
Malleeshiyo ka amarqaata Wasiirka Amniga Qaranka oo dib u soo celiyay isbaaro u taallay gudaha Magaalada Muqdisho Posted to the Web Jan 01, 19:09 Muqdisho (PP) - Malleeshiyo taageersan Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax ayaa dib u soo celiyay isbaaro lacagaha baadda ah looga qaado gadaadiidka isticmaala isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Isbaaradaan oo la qaaday 7/6/2005 xilligaas oo ahayd xilli ay xubnihii dowladda Federaalka Soomaaliya ballan ku qaadeen inay maamul iyo kala dambeyn ka sameynayaan Gobolka Banaadir, waxaana isbaaradaan ay ahayd isbaaradii u horreysay ee laga qaado waddooyinka magaalada Muqdisho, inkastoo dib loo soo celiyay galabta iyadoo waddadaas ka maqnayd in ka badan 6-bilood, waxaana la sheegay in soo laabashada isbaaradaaan ay salka ku hayso khilaafka ba'an ee u dhexeeya wasiirrada hubeysan ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Markii la maqlay soo laabashada isbaaradaan ayaa dadweynaha Muqdisho waxay farta saareen wadnaha iyagoo ka cabsi qaban inay isbaaradaan dabada ku wadato dagaallo sokeeye oo mar kale ka curta magaalada Muqdsiho, waxaana dadweynaha Muqdisho ay ku tilmaameen soo laabashadeeda inay salka ku haysto caro uu ka carooday xubnaha kale Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afax wasiirrada kale ee hubeysan ee ay jaalka yihiin. G/Sare Faarax Cabdulle Gacan (Faarax Garam-garam) oo ah taliyaha maleeshiyooyinka Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax ayaa caddeeyay soo celinta isbaaradii malleeshiyooyinkooda u oolli jirtay isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho wuxuuna ku sheegay soo labaashadeeda inay ka dambeysay kaddib markii Xubnaha Dowladda ee Muqdsiho ku sugan ay ku guuldarreysteen inay maamul loo dhan yahay u sameeyaan magaalada Muqdisho, wuxuuna Garam-garam sheegay inay iyaguna dib u soo ceshadeen isbaaradoodii, maadaama ay ku guuldarreysteen xubnana labada gole ee Muqdisho ku sugan maamul u sameynta Gobolka Banaadir waa sida uu hadalka u yiriye. Darawallada Gaadiidka wada ee ka shaqeeya waddada wadnaha ayaa sheegay in galabta laga qaaday lacago gaaraya 30-50-kun oo Shillin Somali ah, loona sheegay in berri lacagahaan la gaarsiin doono in ka badan 100-kun oo Shillig Somali ah haddii ay dhiibi waayaanna loogu hanjabay in la dili doono, taasoo ay sheegeen darawallada inay tahay dhibaato hor leh oo la soo darsitay howl maalmeedkooda. Dib u soo celinta Isbaaro horay loo qaaday ayaa siyaasiyiinta u dhuun daloola arrimaha Soomaaliya waxay ku tilmaameen inay tahay arrin naxdin leh oo laga yaabo in mar kale ay dalka ka huriso dagaallo sokeeye, waxayna sheegeen in khilaafka wasiirrada hubeysan haddii uu bilaabay in dib loo soo celiyo isbaarooyinka ay dhibaato kale dadka u horseedi doonaan. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
-
Amin Ammir arts The most important political columnist alive in Somalia today is Amin Ammir. His vivid depiction of the issue that affect every Somali has made him in my opinion the man who has had the most impact in the political arena of 2005. Mr Ammir I salute you..
