
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Mogadishu calm: Police security forces take steps...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Saxafiyiin booqatay waddada isku xirta Muqdisho iyo Ceel-macaan Jan 11 . 2007 Radiofreesomalia.com Iyadoo waddada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Dekeddii hore ee Ceel-macaan ay ka socdeen howlagallo looga nadiifinayay burcad jidgooyo dhigata waddaadaas ayaa waxaa maanta booqday saxafiyiin si ay u soo xaqiijiyaan howlaha burcad sifeynta ah ee halkaas laga sameeyay. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee Dhinaca ammaanka Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo saxafiyiinta booqashada ku tagay halkaas kula hadlay ayaa sheegay in howsha burcad sifeynta ah ay tahay mid maamulka gobolka banaadir uu ku guulaystay, isla markanaa uu sii wadi doono. "Goobtaan waxay ahayd halkii lagu gubay gaari u socday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe 5/01/2007, waxaana howlgal aan ka sameynay shalay ku guulaysannay inaan ka qababqanno kooxihii burcadda ahaan ee geystaan falkaan foosha xun, iyagoo ku xirxiray saldhigga bari ee Magaalada Muqdisho" ayuu yiri Maxamed Cismaan Cali (Dhagax-tuur) oo intaas ku daray: "Isbaarooyinka yiillay Muqdisho illaa galgalato waxay ahaayeen ku dhawaad 7-isbaaro, waxaana ku guulaysannay inaan dhammaantood baabi'inno, burcaddiina xabsiga u taxaabno, annagoo weliba haynna hubkii ay wateen". Shacabka Deegaannada burcadda laga sifeeyay ee ay suxufiiyiinta booqdeen ayaa ahaa kuwo aad ugu faraxsan howlgalka ay ciidammada Booliiska Soomaaliyeed oo uu horkacayay Dhagaxtuur ka sameeyeen waddooyinkaas. "Waxaan marka hore mahad ballaaran u jeedinaynaa Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Guddoomiye ku xigeenka Maaamulka Gobolka Banaadir dhanka Ammaanka Maxamed Cismaan (Dhagaxtuur) oo runtii isku howlay inay burcadda aan ashaxa lahayn ka wadaan waddadaan, isla markaana kormeerrada joogtada ah ku haya" ayuu yiri Oday 60-jir ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka Galgalato oo ay la hadleen saxafiyiinta halkaas booqday. "Burcaddii halkaan ku sugnaan jirtay ka hore intii aan laga nadiifin waxay nagu hayeen dhibaatooyin fara badan, balse shallay illaa maanta waxaan qabnaa nabad" ayay tiri Xabiibo Colaad oo ka mid ah dadka deegaanka, waxayna sidoo kale sheegtay inay u mahad-celinayaan Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed iyo Mas'uulyiinta Gobolka Banaadir oo isku howlay inay burcadda la dagaalamaan. Guddoomiye ku xigeenka Maaamulka Gobolka Banaadir dhanka Ammaanka Maxamed Cismaan (Dhagaxtuur) ayaa howlgal uu shalay ka sameeyay waddaas wuxuu gacanta ku soo dhigay 11-burcad ah oo la sheegay inay isbaaro dhiganayeen waddadaas iyo 8-qori oo ay dadka dhac ugu geysanayeen -
Muqdisho: Xafiiska isku xerka bulshada iyo dowladda oo cod dheeri ku taageeray Dowladda Khamiis, January 11, 2007 Muqdisho(AllPuntland)-Xafiiska Isku xirka Bulshada iyo Dowladda oo maanta kulan ku yeeshay xaruntiisa ayaa waxay soo jeediyeen in lagama maarmaan ay tahay in dowladda la taageero, maadaama ay dowladdu soo dagtay muddo dheer kaddib caasimadda. Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar) ayaa isagoo ka hadlayay nabad lagu soo dabbaalo Muqdisho wuxuu sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay qayb ka noqdaan nabad ku soo dabbaalidda Magaalada Muqdisho, isla markaana la taageero dowladda Federaalka Soomaaliya. "Waa inaan u mahadcelinno Dowladda dariska nala ah ee Ethiopia oo gacan nagu siisay in dowladda ay soo gaarto Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waana in aan la cambaareyn" ayuu yiri Caaqil Koogaar oo intaas ku daray: "Ayman Al-sawahiri hadalkii uu dhawaan ka jeediyay Telefishinnada caalamka ma ahayn mid dan u ah shacabka Soomaaliyeed, balse wuxuu ahaa mid abuuraya dagaal iyo colleyntan hor leh, waana mid aan leennahay diidnay, mana aqbalayno". Caaqilka oo mar kale ka hadlay sida lagu nabadeyn karo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayuu sheegay in loo baahan yahay in qof walba oo ka mid ah shacabka uu ku dalaalo in xaafaddiisa uu ka eryo tuugada, isla markaana uu ka celiyo kuwa uu yaqaanno howlaha nabadgalyo xumada ah. "Kuwa dhibaatooyinka ka wada gudaha Magaalada Muqdisho ha ******** waa la yaqaannaa waana la ogyahay, berrina iyaga ayaa wax laga weydiin doonaan marka la qabto kuwa ay magaalada ku soo dirsadeen ee ay nabadda uga soo horjeedaan" ayuu mar kale yiri Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar). Sidoo kale maanta ayaa waxaa ka hadlay kulankaas Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Mr. Qalinle oo sheegay in madaxda sarsare ee Dowladda uu gaarsiin doono inuu jiro xafiis dowladda si weyn looga taageersan yahay isla markaana wada howlo uu shacabka ku tusayo wanaagga iyo in loo baahan yahay in nabad lagu soo dabbaalo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale Googaar oo si weyn u taageeri jiray Maxkamaddaha Islaamiga ee laga awood roonaaday ayaa waxaa uu maanta soo dhoweeyay isbadalka ku yimid caasimada Muqdisho, wuxuuna taageeray dowaldda Federaalka in ay ku shaqeyso Muqdisho. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
-
If they keep going it will be the ending of this war. Though there are many hiding out waiting to derail the project.
-
Mogadishu: largest clan holds meeting in support of TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Bambo we all fear a civil war, but how can you say Mogadishu belongs to one group and then say that Geedi, and his clan have no influance, that makes no sense. I agree with you that the residents of the city should have a greater say that those who reside outside it. However being the capital it does not have the same status as Hargyasa, Bosaso, Baidoa and Kismayu. Because it is the capital.. Thus for the good of all you should say, it belongs to everyone and that will benefit your clan more than any. -
President Abdullahi Yusuf meets with UNDP representative!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Eric Loraj oo kulamo la qaatey Madaxweynaha Somalia Mogadishu 11, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Isku xiraha howlaha bani'aadnimo ee Q.M ee arimaha Somalia Mr. Eric Loraj ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay bilaabayaan gacan ka geysashada howlaha samafalka iyo dhismaha bulshada ee Somalia. Eric Loraj Mr. Eric Loraj oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ahna isku xiraha bani'aandimada ee howlaha Q.M ayaa waxa uu la kulmay Madaxweynaha Somalia iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia, waxaana uu sheegay in uu kala hadlay arimo badan oo ay ku jirto sidii uu uga shaqeyn lahaa dalka arimaha la xiriira nabadda iyo xasiloonida, waxaama uu sheegay in arimahaasi ay ka mid tahay sidii dib u heshiisiin loo furi lahaa. " Waxa aynu kala hadalnay dowladda sidii loo soo celin lahaa hogaan ku saleysan cadaalad oo dadka oo dhan ay ka qeyb qaadanayaan, waa muhiim in uu dhaco wada hadal, dowladana waxa ay nagu waafaqday in 90 maalmood gudahood ay ku dhisi doonto hogaano bulshao oo laga soo dooranayo gobolada. Mr. Eric Loraj waxaa kale uu sheegay in uu kala hadlay madaxda dowladda in aanu soo laaban hogaamiyeyaashii kooxaha ee awooda horey looga