General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Inta Aanan La Gaarin Shirka Magaalada Waa La Nabadeyn Doonaa -------------------------------------------------------------------------------- Muqdisho(Calanka.com) 20-April-2007 Ra`iisal wasaaraha Somaliya prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta mar uu ka hadlay dagaalada goos-gooska ah ee ka socda qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ey soo afjari doonaan ka hor inta aanan la gaarin shirka dib u heshiisiinta kaasoo lagu wado in uu qabsoomo 14-juun. Mudane Geedi ayaa ka gaabsaday in uu sheego qaabka ey kusoo afjarayaan dagaalada ka socda xaafadaha qaar ayaa laga dhadhansanayay hadaladiisa in ey ku xalin doonaan dagaaladan qaab nabadeed, waxa uuna yiri "Qorshe nabadeed ayaa inoo socda, shirka ka horna waa la nabadeynayaa magaaladan", balse kama uusan bixin wax faah-faahin oo dheeraad ah dadaaladaas nabadeed. Mar wax laga weydiiyay ra`iisal wasaaraha in ey ku filantahay mudadan lagu qiyaasay labada bilood ee ka harsan shirka in ey ku nabadeyn karaan caasimadda ayaa waxa uu yiri "Waad aragtiin magaalada inteeda kale waa ey nabdoon tahay marka laga reebo labo dagmo, dowladda ayaana gacanta ku haysa sidoo kale somaliya oo dhana waa ey xasiloon tahay marka waqtiga aan haysano ee labada bilood ah wali wuu inaga badan yahay" Dagaallo goos goos ah ayaa maanta ka socday xaafadahan ey dirirtu shalay ku dhex martay ciidamada dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda, inkastoo ey maanta galinkii hore ey daganaayeen.
  2. Su'aal: Dadka deegaanku sidee ayay idiinla dhaqmeen, intii aad meesha joogteen? Jawaab: Intii hore waxa ka muuqanaysay soo dhawayn. Laakiin, markii arrintu dhacday xataa kuwii aanu lacagta siinaynay ee Tuutaha (Dirayska ciidanka) gashanaa ayaa ka soo jeestay xagii cadowga. Dabadeedna, waxaanu u aragnay inaanu goob cadow oo khatar ku ah ciidanka ku dhex-jirno. So much for all the hype, the man did the right thing by saving his boys and technicals.
  3. ^^^Horn, so your uncle Hiiraale armed forces are targeting civilians? And you are willing to attack him on his silence? Come on lad I dare ya..
  4. Muqdisho: Dawladda federaalka oo horumar ka samaysay dagaalladii ay kula jireen haraagii maxkamadaha. 21. april 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay wiiqday awooddii haraagii maxkamadaha , isla markaana kala wareegtay fariismo hor leh. Xuseen Maxamed Maxamuud oo ah afhayeenka madaxtooyada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay la wareegtay deegaannada Jamhuuriya, Ex-Kantarool iyo dhowr deegaan oo ay xabbado kasoo ridayeen. Afhayeenku wuxuu sheegay in dawladda federaalka ay dalka xasiloonidii iyo qaranimadiisii kusoo celin doonto, dadkuna ay kusoo laaban doonaan. Xilli rasmi ah ma uusan qaban afhayeenka oo dagaallada lagu soo afjarayo wuxuuse sheegay in kooxaha haaragii maxkamadaha awooddooda la wiiqay. Wuxuu gaashaanka ku dhuftay inay jiri doonto wax wada xaajood ah oo lala galayo kooxaha haraagii maxkamadaha,asagoo sheegay in dawladdu ay dhineceeda ka waddo qorshayaal kale oo nabadda Muqdisho lagu wajahayo. Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in si tartiib tartiib ah dalku uu usoo hagaagayo. C/laahi Yuusuf wuxuu sheegay in dawladdu ay waddada nabadda lagu raadinayo in badan ku taagnayd , walina ay ku taagnaan doonto. Dhinaca kale Xuseen Maxamed Caydiid oo katirsan dawladda federaalka , kuna sugan Ereteria ayaa ugu baaqay inay Itoobiya dhaqso uga baxdo Soomaaliya. CCC Farayaamo AllPuntland.
  5. Some had us belive that the natives of SSC were divided or even anti-Puntland. Sorry to disapoint you again people..
  6. audio Somali interior Minister on the fighting.
