
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
NGOONG. The, AU/IGAD troops will help with the training and also safe gaurd the Capital and areas under the control of TFG. The TFG troops will expand taking incremental steps, throught the country without worriying about the security of their HQ areas they have secured. Consider the TFG has around 10-15,000. troops already ready and willing to fight. They should negotaite with some parts of the courts and empower the locals to set up real admins for their regions as happened in Bay & Bakool.
-
^^ 300-1000 men.
-
^^^They have said they have a battalion trained for this specific job. Also they will be able to bring heavy armour and even air cover.
-
Ugandha"Waxaanu Diyaar u nahay inaan Somalia Galno waqtiga ugu dhakhsaha badan... Kampala:-Wasaarada difaaca ee dalka Ugandha ayaa shaaca ka qadaay inay diyaar u tahay inay Ciidamo nabad ilaalineed u dirto Somalia,wax yar uun ka dib go'aankii QM ee ku baaqayey in Ciidamo loo diro Somalia,waxayna taas ku xireen oo kaliya in Barlamaanka la hor geeyo si uu u aqbalo waa sida hadalka loo dhigaye. Wasiirada Difaaca ee Ugandha haweeyada lagu magacaabo Mrs Ruth Nankabirwa oo Reuters u warrantay ayaa tiri"Waxaanu haysanaa Ciidamo kayd ah oo taba baran diyaarna u ah inay meel walba tagaan,kaliya waxaan sugaynaa in Barlamaanku ogolaado. Warkaan ka soo yeeray Wasiirada Ugandha ayaa yimi mudo ka yar 24saac gudahood xilligii uu golaha amaanku ogolaaday in Somalia la geeyo Ciidamo ka socda urur Goboleedka IGAD oo aysan ku jirin kuwa dariska la ah Somalia si ay u taageeraan xukuumada Federalka ah ee Baydhabo dagan. Dowladaha Ugandha iyo Sudaan ayaa iyagu ah labada dowladood ee aan Somalia xasaasiyadi ka dhexayn,dano garaa uu muuqadana aan ka lahayn,xuduudna aan la lahayn,walow laga yaabo inay jiraan dano hoose oo u qarsoon sida ay qabaan Diblomaasiyiin reer galbeed ahi. Ugandha oo saaxiib la ah dalka Maraykanka ayaa la sheegayaa inay iyadu doonayso inay dowlada Maraykanka waji kaga diyaarsato,si ay u hesho gar gaar iyo tababarada Ciidamadeeda oo loo xoojiyo. Dhanka kale Diblomaasiyiin ku sugan Washington ayaa waxay sheegayaan in Maraykanku uu doonayo inuu helo dowlad Somaliyeed oo isaga danihiisa u fulisa dowladaha dariskana la shaqaysa,taas oo ku kaliftay inuu ansixiyo go'aankaan buuqa badani ka taagan yahay. Maxkamadaha Islaamka ayaa iyaguna dhankooda wacad ku maray la dagaalamayaan askari kasta oo ciida Somaliyeed cag soo dhiga ciduu doonaba ha u dhashee. Wali lama oga xilliga ay imanayaan Ciidamadaan lagu baaqay in la geeyo Somaliya laakiin waxaa la saadaalinayaa in deg deg loo keeni doono,ciddii doodana aan dhag loo jalaq siin doonin. Axmed Xayrdaac Waayaha.net-London-UK
-
Uganda oo diyaarisay ciidamadii ay u soo diri laheyd Somalia. Mogadishu 07, Dec.06 ( Sh.M.Network) –Wasiirka G/dhigga ee dalka Uganda ayaa maanta sheegtay in Uganda ay diyaar u tahay in ay ilaa hal battalion oo ciidamo ah u dirto Somalia, taasoo ka dambeysay qoraalkii golaha amaanka uu ansixiyay iyo iyadoo la sugayo uun ansixin laga helo baarlamanka wadankaasi. Ruth Nankabirwa oo ah haweeneyda xagga daafaca ugu qaabilsan Uganda ayaa iyadoo u warameysay wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay tiri “: ciidamadeyna waa diyaar, heegan ayayna ku jiraan iyagoo tababaran oo qalabeysan, waxa ayna diyaar u yihiin in ay u dhaqaaqaan Somalia mar alaale iyo marka baarlamanka uu ansixiyo go’aanka horyaala ilaa inta taasi laga helayo ma jirto ciidan baxaya”. Haweeneydaan ayaa sidoo kale beenisay in Uganda ay u janjeerto dhinaca dowladda KMG ah, iyadoo sheegtay in ciidamadooda la weydiistay in ay ku biiraan ciidamada gobolka ee dhowaan tagaya Somalia. Waxa