wiiqay, isagoo sheegay in laga hortago in mar kale ay awood ku yeeshaan bulshada, taasina ay keeneyso in magaalada dhexdeeda ay noqoto mid xasiloon. U qeybsanaha Q.M ee arimaha bani-aadnimada Somalia Eric Loraj waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la gaaro waqtigii dib u heshiisiinta iyo xasiloonida " Dadka waan ogahay in aaneey ku faraxsaneyn joogitaanka ciidamada Ethiopia" ayuu intaasi raaciyay. Waxa uu sheegay in imaanshaha dowladda Somalia ee caasimadda ay suurto galisay ciidamada dowladda Ethiopia, sidaasi oo ay tahayna waxaa meesha ka maqan baarlamanka Somalia oo isna loo baahan yahay in uu u soo guuro caasimadda. Eric Loraj waxa uu ka hadlay in dowladda ay ka caawinayaan dib u soo nooleynta booliska iyo amaanka, isagoo intaasi raaciyay in uu booqday Isbitaalada Muqdisho oo uu ku soo arkay dhaawacyadii ciidamada maxkamadaha islaamka, waxaana uu sheegay in taasi ay fueyso bog cusub oo dib u heshiisiineed. Waxa uu sheegay in ay dib u howl-bilaabayaan howlihii samafalka ee hay'adaha Q.M ay ka wadeen K/Somalia. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net -
President Abdullahi Yusuf meets with UNDP representative!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Now its about his clothes and his sleeping patterns. Wonders are just that. The art of war experts have now become soothsayers and can predict the future.. -
MUQDISHO: Caaqil Koogaar: "Dowladda waa in lala shaqeeyo, hana la iska jiro in dowladda laga horyimaado" Posted to the Web Jan 11, 16:46 Muqdisho (PP) - Xafiiska Isku xirka Bulshada iyo Dowladda oo maanta kulan ku yeeshay xaruntiisa ayaa waxay soo jeediyeen in lagama maarmaan ay tahay in dowladda la taageero, maadaama ay dowladdu soo dagtay muddo dheer kaddib caasimadda. Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar) ayaa isagoo ka hadlayay nabad lagu soo dabbaalo Muqdisho wuxuu sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay qayb ka noqdaan nabad ku soo dabbaalidda Magaalada Muqdisho, isla markaana la taageero dowladda Federaalka Soomaaliya. "Waa inaan u mahadcelinno Dowladda dariska nala ah ee Ethiopia oo gacan nagu siisay in dowladda ay soo gaarto Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waana in aan la cambaareyn" ayuu yiri Caaqil Koogaar oo intaas ku daray: "Ayman Al-sawahiri hadalkii uu dhawaan ka jeediyay Telefishinnada caalamka ma ahayn mid dan u ah shacabka Soomaaliyeed, balse wuxuu ahaa mid abuuraya dagaal iyo colleyntan hor leh, waana mid aan leennahay diidnay, mana aqbalayno". Caaqilka oo mar kale ka hadlay sida lagu nabadeyn karo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayuu sheegay in loo baahan yahay in qof walba oo ka mid ah shacabka uu ku dalaalo in xaafaddiisa uu ka eryo tuugada, isla markaana uu ka celiyo kuwa uu yaqaanno howlaha nabadgalyo xumada ah. "Kuwa dhibaatooyinka ka wada gudaha Magaalada Muqdisho ha ******** waa la yaqaannaa waana la ogyahay, berrina iyaga ayaa wax laga weydiin doonaan marka la qabto kuwa ay magaalada ku soo dirsadeen ee ay nabadda uga soo horjeedaan" ayuu mar kale yiri Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar). Sidoo kale maanta ayaa waxaa ka hadlay kulankaas Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Mr. Qalinle oo sheegay in madaxda sarsare ee Dowladda uu gaarsiin doono inuu jiro xafiis dowladda si weyn looga taageersan yahay isla markaana wada howlo uu shacabka ku tusayo wanaagga iyo in loo baahan yahay in nabad lagu soo dabbaalo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Kulankii maanta ayaa mid ku soo gabagaboobay si heer sare ah, iyadoo halkaas ay heeso guubaabo ka qaadayeen haweenka ururkaas oo heesaha ay qaadayeen ay u badnaayeen kuwo ay ku guubaabiyaan Dowladda iyo Shacabka Muqdisho. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
