
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Puntland oo sheegay in uu dib u qabsaday deegaanadii laga qabsay Mogadishu 12, Nov.06 ( Sh.M.Network) Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qaaday, ayna iska difaaceen, iyadoo madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse iyo ciidamo fara badan ay soo gaareen magaalada Galkacyo. Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland oo ragga wararka fidiya la hadlay ayaa waxa uu ku eedeeyay maxkamadaha islaamka Somalia in ay soo weerareen meelo ay joogeen ciidamadooda, deetana ay iska difaaceen, dibna ay u qabsadeen deegaanadii laga qabsaday. Dhinaca kale banaanbaxyo iyo abaabulo ayaa waxa ay ka jiraan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Galkacyo oo lagu doonayo sidii la isaga difaaci lahaa maxkamadaha islaamka, Hadal heynta ugu weyn ee gobolka Puntland ayaa waxa uu noqday xiisadaha dagaal ee ka oogan gobolka Mudug iyo dhaq dhaqaaqa ciidamada maxkamadaha islaamka ee ku sii siqaya magaalada Galkacayo
-
Wararkii ugu dambeeyay dagaalada Bandiiradley 12 Nov 12, 2006, 02:51 Madaxweynaha DGPL Cadde Muuse Xirsi oo wata Gawaari Dagaal ayaa hadda ka baxaya Xarunta Madaxtooyadda DGPL si uu uga qayb-qaato Dagaalka ka socda Deegaanka Bandiiradley. Magaaladda Garowe ee Caasiamdda DGPL aya si weyn looga dareemayey saakay dagaalka ka dhacay Bandiiradley, waxaana lagu arkayey hadal haynta dagaalkaas oo ka socta meelkasta oo ka mid ah Meheradaha lagu ganacsado Magaaladda. Sidoo kale, Dumar iyo haween ku dhawaaqayey doonimayno Maxkamadaha iyo Dagaal ayaa saaka ka dhacay Magaaladda Garowe walow uu Mudaharaadkaasi ahaa mid aan sidaasi u sii balaarnayn. dhanka kale, Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaaladda Galkacyo waxay shegayaan in dhaawac badan la keenay Isbitaalka Magaladda Galkacyo ee dhinaca Konfurta (Baraxley).Akhri wararka dagalka oo dherada ah Axmad Maxamad, Garowe Online
-
Madaxwaynaha Puntland oo ku soo foole Galkacyo saacadaha soo socda kadib Dagaal ka qarxay Gobolka. Allmudug.com 12-11-2006:- Madaxwaynaha Puntland ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu soo gaaro magaalada Galkacyo kadib markii uu ka soo amba baxay Caasimada DG Puntland ee Garoowe. Safarka madaxwaynaha ayaa waxaa uu la xariiraa dagaal ka soo cusboonaaday deegaanka Bandiiradley una dhexeeya Maxaakiimta Muqdisho iyo Ciidamo kala taabacsan Puntland Iyo Cabdi Xassan Cawaale qaybdiid. Madaxwaynaha oo ay la socdaan Ciimado lixaadle oo sida la sheegay gurmad usamaynaya Ciidamada Jiida hore ayaa kusoo foole Magaalada Galkacyo iyadoo lagu wado inay usii gudbaan Deegaanka Dagaalku ka socdo. Mar aan saaka booqday Xarunta Gobolka mudug ayaa waxaa la ii sheegay in amar guud ay haystaan Ciidamada Daraawiishta oo ah in lagu jiro xaalad dag dag ah amarna ay u haystaan inay talaabo cad ka qaadaan cidii loo arko inay ku lugleedahay dagaalada ka socda Bandiiradley. Cabdinuur Mohamed Seeraar qalay2005@hotmail.com Allmudug.com Galkacyo.