ay sheegtay in joogista ciidamada Uganda ee dalka Somalia ay noqon doonto mid dadka Soomaaliyeed ay aqbali doonaan waayoo bay tiri “ ciidamadeyna waa nabad ilaaliyeyaal ee ma ahan dagaal doon. Waxa ay gaashaanka u daruurtay cabsida laga qabi karo in Uganda ay lugaha la gasho dhiiqo ka dhalata colaadda Somalia, waxa ayna ku dooday in ciidamadeeda ay ku socdaan nidaam iyo codsi horey u soo gaaray, oo ah in ay ka qeyb qaataan howlaha nabad ilaalinta Somalia. Diblumaadsiyiinta waxa ay sheegayaan in ciidamada Uganda loo diyaariyay mar horeba howl-galka nabad ilaalineed ee laga fulinayo magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda, laakiin Mss. Nankabirwa waa ay diiday in ay faahfaahin ka bixiso diyaargarowga ciidamadeeda. Hadalka dowladdfa Uganda ee ku saabsan in ay ciidamo u direyso Somalia ayaa yimid, wax yar ka dib markii golaha amaanka ee Q.M uu isku raacay ansixinta qaraar laga soo shaqeeyay oo mareykanka uu soo gudbiyay, kaasoo amraya in ciidamo ka socda gobolka la geeyo Somalia, si ay u ilaaliyaan dowladda KMG ah ee fadhida Baydhabo, isla markaana ay u tababaraan ciidamadeeda. Uganda iyo Sudan ayaa ah labada dal ee aan xadka la laheyn Somalia isla markaana aan dalkaasi ka laheyn dano staraatiijiyadeed oo cad. Dhinaca kale diblumaadsiyiin reer galbeed ah oo ku sugan caasimadda Kampala ayaa waxa ay sheegeen in mareykanka uu doonayo xulufo uu u helo Somalia, waxa ayna leeyihiin ma ahan wax qarsoon in mareykanka uu tababarayay ciidamada qaaska ah ee Uganda oo uu siinayay qalab Militari. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
-
Cabdiqasim calling for foreign troops during his transitional era.
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
^^^Ouch, the man now opposes this TFG, and says he is ready to go to war? Eat your heart out Abdiqasin.. -
^^^Well put, the startegy of the old man will become clear in the coming months.
-
^^^Could not care less, get that.
-
^^^Nice analysis my friend. Though I would add a couple of things here. The TFG has enough troops to combat the courts, as evident by the lack of progress from the courts side and the halt to their expansion. What the TFG gets is an added, diplomatic and millitary advantage. The foreign troops will safe gaurd the Capital Baidoa and Bay while the TFG army will move on to other areas, it will not be nor do we need the foreign peace keepers to fight. The TFG will pick and choose areas to take over while the knowledge, training and wepons will add to their strength. The courts are in for a shock and so are their supporters. Horta laba u kala qaad. The support which the TFg is gathering overwhelmingly since last night is not 'caddi'. Well of course this will also increase when regions like the Lower Shabbele and the Juba's fall into the TFG hands..
-
'Breaking News'U.N. authorizes regional force to protect Somalia
General Duke replied to Juje's topic in Politics
^^^Saxib, no need for the rebuke, the world recognises and supports the TFG. No one recognises and supports Somaliland outside the Clan.. Thats politics right.. -
^^^ The fatehr of the lower Shabbele occupation is no, nationalist, Shiekh or anything else.. Here is AMin ammirs take on this..
-
^^^If as the articles above indicate that the majority of the PUBLIC in Baidoa and even some in Mogadishu support this resoloution and thus the TFG's programm. Is this not itself important to gage?
-
^^^Juje, The people of Baidoa, aside from the government welcome this step. The articles have provided evidance from Mogadishu based websites even indicate that people of Mogadishu welcome this step. The public opinion is what I am looking at, this is important dont you think?
