General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^It would be great if the international community as a whole took part..
  2. ^^^Its a fact the Sadam Hussain Al Majid, stayed in his country, fought, lost his two sons, and grandson and paid with his life. He went through the suffering of his community. Your group made allot of noise sent children to their death and then ran away to safety. IndaCade, Abu Mansuur, two head of the army ran away even before the TFG where in Bur-Hakabo I do find it amusing that you compare Somalia to Iraq, yet avoid the real comparison of the character between the fake clan courts and the real warriors in Iraq.
  3. ^^^This is some crazy thread. The brother is actually sounding like a Shia. I find their whole history strange, for example this thing about the 12 Imams, it is not universal, and they seem to think they are all descendents from them, example is all the Ayatollahs claim to be from one Imam or the other. Keep it coming we are learning a little bit about this strange sect, very strange to Somali's as we have no real community within our country.
  4. ^^^Its easy to blame others for once actions, the Ethiopians are in no position to attack the wider population, the mortar attcaks have been going on for a while and because of inexperience they seem to be falling on the civilians. Rememebr the air port atack, a civilan died, the villa Somalia attack a civilain got hurt. Thus Taliban these groups inside Mogadishu unlike the warriors in Iraq, Afghanistan are hurting the security of their own people.. Its a hall mark of the whole farce that is clan courts they ran away and now want to kill women and children..Cowards IndaCade and Mansuur are hiding out in Jedah, Sharif is in Nairobi, Cadow in Yemen and so on. But they act brave and send mortars into heavily populated areas, then their ignorant fake religious and clan centric supporters like Qadsiye claim victory and mythical capture of Americans and shooting down planes Even Sadam Hussain fought till the end, while these cowards ran away and let the school children die...
  5. ^^^Indeed, we have a government in place, it will continue to build up the national insututions, however one of its main aims is reconciliation between the masses. Thus a conference inside Somalia to address the various problems and issues inherited in the war years is important.
  6. ^^^Its better than war and mayhem, we must come to an understanding.
  7. Guddoomiyaha Baarlaanka Soomaaliyeed Sh Aaden Madoobe oo wacad ku maray inuu ka shaqayn doono arimaha dib u heshiinta Qaran Baydhabo Olol News Desk-- Gudoomiyaha cusub ee golaha baarlamaanka dawladda Soomaaliya ayaa waxa uu shaca ka qaaday in uu ka shaqaynayo arrimaha dib u heshiinta. Sh. Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo in uu door lixaad leh ka qaato dib u heshiinta dalka iyo taageerada dawladda Soomaaliya, waxana uu sheegay in uu doonayo in uu hir galiyo ka shaqaynta walaalaynta iyo nabadaynta dalka. Aadan Madoobe ayaa waxa uu ugu baqay gudoomiyihii hore ee golaha baarlamaanka dawladda Soomaaliya Shariif Xasan in uu la shaqeeyo hogaanka cusub ee golaha baarlamaanka iyo in uu ula shaqeeyo sidii ay horay ula shaqaynayeen markii uu hogaanka hayay. Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa waxa mar uu saxaafadda hadal siiyay waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo xallinta khilaafaadyada iyo kala fogaashaha dalka ka jira. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay xildhibaanada dalka ka maqan in ay dalka soo galaan oo ay ka qayb qaataan hawlaha dalka ka soconaya.
  8. ^^^You must be living in a delusional state all of your own. The untrained and ignorant clan courts millitia are raining mortars in any direction and then setting conditions for stopping it. They are scared to engage anyone and thus are killing civilians with their actions. The boasts of IndaCade, has become this Even Qadsiye.com the local mouth piece has been claiming these attacks on behalf of the clan courts. Taliban, now you compare the TFG to the US? These cowards will be finished of soon, they are just desperate ans Insha Allah will be finsihed off.
  9. ^^^Thats exactly it, we in the majority of Somalia including SOOL,SANAG & CAYN do not see you as a seperate people or nation but as part of our Somalia. We do not understand the stance you hold, thus before we get to any recognition, we must talk, openly and without conditions, so at leats we can undertsand each others position. Why are you afaraid to talk, and I mean the adminstartion?
