General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha oo maanta u kuurgalay xaalada Degmada Berdaale isla markaana soo furay Xero tababarayo maleeshiyaadka Deegaanka Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta u kuur galay xaalada Degmada Bardaale oo 58km galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo, islamarkaana xariga ka jaray xero lagu tababaro maleeshiyaadka deegaanka, iyadoo halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey waxaana uu warbixino ka dhagaystay Gudoomiyaha Gobolka iyo kan degmada Bardaale. Ra'iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi oo shacabka la hadlay xili roob aad u weyn uu ka da'ayey deegaankaasi ayaa waxa uu u sheegay in ay jiraan kuwo Gaari-Dameero hub kusoo galiya deegaanadan kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo wax u dhimaya nabadgalyada iyo xasiloonida Gobolka wuxuuna u sheegay in wax weyn laga qaban doono isla markaana si wanaagsan loola socdo. Wasiirka Arrimaha Gudaha Eng. Xuseen Maxamed Ceydiid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in la keeni doono Ciidamo Booliis oo suga amaanka Degmada Bardaale kuwaasoo laga keeni doono buu yiri Xerada 20 jiroow oo dhawaan ay kasoo qalan jabin doonaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Cirka Md. Maxamed Ibraahim Xaabsade oo bulshada reer Bardaale kula dardaarmay inay hubkooda iyo Maleeshiyaadkooda lagu soo wareejiyo dowlada Federaalka isla markaana lagu soo xareeyo buu yiri Xerada maanta loo furay kuwaasoo tababaro kala duwan ku qaadan doona sidii ay u noqon lahaayeen Ciidamo Qaran. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Cirka Md. Maxamed Ibraahim Xaabsade oo dadweynaha ku dhiiri galiyey in aan waxba laga hagran doonin lana siin doono wax walbo oo ay dowlada u awoodo wuxuuna ku dhiiri galiyey sidii ay bulshada wax u qabsan lahayd. Wafdiga dowlada Federaalka oo heer wasiiro ka koobnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Barre Hiiraale, Ra'iisul wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Xanaanada Xoolaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Cirka Md. Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Md, Salaad Cali Jeelle iyo xubno kale oo ka mid golaha Wasiirada. Booqashada Dowlada kmg ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xili Ciidamada Maxaakiimta ay kusii qul qulayaan aagaga hore ee deegaanada u dhawdhaw magaalada Baydhabo iyadoo laga cabsi qabo dagaal ka qarxa gobolka Bay. Gudoomiyaha Gobolka Bay Xaaji Barbaar Bidix Xaabsade midig Barre Hiiraale
  2. Ciidamo kenyan ah oo la soo dhoobay xuduuda gobolka Gedo Baardheere 10, Nov.06 ( Sh.M.Network) Ciidamo Kenyan ah oo aad u fara badan ayaa la soo dhoobay Xadka Kenya ay la wadaagto gobolka Gedo. Dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada wadanka Kenya ayaa si weyn looga dareemay deegaano ka tirsan giobolka Gedo, kuna yaala xuduuda kala qeybisa labada dal, inkastoo dhaq dhaqaaqaasi ciidan uu yahay mid kooban oo dowladda Kenya ay ugu talo gashay in ay ku adkeyso amniga xuduuda ay la leedahay dalka Kenya. Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Militariga dalka Kenya oo ay wehliyaan kuwa booliska, kuna qalabeysan gawaarida gaashaaman in la soo dhigay xuduuda u dhaxeysa magaalooyinka Ceelwaaq Kenya iyo Ceelwaaq Somalia, iyagoo fariisimo ka sameystay meel u dhow labada magaalo. Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceelwaaq oo shabelle ugu waramay saakay qadka isgaarsiinta fooneeyaha ayaa waxa ay sheegeen in la arkayay boqolaal ciidan oo habeen iyo maalin gaafwareegaya xuduuda u dhaxeysa labada magaalo, kuwaasi oo baaritaan ku haya dadka socotada ah ee isaga kala goosha labada magaalo, waxaa kale oo ciidamadaasi ay xayiraad ku soo rogeen isgaarsiintii teleefoonada ee magaalada Ceelwaaq Kenya ay la laheyd dalka Somalia iyo waliba dhaq dhaqaaqa ganacsiga. U jeedada ciidamadaan loo soo dhoobay xuduuda ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay mid ay ku xoojinayaan amaanka isla markaana ay ka hortagayaan xiisadah colaadeed ee ka soo socda K/Somalia. Axmed Cumar Saalixi Shabelle Media Network Gedo E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
  3. ^^^The people of Mogadishu will get their passport like any other region. It is the courts who are saying they wont accept the passport. No one from the government side wants to deny them the right..