-
Hu accepts credentials from ambassadors - Sunday, January 01, 2006 at 15:44 Chinese President Hu Jintao accepted the credentials presented by the first ambassador to China from Grenada since the two countries resumed diplomatic ties and by other 11 new ambassadors to China on Wednesday. China and Grenada resumed diplomatic ties in January, 16 years after such relations broke off due to that the Caribbean island country established diplomatic ties with Chinese Taiwan Province. The Grenadian ambassador is Joslyn White man, who arrived in Beijing on Nov. 23. The other ambassadors include: Djamel Eddine Grine from the Democratic People's Republic of Algeria, Fatmir Xheladini from the Republic of Macedonia, Antti Kuosmanen from the Republic of Finland and Abdulla A-Rahman Hussain AL-Muftah from the State of Qatar. They also include: Rashid Olimov from the Republic of Tajikistan, Charles Mumbala Nzanku from the Democratic Republic of Congo, Boubakar Adamou from the Republic of Niger, Mohamed Ahmed Awil from the Somali Republic, Diab Nemer Mohammed Allouh from the State of Palestine, Ahmad Eklil Hakimi from the Islamic Republic of Afghanistan and Kamil Suktanov from the Kyrghyz Republic. Those ambassadors arrived in Beijing in the last three months respectively
-
Mogadishu: Abdiqasin Warlords bring more confusion..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xoogsade, the problem is not that people dont want to see a sandard adminstration for the capital and the important Banadir region. The problem is that everytime some one is named, or appointed the warlords and other parties try to derail the efforts of that individual. This has been on going as you know for the past 15 years. Every government since then has appointed a governor or mayor for Banadir and Mogadishu. Now if the ministers and the factions in Mogadishu wanted to create an admisntration based on clan as they claimed, then by all means let all Somali;s support it if it brings peace to our capital. But as you will see it might get even worse for the capital.. Latest news a new Governor is appointed.. Guddoomiyaha golaha deegaanka gobolka Banaadir ayaa maanta loo doortey Maxamuud Cumar Tootoo. January 01, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Xaruntii hore ee xisbiga hanti wadaaga kacaanka Soomaaliya oo iminka xarun KMG u ah xubnaha baarlamaanka ee kusugan magaalada Muqdisho xaflad si weyn loo soo aggaasimey oo maanta ka dhacdey ayey xubnaha golaha deegaanka ee dhowaatan la magacaabey waxa ay guddoomiye u doorteen Maxamuud Cumar Tootoo, iyadoo xafladaasina ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin katirsan labadda gole ee dowlada federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo ka socotey qeybaha bulshada kudhaqan gobolka Banaadir. .............................. Now you would think that the warlords who where behind this effort would support it? War deg deg ah Max’ed Qanyare oo gaashaanka ku dhuftay qorshe ay u soo jeediyeen xubno ka tirsan labada gole beesha , kuna hanjabay in uu qaadacayo golaha deegaanka haddii aanan qeybsiga xubnaha lagu saleyn sidii horay loogu heshiiyey Muqdisho ........................................ Qaynyare said no, Musa wanted his own man and it is Abdiqasin who got his man through thus spoiling the process for the warlords. So now they the warlords have another excuse to say NO, because just like Cade Gabow their man is not the head of the new Banadir council.. Maxamed Xiireey Maxamed [qaynyares candidate]: “Qaabka ay wax u socdaan waa wax dhibaato abuuraya, Waxa manta dhacayna raali kama ahi, waayo wixii lagu heshiiyay ayaa la hareer maray†Janaayo 01, 2006 Markacadeey. -------------------------------------------------------------------------------- “Qaabka ay wax u socdaan waa wax dhibaato abuuraya, Waxa manta dhacayna raali kama ahi, waayo wixii lagu heshiiyay ayaa la hareer maray†sidaasi wxaaa yiri Maxamed Xiireey Maxamuud oo ahaa musharaxii u taagnaa gudoomiyenimada golaha deegaanka maamulka gobolka Banaadir. Maxamed Xiirey ayaa sheegay in ay qiyaano ahaayeen waxyaabihii manta ka dhacay xaruntii hore ee Xisbiga, isaga oo sheegay in manta uusan kulankaasi ka qeyb gelin, maadaama buu yiri uu khilaaf ka taagnaa habka wax loo qeybsanaayo. -
Where the Ignorant Rule, the Masses Agonize WardheerNews Editorial December 31, 2005 .. A wonderful articl, a true reflection of our problems in this day and age..
-
^^ Tragic news, may Allah make it easy for our people..