-
Galkacyo: 12-11-06 {Allmudug.com} Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Bandiiradley: Allmudug.com 12-11-2006:- Daqaal qaraar ayaa saaka ka bilowday deegaanka Bandiiradley dagaalkaan oo udhexeeyay ciidamada qaybdiid iyo kuwa Maxaakiimta ayaa hada u xuub siibtay mid u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Maxaakiimta oo ah labada awoodood ee ku loolamaya Gobolada dhexe. Ciidamada Puntland ayaa dagaal qaraar kadib gadaal uriixay ciidamada Maxaakiimta iyadoo laga qabsaday gawaari dagaal ciidamada maxakiimta dagaalka ayaa hada wali si toosa uga soconaya duleedka bandiiradley iyadoo labada qolo guula sheeganayaan. Dhanka kale warar aan ka helayno ilo madax banaan ayaa xaqiijinaya in dhimasho aan la shaacin tiradooda iyo dhaawac 20 nin ka badan la geeyay Degmada Cadaado sidoo kale waxaa magaalada Galkacyo ka socda diyaar garow aad u xoogan oo ay samaynayaan ciidamada Daraawiishta iyadoo la arkayay Gawaari dagaal oo ku sii qulqulaysa aaga dagaalka. Mar aan la xariinay ila goob joogayaal ku sugan deegaanka Bandiiradley ayaa waxaa naloo xaqiijiyay inay wali daafaha magaalada ka socoto Madaafiic aan kala go’ayn oo ay is dhaafsanayaan labada ciidan goob joogayaashaan ayaa waxay kaloo noo sheegeen in markii hore ciidmada Maxaakiimtu ay ka awood roonaadeen ciidamada Qaybdiid balse markii dambe ay gurmad usameeyeen Ciidamada Puntland halkaasna uu ka qarxay dagaal balaaran. Cabdinuur Mohamed Seeraar Qalay2005@gmail.com Allmudug.com Galkacyo
-
^^^Their firts report was saying there were no troops leaving Puntland and now this. I wait for more news...
-
^^^Garow-Online have become anti Puntland, they broke with the Shabbele news and have been hyping the courts the past days. A big story no doubt, but the courts will lose all the sympathy they "might" have had in Mudug, its like the Hiiraale episode, the clans of Puntland as a whole will fight like never before.. The clan courts have had time to bring their foreign fighters to the area.. Allpuntland, puntland post are reporting troop movements from Galkacyu and Garowe...
-
GAROOWE : Cadde Muuse iyo Ciidan aad u xoogan oo iminka u ambabaxaya Gaalkacyo Posted to the Web Nov 12, 08:06 Garoowe:-Cadde Muuse Xirsi M/waynaha DG Puntland iyo Ciidan aad u badan oo wata baabuur aad u badan oo kuwa dagaalka ah ayaa iminka u ambabaxaya magaalada Gaalkacayo si ay uga qayb qaataan difaaba magaaladaasi oo ay saaka weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka kala yimid Koonfurta dalka. Saaka waabarigii ayaa Ciidanka Maxaakiimta ay dagaal ku soo qaadeen magaalada Bandiiradleey wuxuuna halkaasi dagaal aad u culus ku dhexmaray Ciidanka Puntland iyo kuwa Cabdi Qaybdiid. Lama xaqiijinkaro khasaaraha halkaasi ka dhacay laakiin waxaa la sheegayaa in uu dagaalku uu wali iminka socdo ayna jirto dhimasho iyo dhawaac iyo baabuur la kala qabsaday oo labada dhinacba ah. Puntlandpost.com
-
BANDIIRADLEEY :Dagaal kharaar oo ka socda agagaarka Bandiiradleey Posted to the Web Nov 12, 08:00 Bandiiradleey:-Dagaal Culus ayaa iminka ka socda agagaarka magaalada Bandiiradleey ka soo dhexmaraya Ciidanka Puntland iyo kuwa Maxaakiimta Muqdisho , saaka waabarigii ayaa dagaal ay soo qaadeen Ciidanka Maxkamadaha waxaana la sheegayaa in uu dagaalku labada dhinacba uu khasaar u gaystay oo ay dad ku dhinteen baabuurta dagaalkana lagu kala qabsaday. C/raxmaan Maxamed (Bankax) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Ciidanka Puntland ay soo weerareen Ciidamo ka kala yimid gobolad Banaadir iyo Shabeelooyinka ku waa soo cadow ku ah jiritaanka Puntland. Bankax wuxuu ballan ku qaaday in Ciidanka Puntland uu isdaafici doono islamarkaasna ay cawaaqibxumo ay la kulmi doonaan. Wixii war dheeraad ah kala soco Puntlandpost.com