  4. ^^^Insha Allah mate.. Dawlada Fedaralka Kmg Somaliya oo sheegtay Baasaboor Cusub oo Somaliya yeelanayso iyo Midawga Maxkamadaha oo walac ka muujiyay Basaborka Cusub Posted to the MOL November 10, 2006, 9:34 am Nayroobi:- Midawga maxkamadaha ayaa walaac ka muujiyay Baasaboorka Cusub ee Somaliya yeelanayso oo dhawantaa la hirgalin doono sida uu shegay Wasirka Arimaha Dibada ee Dawlada Fedaralka Kumeelgaarka Somaliya Ismaciil Hurra Buubaa. Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday isaga oo jooga dalka Kenya in dowladdu federalku ay Sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhaqan galinayso Baasaboorka cusub ee Somaliya. Wasiirka Ayaa yiri" Dowladdu waxa ay dhamees tirtay Sameynta Baasaboorka Cusub waxayna bilaabi doontaa adeegsiigiisa sida ugu dhakhsiyaha badan iyadoo loo sameeyey hab computer la marinaayo oo cusub kana duwan kii hore islamarkaana waafqasan xeerarka Caalamiga ah ee socdaalka lasoo saaray. Wasiirku waxa uu sheegay in uu ka duwan yahay kii hore isla mar ahaantaasna la badali Karin oo aan lagu soo sameyn Karin meel kale ilaa ay dowladu sameeso mooyee. Arintaan ayaa ay walaac saa’ida ka muujiyeen Midowga Maxaakiimta kadib markii ay Dowladu sidaan ku dhawaaqday iyaga oo u arka in ay siinayso Xoog saa’ida oo ay Dawladu yeelatay iyadoo ay jirto Masuuliyiin farabadan oo ka tirsan maxakiimta oo haysta baasaboorkii hore. Walaacaan ku yimid midowga maxaakiimta ayaa ah mid keeni kara in ay istaagaan dhaq dhaqaaqyada ay maxaakiimtu ka wadaan dalalka shisheeye iyadoo ay soo marayso Dawladda federalka lana aqoon sanayo baasaboorka cusub ee Somaliya sidaa darteedna ay dhib ku keenayso midowga maxaakiimta oo aan isticmaali Karin baasaboorada ay soo saareen Dawladda Federalka ah ee Somaliya. Maxamed C/qaadir Khalaf Galkacyo, Puntland, Somaliya Mudugonline.com
  5. Baydhabo: Cabdi Qaybdiid oo socdaal ku tagay Baydhabo, kana qayb galay furitaanka xarun Melitry. Jimce, November 10, 2006 Baydhabo (AllPuntland)- Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa dhowaan gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Col. Qaybdiid ayaa waxa uu kulamo la qaatay ra`iisul wasaraha dawladda Soomaaliya iyo wasiirka gaashaan dhiga ee dawladda Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo. Cabdi Qaybdiid ayaa waxa uu kala hadlay madaxda dawladda ee dalka Soomaaliya sidi loo tayayn lahaa ciidamada dawladda. Qaar ka mid ah hogaamiyaashii dagaalka ayaa waxa ay socdaalka ku wehliyaan uu Col. Cabdi qaybdiid ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta dawladda. Waxa uu maanta ka qayb galayaa furitaanka xarun tababar ciidan oo la filayo in uu ra`iisul wasaare Geddi albaabada u furo oo ku taalla degmada Ceel bardaare. Cabdi Qaybdiid ayaa waxa uu dhowaanahaan ku sugnaa gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, isaga oo xaalad difaac ka waday gobolada Mudug iyo Galgaduud. Maaha markii ugu horaysay oo uu Col. Cabdi qaybdiid gaaro magaalada Baydhabo, iyada oo horay uu kulamo kala duwan la qaatay madaxwaynaha Soomaaliya iyo mas`uuliyiin kale. Mahad Jama Koronto AllPuntland