  10. Salaad Cali Jeelle “Kooxo fulayo ah ayay ahaayeen kuwii xalay madaafiicda riday, 11 xabo oo ay rideena lama aysan helin meeshii ay la rabeen ee dad maato ayay ku laayeen” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay madaafiic xalay lagu asqeeyey xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho xilli ay sii korortay maanta qasaarihii ay geysteen madaafiicdaasi, waxaana Salaad Cali Jeelle oo ah wasiir kuxigeenka wasaarada difaaca dowladda uu sheegay in kooxahaasi ay ahaayeen kuwa fulayo ah isla markaana aysan u suuro gelin inay beegsadaan goobihii ay doonayeen inay ku ridaan madaafiicda, maadaama sida uu yiri ay baqayeen. Madaafiicdda ayuu sheegay Jeelle inay gaarayeen illaa 11 madfac isla markaana aysan dhinaca dowladda wax qasaare ah ka soo gaarin, isagoo tilmaamay in kooxahani ay yihiin in qeybo ka mid ah maxkamadihii ay dib ugu soo laabteen magaalad Muqdisho kuwaasoo uu sheegay inay ka soo carareen dagaaladii dhulalka howdka ah. “Dhinaca dowladda wax qasaare ah kama soo gaarin, balse dadkeenii rayidka ahaa ayay laayeen, nafl ey oo dhan ayayna la dagaalsan yihiin waana nafla caari, dowladduna kooxahaas argagixisada ah talaabo ayay ka qaadi doontaa” ayuu yiri Jeele oo xusay sida uu sheegay in madaafiicdaasi ay ka soo dhacayeen degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Wararkii ugu dambeeyey ee madaafiicdii xalay lagu riday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ay aad u korortay iyadoo dhimashada ay gaartay 8 ruux, halka dhaawacuna uu gaaray 24, iyadoo tirada dadkan dhaaca ahna laga helay isbitalka Madiina oo kaliya, iyadoo ay jiaraan isbaitaalo gaar loo leeyahay iyo dad ay soo gaareen dhaawacyo fudud, waxaana xusid mudan in 8 ka mid ah dhaawacyada ay ka tirsanaayeen qaxootiga Taleex kuwaasoo ay dadka degaankaasi u uruuriyeen lacago Shillin Soomaali ah oo gaaraya (Hal malyan iyo bar Sh. Somali) taasoo la doonayo in wax looga qabto daweyntooda. Garaad Salaad Xirsi
  11. ^^^Why would you not go to a peace conference? There is nothing to lose as you have said, and I belive a llot to gain. We are brothers and the same nation, should we not at least try to resolve our differences through dialogue, and come to some working arrangement?
  12. ^^^Thanks for that Thinker. As a Somali I guess youw elcome this opportunity to talk between ourselves with no outside intereferance, Puntland, Somaliland, and other stake holders of what is Somalia. Its been a long time.
  13. Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ismaaciil Max'ud Hure Buubaa ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta Somalia ay ka qeyb gali doonaan Maamulada Somaliland iyo Puntland. Buubaa ayaa hoosta ka xariiqay inaysan jirin cid aan gooni loogu diidayo inay kulankaasi kasoo qeyb galaan, isagoo ku wargaliyay Somaliland iyo Puntland inay kasoo qeyb galaan. Buubaa ayaa sheegay in cid kasta ay shirkaasi kasoo qeyb gali doonto waxa ay tabaneysana halkaasi ay kasoo jeedin doonto. "Somaliland hadii ay go'aansatay inay ka go'do Somalia inteeda kale ha timaado shirweynaha hana soo hordhigto sabaha ay Somalia ugu go'eyso" Ayuu yiri Buubaa. Buubaa ayaa ka hadlay Mas'uul ka tirsanaa Somaliland oo doonayay inuu ka qeyb galo Shir Madaxeedkii Midowga Afrika ee ka dhacay Magaalada Addis Ababa waxuuna sheegay in Africa oo dhan ay aaminsan yihiin Somalia inay ka jirto Dowlada Federaal ah oo Caalamka oo dhan ay aqoonsan yihiin. Buubaa ayaa sheegay in Maxkamadaha Mas'uuliyiinteeda ay shirkaasi kasoo qeyb galayaan ayna yihiin dadka ugu horeeya oo loo yeeray. Si kastaba ha ahaatee, hadalka Buubaa ayaa kusoo beegmay kadib markii Midowga Yurub uu DF ugu baaqay inay qabato kulan dib u heshiisiineed oo ay kasoo qeyb galayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida. warfaa kismaayopost@gmail.com