-
Maxkamadaha oo dagaal kaga adkaadey Qaybdiid 12 Nov 12, 2006, 01:47 Dagaal u dhexeeya Ciidamada Col. Cabdiqaybiid oo tageero ka helaya kuwa Puntland iyo Maxkamadaha Islaamiga ah ee Koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa saaka ka dhacay Deegaanka Bandiiradlay. Dagaalkan oo aan ilaa iyo hada la hayn khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay ayaa lagu soo waramayaa in ciidamadii Cabdiqaybiid iyo Kuwa Puntland looga Xoog roonaaday lagana qabsaday Magaaladda Bandiiradlay. Afhayeen u hadley Maxaakiimta oo lagu magcaabo Max'uud Max'ed Jimcaale Cagoweyne ayaa sheegey in Ciidamada Cabdi Qaybdiid oo kaalmo ka helaya kuwa Puntland ay u riixeen tuulada Laan Waaleey ee ku taal xuduuda dalaka Somaliya la leeyahay Itoobiya. Cago weyne ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen tuulooyinka Bandiiradleey, Dagaari, sadax-Higlo iyo xalaal oo 20 km u jira magalaada Galkacyo. Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa hadda ka baxay Ciidamo gurmad ah oo ku sii jeeda Jiida hore. Magalada Galkacyo ayaa khalkhal weyn ku jirta waxaana si weyn looga dareemayaa saaka Dagaalka Bandiiradlay , Mar aan khadka taleefoonka kula xiriiray dad ku sugan Magaaladda Galkacyo waxay noo sheegeen in ayna jirin wax cid ah oo ka baxday Magaalada balse si weyn ay cabsi uga jirto. Axmad Maxamad, Garowe Online
-
Garoowe: Madaxwaynaha Puntland oo ku soo fool leh magaalada Gaalkacyo. Axad, November 12, 2006 Garoowe (AllPuntland)- Madaxwaynaha dawlada goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Jen.Cade) ayaa waxa uu saacadaha soo socda ku soo fool leeyahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxwayne Cadde oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo saraakiil dhanka amaanka ah ayaa waxa ay magaalada u imaanayaan arrimo ku aadan dhanka amaanka. Mudane. Cadde ayaa waxa uu socaalkiisu ku soo aadayaa iyada oo meelo ka mid ah gobolka Mudug uu ka soconayo dagaallo ay isaga hor imaanayaan ciidamo taageersan maxakmadaha magaalada Muqdisho iyo ciidamado isku dhaf ah oo ka kala socda Puntland iyo Koonfurta gobolka Mudug. Madaxwaynaha Puntland ayaa dhowaanahaan waxa uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo isaga oo wada hadallo la yeeshay qaar ka mid ah wax garadka gobolka. Mahad Jama Koronto AllPuntland
-
Horn, they seem to both be bulshiting, the story is still breaking thus we must keep an eye on it.
-
Bandiiradley: Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Bandiiradley. Axad, November 12, 2006 Bandiradley (AllPuntland)- Dagaalo aad u kharaar ayaa waxa ay wali ka soconayaan jidda hore ee deegmada Bandiiradle. Ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho oo saaka soo qaaday dagaalka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dib loo riixay, iyada oo haatan dagaalku uu ka soconayo meel 7 KM dhanka Koonfureed ka xigta degmada Bandiiradley. Saraakiil ku sugan jiidda dagaalka ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in uu jiro khasaare labada dhinac ah iyada oo dagaalladii ugu danbeeyay ciidamada maxkamadaha looga qabsaday gawaari dagaal oo aad u fara badan. Waxaa soconayo gurmadyo aad u fara badan oo ka baxaya magaalada Gaalkacyo, iyada oo haatan xaaladda magaaladu ay dagan tahay. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada maxkamdaha oo diiday in magacooda la soo xigto ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in uu jiro khasaare aad u ballaaran oo soo gaaray ciidamadooda, dagaaladii ugu danbeyay. Wali waxaa soconaya dagaal aad u wayn iyado oo aan si rasmi ah loo ogaan karin khasaraha dhabta ah. AllPuntland
