General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Baydhabo: Ra`iisul wasaare Geedi oo shaaciyay in ay dawladda Soomaaliya xilgaan dagaal diyaar u tahay. Axad, December 17, 2006 Baydhabo (AllPuntland)- Ra`iisul wasaarahada dawladda Soomaalia Proff, Cali Maxamed Geddi ayaa waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay haatan diyaar u tahay in ay iska caabiso maxkamadaha magaalada Muqdisho. Ra`iisul wasaare Geddi ayaa waxa uu cadeeyay in xukuumadda Soomaaliya ay muddo soo waday dadaallo ay ku doonayso in ay arrinta dalka Soomaaliya ku dhamayso wada hadal iyo si nabad galyo ah, balse ay maxkamaduhu arintaasi ka biyo diideen. Mudane, Geeddi ayaa waxa uu shegay in ciidamada dawladda Soomaaliya ay haatan diyaar u yihiin in ay dagaal lama huraan ah la galaan ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho ee dhul ballaarsiga iyo hurinta dagaalada ka wada gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay horay u cadaysay in aysan jirin wakhti danbe oo ay dawladdu gacanta ka laabanayso gardarada maxkamadaha magaalada Muqdisho. Arrintani ayaa waxa ay ku soo aadayasaa iyada oo ay gabagabo marayso wakhtigii ay maxkamaduhu u qabteen in ay dagaalka ugu qadayaan macalimiinta ciidamada dawladda Soomaaliya ee u dhashay wadanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo. Mahad Jama Koronto AllPuntland
  2. SANCA: Sheekh Shariif Sheekh Axmed: "Diyaar uma nihin inaan weerar ku qaado goobaha ay ciidammada..." Posted to the Web Dec 17, 07:49 Sanca (PP) - Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa daboolka ka qaaday inaysan doonayn inay weerar ku qaadaan ka maxkamad ahaan goobaha ay kaga sugan yihiin Ciidammada Ethiopian-ka ah dhulka Soomaaliya. Sheekh Shariif ayaa hadalkaan jeediyay isagoo ku sugan Magaalada Sanca ee dalka Yemen oo uu beryihii u dambeeyay ku joogay safar gaaban, waxaaan uu sheegay in wax walba ay ka doorbidayaan in lagu dhameeyo wadahadal iyo is afgarad buuxa. "Maxkamaduhu ma doonayaan inay weerarro ku qaadaan goobaha ay dalka kaga sugan yihiin Ciidammada Ethiopia, balse waxaan doonaynaa inaan nabad wax walba ku dhameyno" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo intaas ku daray: "Xitaa haddii ay dhammaato 7-da casho ee aan u siinnay Ciidammada Ethiopia inay kaga baxaan gudaha Soomaaliya ma doonayno inaan weeraro saldhigyadooda, waana mid aan isku raacsannahay innaga oo dhan". Sheekh Shariif wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wax walba lagu dhameeyo nabad isla markaana wuxuu carrabka ku adkeeyay inay jiraan warar been abuur ah oo la faafiyay kuwaasoo ah in Maxkamaduhu doonayaan inay weerar ku qaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Ethiopian-ka ciidanka ah. Hadalkaan ayaa wuxuu si weyn u khilaafsan yahay hadallo horay uu u shaaciyeen madaxda sarsar ee Maxkamadaha oo ah inay kula dagaalami doonaan Ciidammada Ethiopia goor walba, waxaana 7-casho loo qabtay Arbacadii la soo dahafay, iyadoo ay ka harsan tahay 7-da casho laba maalmood oo qura. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
  3. Juje, a good point indeed. Signing another agreement in Yemen, highlights the depth of desperation they seem to be in.