  14. Somaliland oo la shiraysa Somalia 2 Feb 2, 2007, 14:32 Buubaa: "Somaliland wey kasoo qeyb galaysaa dib u heshiisinta Qaran Somalia" Baydhabo - Ismaaciil Max'ud Hure "Buubaa" Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlada Federaalka Somalia ayaa sheegay in Jamhuuriyada la magac baxday Somaliland ay kasoo qeyb gali doonto Shirka dib u heshiisinta Qaran ee DF dhawaan ku dhawaaqday in la qaban doono. Buubaa ayaa shaaca ka qaaday Somaliland inaysan marnaba ka go'i karin Somalia inteeda kale, isla markaana loo baahan yahay inay wax la qeybsato Somalia. "Dhamaan qeybaha Soomaalida wey kasoo qeyb galayan shirkaas, Somaliland iyo Puntland waa maamulada ugu horeeya ee shirka imaan doona," ayuu yiri Buubaa. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda Maxkamadaha Islaamiga ay iyagana kamid noqon doonaan dadka kasoo qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Qaran ee dhawaan la furi doono. Buubaa ayaa ka gaabsaday inuu sheego meesha lagu qaban doono shirkaasi, balse waxuu sheegay dhawaan DF shaacin doonto halka lagu qabanayo. "Somaliland waa inay shirkaasi kasoo qeyb gashaa, mana aha baryo oo ee waa arin iyada u muhiim ah, isla markaana ay shirka ka sheegtaa waxa ay tabaneyso iyo waxa ku kalifay inay Somalia oo xiligaan nabad ah ka goosato," ayuu yiri Buubaa. Wasiirka ayaa sheegay in Kulan Madaxeedkii Midowga Afrika uu yimid Mas'uul sheeganayay inuu ka socda Somaliland balse shirka laga saaray oo Midowga Afrika ay sheegeen inaysan aqoonsaneen Somaliland oo Somalia dowlad Federaal ah ay leedahay. Midowga Yurub ayaa dhawaan dowlada Federalka Somalia ku cadaadisay inay qabato kulan lagu heshiisiinayo dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida si DF u hesho taageero rasmi ah iyo kalsooni Soomaalida dhexdooda ugu timaada.
  15. Somaliland oo la shiraysa Somalia 2 Feb 2, 2007, 14:32 Buubaa: "Somaliland wey kasoo qeyb galaysaa dib u heshiisinta Qaran Somalia" Baydhabo - Ismaaciil Max'ud Hure "Buubaa" Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlada Federaalka Somalia ayaa sheegay in Jamhuuriyada la magac baxday Somaliland ay kasoo qeyb gali doonto Shirka dib u heshiisinta Qaran ee DF dhawaan ku dhawaaqday in la qaban doono. Buubaa ayaa shaaca ka qaaday Somaliland inaysan marnaba ka go'i karin Somalia inteeda kale, isla markaana loo baahan yahay inay wax la qeybsato Somalia. "Dhamaan qeybaha Soomaalida wey kasoo qeyb galayan shirkaas, Somaliland iyo Puntland waa maamulada ugu horeeya ee shirka imaan doona," ayuu yiri Buubaa. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda Maxkamadaha Islaamiga ay iyagana kamid noqon doonaan dadka kasoo qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Qaran ee dhawaan la furi doono. Buubaa ayaa ka gaabsaday inuu sheego meesha lagu qaban doono shirkaasi, balse waxuu sheegay dhawaan DF shaacin doonto halka lagu qabanayo. "Somaliland waa inay shirkaasi kasoo qeyb gashaa, mana aha baryo oo ee waa arin iyada u muhiim ah, isla markaana ay shirka ka sheegtaa waxa ay tabaneyso iyo waxa ku kalifay inay Somalia oo xiligaan nabad ah ka goosato," ayuu yiri Buubaa. Wasiirka ayaa sheegay in Kulan Madaxeedkii Midowga Afrika uu yimid Mas'uul sheeganayay inuu ka socda Somaliland balse shirka laga saaray oo Midowga Afrika ay sheegeen inaysan aqoonsaneen Somaliland oo Somalia dowlad Federaal ah ay leedahay. Midowga Yurub ayaa dhawaan dowlada Federalka Somalia ku cadaadisay inay qabato kulan lagu heshiisiinayo dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida si DF u hesho taageero rasmi ah iyo kalsooni Soomaalida dhexdooda ugu timaada.