-
Maxkamadaha islaamka oo 19 Km u jirsaday Galkacyo Mogadishu 12, Nov.06 ( Sh.M.Network) Dagaal xoogan ayaa saakay tuulada Bandiiradleey ku dhex maray ciidamada maxkamadaha islaamka iyo ciidamo taageersan Cabdi Qeybdiid oo ay la socdeen sida la sheegay ciidamo reer Puntland ah, iyadoo maxkamadaha islaamka ay sheegteen in dagaalkaasi ay ku adkaadeen. Afhayeenka golaha maxkamadaha islaamka ee gobolada dhexe Max'uud Max'ed Jimcaale Cagoweyne oo u waramay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii saakay ka qarxay halkaasi uu geeystay qasaaro naf iyo maalba leh, iyado dhankooda uu soo gaaray labo dhimasho ah iyo dhaawacyo uusan sheegin tiradooda. Afhayeenka waxa uu sheegtay in ciidamadii Cabdi Qeybdiid oo kaalmo ka helayay kuwa Puntland iyo Ethiopia ay u riixeen dhinaca Tuulada Laan-waaleey ee xuduuda Ethiopia iyo Somalia. Inkastoo aanu jirin warar ka madax banaan sheegashada afhayeenka ayaa hadana warar kale oo laga helay magaalada Galkacyo waxa ay sheegayaan in labo ruux oo dhaawac ah la geeyay magaalada Galkacyo. Cago weyne Waxa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen tuulooyinka Bandiiradleey, Dagaari, sadax-xiglo, xalaal oo 20 km u jira magalaada Galkacyo. " Waxa aynu qabanay wadada dheer ee u dhaxeysa Galkacyo iyo Gelinsoor, Galkacyona waan ku sii siqnay" ayuu yiri afhayeenkaan/ Xiriir aanu la sameynay dhinaca kale ayaysan inoo suurto galin in aynu helo, qadadka teleefoonada oo aad u xumaa. Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo Puntland oo far badan la keenay dhinaca waqooyi ee magaaladaasi, si ay u kaabaan kuwa Cabdi Qeybdiid oo la tilmaamay in loo riixay dhinaca Ethiopia waa sida ay sheegteen Maxkamadaha. Waxii ku soo kordha kala soco shabelle.net Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
-
diiradley: Dagaallo ka dhacay duleedka koonfureed ee Bandiiradley. Axad, November 12, 2006 Bandiiradley(AllPuntland)- Dagaallo xooggan ayaa xalay iyo saakaba ka dhacay duleedka Koonfureed ee deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug. Dagaalladan ayaa xalay fiidkii ka dhex bilowday maxkamadaha iyo ciidamada Puntland iyo ciidanka koonfurta Mudug oo difaac ugu jiray in maxkamaduhu aysan u tallaabin gobolka Mudug . Dagaalka fiidkii xalay dhacay ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa mid ay weerarka lahaayeen maxkamadaha Islaamiga , oo weerar gaadmo ah kusoo qaaday fariisimada ciidamada ku midoobay difaaca gobolka Mudug. Wararku waxay sheegayaan in khasaarooyin ay jiraan hase ahaatee ma jirto ilo lagu kalsoonaan karo oo si rasmi ah u xaqiijisa dagaalkan khasaraha uu keenay. Warar kale oo isla Bandiiradley naga soo gaaraya waxay sheegayaan in gawaari dagaal lakala qabsaday , mase jirto cid xaqiijisay sida loo kala qabsaday. Maxkamadaha Muqdisho ayaa la sheegay in dib loogu durjiyay deegaannada ay dagaallada kasoo qaadeen , ayadoo iminka la sheegayo inay gurmadyo dalbadeen. Dhinaca ciidamo dheeraad ah oo ka kala socda Puntland iyo kuwa koonfurta Gaalkacyo ayaa diyaar garow ballaaran la galiyay, waxaana muuqata in shacab fara badan oo Mudug ku dhaqan ay aad xun yihiin dagaalladan dhacaya. AllPuntland , waxay ku mashquulsan tahay inay xogtii ugu danbaysay kaasiiso arimahan soo cusboonaaday CCC Farayaamo AllPuntland.
