
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
^^^Oromo lad, you just need to stay out of Somalia, our internal dispute is our own so long as you do that, there will be no problems. I am not bothered with your war with Tigray or Amhara or Afar or anyone else. But anyone who sides with the Clan Courts will be an enemy of the Somali state, simple.
-
^^^Your people are not Somali thus irrelevent in this dispute. The Oromo in Somalia will be seen as enemies of the state so long as they are fighting for forces against the TFG. Also tell your people Gen Duke supports their struggle but not in his back back yard..
-
Sharif Xasan Xasan Dahir agree [smile people]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^No one can blame you for trying. -
Sharif Ahmed: we want to talk to Ethiopia how things change..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^They parade the likes of IndaCade & Xasan Dahir and expect people to take them seriously. Who supports them apart from those they have paid? No one. -
^^^Your delusions are not facts dear boy. You have been making these statements for a while now. Get over it the game is still open and the TFG is much stronger than ever before.
-
Nothing wrong with outsourcing..Its a 21 centuty strategy.
-
Sharif Ahmed: we want to talk to Ethiopia how things change..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ethiopia is the most insignificant one in all this fuss thats happening in less than a 1/3 of somalia. Let alone ethiopian soldiers, even ethiopian visitors to somalia cannot move outside of the permission of the TFG. The only reason you do not want to focus on TFG, is simply the truth and your conviction that you will not have support from the somali. You think that ethiopia today is the bogeyman of yesterday, but facts on the ground speak otherwise. In ethiopia internally decisions about somalia cannot be made contrary to the wishes of most somali ethiopians. Governments come and go, countries can change maps, flags and anthems, but todays neighboring clans and subclans will be also neighbors tomorrow. If the ethiopians along with Yemen, Uganda, Kenya and others are asked for peacekeeping force, its the responsibility of the TFG to deal with elders and leaders of the territories where the TFG wants the peacekeepers deployed. From some of your postings I see that you seem to be from geographically far away from the territories where people are living under constant threat of war. So is your friend the Djibuti man. Its only human to wish well for people and not expect to gain independence or whatever at the expense of their suffering. In Djibuti's case economic financial benefit from ethiopian business and french, american, german, british bases, which except for the french would move in a heart bit to somalia. I hate this kind of politics and its only too common with arabs. Sloganeering against Israel day and night and talking about Al-Uma Al-Arabia and the Jihad and all that, but Arab governments are the first ones to abondon the palestinians as they see a cheque of american dollars or american protection. Lets not bring this culture to east africa. Its karma is very bad for generations to come. Nicely put.. -
Degaanadas oo leh naq badan ayaa waxaa in dhahaaga soo jiidanaya geedaha cagaarka ah iyo biyo xareeda ah ee dhex qul qulaya . Waxaa ay dadka reer Puntland si wayn uga soo horjeedan wax kasta oo khal khal gelinay xasiloonidan iyo degaanan shahan isla markana abuuri kari barakac iyo cadaawad hor leh oo kala gasha Shacabka Somaliyed ee iyagu isu talaabayay 15-kii sano ee la soo dhaafay
-
Markets of the city Suuqyadii ganaciga ee Bosaso ayaa camiran waxaana ka socda dhadhaaq ganacsi oo lixaadleh Ganacsatada ayaa mid kasta waxa uu ku dadaalaya inuu ku soo bandhigo suuqa alaabo ka yara jaban kana tayo fiican asxaabta kale ee uu ka dhexeeyo beratanka ganacsi .