  16. Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ismaaciil Max'ud Hure Buubaa ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta Somalia ay ka qeyb gali doonaan Maamulada Somaliland iyo Puntland. Buubaa ayaa hoosta ka xariiqay inaysan jirin cid aan gooni loogu diidayo inay kulankaasi kasoo qeyb galaan, isagoo ku wargaliyay Somaliland iyo Puntland inay kasoo qeyb galaan. Buubaa ayaa sheegay in cid kasta ay shirkaasi kasoo qeyb gali doonto waxa ay tabaneysana halkaasi ay kasoo jeedin doonto. "Somaliland hadii ay go'aansatay inay ka go'do Somalia inteeda kale ha timaado shirweynaha hana soo hordhigto sabaha ay Somalia ugu go'eyso" Ayuu yiri Buubaa. Buubaa ayaa ka hadlay Mas'uul ka tirsanaa Somaliland oo doonayay inuu ka qeyb galo Shir Madaxeedkii Midowga Afrika ee ka dhacay Magaalada Addis Ababa waxuuna sheegay in Africa oo dhan ay aaminsan yihiin Somalia inay ka jirto Dowlada Federaal ah oo Caalamka oo dhan ay aqoonsan yihiin. Buubaa ayaa sheegay in Maxkamadaha Mas'uuliyiinteeda ay shirkaasi kasoo qeyb galayaan ayna yihiin dadka ugu horeeya oo loo yeeray. Si kastaba ha ahaatee, hadalka Buubaa ayaa kusoo beegmay kadib markii Midowga Yurub uu DF ugu baaqay inay qabato kulan dib u heshiisiineed oo ay kasoo qeyb galayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida. warfaa kismaayopost@gmail.
  17. Xisbiga Dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed oo taageeray dib u heshiisiinta uu ku baaqay Madaxweynaha iyo maamulka cusub ee Degmada Balcad Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 02/02/07 Xisbiga Dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ka hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee uu manta dalku marayo, gaar ahaan Dowladda Federaalka iyo howlgalada ay ka bilowday magaalada Muqdisho. Shirka ay yeesheen xubnaha Xisbiga Dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed ayay ka soo saareen warsaxaafadeed ka koobnaa dhowr qodob mowqifkooda ku wajahan arrimaha siyaasadda, iyagoo taageeray dib u heshiisiinta uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, hase yeeshee Xisbiga dhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed ayaa cambaareyn u jeediyay kooxaha magaalada Muqdisho ka wada falalka wax u dhimaya nabadda iyo xasiloonida, waana kan qodobada Warsaxaafadeedka Xisbiga oo aan sidiisa idinkugu soo gudbinay: 1. Waxaanu taageersanahay baaqii nabadeed ee ka soo yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, kaasoo ku saabsan sidii dib u heshiisiin looga dhex dhalin lahaa shacabka Soomaaliyeed qeybaha uu ka kooban oo ay ku jirto dhinacyada siyaasadda, taasoo fursad ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira si ay kaalin muuqata uga qaataan dib u heshiisiinta Qaran. 2. Xisbiga dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed wuxuu taageersan yahay isla markaana soo dhoweynayaa baaqii Midowga Afrika eek u wajahnaa arrimaha Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta ah inay tagaan Soomaaliya. 3. Xisbigu wuxuu sidoo kale taageerayaa maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka Sh/dhexe Degmada Jowhar iyo Degmada Balcad, waxaana ku boorineynaa maamulka cusub inay howshooda si daacadnimo ku jirto u gutaan. 4. Xisbigu wuxuu cambaareynayaa kooxaha maalmahan dambe magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka wada weerarada fulaynimada ah, kuwaasoo sida la ogyahay weeraro dhowr ah oo ay qaadeen ku guul darreystay, waxaana tacsi u direynaa ehelada dadkii ku geeriyooday falalkaasi guracan. 5. Maadaama taageerayaasha Xisbiga ay ku badan yihiin degaanada uu ka mid yahay Ceel Cirfiid, wuxuu Xisbigu ka digayaa in kooxaha falalka ka geysanaya halkaasi haddii aanay joojin taageerayaasha Xisbiga jawaab ayay ka bixin doonaa. Kulanka ay yeesheen Xisbiga Dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed waxaa ka soo qeyb galay dhammaan xubnaha uu ka kooban yahay oo ay ka mid yihiin: Maxaadey Xasan Hadaafow, Xasan Xuseen Jilibey, Shire Gaab Xuseen, Shariif Sh.Farey, Axmed Xasan Beerey iyo xubno kale oo fara badan, iyadoo warsaxaafadeedka uu soo saaray Xisbigana uu ku saxiixnaa Ku simaha Guddoomiyaha Xisbiga Md. C/raxmaan Xuseen Cabdi Kolli.
