
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Report: How they [Abdiqasins]Clan divided up Lower Shabbele.....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Sub-Clan divide up the region: Part 2 Degmada Afggooye waxaa haysta nin la yiraahdo Xuseen Cirfo oo u madax banaan maamulka degmada uu hasyto, inkasta oo marar badan uu Indhacadde uu isku deyey inuu kala wareego, sida aan ka hellney ilo xogogaal ah. Beeca Cirfo iyo Indhacadde isku mari waayeen waxay ahayd laba boqol oo kun oo dollar (US$200,000) uu Indhacadde gaarey iyo Cirfo oo doonaayey illaa afar boqol oo kun oo dollar (US$400,000) in Degmada laga siiyo. Markii ay ismari waayeen ayaa nin kasta meesha uu haysto ku ekaadey. Waxaa iminka sii dhimey beecii uu Cirfo doonayo oo u soo dhacey US$50,000 :eek: bacdaama ay siyaasadda wadanka isbedeshey. Cirfo wuxuu iminka dareemayaa in Gobolka uu mar dhow ka wareego beeshiisa. Laba todobaad ka hor waxaa dhacey in Cirfo uu damcey in 'maamul' cussub ka dhiso Afgooye, asuguna Goddoomiye ka noqdo. Waxaa arintaas ay ku fashilantey markii dadka degmada iska leh ay ka diideen iyo markii maxkamadda Nuurul-Islaam ay isku soo diyaarisey in ay dhisto maamul oo dadka deegaanka ay hor u yihiin. Cirfo wuxuu ka codsadey Indha cadde in ay maamulka mideeyaan oo Indhacadde uu madax ka noqdo, laakiin Indha cadde arintaas uu ka diidey asagoo dareemaya in lugu xuubsiibto. Degmada Wanllaweyn waxaa haysta nin la yiraahdo Shaarub oo isaga laftigiisu uu u madaxbanaan yahay xagga howllaha maamuleed iyo dhaqaalaha degmada uu haysto, waa Wanlaweynee. Waxaasee beryahaan socdey in maamul Islaami ah laga dhiso Degmada. Arintaas way socon weydey markii beessha Hawiya ay ku doodeen in 50% (Boqolkiiba Konton) xubnood laga siiyo maamulka degmada, beesha [locals] ay diidey. Waxaa la ogyahay in goroonka weyn ee Balli-doogle uu ku jiro degmada Wanlla-Weyne, taasna ay ka dhigeyso in maamulka degmada uu dhaqaale fiican heli karo. Laakiin qiimaha istratiijanimo ee goroonkaas wuxuu hoos u dhacey markii goroonka weyn ee Muqdisho la furey iyo markii Balli-Doogle ay noqotey safka hore ee dagaal, waa haddii dowladda Baydhabo ku go'doonsan iyo nimanka Xamay ka taliya ee diinta ku qaraabta ay foodda is daraan. -
Report: How they [Abdiqasins]Clan divided up Lower Shabbele.....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Sub-Clan divide up the region: Part 1. Akhristeyaal waxaan idiin iftiiminayaa haysashada Indhacadde ee Gobolka waa habka dalladda oo kale (ambreella), waayo Gobolka waxaa si toos ah u wada haysta beesha asagu ka dhashey ee ...Abdiqasin's clan. Gobolkan oo ka kooban sideed degmo, Indhacadde wuxuu ka haystaa afar (4) degmo oo kala ah: Marka, Qoryooleey, K/waareey iyo Awdheeglle; afartaas degmo maamul ahaan, dhaqaala iyo ciidankaba asaga ayaa toos u maamusha. Degmooyinka Baraawe iyo Sablaale waxaa si toos ah u haysta nin la yiraahdo C/llaahi Xalane Dhuxuloow oo ka mid ah beesha ay faaladu ku socoto, waana ka madax banaan yihiin maamulka Yuusuf Indhacadde, waxayna ku mideysan yihiin in marka dagaal uu dhaco ay isu soo gurmadaan oo ay is caawiyaan. -
Report: How they [Abdiqasins]Clan divided up Lower Shabbele.....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Part 2..Arta and the sub-clan takeover Maxaa ka dambeeyey? Waxaa caddaadey in 'maamulkaas' uusan aheyn Maxkamad Islaami ah, balse uu yahay horseedka qabsashada [The clan of Abdiqasin] aay ku qabsadeen Gobolka. Arrintaasna waxaa sii xoojiyey, amaba dhiirrageliyey Cabdiqaasin Salaad Xassan oo sanadkii 2000 Madaxweyne loogu doortery shirkii nabad raadinta ee ka dhacay Tuulada Carta ee dalka Jabbuuti. Wixii markaa ka dambeeyey Indhacadde wuxuu ku sii xidideystey qabsashada Gobolka Sh.Hoose, isagoo ay taageerayaan Cabdiqaasin Salaad, Daahir Aweys iyo Maxkamadda iyo ganacsatada beeshiisa.....IndaCade takes over while Xasan Dahir's courts are around as well as Abdiqasin being President of the nation :eek: -