  6. Geedi oo furaya xero Ciidan 10 Nov 10, 2006, 02:00 Xubno Wasiiro ah oo uu horkacayo ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa saakay u ambabaxay deegaanka Bardaale oo ka tirsan gobolka Bay, si ay halkaasi ugu soo furaan xero ciidamada Dowladda lagu tababaro. Wafdiga ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhiga Col. Bare Aadan Shire (Hiiraale) oo xariga ka maanta ka jaraya xeradaasi ciidan, Wasiirka arrimaha gudaha ahna ra'iisul wasaare kuxigeenka, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wasiirka warfaafinta Jangeli iyo xubno kale oo labada gole ka tirsan. Degmada Bardaale oo qiyaastii 55 dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ayaa waxaa halkaasi ku sugan Malishiyaad beleed oo taageersan dowladda KMG ah, iyadoo maalmihii u danbeeyay deegaankaasi la geeyay Malishiyaad laga saaray gudaha magaalada Baydhabo. Ra'iisul Wasaare Geeddi ayaa la filayaa in furitaanka deugsiga tababarka ciidamada Bardaale uu ka jeediyo khudbad uu ku dhiirigelinayo ciidamada dowladda. Cali Muxiyaddiin Cali, Garowe Online
  7. Golaha Maxkaamadaha oo dareen ka muujiyey Dhoolatus ay Ciiddamaddo isugu jira Maraykan iyo Kenyaati ka wadaan meel ku dhow xuduudka dalka Somalia . Mogadishu , Jimco, Nov 10. 2006 Radio Simba Golaha Maxkamadaha Islaamka Somalia, ayaa dareen ka muujiyey dhoolatuska Milliteri ee aan la sii shaacinin oo ay Ciidamadda Maraykanka iyo kuwa Kenya si wadajir ah uga samaynayaan xuduudka ay Kenya la wadaagto dalka Somalia Mas'uul ka tirsan GMIS, ayaa sheegay inay Kooxo Khubarro ah oo ka socda Ciiddamadda Maraykanka ay ku sugan yihiin dhul-xuduudeedka u dhexeeya Dalalka Somalia iyo Kenya , si ay uga sameeyaan Dhollatus Milliteri oo aan horey loo sii shaacinin. Mas'uulkaasi, oo maanta Wareysi Khaas ah siiyey Wargeyska Asharqal Awsad ee ka soo baxa Magaalladda London, ayaa sheegay inay dareen ka bixinayaan Dhoolatuskaasi aan sababta lahayn, isla markaana aan horey loo shacinin, iyadoo ay Ciiddamo ka kala socda dalalka Maraykanka iyo Kenya ka qeyb galayaan Dhoolatuskaasi oo socon doono muddo dhowr maalmood ah. Dhinaca kale, Mas'uulkaasi oo aan magaciisa la shaacinin, ayaa ku sheegay Wareysigaasi inay Ciiddamadda Kenya boqolaal ka tirsan Ciiddamadooda soo dhoobeen xudduudka ay la wadaagaan Somalia, wuxuuna xusay inay Ciiddamadaasi ku hubeysan yihiin Madaafiicdaa Goobta iyo hub aad u casri ah. Mas'uulka, waxa uu iska fogeeyey inay dhici karaan Dagaal dhex mara GMIS iyo Ciiddamadda dalka Kenya, inkastoo uu xusay inay la macaamiltami doonaan Ciiddamo kasta oo Kenyaati ah oo soo gala gudaha dalka Somalia. Mas'uulkaasi ka tirsan GMIS ee maanta u waramay Wargeyska Asharqal Awsad, waxa uu carrabka ku dhuftay in dagaalka Asaasiga ah uu GMIS kala dhexeeyo Dalka Ethiopia, ee uusan ahayn mid ay kula jiraan Dalka Kenya ama Dowladaha kale ee Juqraafi ahaan ku hareeraysan Geeska Afrika. Hadalka Mas'uulka u hadlay GMIS, ayaa ku soo beegmay hal maalin kadib, markii ay Dowladda Kenya sheegtay inay Ciiddamo badan soo dhoobtay xuduudka ay la wadaagaan dalka Somalia, isla markaana ay Ciiddamadda Maxkamadaha ku soo dhawaadeen xuduudkooda. Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Moosis Watangula, ayaa dorraad ka hor sheegay Baralmaanka dalkiisa inay Ciiddamadda Kenya adkeeyeen joogitaanka Xuduudka ay Somalia la wadaagaan, isagoo arrintaasi ku sababeeyeey si ay ula socdaan Xaalladaha ku soo kordhayo Arrimaha dalka Somalia. Simba Media Center , Mogadishu