  18. Gurigii iyo Gawaaridii Gudmoomiyihii hore ee Barlamaanka oo lagu wareejiyay Posted to the MOL February 2, 2007, 5:36 am Baydhabo:- Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa Maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Gurigii iyo Gawaaridii uu horey u isticmaali jiray Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Sheekh Shariif Xasan ee isagu magan-galyo Siyaasadeed haatan ku jooga Wadanka Jabuuti. Suxufi ku sugan Magaalada Baydhabo oo aan wax ka weydiiday cadadka Gawaarida lagu wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ii xaqiijiay, in lagu wareejiyay Labo Land-Cruser ah nooca loo yaqaan (LEYLA-CALAAWI) iyo Laba gaari oo ay qoryo ku rakiban yihiin nooca loo yaqaan (CABDI-BILAHA). Maalmo ka hor inta aan la qaban doorasahada Gudoomiyanimada Baarlamaanka ayaa la sheegay in goob amaan ah la geeyay Gawaaridan, iyadoo la sugayey in lagu wareejiyo Xildhibaanka ku guuleysta doorashada, waxaana nasiib-wanaag maanta lagu wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, agabkii iyo hantidii taalay xafiisyada iyo Gurigii uu Magaalada Baydhabo ka deganaa Gudoomiyihii hore ee shaqada laga ceyriyay. Mid ka mid ah Gawaarida lagu wareejiyay Gudoomiyaha cusub ayaa la xaqiijiyay inuu yahay nooca aysan xabada karin ee loo yaqaan (BULLET PROOF). Xuseen Yaasiin Godo-Godo Tiibo_Talyaani@hotmail.com Mudugonline.com
  19. Gudoomiyihii hore ee Midawga Maxaakimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed "waa been ciidamada midowga maxaakiimtu askar maraykan ah gacanta kuma hayaan!! Gudoomiyihii hore ee Midawga Maxaakimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Maanta markii ugu horeysay la hadlay Saxaafada ayaa ku tilmaamay Been abuur in Ciidamo Maraykan ah ay Maleeshiyaadka Maxaakimiintu haystaan Gudoomiyihii hore ee Midawga Maxaakimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Maanta markii ugu horeysay la hadlay Saxaafada ayaa ku tilmaamay Been abuur in Ciidamo Maraykan ah ay Maleeshiyaadka Maxaakimiintu haystaan madaxiigolihii fulinta ee Midawga Maxaakimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Maanta markii ogu horeysay la hadlay Saxaafada ayaa ka hadlay kulamadii Qarsoodiga ahaa ee uula qaatay Sirdoonka Mareykanka iyo Safiirka Dawlada Mareykanka u fadhiya Dalka Kenya Mr Ranberg sheekha oo wareysi kooban siiyay -Tv Aljazeera ee saldhigiisau yahay Magaalada Qatar, sheekh shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu kulamo la qaatay Diplomaasiyan badan oo kala duwan oo Mareykan ah,iyagoo ka wada hadlay sidii nabad buuxdallooga abuuri lahaa Dalka Soomaaliya,lana heshiisiin lahaa Dawlada Federaalka Soomaaliyeed iyo Xubnaha qunyar socodka ee Maxaakiimta. Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa intii uu joogay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kulamo heer sare ah kula qaatay madax ka tirsan Dowladda Kenya iyo Dublamaasiyiin Reer Galbeed ah, isagoo sheegay in dhamaan kulamadaasi ay guul ku dhamaadeen uuna rajeeynayo in wax weyn ka soo bixi doonaan. Gudoomiyaha golaha fulinta maxaakiimta islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Caafimaadkiisu aaad u wanaagsan yahay uusana la kulmin wax niyad xumo ah intii uu ku sugnaa Dalka Kenya si wanaagsana losoo dhaweeyay xiriir buuxana ay wada leyehiin dhamaan madaxdii Maxkamadaha ayna ku kala sugun yihiin gudaha iyo dibada. Sh Shariif ayaa sheegay in aysan Ciidamada midawga Maxaakimta, gacanta ku heyn Askar Mareykan ah, isagoo been-abuur ku tilmaamay wararka kutira kuteenta ah oo Maalmahan lagu qorayey Shabakadaha Soomaaliyeed ee taageera Siyaasada Maxaakimta, Sheekha ayaa ka codsaday taageerayasha Maxaakiimta inaysan sabab u noqon inay afkooda iyo qalinkooda ku bur buriyaan hamigii loo abuuray Maxaakiimta, maadaama ay xaaraan tahay in Qof Muslin iyo Diin baan wataa oranaya hadana Shacabkii been ku maaweelinaya. olol news desk Email Story Printable View