  4. Baydhabo: Golaah baarlamaanka ee dawladda Soomaaliya oo fadhi ku yeeshay Baydbabo qodobo kala duwana ka dooday. Axad, December 17, 2006 Baydhabo (AllPuntland)- Golaha baarlamaanka ee dawladda Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku qaateen magaalada Baydhabo waxa ay kaga doodeen arrimo ku aadan xeer hoosaadka golaha baarlamaanka. Kulankaasi ayaa waxa ay golaha baarlamaanku isaga dhex magacaabeen xubno ka soo shaqaynaya qaabkii loo soo dhisi lahaa xeer hoosaadka golaha. Xill. Xasan Isxaaq Yacquub ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi ay goluhu ka wada hadleen qaabkii uu noqon lahaa xeer hoosaadka baarlamaanka kaasoo ah mooshin ay soo diyaariyeen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka. Kulankaasi ayaa waxaa la filayay in uu soo xaadiro ra`iisul wasaaraha dawladda Somaaliya , si uu u soo hor dhigo qodobo kala duwan oo xukuumadda ku saabsan. Sidoo kale ra`iisul wasaraha ayaa waxaa la filayay in uu khudbad u jeediyo golaha baarlamaanka ee dawladda Soomaaliya. Arrintaasi ayaa waxaa ku yimid dib u dhac ka gadaal markii uu ra`iisul wasaaruhu kulamo la galay wafdi ka baxay gobolada Puntland oo maanta gaaray magaalada Baydhabo. Mahad Jama Koronto AllPuntland
  5. Wafdi ballaaran oo reer Puntland oo ka degay magaalada Baydhabo (Baydhabo)-Wafdi ballaaran oo reer Puntland oo uu hogaaminayo M/weyne Cadde Muuse Boqor ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada xarunta ah ee Baydhabo, halkaas oo si aad ah loogu soo dhoweeyey. Wafdigaan ayaa Ayraboorka waxaa waxaa ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee dawlada oo ay ka mid yihiin ku simaha guddoomiyaha golaha Barlamka Boqore iyo R/wasaare Cali Max’ed Geedi. Wafdiga Cadde Muuse oo ka kooban wasiiro iyo weliba guddoomiyaha golaha Barlamka Puntland ayaa la filayaa inay shir la qaataan madaxda FS oo uu ka dhexeeyo xiriir aad u dhow. Weli lama qeexin ujeedada wafigaan waxaase warar u dhuun daloolaa ay sheegayaan inay tahay abaabul dagaal oo dawladda FS ay taageero kaga raadinayso maamulka Puntland, iyadda oo habeenadan ay jireen diyaargarow dagaal. DFKMG ayaa iyadu si aad ah ugu tiirsan maamulka Puntland marka laga eego dhinaaca taageeradda siyaasadeed iyo dhinaca dhaqaalaha labadaba, waxaana laga yaabaa in arinta loogu yeeray ay tahay diyaar garow dagaal oo dhan ka ah midowgama maxaakiimta islaamiga oo iyagu ka ka soo horjeeda dawlada FS. Xarunta wararka Waayaha.net
  6. Baydhabo: Madaxda dawladda Soomaaliya iyo wufuudii Puntland oo kulammo qaatay. Axad, December 17, 2006 Baydhabo (AllPuntland)- Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Jen, Cadde ) ayaa waxa uu kulammo la qaatay madaxwayanaha iyo ra`iisul wasaaraha dawladda Soomaaliya. kulankani oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa la sheegay in ay madaxaasi kaga wada hadleen xaaladda dalku uu haatan marayo iyo sidii loo wada wajahi lahaa. Ilo ku dhow dhow kulankaas ayaa waxaa lagu sheegay in madaxda federaalka iyo Puntland ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa gardarada qawan ee ay ku hayaan maxkamaduhu gobolada Puntland iyo meelaha ay xukuumaddu ka taliso. Sidoo kale kulan ku aadan dhanka dhaqaalaha ayaa waxa uu dhex maray wasiirada maaliyadda ee maamulka Puntland iyo dawladda Soomaaliya. Labada wasiir ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii ay iskaashi dhanka dhaqaalaha ah oo buuxda u wada samaysan lahaayeen xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka Puntland. Sidoo kale waxaa kulamoo dheeraad ah yeeshay qaar ka mid ah wasiirada dawladda Soomaaliya iyo wufuudii ka tagtay gobolada Puntland. Mahad Jama Koronto AllPuntland