  8. Muqdisho: Maxkamadaha Muqdisho oo sheegay in Maddaarka Muqdisho uusan ka socon doonin Baasaboorka Cusub ee DFku ay soo saartay. Khamiis, November 09, 2006 Muqdisho(AllPuntland)- Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho ayaa maanta soo saaray diidmo ku aaddan in la baddalo baasaboorka qaddiimiga ah ee Soomaaliya. Maxkamadaha ayaa sheegay in baasaboorkan cusub ee dawladdu soo saartay uu adkaynayo socdaalka, haddii lagu baddalo kii hore. Baasaboorka hore ee dalka Soomaaliya ayaa caalamka oo dhan laga diiday marka laga reebo dhowr dal oo wali aamminsan xiriirka Soomaaliya, waxaana dawladdu ay qorshaysay inay soo saarto baasaboor baddala kii sida sahlan lagu heli jiray. Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa baasaboorka Soomaaliya si sahlan looga sooqaataa, ayadoo xataa dadka ajnabiga ah ee ay dadka Soomaalida kala muuqaal fogyihiin ay qaateen, sanadihii lasoo dhaafay. Sargaal maxkamadaha ka tirsan oo lagu magacaabo Sheekh C/raxiin Muuddeey ayaa sheegay in maxkamaduhu aysan aqoonsan doonin baasaboorkaasi, agtoodana uusan kasocon doonin, gaar ahaan garoonka caalamiga ah ee Muqdisho. Wuxuu sargakan sheegay inay habboontahay in dawladdu ay sugto inta ay dhammaanayaan wada hadallada dib u heshiisiinta ee Socda. Dawladda Federaalka ayaa sanadkii ugu danbeeyay ku hawlanayd inay soo saarto baasaboor aan si sahlan loo bad badali karin, waxayna ku guulaystay inay baasaboorkaasi daabacdo. CCC Farayaamo AllPuntland
  9. daawo sawirada 4 baasaboor oo ay yeelanayso Dawlada Fedaralka Kumeelgarka Somaliya oo la soo bandhigay Posted to the MOL November 10, 2006, 9:36 am Munaasabad Ballaaran oo maalintii shalay lagu qabtay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu soo bandhigay afar baasaboor ah oo ay Dowladdu dhowaan dhaqan gelin doonto sida la sheegay. Munaasbadaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Diblomaasiyiin ka socotay Beesha caalamka iyo madax kale,iyadoo munaasabdaasna lagu soo bandhigay afar baasaboor oo nooc cusub ah. Xaquuqda Sawirada: alldarwish.com Munaasabada lagu soo bandhigayay Baasaboorada cusub ayaa waxaa ka hadlay Mas'uuliyiin Dowladda oo ay ugu horeeyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cismaaciil Buubaa iyo Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka C/llaahi Sh. Cusmaaciil oo sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka baasaboorada loo gaarsiinayo Gobolada Dalka soomaaliya. Waxa ay Diblomaasiyiin ka soo qeyb gashay Munaasbada ka codsadeen in ay aqoonsadaan Baasaboorka Cusub oo ay Dowladdu soo bandhigtay,iyagoo sheegay baasaboorka uu yahay nooca (Electronic Passport). "Gobol kasta wuxuu xor u yahay in uu sameysto dad loo tababaro qaabka bixinta baasabooradan, waana baasaboorada la gaarsiinayaa dhammaan gobolada dalka, waxaana howsha bixinta baasaboorka aan billaabneynaa sida ugu dhaqsiyaha" ayuu yiri Gaafow oo ahaa Madaxii waaxda Socdaalka ee Dowladii Kacaanka. Waxa uu Mr Gaafow sheegay in Dadaal dheer oo ay sameysay dowladda kmg oo soconyaya muddo labo sano ah ayuu sheegay in ay keentay in la sameeyo afar baasaboor oo midibyo kala duwan leh kuwaasoo kala ah: 1) Ordinary Passport 2) Travel document 3) Diplomatic passport 4) Service Passport Baasaboorada Cusub ee ay Dowladdu soo bandhigtay ayaa sida la shaaciyay dhaqan geli doona muddo lix bilood kadib,kaasoo bedeli doona Baasaboorada ay hada soomaalidu istyicmaasho,kaasoo dalal badan laga diiday. Maxamed C/qaadir Khalaf Galkacyo, Puntland, Somaliya Mudugonline.com