-
Maraakibtan iyo doonayhan ayaa waxaa laga dejinayaa bagaash fara badan sida Bur ,Saliid, Sonkor iyo badeecoyin kale oo fara badan Dad fara badan oo dan yar ah ayaa xamaali ahaan uga shaqaysanaya maraakibtan iyo doon yahan Baaburta loo yaqaan isjiidka ayaa dabadeed u daabulaya bagaashkan bakhaarada magaalada Bosaso halka baaburta candhamaydlaha loo yaqaan ay u sii daabulayaan ilaa Kilinka Shanad ee Etoobiya
-
SOURCE Dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Puntland oo xawli sare ku socdaBosaso:-Dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Puntland ayaa waxaa uu ku socdaa xawli aad aad u sareeya iyada oo dagaaladii dhowaan ka dhacay gobalada dhexe ee dalka Somaliya aysan haba yaraatee wax saamayn ah ku yeelan dhaq dhaqaaqyadii ganacsiga ee dawlad gobaleedka Puntland
-
Sharif Xasan Xasan Dahir agree [smile people]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Go figure.. -
Sharif Xasan Xasan Dahir agree [smile people]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
This picture tells it all -
Wareysiguna wuxuu ku billowdey sidan: DMC: Mudane Jeylaani waddanka isbeddel baa ka dhacey, gaar ahaan bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Adigu siyaasad ahaan sidee baad u aragtaa? Jeylaani: Waa run waddanka wax weyn ayaa iska beddeley, sida nabadgelyada, midnimada siyaasadda intaba. Waxaan oran karaa in isbeddel loo baahnaa uu ka dhacey. Waxaana isbeddelkan sabab u ahaa kacdoon ay sameeyeen shacabka Soomaaliya ku nool oo ay hormuud ka ahaayeen Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed. Waxaana la oran karaa waa kacaan Islaami ah ee Soomaaliya ka dhacey, haddii sida uu u dhacey loo xoojiyo, kitaabka Allana si run ah loogu dhaqmo, lagana fogaado in laga beensheego waa wax aad loogu baahnaa, gaar ahaan dadka Koonfurta Soomaaliya oo lagu hayey caddaalad darro aad u badan. DMC: Mudane waxaan ka warqabnaa in Gobollada Koonfurta Soomaaliya ee aad ka soo jeeddo ay ‘maamuleeysey’ beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed. Inta uu kacdoonku socdey illaa haddeerna iyadoo ‘maamulka’ Gobolkaas ka talinaayeyna uu qayb ka ahaa kacdoonka Muqdisho. Markaas ma waxaad leedahay waa sax sida ay wax ku socdaan oo dhan? Jeylaani: Walaal wixii socda waay wada saxan yihiin anigu ma lihi. Maamulkaasna ma ahayn mid ay sameysteen dadka Gobolka u dhashey ee waa mid si xoog ah lagu dhisey. Annagu dadka Gobolkaas waxaan fileyney inay Maxkamaduhu ay la wareegaan sida ay ula wareegeen Gobollada kale, islamarkaasna maamul ay dadka deegaanadaas raalli ka yihiinna la sammeeyo sida ka dhacdey Gobollo fara badan. Laakiin weli taas ma dhicin. Weli waxay sheegeen hadallo aan u aragney meel ka dhac inay tahay, kaas oo ah inuu ‘maamulkaas’ ka mid yahay Maxkamadaha. Taas ma aha mid caddaalad ah raallina kama nihin. Waxaan u aragnaa mid loogu daneeynaayey qabiil gaar ah. Haddii ay sidaas aheyn Gobollada Jubbooyinka maamulka ka jirey wuxuu ahaa mid kan oo kale oo weli waxay gacansaar la lahaayeen Maxkamadaha Islaamiga. ‘Maamulkaas’ si xoog ah ayaa loola wareegey sax iyo khalad waxa ay tahayba si deg-deg ah ayaa maamul looga dhisey. Maxaa kan looga wareegey? Marka anigu waxan u arkaa inay sax ahayn tallabada Maxkamaduhu ka qaateen Gobolka Shabeellada Hoose. DMC: Mudane waxaad ka war hasyaa in ‘maamulka’ Gobolka Shabeellada Hoose lagu wareejiyey Golaha Maxkamadaha Soomaaliyeed 30 Sebtember. Tan iyo markaas maxaa iska isbedeley Gobolka? Jeylaani: Waxaa keliya oo isbeddeley waxaa la qaadey isbaarooyinka yaalley wadooyinka Gobolka isku xiraayey, laakiin howllihii kale wax iska beddeley ma jiraan; xitaa meelaha qaarkood sida Baraawe oo kale sidii hore wax ka daran ayaa yimid. Canshuuraadkii la qaadi jirey waa sidoodi. Dadkii ka talin jirey waa sidooda, illaa hadda iima muuqdaan wax isbeddel ah. DMC: Jeylaani waxaan maqley in ‘maamul’ loo sammeynaayo Gobolka Shabeellada Hoose. Maadaama aad tahay siyaasi [local] maxaad kala socotaa arrntaas? Jeylaani: Arrintaas waan maqley xitaa waan dabagalley ee waa arrin jirta. Wax dadka lagala tashtey oo xitaa la wareeystey ma jirto. Weli arrintaas waxaa si gaar ah u wada Yuusuf ‘Indhacadde’ asagoo wakiil ka ah Maxkamadaha, si dadbanna weli ka taliya oo ‘maamula’ Gobolka. DMC: Hadda ma waxaad na leedahay wax [local] ah oo mas’uul ah oo la garanaayo oo arrintan lagala tashtey ma jiraan? Jeylaani: Xaqiiqdu waa sidaas. Waxaan ogahay dadka Baraawe iyo Degmooyinka kale qaarkood looga yeerey oo lala tashtey dhammantood waa Beelaha[armed clans]. Wax dadka deegaanka ah oo mas’uul ah ama wadaad ah oo la garanaayo, laguna kalsoonaan karo oo arrintaas wax laga weydiiyey ma jiraan, waana midda keentey inay Odeyaal badan oo Nabaddoonno ah ay Muqdisho u yimaadeen iyagoo dacwoonaya, wax ashkatadooda laga qabteyna ma jiraan. DMC: Haddiiba arrintu sidaas tahay Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Culumada Beelaha[local] hadaad tihiin maxaad ka yeeleysaan haddii ay arrintu sidaas ku dhaqangasho? Jeylaani: Waxaan ku xusuusinayaa inay dhammaan dadka wax garta ee Beelaha aad sheegeyso baraarugeen meel kastana ay dacwad gaarsiiyeen, shirar badan oo isdabajoog ah ku leeyihiin magaalada Muqdisho, si midnimo ahna looga hortago waxa hadda socda. Waxaa la go’aansadey, baaqyo badanna laga soo saarey; xitaa idinka ayaaba goobjoog ka ahaa shirarkaas qaarkood. Baaqyo kale oo aan gacanta ku haynona waan idin soo gaarsiin doonnaa Insha Allaah. DMC: Is aragga Beelaha beryahan aad ayuu u socdaa ee haddii taladiinna iyo baaqyadiinna la dhageysan waayo oo ‘maamulka’ Gobolkiinna la idin la tashan waayo maxaa idiin qorsheysan inaad sameysaan? Jeylaani: Wallaahi wax badan ayaa noo bannaan, laakiin marka ugu dambeeysa ee aan quursanno ayaad arki doontaa waxa aan sammeynno. Haddeer kama hor dhacaayo. Waxaan aaminsanahay haddii Kitaabka Ilaahey laga been sheego oo dhinac laga qaato dhinacna la iska daayo in si weyn loo arki doono, weli si ka daran sidii ay u burbureen Hoggaamiye Kooxeedyada Soomaaliya. Waxaan kuu sheegayaa haddii ay Golaha Maxaakiimtu ka leexdaan caddaaladda Islaamku farey inay u burburi doonaan si ka daran burburkii Isbaheysiga sharta ah ahaa ee ‘La Dagaallanka Arggagixisada’. Oofoow oo warkiisa sii wata ayaa yiri………La soco mar kale: Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho Aadan Cusmaan Bokoola@hotmail.com
-