  7. BAYDHABO: Madaxweynaha Puntland oo gaaray Baydhabo kulammana la qaatay Madaxda Dowladda Posted to the Web Dec 17, 16:43 Baydhabo (PP) - Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Puntlandpost Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Socdaalka uu ku tagay Cadde Muuse Magaalada Baydhabo oo ah kii ugu horreeyay noociisa ayaa waxaa ku wehliyay xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha gudaha ee Puntland iyo xubno kale oo aad u fara badan oo ka tirsan golaha Wasiirrada Puntland. Wafdiga ayaa markii ay gaareen Aqalka Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay kulammo albaabadu u xiran yihiin la qaateen madaxda Dowladda ugua sarreysa, inkastoo aan la shaacin wixii ay ka wada hadleen labada dhinac. Socdaalkaan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid wadatashi ah oo ay yeelanayaan Dowlad goboleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse weli shaaca lagama qaadin waxa dhab ahaan ay uga wada haldeen labada dhinac, iyadoo lagu wado in caawa shaaca laga qaado. Wafdiga aaya waxay caawa ku sugnaan doonaan Magaalada Baydhabo, iyadoo aan la garanayn inta casho ee uu socdaalkoodu noqon doono, waxaase warar hoose ay sheegyaan in lagu wado inay beriba dib ugu laabtaan Maamul goboleedka Puntland. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
  8. Madaxweynaha Puntland oo ka degay Baydhabo kulana la yeeshay Madaxda DFKMG Last Updated::2006-12-17 16:17:08 Baydhabo:- Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Md.Cadde Musse ayaa maanta soo gaaray xarunta DFKMG ee Baydhabo. Madaxweynaha Puntland oo ay safarkiisa ku wehliyaan Wasiiro kamid ah Xukuumadiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey Airporka Baydhabo Ra' iisuL Wasaare Cali Maxamed Geedi, Wasiiro iyo Xildhibaano uu horkacayo kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka. Wafdigan uu hogaaminayo Cadde Musse oo gaaray Madaxtooyada Baydhabo ayaa halkaasi kulan ay albaabada u xiran yihiin la yeeshay Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed, Ra'iisul Wasaare Cali Geedi iyo Golaha Wasiirada. Illaa iyo hada macada waxa shirkaasi looga hadlay, waxayse xubno ku dhow dhow Madaxtooyada Baydhabo ay sheegayaan in shirkaasi looga hadlayo xaalada hada ka jirta dalka Soomaaliya iyo waliba arrimo u dhaxeeya DFKMG iyo Maamulka Puntland. Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne reer Puntland ah soo booqdoo xarunta Dowlada Federaalka Soomaaliya. Hussein Farah HorseedNet.com
  9. ^^^What goes up must come down. The whole clan court excersice will not last that long. As history has proven.
  10. Sanca: Maxkamadaha oo ku gacansayray dadaal lagu doonayay in lagu wada hadal siiyo iyaga iyo dawladda. Jimce, December 15, 2006 Sanca (AllPuntland)- Madaxwaynaha wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa waxa uu shegay in uu ku guul daraystay dadaal uu ku doonayay in uu ku dhex dhexaadiyo dawladda Soomaaliya iyo maxkamadaha magaalada Muqdisho. Madaxwaynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa waxa uu sheegay in maxkamadaha magaalada Muqdisho ay ku gacansayren dadaal ay xukuumadda Yemen ugu jirtay in ay isugu keento xukuumadda iyo maxkamadaha. Maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in aysan miiska wada hadalka la fariisan doonin xukuumadda Soomaaliya. Madaxwaynaha wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa waxa uu sheegay in maxkamaduhu ay yihiin dad diyaar u ah in ay dagaalamaan oo aan doonayn wax wada hadal ah. Arrintani ayaa waxa ay keentay in ay baaqasho ku timaado safar la filayay in madaxwaynaha wadanka Soomaaliya uu ku tago wadanka Yemen. Madaxwaynaha wadanka Yemen ayaa waxa uu khadka teleefonka kula soo xiriiray madxawaynaha Soomaaliya oo uu kala hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya. Maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay haatan u muuqdaan in ay diyaar u yihiin in ay dagaal ka ridaan dalka Soomaaliya. Mahad Jama Korono AllPuntland