  10. Gaalkacyo: Dibad bax aad u ballaran oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Jimce, November 10, 2006 Gaalkacyo (AllPuntland)- Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta ka dhacay dibad bax aad u ballaaran oo looga soo horjeeday maxkamadaha magaalada Muqdisho. Dibad baxani oo ay soo qaban qaabiyeen ururada bulshada rayidka ah ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u fara badan oo u badnaa dhaliyaro iyo haween. Dadkani ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo lid ku ah taageerayaasha maxkmadaha magaalada Muqdisho. Waxa ay socod ku soo mareen wadooyinka waawayn ee magaalada iyo goobaha ay ku kulmaan dadka ee lagu qaxweeyo. Waxa dhibaato ah kama dhicin dibad baxaasi iyada oo ay hadallo u jeediyeen qaar ka mid ah qaban qaabiyayaashii dibad baxa. Isku soo wada duuboo waxa uu watay dibad baxaani dareen aad u ballaaran, iyada oo lagu tilmaamay kii ugu ballaarnaa ee looga soo horjeedo maxkamadaha Muqdisho oo ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya. Mahad Jama Koronto AllPuntland
  11. Mudaharaad looga soo horjeedo Midawga Maxkamadaha oo maantya ka dhacay Magalada Galkacyo Posted to the MOL November 10, 2006, 9:44 am Gaalkacyo:- Mudaharaad rabshado wata oo ay soo qabanqaabiyeen dadwaynaha magalada galkacyo ayaa maantay ka dhacay bartamaha magalada galkacyo ayagoo dadku ay socod kumareen dhamaan xaafadaha magalada ka kooban tahay iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin hadalo looga soo horjeedo midawga maxkamadaha, Dad Aad u farabadan ayaa isugu soo baxay banaan bax ka dhacay magaalada galkacyo halkaas oo ay ku dhawaaqayeen hadalo ay ka mid ahaayeen dooni mayno maxaakiimta dooni mayno Calooshiis u shaqeeste Dooni Mayno Doolar Qaate. Mudaharaadkaan ayaa ku wajahanaa Ganacsatadii lagu soo xiray xabsiga magalaada galkacyo ee been abuurka ka sameeyey masuuliyiin farabadan oo aan ku luglahayn liiskii ay soo qoreen Dadka lagu tilmaamay in ay iyagu qaateen lacago si ay khalkhal nabadgalyo daro uga sameeyaan magalada galkacyo oo ah magalo xasiloon. Banaan baxaan oo socday saacado ayaa ay soo mareen xaafadaha magalada galkacyo iyo bartahamaha magalada iyadoo ay hadaladooda ay ku dhawaaqayeen ay ka mid ahaayeen Dooni mayno Doolar Qaate iyo kuwa kale. Majirin wax masuuliyiin ah oo soo qaban qaabiyay Mudaharaadkaan oo hadalo ka jeediyay marka laga reebo dadwaynaha oo iyago barxadaah magaalda rabshado iyo qaylo ka waday ayaa markii danba iskii ukala tageen dadkii mudaharaadyay. Maxamed C/qaadir Khalaf Galkacyo, Puntland, Somaliya Mudugonline.com
  12. Bakar, come on brother, when have I villified a whole clan, I deal in facts. If we want justice and Islam then lets start with each area, end the politics of force, start with the men who have for a decade used force to occupy other areas, I am not attacking the people of Galgaduud, South Mudug or Banadir and so on, we both know what the issues are, so dont try to skip them.