-
-
-
Somali PM Elders with PM Minister Jelle
-
(KULAN BALLAARAN OO DHEX MARAY ODAYAASHA DHAQANKA IYO DOWLADDA FEDERAALKA) Dowladda Federaalka Soomaaiya ayaa kulan kulan ay la qaadatay Cuqaasha Soomaaliyeed waxay kaga codsatay inay nabadda dalka ka shaqeeyaan; isla markana ay horumuud u noqdaan nabad ku soo dabbaalidda Caasimadda Soomaaliya. Kulankaan oo ahaa mid ay ka soo qaybgaleen odayaal dhaqameedyo ka socday qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa haddallo ka soo jeediyay cuqaasha qaarkood iyo madaxda Dowladda. Xubnaha Dowladda uga qaybgalay kulankaan oo ay ma mid ahaayeen Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cadde Gaaboow iyo xubno kale oo fara badan ayaa waxay si isku mid uga codsadeen Cuqaasha Soomaaliyeed inay nabaddda ka shaqeeyaan isla markaana ay ka billaabaan howlo ay kala qaybqaadanayaan dowladda sidii ay nabad ugu soo celin lahayd Caasimadda. Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa sheegay in cuqaasha Soomaaliyeed ay ogol yihiin isla markaana ay dowladda kala shaqeynayaan sidii ay dalka nabad ugu soo dabbaali lahayd, waxaana uu yiri mar uu ka hadlayay doorka Hoggaamiye dhaqameedyada: "Anigoo ku hadlaya doorka Cuqaasha iyo hoggaamiye dhaqameedyada Soomaaliyeed, waxaan diyaar u nahay inaan kala shaqeynno dowladda nabad ku soo dabbaalidda dalka oo dhan, gaar ahaan caasimadda oo ah caloosha Soomaaliya, nabad haddii laga waayana dalka oo dhan aan laga helayn nabad iyo kala dambeyn" ayuu yiri Imaam Maxamuud Imaam Cumar. "Waxaan u soo joogay dalkaan Maxamed Siyaad kaddib saddex dowladood oo dhalatay, dowladdii ku guulaysatay inay Madaxtooyada dagtana waxay noqotay dowladdaan uu madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana u arkaa inay tahay dowlad dalka iyo dadka wax u qabanaysa, Madaxweynayaashii kalena waxay madaxtooyo ka dhigteen guryahooda" ayuu yiri Mar kale yiri Imaam Cumar Imaam Cumar. Sidoo kale waxaa hadal dheer halkaas ka soo jeediyay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka codsanayso Madaxda Dhaqanka inay wax kala qabtaan ammaanka Magaalada Muqdisho. "Cuqaasha iyo Odayaal Dhaqameedyada qoraal ka kooban 6-qodob oo ay ku sameeyeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya intii uu socday shirkii dib u heshiisiinta ayay dowladdu ka dhalatay, waxaana ay ku shaqeynayso waxaa ka mid ah qodobbadii ku jiray 6-daas documenti oo ay sameeyeen Odayaasha Dhaqanka" ayuu yiri Prof. Geeddi oo intaas ku daray: "Odayaasha dhaqanka magacaabiddooda ayaan halkaan ku joognaa ee ma nihin kuwo iskood isku magacaabay, waxa aan doonayno waa inay cuqaashu nala shaqeeyaan" ayuu yiri Geeddi. Barnaamijka hub ka dhigista oo uu ka hadlay Geeddi mar kale ayuu sheegay in loo baahan yahay in Odayaal dhaqameedyada ay kala shaqeeyaan ciidammada dowladda sidii nabad lagu sugi lahaa isla markaana hubka lagu ururin lahaa. "Waxaan qiraynaa oo aan inkiri Karin in odayaasha dhaqan qoraalkii ay ku sameeyeen Nairobi uu ka mid ahaa barnaamijka hub ka dhigista, isla markaana laga doonayo cuqaashu in fikradda ay ku dari lahaayeen waxqabadka dowladda ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiyaan dowladda" ayuu yiri Geeddi. Kulankaan ayaa ku soo gabagaboobay jawi is afgarad, waxaana madaxdii halkaas ka hadashay oo isugu jiray Madaxda Dhaqanka iyo kuwa Dowladda ay si wadajir ah u qireen in nabad lagu soo dabbaali Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ay tahay mid loo siman yahay oo aan cid gaar ah mas'uuliyaddeedu saarnayn.