-
All are concerned with measuring fame While the poor are consoled by pain My land and my lost name For centuries my people haven’t gained The masses move in hordes insane A few words to the brave We will get out of this hole this cave We must fight in ways they can’t understand Because this man is but a man Somalia stirs my heart It’s my passion my poison my true pain You have to be a nomad to comprehend That my land of warriors produces true friends None are as proud or as blind None smarter with such twisted minds Each and everyone of them a sultan Each a king to his clan But Somalia you must change You must see the value of compromise You must respect and listen to the wise
-
All are concerned with measuring fame While the poor are consoled by pain My land and my lost name For centuries my people haven’t gained The masses move in hordes insane A few words to the brave We will get out of this hole this cave We must fight in ways they can’t understand Because this man is but a man Somalia stirs my heart It’s my passion my poison my true pain You have to be a nomad to comprehend That my land of warriors produces true friends None are as proud or as blind None smarter with such twisted minds Each and everyone of them a sultan Each a king to his clan But Somalia you must change You must see the value of compromise You must respect and listen to the wise
-
Sakhar, no one is trying to destroy the state. Dont get carried away with what Mogadishu want and what Puntland elders, religious folks want. The adoption of Shariah law, should be welcomed and it will strengthen the state as a whole. No need for violence or supression of the people. The admin will have to adapt or become extinct. In the areas of corruption, equality and Qad abuse, the Shariah law would bring great benefits. However this will not mean Puntland comes under the Mogadishu courts.. We will insha Allah retain our Federal state..
-
Can the two criminals/warlords stop Kacdoonka shacabka Puntland
General Duke replied to Jabhad's topic in Politics
Shariah law yes, but done ever think that it will benefit any agenda outside Puntland. The news hype aside the change in termsof dealing with corruption, Qad and other social ills will enhance the state further. Puntland wont go away, a removal of the old guard will arise in time but the state shall remain. As for Qaybdeed he is not part of Puntland.. -
Kenya bans Somalia flights after US terror warning (AFP) 11 November 2006 NAIROBI - Kenya on Saturday ordered the suspension of all flights to and from neighboring Somalia for security reasons, after a US warning that Somali extremists are plotting suicide attacks in the country. Amid deteriorating conditions in the lawless nation where the weak transitional government is girding for war with powerful Islamists, Kenyan authorities ordered a halt to air service beginning Monday. ‘Effective from Monday, all flights to Somalia are suspended until further notice,’ Kenya’s principal immigration officer J.K. Ndathi said in a letter addressed to immigration staff at all of Kenya’s airports. The order affects scheduled six-days-a-week service from Nairobi to Mogadishu and three other Somali cities offered by two carriers -- Dallo and East Africa Express airlines -- as well as numerous cargo flights. In addition, it requires charter airlines to get specific exemptions to the ban. ‘All charter flights to Somalia must get clearence one week before the flight, which must be accompanied by the passenger manifest, travel documents and reasons for travel,’ Ndathi said. The letter, a copy of which was obtained by AFP, gave no explanation for the move, which comes as tensions within Somalia soar and Nairobi’s relations with the Islamist movement there become increasingly frosty. Government spokesman Alfred Mutua said security was the primary reason. ‘We have indefinitely suspended flights between Kenya and Somalia for security reasons,’ Mutua told AFP, declining to elaborate. The step follows a US warning that radical Islamists had threatened suicide attacks in Kenya and Ethiopia, countries that support the transitional Somali government, and urged Americans in the nations to use ‘extreme caution.’ The Islamists have dismissed the alert but last weekend Kenyan authorities briefly detained several senior Islamists whose small plane landed at Nairobi’s Wilson Airport after being diverted by weather from its destination in Somalia.