  13. ^^^David & Bmbo, again I have outlined a realistic solution, put the guns down, vacate the occupied areas and respect the law of the land. Keep using Tigray and the religion to mask the naked agenda of a clan and you will lose.
  14. Bambo & David. The clan courts need to vacate Bay, Bakool, Gedo, Juba's and Lower Shabbele and stay in their clan terriroties if they are fearing a clan takeover from others as you would have us belive. The clan courts want to keep a monopoly over the fertile south and this is a no no, no government and least of all Yusuf's will ever agree to such demands. So either leave in peace or war, thats the choice. But the locals will take over the adminstration of these areas.. The TFG has always had the support of the ordinary man and Yusuf was elected in an open election defeating the supposidly popular Abdiqasin, Cadow and every strong man from Mogadishu, they told us this was impossible, now they tell us the clan courts are invincable? Ethiopia, Kenya, Yemen, Sudan are local allies, and the international community as a whole supports the TFG. NN, you are right the President should just avoid these clan courts and keep building up the armed forces and focusing on his plan and national agenda.
  15. ^^^lol. Thats one hell of a tribute..I am still waiting for the Eyl picks old man.
  16. I think the clan courts abd their media are clutching at every straw... I suggest we lower the tension, because Somaliland agree or disagree with the system, is an important Somali entity...
  17. ^^^We can agree on many things. Whats your angle on these matters?
  18. ^^^Well put. Hence the latest change of tone from courts...
  19. Sakhar, you are right, the all out war, will take place maybe not now, since the clan courts are hell bent on gaining by force what they can not gain through diplomacy. I have said it is not an impossable task to defeat them and that will be the likely option, but as you alluded to it depends on certain factors but the situation as it is can not be maintained. ........ Xox, I agree with the last point you made, it would be unfair to send peace keepers to one clan's land and not another, Bay, Bakool. Lower Shabble, the two Juba's and Gedo are not clan courts country and must be vacated by them. The land between South of Galkacyu to Mogadishu should they create an admin like Puntland and Somaliland, then there would be no need for even a single foreign soldier. I am not calling for injustice.. Also note that Mogadishu is the capital and thus all its institutions should be under the TFG otherwise it will lose its status and become just another city.. Thats a choice for its people.
  20. ^^^Riyaale already travels and does not use a Somali passport, maybe like many of us they hold dual nationality, British, Canadian, and so on. Governemnt power is not only how many villages it can take or how many technicals it has, it is also how many nations recognise it, the world recognise the TFG and no one recognise Somaliland and the clan courts... You are right it is a great advantage, hence all the noise.
  21. ^^^ XoX, Who's land is it? The clan courts or the people of Bay&bakool, Lower Shabbele and so on. The hostility comes from the clan courts who are the occupiying powers of the south, thus any peace keepers is seen as weakening their hold on other peoples land. My clan armes are part of the TFG's , they do not have any factions outside Puntland [regional governemnt] and TFG national governement. They neither claim nor have design on other clans lands. Somaliland is a good example, it is a regional state and does not need to be disarmed, its arms are used to protect its citizens in the form of Police and security personnel. The model is for the people of every state to take responsability for their won security with minimal national armed forces. The clan courts arms are used to further a single clans agenda at the expense of local clans..