  7. Ciidamada DFS oo kaashanay ciidamada Ethopia oo la wareegay gacan ku heynta Hotel Ramadaan iyo goobo kale Muqdisho - Daqiiqada kahor ayaa waxaa u suura gashay ciidamada DFS oo kaashanay kuwa Ethopianka in ay la wareegaan gacan ku heynta fagax iyo Hotel Ramadaan ayadoo sidoo kale lagu soo waramayo ciidama Ethopian hor leh in ay soo gaareen goobaha dirurtu ay sida ba'an uga socoto source This is reported from an anti-governemnt site..
  8. R/WASAARE CALI MAX'ED GEEDI OO SHEEGAY IN DAGALADA MUQDISHO LA SII WADI DOONO. Sabati, 21, Apri. 2007 (HOL) R/Wasaaraha Dowlada Federaalka Cali Max'ed Geedi oo la hadlay Qaar ka mid qalabka Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho la sii wadi doono tan sida uu hadalka u dhigay R/iisul wasaaruhu meesha lag saarayo kooxo uu ku tilmaamy in ay ku xiran yihiin Arga-gixisada. R/iisul Wasaaraha oo ka hadlayay Qodobo dhowr ah ayaa ugu horeyn soo qaatay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay in Ciidamada Dowlada Federaalka oo garabsanaya kuwa Itoobiya guul waaweyn oo la tabaan karo ka soo hooyeen dagaalka lala galay sida uu yiri kooxaha ka soo horjeeda, waxaana uu intaa ku daran in hada la oran karo Dowalada Federaalku iyada ayaa gacanta ku heysa dhamaan Caasimada Muqdisho. Sidoo kale waxaa uu sharaxaad kooban uu ka bixiyay cida ay Isaga la tahay in uu u dhaxeeyo Dagaalka Muqdisho, waxaan uu sheegay in dagaalku yahay mid u dhaxeeya sida uu yiri Ciidamada Dowlada oo kaashanaya kuwa Xukuumada Itoobiya iyo waliba kooxo uu ku tilmaamay in xiriiir qoto dheer la leeyihiin Ururka Al-qaacida, waxaana uu intaa ku daray in hada la sii wiiqayo awooda kooxahaasi. Hadalka R/iisul wasaare Geedi oo u muuqday mid lagu soo beegay dagaalka ka socda Caasimada Muqdisho ayuu sidoo kale kaga hadlay wax uu kala socdo wada hadalo la sheegay in u socdaan sarakiisha Ciidamada Itoobiya iyo waliba Odayaal ka soo jeeda beesha ******, waxaa uu sheegay in uusan ka warqabin Odayaal ka turjumaya Magaca Beesha ******, lakiin waxaa uu yiri Idaacadaha ayaan ka Maqlayay Odayaal leh marna hishiis xabad joojin ah ayaan qaadanay marna sida uu isagu hadalka u dhigay Itoobiya dalka ha ka baxado oo ah ayuu yiri hadalo aan Micno badan laheyn. Dhanka kale waxaa uu R/iisul wasaare Geedi soo hadal qaaday dadka shacabka ah ee wali ku harsan goobaha dagaaladu ka socdaan isaga oo ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan inta ku harsan xaafadaha la bar tilmaameed sanayo ay isaga guuraan, si loo yareeyo ayuu yiri wax yeelo soo gaarta dadka rayidka ah, taasoo u muuqata in dagaalku wali halkiisii yahay siina socon doona, Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhinacyada is haya gabalku u dhacay, lagana yaabo in Dagaalku halkiisa ka sii socdo. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com
  9. Gantaalo lala dhacay qaar kamida warbaahinta guracan ee ka hawl gali jiray Muqdisho. Ciidamada Dawlada Somalia iyo kuwa ethiopia oo iskaashanaya ayaa markii ugu horaysay si toosa gantaalo dhawra ula beegsaday xarunta idaacadda & TVga Hornafric oo iyadu ah idaacad kulan satay sharka Muqdisho ka socda iyadoo maanta gantaalo lala soo beegsaday ay baabi'iyeen gabi ahaanba galabkii idaacadda iyo TVga iyadoo labo kamida Hawlwadeenadii Idaacadda Honrafrik ay ku dhaawacmeen mid kamidana wararku sheegayaan in dhaawaciisu halis yahay. DFK Somalia ayaa marar badan digniino u jeedisay