-
IMAAM MAXAMUUD IMAAM CUMAR: "Waxaan u soo joogay dalkaan Maxamed Siyaad kaddib saddex dowladood oo dhalatay, dowladdii ku guulaysatay inay Madaxtooyada dagtana waxay noqotay dowladdaan uu madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf Axmed"
-
Ahmed mate, I have told you the other side of the story. CC, what are you on about now?
-
Marxab Marxab Yaa Madaxweyne, Marxab Marxab Mudane Yuusuf
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^CC, why do you even bother? quote: -------------------------------------------------------------------------------- quote: Originally posted by Castro: Homosexuality is natural. :eek: -------------------------------------------------------------------------------- Subxanallah. :mad: Here is SOL members condemning the confused one.. source -
^^^lol. What a load of desperate waffle, I thought you could at least bring something to the table, was it you not running aroud doing historical data research and even posting three to no avail, I am disapointed at you boy. If there is an occupation by Amxaro, as you say, how come your two happless hero's ,Abdiqasin, and Sharif Xasan are not saying anything, or have you found a new icon to follow? Thus your argument has no substance today, you agree Baidoa is in peace and thus give credit to the TFg who with Allah SWT help have achieved this. You talk about clans, I never mentioned it, just highlighted the weakness of your arguments, becaause the government I have supported from dayone is winning and has finished of the warlords, clan courts, giving the country back to the locals, unarmed and disadvantaged clans all over Somalia have a new dawn. I know you are not A/Qasin or Sharif Xasan, but they are your hero's and the fact you got all worked up was due to my remarks against the. CC, why are you shadowing MMA, tonight?, he is a cool dude but not in that way.
-
Marxab Marxab Yaa Madaxweyne, Marxab Marxab Mudane Yuusuf
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Dont insult the editor of the Maxamed Muxiyaddiin Cali Tifaftiraha Wargeyska Panorama -
Kismaayo Airport held by Pakistani and Oromo army, Gedonet reports.
General Duke replied to Jacpher's topic in Politics
^^^Oromo, my #$%@ Is that their hiding place, what happened to all the Oromo's in here who where begging for the fight. Saxib Somalia is back. -
MMA, how can you sleep when your hero, Abdiqasin is now speaking in support of the strategy and policies of the real president of Somalia? The pictures are not enough here is some audio ..audo.
-
^^^MMA, your plight is deep, when have I made terrorists an issue? foreign fighters yes, clan courts yes, but terrorists, lol.
-
^^^You need to calm down with all that nonsnece, I am not the one doing historical research on SOL. Saxib, I have said long ago you are a novice, and a confused one. You insult the government while supporting its most corrupt and feeble member Sharif Xasan a warlord tool, a man who worked for Qqaynyare and IndaCade and who ever paid him some cash. You hated IndaCade, yet you supported the man behidn his power, Abdiqasin. As for the TFG, it has done so much, look at Baidoa and Bay, today its back in the hands of its locals and it is enjoyinga time of peace and development. Thus the TFG and the strategy of Yusuf has givin the people of that area a rare strategy, if he had been like Sharif Xasan IndaCade would still be governor of lower Shabbele and Xabsade the boss of Baidoa and it in ruins. You have no leg to stand on, as usual.