  11. Yemen : Maxaakiimta Muqdisho oo ku gacan sayray wada-hadaladii Nabada ee Yemen Posted to the Web Dec 15, 23:32 Kismaayo: (pp) - Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa ku guuldaraystay heshiis uu doonayey inuu u kala dab-qaado Madaxda Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Maxaakiimta magaalada Muqdisho. Heshiiskaan oo uu ku doonayey madaxweyne Saalax inuu ku dhex-dhexaadiyo dowlada iyo maxaakiimta ayaa soo af-jarmay kaddib markii Maxaakiimta Muqdisho ay ka biyo diideen arrimo dhowra oo uu soo jeediyey Madaxweyne Cali Cabddala Saalax , qodobadaas oo ay ka mid ahaayeen in Maxaakiimtu ay heshiis shuruud la'aan ah ay lagalaan dowlada caaalamka laga aqoon-yahay. Wafdigii Maxaakiimta uga qayb-galay kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Saalax ayaa waxaa hogaaminayey Sheekh Shariif Sheikh Axmed , waxaana ay maxaakiimta ay aad uga war wareegeen inay qaataan go'aanka ay ku taageerayaan go'aanada heshiiska ee uu soo bandhigay Madaxweyne Cali Cabddala Saalax. Warar hoose ayaa sheegaya in Maxaakiimta ay qaateen go'aanka Madaxweyne Cali Cabddalla Saalax markii hore , waxayna shuruud uga dhigeen go'aanada inay la tashi kala sameeyaan Guddoomiyaha Shuurdada Maxaakiimta Muqdisho, Sheekh Xassan Daahir Aweys, arrintaas oo uu ka ogolaaday Cali Cabddala Saalax xubnaha maxaakiimta ee kaga sugan dalka Yemen. Saacado badan oo maqnaansho ah, kaddib oo ay la soo tashadeen wafdiga maxaakiimtu Sheekh Xassan Daahir Aweys oo ay kula soo xiriireen khadka taleefanka , ayey kama danbaystii u soo bandhigeen Maxaakiimtu , Madaxweyne Saalax inaysan la hadli doonin dowlada Federaalka Soomaaliya. Si kastaba , Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Waraysi uu siiyey Wakaalada Afka dheer ee AP ayaa xaqiijiyey inay soo af-jarantay wax-walba oo nabad lagu raadinayey, wuxuuna C/laahi Yuusuf uu rajo xumo ka muujiyey dhanka Maxaakiimta Muqdisho oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa aan la doonayn dalka Soomaaliya inay nabadi ka dhacdo. Hadalkan ka soo yeeray C/laahi Yuusuf ayaa la sheegayaan inuu yiri Waqti uu khadka taleefanka uu kula soo hadlay dhigiisa Cali Cabddala Saalax uuna kuwargeliyey Madaxweynaha Soomaaliya inay maxaakiimta ay diideen go'aanadii nabadaynta ayna dowladiisu u diyaar-garowdo weji kale oo ka soo horjeeda dhanka nabada. Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabddala Saalax ayaa isagu had iyo jeer isku howla inuu heshiis ka islaaxiyo Asxaabta isku haya siyaasada Soomaaliya , in kastoo uu hada ku guul-daraystay inuu wax nabada ka islaaxiyo Dowlada iyo Maxaakiimta. Maxamed Jaamac Puntlandpost, Kismaayo, Soomaaliya
  12. Ayoub, Indeed in the struggle between the warlords and the can courts, I supported the courts because they where not the instigators of that battle. The TFG also condened the warlords, the somali people every where condemned the warlords. Thus I wont even defend my stance, as it was the right one and the fact that I also predicted the courts would prevail over the "powerful warlords" should indicate something....
  13. ^^^The pictures were more than appropriate,. As for the religious experts on SOL, dont make me laugh..
  14. ^^^The picture is great, the man is praying, thus those who say, he not Muslim or devout or pretend parading girls and children with AK-47s is a signature of Islam, will no doubt say what they will.
  15. Juje, the picture of an old man praying with no guns in sight and this, which one is an appropriate pic???
  16. ^^lol. the Somali president has spoken. All you have tp do is watch this space.
  17. ^^^the pictures are appropriate, argue as you may.
  18. ^^^It was taken on friday, when it is a must to pray in a group.
