General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Indeed they should be brought into the TFG, they have few problems in front of them.
  2. ^^Insha Allah soon so long as we all work hard for our country. Imagine how many jobs will be createdf in Mgadishu alone, from civil service, security, reconstruction. Forget the private sector Bambo you know the people who live in Mogadishu will benefit allot from normality, its the biggest city, all the embessies will be based there,and all the diaspora will want to visit the city and spend their holidy and investment money there.
  3. We are Africans, we are Arabs and we all are Muslims. How is that?
  4. Banaanbax lagu taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo maanta ka kala dhacay Magaalooyinka Beled Weyn iyo Buur Hakaba. Banaan bax ballaaran oo lagu taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha baarlamaanka Soomaaliyeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta ka dhacday Magaalooyinka Beled Weyn iyo Buur Hakaba oo ka kala tirsan Gobolada Baay iyo Hiiraan. Banaan baxii ka dhacay Magaalada Beled weyn ayaa waxa uu ahaa mid uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolkaas iyo bulshada Rayidka, waxaana si buuxda lagu taageeray Gudoomiyaha Cusub ee Golaha baarlamaanka Soomaaliya. Dadkii isugu soo baxay banaan baxaas oo sitay caleema qoyan iyo sawirada Gudoomiyaha Cusub, ayaa ku qeylinayay erayo taageero ah oo ay ku muujinayeen Doorashada Gudoomiyaha Cusub ee Golaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe. Sidoo kale banaan bax tan la mid ah ayaa iyana maanta ka dhacday Magaalada Buur Hakaba oo 60km u jirta Magaalada Baydhabo oo ah xarunta Gobolka Baay. Gudoomiyaha Magaalada Buur Hakaba Maxamed Cabdi Xasan Awkaarey oo ka hadlay isu soo baxa banaan baxaas, ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Baarlamaanka. Awkaarey ayaa sheegay in hadii ay yihiin dadka reer Buur hakaba ay aad u taageersan yihiin doorashada sida cadaalada u dhacday ee lagu doortay Sheekh Aadan Madoobe. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in munaasabad lagu caleema saarayo ay ka dhacdo Magaalada baydhabo dhowaan.
  5. Yusuf oo ka hadley safarkiisa 1 Feb 1, 2007, 08:57 Cabdilaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha DF ayaa maanta ka warbixiyay safararadii uu dhawaan ku tagay dhowr dal oo Africa ku yaala. Madaxweyanha ayaa kulan albaabada u laaban yihiin la yeeshay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, isagoo ugu warbixiyay waxyaabihii uu kula soo kulmay kulamadii uu la yeeshay Madaxda Africa, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay. ILo-wareed oo ku dhow Madaxweynaha oo kulankaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in Madaxweynaha uu Wasiirada ka codsaday inay iska hilmamadaan waxyaabaha ay dhexdooda iska tabanayaan isla markaana ay isla wada shaqeeyaan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in DF ay hada kadib xoog ku xalin doonto amniga dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho. "Amniga dalka faraha ayuu kasii baxiyaa, oo rag hubeysan oo qaraxya sameynaya ayaa soo batay, sidaasi darted dulqaadkii wuu dhamaaday oo hada kadib xoog ayaynu ku xalin doonaa," ayuu yiri Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf. Madaxweynaha ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ogolaadeen inay deeqo siiyaan DF, isla markaana DF ay furi doonto kulan ay la yeelanayso qeybaha kala duwan ee Bulshada si loo dhameeyo qalalaasaha ka dhex jira DF iyo Bulshada. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in toddobaadka soo socda gudahiisa ay Somalia soo gaari doonaan ciidamada Afrikaan qaarkood, waloow uusan shaacin ciidamada kusoo hormari doonaan Somalia. Dhinaca kale warar aan la shaacin aya sheegaya in Madaxweyne Cabdulahi qorsheynayo safar uu ku tago magaalada Kismayo oo ilaa hada DF wax maamul ah ka dhisin. Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Yuusuf uu kulan la qaato Golaha Wasiirada tan iyo markii uu shalay soo gaaray magaalada Baydhabo kadib socdaal maalmo qaatay oo uu dalka dibada ugu maqnaa. Cabdi Fatax Axmad,GO
  6. Bambo. I think the Hiiraan & central regions I have mentioned includes many from, Cadaado,Guriceel, as well as Beledweyne and so on. Also remmeber when the warlords tunred over their weapons, theyhanded over millitia. Qaynyare = 660 men Umar Finish = 300+ Mohamed Dheere = 220 though well trained. Musa Sudi = ?? Abdiqaybdeed = 400 men who have been taken to Bali-Doogle. Mohamed Farah Jimcaale a leader of Aydeeds clan has also promised to hand over 1500 millitias of that sub clan to be trained. Though its voluntery and those who come will be taken, no one will be forced
  7. ^^^The truth is that we have a good build up of troops and police and INSHA ALLAH it will be a success.