Article in full.. The mastermind How it all began.. Burburkii Dowlladdii militeriga ahayd ka dib Gobolka Shabeellada Hoose wuxuu ahaa goob ay si weyn isugu haysteen kooxo qabaa'illo ah iyo hoggaamiye kooxeedyo, mid kasta uu doonaayey inuu maroorsado, kheyraadka Gobolku hodanka ku yahay. Haysashada Gobolkan horraantii sagaashameeyadii waxaa ka masuul ahaa hooggaamiye kooxeedkii geeriyoodey, ee Gen. Maxamed Faarax Ceydiid. Geeridiisa ka dibna waxaa Gobolka qabsadey kooxo ka mid ah beeshiisa oo inta badan uu awoodda isagu gacanta u geliyey. Wixii markaa ka dambeeyey waxaa Gobolka tagey kuwo sheeganaya Maxkamad Islaami ah oo uu horkacaayey Sheekh Xassan Daahir Aweys oo markaas taliyaha ciidankiisu ahaa Yuusuf Indhacadde. Dadweynnaha Gobolka oo ay aad u dhibeen ********* abaabulan, ayaa si weyn u soo dhoweeyey Maxkamddii Islaamiga ee Gobolka, iyagoo markaa quud darreeynaayey inay Maxkamaddani ay Shareecada Islaamiga wax ku maamuli doonta.
-
IndaCade has special status [Lower Shabbele] no Qad ban....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maamulka ka jira Degmada Afgooye oo si dadban u fasaxay qaadka 11/18/06 DMC News Center - DMC - Muqdisho Dad fara badan ayaa shalay galab ilaa xalay ku sii qulqulayey Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, ka dib markii ay ka war heleen in Qaad fara badan oo ganacsatadii laheyd ay kala soo baxsadeen ciidamada maxkamadaha lagu iibinayo Suuqyada degmada Afgooye, kaasoo qeyb ka ahaa qaad shalay ka soo degay garoonka dayuuradaha No-50 oo intiisii badneyd ay gacanta ku dhigeen ciidamada maxkamadaha oo ka dibna ay ku gubeen deeganka No 60 oo ka tirsan isla gobolka Sh/hoose. Maamulka Degmada Afgooye oo ah haraagii maamulkii Indhacadde oo weli u dhaqmayo sidii hore, ayaa si dadban u fasaxay in qaad lagu iibiyo degmada Afgooye. Ciidamada Maxkamadaha ayaa ku kooban wadooyinka waaweyn ee degmada Afgooye, halka xaafadaha dhexdooda ay ka socoto kala iibsashada qaadka. "Wixii la qariyaaba mar uun bay soo baxaan" maxaa yeelay dadka deegaannada Shabeellada Hoose waxaa loogu sheekeeyey in maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ay si toos ula wareegeen Golaha Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed, hase yeeshee marka aad aragto xaaladaha ka jira deegaannada Shabeellada Hoose waxaa kuu caddaaneyso inaysan jirin wax isbeddelay, maamulkii Indhacaddena uu sidiisii u taagan yahay, weliba asagoo ku adeeganayo magaca maxkamadaha oo geeso dhaadheer yeeshay. Arintan ayaa ku soo beegantay xilli golaha maxkamadaha Islaamiga ah oo maalmihii la soo dhaafay gubay Qaad meelo kala duwan ganacsato Soomaaliyeed ay ka keensadeen ay shalay soo saareen wareegto lagu mamnuuucayo isticmaalka Qaadka iyo ka ganacsigiisaba, waxayna dad badan is weydiinayeen qaabka golaha maxkamadaha ay ugu suurta geli karto dhaqan gelinta go'aankaasi, isla markaana ay meelo kala duwan uga furan yihiin xaalado dagaal oo ay isaga soo horjeedaan dhinacyo siyaasad ahaan ka soo horjeeda isballaarinta ay ka wadaan maxkamadaha gudaha dalka. Xigasho: DMC Muqdisho + Dayniile. * Filed Under: Wararka Maanta * add new comment » -
Somaliland and Puntland have a greater chance of Implementing Shariah law than the clan courts. One these states exist with the support of their public, they have central power and thus decesions from the top would flow easily down the chain of command. The clan courts are unwilling to address the problems of looted properties and clan occupation as highlighted by the case of IndaCade and his special status.. The traders lose out while Cirfo, IndaCade gain big..