Idaacadda hornafrik looguna baaqay inay joojiyaan barmaamijyada guracan ee ay dadwaynaha u tabinayaan iyadoo ay dhagaha ka furaysteen arintaas hawl wadeenada idaacadda iyo TVga. Arintan ayaa daliil cad u noqonaysa inuu dhamaaday dulqaadkii ay dawlada Somalia u samaynaysay kooxaha wax rabsha iyo warbaahinta taageerta iyadoo maanta idaacadda Shaballe shaqaalihii ay isaga kala carareen inta badana marmaamijyadii ay sii dayn jireena ay hoos udhigeen iyagoo ka cabsanaya inay maraan wadadii ay martay Hornafrik oo ay ku mataanaysnaayeen dibin daabyada dadwaynaha. Sidoo kale ciidamada Dawlada SOmalia ayaa markii ugu horaysay dagaal kafool kafoola kula jira kooxa waxrabsha iyadoo maanta si toosa faraha ay isula tageen labada dhinac walow aan lahayn warar faahfaahsan oo ku saabsan natiijada la kala gaaray iyadoo warar dhinaca dawlada ka soo baxa sheegayaan in ciidamada dawladu ay guulo waawayn ka soo hoyiyeen dagaalkii ay la galeen waxa loogu yeeray haraadigii maxkamadaha. Afhayeen u hadlay madaxtooyada somalia ayaa sheegay in ciidamada Dawladu ay gacanta ku dhigeen wadada Fagax,Jamhuuriya,Juungal iyo meelo kale oo farabadan iyadoo wali la baacsanayo haraadigii maxkamadaha. Allmudug.org news desk. (Muqdisho)
  10. Any doubts about the loyalties of the people of SSC?
  11. Su'aal: Dadka deegaanku sidee ayay idiinla dhaqmeen, intii aad meesha joogteen? Jawaab: Intii hore waxa ka muuqanaysay soo dhawayn. Laakiin, markii arrintu dhacday xataa kuwii aanu lacagta siinaynay ee Tuutaha (Dirayska ciidanka) gashanaa ayaa ka soo jeestay xagii cadowga. Dabadeedna, waxaanu u aragnay inaanu goob cadow oo khatar ku ah ciidanka ku dhex-jirno.
  12. Mr.Waqaf::: Xataa kuwii aanu lacagta siinaynay ee Tuutaha (Dirayska ciidanka) gashanaa ayaa ka soo jeestay xagii cadowga Last Updated::2007-04-20 21:51:49 Hargeysa:- Wasiirkii Gaashaandhigga xilka laga qaaday Mudane Aadan Maxamed Mire (Waqaf)ayaa waraysi dheer oo gaar ah uuna siiyay wargeyska ogaal ee ka soo baxa magaalada Hargeysa waxaa uu kaga warramayay arrimo muhiim ah oo keenay inuu si deg deg ah ciidamadisa kala soo fakado degaanka Dhahar ee gobolka Sanaag ee maamul gobaleedka Puntland Su'aal: madaxweynuhu waa kii xilka kaa qaaday, wixii uu kugu eedeeyayna waxa ka mid ahayd inaad amar diido samaysay, oo ciidankii aad meesha ka soo saartay iyadoo markii hore amar madaxweyne meesha lagu tegay, isgaadhsiintiina aad ka goosatay, markaa jaaha-wareer badan baa dadkii ku jira oo arrinkani geliyay, ee Warbixin buuxda naga sii waxa kugu kelifay arrintaa? Jawaab: Iyadoo aan aad u jeclaa inaan war-saxaafadeed-kayga hal mar soo wada saaro, haddana waxaan leeyahay arrintaa iyada ah ee isgaadhsiinta ku saabsan, xilligii dagaalku dhacayay ilamaa saacadii dambe ee aanu diga-rogashada samaynay, isgaadhsiintu way go'nayd, ma filayo in nalagu eedayn karo isgaadhsiin la'aanteed in dambi lanagu saaro. Amarada khaladka ahna, annigu amar saxa oo aan ku badbaadinayay ciidanka qaranka, Wasiiradii iyo hantidii halkaa maraysay ee Somaliland lahayd ayaanu ku guulaysanay, ciidankuna guul buu gaadhay. Waxaan markaa isu arkayaa ama aan isu wada arkaynaa cid badbaadisay ciidankii qaranka iyo qaranimadii Somaliland oo guul soo hoysay. Laakiin, ciidanka cidda dhabar-jebinta ku tilmaamtay, hawshaa iyada ahi waxay ku soo bixi doontaa war saxaafadeedkayga. Markaa marka xaqiiqada la taabto, ciddaasaa yeelanaysa oo noqonaysa