  8. ^^I know there are thousands already from that region. The new recruits is what I was highlighting.
  9. Dowladda Soomaaliya Oo Markii Ugu Horaysay Boqolaal Taraafikada Wadooyinka ah Kusoo Fatahday Magaalada Muqdisho. Posted to the Web Feb 01, 08:49 Mogadishu - Isgosyada Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku yaala ayaa maanta lagu arkayay rag ku labisan dharka Traffic-kada oo kala hagayay gawaarida mareysa waddooyinka. Salaad Faarax Cali oo kamid ahaa Traffic-kaas maanta taagneed qaar kamid ah Isgoosyada Muqdisho ayaa sheegay inay yihiin 250 Traffic kuwaasoo kala hagi doona dhamaan gawaarida wadooyinka maraya. Salaad Faarax ayaa sheegay howshooda inay tahay is fahan iyo qancin oo kaliya balse aysan rabin inay awood wax ku qabtaan cidii qalad gashana ay qabtaan. Salaad ayaa sheegay inta badan darawalada inay yihiin kuwo aan fahamsaneen qaabka loo maro waddooyinka, iyagoo inta badan si qaldan u mara waddooyinka. "wali ma gaarin xiligii aan xiri jirnay gaarigii sida qaldan waddooyinka u mara, balse hada waxeynu ku egnahay wax fahansiin oo kaliya" Ayuu yiri Salaad Faarax Cali. Salaad Faarax ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay sharci ku qaadi doonaan cidii si qaldan waddooyinka u isticmaasha, una hogaansan weydo awaamiirta Traffic-kada. Waa markii ugu horeysay oo Ciidamo Traffic-ko ah lagu dhex arko Waddooyinka Magaalada Muqdisho tan iyo intii Dowlada Federaalka ay soo gaartay Muqdisho. C/risaaq C/laahi Maxamed Puntlandonline.com Muqdisho Indhojaceel2003@hotmail.com
  10. ^^Who are we to believe a man you supposidly met or the news from even Mogadishu sites..
  11. ^^Lets not generalise brother, the boys from Gedo are playing a key role in the south and one should not undertstate it.
  12. MUQDISHO: Xarakada Islaax oo Muqdisho ka soo saartay bayaan ay kaga hadlayso dib u heshiisiinta Madaxda dowladdu ku baaqeen Posted to the Web Feb 01, 17:21 Muqdisho (PP) - Dhaqdhaqaaqa Xarrakada Islaamiga ah ee Islaax ayaa ka so saartay Magaalada Muqdisho qoraal ku wahajan Howlaha ku wajahan dib u heshiisiintii uu ku dhawaaqay Madaxweyanha Soomaaliya C/llaahi Yusuuf Axmed ayaa u qornaa sidan: Xarakada Islaax oo ka dhigatay dibuh eshisiinta Soomaaliyeed qodobada ugu muhiimsan hawlaheeda, mar kastana ku hawlan wadahadalsiinta iyo dibuheshiisiinta shacbiga, waxay soo dhaweyneysaa baaqa madaxda dawladda Soomaaliyeed ee ku aaddan dibuheshiisiinta, waxayna ku baaqeysaa qodobada soo socda: Islaax waxey taageeraysaa dibuheshiisiinta madaxda dawladu ugu baaqeen shacbiga Soomaaliyeed, waxayna Ilaah ka baryaysaa in dhaqangelinta baaqaas uu u horseedo ummadda Soomaaliyeed nabad, deganaasho iyo horumar waara. Islaax waxay ku baraarujinaysaa shacabka Soomaaliyeed cawaaqib-xumidda ka dhalan karta dagaallada, isdilka, aargudashada iyo hurinta colaado cusub, waxayna ku baaqeysaa iscafis iyo isa saamaxid. Islaax waxay soo dhawaynaysaa ka bixitaanka bilowga ah ee ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, waxayna ugu baaqaysaa dawladda Federaalka K.M.G ah ee soomaliya iney sida ugu dhaqsida badan u hanato hawlaha adkaynta amniga qaranka. Islaax waxay saluugsantahay kaalinta dowladaha carabtu ka qaadanayaan xalinta arimaha Soomaaliya, waxayna ugu baaqeysaa inay la garab istaagaan walaalahooda Soomaaliyeed hiil iyo hooba, si firfircoon uga qaybqaataan soo celinta amniga iyo dibudhiska Soomaaliya. Allaahu Akbar WalillaahilXamd Sh. C/laahi Cali Xayle Afhayeen u hadlay Islaax
  13. With all talk about mayhem and mortar attacks, Mogadishu today has an admin that is working and police stations being re constructed. It will take some time but we are not far from pacifying the capital, Kismayu, and other important regions in the south.