-
IndaCade has special status [Lower Shabbele] no Qad ban....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^So its more difficult to stop Qad in little Afgoyee than say Mogadishu [largest city] and Kismayu? Give us a break there is no difficulty otehr than appeasing Cirfo, IndaCade and others more than the poor traders in Mogadishu.. -
IndaCade has special status [Lower Shabbele] no Qad ban....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Duuliye, Hiiraan has no special status, so why post this here? The question is, why is Yusuf IndaCade above the law, specially the law of Allah? -
IndaCade is a power within the courts, so it wont be easy to sideline him.. As for the news there is some truth when one sees how the ban is not affected in Afgoyee which is a small district next to Mogadishu and controlled by IndaCade's clan.
-
^^^It hurts you, I know that the clan courts could not destroy Puntland from within, and could not attack from outside. Take some pills, relax and watch this space..
-
Juje, conceding to who? This is a great moment and one every Somali in Puntland will welcome. The question is where does that leave the ambition of the clan courts, which is to rule these areas? Puntland has as ever moved towards the right path and will implement Shariah as a whole and without giving certain people special status as is the case for Yusuf IndaCade and Cirfo...
-
Dowlada Puntland oo shaaca ka qaaday in dalka lagu dhaqi doono Shariicada Islaamka. Last Updated::2006-11-20 13:53:16 Gaalkacyo:- Wasaaarada Warfaafinta ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa maanta soo saartay Warmurtiyeed la xariira wadatashi ay wada yeesheen Culumaa'udiinka Puntland iyo Dowlada. Warsaxaafadeedka kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in 4 qodob ay ku heshiiyeen culimada iyo dowlada kadib markii ay yeesheen kulamo wadatashi ah. Afarta Qodob ayaa kala ah: 1- In Puntland lagu dhaqo Shariicada Islaamka. 2- In la dhiso guddi ka kooban Golayaasha Dowlada, Issimada, Culumaa'udiinka iyo Aqoonyahanada oo kasoo baaraan dega taabo gelinta shariicada Islaamka. 3- In Amniga Puntland uu yahay muqadis isla markaana la illaaliyo. 4- In wixii khilaafaad ah oo ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya lagu dhameeyo waan waan iyo wadahadal. Qodobadan ayuu Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Md.C/raxmaan Bangax ayaa sheegay in qodobadan ay si wada jir ah isugu raaceen Maamulka Puntland iyo Culimada. Cabdifutaax Shirwac HorseedNet.com
-
Alhamdulilah. The Puntland admin have agreed with the Ulema to put in place Shariah law. This is a great moment, a historic one for the state of Puntland. Maamulka Puntland oo shaaciyey in dalka lagu xukumi doono shareecada Islaamka. Gaalkacyo Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegayaa wasaaradda war Warfaafinta maamulka Puntland ay maanta soo saartay oo shaacisay warmutiyeed la xariira wadatashi ay yeesheen culumaa'udiinka Puntland iyo maamulka Puntland. Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in laysku afgartay 4 qodob ay ku heshiiyeen culimada iyo maamulka Puntland ka dib markii ay maalmihii la soo dhaafay lahayeen wada tashiyo arintaas lagu lafa gurayey. Qodobada laysku afgartayna waxay u qoraayeen sedan: 1-In Puntland lagu dhaqo Sharieecada diinta Islaamka. 