  20. Somali Islamists set conditions for releasing American hostages Somaliweyn Media Center (SMC) The defeated Islamic courts in Somalia have set conditions the release of eleven American soldiers witch the said abducted in southern Somalia during US ground mission in the area. Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, the moderate leader of Somali Islamists presented the conditions during talks with US ambassador to Kenya in Nairobi, Arab diplomats said on Thursday. The main condition was said as that US to confirm it has some hostages in Somalia and their soldiers are in the hands of Somali Islamic courts, some reports said. US is yet to say soldier wre kidnapped in southern Somalia as repeatedly dismissed such speculations mainly from Arab Media. Alkhaleej, UAE daily journal, quoted some Arab diplomats also the conditions include the withdrawal of Ethiopian troops in Somalia and the transfer of Sheikh Sharif to Yemen. Earlier Washington denied a Somali Islamist Web site report that its retreating fighters had captured 10 U.S. soldiers, one of whom died of malaria. Qaadisiya.com, which has been the Islamists' official mouthpiece in recent months, also said 'mujahideen' – who retreated to the remote south after being ousted from Mogadishu – planned to parade its U.S. detainees in front of media. But a U.S. defense official, speaking on condition of anonymity, said: 'We don't have any U.S. service members that have been captured or killed in southern Somalia.' Rumors have swirled for days among Somalis that U.S. soldiers may have entered the south around the time of Washington's air strike on Jan. 8 aimed at al Qaeda suspects accused of hiding among fugitive Islamists. But there has been no independent confirmation of that, and analysts doubt Washington, which had a disastrous peacekeeping mission to the chaotic Horn of Africa nation in the early 1990s, wants to be so directly engaged again. 'It is a surprise the Americans are not admitting some of their soldiers were killed and some captured in the southern tip of Somalia where they fought with mujahideen,' said Qaadisiya.com, according to a translation from Somali. One of 10 Americans taken prisoner died of malaria, it said, due to lack of medicines as roads were blocked by Ethiopian troops on one side 'and the enemy American war planes who would shoot at anything that moves on the other side'. The other nine, being held near Ras Kamboni on the Indian Ocean coast near the Kenya border, would soon be shown to media with 'some important documents' found on them, it added. Source: SMC
  21. Kuffaarta Mareykanka oo horey u inkiri jirtay in Ciidamo looga heysto Jaziiradda R/kambooni oo baryo ugu jirta sii deynta Maxaabiistaasi. Nairobi,01,February-07 ( Qaadisiya.com) Guddoomiyaha Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo iminka kusugan Magaalada Nairobi ayaa waxaa kulamo la qaatay Mas’uuliyiin fara badan oo isugu jirta Kuffaar iyo Muslimiin. .