  14. Ciidamo Traffic-ko ah oo maanta ka howl-galayay Isgoosyada Muqdisho. Muqdisho, Khamiis 01 February 07 Simba Radio Ciidamo Traffic-ko ah ayaa lagu arkayay Isgoosyada Magaalada Muqdisho iyagoo sheegayay inay howl-galisay DF. Ciidamadaan Traffic-kada ah ee maanta lagu arkayay Isgoosyada Muqdisho iyagoo ku hubeysan dharka ciidamadaasi lagu yaqaano, ayaa si weyn waxa ay u kala hagayeen baabuurta. Saleebaan Abuukar Faarax Baalbaaloow ayaa sheegay inay yihiin ciidamo gaaraya 200 oo Traffic-ko ah, kuwaasoo uu sheegay inay ka howl-galayaan guud ahaan Isgoosyada Magaalada Muqdisho. Baalbaaloow ayaa sheegay howshooda inay tahay baryo oo kaliya balse aysan laheyn awood buuxda oo baabuur ay ku kala hagaan cidii qalad gashaana ay qabtaan. Baalbaaloow ayaa sheegay inta badan darawalada inay yihiin kuwo aan fahamsaneen qaabka loo maro waddooyinka, iyagoo inta badan si qaldan u mara waddooyinka. Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo ciidamo Traffic-ko lagu dhex arko wadooyinka Muqdisho tan iyo intii DF ay soo caga dhigaya Muqdisho. Simba Media Center, Muqdisho Somalia. Email: simba@simbanews.com
  15. Ciidamo Traffiko bolis ah oo maanta ka howl-galayay Isgoosyada Muqdisho. Ciidamo Traffiko bolis ah ayaa lagu arkayay Isgoosyada Magaalada Muqdisho iyagoo sheegayay inay howlgalisay DFKM. Ciidamadaan Traffic-kada ah ee maanta lagu arkayay Isgoosyada Muqdisho iyagoo ku hubeysan dharka ciidamadaasi lagu yaqaano, ayaa si weyn waxa ay u kala hagayeen baabuurta. Saleebaan Abuukar Faarax Baalbaaloow ayaa sheegay inay yihiin ciidamo gaaraya 200 oo Traffic-ko ah, kuwaasoo uu sheegay inay ka howl-galayaan guud ahaan Isgoosyada Magaalada Muqdisho. Baalbaaloow ayaa sheegay howshooda inay tahay baryo oo kaliya balse aysan laheyn awood buuxda oo baabuur ay ku kala hagaan cidii qalad gashaana ay qabtaan. Baalbaaloow ayaa sheegay inta badan darawalada inay yihiin kuwo aan fahamsaneen qaabka loo maro waddooyinka, iyagoo inta badan si qaldan u mara waddooyinka. Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo ciidamo Traffic-ko lagu dhex arko wadooyinka Muqdisho tan iyo intii DF ay soo caga dhigaya Muqdisho. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com ee Muqdisho
  16. A non incident reported by Shabbele, a mouth piece of the defetaed clan courts.. Defected to who, and where? The whole country is under TFG control.
  17. Here is the lsit of regions these millitia are from. 1. Gedo around 700 2. Puntland around 1500+ 3. Hiiraan & Central regions 2000-3000 4. Afgoyee dsitrict -700+ There are also troops from Marka being housed in Ceel Ahmed air strip these number around 1000 men. Its great news. More are needed.