-
Wadaad Xumme-Qill Uu Wax Ku Xalaaleeysto Ma Waayo. Degma Kasta Oo Gobolka Shabeelada Hoose Waxaa Gacanta Ku Hayaa Beesha... source
-
This another piece on Somaliweyn, writen by a Somalilander...He takes the same points of the Clanist nature of Xasan Dahir. Taliska Maxkamadaha Muqdisho Mixnad Maalin Dhamaan Doonta: Maxaad Ka Taqaana Hogaanka Sare Iyo Siduu U Dhisanyahay Waa Kuma Xasan Daahir Aways Xasan Daahir Aways Maskaxda ka danbaysa Taliska Maxkamadaha Muqdisho Isla Markaana ah Xubin ka tirsan Guddida Fullinta Ee Alqaacida Xasan Daahir Aways wuxuu ka tirsanaa Taliskii Kacaanka ee Afweyne Barre balse dabayaqadii 70-naadkii ayuu Xasan Daahir Aways ka falagoobay Taliskaasi isagoo banaanka uga baxay waxaana lagu tiriya sababta keliftay inuu ka baxo maamulkii Kacaanka ahaa xidhiidh u la yeeshay ururkii Akhwaanul Muslimiin ee ka jiray dalka Masar oo wakhtigaasi dagaal badan ay kula jirtay Xukuumadda Dalka Masar Xasan Daahir Aways wuxuu booqasho ku yimid dalka Pakistan sannadkii 2001-dii bishii August badhtamaheedii maalmo yar uun ka dib qaraxyadii 11 September, wuxuu ku soo horeeyey Xarunta waddanka Pakistan ee Islamabad halkaasi oo uu si weyn sooryo uga hellay Maamulka Safaaraddii hore ee Soomaalidu ku leedahay Xarunta Islamabad, waxaa lagu casuumay inuu khudbad u jeediyo wakhtigaasi soomaalidii ku dhaqnayd magaalada Islamabad wuxuuna Xasan Daahir Aways Hadalkiisa ku bilaabay "Nimanka reer Waqooyi waxay soomaali ku yahiin sida dirxiga qudhunka gallay haddii inta madaxda u ah aan kurka laga jarin waxaan qabaa inay Soomaaliya ka fogtahay nabad iyo xasilooni""... "Ilaahay haddii uu gacanta u geliyo maamulka islaamka Soomaaliya waxaan u ballan qaadaya inaan lagu arki doonin Soomaaliya iyo Waqooyi Calmaani xukun aan diinta alla wadanin..... "Hargeysa waxay is tustay waxaan ilaahay raali ka ahayn oo ay caabudaan waana wax la yidhaahdo Nabad..." :eek: . Xaqiiqdii wakhtigaasi waxaan ku sugna gudaha hotelka Days Inn ee magaalada Islamabad oo Xasan Daahir Aways kelmadahaasi dadkii meesha joogay ee soomaalida ahaa ugu khudbadaynaayey Xasan Daahir Aways wuxuu usoo gudbay Magaalada Karachi ee dalka Pakistan isla dabayaqadii bishii August ee sannadkii 2001-dii wakhtigaasi oo uu masaajido badan kala hadlay dadka Soomaalida ah khaas ahaan beeshiisa ****** jaaliyadaha ka joogay dalka Pakistan, balse maalmo yar uun ka dib horaantii bishii September ayaa la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay Xasan Daahir Aways, wakhtigaasi ayaan telefoon kula soo xidhiidhay mid ka mid ahaa guddiyadii u qaban qaabinaayey hadalada uu fagarayaasha ka jeedinaayey wuxuuna ii sheegay inaanu war ka haynin halka uu Xasan Daahir Aways ku suganyahay. Soomaalidii joogtay Dalka Pakistan khaas ahaan magaalada Karachi oo ay aadba ugu yaraayeen ayaa isweydiisay goorta uu safray Xasan Daahir Aways, halka uu u safray, cidda safarkiisa ogayd, taasi runtii waxay noqotay layaab, balse 14 September seddex maalmood ka dib qaraxyadii 11 September ee sannadkii 2001-dii, ayaa waxaan booqday Wadaad ka mid ahaa wadaada Reer ahaan ay isku raaska ahaayeen Xasan Daahir Aways gurigiisa waxaana aanu gurigaasi si kedis ah ugu kulanay Xasan Daahir Aways oo wakhtigaasi ku sugan. Maalmo ka dib ayaa waxaan u duur gallay safarkii Xasan Daahir Aways ee aan muuqa lahayn iyo goobtii uu ku tagay, waxaan ogaaday inuu gaadhi kaga tallaabay Xuduudka u dhexeeya dalalka Pakistan iyo Afghanistan wakhtigaasi oo la ii sheegay inuu tallo ama waxaa afka carabiga loogu yeedho "shuuro" ugu tagay Hogaanka Sare ee ururka Alqaacida oo wakhtigaasi isku wergelinaysay hannaankii u dhacaayey Qaraxyadii 11 September waxaan markiiba xaqiiqsaday inuu Xasan Daahir Aways xidhiidh sokeeye oo weliba aragtiyi ka dhexayso la leeyahay Osama Binladen oo ah Hogaamiyaha Ururka Alqaacida. Akhristayaal qaybta Xigta qormadani waxaan ku soo qaadanaya Xogo badan oo aan ka uruuriyey Taliska sare ee Maxkamadadha Muqdisho iyo weliba afkaarta ay kala xanbaarsanyahiin waxaa qormooyinkani la socda Siro badan oo daaha laga rogi doono ha moogaan lana soco.