cidda dhabar-jebisay Somaliland ee qaranimadeeda wax-yeeshay. Su'aal: Ma madaxweynahaad ula jeedaa markaa? Jawaab: ciddii ay doontaba ha noqoto ayaan ku idhi. Su'aal: markii uu Madaxweynuhu war-saxaafadeedkiisa soo saaray, waxa uu ku sheegay in aad isgaadhsiinta ka goosatay, isla-markaana amarkaa dib-u-gurashadana aad samaysay, oo khalad lagu sheegay aad bixisay, saw sidaa maaha? Jawaab: Xaalada meeshaa ka abuurantay oo dhawr marxaladood ahayd, ayaa keliftay in xeel-dagaal awgeed laga digo-rogto, taana, waxa ii banaynaya habka ciidanka, anigoo goobtii jooga inaan ka aag-bedelan karo markay xaaladu sidaa isu sawirto. Su'aal: Wasiirada kale miyay go'aankaa kula qaateen mise keliga ayuun baa gaadhay? Jawaab: Wasiirada waan u sheegay, waanan u soo bandhigay badankoodana waanu isla qaadanay inaanu aag-bedelasho samaynayo. Su'aal: Ujeeddada markii hore aad meesha u gasheen maxay ahayd? Jawaab: Ujeedada aanu meesha u galay waxay ahayd waajibaad kooban oo ciidanku fulinayay, tiina wuu fuliyay waanu ku guulaystay. Markaa, waajibaadkaa kooban ayuun bay ku ekayd ee may ahayn in xuduuda la tago iyo in la dago waxyaabahaasi kumay jirin meesha. Xuduudda tegideeda iyo sugitaankeedu waa istiraatijiyad ka gaara, isagayna (Madaxweynaha) ag taalaa, fulinteeduna waxay u baahan tahay qorshe sal-balaadhan oo u baahan in laga baaraan-dego istiraatijiyada lagu tegayo ee lagu difaacayo, oo aan ahayn in la geeyo ciidanka meel1000km taakulayntiisa looga diro ama laga diyaar-gareeyo. iyadoo ciidanka ka soo horjeedaa ay 32KM u jiraan taakulayntooda oo nusa-saac ay ku iman karayso. Su'aal: Isgaadhsiinta aagaasi ama gobolkaasi ma dhinaca Boosaaso ayay raacsan tahay mise Somaliland ayay raacsan tahay? Jawaab: Isgaadhsiinta aagaasi ama Ceerigaabo laga bilaabo iyo barigeeda, waa isgaadhsiin ku xidhan Boosaaso. Su'aal: Dadka deegaanku sidee ayay idiinla dhaqmeen, intii aad meesha joogteen? Jawaab: Intii hore waxa ka muuqanaysay soo dhawayn. Laakiin, markii arrintu dhacday xataa kuwii aanu lacagta siinaynay ee Tuutaha (Dirayska ciidanka) gashanaa ayaa ka soo jeestay xagii cadowga. Dabadeedna, waxaanu u aragnay inaanu goob cadow oo khatar ku ah ciidanka ku dhex-jirno. Su'aal: Waxa la sheegayaa, in Wasiirada laftooda khilaaf badani dhexdooda ka jiray, isu keenidooduna wakhti idinku qaadatay bal nooga waran arrintaa iyada? Jawaab: Meeshu, horta xaalad dagaal bay ahayd, shaki fara badanina waa jiray. Markaanu Wasiiradii isu soo ururinay waxaanu tagnay halkii xarunta ciidamadu ay joogeen, shaki ibadan baa jiray. Hase yeeshee, markii aan u soo bandhigay ee aan shiriyay, inta badan go'aankaa in aag-bedelasho la sameeyo waan isla wada qaadanay Wasiiadda. Su'aal: Warku wuxu nagu soo gadhay in ciidanka meesha aad gaysay iyadoo saad la'aani idin haysay, isgaadhsiin xumo idin haysay, duwo xumo idin haysoo aydaan dawo hayn, oo xataa askarigii dhaawaca ahaa uu dhiig-bax u dhintay markii dambe. Ma jiraan arrimahaasi? Jawaab: Taakulaynta iyo hawlahaas waxaan filayaa ciddii u xil-saarnayd baa lagula xisaabtamayaa. Balse, waa wax jira, inay jirtay dhibaatadaasi, iyadana waxaan ku soo bandhigayaa warsaxaafadeed iyadoo faahfaahsan. Su'aal: Haddaad sidaa u ogayd maxaad marka horeba u gelinaysay ciidanka? Jawaab: Arrintani, arrin kooban bay ahayd, balantu waxay ahayd inay is-daba socdaan, tiina markaa may dhicin. Su'aal: Hadda waxaad adigu isu qabtaa sow maaha