2-In la dhaso guddi ka kooban Golayaasha Dowlada, Issimada, Culumaa'udiinka iyo aqoonyahanada ,kuwaas oo ka soo baaraan degaya taabo gelinta shareecada diinta Islaamka. 3-In Amniga Puntland uu yahay muqadis isla markaana la illaaliyo. 4--In wixii khilaafaad ah oo ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya lagu dhameeyo waan waan iyo wadahadal. Wasiirka Warfaafinta ee Puntland C/raxmaan Bangax ayaa qodobadan ka sheegay in ay si wada jir ah isugu raaceen Maamulka Puntland iyo Culimada. Arintaan ayaa waxaa soo de dejiyey ka dib markii culumada gobolku ay codsadeen dalka lagu xumo shareecada diinta islaamka si loo helo caddaalada gobolka dhexdiisa ah loola diriro musuq maasuqa dilooday gobolka, waxaase arintaas isku deyey inay ka horyimaadaan shaqsiyaad dana gaara u iyagu ku qaba maamulka oo doonayn in si dhab ah loo xisaabtamo. Xaruta wararka Waayaha.net
-
IndaCade has special status [Lower Shabbele] no Qad ban....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shabeellada Hoose oo si fiican looga qayilayo iyo Muqdisho oo qaadiro loo dhamaaday. Muqdisho, Waxaa aan si aan kala go’ lahayn looga qayilayaa Gobolka Shabeellada Hoose oo noqday goob aysan maxaakiimtu ka joojin Karin cunitaanka qaadka, waxaana si isdaba joog ah maalin walba uga soo daga diyaaradaha qaadka sida. Waxaa iyana qaadiro loogu dhamaaday magaalada Muqdisho, oo laga mamnuucay cuntaaka qaadka waxaana isku si qaadirada ula wareersan, oo yoobsan dadka caadiga iyo weliba xoolaha kunool gudaha magalada Muqdisho oo cunijiray gaarabada la daadiyo, oo qabtimay cunida qaadka sida dadka caadiga ah. Cunitaanka qaadka ayaa 14 kii bishaan ay joojiyeen Maxkamadahu,waxaana uu si aan kala go’ lahayn uga degaa Garoommada Ceelcali iyo KM 50, waxaana dad badani la yaaban yihiin sababta maxaakiimtu arintaas wax uga qaban waayeen. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Yuusuf Max’ed Siyaad Indha Cadde guddoomiyihii Gobolka Shabeellada Hoose haddana ah guddoomiyaha amniga ee Maxkamadaha ay dhawaan isaga horyimaadeen joojinta qaadka Abuu-quteyba oo ka mid ah xubnaha sida weyn u ololeynaya in la joojiyo qaadka. Afgooye oo aan wax sidaas ah u jirin magaalada Muqdisho ayaa loogu soo hayaamaada Xuniska qaadka waxaana taasi ku tusaysaa kala qabsanaanta u dhexaysa maxaakiimta gudeheeda ee ku aadan joojinta qaadka. Waxaa waayadan oo dhan muran xoogani ka taagnaa in gobolka shabeellada Hoose uusan si dadban u hoos imaan maamulka maxaakiimta magaalada Muqdisho, waxaana arintaasi hor taagan baa la leeyahay Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde oo aan doonayn in marna gobolku gancatiisa ka baxo. Si kasta ha ahaateen waxaa joojinta qaadku si toos ah uga hirgaly gobolada ay maxkamaduhu ka taliyaan marka laga reebo shabeellada Hoose illaa haddna waxa war ah lagama soo saarin sabata dhabta. Xafiiska wararka Waayaha.net ee magaalada Muqdisho -
IndaCade has special status [Lower Shabbele] no Qad ban....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