-
Mudaaharaadyo Mahiigaan ah oo lagu taageerayo go’aanadii ka soo baxay qaramada midoobay oo ka dhacay Soomaaliya inteeda badan Muqdisho(Olol News)-Waxaa manta ka dhacey inta badan Goboladda Somaliyeed dibadbaxyo lagu taageero laguna ayidahayo qaraar ka soo baxey Qaramadda Midoobey (UN) ee numbarkiisu yahey. Dibadbaxaas waxaa soo agaasimey shicib weynaha Somaaliyeed meel kasta oo eey wadanka kala joogaan min raas Xafuun ilaa raas Kambooni, inta qaranimo, cadaaladda, iyo horumarka jecel aaminsana. Dibadbaxaas waxaana ka soo qeyb galey dad aan cadad laheyn oo aad iyo aad u fara badnaa oo ku dhawaa laag (malyan) meelaha qaarkood. Dadka go’aankaas ayidahayey wuxuu halkudhagoodu ahaa (Somaalia, Somaalia, Somaalia, ha noolaato Somaalia, ha noolaato Dowladda Federalka ee Somaliyeed, ha noolaado Madaxweynaha dowladda Ferderaaliga,Raisulwasaaaha Somaaliyeed, iyo dowladda oo dhan, ha noolaado ururka IGADSOM, ha noolaato dowladda Mareykanka, ha noolaato cadaaladda Qaramadda Midoobey. Mar qaar ka mid ah shicikii soo banaanbaxey aan wax ka weydiiyey sida manta dareenkoodu yahey. Waxey ku jawaabeen, wax badan baan sugeyney inuu sare maro calaankeenii baluugle ahaa oo sadaalineyn. Waxaan ilaahey uga rajeynhayaa iney Somaalia noqoto tii xasiloon oo dadkeedu ku wadda nolaadaan nabad, barwaaqo iyo baraare oo ilaaheyn dib ugu soo celiyo dareenkii somaalinimo oo ka lumey 16 sanno ee la soo dhaafey. Qaar kale, waxey oranhayeen manta waa maalin dalka qiimo weeyn u leh, waayo waxaan rajeyneynaa iney dowladda iyo inta nabad jecel ee Somaaliyeed ey u surta gasho si eey nabadii libirtey u soo celiyaan, Waxaan mahad u celinhayaa eebaha arinkaan u suldaanka ah. Allah garab gallo dowladda u bareertey iney naftooda u huraan dalkooda iyo dadkooda. Inta lunsana allah soo hanuuniyo oo xaqa allah tuso. Mar dareenka mas’uuliyiinta dowladda gaar ka mid aan khadka telfoonka wax ku weydiiney, waxey jawaabtoodu aheyd. Waanu sugeyney iney tani dhacdo, waxaan goor aan dheereyn ayaa shacabka Somaaliyeed la wadda arinsan doonaan dowladooda, shaahana eeynu ku wadda cabi doonaan baar shabeele iyo Curuba Hotel – waa hadiiba wax ka hareen. Wuxuuna hadalkiisii ku darey waxaan kula dardaarmahaya inaan dadweynaha Somaaliyeed la marin habaabin oo aan la fajac galin, waana iney ogaadaan iney dowladooda garab istaagaan oo ey isu diyaariyaan sidii eey ugu soo dhaweynlahayeen caasimadda Moqadishu. Waxeyna dadku arki doonaan inuu eebe yahey kan xaqqa lagu caabudo insha allah. Dareen qof kale oo aan ka wareysan magaaladda (baydhabo, galkacyo, bosaaso, garowe, lascanood,iwm). Wuxuu isna yiri waa in shacabka Somaaliyeed aan la marin habaabin, waxaana lagama maarmaan ah iney Somaalidda oo dhan isu abaabulaan sidii ey iyagoo raxan raxan ah ugu soo dhaweynlahayeen Madaxda dalka, madaxdaas oo aad iyo aad ugu samirtey muddo 2 sanno iyo ka badan sidii dadlkeeda nabad loogu ugu soo dabaali laheyd. Maanta