  22. Here is Shabbele only a day or so again lying out of their teeth.. Sheekh Shariif oo shuruud ku xirey sii deynta 11 askari oo Mareykan ah Mogadishu 01, Feb.07 ( Sh.M.Network) Gudoomiyihii Fulinta golaha maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo sii deyn lahaa askar badan oo Mareykan ah oo ay qabsadeen golihii Maxkamadaha islaamka. Sheekh Shariif iyo Michel Renerberger Sida uu soo daabacay wargeyska Alkhaleej ee ka soo baxa Imaaraadka carabta Ilo diblumaadsiyadeed lagu kalsoon yahay oo xiriir la leh Maxkamadaha islaamka ayaa maalintii shalay aheyd waxa ay u sheegeen wakaaladda wararka DPA in ka badan 4 wareeg oo wada hadal ah ay yeesheen Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah hogaanka golaha fulinta maxkamadaha iyo Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Michel Renerberger isla markaana qaabilsan arimaha Somalia, Wada hadaladaasi ayaa waxa ay ku aadanayeen ama safiirka uu kaga codsanayay Sheekh Shariif in Maxkamadaha islaamka ay sii daayaan 11 askari oo Mareykan ah oo gacanta ay ku dhigeen maxkamadaha islaamka, ka hor 3 todobaad oo dagaal dhulka ah ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ethiopia iyo ciidamada maxkamadaha islaamka. Ilahaan oo codsaday in magacooda aan la shaacin ayaa waxa ay sheegeen in sheekh Shariif uu shuruudo ku xirey sii deynta askartaasi, iyadoo shuruudahaasi ay ka mid ahaayeen in ciidamada Ethiopia ay isaga baxaan gudaha Somalia, in mareykanka uu joojiyo howlaha militari uu ka wado K/Somalia, In Sheekh Shariif laga wareejiyo dalka Kenya oo loo helo wadan kale oo amaan ah, iyadoo la filayo dalkaasi uu noqdo dalka Yemen iyo In Mareykanka uu dunida u sheego in 11 askari oo Mareykanka ah ay gacanta ugu jiraan golaha maxkamadaha islaamka. Sheekh Shariif waxa uu sheegay in qodobadaan ay suurto galineyso in laga wada hadlo sii deynta askartaasi, iyadoo Sheekh Shariif uu sheegay in nabadgalyo aanu dareemeyn inta uu ku sugan yahay dalka Kenya. Ciidamadan 11 ka ah ee Mareykanka ayaa waxaa la sheegayaa in lagu qabtey dagaal dhinaca dhulka ah oo Mareykanka iyo xoogaggii Maxkamadaha islaamka ku dhex maray K/Somalia, ka dib duqeyntii Mareykanka uu halkaasi ka geystay. Safiirka Mareykanka iyo Sheekh Shariif ayaa iyagu waxa ay kulamo dhowr ah ku qaateen magaalada Nairobi oo kuwaan ka horeeyay, hasayeeshee lama shaacin waxii ay ka wada hadleen iyo waxii ka soo baxay. Kulamo afar wareeg ah oo shalay dhacay ayaa waxaa la sheegayaa in ay saldhig u aheyd ka wada hadalka safiirka iyo Shariifka arimaha la xiriira sii deynta askartaasi. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  23. Nayroobi : Sh. Shariif oo beeniyay in ay hayaan ciidamo American ah. Jimce, February 02, 2007 Nayroobi (AllPuntland)- Gudoomiyihii golaha fulinta ee maxkamadihii magaalada Muqdisho ayaa waxa uu beeniyay in maxkamadahu ay hayaan ciidamo American ah. Sh. Shariif Sh. Axmed oo waraysigii ugu horeeyay muddo bil ah siiyay TV-ga Al jazeera isaga oo ku sugan magaalada Nayroobi ayaa waxa uu ku sheegay in aysan jirin wax ciidamo ah oo ay hayaan haraadigii maxkamadaha ee ku gabanaya Koonfurta dalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay in laga sameeyo dib u heshisiin ballaaran oo ay ka wada qayb qaadanayaan dhinacyada kala duwan iyo ururada bulshada rayidka ah ee dalka oo dhan. Waxa uu Sheekh Shariif ka hadlay wada hadaladii ay qaateen isaga iyo saraakiisha ugu sar sareysa safaaradda xukuumadda Maraykanka ee Kenya iyo madaxda Maxkamadaha, waxaana uu sheegay in ay isla qaateen in arrimaha dalka Soomaaliya wada hadallo laga galo. Waxa uu intaasi ku daray in maxkamaduhu ay diyar u yihiin in ay xukuumadda la qaataan wada hadal oo sida uu sheegay ah xalka kaliya ee nabadda dalka Soomaaliya lagu xaqiijin karo, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhowaan ayaa warbaahinta gudaha dalka iyo caalamka waxa ay shaacisay warar ku aadan in ay jiraan ciidamo gaaraya 11 askari oo American ah oo ay hayaan ciidamadii haraadiga maxkamadaha magaalada Muqdisho oo ay qabteen xilliyadii ay socdeen dagaaladii ka dhacayay Koonfurta dalka Soomaaliya. Mahad Jama Koronto AllPuntland Aljazeera TV