  18. 3000 oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed oo dhawanahan lagu ururinayayxerada Ceel Gaal ee gobalka Hiiraan oosaacadaha inasooaadan kusoo fool leh Muqdisho. Saacadaha inasoo aadanaya la filayaa in magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya aysoo gaaraan 3000 oo askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhawaanahan lagu ururinayay xerada ceelGaal ee ku taala Duleedka magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan. Saldhigga booliska ee magaalada Beled weyn aya la geeyay gaadiid waaweyn oo la doonayo in ciidankaa lagusoodaad gureyo si loo keenomagaalada Muqdisho kaddibna ay uguda galan waajibaadka qaran ee saaran,iyadoo wararku ay shegayaninciidankaasi ayka mid noqon doonaan ciidamda loogutalagalay in xilliga xaladda degdegga ah ah kla qeyb qaataan dhaq dhaqaaqayada nabad kusoo dabaalida Muqdisho. Ciidamadan ayaa dhawanahanba kusii ururayayxerada ceelgaal,waxdaana ay taasi ka dambeysay kaddib markii uu isgu yeray taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaliya e goballada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Col Muqtaar Xasan Afrax oosheegay in dowladu ay muhiimadda 1-aad siinayso ciidanka xoogga dalka Somaliyeed maadaama an looga maarmin xasilinta dalka oo muddo dheer xaalad fowdo ku dhisani ayka jirtay. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.
  19. Ciidamo Puntland Dooman looga soo daabulayo oo Kismaayo lagu daad gureynayo iyo warar kale oo ciidamada dowladda KMG ku saabsan [somaaljecel News Network] Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara badan oo lagu sheegay tiradooda inay kor u dhaafayaan Kun askari oo laga soo aruuriyey degaannada Puntland Dooman looga soo qaadayo dekadda Boosaaso, kuwaasoo sida la xaqiijiyey laga soo dejinayo dekadda magaalada Kismaayo. Ciidamadaa ayaa sida warku sheegayo ka qeyb qaadanaya howlaha dowladda KMG Soomaaliya iyo sugidda amniga guud ahaan dalka Soomaaliya, lamina oga in Kismaayo ay ka howl gelayaan iyo in Muqdisho oo amnigeedu aanu xasilooneyn ay imaanayaan, iyadoo dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ay sheegeen in amniga Muqdisho awood milateri loo adeegsanayo oo ay xal kale waayeen. Sidoo kale ciidamo aad u fara badan oo laga soo aruuriyey degaannada Gobolka Hiiraan ayaa loo soo qaaday sida la sheegay Garoonka diyaaradaha BaliDoogle ee duleedka degmada ********* ee gobolka Sh/hoose, kuwaasoo ku biiraya ciidamo kale oo dowladdu leedahay oo halkaasi tababar uu ugu socdo. Ciidamo kale oo Puntland safar dhinaca dhulka ah kaga yimid ayaa iyaguna Muqdisho soo gaaray xalay, kuwaasoo shalay duleedka magaalada Jowhar mar ay soo marayeen ay koox dablay ahi isku dheceen, weerar daqiiqado socdayna uu dhex maray, kuwaasoo sida la sheegay laga dhaawacay 5 ruux, iyaguna mid ayay ka dileen baa la yiri dablaydii weerarka ku soo qaadday. Dowladda KMG Soomaaliya ayaa wadda olole ballaaran oo ciidamado ay ku aruursanayso, inkastoo ciidamadaas oo u badan kuwo reer Puntland ah ay dadka Muqdisho iyo degaannada kale ee Soomaaliya qaarkood degan ay ka muujinayaan walaac maadaama ay u badan yihiin beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha oo isagu sida ay qabaan awood qabiileed weli adeegsanaya, isla markaana sida ay ku doodaan aarsi u dalbaday ciidamadaas.
  20. Ciidamdii Puntland Oo Muqdisho Gaadhay Iyo Kuwo Laga Dabulayo Bosaaso (Puntland}31.01-07 Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara badan oo lagu sheegay tiradooda inay kor u dhaafayaan Kun askari oo laga soo aruuriyey degaannada badan oo Kamid KPuntland oo Dooman Waa Weyn looga soo qaadayo dekadda Boosaaso, kuwaasoo sida la xaqiijiyey laga soo dejinayo dekadda magaalada Kismaayo. ............................................ Ciidamadaa ayaa sida warku sheegayo ka qeyb qaadanaya howlaha dowladda Soomaaliya iyo sugidda amniga guud ahaan dalka Soomaaliya, lamana oga in Kismaayo ay ka howl gelayaan iyo in Muqdisho oo amnigeedu aanu xasilooneyn ay imaanayaan, iyadoo dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda somalia ay sheegeen in amniga Muqdisho awood milateri loo adeegsanayo oo ay xal kale waayeen. Sidoo kale ciidamo aad u fara badan oo laga soo aruuriyey degaannada Gobolka Hiiraan ayaa loo soo qaaday sida la sheegay Garoonka diyaaradaha Bali-Doogle ee duleedka degmada ********* ee gobolka Shabelada hoose, kuwaasoo ku biiraya ciidamo kale oo dowladdu leedahay oo halkaasi tababar uu ugu socdo. Ciidamo kale oo laga soo ururiyay Gobolada Puntland oo safar dhinaca dhulka ah kaga yimid ayaa iyaguna Muqdisho soo gaadhay xalay, kuwaasoo shalay duleedka magaalada Jowhar mar ay soo marayeen ay koox dablay ahi isku dheceen, weerar daqiiqado socdayna uu dhex maray, kuwaasoo sida la sheegay laga dhaawacay 5 ruux, iyaguna mid ayay ka dileen baa la yidhi dablaydii weerarka ku soo qaadday. Dowladda Soomaaliya ayaa wadda olole ballaadhan oo ciidamo ay ku aruursanayso, inkastoo ciidamadaas oo u badan kuwo reer Puntland ah ay dadka Muqdisho iyo degaannada kale ee Soomaaliya qaarkood degan ay ka muujinayaan walaac maadaama ay u badan yihiin beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha oo isagu sida ay qabaan awood qabiileed weli adeegsanaya, Widhwidh Online News Media Center
  21. Tiradii ugu badnayd ee ciidamo ay leedahay dowladda federalka oo laga ururiyay degmada Afgooye oo la geeyay balli doogle si ay ugu tababar qaataan. Wararka shabakadda wararka ee carmooyin.com ay ka heleyso degmada Afgooye ayaa sheegaya indegmadaasiiyo deegaannada la xiriira laga uiruriyaytiradii ugubadnayd ee ciidamo ay leedahaydowladda federalka ,kuwaasoo la geeyay garoonka diyaaradaha ee ballidoogle siay halkaa ugu tababar qaataan. Wararka shabakadda wararka ee carmooyin.com ay ka heleyso degmada Afgooye ayaa sheegaya indegmadaasiiyo deegaannada la xiriira laga uiruriyaytiradii ugubadnayd ee ciidamo ay leedahaydowladda federalka ,kuwaasoo la geeyay garoonka diyaaradaha ee ballidoogle siay halkaa ugu tababar qaataan. Ciidamadan oo dhawaanahanba ururintooduay socotayayaa saaka la geeyay ,iyadoo ay gelbinayen masuuliyiin ka tirsanmaamulka degmada Afgooye ee dhawaan aymagacawdaydowladda federalka ee dalka Soomaaliya. Guddoomiye kuxigenka 1-aad ee maamulka degmada Xasan Axmed Xasan ayaa saaka war fidiyeenada usheegay inciidamadan laururiyay ay heli doonaan wixii xuquuq ciidanah oo ay leeyihiin,isla markaana ay qaadandoonaan tababarro siay uga mid noqdaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee loogutalagalay inamaan sugidda dalka ay ka qeybqaataan. Dhawaan ayaa maamulka degmada Afgooye waxaa uuugubaaqaydhamanba wixii maliishiyooyin ah ayiyaga iyo qoryohooduba iska diiwan geliyaanxeryo uu maamulku uga qoondeeyay degmada Afgooye iyadoo taasina ay kentayinugudambeyntii saaka inka badan 400 oo maliishiyooyin ahloo aado Xerada Balli doogle Guddoomiye ku xigaha 1-aad ee mamulka degmada Afgooye ayaa usheegaysaxaafadda in waliay ciidan ururintu si weynu soconeyso,lana filayo inmaalmaha yaree inasoo aadan boqollaal kale oociidamo ahlagubiiriyo kuwa manta la geeyay Ballidoogle. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Email Story Printable View
  22. Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo laga soo ururiyay gobolada Gedo ayaa lagu xareeyay xerada Daynuunaay Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 01/02/07 Wararka laga helayo saakay magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in ku dhowaad 500-Askari lagu xareeyay xerada Daynuunaay oo ku taala duleedka magaalada Baydhaba. Ciidamadan waxaa laga soo ururiyay degaano ka tirsan gobolka Gedo sida Baardheere, B/Xaawo, waxaana hor kacaya Col. C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda KMG ah. Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadan lagu xareeyay xerada Daynuunaay loo furayo tababar Milateri, iyadoo lagu wado in ciidamadaasi ay qeyb ka noqdaan ciidamada Qaranka. Dowladda Federaalka KMG ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay dadaal weyn ugu jirtay inay isu keento dhammaan ciidamadii Xoogga dalka lahaan jiray si ay dalka ugu xasiliso, waxaana ciidamadani ay qeyb ka yihiin kuwaas oo ku jira qerooyin dhowr ah oo ku yaala gobolada dalka.
  23. I think Somaliland wont be a major issue that will lead to war in Somalia. Its a peaceful region and one that poses no threat to the Somali government.