MUQDISHO: Mas'uuliyiinta sarsare ee Maxkamadaha oo si weyn isugu khilaafsan in jaadka la fasaxo iyo in kale Posted to the Web Nov 20, 08:48 Muqdisho (PP) - Mas'uuliyiinta Maxkamadaha ayaa waxay si weyn isugu khilaafsan yihiin fasaxidda qaadka, waxaana warar hoose oo ku dhow-dhow mas'uuliyiinta ay sheegayaan inay qaarkood doonayaan in la fasaxo qaadka halka kuwo kalena ay diidan yihiin in la fasaxo gabi ahaan. Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Abuukar Cumar caddaan oo shir qarsoodi ah ku yeeshay xalay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in gabi ahaan jaadka la fasaxo isla markaana aan shacabka la isku soo jeedin, waxaana ay sheegeen inay habboon tahay in xilligaan xilli ka duwan la joojiyo. Sidoo kale waxaa wararka qaarkood ay sheegayaan in rag uu ka mid yahay Aadan Xaashi Cayroow, Abuu-Quteyba iyo Sheekh Mansoor ay diideen in gabi ahaan jaadka la fasaxo ayna la mid tahay iyadoo jaadka la fasaxo iyadoo la fasaxay fisqiga oo dhan. Labada dhinac ee kala aamisan labadan mabda' ayaa waxay si weyn isugu khilaafsan yihiin arrintaan, waxaase lagu wadaa inay maanta kulan ku yeeshaan xarunta Maxakamdaha ee Magaalada Muqdisho si ay uga wadahadlaan arrintaan soo dhex gashay oo ah mid aad ay isugu khilaafsan yihiin. Jaadka ayaa wuxuu yahay mid laga isticmaalo gudaha Magaalada Muqdisho, xilli ay joojiyeen Madaxda Maxakamadaha, waxaana jaadka soo gala magaalada Muqdisho uu ka soo dagaa garoommada Ceel-Cali ee Degmaada Marka iyo Midka ku yaalla KM 50. Waana arrin aad u culus joojitaanka Qaadku ,maadaama ay ku nool yihiin dad badan oo caruurtooda ku korsada ,maadaama aysan haysan wax kale oo ay ku bedeshaan oo ay la qabsadeen qaadka ka ganacsigiisa. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
SH/HOOSE: Gobolka Sh/Hoose oo noqday meesha keliya ee uu jaadka ka soo dago Maxkamaduhuna wax ka qaban la'yihiin Posted to the Web Nov 20, 08:46 Sh/Hoose (PP) - Gobolka Shabeellada Hoose ayaa noqday goob ka go'an Maamulka Maxkamadaha, waxaana si isdaba joog ah maalin walba uga soo daga jaad aad u fara badan. Jaadka oo 14-kii bishaan ay mamnuuceen Maxkamadaha ayaa wuxuu si toos ah uga soo dagaa Garoommada Ceel-Cali iyo kan KM 50, waxaana Maxkamaduhu aysan waxba ka qaban soo dagitaanka Jaadka ee goobahaas ka tirsan Shabeellada Hoose. Guddoomiyihii Gobolka Shabeellada Hoose isla markaana ah Guddoomiyaha Amniga ee Maxkamadaha Yuusuf Indho-cadde ayaa la xaqiijiyay inay dhawaan isaga horyimaadeen joojinta jaadka Abuu-quteyba oo ka mid ah xubnaha sida weyn u ololeynaya in la joojiyo jaadka gabi ahaanba. Degmada Afgooye oo ka mid ah Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay tahay haatan goobta ay sida joogtada ah u tagaan xubnaha jaadka sida waallida ah u cuna, waxaana degmadaas ay noqotay muddo 6-casho oo ka soo wareegtay markii jaadka la joojiyay meel ay ku bateen shacabka. Maamulka ka jira Degmada Afgooye ayaa isagu wax hadal ah ka soo saarin cunista qaadka ee degmadaas ka socota, waxaana ay horay u sheegeen in qaadka ka ganacsigiisa ay degmadu u madax banaan tahay. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