nin ciidan badbaadiyay oo qarankii badbaadiyay, oo dadkii badbaadiyay? Jawaab: Haa. Kaasaan isu qabaa. Su'aal: Madaxweyne Rayaale maxaad u aragtaa markaa? Jawaab: Wallaahay dee, Madaxweynaha waxa weeyaan, waxaan u arkayay isagoon iga helin asbaabtii, muddo 24 saacadood gudahooda anigoo hawshii ku jira inu go'aan deg dega gaadhay. Go'ankaa uu gaadhayna waxaan u arkayay mid lagu deg degay. Su'aal: Laakiin, Markii hore aad halkan ka tegaysay lafteeda, waxa la sheegay inaad Madaxweynaha laftiisa isa sii khilaafteen. Taasi miyaanay jirin? Jawaab: Wallaahay, wax khilaaf ah oo naga dhexeeyay ma jirin. Laakiin, dee ra'yi waan isku qabanaynay. Waxna waan isku raacaynay waxna waan isku diidaynay. Su'aal: Taliyaha guud ee ciidanka laftiisa iskuma fiicnidin ayaa la leeyahay oo waad isku khilaafteen. Waxaana jira sida la sheegay dad badan oo lacag la iskaga qaato, oo aad adiguna soo tira koobtay islamarkaana wax ka qabashadoodii aad isku khilaafteen arrintaa ka waran? Jawaab: Wallaahay taasi waxay ahayd wax Internally (wax gudaha ah). Way socotay iyadoo aan soo af-jarmina ayaan hawshan galay. Su'aal: Wasiir duruufaha aad kaga soo saartay ciidanka Dhahar ee meesha yaalay, haddaad noo qodobayso oo aad mid-mid u kala qaado maxay yihiin? Jawaab: Meeshu waxay ahayd meel aad u fog, waxa ka d'ayay meel walba roob. Isla markaana waa dhul godana oo gawaadhidu hadday gasho aanay ka bixi karayn. Waxa kaloo jirtay mandaqada aanu joognay in aanu dadku ahayn dad la saaxiiba ama taageeraya ciidamadeena halkaa jooga. dhawaanshaha dhinaca kale taakulayntiisa iyo cadowga oo u arkayay in Wasiiradaa iyo ciidaankaa meesha la keenay inay waxyeelaan ayaa iyana meesha ku jirtay. Su'aal: Waxa la sheegayaa in tiro yar oo maleeshiyaad ahi ay idinla dagaalameen. Isla-markaana uu shaki meesha idinka soo saaray maxaad taa ka leedahay? Jawaab: Waxba kama jiraan taa . Wixii nala dagaalamay goobta ayaa lagu ogaa. Waxa lagu garan karaa baxaada dadkaasi leeyihiin, boqol way ku dhadhawaayeen inta ka dhimatay meesha. Su'aal: Hadda ciidankan aad mushaharka siin jirteen ee degaankaas ka soo jeeda, ee markii dambe xagaa ka soo jeestay, maxaa laga yeelayaa? Jawaab: Weli waa talo u taala madaxda qaranka iyo ciidanka qaranka oo aanu u gudbin doono haddii Alle yidhaahdo. Su'aal: Haddii Madaxweyne Rayaale meel kale kuu magacaabo oo aan halkan ahayn ma filaysaa inaad qabanayso? Jawaab: Maya, haba ka yaabin. Waayo, karaamo iyo sharaf ii dhimani ma jirto, annagoo waliba naloo tirinayay raggii isugu dhaw dhawaa inaanu ahayn, haddana maanta isagoo aan sugin wixii aan soo qabtay iyo warbixinteedii, ayuu idaacada ka sii daayay waan eryay. Su'aal: hada, Siduu ciidankii aad ka timi u arkaayay? Jawaab: Wallaahi ciidankii aan ka imi, waa ciidan aan aad iyo aad ugu hambalyaynayo shaqaday qabteen, balse madaxdiisii iyo taakulayntuu u baahnaa aan helin. Su'aal: Maxaad hadda, u jeedinaysaa guud ahaan ciidanka reer Somaliland ee aad markii hore Wasiirka u ahayd? Jawaab: Waxaan leeyahay ha la adkaysto, xoojiyana midnimada, qaranimada iyo nabadgelyada. Waxaanan idiin rajaynayaa inaad noqotaan ciidan sii dhisma oo difaaca jiritaanka Somaliland. C/weli Xasan Gooni HorseedNet.com
  13. The TFG is in control of the situation hence all the noises for ceasefire. Even the anti-governemnt sites have been touched, including Ayamaha, HornAfrik and so on. Hotel Ramadan has been nationalised.