Report: How they [Abdiqasins]Clan divided up Lower Shabbele.....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Nabaddoonada Reer Baraawe: “Sidii Hore Si Ka Daran Ayaa Naloo Haystaa”. source and full article.. Mudane Jeylaani (dhaxda) oo Ka Qeybgalaayey Shirkii Isku-Xirka Aw-DIGIL. Suldaan Buuwe Oo Midigtiisa fadhiya. (Daar-us-Salaam). Shirar Isdabajoog Ah Ayaa Beryahaanba Beelaha Digil Ku Qabanaayeen Magaalada Muqdisho.11/22/06 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Odeyaal dhaqameedka ugu sarreeya Degmada Baraawe oo muddo saddex toddobaad ah u joogey dacwooyin ay ka qabeen ciidamada qabsadey degmadooda ayaa waxay shirar isdabajoog ah la yeelanayeen si gooni-gooni ah mas’uuliyiinta ugu sarreeysa Golaha Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed iyagoo kaga ashakatoonaayey caddaalad darrida dhinaca ‘maamulka’ ee ay ku kaceen ciidamadaas. Hase yeeshee mas’uuliyiinta Maxkamadaha qaarkood ayaa sheegey inay ‘maamul’ sharciyeysan oo ay ka warqabaan uusan ka jirin Degmada Baraawe. Mas’uuliyiintaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka Koowaad (Jinaqoow), Sheekh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur) iyo kuwo kale ayaa ku andacoodey in wax maamul ah aysan weli ka dhisneyn sida ay la socdaan oo kan ismagacaabey uu yahay mid aan sharciyeysneyn oo iskooda ismagacaabey. Haddaba Nabaddoonnada ayaa kulankii u dambeeyey waxay la yeesheen mas’uulka u sarreeya Ammaanka Maxaakiimta, Yuusuf Siyaad ‘Indhacadde’, waxayna u gudbiyeen cabashadooda iyo waxa ay magaalada Muqdisho u yimaadeen, iyagoo og halka uu caddaaladda ka joogo ‘Indhacadde’, waxayna u sheegeen in maamul ku sheegga halkaas ka taliya aysan aqoonsaneyn, islamarkaasna u dulqaadan doonin sii joogistooda. Intaas ka dib ‘Indhacadde’ wuxuu odeyaasha u sheegey inuu ‘maamulka’ cusub ee gobolka Shabeellada Hoose uu diyaar yahay islamarkaasna uu miiska saaran yahay, dadka aad ka cabaneysaanna kuwaas ayaa lagu beddeli doonaa, taas oo la yaab ku noqotey nabaddoonnada. Waxay Nabaddoonnada ‘Indhacadde’ su’aaleen sida ay ku dhici karto in ‘maamul’ aan wax laga weyddiin Odeyaasha, Culumada iyo Siyaasiyiinta Degmada iyo Gobolkaba uu miiska u saarnaan karo iyo muxuu kaas kaga duwan yahay kan aay ka dacwoonayaan? -
source Nabaddoonada Reer Baraawe: “Sidii Hore Si Ka Daran Ayaa Naloo Haystaa”. Mudane Jeylaani (dhaxda) oo Ka Qeybgalaayey Shirkii Isku-Xirka Aw-DIGIL. Suldaan Buuwe Oo Midigtiisa fadhiya. (Daar-us-Salaam). Shirar Isdabajoog Ah Ayaa Beryahaanba Beelaha Digil Ku Qabanaayeen Magaalada Muqdisho.11/22/06 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Odeyaal dhaqameedka ugu sarreeya Degmada Baraawe oo muddo saddex toddobaad ah u joogey dacwooyin ay ka qabeen ciidamada qabsadey degmadooda ayaa waxay shirar isdabajoog ah la yeelanayeen si gooni-gooni ah mas’uuliyiinta ugu sarreeysa Golaha Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed iyagoo kaga ashakatoonaayey caddaalad darrida dhinaca ‘maamulka’ ee ay ku kaceen ciidamadaas. Hase yeeshee mas’uuliyiinta Maxkamadaha qaarkood ayaa sheegey inay ‘maamul’ sharciyeysan oo ay ka warqabaan uusan ka jirin Degmada Baraawe. Mas’uuliyiintaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka Koowaad (Jinaqoow), Sheekh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur) :eek: iyo kuwo kale ayaa ku andacoodey in wax maamul ah aysan weli ka dhisneyn sida ay la socdaan oo kan ismagacaabey uu yahay mid aan sharciyeysneyn oo iskooda