  19. C/laahi Yusuf::: Wuu Xirmay Albaabkii Nabada iyo wadahaladii lala galayey Maxaakiimta Posted to the Web Dec 15, 14:51 Baydhabo:- Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa maanta oo Jimce ah wareysi uu bixiyey ku sheegay in ay isu diyaarinayaan Dagaal balaaran. Madaxweynaha Soomaaliya oo ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada maanta suxufiyiin caalami ah gaar ahaan wariyaayl ka socda wakaalada wararka ee AP, ayaa shaaca ka qaaday in uu soo xirmay waan waantii nabadeed ee laga dhexwaday Dowlada Soomaaliya iyo Maxaakiimta Muqdisho. Madaxweyne C/laahi ayaa sheegay in Dowlada ay ku dadaashay in jidka nabada loo maro xalinta khilaafaadka ka jira dalka Soomaaliya.Wuxuuse sheegay in Maxaakiimta ay xireen dhabooyinkii loo mari lahaa Nabada, isla markaana albaabkii nabada uu xirmay kadib markii ay Maxaakiimta ku dhawaaqeen in ay Jihaad la galayaan Dowladiisa. [...Markii ay ku dhawaaqeen in ay dagaal kusoo qaadayaan ama Jihaad la galayaan Dowlada Soomaaliyeed, markaas ayuu xirmay albaabkii NABADA waxaana eedeeda leh Maxaakiimta...] ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Saladii Jimce maanta ku tukaday xarunta Madaxtooyada Baydhabo. [...Dagaalka xili walba ayuu bilaaban karaa, balse waxaan idiin sheegayaa in dowlda aysan noqon doonin mida Xabada bilowda...] ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG oo sheegay in ay ayagu difaac ku jiraan. Hadalada Madaxweynaha ayaa kusoo aaday xili ay soo baxayeen in laga yaabo in C/laahi Yusuf Ahmed uu safar ugu baxo dalka Yemen, si uu halkaasi ulla soo kulmo wafdi ka socda Maxaakiimta oo dalkaasi uu ku casumay Madaxweyne Cali Cabdallah Saalax. Madaxweynaha Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka gaabsaday inuu saxaafada la hadlo, ayaa dib u dhigay safaro uu ku tagi lahaa dalka Ingiriiska iyo Kenya. Hadalka C/laahi Yusuf ayaa soo baxaya wakhti ay Maxaakiimta Islaamiga ah ay sheegeen in ay 7 maalmood u qabteen Ciidamada Dowlada Itoobiya in ay isaga baxaan dalka Soomaaliya, hadii kale ay jihaad ku qaadi doonaan dowlada Itoobiya. C/laahi Yusuf Ahmed oo la hadlay saxaafada maanta ku booqatay Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in Maxaakiimta ay yihiin kuwo xiriir toos ah la leh ururka Al Qaida. [...Kooxda Al Qaida hada waxay rabaan in ay xafiis cusub ka furtaan Somaliya, waxaadna ka dareemaysaa hab dhaqanka Kuwa isku magacaabay Maxaakiimta...] ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG asagoo intaasi ku daray in aysan dowladiisa raali ka ahayn in dalka Soomaaliya laga dhigo xarun loo adeegsado abaabulka dagaalo shisheeye. Wareysiga Madaxweynaha ayaa kusoo aaday saacado kadib markii ay dowlada Maraykanka sheegtay in Maxaakiimta ragga hogaanka u haya ay yihiin kuwo Argagaxiso ah, ayadoo ay hadaladaasi si caro leh uga jawaabeen Maxaakiimta Muqdisho. Dalka Soomaaliya ayaa u muuqada inuu madaxa la galay xaalad colaad oo khatarteeda leh, ayadoo ay labada dhinac ee Dowlada Federaalka iyo Maxaakiimta ay wadaan abaabul ciidan oo xoogleh, taasi oo meesha ka saareysa dadaalkii iyo waan waantii nabada oo ay beesha Caalamka gaar ahaan Jaamacada Carabta waday. Shirkii Khartuum ee lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Khartuum ayey Jaamacada Carabtu sheegtay in ay dib u dhigtay illaa iyo 20ka bishan, ayadoo aan rajo weyn laga qabin in labada dhinac ay shirkaasi u diraan wax wafuud ah. Hussein Farah HorseedNet/Puntlandpost
  20. Inj. Xuseen Caydiid oo ka jawaabay hadalkii Indhacadde Wasiirka arimaga gudaha ahna riselwasaare kuxigeenka xuseen maxamed caydiid ayaa ka hadlay hadalkii maxaakiimta oo ahaa in todobaad , gudahooda ayku soo weerarayaan magaalada baydhabo. Xuseen Caydiid ayaa sheegay in markan kadib aanan loo dulqaadan doonin daadaansiga maxkamada ay kawadaan goobaha ay daganyihiin dowlada federaalka hadii ay dhacdo in ay soo weeraraaan baydhabo xabada ayka wada bilaabaney so, magaalooyinka muqdisho,kismaayo jowhar, balad weyne iyo gobolada mudug markaliya. Xuseen caydiid ayaa cadeeyey in wax kama jiraan tahay hadalkii yuusif indho cade oo ahaa in ciidamo itoobiyaan sodon iyo shan kun ay ka joogaan gudaha dalka , xuseen ayaa yiri ciidama itoobiyaan oo gudah dalka jooga ma jiraan, ee waa mar marsiyo lagu doonayaa in lagu soo weeraro xarimaha dowlada ay daganyihin taasi oo dowladu ay diyaar u tahay in ay goobaheeda difaacato. Olol News