Doorashada Duqa Dagmada Galkacyo oo galabta lagu soo gababeeyay Hoteel Galkacyo Posted to the MOL November 18, 2006, 11:48 am Doorashadii Duqa degmada Galkacyo ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Galkacyo ayaa maanta ka dhacday hoteelka Galkacyo Hoteel ee kuyaala Bartamaha Magalada Galkacyo. Doorashada oo bilaabatay 4:00PM ee maanta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer yimiga Cali Cabdi Awaare ahna xubinta ugu saraysa ee uqaabilsan Puntland dhanka doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Coll. Carays doorashada ayaa ku bilaabatay jawi aad udagan. Golaha Deegaanka Degmada Galkacyo oo ka koobnaa 27 Xubnood ayaa soo wada xaadiray marka laga reebo hal xubin oo ku maqan wadanka dibadiisa, iyadoo ay isu soo sharaxeen jagadaas laba mudane oo kala ah 1- Muxiyadiin Cabdi Biixi 2- Saleebaan Xaaji Cabdalle, kadib waxaa bilaabatay codbixinta waxayna u kala heleen Codadka sidatan. 1-Muxiyadiin Cali Biixi wuxuu helay 18 Cod. 2-Saleeban Xaaji Cabdalle wuxuu helay 6 Cod Waxaa ka aamusay 2 cod Iyo Hal cod oo Dalka dibadiisa ku maqnaa. Markii dooshadu dhamaatay ayaa waxaa halkaas lagu soo dhaweeyay Sii hayihii Xilkaas Duqa degmada Galkacyo Mudane Xassan Cabdi Hiraabe(Xassan wayne) isagoo sheegay inuu xilkaas ku wareejin doono Muxiyadiin Cali Biixi oo ah ninka hada ku guulaystay Booskaas iyadoo la filayo in xaflad xilwareejin ah ay ka dhici doonto Xarunta Gobolka Maalmaha soo aadan. Maxamed C/qaadir Awkhalaf Galkacyo, Puntland, Somaliya Mudugonline.com
-
Shirkii Culumada Puntland la yeesheen madaxweynaha Puntland oo ku dhamaaday is-afgarad Posted to the MOL November 18, 2006, 7:30 pm Gaalkacyo:- Waxaa magaalada Gaalkacyo habeenkii xalay ku kulmay culumada ugu caansan Puntland iyo Madaxweynaha DGPL Cadde Muuse. Shirkaan oo ujeedadiisu ahayd sidii looga arinsan lahaa weerarka ay puntland ku soo qaadeen Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdishu oo sheegay in ujeedada ay Puntland u soo weerarayaan ay ka mid tahay sidii deegaankaas loo gaarsiin lahaa isku xukunka kitaabka alle oo ay shegeen inay ka hirgaliyeen koonfurta Somaliya. Culumada ka qeyb gashay shirkaas oo ay ka mid ahaayeen Sheikh. Cabdulqadir Nuur Faarax, Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Sh. Burhaan, Sh. Fuaad Maxamuud Xaaji Nuur iyo kuwo kale ayaa ka soo kala kicitamay magaalooyinka Bosaaso iyo garoowe. Shirkaas Wadatashiga ahaa ayaa culumada iyo dawlada goboleedka Puntland isku afgarten waxyaabihii laga wada hadlay. Waxaana shirkaas ka soo baxay talooyinka soo socda oo loo arkey in ay ka tarjumayaan masalaxada shacabka reer Puntland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed: In la taabo geliyo ku dhaqanka sharciga Islaamka, sida ku cad Dastuurka Puntland. In madaxweynuhu magacaabo gudi ka talo bixiya habkii wax loo sixi lahaa kana kooban golayaasha dawlada culimaaudiinka isimada iyo aqoonayahada DGPL. In la dhawro amniga iyo xasiloonida Puntland In soomaaliya lagu xaliyo arimaheeda wadahadal iyo is afgarad. Heshiiskaas ayaa waxaa uu caqabad ku noqon doonaa Maxkamadaha Muqdishu inay helaan marmarsiinyo siyaasadeed oo ayku weeraraaan Puntland maadaama haatan culumadii, Isimadii iyo shacabkiiba isku aragti yihiin dawladii ay soo doorteen. Mudugonline.com
-