ismagacaabey. :confused: Haddaba Nabaddoonnada ayaa kulankii u dambeeyey waxay la yeesheen mas’uulka u sarreeya Ammaanka Maxaakiimta, Yuusuf Siyaad ‘Indhacadde’, waxayna u gudbiyeen cabashadooda iyo waxa ay magaalada Muqdisho u yimaadeen, iyagoo og halka uu caddaaladda ka joogo ‘Indhacadde’, waxayna u sheegeen in maamul ku sheegga halkaas ka taliya aysan aqoonsaneyn, islamarkaasna u dulqaadan doonin sii joogistooda. Intaas ka dib ‘Indhacadde’ wuxuu odeyaasha u sheegey inuu ‘maamulka’ cusub ee gobolka Shabeellada Hoose uu diyaar yahay islamarkaasna uu miiska saaran yahay, dadka aad ka cabaneysaanna kuwaas ayaa lagu beddeli doonaa, taas oo la yaab ku noqotey nabaddoonnada. Waxay Nabaddoonnada ‘Indhacadde’ su’aaleen sida ay ku dhici karto in ‘maamul’ aan wax laga weyddiin Odeyaasha, Culumada iyo Siyaasiyiinta Degmada iyo Gobolkaba uu miiska u saarnaan karo iyo muxuu kaas kaga duwan yahay kan aay ka dacwoonayaan? ‘Indhacadde’ assagoo aan jecleysan su’aashaaas ayaa ku jawaabey: “16 sano ayaa dhibaato idin haysatey, una dulqaadaneyseen. Ciidankaasna waa kuwii xukunkii Dhuxuloow idin ka qaadey, haddeerna maaamulka Maxkamadaha ayaad hoos imaaneysaan. Islaamka dhulkiisu waa isku mid ee sidaas ku qanca oo guryihiinna ku laabta”. Samaddoonnada oo aan warkaas ku qancin ayaa su’aal labaad ku celiyey oo yiri: “Deegaannada kale ee Maxkamaduhu tageen ama laga dhisey maamul dadka iska leh ayaa lala tashadey, dabadeedna maamulkooda sidaas loogu dhisey. Markaas haddiiba arrintu sidaas tahay maxay kaga duwan tahay middiii 16 ka sano aan ku jirney ee xoogga ku dhisneyd?” Indhacadde oo su’aashaas aad uga xanaaqey ayaa ku jawaabey: “Maamulkaas Maxkamadaha ayaa dhisaya cidna looga hibeysan maayo ee sidaas ogaada. Dacwooyinka aad waddaanna iska daaya deegaannadiina ku laabta”, ayuu warkiisa ku soo xirey ka dibna sidaas ayaa lagu kala tagey. Nabaddoonada oo kulankaas ka dib warka siiyey shabakadda warbaahinta ‘DMC’ ayaa sheegey inay xeerada u dambeysa ee mas’uuliyiinta sare Maxaakiimta soo taabteen, waxayna caddeeyeen inay isku xiran yihiin qolada Baraawe xoogga ku maamuleysa iyo kuwa Muqdisho oo ay dacwo ugu yimaadeen, waxayna sheegeen in: “Digil Odeyaashiisa, Culumadiisa iyo Siyaasiyiintiisaba aan wax dan iyo talo midna looga baahneyn ee iyagu sida ay doonaan ka yeelayaan. Sidaas darteed dadka Gobolka haddii ay sidaas raalli ku noqdaan iyo inay ka gilgishaan iyaga ayay u taallaa, annaguse waxaa noo caddaatey in sidii 16ka sano naloo haystey si ka daran naloo qabsadey”, ayay warkooda ku soo xireen. Waxaa noo suurta gashey in aan wareysi dheer la sameeysanney mid ka mid ah Waxgaradka Reer Baraawe. Mudane Jeylaani Maxamed Ofoow oo ka tirsan Siyaasiyiinta Beesha ayaa shaley wareysi dhinacyo badan taabanaya ay la yeelatey Shabakadda Warbaahinta DMC. Wareysiga ayaa wuxuu ku saabsanaa guud ahaan xaaladda Siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan Gobollada Koonfurta Soomaaliya, isbeddelka dhacey sida ay saameyn ugu yeelatey Gobollada Koonfur, sida uu u arko xaaladda Gobollada koonfurta gaar ahaan Shabeellada Hoose, wax faa’ido ah oo u soo kordhey dadka Gobolka degan iyo halka ay mareyso midnimada Beelaha Koonfurta Soomaaliya iyo sida looga badbaadi karo khatarta dhul iyo maamul-boobka ee ka jirta Gobolladooda.