ayaa la arki doona dhabahii iftiinka kaas oo aan aminsanahey inuu horumar u horsed doono dadlka iyo dadkaba. Hooyo Somaaliyeed oo aanu wax ka weydiiney dareenkeeda ku aadan banaabaxaan manta waxey tiri. Anigu hooyo somaliyeed baan ahey walibana jecel sidii dalkeyga ku badbaadi lahaa, balse nasiib daro 14 sanno ayaa Ummad Somaaliyeed eysan garan dareenka wadanimo oo eysan laheyn dowladda dhexe. Maalintii ilaahey dowladda ugu deeqeyna oo waliba Somaali u dhameyd yacni 4.5, waxaa dhacdey iney rag raga ka mid ah isbaarooyin hor leh ey dhigtaan oo eey dhahaa (gow-iyo-gashba-ma leh) Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun! Markaas baa loogu dhaqaadey inaan lagu daysan oo xoodin iyo baryo loogu dhaqaaqey. Marka manta waa idmaneyd inuu eebe u khasbo Qaramadda Midoobey iyo waliba intaba nabad jecel, si eey dadka qaarkiis oo aan marnaba nabad jeceleyn ugu qancaan ineysan qadarta eebe iyagu celin karin. Ilaahey wuxuu rabo wuxuu dhahaa (Kun faya Kun). Marka waxaan aniga qof ahaan eebe ka rajeynhaya iney dowladda soo celiso nabadii, walaaltinamdii, iyo xasiloonidii laga waayey mudaadaas dheer. Ilaaheyna waxba kuma ahan iney dadka manta dowladdooda iyo shacabka jilaafeynhaya iney bari afkooda ka dhahaa (haddii aan saan moodahayo – mar hore ayaan oran lahaa – Ciidamo Somaalia hala keeno) oo eebe nabad inoogu soo dabaallo. Nabadaas oo aanu inaga kaligeen keensan weyney. Ahmed Kuusoow Muqdisho, Soomaaliya
-
baidoa & mogadishu
-
Baydhabo oo laga soo dhaweeyay go'aankii golaha amaanka Mogadishu 07, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Inta badan dadweynaha ku nool magaalada Baydhabo ayaa soo dhaweeyay go'aanka Q.M ay cuno qabateynta hubka uga qaadeen dalka Somalia. Qaraarkaan ay ansixisay Q.M ee ka qaadista xayiraadda hubka ee Somalia ayaa dadka magaalada Baydhabo waxa ay ku tilmaameen mid loo baahnaa si dowladda Somalia ay u hesho ciidamo ka taakuleeyo dhinaca nabadda. Goobaha dadka ay isugu yimaadaan ee magaalada Baydhabo ayaa aheyd mid si aad ah looga hadal hayay go'aanka golaha amaanka ee Q.M ay ka soo saareen arimaha Somalia ee la xiriira xayiraadda hubka. Ilaa 38 ruux oo ka mid ah dadka magaalada Baydhabo oo wariyaha shabelle uu ka uruuriyay ra'yigooda ku aadan golaha amaanka ayaa 25 ka mid ah waxa ay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin in la qaado xayiraadda hubka ee Somalia isla markaana la keeno ciidamo gacan ka siiya dowladda dhinaca amaanka iyadoo 8 ruux ay ka aamuseen, halka 5 kalena ay codkooda ku biiriyeen in aan micno yeelaneyn in xilligaan la qaado xayiraadda hubka. Dagaalo dhex mara dowladda iyo maxkamadaha islaamka ayaa la filayaa bay sii raaciyeen maadaama dalka loo safasaxay in ay yimaadaan ciidamo shisheeye. Si kastaba ah ahaatee ka hor inta aan la qaadin cuno oqabateynta hubka ee Somalia ayaa waxaa digniino ka bixiyay ururo u dooda xuquuqda aadanaha iyo waliba dowlado dhowr ah.