-
TFG rejects Sharif Xasan deal with clan courts as 'irrelevent
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia peace deal 'irrelevant' Somalia's transitional government has dismissed as irrelevant an agreement struck between a group of Somali MPs and the Union of Islamic Courts. Spokesman Abdirahman Dinari said the MPs - led by parliament speaker Sharif Hassan Sheikh Adan - did not have a mandate to negotiate. The MPs went to Mogadishu a week ago after Arab League mediation efforts in the Sudanese capital Khartoum failed. The seven-point agreement called on both sides to agree to return to talks. It also pledged to maintain an arms embargo and prevent any foreign interference in Somalia. However, the transitional government - which has little influence outside the town of Baidoa where it is based - has called for the arms embargo to be lifted and for a foreign peacekeeping force to protect it. The Islamists have taken control of most of southern Somalia since seizing the capital, Mogadishu, in June. 'Unacceptable' The deal was struck late on Friday in Mogadishu. The government responded after a cabinet meeting the next day. "The government does not accept this initiative," Mr Dinari told the Associated Press news agency. "It is totally unacceptable." "Reconciliation is the task of the government," he added. The deal is an attempt to prevent war between militias loyal to the Union of Islamic Courts and the fragile government. Ibrahim Hassan Adow, the Islamic Courts spokesman for foreign affairs, said: "This is a first step, and we are headed for peace." The two parties called on the transitional government to back the deal. Somalia has been in the grip of warlords and militias for years and has not had a functioning national government since 1991 -
Barre Hiiraale's wife being threatened to leave Kismaayo?
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
^^^Its shocking news, did they not arrest her before, then release her, so why this action? If they had any evidance against her I doubt she would have been released. -
Hamas to end rule a preview to ICU's and Somalia as whole
General Duke replied to Kamalu Diin's topic in Politics
Hamas is a real Islamic movement that has the support of the people and are the legitimate government of Palastine. The clan courts are not in the same lague as Hamas thus one can not expect them to follow in the same suit. -
Sanca : Madaxwaynaha Soomaaliya oo kulammo la qaatay dhigiisa wadanka Yemen. Sabti, November 11, 2006 federaalka Somaaliya Mud. C/laahi Yusuf Axmed ayaa waxa uu dhowaan gaaray magaalada Sanca ee caasimadda wadanka Yemen. Madaxwayne Yusuf ayaa waxa u kulammo la qaatay madaxwaynaha wadanka Yemen Cali C/lla Saalax iyo mas`uuliyiin ka tirsan xukuumadda Sanca. Madaxwayne Yusuf oo socdaal ku soo maray wadammo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Singabuur ayaa wada hadallo waxa u la soo qaatay madaxdii uu la so kolmay. Labada mas`ul ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii dawladda Soomaaliya loo taageeri lahaaa. Madaxwaynaha wadanka Yemen ayaa waxa uu kala hadalay madaxwayne Yusuf halka uu marayo xaalka siyaasdeed ee dalka Soomaaliya iyo xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo maxkamadaha. Kulankaasi warar ku dhow dhow ayaa waxa ay sheegayaan in madaxwayne Yusuf uu sheegay in loo baahan yahay in maxkamadaha magaalada Muqdisho ay ka baxaan dhulalkii ay qabsadeen iyo gobolada ay ka taliyaan qaakood. Xukuumadda Yemen oo horay ugu gulaysatay dhex dhexaadinta xubno uu madax u ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay marar badan ku celisay in ay door ka qaadan karto dhex dhexaadinta maxkamadaha iyo xukumadda. Mahad Jama Koronto AllPuntland
-
TFG rejects Sharif Xasan deal with clan courts as 'irrelevent
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baydhabo: Dawladda Somaaliya oo gaashaan ku dhufatay heshiiskii magaalada Muqdisho ka dhacay. Sabti, November 11, 2006 Baydhabo (AllPuntland)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in heshiiska ka dhacay magaalada Kharduum ee ay wada gaareen maxkamadaha iyo wafdiga gudoomiyaha baarlamaanka aanu ahayn mid si saxa ah u dhacay. Afhayeen u hadlay xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in heshiiskaasi uusan ahayn mid loo dhan yahay, Waxa uu afhayeenku ku tilaamay in uu yahay mid dhayal ah oo aanan loo dhamayn, isaga oo intaasi ku daray in heshiis la wada galaa ay ka horayso in ay maxkamaduhu ka baxaan dhulalka ay qabsadeen. Sidoo kale waxa uu sheegay isaga oo waraysi siianayay TV-ga Al- Jazeera in heshiiskaasi ay saxiixeen xubno aanan xukuumada wakiil ka noqon karin sida u hadalka u dhigay. Hadalkani ayaa waxa uu soo baxayaa iyada oo habeenimadii xalay ay heshis ka kooban 7 qodob ku kala saxiixdeen maxakamdaha iyo wafdi uu gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya hogaaminayay. Mahad Jama Koronto AllPuntland