Shir wadatashi oo ka dhacay Gaalkacyo qodobana ka soo baxeen Last Updated::2006-11-18 19:53:50 Madaxweynaha DGPL ayaa xubno muhiim ah oo kamid ah culimada diinta islaamka ee reer Puntland. Wadatashi kala yeeshay xaaladaha siyaasadeed iyo nabadgelyo ee maanta ka jira guud ahaan soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo dersiyadeeda koonfur iyo waqooyi. Waxaa ka soo baxay talooyinka soo socda oo loo arkey in ay ka tarjumayaan masalaxada shacabka reer Puntland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliya. 1.In la taabo geliyo ku dhaqanka sharciga Islaamka, sida ku cad Dastuurka Puntland 2.In madaxweynuhu magacaabo gudi ka talo bixiya habkii wax loo sixi lahaa kana kooban golayaasha dawlada culimaaudiinka isimada iyo aqoonayahada DGPL 3.In la dhawro amniga iyo xasiloonida Puntland 4.In soomaaliya lagu xaliyo arimaheeda wadahadal iyo is afgarad. Isha warka Puntlandgov.Net
-
Gaalkacyo: Duqii degmada Gaalkacyo oo galabta la doortay. Sabti, November 18, 2006 Gaalkacyo ayaa waxaa maanta ka dhacday doorashada gudomiyaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ahna duqa degmada. Doorashadaasi ayaa waxaa goobtii ay ka dhacaysay ayaa waxaa goob joog ka ahaa dad wayne, wax garad, Wasiiro, Xil dhibaano ka socda baarlamaanka Puntland, Haween, iyo saxaafadda gudaha. Xasan C/lle Hiraabe oo ahaa ku simihii duqa degmada Gaalkacyo ayaa halkaasi hadallo ka jeediyay isaga oo sheegay in ay doorashadani mudooyin badan dib u dhacday balse ay maanta suuro gashay. Waxaa kaloo isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gobolka Mudug waxaana uu sheegay in uu la shaqaynayo ciddii ku gulaysata doorashadaasi. Doorashadaasi aya waxaa u taagnaa xilka gudoomiye nimo laba mudane oo kala ah Xill, Saleebaan Xaaji Cabdalle iyo Xill, Muxiyadiin Cabdi Biixi. Wasiirka dawladaha Hoose ee Puntland oo doorashadasi gudoomiye ka ahaa ayaa waxa uu sheegay in doorashadu ay u dhacayso hab gacan taag ah. Mudanayaasha golaha deegaanka oo gaarayay illaa 27 mudane oo ah inta uu ka kooban yahay golaha deegaanka ayaa codkooda halkaasi ka bixinaysay. Ka gadaal markii ay akhriyeen ajandayashooda wax qabad ayaa xildhibaanada galaha deegaanku waxa ay bilaabeen in ay u gacan taagaan mudanaha ay dooranayaan. Mud. Saleeban Xaaji Cabdalle oo ahaa musharaxa koowaad ayaa waxa uu helay 6 cod. Mud. Muxiyadiin Cabdi Biixi ayaa isna waxa uu helay 18 cod. Waxaa cod bixinta ka aamustay 2 cod oo aan wax cod ah bixin, iyada oo sidaasi uu duqa degmada Gaalkacyo ku noqday Mudane Muxiyadiin Cabdi Biixi. Doorashadaasi oo muddo la sugayay ayaa waxa ay ku soo gaboowday jawi aad u her sareeya. Mahad Jama Koronto AllPuntland Related Articles
-
All clan millitias stand little chance against ven basically organised Somali troops.
-
^^^Some very good points, never knew the US resited the change in Adis, maybe they thought Ethiopia could not function without the Amhara? President Salah of Yemen has been the greatest ally the TFG has had, though many here would like to ignore or are in denail due to this fact.
-
Kamalu Diin, it is not the same article and not from the same source. I like to get the news from as much different sources as available.
-
^^^There is no proof of that, since the Siyad Regime lasted 21 years with an army and no millitia including the USC could even capture 30% of the nation. A trained army is stronger than any millitia. For example the clan courts of Mogadishu defeated the millitia of the warlords because they had on their side outside elemnts with adequite millitary training while the warlords relied on their "fierce" clan millitias and look what happened. The TFG have done well to work on developing a real army rather than reliying on clan millitias..