-
Latest: PM Geedi flies out to Abuja...Uganda troops arrive in Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dayuurado Sida Dufcadii 2aad ee Xoogaga Militeriga Uganda, Oo Xalay Ka Degay Garoonka Baydhabo (48-saac Gudahood Oo ilaa 600-Ugandees ah laga dejiyey Baydhabo) Posted to the Web Nov 25, 04:05 BAYDHABO – Magaalada Baydhabo, ee xarunta Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliya, ayaa lagu soo waramayaa in qeybtii 2-aad ee Ciidamada Militeriga Uganda, ay xalay ka degeen garoonka Magaalada Baydhabo. Ilo-wareed deegaanka ah ayaa ii xaqiijiyey in ugu yaraan ilaa 2-dayuuradaha Militery-ga Uganda ah oo ay la socdaan ilaa 200-askari iyo gawaarida gaashaaman ay seqdii dhexe ee xalay soo caga-dhigteen garoonka Baydhabo, iyadoo xaaladda amaan ee magaalada guud ahaanba si aan horey loo arag loo adkeeyey. Waa Dufcadii labaad ee muddo 48-saac gudahood laga dejiyo Baydhabo, waxaana ay tirade ciidamada Xukuumadda Uganda, ka jooga Baydhabo ay ka dhigeysaa haatan ilaa 600 askari, iyagoona ciidamadani qeyb ka ah qorshaha IGAD, ay ciidamada nabad-ilaalineed ugu soo direyso dalka Soomaaliya. Warar soo kordhay haatana waxa ay xaqiijinayaan in ciidamo boqolaal sare u dhaafaya oo Ethiopian-ah ay fariisimo ciidan ka sameysanayaan haatan duleedka degmada Buur-hakaba, xilli ay ciidamada Maxkamadaha islaamiga iyaguna ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyey. C/risaaq C/laahi Maxamed Puntlandonline.com Muqdisho Indhojaceel2003@hotmail.com -
Golaha Ammaanka ee QM, oo ogolaatay in Ciidamo Nabad-ilaalin ah loo diro Dalka Somalia. Mogadishu , Sabti, Nov 25, 2006 Radio Simba Golaha Ammaanka ee QM, ayaa lagu soo waramay inay isku raaceen Qaraar qabyo ah, kaasi oo oggolaanaya in Ciiddamo Nabad-ilaalin ah oo ka socda Gobalka loo soo daad-gureeyo dalka Somalia. Qaraarkaasi qabyadda ah, oo Dowladda Maraykanka isku soo duwday, ayaa waxa uu sidoo kale qaadayaa Xayiraadda Caalamiga ee hubka ee QM ay saartay dalka Somalia sannadkii 1992-kii. Ansixinta Qaraarkan, ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay Kumaanaan Ciiddamo Shisheeye ah oo ka kala socda Dalalka Ethiopia iyo Ugandha ay ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo la sheegay inay qeyb ka yihiin Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee Urur-gobaleedka IGAD ee ay ka fulinayaan dalka Somalia . Simba Media Center , Mogadishu
-
Latest: PM Geedi flies out to Abuja...Uganda troops arrive in Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
BAYDHABO: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ka duulay Magaalada Baydhabo isagoo... Posted to the Web Nov 25, 13:21 Baydhabo (PP) - Ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta ka duulay garoonka diayaaradaha ee Baydhabo, isagoo ku sii jeeda Magaalada Abuja ee dalka Nigeria. Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Ra'iisul wasaraha Soomaaliya uu sii mari doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halasoo uu ku sugnaanayo laba casho, waxaana kulammmo uu kula qaadan doonaan Madaxda Beesha Caalamka ee halkaas ku sugan. Ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa horay u sii raacay xubno dhowr ah oo ka tirsan wasiirrada dowladdiisa, waxaana Prof. Geeddi uu kaga qaybgalayuaa dalka Nigeria kulanka Madaxda Afrika iyo Kuwa Koonfurta Mareykanka, kaasoo looga hadli doono dalalka ay ka socdaan iyo xaaladaha ka jira. Prof. Geeddi intii uusan duulin ka hor wuxuu la hadlay Xildhibkaannada Baarlamaanka, isagoo u sheegay in kulankas ay ku soo bandhigi doonaan xaaladda dalka Soomaaliya, ayna warbixin ka siin doonaan Madaxda halkaas isugu timid arrimaha Somalia. "Waxaan idinka codsanayaa inaad noogu soo duceysaan niyadiinna saalaxa ah, si aan shirkaas uga keenno guulo la taaban karo, waayo xildhibaannadu waa kuwo calooshoodu saafi tahay" ayuu yiri Ra'iisul wasaare Geeddi oo intaas ku daray: "Waxaan idiin rajeynayaa inaad dhankiina howlaha ALLE idiin fududeeyo waayo waxaa idin horyaal howlo fara badan". Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