  14. Indeed Farah, is truly funny, Mogadishu is unsafe for some.
  15. The broken record indeed, the golden age for soem is truly over, if there was an intentional killing of civilains let it be proven. But targeting fighters will not be stopped until the job is done.
  16. ^^^No genocide saxib, no one is attacking civilains on purpose, the civilains were given safe access out of the city, no one is hunting them down, chasing them to Afgoyee, Marka and so on. In hargaysa there were accusations of civilians being targeted, in Mogadishu we had millitia chasing people to the border. Is this happening now?
  17. Nuune, the people fled for their lives, they are not being chased all the way to Kismayu to be robbed, killed and maimed. Like in 1991.
  18. When was genocide commited dear Red? in Hargaysa 1988 in Mogadishu, Kismayu, Baidoa 1991-1999 in Mogadishu 1991-2004 inter clan fighting, Aydeed Vs Ali, Warlords Vs each other, Courts Vs Warlords in 2007 TFG vS Armed groups?
  19. When was genocide commited dear Red? in Hargaysa 1988 in Mogadishu, Kismayu, Baidoa 1991-1999 in Mogadishu 1991-2004 inter clan fighting, Aydeed Vs Ali, Warlords Vs each other, Courts Vs Warlords in 2007 TFG vS Armed groups?
  20. You came by force and it was force that made you leave. Xuddun: Mudaaharaad looga soo horjeedo Somaliland oo ka dhacay degmada Xuddun. 16. april 2007 Xuddun(AllPuntland)- Degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa waxaa ka dhacay mudaaharaad xooggan oo looga soo horjeedo fara galinta ay Somaliland ku hayso gobollada Sool iyo Sanaag. Bashiir Axmed Xayir oo kamid ah golaha deegaanka degmada Xuddun ayaa sheegay in boqolaal qof oo mudaaharaadkan kasoo qayb galay ay diidanaayeen fara galinta maamulka la baxay Somaliland ku hayo gudaha Puntland. Mudaaharaadkan waxaa goob joog u ahaa masuuliyiinta degmada iyo sidoo kale taliyeyaasha ciidamada Puntland. " Reer Sool gaar ahaan degmada Xuddun ayaa soo bandhigayay maanta carada ay ka qabaan in Somaliland isku daydo inay sheegato gobollada Sool iyo Sanaag" ayuu yiri Bashiir Axmed Xayir. Bashiir wuxuu sheegay dad isku soo baxay inay xireen nin dhallinyaro ah oo dadkad degmada ka tirsan, oo taageeray maamulka la baxay Somaliland. Xildhibaankan ka tirsan golaha deegaanka Xuddun wuxuu sheegay in dhowr xubnood oo ka tirsan dawladda la baxday Somaliland inay maalmo ka hor soo galeen Xuddun , hase ahaatee markii dadku ay ka hor yimaadeen ay isaga carareen halkaasi. Muddaaharaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamadii duullaanka soo qaaday ee Somaliland ay dib uga gurteen deegaannadii ay soo weerareen. CCC Farayaamo AllPuntland
  21. Gen. Cabdi Qaybdiid oo noqday Taliyaha Cusub ee Booliiska Soomaaliya iyo Safiiro la magacaabay Posted to the Web Apr 18, 21:00 Muqdisho:(pp) - Kulan muhiima oo ay maanta yeesheen golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Gen. Cabdi Cawaale Qaybdiid loogu magacaabay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya, jagadaas oo uu horay u hayn jiray Gen: Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali Madobe). Gen : Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali Madoobe) ayaa isna waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzaniya. Waxaa kaloo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Siiriya dowladu u magacowday afhayeenkii dawladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Nuur Diiraani. Waxaa kaloo dowladu u magacowday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ugandha Sayid Axmed Sheekh Aadan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  22. ^^^I want to visit this year but relocation will depend on a few other factors. However I do want to visit Hargaysa, Borama, Burco as well as Ceerigabo. An extended visit.