-
Mogadishu calm: Police security forces take steps...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Have you clarified your identity yet, or is your condition natural? -
You talk about puppets, yet what does one say about a puupet of warlords, one Qaynyare,then IndaCade who is that? Sharif Xasan Shiekh Adan Why attack warlords when you support their puppet?
-
Mogadishu calm: Police security forces take steps...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Booliiska Dowlada Federaalka kmg oo maanta hawlgal balaaran ku filiyey deegaano ka tirsan gobolka Banaadir Ciidamada Booliiska Dowlada federaalka kmg soomaaliya ayaa maanta hawlgal ay sameeyeen waxay kusoo qabqabteen Maleeshiyo Isbaaro u tiilay deegaanka Galgalato oo Muqdisho Bari kaga beegan waqooyi. Ciidamada Booliiska Dowlada federaalka kmg soomaaliya ayaa maanta hawlgal ay sameeyeen waxay kusoo qabqabteen Maleeshiyo Isbaaro u tiilay deegaanka Galgalato oo Muqdisho Bari kaga beegan waqooyi. Ciidamadda Booliska waxay Howgalkaasi ku fuliyeen deggaanada Shekkh Cali Cabdulle,Dabakaayo Madow,,Ceel Cadde iyo Galgalato,waxayna Ciidanku fureen wadadii ay xireen halkaasi oo soo gaareen Babuur ay Maleeshiyooyinka u diideen inay halkaasi maraan. Wareegto uu soo saaray Raiisul Wasaare Geedi uu ku sheegay in loogu baaqayo inay Qoryahooda ay la tagaan Xeryo loo cayimay si loo tababaro kadibna ay uga mid noqdaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya. Afahayeenka Dowlada Diinaari oo shir saxaafadeed ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxa uu sheegay in ay sii socon doonto hawlgalada Booliiska lagana sifayn doono dhamaan isbaaraleeyda iyo waliba tuugada dhacda Mobilada. OlolNews Desk -
Ku: Barlamanka FKMG ee Somaaliya Ka: United Somali Democratic Union Aniga oo ah Chairmanka United Somali Democratic Union, kuna hadlaya magaca shacabka Somaliyeed, waxaan Barlamanka FKMS ka codsanayaa inay xilka ka Qaadaan Goodomiyaha Barlamanka Sharif Xasan. isagoo jabiyey 3 Qodob oo ka mid ah Axdiga iyo Dastuurka KMG Somaaliya; 1-isagoo ku xad gudbay Qodobka ku saabsan Xilka Barlamanka ee Axdiga iyo Dastuurka, gabay shaqadii Barlamanka Somaaliya uu u doortay, markuu; -ka tagay hogaanka Barlamaanka oo fadhi ku jira -Barlamanka ka been abuuray, ka codsaday Hay’adaha Caalamka in ay ka joojiyaan mushahaarka xildhibaanada oo fadhiya - magaca Barlamanka iyo xildhibaanada si sharci daro ah u isticmaalay 2-isagoo ku xad gudbay Qodobka ku saabsan Xilka iyo Waajibaadka Madaxweeynaha iyo Dawladda ee Axdiga iyo Dastuurka , isagoo shaqada Madaxweeynaha iyo dawalada faragalin iyo xad gudub ku sameeyay markuu; -shaqada dawlada isku dayey in uu afduubo -hashiisyo aan loo dirsan loona magacaabin uu ku galey magaca dawlada - isku dayey in xilka iyo waajibaadka Madaxweeynaha iyo dawlada khasab kula wareego -dawlada mucaarad ku noqday 3.Gudoomiyaha Barlamanka wuxuu ku tun tay Axdiga iyo Dastuurka, si toos ahna u khilaafay sharciga dalka iyo dadka lagu dhaqo, isagoo jabiyey Qodobka Sareynta Sharciga ee Axdiga iyo Dastuurka. Barlamanka oo la tashanaya Madaxweeynaha, Dawladda, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaaliya, waa ineey dambiyadan ku qabsadaa Gudoomiyaha kana casilaan xilka uu barlamanka u hayey. Wa Bilahi Tawfiq Mohamed Abdirashid Ali Sharmarke, Chairman United Somali Democratic Union