-
'Breaking News'U.N. authorizes regional force to protect Somalia
General Duke replied to Juje's topic in Politics
Duke, Shaley iyo Maanta Kaama Qasna. lol. My friend this is not about me, the journey is long and difficult. Though we are heading in the right direction for once. -
Clan Courts anger at the world.. maybe a Jihad on the UN
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^They do not understand anything. These courts are great for advancing the TFG interest. -
Clan Courts anger at the world.. maybe a Jihad on the UN
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Masuuliyiinta maxkamadaha oo walaac ka muujiyey qaraarka Q/midoobey ee ku aaddan arrinta soomaaliya. Last Updated::2006-12-07 19:07:42 Muqdisho:-Guddoomiyaha midowga maxkamadaha Muqdisho Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday inuu go'aanka xalay la gaaray uu yahay mid Maraykanka ka yimid ee aysan beesha caalamku u dhamayn Guddoomiyaha midowga maxkamadaha Muqdisho Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday inuu go'aanka xalay la gaaray uu yahay mid Maraykanka ka yimid ee aysan beesha caalamku u dhamayn. Guddoomiye Shariif wuxuu xusay in go'aankan la ansixiyay uusan dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed, balse sida uu hadalka u dhigay uu dan u yaha Itoobiya. Shekh Shariif wuxuu sheegay inaysan Maxkamaduhu ogolaan doonin in dalka ay yimaadaan ciidamo nabad ilaalin ah , noocay doonaan ha ahaadaane. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay la dagaallamaan haddii dalka ay soo galaan ciidamo nabad ilaalin ah . Dhinaca kale C/raxmaan Cali Muuddeey oo ah afhayeenka maxkamadaha ayaa ka dhawaajiyay go'aanka qaramada midoobay uu yahay fal shaydaan . Muudeey oo u waramayay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in go'aanka la gaaray uu Soomaaliya u ogolaanayo inay hesho hubka casriga ah , oo ay ku difaaci doonaan naftooda. Wuxuu af hayeenku sheegay in hubka la fasaxay inaysan ka caaganaan doonin maxkamaduhu oo ay hubkooda la imaan doonaan, asagoo intaasi raaciyay in haddaba ay hub ku filan haystaan. Shirka dib u heshiisiinta mar uu ka hadlayay Sheekh Muudeey wuxuu sheegay inay ka fiirsan doonaan ka qayb galkiisa Maxamed Maxamuud welcome Horseednet.com -
Clan Courts anger at the world.. maybe a Jihad on the UN
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Sheikh Shariif"Ciidamada la doonayo in dalka Somalia la keeno waxaan u argnaa inay yihiin Gumaysi waxayna la kulmi doonaan,waxaysan maskaxdoodu... Muqdisho:-Gudoomiyaha golaha fulinta ee Midowga Maxkamadaha ayaa maanta gaashaanka ku dhuftaygo'aankii xalay ay QM ka soo saareen Somaliya ee lagu sheegayey in Ciidamo nabad ilaalineed loo diro Somalia. Gudoomiyaha oo maanta u waramayey Aljazeera ayaa sheegay in Go'aankani uusan ka iman QM ee ay soo gudbiyeen labada dowladood ee Ethipia iyo Maraykanka oo uu ku sheegay inay waligood ahaayeen Cadowga Somalia iyo Islaamkaba guud ahaan. Sheikh Shariif isaga oo arrintaas ka hadlaya wuxuu yiri"Maraykanku wuxuu doonayaa inuu umadda Somaliyeed ka aarsado dhibaatadii loo gaystay sannadkii 1993gii xilligii uu ciidamada dalka Somalia keensaday,Itoobiyana isagay wakiil u tahay. Dhinaca kale Itoobiya ayuu Sheikh Shariif aad u weeraray wuxuuna sheegay inay markii horana hogaamiye kooxeedyadii wadanka joogay hadana waxay u ololaynysaa in dalka lasoo weeraro. Mar la waydiiyey waxay damacsan yihiin Maxkamaduhu go'aankaan ka dib ayuu sheegay inaysan marnaba Ciidan shisheeye aysan dalka Somalia u ogolaanayn,sidoo kalana wuxuu ugu baaqay dalalka Afrikaanka ah ee inaysan Ciidamo usoo dirin Somalia,cidii diidana ay cawaaqib xuno iyo halaag ay la kulmi doonaan waa siduu hadalka u dhigaye. "Ciidamada la doonayo in dalka Somalia la keeno waxaan u argnaa inay yihiin Gumaysi iyo isticmaar hor leh,waxayna la kulmi doonaan waxaysan waligood ilaawin,Cidii doonaysa inay na caawiso waxaan ugu baaqaynaa inay wada hadalka iyo si nabadi ku jirto inay noo caawiyaan ayuu Sh.Shariif oo hadalkiisa caro xoogan laga dareemayey. Axmed Xayrdaac Waayaha.net-London-UK -