Latest: PM Geedi flies out to Abuja...Uganda troops arrive in Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Qeybtii Labaad ee Ciiddamo ka tirsan Milliteriga dalka Ugandha, oo xalay soo gaaray Magaalladda Baydhabo. Mogadishu , Sabti, Nov 25, 2006 Radio Simba Ku dhawaad Labo Boqol oo Ciiddamo ka socda Milliteriga daalka Ugandha, ayaa xalay ka soo degay Garoonka keliya ee ay DFKMGS maamusho ee ku yaalla Magaalladda Baydhabo, waana Dufcaddii Labaad ee Ciiddamadda Ugandhese-ka ah ee muddo 48-saacadood gudaheedaa ka soo dega Garoonkaasi. Ilo-wadareed lagu kalssoon yahay, ayaa waxay sheegayaan inay Saqdii dhexe ee xalay ay Labo Diyaaradood oo Xamuul oo aad u weyn ka soo degeen Garoonkaasi, kuwaasi oo ay waday Labo boqol oo Ciiddan iyo Shixnaddo gaadiidka Milliteriga ah. Ciiddamadda Ugandheese-ka ee haatan ku sugan Magaallaadda Baydhabo, oo tiradoodu dhan tahay 600-Askari, ayaa waxay qeyb ka yihiin Qorshaha Urur-gobaleedka IGAD ee Ciiddamadda Nabad-ilaalinta lagu keenayo dalka Somalia . Dhinaca kale, Ciiddamadda Ethiopian-ka ee ku sugan Magaalladda Baydhabo, ayaa wada dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ay ugu diyaar garoobayaan Dagaal ay ku soo qaadaan Ciiddamadda GMIS, iyadoo ay fariisimo cusub ka dhigteen duleedka Degmadda Buur-hakabo oo ay Ciiddamadda GMIS joogaan. Simba Media Center , Mogadishu -
Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul-wasaare Geedi oo maanta Baydabo ka ambabaxay. Baydhabo, Sabti, 25 Nov 06 Simba Radio Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Ra'iisul-wasaaraha Somalia Prof. Cali Max'ed Geedi ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo. Xubnaha Wafdiga uu hogaaminayo Ra'iisul-wasaaraha Somalia ayaa la sheegay iney ku sii jeedaan Magaalada Abuja ee Dalka Nigeria balse ay sii mari doonaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya . Ra'iisul-wasaaraha Somalia ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha DFKMGS C/laahi Yuusuf Axmed iyagoo kawada hadlay sida la xaqiijiyay arimo khuseeya safarka Ra'iisul-wsaaraha. Kulanka ay ka qeyb galayaan Wafdiga uu hogaaminayo Ra'iisul-wasaare Geedi ayaa la sheegay in looga hadli doono Arrimaha Argagaxisada kaasoo ay qaban qaabisay Dowlada Mareykanka. Simba Media Center , Mogadishu
-
Maxkamadaha iyo xubanaha dowladda ee Muqdisho oo wada gaaray heshiis source War deg deg ah
-
Sharif Ahmed: we want to talk to Ethiopia how things change..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xiin, welcome my old friend. Ethiopia declared war on the Clan Courts who declared war on it a month or so ago. Also the Clan Courts agenda has been nothing but land grabs and lies, even the recent Abud-Waaq inciden and their repeated attempts on Mudug highlights that this is no more than the usual clan agression that we have seen before. But like Che, said some support the courts because of the use of force. Hence they will be soon claping for who ever wins using force. -
Bambo, brother I am not boosting anyone side, just reporting how silly the arguments of some here are. What regional war? There is a war between Clan Courts and the national government of Somalia. The TFG has the legitimate right to secure the country by any means. The Clan Courts belive they have the right to use any method, lies murder, agression, land grabs to secure their future. So do not try to play dumb, you know the stakes and who were pushing the "Jihad against Tigray" card from the beginning.