The Clan Courts threats keep coming, maybe a clan Jihad on the UN security council is in order? Indhacadde oo hanjaabd u jeediyay Ciidamada la doonayo in lasoo galiyo Soomaliya. Muqdisho:-Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa siyaabo kala duwan uga warceliyay go'aanka kasoo baxay Golaha Amaanka ee la xiriira qaadista qeyb ahaan xayiraada hubka ee dalka Somaliya iyo in dalka ay soo galaan ciidamo Shisheeye. Masuuliyiinta Xagga Amaanka u qaabilsan Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in xalad deg deg ah ay kusoo rogayaan goobaha ay ka taliyaan si markaasi looga hortago ciidamada la sheegayo in ay imaanayaan dalka Somaliya,oo ay sheegeen dagaal furan in ay la gali doonaan. Yuusuf Max'ed Siyaad Indhacadde oo Maxkamadaha Islaamka dhinaca Amaanka u jooga ayaa ku tilmaamay go'aankaasi ahaa mid lagu wiiqayo dadaalada nabada ee dalka Soomaaliya ay ka wadeen Maxkamadaha isaalmka iyo amnigi dalka ay kusoo dabaaleen. Waxaana uu Indha Cadde wacad ku maray Soomaaliya in ay noqon doonto qubuuraha ciidamada shisheeye hadii ay kusoo xadgudbaan dhulka Soomaaliya,isagoo ka digay dhibaabto ku faafta geeska Africa hadii dagaalo laga huriyo gudaha dalka Somaliya. Indhacadde ayaa isugu horay ugu hanjabay in dalka Soomaaliya uu ugu yeeri doono dagaalyahano shisheeye oo ah waxaa loogu yeero argagixisada caalamiga ah, waxaana hadalkaas ka xumaaday madaxda maxaakiimta midoobay. Sidoo kale masuuliyiin katirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa si weyn u canbaareysay qaraarka QM waxaana ay ku tilmaameen mid lagu doonayo mar kale in mugdi lagu galiyo mustaqbalka Shacbiga Somaliyeed oo mudo 16 sano ah waayay taageerada Beesha Caalamka, waa sida ay yiraahdeene. Dalalka Caalamka ayaa indhaha ku haya dhaq dhaqaaqyada ka soconaya Somaliya,ka gadaal markii Maxkamadaha Islaamka Somaliyeed ay ku dhawaaqeen in Somaliya ay ku marti qaadi doonaan dagaaliyahanada Muslimiinta Caalamka si ay uga qeyb galaan difaacista diinta islaamka. Xafiiska Waayaha.net ee Muqdisho
-
'Breaking News'U.N. authorizes regional force to protect Somalia
General Duke replied to Juje's topic in Politics
Juje, is close to the truth here. The courts if they continue will meet a biger danger that they are already in. Suldanaka & Abwan, Eritrea is not that important, it can ill afford to go against the world order, this is the security council we are talking about people,. It also has enough heat with Adis and Khartoum already. Also dear Suldan, what of Somaliland now, even if the beloved UK has thrown its hat and supports the TFG...Poor you. Abwan, the old man is the President of Somalia, elected by the representatives of the people. What is so nationalistic about your point? Which was to oppose and demonise every step he takes? -
'Breaking News'U.N. authorizes regional force to protect Somalia
General Duke replied to Juje's topic in Politics
^^Saxib, only Allah has given the old man a chance. None of the armed factions where ready to change the warlords and clan courts. They wanted to keep the land as it was. This is the first break through the TFG has had in two years. Xiin, saxib, even you know this is a landmark moment. The world is with the legitimate Somali government. Those who came through the barrel of a gun, will now leave through it..